Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dib Shaqada ugu fasaxay wasiiro uu dhowaan Shaqa-joojin ku sameeyay.
Wareegto Saaka ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa dib Shaqada loogu fasaxay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo sidoo kale Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax.
Axmed Karaash ayaa Labadan Wasiir Shaqa-joojin ku sameeyay 12 July 2022 oo ku beegan maalin kadib Shaqaaqadii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee dhexmartay Ciidamada PMPF iyo PSF.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Masar, kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalkaas Abdel Fattah Al-Sisi, taas oo Xasan Shiikh soo gaartay munaasabaddii caleemo saarkiisa.
Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa dalkaas, isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka dowladda Masar ay la leedahay Soomaaliya iyo sare u qaadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed caafimaadka iyo waxbarashada.
Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 15-kii Mar 2022 ayaa safarro waxaa uu ku kala bixiyay dalalka Imaaradka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Tanzania uu kaga qeyb galay shirka dalalka ku bohoobay dalladda bulshada Bariga Afrika oo lagu wado in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto oo ay codsatay.
Madaxweyne Xasan ayaa muddadii gaabneyd uu talada haayay waxaa uu ku guuleystay inuu wanaajiyo xiriirka dowladdiisa kala dhaxeysa dowladaha Imaaaraad iyo Kenya, isaga lasoo sixiixday heshiisyo, waxaana uu horay u sheegay Xasan Shiikh in uu doonayo Soomaali heshiis ah dunidane la heshiis ah.
Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Silsilada Golis, howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashanaayay ciidanka Daraawiishta Puntland ee loo yaqaano PSF oo taageero ka helay PMPF Puntland.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa waxaa ay sheegeen inuu u jeedka howlgalkaan uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari oo kamid ah deegaannada ay sida weyn ugu xoogan yihiin xoogaga Al-shabaab marka la eego dowlad goboleedka Puntland.
Taliyaha Aaga Buuraleyda silsilada iyo Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tbaxeen, sida uuhadalka u dhigay taliyaha.
Taliyaha ayaa waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca maamulka Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen Al-Shabaabkii ku sugnaa dhulka ay gaareen ciidanka, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Muqdisho lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen, kadib markii Booliiska oo Roondo ka waday xaafado ka tirsan degmad Hilwaa ee gobolka Banaadir ay ciidanku dil u geysteen, isaga oo isku dayay inuu weeraro Ciidankaas.
Ciidanka ayaa sheegay in si kadis ay ula kulmeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar u qorsheynayay in ay ku qaadaan ciidankii ku jiran Roondada amniga lagu xaqiijinayay, dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay aaga Baar Jowhar xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir.
”Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho degmooyinka qaar ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca tooogasho ciidanku ay ku dilaan xubno ka tirsan Al-shabaab, halka dhankooda ay mararka qaar fuliyaan weerarro iyo dilal qorsheysan oo lagu xubno ka tirsan ciidanka iyo dowladda lagu bartilmaameedsado.
Golaha ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalkii u dhaxeeyay liyu Police iyo Al-shabaab, kaas oo socday muddo afar maalin ah, kadib Khamiistii uu ka qarxay xadka labada dal, golaha oo war-murtiyeed soo saaray ku sheegay in xooggagii Al-shabaabkii weeraray ay u geysteen khasaare xoogan sida lagu yiri.
Golaha ayaa sidoo kale war-murtiyeedka ku xusay in ka badan 100 ruux oo Al-shabaab ah lagu dilay dagaalkii dhacay ee u dhaxeeyay labada dhinac, kadib markii Alshabaab ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana ay maqaalkooda lagu sheegay in Shabaabku ay doonayeen in ay galaan deegaanno ka tirsan gobolka Oromada ee Itoobiya.
“Waxaa la soo afjaray kooxdii Argigixisada Al-Shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba dhammaan Argigixisadii naf la caariga aheyd” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka golaha DDS.
Marka laga soo tago sheegashada golaha ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida waxaa xusid mudan in Alshabaab ay ku baahiyeen barahooda bulshada maalintii Jimcada aheyd sawirro muujinayay guulo ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalka Itoobiya ee deegaannada Aato iyo Yeed iyagoo sheegay in lagu dilay 87 liyu Police ah.
Dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac oo ka qarxay gobolka Bokool ayaa ku fiday dhulka xuduuda labada dal, Al-shabaab ayey u suurto gashay in ay gudaha u galaan dowlad deegaanka, dagaalka ayaa dhaliyay khasaare xoogan oo gaaray labada dhinac liyu Police ayaa sheegay in Shabaabkii weerarka qaaday lagu hareereeyay deegaanka “Hulhul” oo ka tirsan gobolka Afdheer.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa codsi u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Codsi Muudey ayaa la xariira xabsiga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo Muqdisho uga xiran dowladda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2018-kii.
Muudey oo xarigga Mukhtaar Roobow aan ka hadlin intii uu ka tirsanaa madaxda ugu sareysa dalka ayaa codsigaan uga faa’iideystay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo Muqdisho uga dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Wuxuu sheegay Muudey in Mukhtaar Roobow uusan sharci ku xireyn, sidaas darteedna uu Madaxweynaha Soomaaliya ka codsanayo in wadaadkaas laga sii daayo xabsiga.
“Odaga Sheekh Mukhtaar ah waxa uu ku xiran yahay ma naqaano, umana maleynayo inuu sharci ku xiran yahay, madaxweyne masuuliyadda dalka adigaa hadda la wareegay, qofka muwaadinka ah xaq ayuu leeyahay, waana in la dhowro xaqa muwaadinka,” ayuu yiri Muudey.
Sidoo kale Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey wuxuu codsigiisa ku sii xoojiyey in Jimcaha soo socda uu madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeeyo, sidii Mukhtaar Roobow oo xor ah uu Masaajidka ugu soo dukan lahaa.
“Madaxweyne kheyr allaha ku siiyee wadaadkaas masaajidka Jimcada haku soo dukado, dadkaan u istaagay samata bixinta Koonfur Galbeed, isagaa ugu horeeya,” ayuu yiri.
Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa qeybaha dambe ee hadalkiisa ku weeraray Laftagareen, isagoo ka hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed,, wuxuuna madaxweynaha maamulkaas ugu baaqay in meesha uusan ku ceeboobin, isagoo isku dhejinaya xukunka.
“Cabdicasiis hadii uu anaga naga reebay tartankii doorashada baarlamaanka, kaligeen ma aanaa khasaarine, isna waa khasaaray, sababtoo ah waxaba kama faa’iidin dadkii uu soo saartay, marka waxaan leenahay qof cuqdad kuu qabta malahane, ha isku dhijin xukunka,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Cicely Davis waxay ka tirsan tahay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, waxaana loo arkaa haweeneyda sida weyn loolanka ugu jirta inay ku guuleysato doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka gaar ahaan kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota, waxay la tartami doontaa Ilhaan Cumar oo haatan ku fadhida kursigan kana tirsan golaha koongareeska.
Waxay qoyskeeda kasoo jeedaan deegaanka Rochester ee New York, waxay kusoo barbaartay Minnesota, waxay dooneysaa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar.
Waxay kamid aheyd dadkii ka hadlay dhibaatadii dabka ee saameeyay suuqa Waaheen ee Hargeysa isla markaana waxay ka qeybgashay munaasabad gurmad loogu fidinayay dadkii ku hanti belay suuqaas.
Cicely waxay jamaacadda shahaadada koowaad ka qaadatay Minnesota School of Business iyadoo ku takhasustay culuumta maareynta arrimaha caafimaadka.
Waxay shahaadada labaad ka qaadatay jaamacadda Liberty sanadkii 2016-kii.
Cicely Davis, waxay bilowday inay dhaqaale u raadiso ololaheeda doorashada, sida ay ku warrameyso warbaahinta Minnpost oo soo xiganeyso warbixinta guddiga doorashada.
“Cicely waxay uruursatay $2 malyan oo doolar xilli ay waddo isku dayga ay meesha uga saareyso xildhibaan Ilhaan Cumar”
Waxay sheegtay inay ka shaqeyn doonto midnimada iyo taageeridda siyaasad kasta oo waxtar u leh bulshada.
Doorashada November ka dhaceysa Mareykanka ayaa ah mid si weyn ay ugu loolamayaan xisbiyada jamhuuriga iyo dimuqraadiga.
Ilhaan Cumar waxay horraantii sanadkan sheegtay inay mar kale u tartameyso doorashada degmada shanaad ee gobolka Minnesota.
Waxaa laga dhowr sugayaa in xisbigeeda dimuqraadiga uu Ilhaan usoo xusho inay mar kale u tartanto kursigaas.
Dhaleeceyta Ilhaan Cumar
Gabadhan oo dhawaan wareysi siineysay wargeyska Daily Mail ayaa Ilhaan Cumar ku eedeysay in aysan waxbo u qaban dadkii soo doortay isla markaana aysan kasoo bixin shaqadeeda.
Waxay intaa ku dartay in Ilhaan Cumar ay u ololaneyso sidii ay caan ku noqon laheyd baddalkii ay horumarka ka shaqeyn laheyd.
Cicely Davis ayaa ka hadleysay kadib markii ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.
Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.”Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar .
Ilhan Cumar ayaa dib loogu soo doortay Koongareeska iyadoo ku soo baxday doorashadii Mareykanka ka dhacday 2020-ka ee degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.
Dhengad baan kaga soo saarayna….. Maxamed Kaahin+Ina Rayaale Dhegahiisu wanaag & Nabad maqli waaye waxaa muhiim ah in wixii dhegihiisu maqli karaan la sameeyo…. Muuse Biixi Cabdi
Daahir Rayaale Kaahin 23-kii February, 1997dii shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isna Daahir Rayaale Kaahin loogu doortay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 3-May 2002-dii ayaa loo doortay Madaxweynaha Somaliland kadib markii uu Madaxweynihii JSL Alle hawnaxariiste uu ku geeriyooday Waddanka Koonfur Afrika. Sannad gudihii ayuu ku qabtay doorashadii Ururada iyo dawlaha hoose oo ahayd midii ugu horraysay ee Somaliland ka dhacda, Lixbilood oo kaliya isagoo Xilka haya ayuu qabtay doorashada December 2002-dii.Haddana doorashadii Madaxweynaha ayuu qabtay saddex bilood oo kaliya kadib.
April 2003- ayuu qabtay doorashadii Madaxweynaha oo ay ku tartameen saddexdii Xisbi ee UCID, UDUB iyo Kulmiye, waanu ku guulaystay. Muddo kordhin loo soo bandhigay marku xilka qabtay ayuu diiday waxaanu si layaab leh u qabtay 9-bilood gudahood laba doorasho oo waa wayn. Markale isagoo xilka haya muddo ka yar saddex sanno wxuu September 2005 qabtay doorashadii Golaha Wakiilada oo ahayd tii ugu horraysay ee Waddanka Somaliland ka dhacda intii ay xorriyadeeda la soo noqotay. In kasta oo uu Mucaarid xoogan la kulmay, wuxuu aha Madaxweyne degan oo dulqaad badan. Weedhaha kakan ee xagga dhaliisha iyo weerarka loo adeegsaday ee aan wali ilaa hadda Madaxweyne kale lagu odhan waxaa kamid ahaa.
“Daahir Rayaale wuxuu ahaa guddoomiyihii guddida nabadgelyada ee Berbera oo 500, oo Ruux lagu xasuuqay ee ku jira hay’addaha xuquuqda aadamaha.” Muuuse Biixi Cabdi.
“Maxamed Rayaale waxaan leeyahay”. Madaxweyne Axmed Siilaanyo maruu inkiraayay magaca Daahir xili uu shirjaraaid iyo eedayn u jeedinaayay.
“Hadaan lays yeel yeelayn way cadahay in Ninkaas isaga ah (Madaxweyne Rayaale) uu leeyahay halkan aan fadhiyo kama ogoli in cidina igulahadasho oo aan tallo la wadaago”. Muuse Biixi Cabdi .
ku wareejiyay si nabad ah, wuxuuna wareejiyay Dad mid ah iyo Waddan mid ah sannadkii 2010-kii isagoo ku wareejiyay Xukuumaddii Kulmiye, 3-jeer in ka badan ayuu tanaasulay, doorashadii shirgudoonka Wakiilda ee 2005, Guurti uu hoggaaminayay Alle hawnaxariiste Xaji Cabdi Waraabe ayaa ka garnaqay waanu aqblay go’aankii Odayaasha iyo wax garadka, Doorashadii Madaxweynaha ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ku noqday oo uu ogalaaday in laga soo hormariyo doorashadii degaanka, isagoo aqblay in doorashadii degaanka iyo ururada oo ka soo horraysay ta Madaxtooyada dib loo dhigo lana soo hormariyo ta danbaysa ee Madaxtooyada, markii ay Xisbigiisu qadaceen guushi Kulmiye ee doorashadii 26-June 2010-kii, gaar ahaan Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB iyo Alle hawnaxariiste Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hinde) oo sheegay in aan laga guulaysan, waxa markiiba hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo sheegay in isaga iyo Xisbigiisa laga guulaystay. . Maanta wuxuu jooga Somaliland markaad eegto siday wax u socdaan hoggaamintii Daahir Rayaale Kaahin maxaad ku tilmaami lahayd??.
Maamulka Sare ee Bankiga dowladda Puntland ayaa maanta hortagaya Baarlamanka oo weli ku jira La-xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Guddoomiyaha Bankiga dowladda Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Siciid Hoggaamo Agaasimaha guud ee Bankiga Maxamed Faarax Maxamuud iyo Agaasime ku xigeenka Anisa Cabdiraxmaan Shaxbal ayaa lagu wadaa in ay hortagaan Baarlamanka.
Maamulka Sare ee Bankiga dowladda ayaa warbixin siin doona Golaha Wakiilada waxaana intaas kadib Xildhibaannadu su’aalo ka weydiin doonaan Shaqada Bankiga iyo dhaliilaha ka jira.
Amsterdam (Caasimada Online) – Xaflad lagu maamusayay magacaabista R/wasaaraha Xukuumadda Fededaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Netherland ayaa lagu qabtay Magaalada Denhaag.
Xafladdan, oo aheyd mid aysan u kala harin guud ahaan Jaaliyadaha Soomaalida, waxaa ka soo qeybgalay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyayaashii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare & Xuseen Khadiib, Guddoomiyaha xilligan ee dalladda Maxamed Askari, madax ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida, aqoonyahanno, fannaaniin & marti sharaf ka socotay hormuud-ka bulshada Soomaalida.
Guddigii xafladda soo qabanqaabiyay oo ay horkacayeen Guddoomiyihii hore dalladda FSAN Xuseen Khadiib & aqoonyahan Liibaan Honest ayaa abaalmarin sharfeed guddoonsiiyeen Dr. Cali Waare oo dalladda FSAN madax ka ahaa muddo 8 sanno, si weynna loogu ammaanay muddadii uu xilkaasi hayay inuu taariikhda baal-dahab ah kaga galay is-garab taaga dadka Soomaalida ah ee u baahan in la caawiyo.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub & Benelux ayaa lagu sharfay in Cali Waare uu guddoonsiiyo abaalmarintaas.
Cali Waare oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo & duco u diray Raysul Wasaare Xamza.
“Raysul Wasaare, dadka Soomaaliyeed ee Holland way ku soo dhoweynayaan, way kuu duceynayaan, wayna kuu hanweyn yihiin, waxaan rajeyneynaa adiga, Madaxweynahaaga & Dowladaada in si daacad ah aad dalka & dadka ugu shaqeysaan, kana shaqeysaan wixii ummadda Soomaaliyeed danteeda ah, kana fogaada wax kasta oo keeni kara khilaaf, dadka Soomaaliyeed aad ayeey u daalan yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna intaasi raaciyay in ummadda u hamuun u qabaan Dowlad ka shaqeysa danaha dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo guddiga abaabulka ka tirsanaa ayaa isagoo ku hadlayay magaca dalladda FSAN ku tilmaamay xaflada in ay tahay astaan muujineysa midnimada & Soomaali-jacaylka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NL caanka ku yihiin.
“Walaalayaal, Soomaaliya ayaa ina sugeysa, waddan kasta marka ay dhibaato ka dhacdo dadkiisa ayaa u kaca, Soomaalidu waa in ay gacmaha is qabsataa oo Dowladeeda taageertaa, Madaxweynaha & R/wasaaraha waxaan u rajeynayaa in ay noqdaan kuwa Soomaaliya gaarsiiya meeqaamkii ay mudneyd” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in dalladda FSAN ee uu ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka in ay diyaar u tahay in ay wada-shaqeyn la yeelato dhammaan dadka Soomaalida ah.
“Waxaa ina deeqa inaan ku midowno calankaas” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.
Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, oo madasha ka hadlay wuxuu ku ammaanay Madaxweynaha Xassan xulshada R/wasaare waxtar leh, aad na ula socday marxaladihii dalku soo maray.
“R/wasaare Xamza wuxuu ogaa mar un markeey doontaba ILLAAHEEY ha ka dhigee inuu waddanka dib u dhiskiisa ka qeybqaadan doono, siyaasad ahaan diyaar bay u ahaayeen inuu hogaankiisa qeyb ka noqdo taasna ILLAAHEEY ma seejin” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in R/wasaare Xamza aanu siyaasada dusha sare ka soo gelin ee uu muddo ku soo jiray, una diyaarsanaa goor ay ahaataba inuu hogaanka dalka kaalin muhiim ah ku yeelan doono.
“Soomaaliya waa in ay u baxsataa dadkeena qurba-joogta ah, maadaama dalkeenu ay abaari ba’ani ka jirto, waxaana innagu waajib ah inaan kor u qaado dalabkii Madaxweynaha & R/wasaaraha ee ahaa inaan abaaraha u gurmano” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka dhiman weyday qurba-joogta oo kaalin weyn kaga jira horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka, isaga oo ku booriyay qurba joogta in ay u sara-kaceen in ay garab & gaashaan u noqdaan dowladooda.
Xafladdan ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso waddani u badan, waxaana wacdaro ka dhigay fannaaniin ay ka mid ahaayeen Jaangow, C/xakiin Fara-yare, Cabdi Baadil, Weeroow & fanaaniin kale. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan
Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Israa’iil iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horraysay iska kaashanaya sidii ay awood muuqata ugu yeelan lahaayeen qaaradda Afrika.
Wargeys ka soo baxa Israa’iil ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in iskaashigaan cusub uu ku saabsan yahay arrimaha dhaqaalaha sida horumarinta beeraha, Biyaha iyo Isgaarsiinta casriga.
Heshiiskaan oo ay saxiixeen wasaaradaha arrimaha dibadda labada dhinac ayaa wuxuu dhisayaa isku xir mideysan oo shirkadaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay Afrika uga fulinayaan mashaariic loo marayo wadamada qaaradda.
Wargeyska Israa’iil Human ayaa warbixinta uu soo daabacay ku sheegay in heshiiskaan cusub uu muujinayo heerka uu gaaray xiriirka labada dhinac u dhaxeeya tan iyo markii ay qaar kamid ah dowladaha Carabta bilaabeen in ay caadiyeeyaan xiriirkooda Israa’iil.
Tan iyo heshiiskii Abraham ee 2020, ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo UAE ayaa kor u kacay 438%, isagoo gaaray 3.7 bilyan sheqel (in ka badan $1 bilyan) 2021.
Mashaariicda ganacsiga iyo dhaqaalaha ayaa si weyn u fidi doona sanadaha soo socda marka la fiiriyo heshiiskii ganacsiga xorta ah oo ay kala saxiixdeen bishii May.
“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkay kor u kac weyn oo xagga ganacsiga labada dhinac ah, iskaashiga ganacsi ee noocan oo kale ah wuxuu xoojiyaa xiriirka ka dhexeeya dhaqaalaha wuxuuna ku darayaa cabbir qoto dheer dhammaan xiriirka labada dal,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yael Ravia-Zadok.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Si fiican ayey Imaaraadka u og yihiin shirkadaha Israel ee hogaaminaya mashaariicda Afrika, waxaana halkan ka jira awood dhaqaale oo weyn. Waxa kale oo muhiim ah in si wadajir ah loola tacaalo caqabadaha caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay isbeddelka cimilada iyo saameynta ay ku leedahay bariga dhexe iyo Afrika”.
Hindisaha hadda socda wuxuu ugu baaqayaa shirkadaha Israel iyo UAE inay codsadaan xog uruurin wadajir ah iyada oo ujeedadu tahay in la abuuro fursado labada dhinac ah si loo sahamiyo loona horumariyo mashaariicda Afrika. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Jerusalem iyo Abu Dhabi ayaa markaas ka caawin doona shirkadaha la macaamilka dowladaha kala duwan ee qaaradda.
Sida laga soo xigtay Ravia-Zadok, dadka Afrika oo hadda ah 1.3 bilyan oo qof ayaa la filayaa inay sanadka 2050 gaaraan 2.5 bilyan, taasoo la micno ah in qaaradda ay hoy u noqon doonto qiyaastii 25% dadka adduunka.
Sida uu qabo bangiga horumarinta Afrika, qaaraddu waxay u baahan tahay maalgashi u dhexeeya $130 bilyan ilaa 170 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wadamada maalgashiga sameenayo u fududaanayo inay helaan saami yar oo laga helayo faa’ido weyn.
Jigjiga (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in lasoo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.
War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeedkoodu ahaa in ay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeero Shane.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-Shabaab ah la dilay intii uu socday howgalka, inkasta oo aan taas si madax-banaan loo xaqiijin karin.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:
Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.
Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.
Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.
Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.
Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida , oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.
Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ee ka Ganacsada Qaadka Miiraa ee Kenya laga keeno ayaa maanta shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Haween oo mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in xubnahaan ka tirsan dowladda ay doonayaan in qaadka la keenayo Soomaaliya ay saartaan kiiladii $5 dollar, iyagoo ku cataabay in taas aysan qaada karin.
Ubax Sangaabo oo ka mid ahaa haweenkii sida adag uga hadlay arrintaan ayaa farriin u dirtay madaxda dalka, gaar ahaan madaxweynaha oo sida ay sheegtay xubnahaan siyaasiyiinta ah ay aad ugu dhowyihiin.
“Qowleysato Dowladda iyo anaga noo dhaxeysa oo waliba ah wasiirradii iyo xildhibaannadii annaga na matalayay ah ayaa rabta in ay lacag ribo ah na saartaan, Xasan Sheekhow yaan dhiiqo lugaha laguu galinin,” ayey tiri Ubax Sangaabo.
Waxay sheegtay in 30-kii sano ee Soomaaliya ay burburka ku jirtay ay hooyooyinka Soomaaliya qaadka ka deberayeen nolosha qoysaskooda, sidoo kalena ay heystaan shatiga ganacsi ee dowladda, canshuurtana ay bixiyaan.
“Dowladu ayadaa shatiga noo jartay, nagu og inaan qaadka ka ganacsano, naguna canshuurta, mudadii uu qaadka Kenya hakadka ku jiray canshuur ayaa ku socotay shatigeena, balse hadda markii la yiri qaadka dib haloo furo waxaa soo baxday qowleysato noo dhaxeysa anaga iyo dowladda,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Ubax Sangaabo.
Sidoo kale Maamo Istaahil Abshir oo ayaduna hadashay ayaa tiri, “Rag ka tirsan dowladda ayaa raba in lacag badan ay na dulsaartaan, Jaadka namana qabato in dad gaar ah loo xiro sidii dowladdii tan ka horeysay, waxaan ka codsaneynaa dowladda inay deg deg wax uga qabato cabashadeenna, 3 sano oo aanaa shaqeysan canshuur ayaan bixineynay.”
Ilo wareedyo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdu ay isla meel dhigeen in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu codsado 10 maalmood oo dheeraad ah.
Kulankaan ayaa caawa ka dhacay Villa Somalia, waxaana la isla gargay in fursada uu dalbaday la siiyo Ra’iisul Wasaaraha.
Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku Xamza la qaateen qorshihiisa mudo dheereysiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhameystay 30-kii cisho ee xukuumad lagu soo dhisi jiray, waxayna xogtaan sheegeysaa in 10 cisho oo hadda kadib ah aan lasoo saari doonin liiska golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.
Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.
Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay soo afjartay dagaalkii ay Al-shaabab ku soo qaaday deegaano ka tirsan maamulkaas.
War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri “Waxaa la laayay dhammaan kooxdii Al-shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga Aato ee soo gashay Gobalka Afdheer, kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga Hulhul”.
Dawlada Deegaanka Soomaalida waxay tilmaantay in kooxda Al-shabaab ujeedkoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya, iyagoo raba in ay sii maraan Degmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda Shane.
DDS waxay sheegtay in Al-shabaab dagaalkaas looga dilay in ka badan 100 xubnood, lagana gubay 13 baabuur oo ay wateen, sidoo kale la qabtay dhamaan hub, isgaadhsiin iyo alagabkii ay wateen.
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada DDS, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo aagaga lagu dagaalamay.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay Isbahaysiga laga magac baxay samatabixinta Koonfur Galbeed, kadib markii ay kulan isugu yimaadeen siyaasiyiinta, waxgaradka, dhallinyarada kasoo jeeda maamulkaas, isbahaysigaan ayaa waxaa uu yahay mid looga soo horjeedo madaxweynaha talada haya Cabdicasiis Xasan( Laftagareen).
Isbahaysigaan aya waxaa ku jira mas’uuliyiin mug ku leh saaxada siyaasadda Soomaaliya iyo bulshada ku abtursata KGS, waxaana ku jira guddoomihii hore ee golaha shacabka Baarlamaankii 10-aad ee dalka Professor Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, guddoomiye ku-xigeenkii golaha shacabka C/wali Muudey iyo madaxweynihii hore GKS Shariif Xasan Shiikh Aadn.
Isbahaysigaan ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka madaxweyne Laftagareen uu ku egyahay sanadkaan 2022,iyadoo ay jirto inuu madaxweynaha dhankiisa uu sheegay in muddo xileedkiisa uu ku egyahay sanadka dambe ee 23-ka, laftagareen ayaa xigaan waxaa uu wajahayaa xasarad siyaasadeed oo kaga imaanaysa siyaasiyiinta deegaankiisa oo uu iska fogeeyay.
Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay la daalo dhacayaan abaaro, colaado iyo go’doon ay Alshabaab ay galiyeen deegaanno badan oo dhaca gobollada Baay iyo Bokool, waxaana madaxweyne Cabdicasiis uu ku guuldareystay xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed oo gobolka Bokool laga gooyay ganacsiga, Al-shabaab ayaa dhowr jeer gubay ganacsiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa horay u sheegay in maamullada looga baahan yahay in ay la fariistaan siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragti duwan oo ay dhagaystaan fakarkooda, waxaana uu qiray in taas keeni doonto in bulshada deegaanka siyaasiyiinta iyo waxgaradku ay jeclaadaan hoggaanka jooga maamul goboleedka xiligaa jira.
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee ka socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa Jimcihii shalay lagu go’aamiyey in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsiga ay Soomaaliya u gudbisay dalladaas oo ay dooneyso in ay ku biirto.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey, muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ururkaas iyo rajada ay qabto, kadib ka qeyb galkii shir madaxeedka dalalkaas ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in safarkaas uu daba socday marti qaad uu madaxweynuhu ka helay madaxda ku mideysan daladdaas, isla markaana ay Soomaaliya fursad u heshay inay dib u soo cusbooneysiiso, codsi ay daladdaas u dirsatay sanadkii 2012-kii.
“Daladaas waxaa ku mideysan todobo dal, Soomaaliya waxay ka faa’iideysaa waxyaabo badan, sida in badeecada Muqdisho laga dejiyo ay gaari doonto dal kasta oo xubin ka ah daladaas, iyadoo aan laga qaadin canshuur kale,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay fursad u heli doonto suuq lagu mideysan yahay, “Soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ahaan dalkeenna ayey wax ka tareysaa hadaan wadamadaas ka mid noqono,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya oo weli soo ka basho ku jirta ay hadda xiriir ganacsi oo baaxad leh uu kala dhaxeeyo Kenya iyo Tanzania oo ka mid ah wadamada ugu muhiimsan daladda bulshada bariga Afrika.
Wuxuu sheegay afhayeenku in codsigii hore ee Soomaaliya uu hakad galay kadib markii uu Xasan Sheekh Xafiiska ka tegay sanadkii 2017-kii, xiligaas wixii ka dambeeyana waxaa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la laheyd qaar ka mid ah wadamada ururkaas.
Madaxda wadamada ku bahoobay daladdaas ayaa Jimcihii go’aamiyey in Soomaaliya loo soo diro guddi, si loo sii amba qaado qiimeynta codsiga Soomaaliya, waxayna arrintaan qaada karta muddo sanad ama laba sanadood ah.
Wasuiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa maanta wareegto kasoo baxday ku magacaabay mas’uul ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, wasiirka ayaa wareegtadiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degamada oo loo magacaabay Cabdikaafi Shire Colaad, inuu noqdo.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu xoghayaha degmada umagacaabay Cawil Nuur Yuusuf, maamulka Hirshabeelle ayaa dhowaan maamul cusub u magacaabay degmada Matabaan oo xariirisa gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana marar badan degmada soo galay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Wasiirka ayaa qoraalka kasoo baxay waxaa mas’uuliyiinta la magacaabay lagu faray in howshooda ay u gudaataan si hufan, iyadoo hey’adaha kale duwan ee gobolka iyo degmada ay si dhow ula shaqeeyaan mas’uuliyiinta maanta uu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee Baarlamaanka 11aad, waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha aqalka sare Senator Abdi Hashi Abdullahi.
Ajandaha kulanku wuxuu ahaa qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare kalfadhiyada koowaad iyo labaad, Sidoo kale Guddiga joogtada wuxuu dood ka yeeshay habka loo wajahayo Hindise-Sharciyeeydyada ay soo ansixiyeen.
Golaha ayaa waxaa horyaalla hindiseyaal ay soo gudbiyeen golaha shacabaka Baarlamaankii 10-aad, kuwaas oo weli aan Baarlamaankii hore uusan uu meel mariyay, laakiin aan aqalka sare aan soo marin, guddiga ayaa ka shiray sida loo wajihi.
Isbaheysigaan waxaa ku mideysan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.
Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horay siyaasiyiintaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana reebay tartankii doorashada baarlamaanka.
Arrinta ugu weyn ee muranku ka taagan yahay waa muddo xileedka Madaxweyne Laftagareen goorta uu ku egyahay, wuxuuna jaha wareerkaan ka soo bilowday mudo kordhin ay kol hore uu baarlamaanka maamulkaas u sameeyey madaxweynaha.
Siyaasiyiinta ku mideysan isbaheysigaan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in caqabado maamul oo aad u adag ay ka jiraan Koonfur Galbeed, isla markaan ay qasab tahay in deg deg looga tashado aayaha deegaanada maamulkaas.
Iyagoo mid mid ula hadalay warbaahinta ay is dul taageen duurufaha maamul ee ka jira Koonfur Galbeed, waxayna aad u dhaliileen habdhaqanka Madaxweyne Laftagareen oo sida ay sheegeen caburin ku haya bulshada ku nool deegaanada maamulkiisa.
Amni darro, maamul xumo, hormar la’aan iyo caqabado kale oo ay soo tiriyeen ayey sheegeen in Laftagareen uu reer Koonfur Galbeed ugu daray mudo kororsi, waxayna wacad ku mareen in taas aysan ka aqabali doonin.
Istanbul (Caasimada Online) – In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga.
Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika:
1. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan.
2. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan.
3. In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr hogaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay.
4. In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba.
5. Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil.
Fahad Yasin, Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Wasiiro ka tirsan Puntland oo dib Shaqada loogu celiyay kadib markii dhowaan Shaqa-joojin lagu sameeyay
in News - Wararka
Posted
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dib Shaqada ugu fasaxay wasiiro uu dhowaan Shaqa-joojin ku sameeyay.
Wareegto Saaka ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa dib Shaqada loogu fasaxay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo sidoo kale Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax.
Axmed Karaash ayaa Labadan Wasiir Shaqa-joojin ku sameeyay 12 July 2022 oo ku beegan maalin kadib Shaqaaqadii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee dhexmartay Ciidamada PMPF iyo PSF.
PUNTLAND POST
The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo dib Shaqada loogu celiyay kadib markii dhowaan Shaqa-joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.