Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ku sheegay in xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda Somaliland. 

    Injineer Faysal ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen guddi ka kooban ganacsatada Somaliland oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan. 

    “Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri guddoomiyaha UCID.

    Xisbiga Waddani oo marar badan sheegay in aanu aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaan dhankiisa weli ka hadlin talooyinka guddiga ganacsatada ah ay ka soo jeediyiin xallinta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Somaliland. 

    Mudaharaad ay xisbiyada mucaaradka uga soo horjeedaan xukuumadda oo magaalooyin kamid ah Somaliland ka dhacay 11-kii bishan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi. 

    Khilaafka Somaliland

    Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in Somaliland ay ka dhacdo doorasho lagu kala saarayo ururada siyaasadda ee dhawaan is diiwaangeliyay, kadibna kuwa soo baxa ay galaan doorashada madaxtinnimada ee loo asteeyay bartamaha November ee sanadkan.

    Mucaaradka ayaa arrinkaa diiddan, waxaana ay doonayaan in marka hore ay dhacdo doorashada madaxtooyada, iyagoo ku doodaya in aanu jirin sharci nidaaminaya furidda ururada iyo doorashadooda.

    Dedaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland oo xal loogu raadinayay khilaafkan ayaa guuldarro ku dhammaaday. Lama oga sida ay dhinacyada u aqbali doonaan soo jeedinta guddiga ay ku jiraan ganacsatada ugu caansan Somaliland.

    Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya Somaliland, ayaa xukuumadda iyo mucaaradkaba ugu baaqay inay dejiyaan xaaladda, kadib dibedbaxyadii khasaaraha dhaliyay ee 11-kii bishan ka dhacay magaalooyin ay kamid tahay Hargeysa.

    Taariikhda Xeerka Ururada

    Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.

    Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

    Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.

    Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.

    Tobanka sanadood ee ruqsadooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022. 

    Isha: BBC SOMALI

    The post Mucaaradka Somaliland qaarkood ‘oo ogolaaday’ muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.


  2. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in laga gudbo qodobada adag ee caqabadda ku noqday wada-hadalka Puntland iyo Villa Somalia uga socda Garoowe loona dib dhigo shirar danbe.

    Balse Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa diiddan tallaabadan waxaana uu rabaa in hadda laga hadlo dhammaan arrimaha ka dhexeeya labada dhinac kadibna is-faham laga gaaro.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale doonaya in la soo saaro war-saxaafadeed guud oo ku saabsan qodobadii labada dhinac ka wada-hadleen si aysan u burburin wada-hadallada.

    Wararkii u danbeeyay waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda aanu jirin heshiis guud oo laga gaaray wada-hadalka socda.

    Waxaase la soo weriyay in qodobada qaarkood ay labada dhinac isu soo dhowaansho ka muujiyeen oo meel laga sii wadi karo joogaan.

    PUNTLAND POST

    The post Wararkii u danbeeyay wada-hadalka Siciid Deni iyo Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.


  3.  

    Ethiopia entered a power purchase agreement to export electricity to Kenya for 25 years. The agreement which is signed between Ethiopia and Kenya will be implemented in three phases.

    eeu logo1

    During the first phase of the agreement, Ethiopia will export 65MW of electricity during off-peak hours and 200MW of electricity during peak hours. The second phase of the agreement will see the sale of 150MW of electricity during off-peak hours and 400MW during peak hours while in the third phase of the agreement, 400MW of electricity will be exported to Kenya at all hours.

    The sale of electricity is expected to be launched in November 2022. The price of 1KW is agreed to be USD 6.5 cents per hour.

    Ethiopia has already signed memorandum of understandings with Somaliland, Tanzania, and South Sudan to supply electricity.

    Source: Fana BC

    Qaran News


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan geerida gabar dhallinyaro Soomaaliya ah oo sidoo kale haysatay dhalashada dalka Norway,  taasi oo ku dgeeriyootay magaalada Muqisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Gabadhan oo lagu magacaabay Kamac Ducaale ayaa meydkeeda la helay, balse weli ma cadda cidda dishay iyo sababta loo dilay.

    Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa sheegtay in baarista kiiskaan uu ku jiro gacanta booliska, sidaas darteed dadka laga rabo inay joojiyaan wararka ay ku faafinayaan baraha bulshada.

    Taliyaha ayaa sheegtay in wararka la faafinayo ay lumin karaan macluumaadka saxda ah ee la xiriira kiiskaan.

    Warka kasoo baxay taliyaha ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway ay sheegtay inay la socoto in muwaadin kasoo jeedo wadankeeda uu ku dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

    Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay waqti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.

    Sidoo kale, Norway ayaa ehellada marxuumadda ugu baaqday inay la xiriiraan safaaradda ay ku leedahay dalka Kenya, si ay u helaan macluumaadka ku saabsan gabadhooda.

    Geerida gabadhaan ayaa waxaa maalmo ka hor lagu faafiyey baraha bulshada, waxayna warar aan la xaqiijin sheegayaan inay u geeriyootay daryeel xumo caafimaad kadib markii ehelkeeda ay geliyeen xabsi guri.

    Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Zakiya.

    Wargelin;

    Baarista kiiska marxuumad Kama Ducaale waxuu ku jiraa gacanta boliiska. Fadlan joojiya postiyada kala duwan oo kiiska ku saabsan madaamo saameyn lid ah ku yeelan karo baarista sidoo kalena lumin kara maclumaadka saxda ah ee kiiska.

    Dhammanteen waxaan dooneynaa Kama inay cadaalad hesho madaamo ahayd gabar Soomaliyeed, lkn dhiigeeda haka dhiganina wax “like/share/followers” lagu raadsado.

    Hadii aad heysid maclumaad sax ah fadlan igala soo xiriira dhanka messenger-ka.

    Mahad badan,

    The post Booliska oo war kasoo saaray kiiska Kamac Ducaale – Gabadha ka timid Nairobi ee lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  5. Washington (Caasimada Online) – Weerarkii yaabka lahaa ee FBI-da ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee gobalka Florida, waxaa uu ka dhashay dib-u-eegis lagu sameeyay sanaadiiq 15 gaaraya oo ay ku jiraan dukumentiyo xasaasi ah. 

    Waxaa ku jira macluumaad iyo xog sir ah oo ay kamid yihiin shaqsiyaad ilaha sirdoonka katirsan. 

    FBI-da, oo adeegsaneysa waraaqaha sharciga ee loogu qiil dayey weerarkii 8-dii Ogosto ee Mar-a-Lago oo ah halkii uu Donald Trump ka dhigtay madaxtooyadiisa muddadii uu xukunka hayay, ayaa sheegtay inay baaris ku sameynayso sababta loo qaaday iyo habraacii loo maray keydinta aan habboonayn ee macluumaadka sirta ah iyo ‘qarinta sharci-darrada ah ee diiwaannada dawladda.’ Redact

    Dokumentiyasa FBI-da oo si weyn loo soo koobay ayaa Jimcihii lasii daayay kadib amar uu bixiyey garsoore ku sugan gobolka Florida.

    Weerarka aan caadiga ah ee guriga madaxweynihii hore lagu qaaday ayaa huriyey dab siyaasadeed oo ka taagan Maraykanka ayada oo si weyn loogu kala qeybsamay.

    Donald Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana darsaya inuu tartan kale u galo Aqalka Cad sannadka 2024-ka, ayaa Waaxda Cadaaladda oo hoos tagta Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inay sameysay ‘ugaarsi indha-sarcaad ah.’ Wuxuuna yiri; “xaakinku waxay ahayd inuusan weligiis oggolaan in gurigayga lasoo galo.”

    Sida ku cad dokumentiga, FBI-da waxay furtay baaritaanka kadib markii Maamulka Kaydka iyo Diiwaanka Qaranka (NARA) uu ogaaday bishii Janayao 2022 15 sanduuq oo diiwaanno ah oo si khaldan looga saaray Aqalka Cad loona qaaday Mar-a-Lago.

    FBI-da waxay sheegtay in xogta difaaca qaranka ee xasaasiga ah ay kamid tahay diiwaanka la helay oo ay ku jiraan 67 dukuminti oo lagu calaamadeeyay qarsoodi; waxaa kale oo lifaaqu caddaynaya 92 dukumenti oo sir ah iyo 25 kale oo ah sir culculus. 

    Dukumentiyada waxaa kamid ahaa xog sirdoon oo laga helay shaqsiyaad qarsoodi ah, oo ay ka mid yihiin basaasiin ama ‘ilbaadayaal’ iyo xog-bixiyayaal. Xogahan ayaa kamid sirta dowladda ee sida adag loo ilaaliyo. 

    “Diiwaanada aadka sirta u ahaa waa la fura, waxaa lagu dhex daray diiwaanno kale oo si aan habbooneyn loo meeleeyey,” sida lagu sheegay warqadda FBI-da. Dukumentiyada qaar ayaa sidoo kale ku jiray kuwo laga dheehan karay qoraallada farta Donald Trump.” 

    Bishii Juun, sida ku cad qoraalka FBI-da, Waaxda Caddaaladdu waxay ku wargelisay qareenka Donald Trump inaan loo idmin inuu Mar-a-Lago ku kaydiyo xogo gaar ah. 

    Markii ay weerareen dhismaha Trump ee Palm Beach laba bilood kadib, wakiillada FBI-du waxay qabteen dukumentiyo kale oo lagu calaamadiyay xarfaha – ‘sirta sare,’ sir iyo mid lagu kalsoonaan karo.

    Warqad uu 25-ka bishii March, 2022 u diray Waaxda Caddaaladda oo ay weheliso dhaar, qareenka Trump ayaa sheegay in xogaha gaarka ay yihiin kuwo si ogaal la’aantooda ah loogu daray sanduuqyada. 

    Qareennada dowladda ayaa kasoo horjeestay sii deynta warqadda FBI-da, hayeeshe garsooraha ayaa amar ku bixiyay in la shaaciyo. Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo baaritaanka socda ee ku lugta leh amniga qaranka inaan warqadda la baahin.

    Soo koobista dokumentiga 38-ka bog ka kooban waxaa kamid ahaa, tusaale ahaan, meesha laga saaray magacyada wax ay Waaxda Caddaaladdu ku sheegtay inay ahaayeen ‘tiro muhiim ah oo markhaatiyo rayid ah’.

    “Haddii aqoonsiga markhaatiga lasoo bandhigo, waxaa loo geysan karaa waxyeello ay kamid yihiin aargoosi, caga-jugleyn, ama handadaad, iyo xataa khataro loo geysto badbaadadooda jireed,” ayay tiri Waaxda Cadaaladda.

    Amarka baaritaanka, oo uu si shaqsi ah u ansixiyay Xeer Ilaaliyaha Guud, Merrick Garland, ayaa u fasaxday FBI-da inay baarto “xafiiska 45” – oo tixraac u ah xafiiskii u gaarka ahaa Madaxweynihii 45-aad ee ku yiilay Mar-a-Lago – iyo qolalkiisa kaydka.

    Waxay sheegtay in baaritaanku uu la xiriiro ‘si bareer ah u haynta macluumaadka difaaca qaranka,’ oo ah dembi marka loo eego sharciga basaasnimada, iyo suurtagalnimada is-hortaag ka dhan baaritaan federaal.

    Marka laga soo tago baaritaannada New York ee ku saabsan hab-dhaqankiisa ganacsi, Trump waxa uu wajahayaa baaritaan sharci oo ku saabsan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii November 2020, iyo weerarkii Janaayo 6, 2021 ay taageerayaashiisu ku qaadeen Aqalka Capitol ee Congress-ka Mareykanka.

    Trump ayaa mar labaad oo taariikhi ah waxaa xilka ka xayuubin ku sameeyay Aqalka Congress-ka kadib rabshadihii Capitol. Waxaana lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon — balse aqalka senate-ka ayaa wax dambi ah ku waayay.

    The post Sirtii lagu soo helay weerarkii ay FBI-da ku qaaday guriga Trump oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.


  6. Waxaa maanta magaalada Tunis  ee caasimadda dalka Tunisia ka furmay shirka caalamiga ah Tokyo ee Horumarinta Afrika,  kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga  ka dhaxeeya dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.
    Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale khudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.
    Wafdiga Soomaalida ah ee gaaray dalkaas  ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD)  ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana lagu wadaa in lasoo  gabagabeeyo maalinta barri ah oo khaariikhdu tahay  28-ka August, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr, oo quseeya Afrika.

    Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, safarka ra’iisulwasaaraha ayaa ah kii ugu horeysay oo dalka uu kaga ambabaxo tan iyo markii lasoo magacaabay.

    302155385_422619173300568_89190606936523
    301819855_422468913315594_41063956206091
    301986267_422468843315601_20181211096433
    301840751_422469879982164_49365426027059
    +10
    301784443_422468819982270_53613307891927
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. that the port will attract 500,000 TEU (unit of cargo capacity) per year, about one third of the capacity of neighbouring Doraleh port in Djibouti. This would allow Somaliland to become a logistical hub on the Gulf of Aden competing with other ports in the region such as Djibouti, Mogadishu and Mombasa.

    The cranes are crucial for the speedy handling of cargo required in a modern port. The staff training, however, takes place in a port that is yet to get busy. So far, container ships arrive only infrequently.

    We have been studying the Horn of Africa’s emerging port infrastructures. The boost that the revamped Berbera port needs is for Ethiopia to come to the party. Ethiopia has been landlocked since Eritrea gained independence in 1993, and relies on the port of Djibouti – 95% of its trade goes through the port.

    In 2017, a concession agreement was signed between DP World, Ethiopia, and the government of Somaliland to rebuild and modernise the port of Berbera. The 30-year concession involves: a commercial port, a free zone, a corridor from Berbera to Ethiopia’s borders, and an airport in Berbera.

    The concession allowed Somaliland’s government to retain 30% of the shares in the port, 19% for Ethiopia, and 51% for DP World. But in June 2022, Somaliland announced that Ethiopia had failed to acquire its 19% share of Berbera port. Ethiopia failed to meet the conditions.

    Somalilanders remain optimistic, nonetheless. The infrastructure project means a great deal to the country. It promises to foster its ambition to receive international recognition, achieve economic development, and fulfil hopes for improved living conditions of its citizens.

    The context

    DP World’s expansion in the Red Sea and the Gulf of Aden is taking place in the context of turbulent political transformations in the Horn of Africa.

    Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed came to power in 2018 on the back of popular protests and awakened hopes of a democratic transition in the country. He ended the two-decades-long rivalry between Ethiopia and Eritrea, which brought him the Nobel Peace Prize. With a population of more than 100 million and one of the fastest growing economies in Africa, Ethiopia’s transition brought prospects of developments across the Horn of Africa.

    DP World’s will to expand its operations in the region coincided with conflicts between DP World and Djibouti. In 2006, DP World had signed a 30-year concession to design, build, and operate the Doraleh container terminal in Djibouti. Growing tensions led the government of Djibouti to cancel DP World’s concession in 2018.

    DP World shifted its interest from the port in Djibouti to Berbera in Somaliland and Bosaso in Somalia (Puntland). In 2017, a concession agreement was signed between DP World, Ethiopia, and the government of Somaliland to rebuild and modernise the port of Berbera. The projects covered by the 30-year concession included a commercial port, a free zone, a corridor from Berbera to Ethiopia’s borders, and an airport.

    These projects are steadily progressing. Berbera port has already completed its first expansion phase. The DP World-owned free zone is under construction. Large parts of the Berbera corridor, a highway linking Berbera to Toqwajale at the Ethiopian-Somaliland border; and from there to Jigjiga and Addis in Ethiopia are finalised. According to Somaliland officials, the airport is also completed, but its original designation as a military outlet for the UAE remains ambiguous.

    What next?

    The infrastructure project means a great deal to Somaliland, promising to put the country on the path to international recognition and achieve economic development. However, these aspirations will not materialise without Ethiopia on board, which has not met the conditions under which it was to get a 19% share of the Berbera port. In addition it has not yet opened its markets to Somaliland traders.

    Somalilanders remain optimistic, nonetheless, expecting that especially trade from eastern parts of Ethiopia will redirected to Somaliland. But this plan is not without risks. The pandemic and war in Tigray has slowed down Ethiopia’s economic growth, and the stability of the country is on the brink.

    While DP World’s strategy to control ports along the Red Sea and the Gulf of Aden is already transforming the political geography of the Horn of Africa, the success of its strategy largely hinges upon Ethiopia, and so do the hopes and aspirations of Ethiopia’s coastal neighbours.

    Everybody, so it seems, is currently waiting for Ethiopia.

    *This article is republished from The Conversation under a Creative Commons license. Read the original article.

    Top Stories

    Qaran News


  8. Inkastoo kulamadii u danbeeyay ee Garoowe uga socday Siciid Deni iyo Xasan Sheekh aysan cidna ku wehelin, islamarkaana aysan wax horumar ah ka samayn.

    Haddana waxa labada dhinac doonayaan in la ballaariyo kulmada oo lagu soo daro mas’uuliyiin ka socda labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Puntland.

    Madaxweyne Siciid Deni ayaa go’aamiyay in kulamada oo socda ay ku weheliyaan saddex wasiir oo uu aad ugu kalsoon yahay, si aysan u bixin xogta wixii lagu wada-hadlo.

    Saddexda wasiir ayaa kala ah; Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirka Tamarta Caarshe Siciid Aw Muuse.

    Siciid Deni iyo saddexdan wasiir ayaa sida la xaqiijiyay kulan gaar ah yeeshay, ka hor inta aysan bilaaban kulamada danbe ee dhexmari doona labada dhinac.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo xushay saddex wasiir oo ku wehelin doona kulamada Puntland iyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.


  9. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inay halkaas ka socdaan kulamo xasaasi ah uu dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

    Kulamada oo ah mid albaabada u xiran yihiin islamarkaana socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, ayaa waxaa naga soo gaaray xog ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha looga hadlay.

    Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in kulanka ay qeyb ka noqdaan wafdigii la socday madaxweynaha, wuxuuna taas badalkeeda dalbaday inuu kulanka ahaado mid labadooda u gaar ah.

    Madaxweyne Deni ayaa xataa diiday inuu kulanka qeyb ka noqdo wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo deegaan ahaan Puntland kasoo jeedo, balse ay horey ugu loolameen siyaasadda xisbiyada Puntland.

    Sidoo kale, xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh oo wax kama jiraan kasoo qaado dhammaan xeerarkii ay horey u ansixisay dowladda hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida xeerka batroolka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay codsiga Saciid Deni ee ah inuu kulanka noqdo mid labadooda u gaar ah balse illaa hadda lama oga go’aanka uu ka qaatay arrinta la xiriirta in meesha laga saaro xeerarkii ay ansixisay dowladdii hore.

    Safarka madaxweynaha oo qorshu ahaa inuu Maanta soo gabagaboo ayaa waxaa laga yaabaa inuu qaato waqti dheeri ah maadaama ay wada-hadalada noqdeen kuwa adag.

    Dhanka kale, xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu diiday in madaxweyne Xasan Sheikh uu  kulmo bulshada rayidka.

    The post Deni oo laba shardi oo adag hor dhigay Xasan Sheekh iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.


  10. History repeats itself ( Xukunkii Dharkayn Dalaaq).

    caraale-293x300.jpg

    Markay Muuse Biixi iyo askarta saldhig yadda jooga ee ururiyey Hablahan ay isku xaafad ( Reer Samater) waa dhaqan soo jireen ah in xaawalay isku hayb ah hal mar xukun ciqaabeed ayna mutaysan oo adduunyo ku lug leh lagu wada qaado.
    Hore waxaa u dhacday in 50 hablood oo isku hayb ah ( Ciidagale) in Gudoomiyihii Beesha reer Samater gudoonshay in goob lagu wada furo sabab tuna ahayd in ay xili abaar baahsani dhacday in hablahaasi reerahoodii xoolo ka soo waayeen. Waxaa la sheegay in hal nin diiday go’aankaa, 49 na qaateen kuna fureen geedka loo bixiyey Dharkayn Dalaaq oo ku yaal meel Salaxley Koonfur ka xigta ilaa 30 mayl oo xadka ka koraysa.
    Ceebta goobta ka raacday beeshaasi way iska guurtay oo Calaydh bay degtay.
    Maanta oo Muuse Biixi Somaliland iyo reerkii reer Samater ba xukumo ciidan beeleed garana samaystay horena Sarkaal u adeega gabadh fagaare ugu ugu durduriyey, waxaa maanta uu go’ aamiyey sidii dharkayn Dalaaq in 22 hablood oo mid keliyihi ka hayb duwan tahay ciqaab wadareed lagu qaado oo jeelka Gabiiley uu ku xareysto.
    Hablahaa Muuse Biixi halkii Dharkeen Dalaaq buu mariyey hal marna isku xidhay hablaha as sooca ah sabab la xidhiidha cadho xukun jacayl ka kacday.
    Haddayna sidaas ahayn Muuse Biixi reer Samater ha qabto!

    Waxa Qoray:-

    Mohamoud AW Hassan Arrale
    May be an image of text

    Qaran News


  11. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa aqbalay tallooyinkii ay soo jeediyeen guddida Ganacsatada ee ku taliyay in laysa saaro labada Doorasho ee madaxtooyada iyo Ururrada.

    Ganacsatada ayaa soo jeediyay in maadama waxa la isku hayo ay yihiin arrimo sharci ay tahay in la isku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo tan ururada siyaasadda

    Guddoomiyaha xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay tallaabadan u qaadaan danta dalka.

    Waddani iyo xukuumadda ayaan iyagu weli shaacin go’aankooda., Halkan hoose ka DAAWO

    Source


  12. Garsooraha Maxkamada degmada Manhattan ee Maraykanka ayaa diiday codsi ka yimid ehelada dadkii ku dhintay weeraradii 11 September 2001, in lagu wareejiyo 10 Bilyan oo dollar oo ah Hantidii Bangiga Dhexe ee Afgaanistaan u taalla Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka.

    Ehelada qoysaskan ayaa ku doodaya in kooxda Taliban oo hadda la wareegtay dowlada Afgaanistaan ay ahayd middii gabaadka siisay kooxdii geysatay weeraradii 9/11 ee Al Qacida.

    Lacagtan ayaa $7 Bilyan oo kamid ah ku xanibantahay bangiyada laga leeyahay wadanka Maraykanka.

    Dalalka reer Galbeedka oo uu Maraykanka ku jiro ayaa xayiraad saaray hantidii Bangiga dhexe ee Afgaanistaan u taallay dibadda, kadib markii ay kooxda Taliban markale la wareegtay awooda dalkaasi sannadkii hore ee 2021.

    Garsooraha Maxkamada Manhattan ee magaalada New York, Judge Sarah Netburn ayaa sheegtay in Hantida Qaranka Afgaanistaan haddii lagu wareejiyo ehelada dacwada soo gudbiyey in go’aankaas uu noqonayo mid si dadban u aqoonsanaya dowlada Talibanka.

    Dowladaha reer galbeedka ayaa diiday in Taliban ay u aqoonsadaan dowladda sharciga ah ee Afgaanistaan, waxaana lacagtaasi ay noqotay mid mugdi ku jirta. Aqoonsi la’aanta dawladda Taliban waxa ay wiiqaysaa lahaanshaha hantida bangiga dhexe ee la xayiray.

    Source


  13. Wefdi ka socda Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

    Wefdiga oo ka imaanaya Muqdisho ayaa Garoowe u imaanaya in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

    Wararku waxay sheegayaan in dhammaan kulamadii ay yeesheen Siciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud aysan wax horu-socod ah ka samayn, islamarkaana wakhti dheeriya lagu daray mudada Madaxweyne Xasan Sheekh joogayo Garoowe, si loo xalliyo is-marin waaga taagan.

    Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la arag tan iyo markii uu Garoowe yimid ayaa lagu wadaa in Caawa loo sameeyo Kulan Casho ah xilli aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay wada-hadalkii u socday labada dhinac.

    PUNTLAND POST

    The post Muxuu yahay wefdiga u imaanaya dhex-dhexaadinta Siciid Deni iyo Xasan Sheekh? appeared first on Puntland Post.


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidleyda ka shaqeeya dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan askarta dowlada Soomaaliya ee ku sugan caasimada.

    Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

    Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddada Fintu una October, halkaas oo ay ka dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.

    Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

    “Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana la rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.

    Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

    “Laga soo bilaabo Taleex, illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

    Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, xilliyada ay marayaan waddooyinka waa weyn ee ku dhex-yaalla gudaha caasimada.

    The post Daawo: Dadweyne careysan oo maanta xirtay waddo ku taalla Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  15. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Jimcihii ku boorriyay Maxkamada Sare ee dalka inay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga, kaas oo kasoo horjeesto natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto.

    Odinga, oo ah hogaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad Maxkamadda Sare, isaga oo kasoo horjeeda natiijada codbixintii guusha uu gaaray Ruto.

    Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba — wuxuuna sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

    Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

    Warqad dhaar ah oo loo gudbiyay maxkamadda, ayuu Ruto ku sheegay in Odinga uu taariikh u leeyahay “khilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka kadib guuldarro”.

    Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore inuu isku dayay “in uu helo fursad kale oo doorasho oo maxkamaddu go’aamiso.”

    Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa Sebtembar shanteeda go’aan ka gaari doona murankan, waxaana haddii ay amraan in la buriyo natiijadii lagu dhaawaqay ay noqoneysaa in doorasho cusub lagu qabto 60 maalmood gudahood.

    VOA + AFP

    The post Ruto oo dalab u gudbiyey Maxkamadda Sare Kenya appeared first on Caasimada Online.


  16. Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Carruurta UNICEF, ayaa si adag u cambaareysay weerarka duqaynta ah ee lala beegsaday xannaano ku taalla gobalka Tigrayga.

    Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa duqaynta xannaanada ku dhintay oo ay ku jiraan laba carruur ah, waxaana ka dhashay qasaaro burbur hantiyadeed ah.

    Duqaynta ka dhacday magaalada Mekele ee gobalka Tigrayga ah ayaa ku soo adeyso maalma kadib markii uu dib u qarxay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo ciidamada dowladda.

    “UNICEF waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka cirka ah…(kaas) oo lagu weeraray xannaano, oo ay ku dhinteen dhawr carruur ah, qaar kalena ku dhaawacmeen,” ayay agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ku tiri farriin ay soo dhigtay Twitter-ka.

    TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in duqaynta ay oo ka dhacday xaafado kala duwan ay ku dhinteen dad fara badan, waxaana ay sheegeen in ay bilabayaan iska caabin ka dhan ah dowladda.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com