-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dillaacay koox qowlaysato ah oo dhacaya waalidiinta ardayda sannadkan u fadhiisatay imtixaanki kama dambaysta ee dugsiyada sare ee sanadkan.
Kooxdan oo iska dhigaysa inay maamulaan Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo wacaya waalidiinta ardayda iyagoo ugu bishaaraynaya inay u hayaan ardayga ay waalidka u yihiin waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah.
Kooxdan oo magaca ardayga iyo waalidka haysta ayaa teleofonka waalidka ugu sheegayo inay yimaadeen xarumo aanay lahayn Jaamacadaha si ay u buuxiyaan shuruudaha aqbalida jaamacada, islamarkaana soo qaataan ID-ga uu ardayga imtixaanka ku fariistay iyo lacag dhan 35 dollar oo lagu diiwaan geliyo ardayga.
Hooyo Xaawo Shariif Nuur oo dhashay Maxamed Deeq Cabdisalaan Maxamuud kana mid ah ardayda sugeysa jawaabta natiijada imtixaanka dugsiga sare ayey kooxdaan taleefanka ka waceen, waxayna ku wargelliyeen in wiilkeeda uu ku guuleystay Jaamacad bilaash ah maadaama bey yiraahdeen uu ka mid noqday ardayda gudubtay.
Hase ahaatee Hooyo Xaawo Shariif ayaa ku wargelisay kooxda soo wacday ee qowlaysatada ah in weli aan lasoo saarin natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare, sidaasi darteedna uu galay shaki markii ay la xiriirtay dad badan.
Hooyo Xaawo ayaa ah qofkii seddexaad ee Caasimada Online la kulantay oo kooxdaasi waalidiinta dhaca u geysanaya.
Waxay Kooxdan burcada bilaaben dhaca dadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka sannadka 2021-2022.
Arrintan oo la yaab ku naqatay waalidka ayaan wax wara aanay ka hayn Wasaaradda Waxbarshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Caasimada Online waxay ardayda iyo waalidiinta ugu digeysaa kooxdaan cusub ee ka dilaacay magaalada Muqdisho inaysan ku kadsoomin, kuna wargeliyaan goobaha waxbarashada iyo hay’addaha amniga.
By: Ali Muhiyaddiin
Caasimada OnlineThe post Xog: Koox qowlaysato ah oo si xirfadeysan u dhacaaya waalidiinta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.Kulanka ayaa kasoo qeyb galay waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.Munaasabadda waxaa sidoo kale, ka qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirro, Duqa magaalada Muqdisho, Agaasimiyaal, Odayaasha Dhaqanka, Haween, dhallinyarro iyo qeybaha kale ee bulshada.Goobjoog News -
Xarunta Xaquuqal iinsaanka Madaxa banaan ee Somaliland ayaa Cambaaraysay Sidii Xukuumada Somaliland ula Dhaqantay dadkii banaan-Bax Salmiga sameynayey 11|8|2022.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweenayay xukuumadda cusub oo ay soo qaban-qaabisay beesha Mudulood ayaa ka hadlay Abaaraha iyo Amniga guud ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horeyntii qiray in amniga halkii la rabay uusan gaarsiisaneen xiligaan la joogo, isagoo tilmaamay muhiimadda uu amniga u leeyahay bulshada.
“Intaan oo dhan haddii aan dhaho xagee dagan tihiin? jidka wadnaha wixii xaggaa ka ah in yar baa laga yaabaa inay gacanta taagato. Ummad dhan ma waxa ay dowlad ku noqotay Maka Al-mukaram, hadda garoonkii baa la dhex-galay oo waxa aan ka cabsanayaa in Hoteelo aan ka dhisanno,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga la’aantiisa aan waxba la qaban karin, maadama Mashruucyada dalka laga fulinayo ay qaarkooda u joogsadeen amni xumo, isaga oo tusaale u soo qaatay dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad oo u joogsaday Amni xumo.
“Illaa la gaaro in ay Gabdhaha Soomaaliyeed cadawga guryahooda ka saaraan, nabad la heli maayo. Cadowga xaqiiqiga ah guryaha ayuu ku jira ee guryaha ka soo saara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u direy haweenka.
Xamza ayaa uga mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho sida ay isaga qabteen Ciyaal Weerada oo caasimadda ka sii dabar go’aya, isaga oo ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga.
Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay abaarha ka jira dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay marka hore inay toobad keenaan, si uu Alle ugu dul qaado Abaarta ka jirta guud ahaan dalka.
“Illaahey waxa uu innoo sheegaya haddii aan toobad keenno, in Abaartu ay harreyso uu Roob imaanayo oo la dhergayo lana Barwaaqoobayo, sidaas darteed wuxu ma adka ee waa wax toobad ku xiran, marka aan toobad keenno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka loogu jiro u gurmashada dadka ay Abaartu saameysay, kuwaas oo lagu qiyaasay in ay gaarayaan hal miyan oo qof.
“Halka milyan waan quudin karnaa, uma baahna in ay gacmo dadka kale hororsadaan aan u gurmanno, oo waxa aan heesano aan wax ka siinno. Waa in Dhalinyarrada iyo Haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka qaataan dadaalka loogu jiro gurmadka Abaaraha.”
Ugu dambeyntiina wuxuu farriin u diray Qurbajoogta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka, isaga oo sheegay in Qurbajoogta ay caado u lahaayeen u gurmashada dadkooda Soomaaliyeed ee ku nool dalka.
The post Laba arrin oo Xamza uu ka sheegy kulankii ay beesha Mudulood qabteen + Video appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex DR Cali Suudi Diiriye oo hoggaaminayay wafti balaadhan oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Mawliid Cabdi Muuse iyo Guddoomiyaha Guddida Xidhiidhka ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax, ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib safar shaqo oo laba maalmood ay ku joogeen magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Waftiga ayaa muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta Bahda Garsoorka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS Cali Baaruud, Wasiirka Xeer ilaalinta Guud ee Cadaaladda DDS Axmed Xaaji Samatar, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka Faafan Cabdicasiis Axmed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee Shareecada DDS Sheekh Axmed Haadi, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Madaxa Bannaan Maxamuud Maxamed Ciise, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Bahda Garsoorka Dawladda Deegaanka Soomaalida.
Kulankan oo daba socday mid hore ay magaaladda Hargeysa ugu yimaadeen qaar kamid ah masuuliyiinta bahda Garsoorka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku qotomay is-barasho iyo khibrad is-waydaarsi la xidhiidha sidii loo abuuri lahaa xidhiidh wanaagsan oo taabanaya wada shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha u soo kala gudba ee la xidhiidha Garsoorka, iyadoo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka la ixtiraamayo.
Wa bilaahi tawfiiq.
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay eedeymo culus oo dhawaan u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi, oo isugu ku sheegay “lugooyada xisbiga Waddani”.
Guddoomiye Xirsi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Muuse Biixi, xili laga sugayay inuu ka garaabo dhibaatadii amarkiisa lagu fuliyay, sida uu sheegay.
“Madaxweynaha waxa dadka ka filayeen in wixii dhib uu geystay ee amarkiisa ku baxay uu damaanadeeda tuurta ku qaado oo arrinta taagan xalkeeda ku dhawaaqo laakiinse waxa uu ku dhawaaqay xiqdi ku jiray iyo cudur ku hila oo Xirsi la yidhaahdo,” ayuu yiri Guddoomiye Xirsi.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa kusii daray “Hadalka aad Waddani ka hadashay haddii lex-jeclo ka tahay kusoo biir Waddani waa kugu soo dhaweynayna. Waddani astaantaas ayuu leeyahay waa lagu soo kala horeeyay lama kala laha waa sida ay xisbiyadu yihiin.”
Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu lumiyay haybadii xisbul xaakimka Kulmiye, oo ay ka huleeleen siyaasiyiin badan oo miisaan lahaa, kuwaasi oo qeyb ka ah ururada cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay gudaha Somaliland.
“Ma adiga ka hadlaya xisbi iyo dimuquraadiyad, weligaaba laguma dooran. Iga qabta, ii xidha iyo iga reeba ayey aheyd xalkaagu. Xilkii madaxweynaha wuu ka dhamaaday Muusow waxaa nahay labo guddoomiye oo siman, kursiga madaxweynahana dadka ula siman tahay ee doorasho hada galayso soo diyaar garow.”
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan si la yaab leh uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.
Muuse Biixi ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay ka leexdeen wadadii wada-hadalka, isaga oo guddoomiyaha xisbiga Waddani ku tilmaamay mid lugeynayo xisbiga, islamarkaana iska indho-tirayo sharciga.
Si kastaba, Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.
Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaaraha ka dhashay rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.
The post Daawo: XIRSI oo ka jawaabay arrintii uu ku eedeeyey Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
-
Xarunta xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku cambaareysay falalkii ka dhacay magaalooyinka Somaliland maalinimadii Khamiista, xilli uu socday bannaanbax ay dhigayeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda talada hayso uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta ayaa waxaa lagu xusay in ay aad u cambaareynayaan tallaabadii xukuumaddu ku amartay ciidanku in ay hor istaagaan bannaanbaxa oo ay dadku ku muujinayeen doorashada, waxaana dhacday in shacabka iyo ciidanku isku dhacaan, taas oo dhalisay geerida sedex ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 27 kale oo shacabka ah.
Xaruntu waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in isku soo baxa uu yahay dastuuri sida ku cad qodobka (32)-aad ee dastuurka Somaliland” Muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay, inuu abaabulo, kana qeyb qaato, kulan ama bannaanbax nabadeed oo xeerka waafaqsan”sida lagu yiri qeyb kamid ah warsaxaafadeedka kasoo baxay xarunta xuquuql insaanka.
Waxaa gabagabadii warsaxaafadeedka xukuumadda talada heysa loogu baaqay in ay la xisaabtamaan ciddii ka dambaysay dilkii iyo dhaawicii loo geystay dadkii isku soo baxay, waxaana kale oo loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyo badan loo sii daayo dadka loo xiray siyaasadda si loo ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyay ayaa lagu xusay warsaxaaadeedka.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dil iyo dhaawacyo loo geystay madaharaadayaal ku bannaanbaxayay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka Booliiska iyo mudaharaadayaasha, taas oo sababtay geerida sedex ruux iyo dhaawaca 27 kale.
Goobjoog News
-
NAIROBI, Aug 14 (Reuters) - Kenya's Deputy President William Ruto has edged ahead in a tight presidential race, according to official results reported by Kenyan media on Sunday, as more riot police were deployed inside the national election tallying centre after scuffles and accusations by party agents.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay aas qaran oo Garoowe loogu sameeyay Xildhibaan hore Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud.
Aaska qaran waxaa Madaxweynaha Puntland kala qeybgalay, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yuusuf Jibriil, guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame, goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada, ehelka marxuumka, culimada iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland ayaa uga tacsiyadeyey bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.
Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo loo garan-ogaa Baduugaaye wuxuu xilal kasoo qabtay dowladihii soo maray Puntland, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday taliyaha ciidanka booliska, wasiir ku-xigeenka amniga iyo xildhibaan.
PUNTLAND POST
The post Marxuum Gen. Baduugaaye oo aas qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar u magacaabay Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada dalka oo lagu daabay Barta Twitter-ka.
“Madaxweynaha ayaa u magacaabay Dr. Cabdisalaan Hadliyeh Cumar, Ergayga gaarka ah ee madaxweynah ururka Bulshada Bariga Afrika, (EAC), Cabdisalaan ayaa Soomaaliya kasoo noqday wasiirkii hore arrimaha dibadda, guddoomiyihii hore ee Bank dhexe iyo xilal kale” ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud oo shirka ururka kaga qeyb galay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursado badan uga bannaan tahay, waxaana uu ka dalbaday dalalka ku jira in ay Soomaaliya ka gacansiiyaan sidii ay ugu biiri laheyd.
Ururkaan ayaa waxaa ku jira 7 wadan oo ku yalla Bariga Afrika, waxaana dhowaan la filayaa in Soomaaliya ay noqoto dalka 8-aad ee qeybta ka noqda, Tanzania, Kenya, Uganda, Burundi, Ruwanda South Sudan iyo Congo, waa wadamada ku jira dalladda bulshada bariga Afrika.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horeysay oo maanta ah u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka (EAC).
Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.
“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.
EAC ayaa ah urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Arusha ee Tanzania, kaasi oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay.
South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ayada oo muddooyinkii dambe uu madaxweyne Xasan xoojiyay dadaalada kamid noqoshada.
Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana xusid mudan in dhawaan uu dib usoo laabtay xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya, oo xumaa sanadihii dambe ee hogaaminta dalka gacanta ugu jirtay madaxweynihi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ururka EAC appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda qeybta 27-aad iyo 21-aad oo muddooyinkii dambe howgallo ka wadagay gobolka ay maanta Al-shabaab kala wareegeen deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolkaas, kadib howlgal ay qaadeen ciidanka huwanta ah.
Ciidanka ayaa si nabad ah oo aan dagaal dhicin kula wareegay deegaanka Teedan, kadib markii xooogagga Al-shabaab ay isaga baxeen deegaan, markii ay ka war heleen in ciidanka dowladdu ay ku soo wajahan yihiin, waxaana deegaanka gaaray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Al-shabaab ayaaa qarxiyay Ceel Biyood ku yaallay deegaanka Teedan, kaas oo dadka deegaanku ay biyaha ka cabi jireen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka ee hoggaaminaya howlgalka, waxaana ay intaas ku dareen in ay ku raad joogaan ciidakii ka tirsanaa Al-shabaab ee isaga baxay deeganka hoostaga Maxaas.
Ciidamada xoogga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka waday waqooyiga gobolka Hiiraan, iyaga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, waxaana howlgalkaan qeyb ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan xildhibaanno iyo wasiirro.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka golaha wasiiradda maamulka, kulanka Golaha ayaa looga hadlay arrimaha dhowr ah, kuwaas oo ugu horeyso dardargalinta amniga, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo mashaariicda horumarinta dhinaca Beeraha.Madaxweynaha ayaa wasaaradda amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay wasiirku in laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo dagaalamayaasha Al-shabaab laga saaray deegaaano dhowr ah..Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo wasiirku sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato, maadaama deegaanno badan oo Hirshabeelle aysan la heyn gole.Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha u soo gudbisay warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista Bariiska iyo dalagyada kala duwan.Madaxweynaha ayaa bogaadiyay xubnaha golaha wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala, madaxweyne Guudlaawe ayaa dhowaan soo dhisay xukuumadda iyagoo la sugayay ku dhowaad laba sano oo khilaaf hareeyay sidii loosoo magacaabi lahaa wasiirrada.Goobjoog News -
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdisalaan Cumar Hadliye ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in ergayga loo magacaabay sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhe.
PUNTLAND POST
The post Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadal ka jeediyey kulan ay beesha Mudulood kusoo dhaweeneysay xukuumadda cusub, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay guuleysan doonto.
Sababta ayuu Mukhtaar ku sheegay inay Beesha Mudulood taageersan tahay xukuumadda cusub, islamarkaana ay quraan iyo faataxo la daba taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Mudulood ee gogoshaan sharafta leh dhigtay, aniga maanta waxaan dhihi karaa labada dhinacba waan ka tirsanahay, aniga Xamar xaafada 15 May ayaan ku qaan gaaray oo beesha ayaan ka mid ah, tan labaadna xukuumadda lasoo dhaweenayo ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Runtii ilaahey baan u mahadcelineynaa, waxaan hubaa xukuumadda codadkii ugu badnaa ayaa lagu ansixiyey, mid kalana shaki iigama jiro xukuumad ay sidaan usoo dhaweeneyso beesha Mudulood ee gogoshaan u dhigtay ee quraankii lagu yaqaanay iyo faataxadiina ay la daba taagan tahay shaki ma jiro xukuumadda waa guuleysaneysaa.”
Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in isbadalka ka dhacay dalka ay tiir dhexaad u aheyd beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in ururkii ay sameysay ee Badbaado Qaran ay ku badbaaday Soomaaliya oo dhan.
“Badbaado Qarankii ay beesha Mudulood sameysay waxaa ku badbaaday Soomaaliya oo dhan, waxaa ku badbaaday wadajirka maamul goboleedyada, maskiinkaan maxbuuska ahaa xataa waa ku badbaaday,” ayuu yiri Roobow.
Roobow ayaa sheegay in markii uu bilowday dagaalkii Badbaado Qaran uu aad ugu soo dhawaaday gurigii uu ku xirnaa, wuxuuna sheegay in ciidankii ilaalinayey ay u sheegeen in haddii uu dagaalka sii xoogeysto uu kala doorto in loo geeyo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna wax lagu faanay ku sheegay in labadaba ay kasoo jeedaan Beesha Mudulood.
The post Daawo: Roobow oo sheegay in DF ay guuleysaneyso beesha Mudulood darteed appeared first on Caasimada Online.
-
Inta la xaqiijiyay 41 qof ayaa ku geeriyootay, halka 14 qof ay uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii dab uu ka kacay kaniisadda Coptic oo ku taalla magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.
Dowladda Masar ayaa dhankeeda bilawday in loo gurmado dadka dabka uu saameyay sida uu sheegay madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi.
Copts waa bulshada masiixiyiinta ah ee ugu badan bariga dhexe, waxaana Masar ku nool oo 10 milyan oo qof, kuwaas oo kamid ah 103 milyan oo qof oo Masar ku nool.
Goobjoog News
-
-
-
-
-
-
Doodda qolyaha dilka shicibka taageersan hal ama laba qodob ayay ku soo ururtay
·
Muuse Biixi oo habeenkii uu dadka laayay hadlay, iyo kuwo badan oo isaga ku raacsan oo ka daba hadlay ayaan warkooda si wacan u dhegaystay ilaa Khamiistii 11 August. Xataa mid Cali-mareexaan la yidhaahdo ayaan dhegaystay. Waxa aan is ku dayaayay bal in aan si uun u fahmo lojic gooda iyo dhinaca ay ka imanayaan marka la eego dadka shicibka ah ee iyaka oo aan waxba galabsan, rasaasta la la dhacay ee la laayay. Dooddoodu hal mid oo keliya ayay dhaafi weyday – maxay iyaku isugu soo baxeen marka hore, iyo kuwii soo saaray ee lixda bilood lahaa waa banaan baxaynaa, ayaa dhimashadooda masuul ka ah! Halkan doqoniimo aan badhax lahayn baa ku jirta. Kolnaba is ma ay weydiin, waar dadku hadii ay soo baxeen, maxaa xabadda loo la dahcay? Saw into ay fariintooda gudbiyaan, oo hadlaan, oo socdaan, oo buuqaan, hadana guryahooda iskama tageen? Ma wax hadal ka badan ayay samayn lahayeen? Maxaa Khasab iyo lagama maarmaan ka dhigay in dadka oo aan waxba samaynin, si fiican loo shiisho, oo la dilo? Askartii baa la shiiday oo la dhaawacay ayay yidhahdeen, laakiin dhamaantood dhab ayay u ogyihiin, oo xaqiiqo ah, in xabadda iyo dilku ka horeeyay dhagaxa iyo waxyaabaha aan micnaha lahayn ee shicib gadooday adeegsado, ee dadkaasi gacantooda la heleen, ka dib markii dilka qorshaysnaa, ee ku-talagalka ahaa la gu bilaabay. Anigu mid uun baan ka wadi waayay – niman waxoogay fulaynimo ah, iyo waxoogay nacayb ahi madaxooda galay, aragti dheer na aan lahayn oo dadkan nacab u arka ayaa talada iyo xabadda ba gacanta ku haya. Tasi waa xaqiiqo. Xaqiiqada kale na waxa ay tahay, kuwaas hore kuwo ka ag dhow oo damirkii iyo dadnimadii ba ka xuub siibtay, oo kuwaas ay daba socdaan xataa hadii ay dad nool hilbahooda cunaan oo TV la soo fahdiistaan na aan ku diidayn, oo odhanaaya keeg bay cunayaan, ayaa iyakuna jira oo mushkiladda qayb ka ah. Is ku soo wada duub, Somaliland jiho qaldan ayay u socotaa, sansaanteedu na mudoba waa sii muuqatay.Waxaa Qoray: -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu soo magacaabay madaxweynaha la doortay 15-kii May 2012 Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xilkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay xilka halkiisii ka sii watay, wuxuuna xarunta wasaaradda gaashaaandhigga xilalkii ugu kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka cusub iyo wasiiru dowlaha.
Wasiir Jaamac, oo Rooble u magacaabay wasaaradda gaashaaandhigga xilligii uu taagnaa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farmaajo, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweynaha.
Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga beshiisa.
Dhinaca kale, waxaa magacaabistiisa Golaha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fowsiya Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeystay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Jaamac ayaa waxaa sidoo saaciday inuu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Turkiga, oo muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, maadaama uu horey u ahaa safiirka Soomaaliya ee Turkey.
Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xulay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.
Xigasho: Goobjooge
The post Xog: Sidee kusoo laabtay wasiirka kaliya ee ka haray xukuumaddii R/W Rooble? appeared first on Caasimada Online.
Somali military captures Al Shabab stronghold
in News - Wararka
Posted
Several Al Shabab terrorists were killed after the Somali army conducted a military operation against the Al Qaeda-linked group in the central region of Hiran, liberating the group's stronghold.
Source: Hiiraan Online