Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. FB_IMG_16626338109622655.jpg

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

    Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

    Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga iyo dagaalladii Al-shabaab.

    Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale, sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

    PUNTLND POST

    The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.


  2. Moscow (Caasimada Online) – Danjiraha Ruuskha u qaabilsan Qaramada Midoobay, Vadim Kirpichenko oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka gelinkii dambe ee Arbacadii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa farriin u diray Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

    Vadim Kirpichenko ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha saddexdaan maamul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    “Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay.

    Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Moscow ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay la yeelan doonto iskaasho dhow oo wada shaqeeneed.

    Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday howlgallada dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan kororka weerarada ay kooxda ka fuliso gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey in si wadajir ah loo wajaho howlgallada lagula dagaalamayo kooxda oo ay qayb ka tahay ATMIS.

    Kulanka golaha ammaanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray ammaanka dalka iyo abaaraha, ayada oo warbixin laga dhageystay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya.

    Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan Soomaaliya ay la daala dhaceyso culeyso kala duwan, sida xaalado bani’aadanimada oo ka dhashay abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

    The post RUUSHKA oo fariin culus u diray 3 ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.


  3. Dowladda Albania, ayaa gebi ahaanba xiriirkii diblomaansiyadeed u jartay Tehran kadib markii ay ku eedeysay in ay Iran ku lug laheyd weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday kaabayaasha dhaqalaha dalkaas.

    Edi Rama ra’iisulwasaaraha Albania, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa muddo 24-saac ah ay isaga baxaan dhammaan shaqaalaha iyo diblomaansiyiinta reer Iran ee ku sugan gudaha Albania.

    Website-ka rasmiga ah ee xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in Albania, ay heeyso cadeymo muujinaya in ay Iran ka dambeysay weerarro lagu qaaday July sanadkaan kaabayaasha Internet-ka ee Albania.

    Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in cadaymaha ay hayaan ay la wadaagayaan dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO oo ay xubin ka tahay Albania.

    washington dc ayaa horay u cambaareysay  weerarka dhinaca internet-ka “Maraykanku waxa uu qaadi doonaa tallaabo dheeraad ah si uu Iran ugula xisaabtamo Iran,” ayuu yidhi afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad Adrienne Watson.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Recep Tayyip Erdoğan madaxweynaha dalka Turkiga , ayaa sheegay in aan aysan waxba soo kordhinaynin siyaasadaha daandaansiga ah ee dalalka reer galbeedka ay ku wajahayaan Ruushka, markii markii dalalka midawga yurub iyo G7 ay ku dhawaaqeen in la dhimo qiimaha gaska Moscow.

    Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Belgrade, xilli uu garab taagna madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.

    “Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan.

    Madaxweynaha turkiga ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedka ay hoggaaminayaan siyaasad daandaansi ah, ayna ka dhalan karto natiijo xun.

    “Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siyaasad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo halkaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

    Madaxweynaha Ruushka ayaa dhankiisa ku gooddiyay in uu joojin doono dhammaan gaska uu siiyo midawga yurub, haddii ay talaabadaasi dhab noqoto.

    Putin ayaa haddii uu ka dhabeeyo amarkiisa waxaa yaraan doona shidaalka ay helaan dalalka midawga yurub, taas oo noqoneysa caqabad soo foodsaarta dalal badan oo barwaaaqo sooran ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo warbixin dheer siinayey Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib ‘khilaaf iyo mad-madow soo kala dhex-galay’ labada dhinac.

    Amb. James Swan ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in ay wada shaqeyn dhow yeeshaan dowladda cusub iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan jira oo ay ugu horreeyaan howlgallada Al-Shabaab iyo abaaraha dalka.

    “Si fursadan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka dowladda cusub, oo ay ku jiraan ka hortago Al-Shabaab, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii xumaanaya,” ayuu warbixintiisa ku yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dhinacyadu ay meel iska dhigaan arrimaha gaarka ah, kadibna ay iska kaashadaan sidii loogu gudbi lahaa xaaladda taagan.

    Waxa kale oo uu ugu baaqay inay hadda xoogooda iyo dadaalkooda isugu geeyaan sidii loo samata la bixi dadka ay saameeyeen abaaraha ba’ahan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

    “Waxaan ku celinayaa baahida loo qabo in dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga al-Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballan-qaadyada xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey.

    Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ay jirto xurguf siyaasadeed oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo kala shaki iyo mad- madow soo kala dhex-galay, kadib soo dhisidii xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

    The post QM oo war ka soo saartay ‘khilaafka DF iyo dowlad goboleedyada’ dalka appeared first on Caasimada Online.


  6. Golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ee abaaraha, amniga iyo siyaasadda, ee dalka.

    Xoghayaha ergayguud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, oo khudbad u jeediyay golaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka in ay wadaan dagaal ka dhan ah ururka alshabaab.

    Akhriso nuxurka khudbadda golaha ammaanka qaramada midoobay uu ka jeediyay James Swan.

    Mudane Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

    Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen inaan soo jeediyo warbixin ku saabsan  xaaladda Soomaaliya.

    Ka dib markii la soo gabagabeeyay geeddi-socodkii doorashada ee lagu muransanaa bishii Maajo, jawiga siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ah mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha hor-tebinta qaranka. Si fursaddan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si horumar looga gaaro himilooyinka dowladda cusub, oo ay ku jiraan hagaajinta garsoorka iyo dowladnimada, in si wax-ku-oolnimo leh looga hortago Al Shabaab, iyo in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo ee sii xumaanaya. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an taageeridda in dadka Soomaaliyeed gaaraan hor-tebinnadooda qaran.

    Markii iigu dambaysay ee aan Golahan warbixin siiyey, Mudane Madaxweyne, waxay ahayd wax yar uun ka dib doorashadii 15 Maajo ee Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Wixii markaas ka dambeeyay, Baarlamaanka ayaa bishii Juun si wadajir ah u ansixiyay ra’iisul wasaarahiisa uu u magacaabay, Xamza Cabdi Barre, waxaana bishii Ogoosto uu ansaxiyay golihiisa wasiirrada.

    Xukuumadda cusub waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay soo gudbiso barnaamij shaqo oo afar sano ah, iyadoo dejisay yoolalka iyo waxqabadyo ka kooban lix tiir. Kuwani waxaa ku jira: amniga, garsoorka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo xiriirka dibadda. Waxaa taa barbar-socotay, in Barlamaanku wuxuu soo gabagabeeyay howsha dhismaha guddiyadiisa, si loogu daro Guddiga wadajirka ah ee La Socodka ee loo xilsaaray inay hoggaamiyaan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyadoo loo marayo baarlamaanka. Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ee caalamiga ah waxay taageerayaan Baarlamaanka si loo horumariyo hortebinnada sharci-ejinta.

    Nasiib darro, haweenka ayey weli haysta metelaad yari xagga jagooyinka golaha wasiirrada iyo guddiyada baarlamaanka ah. Kaliya 13 boqolkiiba ayaa haween ka ah xubnaha golaha wasiirrada, iyo 21 boqolkiiba oo ah xubnaha guddiyada baarlamaanka. Waxaan mar kale ugu baaqayaa madaxda Soomaaliyeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo xaqiijiyo ka-qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee dhammaan hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale ka-qaybgelinta dhalinyarada iyo kooxaha taariikh ahaan la takooro.

    Mudane Madaxweyne,

    Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr jeer ka hadlay muhiimadda ay leedahay wanaajinta xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka si loo hormariyo hor-tebinnada qaranka. Tallaabooyinkiisii ugu horreeyay, ee lagu ammaani karo, intii uu xafiiska yimid, waxaa ka mid ahaa in uu la kulmo madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee  Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ka dibna booqday qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada. Waxaan ku baaqayaa in xiriirkan lala yeeshay dowlad goboleedyada uu sii socdo iyo in Golaha Wadatashiga Qaran ay mar kale si dhaqso ah kulmaan. Qaramada Midoobay waxay Dowladda kala shaqaynaysaa taageeridda shirkan muhiimka ah.

    Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bah-wadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan. Waxaan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan — xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa inay tani sii socoto — gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka.

    Mudane Madaxweyne,

    Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Al Shabaab ay muujiyeen dhiirranaan dheeraad ah. Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah dilal qorsheysan, weerarro culus sida kii Hotel Xayaad ee bishii Ogoosto, iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo ay ka sameeyeen xuduudka Itoobiya.

    Waxaan cambaareynayaa weeraradan argagixiso ee soo noqnoqday, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ay dileen Al-Shabaab, waxaanan bogsasho degdeg ah u rajeynayaa kuwii ku dhaawacmay. Waxaan bogaadinayaa geesinnimada iyo adkaysiga ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaalia oo iyagoo soo gaaray khasaare nafeed oo weyn haddana sii wada dagaalka ay shacabka kaga difaacayaan Al Shabaab.

    Dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto dhismaha ciidanka, isku-dhafka iyo isku-duwidda ayaa lagama maarmaan u ah si loo gaaro guulo ciidan iyo in wax laga qabto welwelka ilaalinta muwaadiniinta. Ciidamo Soomaaliyeed oo waxtar leh ayaa muhiim u ah qorshaha looga guurayo ATMIS. Waxaan markale adkeynayaa baahida loo qabo in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga Al Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballanqaadyada xuquuqul insaanka ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya.

    Dhaqangelinta hawlaha kala-guurka ee amniga ee uu farayo qaraarka Golaha 2628 ayaa dardar ku socda, oo ay ka midyihiin codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay ee in ay isla gartaan hal-beegyada dhabta ah, qeexan, una dhigma ee horumarka. UNSOS waxa ay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee loo idmaday ee ATMIS iyo, iyada oo adeegsanaysa caawimaadda Trust Fund, ee loo ogolaaday inay siiso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Waxaan weli aad uga walaacsanahay gaabiska ku yimid maalgelinta loo heli karo gunnooyinka mushaharka ee ATMIS iyo Trust Fund ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, waxaanan ku boorrinayaa deeq-bixin dheeraad ah maadaama uu deg deg jiro.

    Mudane Madaxweyne,

    Soomaaliya waxa ay wajaheysaa musiibo beni’aadanimo iyada oo ay 7.8 milyan oo Soomaali ah — ku dhawaad kala bar qiyaasta shacabka dalka — saameeyeen abaarihii ugu xummaa ee dalka soo mara muddo ugu yaraan afartan sano ah, kuwaas oo ay uga sii dareen dhibaatooyin cimilada la xiriira. Iyada oo ay afar xilli roobaad oo is xig-xiga baaqdeen, ayey meelo dalka ka mida wajahayaan khatarta macluul.

    Taageerada deegsinimo ee deeq-bixiyeyaasha awgeed, hay’adaha gargaarku waxay tan iyo bishii Janaayo afar laabeen tirada dadka kaalmada la gaarsiiyey oo gaartay 5.3 milyan. Hase ahaatee, baahidii oo marba ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in sare loo qaado kaalmada beni’aadanimaha. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay fududeeyaan gaarsiinta kaalmada beni’aadanimo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan deeqda loo baahan yahay.

    Dhibaatada beni’aadanimo ee hadda jirta ayaa si gaar ah u kordhisay nugeylka haweenka iyo carruurta barakaca ah, oo weligoodba wajihi jiray takoor iyo xaqiraad xagga adeegyada ah. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta/hay’adaha Soomaalida in ay kordhiyaan tallaabooyinka ka hortagga khatarta tacaddiyada jinsiga ee sida gaarka ah loogu geysto haweenka iyo gabdhaha, taasoo ay ka midtahay in la adkeeyo amniga goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha cunto qeybinta.

    Haddii aan u weecdo ajendaha horumarka muddada dheer, Soomaaliya waxay qaadhay tallaabo wax-ku-ool ah xagga geeddi-socodka deyn cafinta. Bishii Juun, Guddiga Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa ansixiyey dib-u-eegisyadi taagnaa, taas oo horseedday siideynta $350 milyan oo ah deeq horumarineed oo aad loogu baahnaa. Si taas la mid ah, deeq-bixiyeyaal kale ayaa dib u billaabay kabiddii miisaaniyadda ee hakadka galay si loo dabciyo cadaadiska maaliyadeed loona sii wado dadaallada dib-u-habeynta ee loo baahan yahay si loo dhameystiro geeddi-socodka deynt cafinta.

    Inta aanan gunaanadin, Mudane Madaxweyne, ii ogolow inaan markale ku celiyo ballanqaadka Qaramada Midoobay inay sii waddo taagerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee gaarista yoolashooda qaran. Iyadoo arrintan la eegayo, Dib-u-eegista Istaraatiijiga ah ee UNSOM ayaa gaartay meel heer sare ah. Kooxda Dib-u-eegistu waxa ay Soomaaliya booqdeen bishii Ogoosto waxay wadatashiyo ballaaran la yeesheen saraakiisha dowladda iyo daneeyeyaasha kale, iyaga oo xaqiijinaya in aragtida Soomaalida ay wax ku dari doonto waxbixinta soo socota iyo talo jeedinta loo gudbin doono Golaha.

    Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu ambabixi lahaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa qorshuhu ahaa inay ka qayb-galaan shirka golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya Jeddah, kaas oo furmaya 11-ka bishaan September.

    Golahaan ayaa waxaa la dhisay 2020-kii, waxaana ku mideysan dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan, sida Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa beddelay qorshihiisa ku wajahnaa Sacuudiga, kadib isku dhac lama filaan ah oo ku yimid jadwalkii u degsanaa.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweynaha uu isagu dalbaday in dib loo dhigo safarkaasiu, maadaama 13-ka bishaan ay ku beegan tahay caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddanka Kenya William Ruto, isaguna uu ka qayb-geli doono.

    Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo dhowaan madaxweynaha dalka Soomaaliya uu booqasho ku tegay Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixday madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru, ayada oo kadib dib loo celiyey qaadka Kenye ee Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa haatan xulafo la’ah labada dowladood ee Kenya iyo Sacuudi Carabiya oo ka mid ah dowladaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

    Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo la hadal hayo tirada safarada uu galay.

    The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u dhigay booqashadii Sacuudiga + sababta appeared first on Caasimada Online.


  8. Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda feferalka Soomaaliya Ambassador Abshir Omar Huruse iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ka qayb galay shirka 158-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee ururka  Jaamacadda Carabta, kaas  oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
    Kulanka Waxaa looga hadlay iskaashiga dawladaha carabta iyo arrimaha hadda taagan ee khuseeya waddamada carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee saamaynta ku leh shucuubta carabta, waxaana ka qeyb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta.
    Waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha, taas oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa beenisay hadal dhowaan laga sii daayay Telafishinka  dalkaas, kaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo warbixinta la baahiyay in uu jiro xiriir xubno dowladda ah iyo Ururka TPLF, iyadoo qoraal kasoo baxay wasaaradda lagu sheegay in hadalkaas uu usan quseyn sida warbaahintu u fasiratay.

    “Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsantahay xiriirka labada dowladood” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya, warbixinta uu baahinyay Telefeshinka dalkaas ayaa abuuray hadal heyn badan bulshada dhexdeeda.

    Warbixinta Telefeshinka dalka Itoobiya uu baahiyay ayaa waxyaabaha lagu xusay waxaa ka mid ahaa in ururka TPLF ay isku dayayso in ay xiriir la yeelato dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, taas oo khatar ku ah danaha qaran ee Itoobiya, haddii taas ay dhacdana ay Soomaaliya ka abuurmi doono urur khatar ah, sida lagu xusay warbixinta la baahiyay.

    Dowladda Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe la sheegayay inuu xiriirkoodu uusan fiicneyn, tan markii madaxweyne Shiikh uu heshiis la galay dalka Kenya, kaas oo lagu fasaxay Qaadka Miiruuga loo yaqaano, waxaana hoos u dhacay dalabka Hereeriga oo ka imaan jiray Itoobiya, madaxweyne weli ma booqan magaalada Addis Ababa.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Xukuumada madaxweyne Biixi iyo xukuumadii Siilaanyo maxay ku kala duwan yihiin

    Suaashan dad badan baa igu qabsan doonna oo odhan doonna ha is garab dhigin amaba iskuma dhowa.
    Balse waxaan sheegaya kaliya waxay ku kala duwan yihiin:
    Xukuumadda Siilaanyo agaasime waaxeed ilaa wasiir waxay heshiish ku ahayeen in odayga magaciisa la ilaaliyo qof waliba isku dayo dadka ka soo horjeeda inay soojiitaan waxay u shaqaynayeen si wadareed.
    Halka xukuumada Biixi individual mid waliba si gaar ah u shaqaynayo mid walba ilaalinayo sharaftiisa gaar ah.
    Waxaad arkaysa wasiir saxaafada iyo mucaaradkaba la saaxiib ah oo kula heshiiyey cidaad doontaan weeraro balse aniga I nabadgaliya.
    Mid waliba kaligii buu doonayo inuu Doonta ka badbaado
    barkhad.jpg
    Waxa Qoray Weriye
    Barkhad-ladiif Mohamed Omar

    Qaran News


  11. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya wajahayso musiibo banii’aadanimo oo ay sababtay abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta mudda ku siman 40 sano.

    “Soomaaliya waxa ay wajaheysaa musiibo beni’aadanimo iyada oo ay 7.8 milyan oo Soomaali ah — ku dhawaad kala bar qiyaasta shacabka dalka — saameeyeen abaarihii ugu xummaa ee dalka soo mara muddo ugu yaraan afartan sano ah. Iyada oo ay afar xilli roobaad oo is xig-xiga baaqdeen, ayey meelo dalka ka mida wajahayaan khatarta macluul” ayuu yiri James Swan oo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

    Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Taageerada deegsinimo ee deeq-bixiyeyaasha awgeed, hay’adaha gargaarku ay  tan iyo bishii Janaayo afar laabeen tirada dadka kaalmada la gaarsiiyey oo gaartay 5.3 milyan, Hase ahaatee, baahidii oo marba ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo.

    “Taageerada deegsinimo ee deeq-bixiyeyaasha awgeed, hay’adaha gargaarku waxay tan iyo bishii Janaayo afar laabeen tirada dadka kaalmada la gaarsiiyey oo gaartay 5.3 milyan. Hase ahaatee, baahidii oo marba ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in sare loo qaado kaalmada beni’aadanimaha”

    “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay fududeeyaan gaarsiinta kaalmada beni’aadanimo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan deeqda loo baahan yahay” ayuu sii raaciyay.

    James Swan ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatada beni’aadanimo ee hadda jirta ay si gaar ah u kordhisay nugeylka haweenka iyo carruurta barakaca ah, oo weligoodba wajihi jiray takoor iyo xaqiraad xagga adeegyada ah, waxaana uu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta/hay’adaha Soomaalida in ay kordhiyaan tallaabooyinka ka hortagga khatarta tacaddiyada jinsiga ee sida gaarka ah loogu geysto haweenka iyo gabdhaha, taasoo ay ka midtahay in la adkeeyo amniga goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha cunto qeybinta.

    “Dhibaatada beni’aadanimo ee hadda jirta ayaa si gaar ah u kordhisay nugeylka haweenka iyo carruurta barakaca ah, oo weligoodba wajihi jiray takoor iyo xaqiraad xagga adeegyada ah. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta/hay’adaha Soomaalida in ay kordhiyaan tallaabooyinka ka hortagga khatarta tacaddiyada jinsiga ee sida gaarka ah loogu geysto haweenka iyo gabdhaha, taasoo ay ka midtahay in la adkeeyo amniga goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha cunto qeybinta” ayuu ku daray Hadalkiisa.

    PUNTLAND POST

    The post James Swan “Soomaaliya waxay wajahaysaa musiibo banii’aadanimo” appeared first on Puntland Post.


  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

    Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, Kanjaroon iyo Warta Biloow, oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose.

    Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbixiyey howlgalladaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku soo qabtay sakaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka ee deegaannada howlgallada laga sameeyey, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir, sidoo kale ay dileen 2 xubnood oo kale.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku guuleysteen in ay miinooyin ka soo saaraan waddooyinka isku xira deegaannada ay tageen ciidamada Kumaandooska Danab.

    Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobolka Jubbada Hoose, sid a ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

    Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii  dambe ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab waddooyinka iskua xira Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.

    JAR.png?resize=696%2C518&ssl=1 Hor4.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 Hor5.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 Hor7.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

    The post Sarkaalkii Al-SHABAAB u qaabilsanaa miinooyinka oo la soo qabtay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.


  13. Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday beesha caalamka in intii karaankeeda ah ay ka hortagto musiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya oo ay in muddo ah soo wajaheen abaaro saameeyay nolosha ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda.

    Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Dai Bing ayaa mar uu Golaha Ammaanka kaga hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Dowladda Shiinaha ay taageereyso dadaallada Qaramada Midoobay ay ku dooneyso in gargaar deg deg ah lala soo gaaro Soomaaliya, wuxuuna Beesha Caalamka ka codsaday in la kordhiyo gargaarka Soomaaliya si ay uga hortagto masiibada bini’aadmiga.

    Waxa uu sheegay in Shiinaha ay soo dhaweynayaan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka si ay Soomaaliya uga gudubto marxaladda adag, isla markaana ay ku dhimayso deymaha lagu leeyahay.

    Wuxuu sheegay in Shiinaha uu Soomaaliya la gaaray heshiis ah in la gaarsiiyo gargaar cunto oo deg deg ah, ayna sii wadi doonaan caawinta Soomaaliya ee wax ka qabashada abaaraha iyo yareynta dhibaatooyinka musiibada.

    PUNTLAND POST

    The post Shiinaha oo ku baaqay in laga hortago musiibo banii’aadanimo oo Soomaaliya ka dhacda appeared first on Puntland Post.


  14. 3-2.jpg

    Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Slovenia H.E Tanja Fajon.

    Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay inay si wada jir ah uga wada shaqeen adkaynta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay mabaadi’diisu ku qotonto xoojinta xiriirka labada dal.

    “Waxaan kullan miro dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Slovenia H.E Tanja Fajon, waxaan si wada jir ah uga wada shaqayn doonaa adkaynta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay mabaadi’diisu ku qotonto xoojinta xiriirka labada dal” ayuu yiri Wasiirka

    Sidoo kale, Wasiir Huruuse ayaa kulan doceed kula qaatay madax uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait, Sheekh Dr; Axmed Naasir Al-Maxamed Al-Sabaax, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Slovenia appeared first on Puntland Post.


  15. Maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa soo saartay qaraar ay ku sheegayso in aanay awood sharci u lahayn inay kala dirto golaha baarlamaanka ee dalkaas.

    Go’aankan ka soo baxay maxkamadda ayaa ahaa mid si weyn loo sugayey, xilli ay dalkaas ka jiraan xiisado siyaasadeed muddo 11 bilood.

    Go’aanka maxkamadda sare ee dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixraacday dastuurka waddanka oo sheegaya in aanay awood u lahayn inay kala diraan golaha sharci-dejinta,

     Go’aanka maxkamadda ayaa jawaab u ahaa dalab muhiima oo uu watay wadaadka shiicada ah ee saamaynta xooggan leh ee lagu magcaabo Muqtada Al-Sadr.

    Kooxda Al-Sadr ayaa ku guulaysatay inta badan codadka doorashada baarlamaanka ee dalka Ciraaq ka dhacday bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, hase ahaatee may helin codad ku filan oo ay ku soo dhisaan xukuumad.

    Xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta ayaa bishii July, waxay keentay in taageerayaasha wadaadka Muqtada Al-Sadr in ay xoog ku galaan golaha baarlamaanka.

    PUNTLAND POST

    The post Maxkamadda sare ee Ciraaq oo sheegtay in aysan awood u lahayn kala dirista Baarlamanka dalkaas appeared first on Puntland Post.


  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaas oo diirada lagu saaray, arrimaha amniga, abaaraha daran ee ka jira dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghahaya guud ee QM u qaabilsan Somalia, James Swan oo golaha faahfaahin ka siiyey arrimaha soo kordhay.

    Swan ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid deggan, kuna habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed.

    Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday safaradii uu galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyey dadaalka uu geliyey xiriirka arrimaha dibadda.

    “Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bahwadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Mr. James Swan.

    Wakiilka QM ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu ku boorinayo dowladda inay sii wado dadaalkeeda, si loo xaqiijiyo xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo caalamka.

    “Waxa aan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan, xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa in ay tani sii socoto gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

    Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda cusub ay muhiimadda ugu weyn siisay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

    “Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri, James Swan.

    Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha bani’aadanimo, isaga oo sheegay in xaalado halis ah wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka oo haatan la saadaaliyey inay ka dhalan karto xaalad macluul ah.

    The post Maxay beesha caalamka ka tiri safarada XASAN SHEEKH? appeared first on Caasimada Online.