Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,763
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradda ay waddo qorshaha safaarad iyo qunsuliyad guud looga furayo magaalada Dakhla ee dalka Marooko .

    Wasiir Abshir Cumar Huruuse oo magaalada New York uga qeyb galaya shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aanka furitaanka safaaradda uu yahay mid ku qotoma saaxiibtinimo soo jireen ah oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Morocco.

    War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Morocco, ayaa lagu xaqiijiyay qoraalka lagu daabacay barta Twitter-ka, iyadoo lagu sheegay inuu jiro qorshe lagu furayo Safaaradda, ka dib kulan uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Morocco, Nasser Bourita ay wada yeesheen.

    “Kadib wada-hadalladii laba geesoodka ahaa ee uu la yeeshay Mudane Bourita, Mudane Abshir Cumar Jaamac waxa uu ku dhawaaqay in safaarad laga furayo Rabat iyo Qunsuliyadda Guud ee Dakhla, isaga oo mar kale xaqiijiyey taageerada waddankiisa ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Morocco.”

    Bishii April ee sanadkan, Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Marooko ayaa kulmay, waxayna dib u eegis ku sameeyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah ee labada dal, waxayna ku baaqeen in iskaashi dheeri ah laga sameeyo dhinacyada sida xasiloonida gobolka.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Sagaal sano ayaa ka soo wareegatay kadib markii xubna ka tirsan ururka alshabaab ay weerar maalmo qaatay, ay ka fuliyeen suuqa Westgate ee magaalada Niarobi.

    In ka badan 67 qof ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen, halka tiro kale oo intaas ka badan uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

    Sagaal sano kadib, waxaa weli dhibaatooyin la tacaalaya dadkii ka badbaaday qaraxa, oo waxyeello maskaxeed iyo mid jireedba ay soo gaartay.

    Warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee xilligaas ayaa tilmaantay in qorshaynta weerarka  uu soo billowday labo sano ka hor sannadkii 2011-kii, xilligaasoo Geeska Afrika ay la dagaallameen abaaro iyo qaxooti badan oo u qaxay xeryaha dalka Kenya.

    Weerarka ayaa bilabmay 21-kii September sanadkii 2013-kii markaas oo ay Shabaab gudaha u galeen dhismaha suuqa oo ay muddo ka dhex dagaalamayeen.

    Warbixin la soo saaray ayaa muujisa in kooxda weerarka geesatay ay abaabulkooda ka wadeen xeryaha qaxootiga Kakuma iyo magaalada caasimadda ah ee Niarobi, Dambi-baarayaasha ayaa markii dambe ogaaday in siddeed khad oo taleefoonnada gacanta ah oo si toos ah loola xiriirinayey weerarka ay ka diiwaan gashan yihiin magaalada Nairobi oo maalmo loo beddelay weerarka.

    Faahfaahinta ayaa daboolka laga qaaday ku dhawaad ​​toban sano ka dib markii mas’uuliyiintu ay go’aansadeen in la xayiro warbixinta illaa Sebtembar 2021.

    Weerarka ayaa waxaa sii caawiyay baraha bulshada iyadoo warbixintu ay muujineyso in kooxaha weerarka geystay ay isticmaaleen qadad ay iskula xiriiraan .

    Waxaa warbaahinta lala wadaagay toddobaadkan iyadoo dalku uu xusayo sagaal sano guuradii ka soo wareegtay weerarka.

    Dhammaan saddexdii nin ee weerarka geystay oo u adeegsaday qoryo iyo bam-gacmeedyo si ay gudaha ugu galaan oo go’doomiyeen suuqa ganacsiga ee Westgate Mall ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ayaa lagu dilay weerarka, sida lagu sheegay war ay horay u soo saareen ciidamada Kenya.

    Ugu yaraan 200 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay,  todobaadyo un ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu bilaabay xilkiisa madaxweynaha cusub ee xilligaasi cusbaa ee xilligaas.

    Kenya ayaa sagaal sano u dabaal-dagtay markii uu weerarkaas dhacay madaxweynaha cusub, William Ruto, kaasoo qirtay in waddanku uu wajahayo dhibaato amni oo la mid ah kii hore.

    Laakiin waxaa jiray casharro laga bartay, oo ay ku jiraan kor u qaadista ilaalinta khataraha argagixisanimada, sharciyo adag oo ku saabsan diiwaangelinta khadadka taleefanka gacanta iyo guud ahaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexmarta hay’adaha ammaanka, sida laga arkay weerarkii Dusit ee Nairobi bishii Janaayo 2019, markaasoo ciidamada ammaanku soo afjareen go’doomin tan la mid ah.

    Weerarka Westgate oo socotay muddo afar maalmood ah ayaa si weyn loo dhaliilay, taasoo keentay in madaxweyne Kenyatta uu ballan qaado baaritaan rasmi ah oo ku aaddan weerarka.

    Sebtembar 6, 2013, kooxda weerarka geysatay ayaa garaash ku yaalla magaalada Nairobi ka soo iibsaday gaari noociisu yahay ‘Mitsubishi Lancer KAS 575X’ kaas oo loo isticmaali jiray in lagu sameeyo dabagal,  iyo in lagu ogaado waddooyinka sahlan ee suuqa laga soo galo.

    Dejinta qorshuhu ma joogsan ilaa maalintii ugu dambaysay, iyadoo caddayntu ay muujinayso in mid ka mid ah qorsheyayaasha Nairobi ku sugan uu xitaa farriin qoraal ah u diray saaxiibkiis oo jooga Soomaaliya si uu u xaqiijiyo in weerarku weli socdo maalintii labaad ee go’doominta, sida lagu sheegay bayaanka.

    “Alxamdulillah, waxaan ka soo baxay Westgate anigoo qaxwa wata, rasaastuna way bilaabatay. Alhamdulillah.”, farriintaan ayaa lagu sheegay in mid kamid ah kooxda weerarka geysatay uu u gudbiyay saaxiibkiis oo ku sugan Soomaaliya.

    Todobo sano kadib Oktoobar 7, 2020, Mohammed Ahmed Abdi iyo Hussein Hassan Mustafa, ayaa lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen iyo inay galeen falal argagixisanimo iyo inay caawiyaan koox argagixiso ah. Kadib waxaa lagu xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah.

    Eedeysanaha 3-aad oo lagu magacaabo Liibaan C/llaahi oo ah Qaxooti Soomaali ah, ayaa lagu waayay dambigii lagu soo oogay oo ahaa inuu si sharci-darro ah ku joogay Kenya iyo inuu si been abuur ah u haystay warqado aqoonsi.

    Si kastaba ha ahaatee, mar dambe, waxaa afduubay dabley aan la aqoonsan ka dib markii uu ka soo baxay Xarunta Booliska La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ee Nairobi halkaas oo uu u aaday siidaynta.

    Xaakimka maxkamada sare Francis Andayi, ayaa xukunkiisa ku sheegay in uu dambiga ku waayay eedeysanaha cadeymo la’aan, Waxa uu ku micneeyay garsoorka  in inkastoo Cumar uu taleefoonkiisa la wadaagay walaalkiis (Axmed Xasan Abuukar oo lagu helay dambiga), haddana uusan ka warqabin in walaalkiis uu ku biiray kooxda  Shabaab.

    Wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate, Kenya waxay la kulanta  khasaare kale oo culus bisha Abriil 2015, ka dib markii rag hubaysan oo Shabaab ah ay weerareen Jaamacadda Gaarisa, halkaas oo ay ku dileen 144 qof oo u badnaa arday.

    Laakin hay’adaha ammaanka ayaa wixii markaas ka dambeeyay fashiliyay tiro weeraro kale ah oo uu ka mid yahay dhacdadii 2014-kii ka dhacday magaalada Mombasa oo gaari la soo iibiyay lagana soo buuxiyay laba dhululubada TNT oo ay booliisku qabteen. Bambaanooyinka ayaa lagu xiray meelo fogfog, waxaana booliisku ay sidoo kale qabteen hub badan oo ay ku jiraan AK-47, 270 xabo oo rasaas ah, lix bam-gacmeed, shan joornaal iyo afar qarax.

    Warbixintu waxay xustay in weerarku uu ahaa mid aan la filayn, khaladkaas oo keenay in si weyn isha loogu hayo u diyaar-garowga amniga dalka, isla markaana sababay in xilalka laga qaado madaxda sare ee hay’adaha ammaanka.

    Waxa kale oo ay horseedday in la ansixiyo Xeerarka Amniga (wax ka beddelka) Xeerka 2014 iyo samaynta Guddi Hawleed oo Hay’addo Badan ah (MAT).

    Sikastaba Weeraro kale oo badan oo argagixisanimo ayaa lagu fashiliyay gudaha iyo xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Nairobi wali laga feejigan yahay weeraro aargoosi ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.  

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

    Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda. 

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.  

    Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.
    Xamza-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 308838651_442255898003562_22579599629998 308441095_442255861336899_60646493241071 307918912_442255904670228_46748927682943 Xamza-2-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Saalax-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 308548808_442255851336900_81702951830779 Xasan-Macallin.jpeg?resize=696%2C688&ssl 308395774_442256201336865_56728189159279 Cabdirisaaq-Abdirizak.jpeg?resize=696%2C Been-beene.jpeg?resize=696%2C597&ssl=1 308393069_442255804670238_89444927843894 Golaha-Wasiirada-.jpeg?resize=696%2C464& 308340295_442255901336895_92125964809248 308480383_442255854670233_76062586454258

    The post R/W Xamza oo amray Golaha Wasiirada in si deg deg ah… appeared first on Caasimada Online.


  4. FB_IMG_16640191185528801.jpg

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga.

    Mudane Xamse Cabdi Barre wuxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

    Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo amray wasiirrada in ay si xooggan ula dagaalaan musuqmaasuqa appeared first on Puntland Post.


  5. Guddiga doorashooyinka madaxweynaha Somaliland ayaa ku dhwaaqay in aysan ku qaban karin doorashada xilliga loogu talo galay, taas oo aheyd 13-ka November oo ay naga xigto muddo bil iyo dhowr casho ah, guddiga ayaa dalbaday in lasiiyo waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar garoobaan sida ay sheegeen.

    Guddiga oo kulan isugu yimid ayaa soo saaray bayaan ka kooban sedex qodob oo ay ku cadeynayaan in xilligaan guddiga farsamo iyo dhaqaale ahaan uusan ugu diyaarsaneyn qabashada doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, guddiga ayaa soo saaray qodobadaan, uu ku cadeynayo.

    1: In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

    2: In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

    3: Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

    Hadlka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Somalaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ay taagan tahay rajo la,aanta xisbiyada mucaaradka ay ka muujinayeen qabsoomidda doorashada madaxweynaha oo ku dhacda xilligii loogu talo galay, waxaana xusid mudan in madaxweyne Biixi uu horey u sheegay in doorashada la qaban karo.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa soo saaray qoraal u muuqda inay ku sheeganayaan guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab.

    Qoraalka ATMIS ayaa u muuqda mid leh laba ujeedo oo kala ah; 1- In la gu xaqiro geesinimada iyo nafhurnimada ciidamada qabaa’ilka ee Macawiisleyda, iyo 2- In ATMIS ku sheegato guul aysan wax kaalin muuqata ku lahayn.

    Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS waxay ku faraxsan yihiin inay ka garab siiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

    Hawlgalka socda, oo ahaa wejigii labaad ee weeraro qorshaysan ayaa billowday 15-kii September 2022, waxaana ilaa iyo hadda yihiin guulo aad u waaweyn.”

    ATMIS ayaa intaas ku dartay inay si qoto dheer uga go’an tahay inay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya si loo helo amni, xasillooni, iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

    Guulaha ay ATMIS sheeganeyso ayaa la xiriira degaanada dhowaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ee Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.

    Qoraalka ATMIS ayaan marnaba lagu muijin doorka weyn ee dagaaladaasi ay ku leeyihiin maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, iyagoo guulaha laga gaaray duulaanadaasi dusha u saariyay oo kaliya ciidamadooda iyo kuwa dowladda.

    Waxaa xusid mudan inuusan weli caddeyn doorka ay ATMIS ku leheyd dagaaladan, iyadoo sawirrada laga soo qaaday jiidda hore ee dagaalka lagu arkayay oo kaliya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee is-garabsanaya oo ku sugan deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

    ATMIS oo Soomaaliya ku sugan in ka badan 15 sano ayaa marnaba dagaal la taaban karo ku qaadin kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay ka kooban yihiin in ka badan 22,000 askari, waxaana yaab leh inay hadda billaabaan inay kula daartaan guulaha laga gaaray Al-Shabaab, xilli ay u muuqato in kooxdan ugu dambeyn laga adkaan rabo.
    FdYJMIDWAAc9_1z.jpeg?resize=696%2C737&ss

    The post ATMIS oo qaaday tallaabo yaab leh oo ay ku afduubaneyso guulaha Macawiisleyda appeared first on Caasimada Online.


  7. Xildhibaan ka tirsan Golaha Barlamaanka oo Shaaciyey in laga been abuurtay Isaga & Koox Xildhibaano kale

    “Waa la iga been abuuray kuma jirin warqadaas xalay la soo saaray, waxa kale oo laga been abuuray Xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Walhad, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii u codeeyey wax ka beddelkii Xeerarka, waxa kale oo ku jira Xildhibaan Maydhane oo halkan imika taagan, Jaamac Caanaboodhe oo fasax ku maqan, saxeex malaha waxna ma qori karo, Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo fasax dheer ku jira, Aamin Saleebaan fasax ayuu ku maqan yahay, Guuleed Warsame laba jeer ayuu ku qoran yahay, tirade lagu buuxinayaa sida ka muuqata. Sidaas darteed arrimaha been abuurka ahi waa mamnuuc, anigu dembi ayaa ku oogaa ciddii been abuurkaasi iga samaysay”
    Xildhibaanada laga been Abuuray:
    1. Xildh.Yasin Xiir Faratoon
    2. Xidh. Bile Cabdi Goohe
    3. Xildh. Aamiin Salebaan Kulul
    4. Xildh. Jaamac Axmed Oogle ( Caana boodhe
    Xildhibaan Bille Cabdi Goohe
    May be an image of 2 people, people sitting and indoor

    Qaran News


  8. Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo saaray go’aamadan;

    1.  In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

    2.  In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022.

    3.  Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha  farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

    ALLAA MAHAD LEH

    AFHAYEENKA KDQ,”

    war.jpg

    Qaran News


  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqay in aysan xilligeeda ku qaban karin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku asteysan 13-ka November,taasoo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan.

    Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey saddex qodob oo ay saldhig uga dhigeen go’aanka ay haatan ka soo saareen doorashada guud ee Somaliland.

    Guddiga ayaa go’aankiisa u sababeeyey arrimo farsamo iyo kuwa dhaqaale oo xilligan heysta Somaliland.

    Go’aanka ka soo baxay guddiga ayaa waxa kale ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku qaban karaan farsamo ahaan muddo 9 bilood  ah, ayna u baahanyihiin waqti dheeri ah.

    Halkan hoose ka aqriso:-

    1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
    2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
    3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

    Arrintaan ayaa u muuqata mid uga sii dareyso xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo xukuumada & xisbiyada kala ah Wadani iyo UCID.

    The post Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aan uga sii daraya xiisadda appeared first on Caasimada Online.


  10. FB_IMG_16640101266518048.jpg

    Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashada Madaxatooyada ee qorshaysnayd 13-ka Nov. 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Muuse Biixi aanay qaban karin.

    Guddigu waxay tilmaameen in farsamo ahaan ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada Somaliland muddo sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1 October 2022.

    Guddiga waxay sheegeen in ay mudda sagaalka bilood ah ku diyaarinayaan arimaha farsamo ee ay u baahan tahay diiwaangalinta codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland.

    Go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhigan in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay si adag uga soo horjeedaan mucaaradka.

    FB_IMG_16640160218294069.jpg FB_IMG_16640129019266535.jpg

    PUNTLAND POST

    The post Guddiga doorashooyinka Somaliland: Doorashada Madaxatooyada ma qaban karno 13-ka November appeared first on Puntland Post.


  11. “Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo saaray go’aamadan;

    1.  In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn. 

    2.  In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022.

    3.  Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha  farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

    ALLAA MAHAD LEH    

    AFHAYEENKA KDQ,”

    308563733_5593925040650854_3535707372786 307330432_5593926723984019_6748182616718

    Source


  12. Most of the four dozen people charged in an alleged $250 million scheme to defraud federal child nutrition programs are not being jailed as the sprawling case moves forward. The U.S. Attorney’s Office in Minneapolis says three of the suspects have left the country, but prosecutors still do not consider most of the others to pose a flight risk and have not asked judges to detain them.

    Source: Hiiraan Online