Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Mogadishu (HOL) — The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) concluded its Fifth Quadrennial Congress in Mogadishu last week, marking a defining moment for the country's labour movement. The two-day event, themed "Empowering Workers' Voice for Justice, gathered 328 delegates, including representatives from Somalia's five Federal Member States and Mogadishu.

    Source: Hiiraan Online


  2. Putin.jpeg?fit=1880%2C1160&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xiran yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay.

    Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado.

    Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland.

    Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland.

    Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah.

    Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed

    Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan.

    Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda.

    Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa.

    Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti.

    Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara.

    Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha.

    Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka

    Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka.

    Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger.

    Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah.

    Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024.

    Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho.

    Aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyo suurta-gal ah

    Ruushku waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaadhayo heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi rasmi ah, iyada oo beddelkeedana la kordhinayo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee ay dhawaan isku afgarteen.

    Arrintan waxay Ruushka siinaysaa fursad uu uga dhigto Somaliland saldhig ciidan, taasoo qeyb ka noqon karta istiraatiijiyaddiisa badeed ee Gacanka Cadmeed-Badda Cas.

    Si kastaba ha ahaatee, qorshahan waa mala-awaal xog ogaal ah, maadaama aysan jirin warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in arrimahaasi si rasmi ah looga wada hadlay intii uu wafdigu ku sugnaa Somaliland.

    Balse lama dhayalsan karo macquulnimada in Ruushku raadinayo xiriir istiraatiijiyadeed oo Somaliland la yeesho, marka la eego duruufaha istiraatiijiyadeed ee ay booqashadu ku dhacday.

    Qorshaha Ruushka ee saldhig badeed oo ka hirgala Gacanka Cadmeed-Badda Cas wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay sida Sudan u fuliso heshiiskii dib u dhacay.

    Haddii Sudan ka baaqato, waxa xiga ayaa noqonaya go’aanka Maraykanka ee ah inuu Jabuuti sii joogo ama ciidamadiisa u raro Somaliland.

    Sida muuqata, Ruushku wuxuu la jaanqaadayaa xaaladaha gobolka halkii uu isku dayi lahaa inuu si toos ah u saameeyo, taasoo u muuqata mid xeel dheer marka la eego xaddidaadda saameynta uu ku leeyahay gobolka.


  3. Dalalka Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyay in markii ugu horresay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ku xigeenkiisuba ay noqdeen laba qof oo ka soo jeeda dowladaha jamacadda Carabta.

    Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa dhowaan loo dhaariyay xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, ka dib doorasho uu kaga guulaystay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga.

    Sidoo kale ku xigeenkiisa oo loo doortay danire Selma Haddadi oo an Safiirka Aljeeriya u fadhisa dalka Itoobiya, taas uu noqanaysa haweeneydii ugu horreysay ee Carbeed oo xilkaas qabata taniyo markii la aas-aasay ururka Midowga Afrika sanadkii 1963-dii.

    Arrintan ayaa guul Taariikhiya u ah dalalka Carabta ee ku jira Midowga Afrika, waana markii ugu horraysay ee labadaas xil ay isku mar qabtaan.

    Source: goobjoog.com


  4. Raila-Odinga-scaled.jpg?fit=2560%2C1654&

    Nairobi (Caasimada Online) – Xulafada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa soo jeediyay in Kenya dib uga fiirsato xubinnimada Midowga Afrika (AU), kaddib guuldaradii uu Sabtidii kala kulmay doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC).

    Doorashadan, oo ka dhacday Shir-madaxeedkii 38-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

    Kaddib wareegyo codbixineed oo socday toddobo marxaladood, Youssouf ayaa ugu dambeyn helay xilka, isagoo helay 33 cod—wuxuuna gaaray aqlabiyadda loo baahnaa ee saddex-meelood laba (2/3) oo ka mid ah 49 hoggaamiye dowladeed oo codeeyay.

    Guuldarada Odinga ayaa dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid taageerayaashiisa, taasoo keentay dood xoogan oo ku saabsan doorka Kenya ee Midowga Afrika.

    Xildhibaan Peter Kaluma oo laga soo doorto Homa Bay ayaa noqday mid ka mid ah codadka ugu adag ee arrintan ka hadlay, isagoo shaaciyay inuu ka shaqeyn doono sidii Kenya uga bixi lahayd Midowga Afrika, xitaa suurtagalna ay tahay inay sidoo kale ka baxdo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

    EAC waa urur ay ka tirsan yihiin siddeed waddan oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Uganda, iyo Tanzania.

    Dhinaca kale, Xildhibaan Samuel Atandi oo laga soo doorto Alego Usonga ayaa soo jeediyay in Kenya dib u eegis ku sameyso dhaqaalaha ay ku bixiso Midowga Afrika, isagoo ku baaqay in la dhimo ama la joojiyo maalgelinta ay Kenya siiso ururka.

    Mowqifkan sii xoogeysanaya ayaa muujinaya walaac ballaaran oo laga qabo qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo saameynta uu ku leeyahay danaha dowladaha xubnaha ka ah.

    Senator Ledama Olekina oo laga soo doorto Narok ayaa isna ka hadlay arrinta, isagoo qiray in Madaxweyne William Ruto si buuxda u taageeray musharraxnimada Odinga. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo qaab-dhismeedka Midowga Afrika, isagoo xitaa soo jeediyay su’aal ay dood dhalisay: “Maxaa diidaya in Midowga Afrika loo kala qeybiyo labo?”

    Waxaa xusid mudan in hanaanka doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu si gaar ah ugu xiran yahay dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo aysan wax saameyn ah ku lahayn maamullada militari.

    Xilkan waxaa si wareeg ah loogu wareejiyaa shanta gobol ee Afrika. Doorashadan, gobolka Bariga Afrika ayaa soo xulay musharraxa guddoomiyaha, halka gobolka Waqooyiga Afrika uu keenay ku-xigeenka.


  5. Trump-Putin-scaled.jpg?fit=2560%2C1770&s

    Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in uu “si dhakhso ah” ula kulmi karo Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dhiggiisa Ruushka ay dhab ka tahay joojinta dagaalka Ukraine.

    “Waqti lama cayimin, balse waa dhici kartaa in ay dhowaan dhacdo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu isku dayay in uu hoos u dhigo rajada laga qabo wadahadallo heer sare ah oo lagu qabanayo Riyadh si loo soo afjaro dagaalka.

    Iyadoo Rubio uu hoggaamin doono wafdi sare oo Mareykan ah oo wada-hadallo kula yeelanaya saraakiisha Ruushka caasimadda Sacuudiga maalmaha soo socda, ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan, xilli dagaalka Ukraine uu galayo sannadkii saddexaad.

    Trump ayaa sheegay in kooxdiisu ay “waqti dheer iyo dadaal badan” la qaadatay saraakiisha Ruushka, oo uu ka mid yahay ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kaasoo uu Trump sheegay inuu dhowaan la kulmay Putin muddo saddex saacadood ah.

    “Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu Trump ka yiri Putin.

    Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay in Putin uu damacsan yahay inuu Ukraine dhan qabsado, Trump wuxuu yiri: “Taasi waxay ahayd su’aashayda.”

    “Haddii uu sii wado… taas waxay i hor dhigi lahayd dhibaato weyn,” ayuu Trump ku daray.

    “Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu soo afjaro dagaalka, waxayna rabaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhammeeyaan. Labadooduba,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Zelensky sidoo kale wuu rabaa in la soo afjaro.”

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Axaddii sheegay in uu rumeysan yahay in Ruushku uu u diyaar garoobayo inuu dagaal ku qaado NATO oo daciif ah, haddii Trump uu hoos u dhigo taageerada Mareykanka ee isbahaysiga.

    Trump wuxuu u muuqday inuu hoos u dhigayo hadalka Zelensky, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuusan “xitaa yar” uga welwelsaneyn farriinta hoggaamiyaha Ukraine.

    Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ayaa marar badan ku adkeystay in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine hal maalin gudaheed haddii uu dib ugu laabto Aqalka Cad. Hase yeeshee, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay in “aysan sahlaneyn” in la xalliyo dagaalkan dheer, dhiigga badan ku daatay, islamarkaana murugsan.

    “Hannaanka nabadda waa mid u baahan dadaal ka badan hal kulan,” ayuu yiri diblomaasiga sare ee Mareykanka wareysi uu siiyay CBS, xilli uu ka qeyb galay Shirka Amniga Munich.

    ‘Weli waxba lama go’aamin’

    Rubio ayaa hoggaamin doona wafdi heer sare ah oo Mareykan ah oo u socdaalaya Riyadh, balse weli lama caddeyn in Ukraine ay ka qeybgali doonto. Rubio wuxuu sheegay inuusan xitaa hubin cidda Moscow ay u soo diri doonto.

    “Weli waxba lama go’aamin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ujeeddadu ay tahay in la helo fursad lagu billaabo wadahadal ballaaran oo “ay Ukraine ka mid noqon doonto, islamarkaana la xiriiri doona dhammaadka dagaalka.”

    Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Michael Waltz, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wadahadallada.

    Trump iyo Putin ayaa Arbacadii yeeshay wicitaan dheer oo ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo billaabo wadahadallo xabbad-joojin ah.

    Wadahadalkii ayaa lama filaan ku noqday xulafada NATO iyo Kyiv, iyadoo Zelensky uu ku adkeystay in “wax go’aan ah laga gaareyn Ukraine iyada la’aanteed.”

    “Xilligan ma jiro wax hanaan ah,” ayuu yiri Rubio, oo Sabtidii telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov. “Hal wicitaan nabad ma keeni karo.”

    Wareysi uu Axaddii siiyay NBC, Zelensky wuxuu ku sheegay in Putin uu yahay qof been badan, oo aan la aamini Karin.

    “Ma aaminsani in qofna qof kale uu aamini karo marka la eego arrimaha siyaasadda caalamiga ah,” ayuu yiri Rubio.

    “Maalmaha iyo toddobaadyada soo socda waxay go’aamin doonaan haddii (Putin) uu dhab ka yahay ama aanay ahayn.”


  6. Dowladda Kenya ayaa markii ugu horresay faahfaahin ka bixisay safarkii uu madaxweynaha maamulka Jubbaland dhowaan ku tagey magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

    Wasiirka deegaanka iyo isbadelka cimilada ee Kenya Aadan barre Ducaale oo wareysi siiyay mid kamida shabakadaha warbaahineed ee Nairobi ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan.


    Mar wax laga weydiiyay safarkii madaxweynaha maamulka Jubbaland uu bishii Janaayo ku tagey magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in socdaalkaasi uu qeyb ka ahaa wada-hadal dhexdhaxaadin ah oo Kenya ay ka dhex wadday Jubbaland iyo dowladda dhexe.

    Wasiir Aadan Barre Ducaale ayaa intaas ku daray in xukuumadda William Ruto ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dawladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Caruushe.

    Madaxweynaha Jubbaland ayaa bishii Janaayo diyaarad gaar ah oo ka qaday Kismaayo waxay geysay magaalada Nairobi, waxayna arrintaas dad badani u arkayeen xadgudub ay dowladda Kenya ku samaysay madax-bannaanida Soomaaliya.

    Source: goobjoog.com


  7. 1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay daah-furtay ol’ole qaran oo afar maalmood soconaya, kaas oo lagu tallaalayo 2.5 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, iyadoo diiradda la saarayo gobollada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

    Ol’olahan, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka, waxaa taageeraya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo Barnaamijka Ciribtirka Caalamiga ah ee Dabaysha (GPEI).

    Ujeeddada ol’olahan ayaa ah in la joojiyo faafitaanka nooca labaad ee fayraska dabaysha (cVDPV2), kaas oo kusoo noqnoqday Soomaaliya tan iyo 2017.

    Soomaaliya waa mid kamid ah toddobada dal ee Barnaamijka Ciribtirka Dabayshu u aqoonsaday inay halis sare ugu jiraan cudurkan. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah cudurro soo noqnoqday, nidaamka caafimaadka oo daciif ah, iyo colaadaha sii socda ee caqabad ku ah dadaallada tallaalka.

    Gobollada kale ee sida weyn ugu nugul dabaysha waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Pakistan, Gobolka Tete ee Mozambique, Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo, Waqooyiga Yemen iyo Waqooyiga Nigeria

    Dadaallada tallaalka iyo wacyigelinta

    Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan, kooxaha tallaalka ayaa guri-guri u mari doona si ay u hubiyaan in carruurta la beegsanayo ay helaan tallaalka cusub ee dabaysha (nOPV2).

    Ol’olahan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa dadaallada joogtada ah ee tallaalka, iyadoo la kordhinayo wacyigelinta bulshada si wax looga qabto cabashada ay waalidiinta qaar ka qabaan tallaalka.

    Sanadkii hore, dadaalladii joogtada ahaa iyo ol’olayaashii gaarka ahaa ee cudurka dabaysha ayaa suurta geliyey in la tallaalo 600,000 oo kamid ah 1.5 milyan oo carruur ah oo aan weligood wax tallaal ah qaadan. Ol’olahan cusub ayaa sii xoojinaya guulihii hore, wuxuuna muujinayaa sida ay dowladda uga go’an tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed.

    Dabayshu waa cudur halis ah, balse gabi ahaanba laga hortagi karo. Wareeg kasta oo tallaal ah wuxuu inaga dhawaynayaa ciribtirka cudurkan.

    Iskaashiga adag ee bulshada, hoggaaminta dowladda, iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ayaa muhiim u ah xaqiijinta in aan hal ilmo laga tagin.

    Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an inay si dhow ula shaqeyso dhammaan dhinacyada ay quseyso si loo sugo in carruurta Soomaaliyeed laga ilaaliyo cudurka dabaysha iyo cudurrada kale ee tallaalka lagu xakameeyo.

    Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa daah-furtay guddi qaran oo ka shaqeynaya tallaalka iyo ciribtirka dabaysha, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha, si loo dedejiyo dadaallada lagu dabar-goynayo cudurkan.

    Marka lagu daro dadaallada ka dhanka ah dabaysha, dowladda ayaa qorsheynaysa in sanadkan la hirgeliyo tallaalada pneumococcal iyo rotavirus, kuwaas oo si weyn hoos ugu dhigi kara dhimashada carruurta ee la xiriirta oof-wareenka iyo shubanka—labadaas oo ah sababaha ugu badan ee dhimashada carruurta Soomaaliyeed.


  8. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay iskaashadeen ciidanka Mareykanka ee Africom lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Daacish ee gobolka Bari.


    Howlgalkan ayay dowladdu sheegtay in lagu xoojinayo dagaalka ay ciidamada dowlad goboleedka Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

    Warka ay soo saartay dowladdu laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, balse waxaa lagu sheegay in qeymayn ka dib la shaacin doono waxyeellada rasmiga ah ee la gaarsiiyay kooxda.

    Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii labaad dagaal toos ah kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana dagaalkaasi uu sababay in la diley hoggaamiyaal badan oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaaliba.

    Source: goobjoog.com


  9. 1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

    Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuralayda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

    Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS.

    Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

    Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in 1-dii Febraayo 2025, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Daacish.

    Howlgalkaas waxaa lagu dilay 14 xubnood oo Daacish ah, oo uu ku jiray horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine, kaas oo masuul ka ahaa qorista xubnaha iyo aruurinta dhaqaalaha kooxda.

    Sidoo kale, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka qayb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday Daacish, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in door muuqda ay ku leedahay howlgalka Puntland looga xoreynayo Daacish.

    Dowladda Federaalka oo hadda shaacisay duqeynta caawa ka socota Calmiskaad ayaa balan qaaday faahfaahin dhameystiran kadib markii uu soo idlaado howlgalkaan, sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga bartay shaacinta xogta kama dambeysta ah ee howlgallada ay fuliyaan.


  10. 1000025694.jpg?resize=616%2C567&ssl=1President Deni seeks to rectify setbacks caused by Puntland’s excessive concessions to the federal government at the expense of its constituents.

    Garowe (PP News Desk) — Last year, the President of Puntland State of Somalia  Said Abdullahi Deni stated that the proposed currency for Puntland does not signify withdrawal from the Union. His nuanced remarks left no doubt that he does not share the disappointment over how the new federal member states and even the secessionist administration of Somaliland have reaped the benefits of the federal system more than Puntland has.

    Unlike his Interior Minister, Abdi Farah Said Juha, who advocates for a confederal system proposed by some Mogadishu elites several years ago — based on South-North power-sharing to woo back secessionists — President Deni opted for an approach to rectify a system weakened by excessive Puntland concessions to Mogadishu. In 2023, President Deni stated that Puntland would only return to the National Consultative Council if the Somaliland administration participates in deliberations in Mogadishu without claiming to have seceded from Somalia. This stance preceded the 2024 maritime Memorandum of Understanding that the Somaliland administration signed with Ethiopia in January 2024 in violation of the sovereignty of the Federal Republic of Somalia.

    1000025695.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Term extension: President Hassan Sheikh Mohamud might benefit from the political deadlock over the electoral models.

    Puntland rejected the federal representation of Somaliland, which refuses to acknowledge Somalia’s sovereignty and continues to pursue secessionist policies. In 2021, Somaliland forcibly displaced Somali citizens in Laascaanood, and in 2023, it shelled Laascaanood for nearly seven months under the pretext of being a sovereign state.

    1000025691.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Mahdi Guled, a federal MP from Hargeisa, has a history of selling his loyalty to an incumbent government bent on violating the federal constitution.

    The 2023 conflict in Laascaanood has had geopolitical consequences in the Horn of Africa. Puntland regained control of territories that fall under its federal jurisdiction. Puntland’s position on the future nominal representation of Somaliland in federal institutions remains one of the major stumbling blocks to holding indirect or one-person, one-vote elections in Somalia in 2026 or beyond.

    1000025693.jpg?resize=715%2C715&ssl=1Abdi Farah Said ‘Juha’ (un) knowingly advocates a confederal system based on South-North talks. 1000025702.jpg?resize=828%2C1272&ssl=1

    In 2012, Puntland State agreed to the current arrangement, whereby Somaliland MPs and Senators could be selected in Mogadishu. This compromise turned out to be a political bonanza for political elites who view Mogadishu as their stronghold. MPs and Senators from secessionist constituencies have consistently supported violations of the federal constitution by successive incumbent federal governments. They backed the attempted term extension for the previous federal government (2017–2022) and supported the controversial constitutional amendments of 2024.

    Last year, Mahdi Guled, a federal MP representing a Hargeisa constituency and a former Deputy Prime Minister, claimed that “one person, one vote can take place in Buuhoodle.” His remarks astonished observers. “Why cannot a similar one-person, one-vote federal election not take place in Burco or Hargeisa?”

    The ongoing political deadlock may provide an opportunity for a term extension for President Hassan Sheikh Mohamud if Puntland does not support the customary indirect elections should the electoral model proposed by Villa Somalia for 2026 falter. Puntland State, made up of six regions, feels politically disadvantaged by an alliance between unionist Mogadishu and secessionist Hargeisa political leaders, who have since fallen out following the maritime MoU that former Somaliland President Muse Bihi Abdi illegally signed with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed.

    © Puntland Post, 2025

    The post Puntland Pushes Back Against Mogadishu and Hargeisa Alliances appeared first on Puntland Post.


  11. 160407-F-XJ860-240.jpeg?resize=1000%2C66

    Duqeymo kala duwan ayaa sida dowladda Puntland xaqiijisay galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaanna goobaha Argagixisada ISIS kaga dhuumanayaan buurahaasi.

    Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraatiga Carbeed ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw degaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa la gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
    Argagixisada Daacish.

    Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in duqeyntii galabta oo ay fulisay dowladda Imaaraatiga Carbeed lagu gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
    Argagixisada ISIS waxaana Puntland tallaabadaasi uga mahadcelisay dowladda UAE.

    “Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
    Argagixisada Daacish” ayuu yiri Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.

    Dhinaca kale, duqeymo culus oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa caawa laga fuliyay godad ku yaalla togga Curaar iyo Dara-madow oo ay difaacyo adag ku lee yihiin Argagixisada ISIS inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaaraha gaaray dagaallamayaasha Daacish.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo ka hadashay duqeymo culus oo galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.


  12. Danab_Brigade_Armpatch_Somali_Army.jpg?f

    Washington (Caasimada Online) – Joojinta madaxweyne Donald Trump uu ku sameeyey gargaarka dibadda ee Mareykanka, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya, ayada oo la hakiyey lacagtii Washington ay ku bixin jirtay ciidamada Danab, iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish.

    Saacado un kadib markii uu xilka la wareegay bishii hore, Trump wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo hakad gelinaya barnaamijyada gargaarka dibadda muddo 90 maalmood ah.

    Wuxuu ku dooday in “gargaarka dibadda iyo hay’adaha la xiriira aysan waafaqsanayn danaha Mareykanka” isla markaana ay “wax u dhimayaan xasilloonida caalamka.”

    Si kastaba ha ahaatee, afar mas’uul oo hore iyo kuwo hadda xil haya – kuwaas oo codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan aargoosi xagga dowladda ah – ayaa sheegay in barnaamijyadan la hakiyay si gaar ah loogu talagalay in looga hortago khataraha amniga qaranka, joojintooduna ay halis gelin karto Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah.

    Aqalka Cad kama jawaabin codsi loogu diray faallo ka bixinta arrintan.

    Saameynta hakadka gargaarka amniga

    Mareykanka wuxuu sannadkii bixiyaa ku dhawaad $10 bilyan gargaar amni oo dibadda ah. In ka badan kala bar miisaaniyaddaasi waxay aadaa Israa’iil, Masar, iyo Ukraine – saddexdan waddan ayaana laga dhaafay xanibaadda kharashaadka.

    Dhanka kale, waddamada kale ee xulafada la ah Mareykanka ee ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe – kuwaas oo hela gargaar aad uga yar – waxay la kulmeen hakad ballaaran oo saameeyay barnaamijyadooda amniga.

    Mid ka mid ah barnaamijyada si gaar ah looga walaacsan yahay waa barnaamijka Kaalmada Ka-hortagga Argagixisada (Anti-Terrorism Assistance), oo Mareykanku ku bixiyay $264 milyan sannadkii 2023 si sare loogu qaado awoodda xulafadiisa ay uga falceliyaan khataraha xagjirka.

    Barnaamijyo kale ayaa diiradda saaraya la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, ka hortagga ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo xoojinta hay’adaha sharci fulinta ee maxalliga ah. Qaar badan oo ka mid ah barnaamijyadan hadda waa la hakiyay.

    “Tani ma aha ‘Show-ga The Apprentice.’ Lama oran karo xulafada: waad la bixi kartaan,” ayuu qoray sarkaal hore oo dhanka amniga ah. “Wax kasta oo aan siino – laga bilaabo tababar iyo qalab ilaa talo guud – waa gargaar dibadeed, waxaana ay xulafadayadu ku tiirsan yihiin si ay u fuliyaan howlaha Mareykanku ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan si ‘Mareykanka ammaan u noqdo!’”

    Soomaaliya oo saameyn gaar ah dareentay

    Soomaaliya, oo Mareykanku taageero siiyo si ay ula dagaallanto Al-Shabaab – kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda – ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay hakadka dhaqaalaha, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka.

    Joojinta dhaqaalaha ayaa halis dhanka amniga ah u keentay boqolaal askari oo Mareykan ah oo ku sugan halkaas.

    Qandaraaslayaal qaabilsan dhismaha iyo dayactirka xeryaha ciidanka gaarka ah ee Danab – oo uu Mareykanku tababaray – ayaa si lama filaan ah uga tagay, taasoo keentay in askarta Mareykanka ay dadaal geliyaan si ay u buuxiyaan kaalintooda, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka.

    Ku dhawaad 400 oo askari oo ka qalin jabiyay tababarka Danab ayaa looga tagay bannaanka saldhig Mareykan ah, iyagoo aan helin raashin, shidaal ama koronto.

    Qandaraasle kale oo qaabilsanaa daad-gureynta dhaawacyada askarta Soomaaliyeed wuxuu hayay shaqaale ku sugnaa goob dagaal oo fog xilliga la soo saaray amarka joojinta shaqada, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka. Lama oga in dib u celinta shaqaalahaasi ama howlaha kale ee daad-gureynta la bixin doono.

    Shaybaarrada Soomaaliya oo hakad galay

    Xayiraadda dhaqaalaha waxay sidoo kale saameysay shaybaarrada Mareykanku taageero ee ku yaalla Muqdisho iyo Garoowe, kuwaas oo baara rasaasta, DNA-da, bambooyinka iyo cadeymo kale.

    Lt. Col. Maxamed Maxamuud Axmed, oo ah madaxa laanta baarista dambiyada ee booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in shaybaarka Muqdisho uu bixin jiray faro-bixino iyo xog kale oo lagu gudbiyo Interpol iyo FBI.

    “Sannadkii hore, shaybaarku wuxuu la tacaalay illaa 120 kiis oo argagixiso,” ayuu yiri Axmed. “Laakiin howlihii oo dhan hal bil gudaheed ayay istaageen. Tababarayaasheena way tageen, shatiyada IT-gana waa dhacay.”

    Khabiir dhanka amniga ah oo si qoto dheer uga shaqeeyay Soomaaliya wuxuu arrinta si cad u sheegay:

    “Haddii dhaqaalaha Mareykanka gabi ahaanba istaago, dagaalkan [lagu hayo Al-Shabaab] si degdeg ah ayuu u dhammaanayaa,” ayuu yiri.

    Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay sannado badan weerarro dhimasho leh ka gaysteen Kenya, oo ah xulafo weyn oo Mareykanka ah. Sannadkii 2020, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaalla Jasiiradda Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen saddex Mareykan ah.

    Sannadkii 2013, weerar ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi wuxuu socday maalmo, halkaas oo boqolaal qof lagu dilay; sannadkii 2019, weerar kale oo lagu qaaday hoteel heer sare ah oo Nairobi ku yaalla wuxuu sababay dhimashada 21 qof.

    Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo Daacish ay ka dhigatay saldhig hawleed iyo mid dhaqaale, ciidamada maxalliga ah ayaa ku jira dagaal culus oo lagu doonayo in lagaga saaro kooxdaasi, balse weli ma helin taageero xagga reer galbeedka ah.

    Warbixin bishan ka soo baxday guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee baaraya Daacish iyo Al-Qaeda ayaa lagu sheegay in khatarta kooxahani ay weli tahay mid xooggan, isla markaana ay sii xoojinayaan diiradooda Afrika.

    Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay sameysaneyso xiriir “ku meel gaar ah ama fursad raadis ah” oo ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro la beegsanaya marin-biyoodka caalamiga ah.


  13. dil-toogasho-ah.png?fit=1206%2C627&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah oo ka mid ah 45 maxaabiis Soomaali ah oo lagu helay inay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo.

    Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa VOA u xaqiijiyey in maxbuuskaas maanta la qisaasay oo la dilay, safiirka ayaa sheegay in layaab uu ku noqday go’aanka lagu toogtay mid kamid ah maxaabiistii Soomaaliyeed.

    Xasan Xuseen Yuusuf oo adeer u ah ninoa maanta Sacuudiga lagu toogtay ayaa sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray isagoo u sheegay in la qisaasayo oo tiirka ii ku xiran yahay, isagoo codsaday in lasoo cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo.

    Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo dilka ay ku xukuman yihiin, maadaama maanta la toogtay mid ayaga ka mid ah.

    Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye.

    Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

    Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale.

    Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday, maadaama lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu caawiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada Sacuudiga, iyadoo la rajeynayo in dadaalladaasi ay sii socdaan si loo badbaadiyo nolosha maxaabiistan.


  14. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.

    Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle, kuwaas oo lagu soo af-jarayo haraadiga Khawaarijta.

    “Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

    Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah.

    Source: goobjoog.com


  15. Danab_Brigade_Armpatch_Somali_Army.jpg?f

    MOGADISHU, Somalia – The Trump administration’s abrupt suspension of US foreign aid programs has sparked alarm among security experts and defense officials, who warn that the move could weaken counterterrorism efforts in Somalia, particularly against militant groups such as al-Shabab and the Islamic State (IS).

    Last month, the White House issued an executive order pausing all foreign aid programs for 90 days, citing concerns that the “foreign aid industry and bureaucracy are not aligned with American interests” and “serve to destabilize world peace.”

    However, several current and former US officials, speaking anonymously, argue that the suspension is counterproductive, jeopardizing security partnerships and endangering American personnel stationed abroad.

    The US spends nearly $10 billion annually on foreign security assistance. While major allies such as Israel, Egypt, and Ukraine were exempted from the freeze, numerous security programs across Africa and the Middle East have been brought to a standstill.

    Among them is the Anti-Terrorism Assistance program, which had a $264 million budget in 2023 to strengthen the counterterrorism capabilities of partner nations.

    “This is not The Apprentice. You can’t just tell your partners: ‘You’re fired,'” a former US security official said. “Everything we provide—training, equipment, and operational support—is foreign assistance, and many of these nations rely on it to sustain operations that directly protect U.S. interests.”

    Impact on counterterrorism in Somalia

    One of the hardest-hit regions is Somalia, where the US has played a critical role in the fight against al-Shabab, an al-Qaeda-linked insurgent group responsible for numerous deadly attacks. The funding freeze has led to immediate operational disruptions for Danab, U.S.-trained Somali special forces crucial to counterterrorism missions.

    A US defense official revealed that private contractors responsible for building and maintaining Danab bases withdrew abruptly, forcing American troops to take over logistical duties.

    Additionally, nearly 400 newly graduated Danab soldiers were left stranded outside an American military base without provisions for food, fuel, or electricity.

    Further complicating the situation, medical evacuation (medevac) services for injured Somali soldiers were halted mid-operation.

    “Personnel were in a remote combat zone when the stop-work order was issued,” said the defense official. “It remains unclear whether they will be reimbursed for the return flight or any future medevacs.”

    Somalia’s forensic capabilities have also suffered. U.S.-supported crime laboratories in Mogadishu and Garowe—which analyze bomb fragments, DNA, and ballistic evidence—have been forced to shut down due to funding cuts.

    Lt. Col. Mohamed Mohamud Ahmed, head of Somalia’s police forensics unit, said the closures have disrupted intelligence-sharing with Interpol and the FBI.

    “Our mentors have left, and our IT licenses have expired,” Ahmed stated. “Last year, we worked on about 120 terrorism cases. Now, everything has collapsed within a month.”

    Expanding security vacuum in Africa

    Beyond Somalia, security experts warn that the aid freeze could worsen instability across Africa. A United Nations report this month highlighted that al-Shabab, IS, and other extremist groups remain highly active across the continent, exploiting weak state security structures.

    Al-Shabab has carried out high-profile attacks in Kenya, including the deadly 2013 Westgate Mall siege, which killed over 60 people, and the 2019 attack on Nairobi’s DusitD2 Hotel, which left 21 dead.

    In northern Somalia, IS fighters have established an operational and financial hub, raising fears of a broader regional insurgency. Local forces battling the group have struggled to secure external military assistance, making them increasingly vulnerable to militant advances.

    “If all U.S. funding stops indefinitely, this war [against al-Shabab] will end very fast—and not in our favor,” warned a security expert with extensive experience in Somalia.

    Global security ramifications

    The White House has not provided a clear timeline for the conclusion of the aid review. However, critics argue that the freeze has strained relationships with key security partners.

    With U.S.-backed initiatives stalling, adversaries such as Russia and China may seek to expand their influence in regions traditionally aligned with Washington.

    A recent UN report also highlighted increasing ties between al-Shabab and Yemen’s Houthi rebels, who have targeted global shipping lanes.

    Analysts suggest that weakening Somalia’s security forces could inadvertently strengthen these groups, complicating US efforts to contain transnational terrorist threats.

    As uncertainty looms over the fate of US foreign assistance, military officials and security experts caution that the long-term consequences could be severe.

    “Terrorist organizations exploit power vacuums,” a senior counterterrorism analyst said. “The U.S. risks undoing years of progress in counterterrorism operations, which could come back to haunt us.”


  16. haboon.jpg?fit=1280%2C853&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor Muqdisho looga hor istaagay inay qabsato bandhig faneed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

    Haboon ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa si diirran ugu soo dhaweeyay fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

    Fannaanadda oo la hadashay warbaahinta gudaha kadib imaatinkeeda Hargeysa ayaa sheegtay inay ogoshahay wax walba oo ay ku weyday qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

    Fannaanaddan ayaa horey uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho.

    Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xilligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

    Haboon ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inay raalli-gelin ka bixiso kadibna ay qabsan karto bandhig-faneedkii u dhignaa, balse fannaanadda ayaa diiday, waxayna go’aansatay inay iskaga soo laabato Hargeysa oo markii hore ay kasoo duushay.

    Reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhibsaday heestii ay qeybta ka ahayd ee lagu karbaashay xilli ummadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.

    Hoos ka daawo muuqaalka