Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. FB_IMG_1672731698598.jpg?resize=720%2C54

    Siyaasiyiin ku midaysan isbeddel doonka cusub ee Puntland ayaa ku shirsan caasimadda Garoowe.

    Siyaasiyiintan oo u sharraxan xilka Madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024 ayaa lagu wadaa in ay maanta war-saxaafadeed ka soo saaraan xaaladda ka jirta Puntland.

    Puntland ayaa u muuqata mid durba sannadka cusub gashay ololaha doorashada 2024 xilli Madaxweyne Deni weli isku maaweelinayo qof iyo cod.

    Hadal-haynta doorashooyinka qof iyo cod ayaa maalmihii u danbeeyay ku sii yaraanayay gudaha Puntland waxaana ka saamayn batay xiisadda Laascaanood.

    PUNTLAND POST

    The post Musharrixiinta Puntland ee doorashada 2024 oo maanta war ka soo saaraya Garoowe appeared first on Puntland Post.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ee uu fadhigooda yahay Muqdisho ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee ku aadan shirka dib u heshiisiinta ayaga oo miiska soo saaray shuruudo cusub oo ay tahay in la fuliyo kahor shirweynahaasi.

    Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh ee maamulkaasi.

    Musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ayaa warqad u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isugu iclmaamiyay shirka dib u heshiisiinta, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen guddigii uu shalay u xil-saaray arrimaha dib u heshiisiinta.

    Golaha ayaa shaaca ka qaaday in aan lagala tashan magacaabidda xubnaha guddigaas oo ka kooban illaa 7 xubnood, waxayna sheegeen inay u jan jeeraan hal dhinac.

    Sidoo kale waxa ay sheegeen in aan la fulin ballamihii hore, gaar ahaan in xal loo helo dhacdadii Baydhabo iyo in ciidamada laga dul-qaaday gurigii ay qabsadeen ee mucaaradka.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan lasii deyn weli dadkii lagu xir-xiray Baydhabo, kadib rabshadihii dhacay, taasi oo ka mid aheyd qodobada laga hadlay.

    Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay horey usoo jeediyeen in tallaabo laga qaado saraakiishii fulisay weerarkii 23-kii bishii hore, si looga gaashaanto dagaal markale ka dhaca halkaas.

    Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa dabaday in la fuliyo dhammaan shuruudahaan, si looga wada-hadlo xiisadda taagan, xalna loogu helo arrimaha koonfur Galbeed.

    Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran, waxaana loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta oo furmayo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota.

    Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay, markii ay mucaaradka diideen muddo kororsiga Lafta-gareen oo ay hal sano ugu dareen xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna taas sababtay in uu dagaal ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

    received_5878735452192577.jpeg?resize=69

    The post Mucaaradka K/Galbeed oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna ra’iisul wasaare hore oo soo maray dalka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, kadib isbeddalkii ka dhacay Soomaaliya, 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

    Gaas oo uu warramay Telefishinka Universal ayaa aad u boggaadiyay shaqo wanaagsan oo uu tilmaamay inay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Siyaasigan ayaa si gaar ah madaxweynaha ugu amaanay go’aankiisa ku aadan xoreynta dalka, si loo saaro kooxda Al-Shabaab.

    Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladdu ay fursad ka heshay kacdoonka shacabka ee ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo sare u qaaday dagaalka socdo.

    “Madaxweynihu mudnaanta uu siiyay la dagaalanka Al-Shabaab runtii aadbaan u boggaadinayaa, waana waxa kaliya ee hadda lagu qiimeyn karo waxqabad dhab ah oo muuqda oo aan is oran karno dowladdu waa ay ku faani kartaa intaas weeye,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

    Sidoo kale wuxuu ku aamanay dowladda sida ay u shaqeynayaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

    “Dowladdu waxa ay u muuqataa dowlad wadajirta oo madaxweyne, ra’iisul wasaare iyo wasiiro oo wada shaqeyno-bey u egyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in weli shaqo adag laga rabo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, maadaama ay yihiin saaxibo horay usoo wada shaqeeyay.

    “Niman saaxibo ah oo isku xisbi ah ayey ahaayeen labadaa nin laakin shaqo ayaa laga rabaa,” ayuu markale yiri Cabdiweli Gaas.

    Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaabm, kaas oo inta badan ka socdo gobollada dalka Soomaaliya.

    The post Cabdiweli Gaas oo laba arrin ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.


  4. Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dabley ka caraysan shacabkii lagu laayay magaalada.

    Saldhig Ciidamada Somaliland ku leeyihiin xaafadda lagu magacaabo Durdurka ee Laascaanood ayaa la soo weriyay in iska hor-imaadkaas ka dhacay.

    Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada welise faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha ka dhashay.

    Dhinaca kale bara-kac xooggan ayaa saaka weli ka socda magaalada waxaana xiran xarumaha ganacsiga iyo kuwa adeeg-bixinta marka laga reebo isbitaallada.

    Isbitaallada Laascaanood ayaa la tacaalaya dhaawacyada shacabkii ay laayeen ciidamada Somaliland oo qaarkood xaalad culus ku sugan yihiin

    PUNTLAND POST

    The post Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

    Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafada Durdur ee magaaladaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ah, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka ee Laascaanood, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland.

    Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay halkaasi.

    Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha qaar ee Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii labaad.

    Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

    Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

    Dhankooda ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof oo shacab ahaa, kuwaas oo aan waxba galabsan.

    Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

    The post Dagaal culus oo ka dhacay L/C & wararkii u dambeeyay appeared first on Caasimada Online.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha lagu sameynayo lacagta shilinka Soomaaliga iyo caqabadaha hor taagan.

    Wasiir Cilmi ayaa shaaciyey in kolhore Soomaaliya loogu deeqay oo bangiga adduunka uu balan-qaaday inta badan badan lacagtii lagu soo daabici lahaa shilin Soomaaliga, balse weli xal loo helin farsamooyin kale oo dowladda looga baahanyahay iyo lacag gaareysa 30 milyan oo dowladdu aysan awoodin.

    Wasiirka maaliyadda oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hor taagan in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga ee dadka Soomaaliyeed ay milkiyadda u lahaayeen, wuxuuna sheegay inay jiraan laba caqabadood oo kala ah:

    1 – In lasoo daabaco lacagtaas waxaa ku baxaysa 70 Milyan, lacagtaasna miisaaniyadeena kama go’do, marka bangigga adduunka ayaa mar dhexe noo balan qaaday in ka badan 40 Milyan, waxaana lagu balamay in 30-ka kale la raadiyo, welina waa taagan tahay arrintaas.

    2 – Arrinta labaad ee caqabadda ah waa dhinaca farsamada, sida in Bangiga dhexe uu isku diyaariyo sameynta lacagtaas, waxaa loo baahan yahay in bangigu helo qalabkii loo baahnaa iyo ilaalinta qiimaha suuqa ee lacagta la sameyn doono.

    “Waxaa haloo loo baaha doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka galaan sidii lacagtaas ay uga wada shaqeyn laheyd dalka oo dhan, wadahadalkaas heshiiskii lagu maamuli lahaa lacagtaas waa socdaa hadda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

    Ugu dambeyntii wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in heer wanaagsan uu marayo diyaar garowga sameynta lacagta shilin Soomaaliga, sida in bangiga dhexe uu awood u leeyahay, balse farsamooyinka qaar ay ka dhiman yihiin iyo in la hayo kala bar ka badan lacagtii lagu sameyn lahaa shilin Soomaaliga.

    Lacagta shilin Soomaaliga oo hadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya qeybo ka mid ah ayaa noqotay mid aad u liidata oo wax dayactir ah aan helin, sanadihii badnaa ee dalku uu burburka ku soo jiray.

    Inta badan dalka hadda lagama isticmaalo shilin Soomaali, gobollada ay lacagtaasi ka joogsatay waxaa ka mid ah Galmudug, Somaliland, Puntland, qeybo ka mid ah HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada xiga xuduuda Kenya, sida Beledxaawo.

    The post DF oo shaacisay caqabado ka hor taagan inay sameyso lacag shillin Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.


  7. Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale,
    wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba.”
    Qorre:- yoonis Ahmed yoonis
    yoonis.jpg
    “Xalka laas-caanood yaa laga sugayaa ???
    Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale,
    wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba.
    Wasiirka ammaanka qaabilsan Somaliland Maxamed kaahin, isaguna wuxuu u dalxiis tagay deegaankiisii bali-dhiig oo nabad ah,
    ilaa maanta kama hadal xaaladda Laascaanood ka taagan, waana arrinta muujinaysa fashilka Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday dulhoganaysa.
    Madaxweyne, muddo xilkiisu dhamadayna ee Muuse Biixi umaddii reer Somaliland way baafinaysaa meel uu marayo iyo meel uu ka hadlayo midna lama hayo.
    Arrimahani dhamaantood marka la isku soo wada duubo waa kuwo muujinaya fashilka siyaasaddeed iyo amni ee ay dhex fadhiyaan Guddidii amniga qaranka. dalkii Haddii ay ku fashileen hoggaamtii iyo taladii dalka, ummada xilka u dhiibatay dib ha ugu soo celiyaan.”

    Qaran News


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay shir guddoomiyay kalfadhigga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka ayaa soo jeediyey tallaabo ay tahay in la qaado oo la xiriirta xiisadda magaalada Laascaanood

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

    Guddoomniyaha ma faah-faahin waxa uu qaban doono guddiga iyo habka loo dhisi doono, balse go’aankiisa ayaa yimid ayada oo horey loogu eedeeyey mooshin laga keenay xiisadda Laascaanood. 

    Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa kacsanayd maalmahan iyadoo ay ka socdeen bannaanbaxyo daba socday dil toddobaadkii hore magaalada loogu gaystay mid ka mid ah siyaasiiyiinta degaanka.

    Qulqulatooyinkaas ayaa keenay dhimasho dad rayid ah kadib markii ay ciidamada Somaliland rasaas fureen, sida ay sheegeen dadka degaanka. Waxaa la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 20 qof iyo dhaawaca tobanaan kale.

    Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii 10-aad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaas.

    Beesha caalamka ayaa shalay walaac ka muujisay xiisadda ka taagan magaaladaas.

    “Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”

    Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. 

    The post Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ugu amaanay doorka ay ku leeyihiin dagaalka dalka ka socda Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

    Madaxweynaha oo maanta xerada ciidanka xoogga ee Jeneraal Goordan kula hadlaayey cutubyo ka tirsan ciidankii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ayaa labadaas taliye ku amaanay sida ay waqti ugu bixiyeen hoggaaminta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

    Wuxuu sheegay in maalin kasta ay isaga gudbaan dhul halis badan oo cadow ka dagaalamayo, iyagoo awooda inay xafiisyadooda fariistaan oo ciidanka halkaas ka hagaan.

    “Odawaa iyo Biixi oo garbaheyga taagan har iyo habeyn ma nastaan, iyagoo Janano ah oo xafiisyo leh ayey buuraha ku dhex hoydaan, furimaha kama soo baxaan, sidaas oo kale ayaan idinka rabaa inaad uga qeyb qaadataan dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aad ula dardaarmay ciidankaan.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Biixi iyo Odawaa ay awood u leeyihiin in xafiiskooda aysan ka bixin oo ciidanka dagaalamaya ay gacanka oo kaliya kala hadlaan, balse taas ay meel iska dhigeen oo furimaha ay isku daba-maraan, si looga guuleysto argagixisada.

    Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaciyey in dad badan ay su’aalo ka weydiiyeen sababta uu ciidanka u dhex-tago, balse wuxuu sheegay inuu aad ugu farxo guulaha ciidamada, isla markaana uu farxad badan dareemo marka uu la kulmayo ciidanka.

    “Waxaan ahay Aabe, waana garanayaa in aad u baahan tihiin inaad u tagtaan ehelladiinii oo booqataan tuulooyinkii ay waalidkiin deganaayeen, waa tegeysaan insha allaah, iyagoo xor ah oo intii cadow heysto laga xoreeyey,” ayuu ciidankaan kula dardaarmay madaxweynuhu.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

    “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu dardaarankiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

    Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

    “Halka u jeedo ee Eritrea ay ka leedahay inay ciidankaan noo tababarto waa in Soomaaliya ay ka xorowdo cadowga dalka iyo dadka duleystay, magaca Eritrea in mar kasta aan xusno kama caajisi doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Hoos ka daawo

    Speaking to Somali special forces trained in #Eritrea, who are now in #Mogadishu, President @HassanSMohamud commended the leadership of Somali National Army for leading and coordinating the ongoing operations to eliminate terrorists.#Somalia pic.twitter.com/DcvgEAjlYz

    — Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) January 2, 2023

    The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo laba sarkaal ku amaanay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.


  10. Mogadishu (Caasimada Online) – International partners have expressed concern over the ongoing violence in Laascaanood, Somalia, which has caused the deaths of numerous civilians and significant destruction.

    According to a doctor at a regional public hospital, at least 20 people have been killed in clashes between anti-government protesters and security forces in the city over the past several days.

    The demonstrations began a week ago and were sparked by the assassination of a local youth leader and member of the opposition Waddani Party, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi).

    “International partners are deeply concerned about the ongoing violence in Laascaanood, Somalia, which has resulted in numerous civilian deaths and casualties,” said a statement from the international community released on Sunday.

    “The protection of civilians and the prevention of violence is of the utmost importance. We call for calm and restraint and urge all parties to work towards de-escalating the situation and resolving tensions through dialogue.”

    The protesters are demanding that Somaliland cede control of Laascaanood to Puntland and have accused the security forces of failing to address the insecurity in the town.

    Puntland’s Vice President, Ahmed Elmi Osman Karash, has accused the Somaliland army of committing a “massacre of civilians” in Laascaanood.

    Somaliland’s Minister of Information, Salebaan Ali Koore, has appealed to the protesters to stop their demonstrations and enter negotiations with the government.

    However, tensions remain high, and the situation remains volatile. The international community urges all parties to work towards a peaceful resolution and prioritize civilians’ safety and well-being.

    Laascaanood is disputed between Somaliland, and neighboring Puntland, one of Somalia’s semi-autonomous regions.

    Somaliland declared its independence from Somalia in 1991. However, it has yet to gain widespread international recognition for its independence and is not recognized as a sovereign state by the international community.

    Despite this, Somaliland has maintained a high degree of stability and security compared to the rest of Somalia, which has been embroiled in civil war for over three decades. Somaliland has its own government, military, and currency.

    The post International Community calls for calm in Laascaanood, Somalia, amid civilian deaths appeared first on Caasimada Online.