Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,853
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dahacay Isgoyska Soobe, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac baahsan oo soo gaaray dad shacab u badanaa.
    Guddigaan la magacaabay ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah golaha wasiirrada Soomaaliya, sida wasiirrada  Caafimaadka, Caafimaadka, Haweenka iyo Wasiirudowlaha Madaxtooyada Qaranka, guddigaan ayaa ka shaqeyn doona la socodka guud ahaan khasaarihii kale duwanaa ee ka dhashay waxyeellada qaraxyadii dhacay.
    Halkaan Ka Akhriso:
    1. Dr. Cali Xaaji Aadan Guddoomiye
    2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Xubin
    3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Xubin
    4. Daa’uud Aweys Jaamac. Xubin
    5. Khadiijo Maxamed Diiriye Xubin
    6. Abshir Maxamed Axmed Xubin
    7. Xirsi Jaamac Gaani Xubin
    8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Xubin
    9. Maxamuud Macallin Cabdulle Xubin
    10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Xogheyn
    Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:
    1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
    2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
    3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
    4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
    5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.
    Qaraxyadaan oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedralka Soomaaliya ayaa waxaa dadka ku geeriyooday ay ku dhow yihiin 200 ruux, halka dadka dhaawaca ahna ay ka badan yihiin 300 oo kale, wali waxaa socda tirakoobka saxda ah, iyadoo meydad hor leh maanta laga soo saaray goobihii qaraxyadu ka dhaceen.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) ayaa noqotay hey’adii ugu horeysay ee kasoo jawaabto codsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee ahaa in si deg deg ah gargaar caafimaad loola soo gaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

    Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay  Tedros Adhanom Ghebreyesus  ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan.

    Tedros Adhanom Ghebreyesus  ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Madaxa WHO wuxuu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

    Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qaraxii kan khasaaraha badnaa ka dhacay isla isgoyskaan Shan sano ka hor.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegatay inay la beegsatay dhallinyaro la ciidameyn rabay balse sida muuqata waxaa ku dhintay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato iyo dad isticmaalayey jidadka.

    The post Hey’adii ugu horeysay oo kasoo jawaabtay cosiga madaxweyne Xasan ee Qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, illaa haddana waxa la xaqiijiyay dhimashada 104 qof, halka dhimashada ay intaas kasii badan tahay, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in illaa hadda lala soo wadaagay in dhaawaca uu yahay 269 qof.

    “Waxaa ina soo gaartay sida ay nala wadaagtay waaxda caafimaadka dhaawacu waxa uu gaaraya 269 ayey nala wadaageen, dhimashaduna 104 ayey mareysa oo illaa hadda 6 qof ayaa la aqoonsan dadkoodii,” ayuu yiri.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka si fiican loo aqoonsan waayo ay masuul ka tahay dowladda Hoose ee Xamar, islamarkaana ay la wareegi doonto aasitaankooda, sida uu sheegay.

    “Waxaa leenahay dadka Isbitaalada ha tagaan oo ha fiiriyaan, waxaa rabnaa in aan isku gurmano, is-kaalmeyno oo is caawino.”

    Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu faray Isbitaalada magaalada Muqdisho inaysan lacag ka qaadin dhaawacyada ay daaweyn karaan, ayada oo xusay in dhaawacyada culus ay isla xalin doonaan dowladda.

    Si kastaba, waxaa la filayaa in khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Zoobe 2 uu ka badan inta illaa hadda ay warbixintooda soo gaartay maamulka gobolka Banaadir, maadama weli maydad hor leh laga soo saarayo dhismayaashii burburay.

    Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

    The post Khasaaraha qaraxyadii Zoobe 2 oo kordhay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee qaraxyadii shalay ka dhacay Zoobe.

    Guddigaan oo heer Qaran ah ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xilsaaray hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee shalay iyo fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

    Sidoo kale waxay guddigaan sameyn doonaa diiwaan-gelinta iyo baadi-goobka dadka la la’yahay, isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka iyo xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee isbitaallada dalka

    “Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ka jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada ayaa waxa uu magacaabay guddigaan oo heer qaran ah.”

    Guddigaan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, sidoo kale waxa ku jira oo xubno ka ah Wasiirada wasaaradaha Amniga, Waxbarashada, Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Guddiga gurmadka ayaa waxa uu ka kooban yahay 10 xubnood, waxay kala yihiin;

    1. Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka = Guddoomiye
    2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali, Wasiirka Amniga Gudaha = Xubin
    3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir, Wasiirka Waxbarashada = Xubin
    4. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta = Xubin
    5. Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka = Xubin
    6. Abshir Maxamed Axmed, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada = Xubin
    7. Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru-dowlaha xafiiska RW = Xubin
    8. Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir = Xubin
    9. Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha SODMA = Xubin
    10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax, Maareeyaha NEOC = Xogheyn

    The post Ra’iisule Wasaare Xamza oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib qaraxyadii ZOOBE 2 appeared first on Caasimada Online.


  5. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya gurmadka dadkii dhaawacmay qaraxiyadii shalay lagu weeray isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xaafiiskiisa.

    Guddigan oo uu guddoomiye u yahay wasiirka caafimadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka kooban 10 xubnood oo iskugu jira wasiirro, ku xigeenno maareeyeyaal iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii daryeel deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, raadinka dadka la layahay, tirakoobka khasaaraha iyo isku xirka howlaha gurmadka, siga lagu sheegay bayaanka Xamsa Cabdi Barre.

    Qaraxan oo ay ku dhinteen ilaa 200 oo qof, ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 300 ayaa waxaa isbitaallada Muqdisho ka socda gurmad la xiriira sidii dadka dhaawaca ah loogu heli lahaa dareyaal caafimaad, gaar ahaan bukaannada u baahan dhiigga.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa sidoo kale codsi u diray qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhaqaatiirta, kaas oo ku aaddan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada ku jira isbitaallada.

    FB_IMG_1667130252275.jpg

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddi ka shaqeeya gurmadka qaraxyadii Soobe appeared first on Puntland Post.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay inay lacago ka qaadaan dadka shacabka ah ee dhiiga u shubayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoysa Zoobe.

    Arrintan oo ah mid halis ah ayaa waxaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, ayadoo dadweynuhuna ay si carro leh uga falceliyeen tallaabadan oo si weyn loo dhaleeceeyey isbitaallada.

    Lacagta laga qaadayo dadka shacabka ah ee dhiiga tabarucaya ayaa gaareyso illaa 30 Dollar, sida ay muujinayaan dukumintiyo lagu baahiyey baraha bulshada ee Iternet-ka.

    313382196_2032015343650965_5517271409211

    Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo durbo arrintan war ka soo saartay ayaa amar culus dul-dhigtay isbitaallada ku yaallo gudaha magaalada Muqdisho.

    Wasaaradda ayaa fartay bahda caafimaadka inay shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga u shubaya dadka ay waxyeelada soo gaartay inay u fududeeyaan habraaca looga baahan yahay ee dhiig shubista.

    “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey fareeysaa dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaan walaalahood ay dhibaatada kasoo gaartay musiibadii shalay ay u fududeeyaan habraacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga,” ayey tiri wasaaraddu.

    Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in isbitaallada looga baahan yahay inay qaataan doorkooda oo ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo gaartay

    “Wasaaradda Caafimaadku iyo Daryeelka Bulshad xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey adkeynaysaa in Isbitaalada ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay. Sidoo waxaa bulshada lawadaageynaa inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaalada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo  diyaar u ah fududeynta howlaha gaegaarka Caafimaad,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda. caafimaadka Soomaaliya.

    The post Caro ka dhalatay arrin ay sameeyeen isbitaallada Muqdisho kadib qaraxyadii appeared first on Caasimada Online.


  7. Gabiley maqaaxida Bunka, reer Gabiley waa isbede doon KULMIYE Gobolnimadii Gabiley halkii uu ugu yimi meel ka meeqaam liidata ayuu kaga tegayaa. waxa ku hadhay Xisbi xaakimka in Shaqaale ah. Gobolka Gabiley waxa ku nool qiyaas ahaan 100,000 waxa ka dhexeeya 1 Dugsi sare oo Dawli ah, 5 Xanaano, waxa cabba Biyaha 20% Biyo qadhaadh ah, Kastamka Kalabaydh waxa ka soo baxa maalintii 700 SLSH Milyan maxaa kaga soo noqda Gobolka ? Cusbitaalka Kalabaydh waa bilaa Adeeg toosh ayaa lagaga umilyaa Hooyada, waxa ka jirta Xorriyad la’aan xagga fekerka ah oo laysku ciqaabaa shaqo ka eryid !

    Qaran News


  8. Xildhibaan si adag u duray Maayarka Berbera Ciddin

    Xildhibaan Cali Qaran oo Maayir Cidin ugu baaqay Inuu Alle ka cabsado ayaa yidhi,
    “Mayor Cabdishakur Maxamud Cidin inta aad xilka hayso Alle kaga baq hadaanad cidkale waxba iskaga tirinaynin.
    Runtii waa wax laga argagaxo in maanta umad masaakiina oo la wehel ahayd xagaa iyo darxumo nololeed oo ay la daalaadhacayeen hadana in bacadka la wadho iyada oo cagaf la galiyey.
    Allaa weyn.”
    qaran.jpg

    Qaran News


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay agagaarka isgoyska Zoobe oo ay shalay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo, waxaana xiran waddada, halkaas oo ay joogaan ciidamo dowladda.

    Wararka ayaa sheegaya in meydad horleh maanta laga soo saaray dhismihii ku burburay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ee xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

    Dadweyne kala duwan ayaa buux dhaafiyey aaga Zoobe, kuwaas oo baadi goobaya meydadka dad ehelladooda ah oo lagu waayey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

    Tirada dhimashada ayaa sidoo kale aad u korortay, waxayna kor u dhaaftay illaa 100 qof, halka dhaawacana uu gaarayo 300 oo kale oo u badan dad rayid ah.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhaqaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.

    Si kastaba, weerkam ayaa saameyn ku reebay caasimada oo si weyn looga dareemay kadib markii ay qaraxyo xoogan ay gilgileen agagaarka isgoska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

    The post Meydad horleh oo laga soo saaray goobaha ay shalay ka dhaceen qaraxyada ee Zoobe appeared first on Caasimada Online.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Masaajid Caligduud, kadib markkii ciidanka huwanta ay ka saareen xoogaga Shabaab oo sanado ku sugnaa halkaasi.

    Qoraal lagu daabacay bogga wakaaladda wararka ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen Masaajid Caliguduud, kadib dagaallo ka dhacay deegaanka.

    “Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee lagu daabacay bogga Sonna.

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalka fuliyey, kuwaas oo gudaha u galay deegaankaas, sida lagu sheegay qoraalka.

    Sidoo kale wuxuu warka intaasi kusii daraya “Sida muuqata goon kasta oo ay isku fara saaraan Khawaarijta iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Khawaarijtu,”

    Warka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkan oo ay barbar socdeen duqeymo xoogan lagu dilay in ka badan 100 ka tirsanaa Al-Shabaab.

    Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa deegaan istaraatiiji ah, islamarkaana muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, maadaama ay dhaqaale badan ka heli jiray halkaasi.

    Ciidamada huwanta ayaa ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay halkaasi.

    The post DF oo war kasoo saartay howlgalkii lagula wareegay Masaajid Caliguduud appeared first on Caasimada Online.


  11. Wararkii u danbeeyay  ayaa xaqiijinaya in ilaa 200 oo qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadii Muqdisho halka in ka badan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen.

    Meydad horleh ayaa saaka laga soo saaray goobtii qaraxyada taas oo kordhisay tirada dhimashada ee markii hore dowladdu shaacisay.

    Dad kale ayaa weli nolol iyo geeri midna lagu la’ yahay islamarkaana laga dhex baadi-goobayaa burburkii qaraxyadaas ay geyseen.

    Boqollaal qof oo raadinaya dad ka maqan ayaa sidoo kale ku sugan xarumaha caafimaadka Muqdisho.

    Khasaaraha qaraxyadan ayaa sii kordhi karaa madaama ay jiraan dad badan oo lagu la’ yahay goobihii qaraxyadu ka dhaceen.

    Dhinaca kale waxa xarumaha caafimaadka ka socda gurmadka loo fidinayo dadka dhaawacyada kala duwan qaba oo sida la sheegayo qaarkood culus yihiin.

    PUNTLAND POST

    The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga soo tago sheegashada Al-Qaacida ee ah in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay koox ku dayasho mudan, marka loo eego kooxaha kale ee ururkaan ka tirsan, islamarkaana ay guulo ka gaartay howlgaleeda, sida lagu sheegay majaladda Al-Qaacidda ee soo baxay 26 Agoosto ee sanadkaan, waxaa muuqata in warbixintan lagu qarinayo dhibaatooyinka ay kooxdaan u geysatay dadka shacabka ah iyo khilaafka dhanka hoggaanka ah ee kooxdaan ka dhex jira.

    Kala qeybsanaanta soo wajahday ururka Al-Qaacidda ayaa hadda u muuqata inay u gudubtay gudaha kooxaha hoos taga ururkaan, sida uu baahiyey taleefishinka Akhbaar Alaan ee dalka Imaaraadka Carabta.

    Waxaa weli sii socda kala qeybsanaanta ka dhex jirta ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, gaar ahaan hoggaamiyaha ururkaasi Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo garabka uu hoggaamiyo Mahad Karataay oo ah madaxa Amniyaadka koodaan, ayuu yiri taleefishinka

    Waxaa fashilmay dib u heshiisiin laga dhex sameynayey labada nin ee is heysta waa Abuu Cubeyda iyo Mahad Karataay.

    Mahad Karataay ayaa marba marka ka dambaysa soo diraya fariimo muujinayo hamigiisa xilka ugu sarreeya kooxdan iyo inuu diyaar u yahay inuu qabto hoggaanka, waxayna arrintaan si weyn u soo shaac baxday markii uu fashilmay duulaankii Militari oo ay kooxdaan ku qaaday bariga Itoobiya bishii July ee lasoo dhaafay.

    Duulaankaas waxay kooxdu ku weysay boqolaal ka tirsan ciidamadeeda oo dagaalka lagu dilay.

    Garabka Mahad Karataay ayaa duulaankaas kadib billaabay inay muujiyaan inuu jiro daciifnimo dhanka hoggaanka ah, isla markaasna loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo hoggaanka sare ee kooxdaan.

    Garabkaasi wuxuu rabaa inay iyagu markaan qabtaan hoggaanka, waxaana booskaas u sharaxan Mahad Karataay, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Akhbaralaan.

    Maadaama xaaladda caafimaadka ee hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ay sii xumaaneyso waxaa sare u kacay jaanisyada uu Karataay u leeyahay inuu ka dhex muuqdo kooxda.

    Hamigiisu wuxuu sare u sii kacay wixii ka dambeeyey markii la dilay ninkii loo diyaarinayey hogaamiyaha kooxda oo ahaa Cabdalla Naasir, kaas oo bil ka hor lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

    Cabdalla Naasir ayaa kamid ahaa musharixiinta ugu cad cad ee xilka uu sii baneynayo Axmed Diiriye, maadaama uu ahaa isku duwaha dhammaan howlaha kooxda, wuxuuna qaabilsanaa dhanka dagaalka, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

    Karatay ayaa mudooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta, taas oo loo arkay inay tahay mid uu isku suuq geynayo, isla markaasna uu ku muujinayo mowqifka kooxda.

    Wuxuu dhawaan Mahad Karataay wareysi siiyey TV-ga Channel 4 ee dalka Ingiriiska, wuxuuna wareysigaasi u muuqday mid horudhac u ah xil-wareejinta Diiriye iyo isku dayga lagu doonayo in lagu soo bandhigo hoggaanka la filayo.

    Karataay ayaa wareysigaas ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay diyaar u tahay inay la wareegto hoggaanka dalka oo dhan, isla markaasna aan la cabsi gelin karin.

    Sidoo kale Karataay ayaa maamula lacag aad u badan oo ay hesho kooxdaan, waxaana warbixin dhawaan lasoo saaray lagu sheegay in Al-Shabaab ay uruuriyaan lacag ka badan inta soo gasha dowladda Soomaaliya.

    Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad sanadeedka kooxdaasi ay ku dhowdahay 100 milyan oo dollar, lacagtaas ayaa u badan mid lagu khasbay inay bixiyaan ganacsatada iyo deeq shisheeye.

    Qiyaastii rubuc ka mid ah lacagtaan ayaa loo qoondeeyay in lagu soo iibiyo hub casri ah si sare loogu qaado howgalada kooxdaan ay ka fuliso gudaha Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee hadda loo bixiyey ATMIS.

    Waxaa la og yahay in Mahad Karataay uu u dhaqmo qaab lagu tilmaamay inuu ka madax bannaan yahay hoggaanka kooxda, waxaana sababtaas awgeed looga qaaday xilal kala duwan oo uu horay u hayay, balse wuxuu awood u yeeshay inuu sii xoogeysto oo uu saameyntiisa sare u sii qaado, wuxuuna hadda qaabilsan yahay sirdoonka iyo amniga, iyo sidoo kale maaliyadda.

    Wararku waxay daaha ka rogayaan in Diiriye uu hore awoodiisa ugu wakiishay ku xigeenkiisa Sheekh Abuu Bakar Cali Aadam, waxaana la rumeysan yahay in arrintan ay dhacday markii uu xanuunsanaa hoggaamiyaha kooxda oo gudan waayay shaqadiisa.

    Tallaabadaas waxaa la sheegay inay sii xoojisay khilaafyo gudaha ah, waxayna  u muuqatay mid si ula kac ah xilka loogu dhaafinayey Karataay.

    Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Aadam – oo magaciisa lagu daray liiska argagixisada loogu doonista badan yahay Maraykanka – ayaa dhab ahaantii kooxdaasi hoggaaminayay muddo, waxayna hey’adda sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu la ildaran yahay xanuun halis ah oo saameeyey kelyaha, taas oo keentay inuu sariirta seexdo si loo daaweeyo.

    Wararka sheegaya in Diiriye uu xanuunsan yahay ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay sanadkii 2018-kii, markaas oo la isla dhex marayay in kooxdu ay billowday qaban-qaabada ku aaddan isbedel hoggaanka sare ka hor geerida Diiriye.

    Xiligaas Al-shabaab waxay cadaadis weyn kala kulmeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin Golaha Shuurada (Golaha fulinta ee kooxda), waxay isku fahmi waayeen magacaabista qofka bedeli doona hogaamiyaha, waxaana xusid mudan in Karatee uu ka mid yahay xubnaha Shuurada oo tiradooda ay tahay 10 qof.

    Waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeya Karatee iyo Hoggaanka kooxda, iyadoo xilligaas uu Karataay bilaabay inuu dhaqaalaha ka xayiro hoggaanka in muddo ah taasoo cuuryaamisay awooddii hoggaanka ee bixinta mushaaraadka dagaalyahanada.

    Markaas wixii ka dambeeyey Axmed Diiriye wuxuu bilaabay inuu eryo taageerayaasha Karataay oo intooda badan kasoo jeeda beesha Habargidir, Karataay dhankiisa isagoo tallaabadaas ka jawaabaya wuxuu bilaabay inuu beegsado “Raxanweyn” oo ah beesha uu kasoo jeedo Diiriye.

    Sidoo kale dhalinyarada Habargidir ee kooxda ka tirsan waxay ku hanjabeen inay sameysan doonaan urur kasoo horjeeda Al-Shabaab, taas oo keentay inuu Diiriye dib u gurto oo uu soo afjaro  colaada, isagoo ka baqaya dil-dilaac ku yimaada ururka, wuxuuna Karataay xilligaas wixii ka dambeeyey sii waday inuu hoggaamiya ku adkeeyo ilaha dhaqaalaha.

    Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, calaamado muujinaya khilaafkan ayaa soo kala dhex galay labada nin kaddib geeridii Abdel-Fattah Berri, oo ahaa hoggaamiye ku weyn gobollada Jubbooyinka, isla markaana lagu tixgalin jiray mas’uuliyiinta ugu sarreysa kooxda.

    Karate, oo sidoo kale loo yaqaan Abd al-Rahim Muhammad Warsame ayaa ku jira liiska argagixisada Mareykanka tan iyo 10-kii Abriil 2015, waxaana madaxiisa la dul saaray lacag  dhan 5 milyan oo dollar, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah.

    Sidoo kale waxaa magaciisa lagu daray liiska cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 26-kii February ee sanadkii 2021, iyadoo lagu eedeeyey ka qaybgalka falalka khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

    Bishii Febraayo 2016, ciidamada Kenya ayaa ku dhawaaqay inay dileen Karatee iyo toban kale oo hoggaamiyeyaal ah oo lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya, laakiin warkan ayaa noqday mid been abuur ah.

    The post Hogaamiyayaasha sare ee Al-Shabaab ‘oo kala qeybsamay’ appeared first on Caasimada Online.


  13. FB_IMG_16671152675669174.jpg

    Waxaa marba marka ka dambaysa kii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo shalay lagu weeraray wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku taalla isgooyska Soobe ee magalada Muqdisho, waxaana jira dad weli meydadka ehelkooda ka baadigoobaya.

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay booqday goobtii weerarku ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada oo sii kordhaysa ay hadda tahay 100 qof, halka dhaawacu uu gaarayo 300 oo qof.

    “Ilaa iyo haddda tirada dhaawaca iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa, dhimashadu waa 100, dhaawacuna waa 300 ku dhawaad” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in ay gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadka ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaskii ku waxyeeloobay weerarka.

    Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku dhinteem qaraxyadii shalay ka dhacay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Xasan: Dhimashadu waa 100, dhaawacuna waa 300 ku dhawaad appeared first on Puntland Post.


  14. 1-4.jpg

    Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida DDS Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in qaraxyada Muqdisho ee lagu laayay shacabka Soomaaliyeed ay ka soo bilowdeen fikir qaldan oo oo xiligisii laga hortagi waayay.

    “Qarxyadda maanta laga uur-ku-taaloonayo waxay ku bilaabmeen fikir qaldan oo xiligisii laga hortagi waayay” ayuu yiri madaxweynaha DDS.

    Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in markii afkaarta qaldan ee argagixisadu ka dhalanaysay Soomaaliya ay jireen dad badan oo ku baraarugsam balse ay dadkaasi noqdeen wax la dilay iyo wax la ceebeeyay.

    “In badan oo ku baraarugtay markii xagjirnimadda maanta Somalia ragaadisay ay dhalanaysay waxay noqdeen wax la dilo iyo wax la ceebeeyo” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

    Madaxweynaha DDS ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada jeesto afkaarta qaldan ee xagjirka ah oo sida uu sheegay ku dhisan cunsuriyad iyo in lagu tacaddiyo banii’aadamka.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Cagjar oo si adag uga hadlay Qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrinta maamul goboleedyada ee ku aadan muddo kororsiga.

    Sharmaarke oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ay haatan wadaan madaxda Soomaalida ee ku aadan inay sameystaan muddo kororsi labo sano ah ayaa sheegay inay dhaawaceyso howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socdo waddanka.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ceeb ku tahay in ay haatan u hanqal taagaaan muddo kororsi ay markii hore kasoo horjeedeen in loo sameeyo madaxii ka horreysay.

    “Haddii ay run noqoto wararka xanta ah, waxa ay abuuri doontaa saameyn liddi ku ah, waxayna u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab,” ayuu yiri.

    Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyaan dagaalka Shabaab, shidaalka iyo arrimo kale.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online Golaha ayaa isla meel dhigay in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

    Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

    Arrintaan ayaa ka dhigan in dhamaan madaxda dowlad-goboleedyada uu xilka isku mar ka wada dhamaan doonaan 2025-ka, xiligaasi oo ah waqtiga uu muddo xileedkiisa ku egyahay madaxweyne Cali Guudlaawe, maadama uu hore muddo sanad ah ugu daray baarlamaanka maamulkaasi.

    The post CC Sharmaarke oo ka digay arrin ka dhalan karta muddo kororsiga M/Goboleedyada appeared first on Caasimada Online.