Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. NISA.jpeg?fit=800%2C450&ssl=1

    Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale ay dib usoo laba kacleysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi kadib tallaabo ay qaaday Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka (NISA).

    Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay NISA ayaa garoonka Muqdisho ku celisay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, kuwaas oo kusii jeeday Gedo.

    Mid kamid ah xildhibaanada garoonka laga soo celiyay oo lagu magacaabo, Maxamed Daa’uud Cumar ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in markii labaad loo diiday inay u duulaan gobolka Gedo kadib markii diyaaradaha lagu amray in aysan qaadi karin.

    Xildhibaanka ayaa tilmaamay in is hortaagaas uu ku sameeyay taliyahaha NISA ee gobolka Gedo, kaas oo lagu magacabo Jamaal Xasan Tareey, wuxuuna intaasi ku daray inay xiriir la sameeyaan, kana dalbadeen inuu ka qaada xayiraadda, si ay u booqdaan deegaankooda.

    Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in taliye Jamaal uu u sheegay in amarka lagu celiyay xildhibaanada uu ka soo baxay taliska guud ee NISA, gaar ahaan Mahad Maxamed Salaad.

    Illaa iyo hadda lama sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday NISA oo uga sii dareyso arrinta Gedo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada iyo Jubbaland.

    Sidoo kale dhowaan Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa todobaadyo kahor iyaguna tegay gobolka Gedo, kadib markii ay kasoo galeen dhanka xadka ee Beledxaawo waxayna halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid dowlad goboleedka Jubbaland.

    Xiisadda gobolka Gedo ayaa soo jiitameysa kahor doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka iyo kadib-ba, maadaama aan weli xal rasmi ah loo helin arrinta gobolkaasi.

    Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo ay weli isku hayaan Jubbaland, dowladda dhexe iyo reer Gedo.

    The post NISA oo qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda GEDO appeared first on Caasimada Online.


  2. PRESS RELEASE
    Africa Data Centres breaks ground on new Sameer facility in Nairobi
    The focus on Kenya as a key region aims to take the region further into the digital era and uplift the country’s profile globally as an attractive investment destination
    Access Multimedia Content

    NAIROBI, Kenya, January 20, 2023/ — Africa Data Centres (www.AfricaDataCentres.com) has broken ground on its new facility in Nairobi; The new build will expand its existing data centre by up to 15MW of IT load; The facility will be built in the company’s leading-edge modular design.

    Africa Data Centres, a business of Cassava Technologies, a pan-African technology group, is pleased to announce it has officially broken ground on an additional data centre facility in Nairobi. The new build will see the existing facility on the adjacent piece of land expanded up to an extra 15MW of IT load.

    ADC’s expansion at the new site will be completed in the first half of 2024 and will bring five times more capacity than is currently installed.

    “We believe that data centres will play a significant role in digital transformation and economic growth on our continent. Without them, the push towards a digital economy in Africa will be missing a key pillar. Our decision to increase our investment in our data centres in Kenya is in recognition of the position the country now occupies as a leader in the adoption of digital technologies in Africa” says Hardy Pemhiwa, Group President & CEO of Cassava Technologies.

    During the ground-breaking ceremony today, Tesh Durvasula, CEO of Africa Data Centres, said, “The expansion will enable Africa Data Centre clients to grow and scale depending on their requirements. They can start small, increase to a medium capacity, and even benefit from a hyperscale type of deployment in a few years if they choose to. This will enable customers to operate multiple deployments across our sites with a single operations team, campus, and infrastructure they are familiar with”.

    Kenya is the country that pioneered mobile money, and today boasts of a wide range of incubators and tech startups, a clear sign of an innovative tech culture. The focus on Kenya as a key region aims to take the region further into the digital era and uplift the country’s profile globally as an attractive investment destination for international cloud providers, hyperscalers, and other ICT companies.

    The new data facility will begin with 5MW of IT load and will be built in Africa Data Centres’ leading-edge modular design – an innovative approach that sees the entire facility, including all critical plant rooms, prefabricated off-site. This ensures the highest possible quality, whilst local contractors will still benefit from contracts to lay foundations, assemble, and complete the build.

    He stresses that sustainability is at the heart of everything Africa Data Centres does. In terms of cooling, even as the largest network of interconnected, carrier- and cloud-neutral data centre facilities on the continent, ADC has a strict policy of not using adiabatic systems. “We do not use water in any of our cooling systems and are one of the few colocation providers who have taken this step,” said Durvasula.

    While the common belief might be that water and adiabatic systems are more efficient than air cooling systems, this simply is not the case. “With the newest technology, if free-cooling capacity is maximised, it becomes far more efficient and saves water which is becoming a critical commodity, particularly in Africa.”

    He added that Africa Data Centre is fortunate in Kenya as almost 70% of grid power is from green energy sources. “This helps us to meet our sustainability objectives because we understand no organisation can achieve zero carbon emissions by itself. We understand that sustainability is about ensuring that we conduct ourselves in a manner that minimises our impact on the environment. We extend this ethos to all of our partners, and constantly look for ways to ensure that all elements of the business contribute positively to the sustainability of the planet”.

    Today’s event is a step forward in the company’s expansion plans announced in 2021, which will see Africa Data Centres investing $500m into building hyperscale data centres across Africa with the support of the US Development Finance Corporation.
    Distributed by APO Group on behalf of Africa Data Centres.

    Social Media Platforms:
    Twitter: https://bit.ly/3HjRNTp
    LinkedIn: https://bit.ly/3J3FFao
    Facebook: https://bit.ly/3HisVv7
    YouTube: https://bit.ly/3ghfZ8f

    About Cassava Technologies:
    As a company that is firmly rooted in Africa, Cassava Technologies envisions a digitally connected future for every African. We are on a mission to use technology to transform the lives of individuals and businesses across the continent by enabling social mobility and economic prosperity. Our integrated ecosystem of digital solutions will dramatically increase access to digital tools and connectivity. www.CassavaTechnologies.com

    About Africa Data Centres:
    Africa Data Centres is your trusted partner for rapid and secure data centre services and interconnections across the African continent.

    Africa Data Centres is Africa’s largest network of interconnected, carrier, and cloud-neutral data centre facilities. Bringing international experts to the pan-African market. We are your trusted partner for rapid and secure data centre services and interconnections across the African continent. Strategically located, our world-class facilities provide a home for all your business-critical data. Proudly African, we are dedicated to being the heart that beats your business.

    Africa Data Centres’ aim is to unveil various business opportunities and to develop a strategic network of partnerships. This will further strengthen Africa Data Centres’ superiority in providing our customers with the highest standard of interconnected, carrier and cloud-neutral data centre facilities throughout Africa. www.AfricaDataCentres.com
    SOURCE
    Africa Data Centres

    Qaran News


  3. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in wada-hadal lagu xalliyo wixii khilaafaad ah oo jira.

    Qoraal xalay ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay dadaallada dib u-heshiisiinta Soomaaliya ee muhiimka u ah xaqiijinta xasiloonida dalka ee mudada fog.

    Beesha Caalamka ayaa sidoo kale soo dhawaysay geeddi-socodka dib u-eegista dastuurka iyo wadaagga khayraadka dalka sida ku cad qoraalka.

    “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay taageerayso arrimaha horu-tebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

    PUNTLAND POST

    The post Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  4. danab-xoogga-dalka-howlgal.png?fit=675%2

    Baydhabo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Goofgadudud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

    Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay ku dishay in ka badan 10 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhigga deegankaasi.

    Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

    Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab ay iska gaashadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Koonfur Galbeed.

    Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan abaabul culus oo ka dhan Al-Shabaab ay waddo Koonfur Galbeed oo kaashaneysa dowladda iyo dadka deegaanka.

    Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyay in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

    “Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

    Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabushaa weeraro ka dhaca gudaha dalka.

    The post Koonfur Galbeed oo dagaal ku dishay xubno Shabaab ah kadibna gubtay… appeared first on Caasimada Online.


  5. Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali X Xasan iyo masuuliyiin wehelinaya ayaa galabta la shaaheeyay qaybo ka mid ah bulshada degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
    Madaxda Xisbiga iyo bulshada ayaa halkaasi wakhti fiican ku wada qaatay islamarkaana iska xog waraystay xaaladda dalka gaar ahaana sidii loo laba jibbaari lahaa dadaalka diwaangelinta maalmaha kooban ee hadhay.
    326578442_727679325369904_46727888518690
    326468026_595715782368513_64596958896993
    326466852_488734386779253_60960566938905
    326461870_6638912572803230_8050863833410
    90-300x163.jpg44-300x200.jpgkk-300x200.jpgcirro-11-300x200.jpg

    Qaran News


  6. Baarlamanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in ciidanka Ilaalada kacaanka ee dowladda Iran lagu daro liiska argagixisada.

    Baarlamanka Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub in ay ballaariyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo xataa qoysaskooda ee u dhashay Iran kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

    Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay.

    PUNTLAND POST

    The post Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu daray liiska argagixisada appeared first on Puntland Post.


  7. Liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka oo la shaaciyay

    Qadaadiic

    Waa kee waddanka adduunka ugu hantida badan? Ma sahlana in jawaab sax ah laga bixiyo su‘aashan balse qiyaas ahaan waxaa jira liis ay ku xusan yihiin dalalka ugu hodansan caalamka.

    Hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) iyo shirkadda Visual Capitalist ayaa soo saaray liis ka kooban 193 dal oo lagu muujiyay sida ay dalalka caalamka u kala dhaqaale badan yihiin.

    Soomaaliya iyo dalal kale oo sabool ah ayaan ka dhex muuqan liiskan. Waxaase mowduucan loo kala qaaday labo qeybood oo lagu kala sheegay dalalka si guud ugu dhaqaalaha badan iyo waddamada shacab ahaan qaniga ah marka loo eego dhaqaalaha usoo xarooda dalalkooda.

    Si kale haddii loo dhigo, hantida dalka waxa lagu qiimeeyaa wax-soo-saarka guud ee dalka oo afka qalaad lagusoo gaabiyo (GDP). Hadaba GDP-ga waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu cabbiro wax soo saarka dalka ee badeecadaha iyo adeegyada muddo cayiman. Waxa loo arkaa in ay tani tahay cabbbirka lagu qiyaaso hantida dalka.

    Waa cabbir si weyn loogu isticmaalo dhaqaalaha adduunka. Waxaa ka mid ah macluumaadka ku saabsan inta ay le’eg tahay canshuurta ay dowladdu hesho iyo inta lacag ee ay dowladdu ku bixiso qaybaha ay ka midka yihiin waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimo kale.

    Haddaba waxaa laga yaabaa in ay jiraan su’aalo ku saabsan cabbirka noocan ah. Laakiin iyadoo laga duulayo xogta laga helay qiyaastan, waxaa la heli karaa macluumaadka tobanka waddan ee adduunka ugu qanisan.

    Marka loo eego xogta Oktoobar 2022 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo Visual Capitalist, liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka ayaa loo diyaariyey sida soo socota:

    Lacag Gini ah

    10-ka dal ee ugu qanisan caalamka

    1. America, 25.035 trillion Doolarka Maraykanka

    2. China, 18.321 trillion Doolarka Maraykanka

    3. Japan, 4.301 trillion Doolarka Maraykanka

    4. Germany, 4.031 trillion Doolarka Maraykanka

    5. India, 3.469 trillion Doolarka Maraykanka

    6. Britain, 3.199 trillion Doolarka Maraykanka

    7. France, 2.778 trillion Doolarka Maraykanka

    8. Canada, 2.2 trillion Doolarka Maraykanka

    9. Russia 2.113 trillion Doolarka Maraykanka

    10. Italy, 1.99 trillion Doolarka Maraykanka

    Hadaba taasi waa dalalka ugu qanisan marka la eego hantida guud ee dalkaasi haysto balse waxaa jira qaab kale oo lagu cabbiro qaninimada waddamada, maxay tahay?

    Waa hantida kusoo aadaysa qof walba hadii loo qaybiyo hantida uu dalku leeyahay tirada dadkiisa, taasina waxay ka dhigantahay inaan ogaan karno sida ay waddamadu ukala qanisan yihiin iyadoo la eegayo hantida calaa qof kusoo aadaysa hadii shacabka dalkaas loo qaybiyo dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana qaabkan loo yaqaannaa (GDP per capita).

    Marka loo eego (GDP per capita) liiska kor ku qoran wuu is badalayaa waayo waxaa saameynaya tirada shacabka ee dalku leeyahay maadaama loo qaybinayo lacgtii guud ee dalkaas tirada shacabkiisa.

    Wadamadee ugu qanisan marka la eego GDP per capita?

    Marka lagu qiimeeyo qaninimada wadamada (GDP per capita) sidan ayey u kala sareeyaan:

    1. Luxembourg

    2. Singapore

    3. Ireland

    4. Queue

    5. Macau

    6. Switzerland

    7. Norway

    8. United Arab Emirates

    9. Brunei

    10. America

    Marka laga reebo Maraykanka hal dal oo ku jiray liiska tobankii dal ee ugu qanisanaa kamasoo muuqan liiskan. Hadda labada liisba Maraykanku wuu kasoo muuqday balse inkastoo Maraykanku yahay Dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, kaas oo leh boqolkiiba 20 GDP-ga caalamka; hadana Maraykanku kaalinta 10-aad ayuu kasoo galay liiska labaad.

    Qaran News


  8. FB_IMG_1674278382744.jpg?resize=720%2C48

    Wararka ka imaanaya magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland saaka halkaas ka waddo abaabul ka dhan ah kacdoonka SSC.

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa guri ku yaalla Taleex ku ururiyay odayaal laga keenay degaanno kala duwan si ay uga horyimaadan kacdoonka shacbiga.

    Xogaha ayaa sheegaya in wasiir Koore uu odayaasha u sheegay in ay kacdoonka SSC ku tilmaaman mid beela gaar ah wataan islamarkaana ay taageeraan Somaliland.

    Abaabulkan odayaasha ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan magaalada Taleex laga sameeyay muddaharaad lagu taageerayo kacdoonka Shacbiga iyadoo goobaha taariikhiga ah ee Taleex laga taagay calanka SSC.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiir Saleebaan Cali Koore oo abaabul odayaal ka wada magaalada Taleex appeared first on Puntland Post.


  9. Mustafe-Cagjar.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=

    Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray awaamir culus oo ka dhanka ah masuuliyiinta ku kaca musuq-maasuqa.

    Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqada loo hayo bulshada la musuq-maasuq, isaga oo ku dhawaaqeyna ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

    “Qofka wax musuqaya ama isdaba marinaya awaamirtii la faray ayuu ka leexanayaa, Qandaraas masoo dhajinayo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ahaaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno,” ayuu yiri.

    “Markaa waamirtii la is faray oo uu masuulka ka leexdaa waa musuq-maasuq, waana in lala xisaabtamaa, oo laga qaada tallaabo adag.”

    Sidoo kale waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka musuq-maasuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda wuxuu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, oo ay waajibkooda ka gutaan laamaha amaanka.

    Go’aanadan uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya qaadatay qorshe guud oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan faray dhamaan madaxda dowlad deegaanada Itoobiya inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa, oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya.

    The post Mustafe Cagjar oo soo saaray awaamiir culus oo qeyb ka ah dagaal ay ku jirto Ethiopia appeared first on Caasimada Online.


  10. Xasan-Sheekh-iyo-laftagareen.jpg?fit=204

    Baydhabo (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed waxa soo baxayay warar xoogeystay oo la xiriira in uu Xasan si dadban u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen.

    Warbixintan ayaa waxaa kusoo koobeyna dhinacyada ay siyaasadda ka khuseysay khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo inay noqon karaan erayadaasi kuwa fasaxaya muddo kororsi.

    Dhowr iyo labaatan daqiiqo oo Xasan Sheekh uu hadlay hal mar ayuu soo hadal qaaday wax la xiriira diidmada mudada dheeriga ah ee xafiiska uu jooga maamulka Lafta-gareen, markaas oo Xasan Sheekh uu la wadaagay dadka dood dhexmartay isaga iyo xubno kamid ah mucaaridka Koonfur Galbeed.

    Kuwaas oo Xasan Sheekh xasuusiyay in uu ka lug gaabinayo kooxda la baxday Badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo shalayna hormuud u ahaa kooxdii Badbaado Qaran markuu Farmaajo joogay.

    Laakiin Xasan Sheekh wuxuu sheegay in uu isku difaacay “in iyaga uu maamulkii Farmaajo diiday inuu la hadlo markuu muddo kororsiga qaatay balse mucaaridka Koonfur Galbeed loo ogol-yahay in lagala hadlo xaaladda taagan oo ah diidmo ka dhalatay muddo kororsiga, labadaas xaaladoodna ay yihiin kuwa aad u kala duwan.”

    Xasan Sheekh wuxuu amaanay in Lafta-gareen uu dhisay Madaxtooyo casri ah, waana taas midda ay dad badan u fasireen inuu Xasan Sheekh aqbalay inuu Lafta-gareen iska sii joogo xafiiska doorasho la’aan.

    Waxyaabaha siyaasiga ah ee Xasan Sheekh uu khudbadiisa uga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa;

    1. In maamulka Lafta-gareen uusan dadka ku qasbin inay hubka qaataan:

    Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbada dhexdeeda ugu sheegay Lafta-gareen in aanu dadka ku qasbin inay hubka qaataan, in uusan ciidanka u adeegsan arrimo gaar ah ayaa la xasuusiyay Lafta-gareen, taas oo Xasan Sheekh sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

    2. Xoriyadda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu maamulka Koonfur Galbeed u sheegay in marnaba aan la aqbali karin in la hor istaago xoriyadda hadalka iyo midda socdaalka, taas oo madaxweynaha uu sheegay inay kamid yihiin waxyaabaha aas-aasiga ah ee uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed, in la hor istaagana ay dambi tahay oo aanay jirin cid laga aqbali karo.

    Lafta-gareen ayaa kal hore siyaasiyiin badan u diiday inay Baydhabo tagaan, sidoo kalena waxa uu xiray dad badan oo dhaliilay hab maamulkiisa.

    3. Mucaaridka Koonfur Galbeed iyo gacan ka hadalka: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mucaaridka Koonfur Galbeed u sheegay in amniga ay ilaaliyaan oo aanay qori waxba ku doonin.

    Waxa uu xasuusiyay dhinacyada in qofka xukunka haysta uusan qori kusii joogi karin, midka raadinayana in uusan qori ku qaadan karin.

    4. Xaalkii hore ee magaalada Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xasuusiyay siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee Koonfur Galbeed halkii ay magaalada Baydhabo ka timid, wixii ay dhib soo martay iyo halka ay maanta joogto oo uu sheegay inuu farqi weyn oo xaga horumarka ah uu jiro.

    Wuxuu ka codsaday in magaaladan dib loogu celin halka ay ka timid oo wax walba wada-hadal lagu xaliyo.

    5. Shirka iyo fursadaha: Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in shirkaan uu mira-dhal noqon doono oo reer Koonfur Galbeed ku filan yihiin in arrimahooda xalistaan.

    Wuxuu ku taliyay in marka hore gacan ka hadalkii dhawaan dhacay si dhaqan ah loo xaliyo, inta kalana siyaasad ahaan loo wajaho oo laga heshiiyo waxa soo socda, oo loo fasiro karo doorashada.

    Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh intaas ku daray in cidii isku dayda inay shirka fashiliso ay gacanta ka qaban doonaan, oo aan laga yeeli doonin.

    Ciidankii magaalada usoo galay xiisada siyaasadda awgeed ee mushaarka ka qaata dowladda federaalka ayuu ku amray inay xeryahooda ku laabtan, haddii kale ay dowladda dhexe tallaabo ka qaadi doonto.

    6. Koonfur Galbeed iyo dagaalka Al-Shabaab: Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in dhamaad ku dhaw-yahay wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo Galmudug iyo HirShabelle laga fuliyay.

    Wajiga labaad ayuu sheegay in uu noqon doono Koonfur Galbeed, wuxuu weydiistay siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeed in arrintaas loo diyaar-garoobo fursadna aan la siin kooxda Al-Shabaab oo hortaagan xasilloonida, bad-qabka iyo horu-socodka dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

    Marka khudbada uu ka jeediyay furitaanka shirka la eego, Xasan Sheekh ma fasixin muddo kororsiga Lafta-gareen, laakiin mowqif la’aanta dowladiisa ee muddo kororsiga maamulada ayaa shaki badan galineysa shacabka.

    The post Madaxweyne Xasan ma ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen? – Ogow lix arrin oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.


  11. state.jpeg?fit=1160%2C773&ssl=1

    WASHINGTON (Caasimada Online) – The State Department has unveiled a pilot program called Welcome Corps, which aims to permit American citizens and permanent residents to sponsor the resettlement of refugees escaping war and violence worldwide. 

    This initiative, launched under the Biden administration, marks a significant shift in US refugee policy. In recent years, most refugees brought to the US have been resettled by non-profit organizations that receive federal funding.

    The Welcome Corps program allows groups of at least five US-based individuals to sponsor refugees by raising $2,275 per refugee, passing background checks, and submitting a plan to assist newcomers.

    Approved sponsors will act as traditional resettlement agencies for a minimum of 90 days after a refugee’s arrival, assisting the newcomers in accessing housing and other necessities such as food, medical services, education, and public benefits for which they qualify.

    The program, which mirrors a long-standing system in Canada, will begin by matching approved sponsors with refugees overseas who have already been cleared to come to the US. In mid-2023, authorities plan to enable potential sponsors to select refugees from overseas that they desire to support.

    Secretary of State Anthony Blinken stated that the Welcome Corps initiative would help increase refugee admissions and is “the boldest innovation in refugee resettlement in four decades.”

    The State Department hopes to recruit 10,000 private sponsors to resettle about 5,000 refugees during the program’s first year.

    Organizations with experience in resettling refugees will oversee the sponsor application process, provide sponsors with training and resources, and monitor the progress of groups sponsoring refugees.

    The Welcome Corps initiative is the latest effort by the Biden administration to expand the US legal immigration channels for refugees and migrants who have family members and others in the US willing to sponsor them financially.

    In recent years, the US government has implemented a series of programs that allow private individuals to sponsor refugees and displaced persons from certain countries.

    In late 2021, the State Department began allowing “sponsor circles” of at least five individuals to sponsor Afghan evacuees relocated to the US following the Taliban takeover of Afghanistan. 

    Additionally, in early 2022, officials launched a program that allowed displaced Ukrainians to come to the US with the support of US-based sponsors. This policy has reportedly resulted in over 100,000 Ukrainian migrants coming to the US. 

    Furthermore, the government has expanded this approach to allow US-based sponsors to help citizens from Cuba, Haiti, Nicaragua, and Venezuela to migrate to the US. These migrants will be granted temporary legal status to live and work in the US through the humanitarian parole authority. 

    However, unlike those arriving under the parole authority, the refugees who will come under the sponsorship initiative announced on Thursday will be eligible for permanent legal status and, ultimately, US citizenship, as they will be processed through the traditional US refugee program.

    The US refugee program, established in 1980, has provided a home for over 3 million refugees. The new Welcome Corps initiative aims to continue this legacy by allowing private citizens to play a crucial role in resettling refugees in the US.

    Source: Caasimada Online and News Agencies

    The post New US program to allow direct citizen sponsorship of refugees and immigrants appeared first on Caasimada Online.


  12. Danab.jpg?fit=1080%2C810&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah waxay ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, weerarkaan ayaa sii xoojiyey hadal-heynta sababta mar kasta weerar loogu laayo ciidanka.

    Isniintii lasoo dhaafay ayaa Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, maalin kadibna waxaa la xoreeyey degmada ay hoos tagto ee Ceeldheer.

    Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in weerarka looga dilay 7-askari oo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab – Xasan Tuure uu ku jiro, halka Al-Shabaab laga dilay ugu yaraan 100 dagaalame.

    Hadal-heyn badan ayey waayahaan abuurtay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerar gaadmo ah, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, si gaar ah subax kasta oo Jimco ah, Al-Shabaab waxay fuliyaan weerar cag marin ah, iyagoo hadba xero ku habsada.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeysay ciidankii maanta lagu dilay dagaalka ayaa yiri, “Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa.”

    Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya Jeneraal Caanood ayaa horay u sheegay in ciidanka oo ‘qayila’ intooda badan ay sabab u tahay in lagu laayo weerarrada Al-Shabaab ee cag-marinta ah.

    Jeneraal Caanood ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada noocaan ah fuliso xiliyada dambe ee habeenkii, iyadoo aan waxaba loo jeedin, inta badana askartii qayishay ay xiligaas seexdeen.

    Weerarkii ay saakay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday mid ka Danab uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug.

    Intii ay dhisnaayeen ciidanka Danab ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii.

    Ciidanka Danab oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka.

    Inkastoo diyaaradaha dagaalka ay saakay ka qeyb qaateen soo afjaridda weerarkii Al-Shabaab, hadana waxaa la is weydiinayaa sababta ay isku dhigteen ciidankii joogay Galcad, iyagoo leh awood ku filan oo ay isaga difaaci kareen weerarka uga yimid dhicana Al-Shabaab oo dhawaan laga xoreeyey deegaanka.

    The post Halka tab ee Al-Shabaab ay ku laynayso ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.