-
Content Count
211,863 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka Ciyaaraha Fiinaalka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya xulalka Argentina & France oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar.
Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka Al-Shabaab.
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.
Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqanayo waddankaan yar ee Qatar, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka.
Si kastaba, Madaxweynaha ayaa safarkan kii ka horreeyay wuxuu ku tegay magaalada Washington, halkaas oo uu uga qayb-galay shirka iskaashiga Mareykanka iyo Afrika, isaga oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka.
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa soo faro-geliyey kiiska nin ka mid ah sideed qof oo shalay ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Kiiskan ayaa la xiriira Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama), kaasi oo dil toogasho lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu dilay Maxamed Xaashi Faarax.
Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.
Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuum Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.
“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in hubin dheeri ah lagu sameeyo kiiskan, sida ku cad qoraal uu soo dhigay Facebook.
“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo dadka qaar ay u damqadeen Cabdinaasir, halka qaar kalena ay wasiir Fiqi ku eedeeyeen inuu soo faro-geliyey howl u taalla Maxkamadda oo aan shaqadiisa aheyn.
Tallaabada Fiqi uu qaaday ayaa ka hor-imaneysa hadal uu horey u jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga digay inaan lagala hadli karin qof lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo, islamarkaana xukunadooda loo daayo maxkamadaha.
The post FIQI oo soo faro-geliyey kiiska mid ka mid ah xubnihii shalay dilka lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) displayed the body of a senior al-Shabab leader killed in a new operation in the Middle Shabelle region.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiisa ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow, kaasi oo dil toogasho lagu xukumay.
Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.
Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.
“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.
Dhinaca kale hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo baxay Cabdullaahi Xaashi Faarax ee ku aadan facelintiisa xukunka ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
“Waa nasiib daro weyn in qof aan denbi gelin loo toogto qof kale oo denbiila ah si loo badbaadiyo denbiilaha dhabta ah waana arin soo jiri jirtey hadeyba tan dhab tahay waana fal laga argagaxo wllhi,” ayuu yiri Baashi Xasan oo ka falciyey qoraalka Cabdullaahi Xaashi.
“Adigu mar hadii aadan taagnayn qofka walalka dilayna aadan hebel oran karin se ku ogaatay inuusan ninkaani dili ?” ayuu yiri wiil Facebooka ku soo gala magaca Philoşopher.
“Wa arin aad loga xumaado runtii,” ayuu isna yiri Shaafici Hanad.
“Brother hadaa cadeyn ku heysaan askarigii dilay wiilka maxkamadiina kiisa weecisay yuusan askarigaas magaalka laafyoone halaga adeegto warkana halkaas haku xirmo.” ayuu yiri Mursal A. Warsame.
The post Cabdullaahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
WASHINGTON — As the U.S. welcomed African leaders to Washington for a summit this week, the media freedom record of several of those countries was brought into focus.
-
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda si baariraan loogu sameeyo.
Wareegtada ayaa lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka.
Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta.
PUNTLAND POST
The post Agaasimaha wasaaradda Qorshaynta Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee maamulka Puntland, Maxamed Saciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kadib warqad uu soo saaray Sabtidii oo ay aheyd 17-ka December.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Sharaa’ake Xasan Cali inuu sameeyay ku takrifal iyo musuq-maasuq, isagoo amray in baaris lagu sameeyo.
“Laga bilaabo 17-ka December, waxaa shaqadii laga joojiyay Sharmarke Xasan Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, si baaris loogu sameeyo,” ayaaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta.
Sidoo kale waxaa la hakiyay dhammaan kootooyinka bangiyada u furan Wasaaradda Qorsheynta Puntland, inta uu socdo baaritaanka.
Wasiir Maxamed Saciid ayaa sidoo kale ka dalbaday Hantidhowraha Puntland inuu dabagal ku sameeyo guud ahaan Wasaaradda Qorsheyna, si loo qaado tallaabada ugu haboon.
“Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Puntland waxaa lagu wargelinayaa in baaris maaliyadeed iyo maamul lagu sameeyo Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Wasiir Maxamed Saciid.
Go’aankan shaqo joojinta ayaa lagu wargeliyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida ku cad warqadda oo ku taariikheysay 17-ka December oo ay ku beegneyd shalay.
The post Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo la reyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay sameyeen ciidamada Nabad Sugidda lagu dilay mid kamid ah horjogayaasha ururka alshabaab.
Ciidamada ayaa sheegay in la dilay horjooge Yuusuf Maxamad Jingaab. (Wasiir) oo kamid ahaa ururka alshabaab una qaabilsanaa faafinta figradaha kooxda.
Jingaab ayaa la sheegay in lagu dilay deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan.
-
Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xidhay qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada.
Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xidhay akoonnadooda.
Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu ayna ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn.
Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xidh xidhay ay la xidhiidho la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay.
Melissa Fleming, oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan isgaadhsiinta caalamiga, ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay wararka sheegaya in saxafiyiinta “si aan loo meel dayin” loogga xidhay akoonadii ay ku lahaayeen barta bulshadu isku weydaarsato macluumaadka iyo afkaaraha ee Internet-ka ee shirkaddaTwitter-ka.
“Xornriyada warbaahintu maaha wax laga gorgortamayo,” ayay tidhi. “Saxaafadda xorta ahi waa tiirka bulshooyinka dimuqraadiga ah, iyo aaladda muhiimka ah ee lagula dagaalo warar been abuur ah.”
Horaantii Jimcihii, guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cuna qabatayn ku soo rogi doonto, iyadoo la adeeg sanayo sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Yurub, kaasoo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”.
“Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khad cas. Iyo cuna qabatayn, dhawaan dhici karta,” ayay raacisay.
Musk si toos ah ugama hadlin xidhista akoonada, laakiin waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay “in la dhaleeceeyo maalinta oo dhan ay gabi ahaanba tahay wax fiican, laakiin in la sheego meesha aan ku suganahay sida dhabta ah, iyo in qoyskayga la geliyo khatar maaha arrin taalla maxfaladda, ayuu yidhi”.
Maalqabeenka teknolojiyadda, ayaa markii dambe sameeyay ra’yi ururin uu ku weydiinayo, haddii ay tahay wax saxam inuu joojiyo akoonada “hadda” ama “toddobo maalmood gudahood”, isagoo soo jeedinaya in go’aanka laga noqon karo isla markiiba.
Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoonada la xidh xidhay ku tilmaamay mid keenaysa su’aalo, iyadoo dhanka kale uu ku tilmaamay tallaaabani mid nasiib darro ah.
-
Croatia have eased past Morocco 2-1 to claim third place in the 2022 World Cup in Qatar.
-
Nimco Ali says Rishi Sunak should sack the home secretary, or risk losing the next election
-
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa markii u horraysay ballan-qaad maaliyadeed u sameeyay dagaallamayaasha ka tirsan Al-shabaab.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in uu abaal-marin lacageed oo u dhexaysa $10 kun ilaa $30 kun oo Dollar uu siin doono qofkii Al-shabaab ah oo soo dila qof kale oo Shabaab ah islamarkaana cafis loo samayn doono.
” Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa ” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
” Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona ” ayuu sii raaciyay Cali Jeyte.
PUNTLAND POST
The post Cali Jeyte oo abaal-marin lacageed u ballan-qaaday xubnaha Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
-
Mogadishu, Somalia | Xinhua | The World Bank said it has approved a 70 million U.S. dollar International Development Association (IDA) grant to develop resilient water, agriculture, and environmental services for rural communities in Somalia’s drylands.
-
The UN sexual and reproductive health agency, UNFPA, is raising the alarm after 20 girls underwent the proscribed female genital mutilation (FGM) in Kismayu, Somalia’s Jubbaland state, indicating the tough road ahead to end the practice.
-
MOGADISHU, SOMALIA — The Somali military says the country’s national army, with the help of local civilians, has conducted a planned military operation against the Islamist militant group al-Shabab in the Middle Shabelle region, killing at least 50 al-Shabab militants.
-
Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Mumin ayaa qasriga Madaxtooyadda ee Baydhabo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane H.E Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Kulanka ayaa Guddoomiyuhu Warbixin kooban kaga bixiyay safarkiisa shaqo ee uu ku yimid Koonfur Galbeed, kuna wajahnaa xoojinta iyo iskaashiga labada Dawladood ee dhanka Ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Aadanaha.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa bogaadiyay safarka Guddoomiyaha ee Horumarinta iyo ka wada shaqaynta iskaashiga bah-wadaagta Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee labada maamul, taaso lagu xoojinayo laamaha caddaaladda iyo bah-wadaagta Xuquuqda Aadanaha. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday dhisidda Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dawladda Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah oo ku saabsanaa Horumarinta iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha la yeeshay Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed mudane Maxamed Nuur Macallin iyo Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Hon. Fahima Cismaan Cumar.
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Puntland oo la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
MARKII TALO MEEL LA DHIGO MUXUU UMAROORIYAA MEEL DARAN UU UGA SHAXAAKomishanka Doorashadu hadii amar Madaxwayne ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad waa kii siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan, ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Markaa komishanku wuu qabaa amarkii uu siiyaye yaanu inaga ina wareerininHadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran eh farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaasamo isga laftiisu. Hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda kale ee doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa “xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo -
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ee ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa mar kale balan qaaday abaalmarin uu siinayo qofkii soo dila qof Shabaab ah.
Balan-qaadkaan cusub ayaa quseeya xubnaha Shabaab ku jira, isagoo sheegay in qofkii Shabaab ah oo qof kale oo Shabaab ah soo dila uu siinayo 10 ilaa 30 kun oo dollar, isla markaana la cafi doono.
Sidoo kale Cali Jeyte ayaa xubnaha Shabaab ku jira ka balan-qaaday hadii ay soo dilaan horjoogayaashooda inuu lacag badan siinayo, cafisna ay dowladdu sii doonto.
“Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku faanay in wiilashiisa ay dhinacooda uga jiraan halganka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ciidanka ku adkeeyey in kooxdaas ay deg deg dalka uga xoreeyaan, si looga badbaado dhagartooda.
“Anigu dagaalka ayaan ku jiraa kolonyo aan dhalay ayaa sidoo kale dagaalka ku jirta oo ciidanka ka tirsan, weligiin ma maqasheen Cali Dheere wiilkiisa meel uu ka dagaalamayo? Dhiiga dadkeena ayey ka beec-mushtaraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
“Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aduunka meeshii uu dalbado la geyn doono qofkii soo dila Cali Dheere ama sarkaal kale oo Shabaab ah.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Guddoomiye Cali Jeyte oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku qaadaceen qoraal ay maanta wadajir u soo saareen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale golaha ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeya 19-ka bishaan uusan Laftagareen heysan sharciyad uu ku sii joogo kursiga, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay baaqashada shirkii uu horay u iclaamiyey Aadan Madoobe in la isugu yimaado 19-ka bishaan December.
“Goluhu wuxuu cadeynayaa in habayaraatee wax wadatashi ah aan lagala sameyn war-murtiyeedkii uu maanta soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna goluhu cadeynayaa in si buuxda uu u qaadacay bayaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.
Golaha ayaa sheegay in K/Galbeed uu weli ka jiro nidaamkii dalka ay ku soo maamuli jirtay Nabad iyo Nolol, sida caburintii bulshada, xanibaadii safarada iyo mudo kororsigii sharci darrada ahaa.
Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu soo dhaweeyey sii deynta siyaasiyiin ku xirnaa K/Galbeed, iyagoo dalbaday in lasii daayo siyaasiyiin kale oo ay ka xuseen Xasan Aadan Ilkacase oo maamulka u xiran.
Sidoo kale waxay golahaan soo dhaweeyeen in dib loo furay kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas oo xirnaa mudo ku dhow hal sano, iyagoo soo jeediyey in waajibaadkooda dastuuriga ah loo madax-baneeyo Xildhibaanada.
Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran
The post Musharaxiinta K/G oo soo saaray go’aan culus kana hor-yimid qorshaha A/Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay xaqiijisay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab. Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-shaabab ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed”.
“Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, 15-kii bishaan” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST
The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dilkiisa la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiyiinta la magac baxay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo ku sugan Muqdisho ayaa qaadacay qodobaddii ay isku afgarteen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen.
Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in aan wax wadatashi ah laga sameyn war-murtiyeedkii ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu sheegay in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee madlanaa ka hor 19 bishan December.
Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed waxay tilmaameen in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022.
PUNTLAND POST
The post Mucaaradka Koonfur Galbeed: Laftagareen wax sharciyad ah ma haysto wixii ka danbeeya 19 Dec. 2022 appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay mas’uul sare ee oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye lagu dilay degmadaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiye waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye.
Kooxda dilka fulisay ayaa marxuumka ka toogatay qaybaha sare ee jirka, waxayna kadib ka baxsadeen goobta oo ay mar dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye Mudane Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa war kasoo saaray geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.
Cabdullaahi ayaa sheegay in Marxuum Maxamed uu ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana howlaha muhiim ah u hayey shacabka degmada Afgooye.
“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
The post Mas’uul maamulka Afgooye ka tirsanaa oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Dawlada oo ka lacag badan kuwa gaarka ah+Waxbarashada Dugsiyada Gaarka ah oo ka tayo fiican Kuwa Dawlada
in News - Wararka
Posted
Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Dawlada oo ka lacag badan kuwa gaarka ah+Waxbarashada Dugsiyada Gaarka ah oo ka tayo fiican Kuwa Dawlada
Qaran News