Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,753
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. FB_IMG_16723183474188699.jpg?resize=720%

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray xarunta dhexe ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga (AGA) oo laga
    hirgeliyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

    Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qaybgalay xafladda furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA).

    Xaruntan waxaa February 2015 dhagax-dhigay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Daahfurka xaruntan ayaa sababtay in maalintii labaad ay xirnaadaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo saameysay ganacsiga, waxbarashada iyo xoogsatada.

    FB_IMG_16723184202460698.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183814726572.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183537218698.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183899047386.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183844493948.jpg?resize=720% FB_IMG_16723184013962036.jpg?resize=720% FB_IMG_16723184047984266.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183709577674.jpg?resize=720% FB_IMG_16723184153150577.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183735026932.jpg?resize=720% FB_IMG_16723183953942187.jpg?resize=720%

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaray xarunta AGA ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hatan ah Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinka qaaday dowladda Soomaaliya, kadib soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti.

    Cabdirxamaan Cabdi Shakuur ayaa si weyn u dhaleeceeyay xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay si gaar ah u saameysay shacabka.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in madaxdii shalay diidanaa in la xayiro shacabka in iyagu ay maanta sameeyaan sida madaxdii ka horreysay oo kale.

    “Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Facbook-ga.

    Halkan hoose ka aqriso:

    Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

    Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

    Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro  cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

    Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

    Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

    Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

    The post CC Shakuur oo si weyn u dhaliilay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaaday DF appeared first on Caasimada Online.


  3. FB_IMG_1672315513186.jpg?resize=720%2C72

    Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in sarkaal u dhashay Gobolkaas uu Ciidankiisa kala baxay Somaliland.

    Taliye Xuseen Ducaale Dheeg oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in uu Ciidankiisa kala baxay Somaliland.

    Taliye Dheeg ayaa sidoo kale iska casilay xilkii uu ka hayay Ciidamada Somaliland waxaana la sheegay in uu ka xumaaday dadka rayidka ah ee Ciidamada Somaliland ku laayeen Laascaanood.

    Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen rasaas Ciidamada Somaliland la dhaceen shacab muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

    Muddaharaadka oo looga soo horjeedo dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka Reer Sool ayaa maalintii saddexaad ka socda Laascaanood.

    PUNTLAND POST

    The post Taliye u dhashay Gobolka Sool oo Ciidankiisa kala baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta hortegay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dagaalka Shabaab.

    Geelle ayaa marka hore dardaaran culus u jeediyay xildhibaanada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, una shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    “Maanta waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la’is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna ubaahan yahay iyo dad isku hibeeya dantiisa,” ayuu yiri Geelle.

    Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddanka, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu guul u rajeynayo shacabka iyo dowladda.

    “Shacabku wuu kacay idinkuna waxaa tihiin dadkii horkacayey hormuudkiiba tihiin waxaana rajeynayaa inaan aragno waddanka oo xor ah,” ayuu raaciyey madaxweyne Geelle.

    Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa baarlamaanka ka dhex sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la shaqeeyaan khubaro ajnabi oo waddanka kasoo gala dhanka xeebaha, wuxuuna tilmaamay in ay u farsameeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan dalka

    “Xeebtaa halkaa waxaa kasoo dago dad waayo dadkaas waa khubaro yey khubaro u yihiin?. Khawaarijbey u yihiin inay qaraxa hagaajintiisa ku camal falkiisa intaba ayey la qabtaan,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dalka Jabuuti.

    Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay garab istaagayaan dowladda federaalka, ayna ka go’an tahay laga adkaado kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada dalka.

    Si kastaba, Jabuuti ayaa qayb ka ah dowladaha ka qayb-qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

    The post Geelle oo xog yaab leh oo la xiriirta Al-Shabaab kusoo bandhigay kulankii BF appeared first on Caasimada Online.


  5. FB_IMG_1672310317397.jpg?resize=720%2C48

    Madaxda Puntland ku matasha degaannada SSC ayaa maanta warsaxafadeed kasoo saaray dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood waxaana War-saxaafadeedka u qornaa sidaan:

    Kulan is-xogwaraysi ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolada SSC ee Puntland waxaa kasoo baxay  qodo badan.

    1. Waxaanu marka hore tacsi tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan dadkii ku geeriyooday magaalada laascaanood ee gobolka sool, gaar ahaan marxuumkii dilkiisu kacdoonka sababay ee Cabdifataax Cabdullaahi Sangub iyo dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadka lagu laayey ilaa iyo hadana layntoodu socoto.

    2. Sidoo kale waxaanu bogaadinaynaa dhalinyarada gobolka ee gartay kana dhiidhiyey xasuuqa ba’an ee lagu hayo bulshadooda isla markaasna garawsaday inaysan u shaqayn kana sii tirsanaan nidaamka Soomaaliland, anaga oo ugu baaqayna inta ku hadhayna inay ka gilgishaan dhiiga shacabkooda ee sida ku talagalka ah loo daadinayo.

    3. Hadii aanu nahay mas’uuliyiinta ka soo jeeda goboladaas waxanu bulshadayada u cadaynaynaa in aanu Naf iyo Maalba u hurayno sidii looga kor qaadi lahaa nidaamka caadaystay gumaadka shacabkeena sidaas darteed waxaanu si buuxda usoo dhoweynaynaa una garab taaganahay kacdoonka bulsha-waynta gobolka Sool gaar ahaan degmada laascaanood ay kaga soo horjeedaan dilalka, cabudhinta, iyo doonista xoog ku haysashada, waxaanu ugu baaqaynaa deeganada kale ee sool sanaag iyo cayn inay ka qayb qaataan kacdoonkaas, sidoo kale waa in laga hortago wax kasta oo muujinaya jiritaanka iyo kamid ahaan shaha sheegashada Maamulkooda sida diiwaangelinta IWM.

    4. Waxanu ugu baaqaynaa Beesha-caalamka iyo Ururada gobolkaba inaysan indhaha ka qarsan Xasuuqa ba’an iyo Cabudhinta joogtada ah ee lagu hayo in mudo ah bulshada deegaanadaas, Anaga oo ka xun in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madasha wadatashiga qaranka oo shirkoodu ka socaday Muqdisho ay iska indha tireen guud ahaan xaalada deegaanadaas oo iyagu  ah kuwo markasta utaagan midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed taas oo kaliftay dhibta joogtada ah ee lagu hayo.

    DHAMMAAD

    The post Mas’uuliyiinta SSC ku matasha Puntland oo ka hadlay dhibaatada Laascaanood ka taagan appeared first on Puntland Post.


  6. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa iska diiday saxiixa labo kamid ah 5 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

    War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo diiday in uu saxiixo labadaas qodob oo kala ah:- In la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada oo ku jiray qodobada xalay la shaaciyey ee war-murtiyeedka.

    “Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka xalay la shaaciyay.

    Haddaba Maxay tahay sababta ay PUNTLAND u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

    Puntland oo la hirgeliyay sanadkii 1991-kii ayaa ah maamulkii ugu horreeyay ee aas-aasmay kadib burburkii dowladda dhexe, waxaana loogu yeeraa ‘Hooyada Federaalka’.

    Sababta ugu weyn ee ay u diiday qodobadaan ‘ayaa loo arkaa inay la xiriirto dhanka awoodda’, maadaama ay Puntland si goon ahi u maamulato howlaheeda gaarka ah.

    Garsoorka

    Waxyaabaha ugu weyn ee ay uga hortimid qodobka koowaad oo ah in la federaaleeyo nidaamka Garsoorka ayaa waxaa loo sababeeyay inay dooneyso in garsoorkeeda uu ka madax bannaanaado dowladda dhexe, maadaama dhowaan uun ay sameysatay Maxkamad Dastuuri ah, sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gudaha dalka.

    AWOODAHA

    Qodobka labaad ayaa ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda oo ay Puntland diiday, waxayna isu aragtaa sidii dowlad oo kale oo aan la mid aheyn awoodaha ay leeyihiin dowlad goboleedyada la midka ah ee haatan saxiixay war-murtiyeedka la soo saaray.

    Ujeedka ay Puntland u qaaday tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid ay ku dooneyso inay uga madax bannaanaato dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay marar badan isugu qabteen arrimaha maamulka, sida waxbarashada, ciidamada iyo sidoo kale dhaqaalaha.

    Diidmada Puntland ayaa dhanka kale muujineyso inuu hooseeyo xiriirka iyo is fahamka kala dhexeeyo dowladda federaalka uu ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Xarig jiidka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo billowday, kadib doorashadii 15-kii May, wuxuuna banaanka usoo baxay markii uu Saciid Deni waayay kursiga Ra’iisul wasaaraha, kadib markii loo magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda dhanka Jubbaland, waxaana tan markaas uu sameynayey dib u garasho siyaasadeed.

    The post Maxay tahay sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay? appeared first on Caasimada Online.


  7. Kala shaki iyo cabsi ayaa soo kala dhex galay saraakiisha Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca Amniga ah.

    Saraakiisha iyo askarta u dhashay Gobolka Sool ee ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa ka horyimid awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Sool ee lagu laynayo Shacabka Laascaanood.

    Xogaha ayaa tilmaamaya in Ciidamada u dhashay Sool qaarkood ay sameeyeen gadood ciidan islamarkaana gaar uga baxeen kuwa u dhashay Somaliland.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan saraakiil is casilay balse Puntland Post weli si madax-bannaan uma xaqiijin.

    Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa weli kacsan halkaas oo uu ka socdo muddaharaad ka dhan ah Somaliland waxaana muddaharaadka ku dhintay dad shacab ah oo Ciidamada Somaliland rasaas la dhaceen.

    PUNTLAND POST

    The post Kala shaki soo dhex galay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka milatariga General Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. 

    Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa 21-kii Bishan December kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale.  

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 1,000 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid. 

    Ciidankan ayaa hadda la gayn doonaan furimaha dagaalka, sida uu sheegay Odowaa. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobolada la gayn doono. Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

    Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. 

    Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah. Alshabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobolada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud. 

    Dhinaca kale, dowladda federalka Soomaaliaya iyo dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga wada tashanaya sidii ay isaga kaashaan lahaayeen dagaalka lagu jiro Al-Shabaab. 

    Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadidoono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquulidoonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.

    The post Odowaa oo war cusub kasoo saaray qorshaha ciidamada laga soo celiyey Eritrea appeared first on Caasimada Online.


  9. Hay’adda Guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku saabsan in xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaalida ee loo soo dhoofin jirey Boqortooyadda Sacuudiga.

    Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey dhulka Soomaalida.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo Qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaalida saarnayd.

    Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday  Soomaalida.

    Source


  10. Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Arbacadii hadal weyn oo suurtagalnimsiisa ay ku xidhan tahay waakhtiga ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sanno gudahood.

    Iyadoo dadaallada caalamiga ah ee lagu cusboonaysiinayo heshiiska nukliyeerka ee 2015 uu wiiqmay, ayaa Iiraaniyiintu waxay kor u qaadeen kobcinta uranium-ka, habka isticmaalka rayidka ah kaas oo ugu dambeyntii soo saari kara shidaalka bambooyinka nukliyeerka – inkastoo ay diidaan naqshad noocaas ah.

    Khubarada ayaa sheegaya in Iran laga yaabo inay kor u qaaddo nadiifinta uranium-ka ilaa heerka hubka muddo gaaban gudaheed.

    Laakiin waxay sheegeen inay sannado qaadanayso in la dhiso madax dagaal oo la ridi karo – qiyaastaas oo uu ku celceliyay jeneraal ka tirsan sirdoonka milatariga Israa’iil bishan.

    “Laba ama saddex sano gudahood, waxaa laga yaabaa inaad cirka kasoo gudubtaan oo aad weerar ku qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iran,” ayuu wasiirka difaaca Benny Gantz u sheegay ardayd ka qalin jabinaysay ciidamada cirka.

    Saadaasha sirdoonka millatariga Israel ee 2023 ayaa ah in Iran “ay ku sii socon doonto waddadeeda hadda ee horumarka yar ah” ee saaxada nukliyeerka, sida uu sheegay wargeyska Israel Hayom Axadii.

    Reuters.

    Source


  11. Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka golaha wadatashiga qaranka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada.

    Shirkan waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo  qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.
    Kulanka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aad u dheer, kaas oo si faahfaahsan loogu cadeeyay Awoodaha hay’adaha kala duwan ee dowladda Faderaalka,Dowladgobaleedyada, Garsoorka, Dhaqaalaha, Amniga, Jinsiyadaha, Waxbarashada, kaabayaasha kala duwan ee dowladda.
     Madaxda ayaa isla garatay in si loo maareeyo isku dhacyada soo noqnoqda ee hay’adaha dowladda, xal loo keeno si ay meesha uga baqaan isqabqabsiga saddexda heer ee dowladda.
    War-muurtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa lagu soo bandhigay inta ay la egtahay awoodda dowladda faderaalka, tan dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo awoodda hay’adda fulinta.
    Golaha ayaa si wadajir ah u saxiixay shan qodob kuwaas oo kala ah ;
    1: Hanaanka Faderaalaynta Garsoorka.
    2: Astaynta heerarka dowladda
    3: Sugidda Amniga iyo ladagaalanka Argagixisada
    4:Dimuqoraadiyeenta iyo doorashooyinka
    5: Dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo
    Qodobadaan ayaa dhammaan ay qalinka ku duugeen madaxda, marka laga reebo Puntland oo laba kamid ah shanta qodob ka gaabsatay.

    HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

    Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

    ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

    Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

    SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

    Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. 

    Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

    Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

    Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

    Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

    DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

    Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

    DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

    Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

    Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. 

    Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

    Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

    Hoos kala dag war-murtiyeedka iyo Astaynta awoodaha dowladda heerarkeeda kala duwan.

    Final Heshiiska Hannaanka Garsoorka 28.12.22 Final Draft

    Final Version Astaynta Awoodaha

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

    Safarka Wasiir Aadan Barre Ducaale ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda daaah-furka xarunta Akadeemiyo goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA, taas oo haatan ka socota gudaha caasimada.

    “Waxaan maanta magaalada Moqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Difaaca Dalka Kenya Adan Bare Ducaalle, wasiirka wuxuu ka qayb geli doonaa xaflada furitaanka ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA),” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gudaha dalka ku soo dhoweeyey dhiggiisa dalka Kenya.

    Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goojoog ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geell oo labaduba si wadajir ah maanta xarigga uga jari doono xaruntaasi.

    Aadan Barre Ducaale oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa xusay inay muhiim tahay in la weyneeyo, lana sharfo afka Soomaaliga.

    “Maanta waxaa noogu yeerteen inaan sharfno Afka Soomaaliga, laakiin naga joojiya waxaad noo bixiseen Soomaali Sujuu,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Kenya.

    Sidoo kale wuxuu munaasabadda ka ballan-qaaday in dowladda cusub ee Kenay ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in horay Kenya u garab istaagtay madaxweynaha dowladda federaalka, welina sii wadeyso dadaaalka iyo garab istaageeda.

    “Annaga garab ayaa nahay na tirsada dowladda cusub ee hadda ka dhalatay Kenya waa dowlad aqoonsan Ummadda Soomaalida iyo Ummadda Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay.

    Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah, waxayna haatan Soomaaliya la leedahay xiriir diblumaasiyaasadeed, kaas oo uu isbeddal weyn ku yimid, kadib 15-kii May oo dib loo soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

    FB_IMG_1672308684649-696x392-1.jpg?resiz 321491626_737724361019559_75268584494639 321618576_1104167123557307_7454742052839 322499982_1212353916329979_8144690984018 322695629_879254976414568_34367143825204

    The post Sawirro: Wasiirka Difaaca KENYA oo yimid Muqdisho kadibna ballanqaad sameeyay appeared first on Caasimada Online.


  13. FB_IMG_1672301976088.jpg?resize=720%2C48

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Oo Shir Gudomiyay Shirka Khamiisla Ah Ee Sarakiisha Amniga Gobolka Nugaal.

    Shirka ayaa looga hadlay xoojinta amaanka Caasimadda Puntland ee Garowe iyo Degmoyinka Gobolka.

    Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Taliyaasha Saldhigyada,Kantaroolada iyo Heeganka ee Gobolka.

    Taliyaha qaybta booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa faray sarakiisha inay dardar galin adag sii galiyaan shaqada Amniga si bulshada loo adeego.

    Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Sarakiisha iyo Ciidamada shaqada adag ay qabteen kooxihii Mandooriyaha Gacan adag ugu dhigeen oo Sharciga u horgeeyen.

    PUNTLAND POST

    The post Booliska Gobolka Nugaal oo shiray Xoojinta Amniga Gobolka appeared first on Puntland Post.


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, kaas oo socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

    Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankan uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

    War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa kasoo baxay shirka, waxaana laba ka mid ah iska diiday Puntland, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka soo baxay.

    Labadaas qodob waxay kala yihiin Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

    Dhinaca kale golaha ayaa ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

    Waxay sidoo kale isku raaceen in deg deg howlgallo looga bilaabo Koonfur Gabeed iyo Jubbaland oo hadda u diyaar garoobayao dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

    Ugu dambeyn golaha ayaa soo hadal qaaday dhacdadii Baydhaba ee dagaalka sababtay, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi, ayaga oo ku baaqay in la adkeeyo nabadda.

    “Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkka Golaha Wadatashiga.

    Hoos ka aqriso qodbada shirka

    GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)
    WAR-MURTIYEED
    25-28 December 2022    Muqdisho – Soomaaliya

    HORDHAC

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

    Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha. 

    QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

    Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:

    HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

    Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

    ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

    Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

    SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

    Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. 

    Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

    Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

    Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

    Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

    DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

    Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

    DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

    Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

    Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. 

    Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

    Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

    –Dhammaad–

    11.jpg?resize=696%2C1084&ssl=1 22.jpg?resize=696%2C984&ssl=1 33.jpg?resize=696%2C1020&ssl=1 44.jpg?resize=696%2C964&ssl=1

    55.jpg?resize=696%2C984&ssl=1

    The post Golaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo diiday labo ka mid ah appeared first on Caasimada Online.


  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas, waxaana ka socdo dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka.

    Xaaladda ayaa haatan kasii dartay, waxayna keentay in ciidamadu ay rasaas nool nool ay u adeegsadaaan dadka dhigaya mudaharaadka, waxaana ugu dambeeyey oo ay xalay ciidamadu dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Jimcaale.

    Marxuumka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka mid ahaa dadka dibad-baxa ka waday magaalada Laascaanood oo saddexdii maalmood lasoo dhaafay kacsaneyd.

    Cabdishakuur Jimcaale ayaa noqonaya qofkii saddexaad oo dilaan ciidamada ammmaanka ee Somaliland, tan iyo markii ay billowdeen dibad-baxyada oo galay maalintii saddexaad.

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo isku socdka dadweynaha, sababo la xiriira xaaladda adag ee haatan ka jirta magaaladaasi.

    Dibad-baxayaasha ayaa sii wada mudahaaradka ayaga oo maanta markale isugu soo baxay Laascaanood, waxayna dalbanayaan in Somaliland ay wax ka qabato dilalka qorsheysan.

    Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas.

    The post Ciidanka Somaliland oo dil ka geystay Laascaanood iyo rabshadaha oo kordhay appeared first on Caasimada Online.