Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,763
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal loo heysto dilka Allaha u naxariistee marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar oo maalmo ka hor lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha Gaalkacyo waxa ay ugu dambeyn ku soo qabteen eedeysanayaasha, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka.

    Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Faysal Sheekh Cali oo ka hadlay dhacdadaan ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumiinta, wuxuuna kadib faray laamaha amniga soo qabashada raggaas oo maanta ugu dambeyn gacanta lagu dhigay.

    Faysal Sheekh ayaa u mahadceliyay ciidamada howlgalka sameeyay, wuxuuna tilmaamay in sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka waqooyiga magaaladaasi.

    ”Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baaritaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu dambayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

    Wuxuu maamulka intaasi ku daray in ragga gacanta lagu soo dhigay la hor keeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

    “Ragga ku jira gacanteena waxa la horgeyn doonaa Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaaladda” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay.

    Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu baaq culus u diray bushada deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada reer Gaalkacyo.

    “Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wadajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Midnimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka.

    Gaalkacyo oo u kala qaybsan koonfur iyo waqooyi, isla-markaana ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo salka ku haya aano qabiil iyo isku hor imaadyo dhex-mara maleeshiyaad ku sugan gudaha magaaladaasi.

    The post PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay rag dilal ka geystay GAALKACYO appeared first on Caasimada Online.


  2. Maxaas (Caasimada Online) – 10-qof oo hal qoys ah ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana arrintaas laga wareystay Jaamac Maxamed Cali oo Hooyadiis iyo Aabihiis ay ku jiraan dadka lagu laayey gurigooda.

    Jaamac wuxuu sheegay in markii ay qaraxyadu dhaceen uu ku suganaa guri kale oo u dhow guriga ay ku geeriyoodeen 10-ka qof ee waalidka iyo walaalaha u ahaa, wuxuuna dhacdadaan uga waramay Idaacadda VOA.

    “Walaalow musiibo ayaa cideydii ku dhacday saakay intii salaadda subax lagu jiray, 10 qof oo ehelkeyga ah oo hooyo iyo aabe ay ku jiraan ayaa halgoob ku geeriyootay, sidoo kale gabar iyo wiil walaalahey ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyadii Maxaas ka dhacay,” ayuu yiri Jaamac oo sheegay in isagu xiligaas uu ku sugnaa guri kale oo ku xigay kan dadkaan lagu dhex laayey.

    Sababta loo bartilmaameedsaday qoyskiisa ayaa la weydiiyey Jaamac, wuxuuna sheegay in waxa ka dhacay magaalada ay musiibo ahaayeen, isla markaana ragii geystay aysan laheyn bartilmaameed gaar ah.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in gurigaan oo ku yaallay bartamaha magaalada uu u dhawaa saldhigga booliska ee degmada Maxaas, “Hadda hadii aad aragto goobtii, waxaad is leedahay meeshaan waligeed guri lagama dhisin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jaamac oo aad u murugeysan.

    Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa ka hadlay arrinta reerkaas ku wada geeriyooday qaraxa, isagoo sheegay in gurigiisa iyo kan reerka lagu laayey ay isku dheganaayeen, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

    “Qoyskaas Allaha u naxariisto waxaan aheyn deris, gaarigii koowaad ayaa gurigooda ku hor qarxay, kadibna wuxuu baabi’iyey gurigii ay ku noolaayeen qoyskaas iyo wixii guri u dhawaa oo dhan,” ayuu yiri Guddoomiye Muumin Maxamed.

    Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku sii daray, “Anigu guriga dadkaas lagu laayey kan ku dhegan ayaan deganaa, ajal ayaa loo dhintaa oo Alle waa nagu badbaadiyey, qoyskaas oo 11 qof ka koobnaa ayuu hal qof ka badbaaday.”

    Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sidoo kale sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, 42 qof oo ka mid ah dadkaas waxaa dhaawacyadooda deg deg loogu qaaday Muqdisho, kadib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Hoos ka dhageyso wareysiga Jaamac

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/01/09410000-0a00-0242-91af-08daee7ae9f8_16k.mp3

    The post Dhageyso: Wiil 11-qof oo qoyskiisa ah lagu dilay qaraxyadii maanta oo ka warramay appeared first on Caasimada Online.


  3. Faahfaahin dheeriya ayaa laga helaya dagaal culus oo Caawa Laascaanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xoogag ka tirsan  Beesha Sool clan.

    Xogaha ayaa xaqiijinaya in xoogagga hubaysan ay inta badan magaalada kala wareegeen Ciidamada Somaliland kadib dagaal qaraar oo saacado socday.

    Ciidamada Somaliland ayaa sida la xaqiijiyay gudaha magaalada kaga cararay gaadiid dagaal iyo maydad daadsan kadib markii dagaalku xoogaystay.

    Weli tiro sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka balse goob-joogayaal ayaa sheegaya in luuqyada qaar iyo jidadka lagu arkayo maydad yaalla.

    Dagaalka Caawa aya bilowday kadib markii Ciidamada Somaliland si bareer ah u dileen mid kamid ah haldoorka Laascaanood.

    PUNTLAND POST

    The post Faahfaahinta dagaal culus oo Caawa ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  4. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced that over 2,000 al-Shabab militants had been killed in the past four months of operations against the group. 

    He made the announcement during a meeting with top security officials, including the intelligence chief and military and police commanders, on the security developments in the country and the arms embargo on Somalia.

    During the meeting, Prime Minister Barre stated that the government is committed to eliminating al-Shabab and that time is running out for the militants as the offensive is preparing to open more fronts. 

    These developments come on the heels of a New Year’s address by President Hassan Sheikh Mohamud, in which he promised to strengthen and equip the National Army Forces to accelerate the ongoing offensive against al-Shabab in central and southern Somalia. 

    Unfortunately, the efforts to defeat al-Shabab were overshadowed by a tragic event on Wednesday, when at least 19 people were killed in a double suicide bombing attack targeting a military facility in the Mahaas district of the Hiran region. 

    The facility was located in the heart of the government’s offensive against al-Shabab. Al-Shabab claimed the attack, and witnesses described the blasts as occurring near a restaurant not far from a district administration building, with the explosions being heard throughout the town. 

    Among those killed were both security forces and civilians, including soldiers and journalists who were embedded with the military.

    In addition, the Prime Minister announced that the government would make an effort to remove the arms embargo on Somalia by establishing an executive and technical committee to work on implementing the planned targets. The committee aims to lift the arms embargo within a year. 

    With the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the Somali government has been conducting operations against al-Shabab to eliminate the group.

    These operations have resulted in territorial gains, but the group remains a significant threat.

    The post 2,000+ al-Shabab militants killed in Somalia in 4 months, says PM appeared first on Caasimada Online.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey xaaladda amniga dalka.

    Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd “cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer,” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

    Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay howl-gallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

    Howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay, sida lagu sheegay warbixintaan.

    Ra’iisul Wasaaare Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddu dadaal-gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

    Shirka ayaa intii uu socday waxaa kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

    Ugu dambeyntiina waxaa lagu soo jeediyay shirkaan dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee dowladda ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

    322194923_1124116101487442_4081653207865 amniga-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 amniga.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 golaha-wasiirrada-shirka-golaha-xukuumad Mahad-Salaad-iyo-Xijaar.jpg?resize=696%2 Saalax-Axmed-Jaamac.jpg?resize=696%2C464 Xamze-Xamse.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    The post Sawirro: Go’aano laga soo saaray shirkii Xamza, Mahad Salaad iyo saraakiisha kale appeared first on Caasimada Online.


  6. Taliska Booliska dowladda ayaa war ka soo saaray qarax fiidkii laga maqlay nagaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

    Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in koox sharwadayaal ah ay bomba-gacmeed ku tuureen nawaaxiga garoonka kubadda cagta Boosaaso islamarkaan aanu wax khasaare ah geysan qaraxaas.

    “Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

    “Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray waxayna wadaan baaritaan arrintaa ku saabsan. Guud ahaan dadweynaha magaaladda Boosaaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

    PUNTLAND POST

    The post Booliska Puntland oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.


  7. Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay isugu jiraan shacab u badan haween iyo carruur, sidoo kale askar iyo saraakiil ciidan ayaa lagu dilay qaraxyadaas.

    Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa caawa warbaahinta u sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay guddoomiye Muumin.

    42 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas ayuu sheegay guddoomiyuhu in deg deg loogu qaaday magaalada Muqdisho, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

    Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sheegay in diyaaradaha soo qaaday dadkaas ay dirtay dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Maxaas aysan laheyn garoon diyaaradeed, taas oo ka dhigay in dadkaan lagu soo qaaday diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxay ku weerareen magaalada, iyadoo dadku ay weli hurdayaan.

    Ugu yaraan laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa loo adeegsaday qaraxyadaan, waxaana goobaha la beegsaday ka mid ah, gurigii uu Xildhibaan Jacfar ka deganaa magaalada, inkastoo uu ka maqnaa iyo guriga guddoomiyaha Maxaas Muumin Maxamed.

    Gaadiidka qarxay ayaa magaalada Maxaas kasoo galay dhanka deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in Wabxo oo weerarkaan laga soo abaabulay ama lasoo marsiiyey ay ciidanka dowladdu mar ka xoreeyeen kooxda, balse ay dib uga soo laabteen.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil ka hor safar ku tegay degmada Maxaas ayaa halkaas ka sheegay in Maxaas ay astaan u noqa doonto halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

    The post KHASAARAHA qaraxyadii maanta oo aad u kordhay iyo xog cusub oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.


  8. Sida taariikhda ku cad sannadkii 1993 ayuu AHUN Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u magacaabay wasiirkiisa daakhiliga Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, xilkaasna waxa uu hayay muddo labo sano ah. Hase yeeshee labo sano kadib ayuu madaxwayne Cigaal xil kaqaadis ku sameeyey Muuse Biixi, intaas kadib Muuse Biixi waxa uu uruursday ciidan beeleedyo isagoo bannaanka uga baxay magaalada Hargeysa.

    Odayaal iyo waxgarad ay Madaxwayne Cigaal iyo Biixi ba isku deegaan yihiin ayaa arrintii dhexdhexaadin ka galay, kadibna waxay ergo ugu tageen madaxwayne Cigaal AHUN, iyagoo ka codsaday inuu xilkii ku celiyo Muuse Biixi, Madaxwayne Cigaal isagoo aan wax dhib ah muujin waxa uu odayaashii ku yidhi “Inanku waa Inankaygii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waxay ku jawaabeen odayaashii “Waydiinay oo wuu qaadanaya” kadibna waxa uuu madaxwayne Cigaal sameeyey dhacdo taariikhda siyaasadda gashay taas oo ahayd inuu galinkii hore Muuse Biixi magacaabay ayuu galinkii dambena ka qaaday! Hal ku dhegyada caanka noqday ee xilkaqaadistaas madaxwayne Cigaal ku ladhay waxa ka mid ahaa kelmadda caanka noqotay ee “waa rafadkii ay rafanaysay” iyo tuduc maanseedkan:

    Anigoon ku diran waadigii damaca waalnaaye

    daydayo haddaan kuu fasaxay dibad wareegiiye

    Arrintaasi Muuse Biixi waxay ku noqotay dhirbaaxo kulul oo aanu siyaasad ahaan ka soo waaqsan, waxaana uu bilaabay inuu dagaal la galo Cigaal iyo xitaa inuu qoys ahaan ula dagaallamo.

    Haddaba waxa maanta u sansaan eg taas, xilkaqaadistii uu maanta madaxwayne Biixi ku sameeyey wasiir Cabdillaahi Abokor oo marar badan u godoboobay madaxwayne Biixi, waxana sii yaab leh inuu xilka qaadistan ku sameeyey wasiirka oo ku jira ololaha diiwaangalinta ee xisbiga KULMIYE kuna sugan gobolka Togdheer. Arrintan ayay dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen aargoosi siyaasadeed oo madaxwayne Biixi kaga aargoosanayo dhacdadaas 1995 ku dhacday, maadaama sida la ogyahay aanu Biixi waxba illaawin, halka Cabdillaahi Abokor iyo M. Cigaal AHUN ay isku deegaan ka soo jeedaan.

    Source


  9. 2 dumara ayaa geeriyooday kadib markii uu baabuur ku jiidhay deegaanka Galloolay, oo dhaca wadada u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somaliland.

    Dhinaca kale, dirawalkii  baabuurka haweenka jidhay waday, ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii uu rogmaday baabuurkii baabuurkiisu, markii uu dumarka jiidhay.

    Maydka dumarka dhintay iyo dhaawaca dirawalka waday baabuurka haweenka jiidhay, ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Sheekh  halkaasi oo dhaawaca dirawalka lagula tacaalayo.

    Shilalka baabuurta ayaa sannadkasta galaafta nolosha boqollaal qof oo reer Somaliland ah, sannadkii lasoo dhaafay oo kali ah 5,829 shil ayaa ka dhacay Somaliland, waxaana ku nafwaayay 148 qof, halka 3,944 oo qofna ay ku dhaawacmeen sida uu booliisku sheegay.

    Xukuumada Somaliland ayaa marar badan isku dayday in ay dhinto xawaaraha sare ee ay baabuurtu ku socdaan si shilalka loo yareeyo, lakiin isku daygaas ayaan wali guulaysan.

    Source


  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa soo saaray amarro culus oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Warqad uu soo saaray guddiga nabad-galyada gobolka Bari ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada, xili si weyn loogu kacsan yahay madaxweynaha maamulkaasi.

    “Mudaneyaal maadama lagu jiro xilli xasaasi ah loona baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo Adkaynta Nabad-gelyada, Midnimada & xasiloonida guud, waxaa muddo kooban la joojiyey in Huteellada magaalada Boosaaso lagu qabto shirar & xaflado aan fasax qoraal ah looga haysan guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka haysato guddiga nabad-galyada gobolka Bari oo uu gudoomiye u yahay Cabdirisaaq Cali Siciid.

    Guddiga Nabad-gelyada ayaa waxa kale oo uu sheegay in Huteellada lagu qabsanayo xafladaha siyaasadeed ay maamulka gobolka ka qaatan warqad fasax ah 24 saac ka hor qabashada munaasabadda.

    Ugu dambeyntiina, saraakiisha booliska gobolka ayaa iyagana lagu amray inay fuliyaan awaamirtan, si dhowna ula socdaan arrintaan.

    Awaamiirtan cusub ee ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa imaneysa xili maalmihii dambe ay xiisad siyaasadeed ka taagneyd maamulkaasi, taasi oo salka ku haysa hanaanka Deni u maamulayo doorashada.

    Shalay ayay aheyd markii Madal Siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

    Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda.

    Waxay ka digeen in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland.

    The post Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka Puntland appeared first on Caasimada Online.


  11. Kuwait City (Caasimada Online) –  Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamuud Beenabeene ayaa sheegay in dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya uu gaarsiiyey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

    Wasiir Beenabeene ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dhambaalkaan uu Amiirka ugu dhiibay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas.

    Sidoo kale labada wasiir ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dal, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey wasiirka qorsheynta iyo maalashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

    “Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri.

    Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.”

    Kuwait oo ka mid ah dowladaha Carabta ayaa sidoo kale ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, maadaama ay ka wada tirsan yihiin dowladaha ku midoobay Jaamacadda Carabta iyo ururro kale.

    beenabeene.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 324233675_708887727442359_85696796830052

    The post Sawirro: Beenabeene oo dhambaal uu ka siday Xasan gaarsiiyey Amiir Sheikh Nawaf appeared first on Caasimada Online.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed.

    Wasiirka ayaa shaqo joojinta Maareeye Cali Yaasiin Gurbe ku sababeeyay wada-shaqayn la’aan ka timid iyo curyaamin habsami u socodka waajibaadka ku xusan qoddobka 7-aad faqradiisa 5-aad sharciga jaangoynta iyo Tayo-dhawrka.

    “Wasiirka markuu arkay Maareeyaha guud khilaafka iyo wada-shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa guddiga sare ee hay’adda (Boardka) iyo Maareeye ku-xigeenka kuna saleysan wada-tashi la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed ayuu xeeriyay go’aankan.”

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sidoo kale Gurbe ka joojiyey ku howl-galida xilka Maareeyaha, ayada oo Maareeye ku-xigeenka hay’adda uu faray inay si ku-meel gaar ah ugu shaqeyso xilka Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

    “Waxaa dhamaan hay’addaha wada-shaqeyntu kala dhaxeyso hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed laga codsanayaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee sii-hayaha xilka Maareeyaha, Marwo Xaawo Axmed Xasan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

    Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan si musuq-masuuq ahna loo isticmaalay.

    Gurbe ayaa la sheegay in uu baal-maray tallooyinka iyo soo-jeedinada Wasaaradda, iskana indha-tiray kala shaqeynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha hay’adda, sida lagu sheegay qoraalka.

    The post Maareeyihii guud ee hay’adda tayo-dhawrka oo shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Caasimada Online.


  13. FB_IMG_1672842321463.jpg?resize=720%2C48

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.

    Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.

    Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

    The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.


  14. Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Laascaanood, kaddib maalmo ay halkaa ka socdeen isku dhacyo sababy dhimasho iyo dhaawac.

    Qaar kamid ah ganacsatada ku nool magaaladaas, ayaa dib u furay xarumahooda ganacsi, waloow ay ka cabanayaan in ganacsiyadooda aad u hooseeyaan maadaama aanay jirin dad badan oo wax ka iibsada.

    Gabi ahaanba waxa istaagay isu soo baxyadii iyo rabshadahii magaalada ka taagnaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa se wali hawada ka maqan adeegii Internet-ka oo ay ganacsiyo dhowr ahi ku xidhnaayeen

    Qaran News


  15. Xil Ka-qaadis.

    Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Beddel

    Waxaan Go’aamiyey;

    In aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    Ujeeddo: Magacaabid.
    Wareegto Madaxweyne

    Magacaabid

    Waxaan Go’aamiyey;

    In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
    xoorxoor.png
    ALLAA MAHAD LEH
    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    Qaran News


  16. FB_IMG_1672836624238.jpg?resize=720%2C48

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

    Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

    Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay.

    Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

    Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

    Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

    Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Shirka Amniga dalka appeared first on Puntland Post.


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qaraxyadii saaka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

    Waxay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, halka ay caafimaad deg deg ah Alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen.

    “Bismillahi, waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

    Waxa kale oo qoraalkiisa uu ku yiri “Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo.”

    Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa asaguna qoraal uu ka soo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay Maxaas, wuxuu u dhigna sidan:

    “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii ay ka baxeen iyo Ciidankii ay ka tirsanaayeen, gaar ahaan kuwii ay goobta wada joogeen, askartii, saraakiishii, iyo dadkii rayadka ahaa ee lagu dilay weerarkii naf- haliga ahaa ee ay kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee argagexisada Al-shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

    Waxaan Alle uga baryayaa in uu danbigooda dhaafo, naxariistiisa iyo janadiisa ku abaalmariyo, inta dhaawaca ahna caafimaaad degdeg ah siiyo. Aamiin.”

    Aroornimadii hore ee saaka ayaa qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawac tiro kale ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

    Qaraxyada ayaa ahaa kuwa ismiidaamin ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle.

    Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka, balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay.

    Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

    The post Shariif iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray musiibadii maanta ka dhacday degmada… appeared first on Caasimada Online.


  18. Nairobi (Caasimada Online) – A leading Somali Islamic scholar, Sheikh Mohamud Shibli, has called for Somalis to hunt down and kill members of the Al-Shabab extremist group.  

    Speaking at a public square in Nairobi, Sheikh Shibli denounced the group’s attacks on Muslims in Somalia and praised ongoing efforts to combat them.  

    Sheikh Shibli said that the actions of Al-Shabab in Somalia are fundamentally opposed to Islam, as they indiscriminately attack and kill Muslims and Somalis in markets and hotels while claiming to be fighting infidels.  

    “What is happening in Somalia is the killing of Islam. Al-Shabab says that they are fighting infidels, but they are bombing markets and hotels. There are no infidels in the country, except AMISOM and those in the Halane compound who are defending themselves, and Al-Shabab cannot approach them,” said Sheikh Shibli.  

    He added, “The so-called infidels they are fighting, the ones they are attacking and whose blood is halal and whom they are getting close to Allah, the ones whose videos we watch being slaughtered are the ones in the Zoobe market and our hotels, Muslims and Somalis.”  

    The Sheikh said it is a duty to fight the “Kharijite” group because they do not deserve to be called Muslims, adding that the only solution is to kill and exterminate them.  

    He also said it is a crime to help Al-Shabab and cited the blood they have shed and the extortion they have carried out against the Somali people.  

    Sheikh Shibli’s call to action comes as fighting against Al-Shabab continues in some parts of Somalia. On Wednesday, at least 15 civilians, including women and children, were killed in a series of car bomb attacks in the central town of Mahas by the militant group. 

    There have been ongoing efforts by the Somali government and its allies to push back against Al-Shabab, including a revolt by local clan militias in July and the deployment of troops by President Hassan Sheikh Mohamud in September.  

    These efforts, aided by US air strikes and the African Union force known as AMISOM, have retaken large areas of territory in the central states of Galmudug and HirShabelle. 

    However, Al-Shabab has continued to carry out retaliatory attacks, showing its ability to strike at the heart of Somali towns and military installations. 

    Al-Shabab, which has pledged allegiance to Al-Qaeda, has been active in Somalia for over a decade and is known for its violent attacks on civilians, including bombings, kidnappings, and assassinations.  

    The group has been particularly active in targeting hotels and markets, such as the one in Zoobe that Sheikh Shibli mentioned in his speech. 

    It has also been responsible for high-profile attacks outside of Somalia, including the 2013 Westgate mall attack in Nairobi, Kenya, in which 67 people were killed.  

    In recent years, the group has faced increasing pressure from Somali government forces and their allies, but it remains a significant threat to the stability and security of the region.

    The post Leading Somali Islamic scholar calls for hunt and kill of Al-Shabab members appeared first on Caasimada Online.