Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. booliska.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Laanta dembi baarista ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano CID, waxaa waqti fog lagu eedeynayay laaluush wajiyo badan leh.

    Qaar waxay la xiriireen madaxda laanta, qaar howl-wadeenada hoose, arrimaha qaarna madaxdii Booliska ee xilka laga qaaday ayaa ku lug lahaa.

    Qof madax ah oo gacanta la gali kara arrintan, karana in uu suuliyo ayaa muddo la naawilayay inuu yimaado halka laga xakumo Booliska Soomaaliya.

    Dadka baarista loo geeyo ee ku xiran CID-da iyo dadka doonaya faraha dembi la’aanta si ay u dalbadaan Baasaboor ama waxyaabo kale oo socdaal iyo shaqo la xiriira ayaa tabiyay dhowr jeer in lagula kacay musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin.

    Xarunta CID waa mid kamid ah goobaha ugu badan oo ay shacabku musuqa ku eedeyeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

    Isniintii, Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa kor u sheegay eedaha shacab ee loo haysto CID, wuxuuna raaciyay in ay arrintaas xaliyeen oo mardambe aysan dhici doonin in xaruntaas lagu jeeb baarto shacabka Soomaaliyeed.

    “Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

    “Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

    Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

    Dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay tuhunka ciidamada ee wada-shaqeynta Shabaab, maantana taliyihii Booliska ayaa carabka ku dhuftay musuqa CID-da iyo inuu arrimahaas xaliyay.

    Tani waa astaan muujinaysa inay Soomaaliya u gudubtay marxalad la isku bareero oo aan runta lagala dhuuman cidda ku xad-gudbeysa xuquuqda shacabka iyo muuqaalka dowladnimada.

    The post Soomaaliya oo u gudubtay ‘marxalad la isku bareero’ kadib go’aankii dowladda appeared first on Caasimada Online.


  2. Aqalka-Sare.jpeg?fit=1680%2C1120&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa shalay guddoonka Golaha Aqalka Sare u gudbiyay mooshin la xiriira xaaladda ka taagan gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

    Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa kalfadhigii shalay ka sheegay in mooshinkaas ay qabteen, balse ay dib u dhigayaan kadib codsi laga daba keenay, sida uu sheegay.

    “Waxa jira mooshin ay keeneen Senatorada arrinta Sool iyo Laascaanood ku saabsan, mooshinkaas waa qabanay laakiin codsi ayaa ka daba-yimid oo ah in dib loo dhigo markaa dib ayaa u dhignay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Shacbaan.

    Waxa uu intaas kusii daray “Marka uu xiligiisa soo dhameysto ee nidaamkiisa uu soo dhameysto ayaa isagana dib idinka soo wadaageyna. Wixii idinka noo qaadan ayaa sharci ah, anaga shraci ayaa ku shaqeynayna nidaam ayaa raaceyna gole ayaa nahay.”

    Mooshinkan laga gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayaa imanaya, xilli uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee deegaanka.

    Labada dhinac ayaa xalay ku dagaalamay gudaha magaalada Laascaanood, kaasi oo dagaalka uu billowday abaare sideedii habeenimo, ayada oo lasoo wariyay inay barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

    Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin baaxada khasaaraha dagaalkaasi.

    Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo, uuna galay maalintii 9-aad.

    Labada dhinac ayaa dhowr jeer hore u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay in dagaalka la joojiyo, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay keliya mid ku kooban afka baarkiisa.

    The post Mooshinka Laascaanood oo loo gudbiyay Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.


  3. UN.png?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markale ka digtay Macaluul ka dilaaci karta gudaha Soomaaliya laga billaabo bisha April illaa June ee sanadkaan.

    Waxa kale oo ay ku celisay baaqa deeq 2.6 bilyan oo dollar ah si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, iyada oo sheegtay i dalka uu mar kale qarka u saaran yahay macaluul.

    Isku-duwaha xafiiska gar-gaarka bini’aadantinimo ee QM ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula ayaa abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan horay loo arag.

    “Macaluul waa suurto-galnimo xooggan laga bilaabo April illaa June ee sannadkan, iyo dabcan wixii ka dambeeya, haddii gar-gaarka bani’aadamnimo aan la joogteyn iyo haddii roobabka bilahaas (April illaa June) ay hoos u dhacaan sida hadda la saadaaliyay,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

    Adam Abdelmoula wuxuu sheegay in 3.8 milyan oo qof oo dalka ku nool ay ku barakaceen gudaha dalka, taasi oo uga sii daraysa helista adeegyada aasaasiga ah ee hore u koobnaa.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in ka badan 700,000 oo qof la filayo inay la kulmaan gaajo daran.

    Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

    Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gar-gaar ay ku noolaadaan.

    Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay haddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaalada taagan.

    The post QM oo digniin cusub kasoo saartay Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  4. Laascaanood.webp?fit=1023%2C575&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay xabad-joojinta ay kal hore ku dhawaaqday, taasi oo aan illaa hadda dhaqan-gelin, ayada oo dagaalka uu galay maalintii 9-aad.

    Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Mudane Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in xabad-joojinta Somaliland ay xal u horseedi doonto xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

    Waxa uu sheegay in ka xukuumadd ahaan ay rejo ka qabaan in xabad-joojinta ay dhawaan ku dhawaaqday ay suurta-galin doonto in colaada Laascaanood lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

    “Dowladda Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, waxaan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wada-hadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf-kooda xasarad la’aan, waana dhaqan-kayaga,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

    Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland ay markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato, islamarkaana xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood ay ku dambeyn doonto wada-hadal iyo in wixii khilaaf ah jira la dhameyn doono, sida uu sheegay.

    “Umadina kama badbaadi karto dhibaatooyinka adduunka, waana qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland waa dad adkaysi leh oo ka gudbi doona dhibaatooyinka.”

    Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Somaliland usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo.

    Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

    Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, balse xukuumadda Somaliland ayaa qabta in go’aankeedan ugu dambeyn uu xal u noqon doono xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

    The post Xabad joojinta Somaliland fursad ma u noqon doonta xalka xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.


  5. Said-Al-Adl.jpeg?fit=1908%2C1146&ssl=1

    New York (Caasimada Online) – In a report to the United Nations Security Council, a panel of experts revealed that the leadership of Al Qaeda has likely passed to Sayf Adl, a former security chief responsible for Osama bin Laden’s safety and who trained some of the hijackers behind the 9/11 attack on the U.S. 

    Despite not making any official announcement, many member states have taken the view that Adl is already operating as the group’s de facto and uncontested leader.

    The report notes that while Al Qaeda has not publicly acknowledged Ayman Zawahiri’s death, many member states feel that Adl is already operating as the group’s de facto leader. 

    Why has Adl’s leadership yet to be declared?

    The reasons behind the lack of a formal announcement of Adl’s leadership are subject to various interpretations, with some speculating that Al Qaeda refrained from acknowledging Zawahiri’s death to avoid embarrassing the Taliban rulers of Afghanistan and others suggesting that Adl’s continued presence in Iran creates theological and operational complications for the group’s leadership aspirations. 

    Although one country disputed the claim that Iran hosts any Al Qaeda affiliate, Adl’s location does raise questions for the organization’s global ambitions in the face of competition from the rival extremist group, Islamic State.

    Adl’s role in Al-Qaeda and U.S. connections

    The report notes that Adl, listed on the U.N. sanctions blacklist as Egyptian-born Mohammed Salahaldin Abd El Halim Zidan, has long been a target of U.S. authorities in connection with terrorist attacks such as the August 1998 bombings of U.S. embassies in Tanzania and Kenya. 

    Besides being Bin Laden’s security chief, Adl also played a significant role in training militants to use explosives and preparing some of the hijackers involved in the 9/11 attack. 

    The U.N. panel also highlights Adl’s role in training militants to use explosives and his training of Somali fighters responsible for the deaths of 18 U.S. service members in Mogadishu in 1993.

    Threats from Al Qaeda and Islamic State

    The report further stresses that the threat posed by Al Qaeda and Islamic State affiliates remains high in conflict zones and neighboring countries, with Africa being the continent where terrorism has had the most rapid and extensive impact in recent years. 

    The leadership of the Islamic State has also been called into question following the recent announcement of Abu Hassan Hashimi Qurayshi’s death in a battle. The group’s second leader to be killed in 2022, Qurayshi, was succeeded by a new leader, Abu al-Husain al-Husaini al-Qurashi, about whom very little is known.

    The report states that members of the United Nations have noted a number of pledges of allegiance to Abu Husain by Islamic State affiliates without knowledge of his true identity or leadership qualities.

    The post Sayf al-Adl takes over as Al-Qaeda’s leader: U.N. Experts appeared first on Caasimada Online.


  6. Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa caawa mar kale uu dagaal ku dhex marayaa Ciidamadda qaranka Somaliland iyo kooxaha nabad-diidka ah.

    Dhawaaqa Rasaasta iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa magaaladda Laga maqlayaa.

    Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan caawa dib uga billaamay magaalada Laascaanood.

    Xukuumadda Somaliland waxa ay ku eedaysay kooxo xag jir ah in ay dagaalka kula jirto ay wali ku dhuumaalaysanayaan.

    Source


  7. INTERNATIONAL PARTNERS STRONGLY CONDEMN THE CONTINUED VIOLENCE IN LAASCAANOOD

    International partners* strongly condemn the continued violence in Laascaanood and express serious concern about reports regarding the mobilisation of armed groups.

    We are also deeply concerned about the shelling of civilian infrastructure, which has resulted in casualties and widespread displacement. Attacks against civilians must stop immediately.

    We urge all sides to adhere to the ceasefire, exercise restraint, and engage in constructive dialogue to establish a pathway towards a peaceful resolution.

    We reiterate our call for unhindered humanitarian access to urgently address the needs of those displaced and impacted by the ongoing violence.

    *African Transition Mission in Somalia (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Djibouti, European Union (EU) Delegation, Ethiopia, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Kingdom of Saudi Arabia, Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Russian Federation, Sudan, Sweden, Switzerland, Türkiye, Uganda, United Kingdom, United States, and United Nations.
    name?bg=99CCFF&fg=444444&anim=0

    Qaran News


  8. xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

    Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin muddo kororsi ah oo baarlamaanka Soomaaliya uu sameysanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Qorshahaan ayaa lagu doonayaa in mudada uu sii joogayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya la gaarsiiyo muddo shan sano ah, waxaana lala xariirinayaa muddo kororsiga min halka sano ah ee dowlad goboleedyadu ay horay u sameysteen.

    Mudo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa afar sano, balse qorshahaan mudo kororsiga ah waxaa laga shaqeynayaa iyagoo aan xafiisyada joogin hal sano.

    Waxaa la xusuustaa in dowladdii tan ka horeysay laga diiday muddo kororsi laba sano ah, balse mudo kororsigaan wuxuu kii hore uga duwan yahay waqtiga loo diyaar-garoobayo oo aad loo soo hormariyey.

    Inkastoo arrintaan ay hadda cusub tahay, hadana waxaan meesha ka marneyn tijaabada falcelinta ka imaan karta arrintaan mudo kororsiga ah ee xildhibaanada qaar ay wadaan.

    Qorshaha socda kuma cada waxa laga yeelayo mudo xileedka Madaxweynaha, balse xildhibaanada saxiixay mooshinkaan waxay doonayaan in ka baarlamaan ahaan ay sii joogaan 5-sano.

    Hadii meesha laga saaro in mudada loo kordhiyo madaxweynaha, ee baarlamaanka oo kaliya uu mudada kororsado, waxay ka dhigan tahay in xildhibaanada hadda jooga ay soo doora doonaan madaxweynaha bedelaya Xasan Sheekh.

    Lama oga qorshaha Villa Somalia uga aadan arrintaan soo shaac baxday, waxaana socda olole xoog leh oo xildhibaanada qaar ay ugu jiraan in mooshinkaan uu meel maro si kulamada baarlamaanka loo hor geeyo.

    The post Xog: BF oo wada mooshin muddo kororsi oo yaab leh appeared first on Caasimada Online.


  9. The head of the Somali Journalists Syndicate has vowed to work without self-censorship after a court found him guilty of flouting government orders. Abdalle Ahmed Mumin was arrested in October for rejecting the government's demand to refer to al-Shabab militants only as Khawarij, which is Arabic for dissenters of Islam. He was sentenced to two months in prison Monday but immediately released.

    Source: Hiiraan Online


  10. Xasan-Sheekh.jpga_.jpg?fit=2048%2C1364&s

    Roma (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa loo cafiyey ugu yaraan $30 Milyan oo lagu yeeshay intii ay burburka ku jirtay, lacagtaan ayaa si gooni ah u quseysa sanduuqa beeraha ee Qaramada Midoobey.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

    Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah.

    Madaxweynaha ayaa shirkii maanta ka sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ay ugu horreeyaan argagixisada Al-Shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

    “Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wuxuu intaas ku sii daray, “Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto.”

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka.

    Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wxuuu xaqiijiyey in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo tabcashada beeraha dalka, maadaama ay Soomaaliya leedahay dhul ku wanaagsan tabaca dalagyada kala duwan ee cunada.

    328864117_578469024162689_23876702193840 329902560_1321270692003661_5162258757591 329815830_1792852567782657_1351959326070 330804569_1244464703170547_2574097746554 Abshir-Bukhaari.jpg?resize=696%2C464&ssl Khadiija-Almakhzoumi.jpg?resize=696%2C46 329194455_1242541809696560_9203903921879 327602673_1620417631736604_5761895360389 Xasan-Sheekh.jpga_.jpg?resize=696%2C464& Xasan-Sheekh-1.jpg?resize=696%2C445&ssl=

    The post Sawirro: Soomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Xasan oo war ka soo saaray appeared first on Caasimada Online.


  11. FB_IMG_1676396585900.jpg?resize=720%2C46

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

    Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

    “Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

    Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

    The post Soomaaliya oo laga cafiyay Deymihii Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Horunarinta Beeraha appeared first on Puntland Post.


  12. Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.”

    Magaalada Laascaanood ayaa waxaa maalintii sagaalaad ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka, dagaalladaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 60 qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale, sida ay sheegaan saraakiisha caafimaadka.

    Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.”

    Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.

    “Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka beesha caalamka.

    PUNTLAND POST

    The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  13. NISA.png?fit=3155%2C2081&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

    Sida lagu cadeeyey qoraalka hey’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada reer Muqdisho qaar ka mid ah ku amartay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

    “Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

    Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dhowyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeeyey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga ee dowladda federaalka.

    Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ayaa ku soo aadeysa iyadoo galabta Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’aano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

    Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arrinta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

    “Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn, si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta guddiga.

    Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

    “Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn 90 cisho gudahood, si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

    Guddigu waxa kale oo uu faray hay’adaha maaliyadeed sida; Bankiyada, Xawaadalaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha telefoonada in ay kusoo gudbiyaan warbixinada ay warsadaan hay’adaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac gudahood.

    “Cidii kusoo gudbin weysa warbixinada mudadaas, waxaa laga qaadayaa tallaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Hoos ka eeg digniinta NISA

    330333875_557430023008244_23301021975342

    The post DEG DEG: NISA oo war culus ka soo saartay ganacsato ay Al-Shabaab u yeereen appeared first on Caasimada Online.


  14. PRESS RELEASE
    Energy Capital and Power Offers 20% Discount for MSGBC Oil, Gas & Power 2023 Delegates Passes
    Energy Capital & Power is proud to offer a 20% discount on delegate passes for the highly-anticipated MSGBC Oil, Gas & Power conference; The offer is valid before March 2023
    Access Multimedia Content

    NOUAKCHOTT, Mauritania, February 14, 2023/ — As the organizer of the high-level MSGBC Oil, Gas & Power 2023 conference and exhibition (https://apo-opa.info/3E7bs6W) – taking place in Mauritania from November 21-22 – Energy Capital & Power (ECP) (www.EnergyCapitalPower.com) is proud to announce a 20% discount on all delegate passes purchased before mid-March 2023. Hurry and secure your pass before the link (https://apo-opa.info/3xoo1XL) expires! With two successful editions preceding it, the 2023 edition of MSGBC Oil, Gas & Power will once again unite industry leaders, policymakers, investors, government representatives and energy experts for two days of networking and engagement, leveraging the event’s standing as the biggest regional energy conference to usher in a new era of growth across the MSGBC frontier market.

    Under the theme, ‘Scaling Energy Opportunities in Africa’s New Frontier,’ this year’s edition of MSGBC 2023 builds on the region’s success of first oil and gas production from the Sangomar and Greater Tortue Ahmeyim (GTA) (https://apo-opa.info/3YHvUTT) projects – slated for the end of 2023 -, exploring what happens next (https://apo-opa.info/3E5OBIY) and how can regional players sustain this development drive. Representing the only regionally-focused platform to cover the entire energy sector and its value chain across the respective nations that make up the MSGBC basin, the conference serves to increase foreign investment (https://apo-opa.info/3YiIKbj) in emerging markets such as natural gas, green hydrogen and power, contributing to the positioning of the region as a global energy hub.

    Taking place under the Patronage of Mohamed Ould Cheik Ghazouani, President of the Republic of Mauritania, and in partnership with the country’s Ministry of Petroleum, Energy and Mines and national oil company NOC, Société Mauritanienne Des Hydrocarbures Et De Patrimoine Minier, Senegal’s NOC Petrosen, and regulator Cos Petrogaz and the African Energy Chamber, this year’s edition of the premier regional event offers unparalleled opportunities for investors and project developers alike.

    During the event, market-focused panel discussion will investigate the challenges and opportunities to development while case-specific presentations and exhibitions offer critical insight into what is happening across the regional energy landscape (https://apo-opa.info/3Xvy4VA). With its networking and deal signing focus, the event will lay the foundation for robust dialogue and engagement among delegates, enabling new partnerships to be formed and projects launched.

    From Mauritania and Senegal’s oil and gas drive under the respective Gas Master Plan and Emerging Senegal Plan; to the integration of the energy and mining, agriculture and manufacturing sectors in Guinea-Conakry; to the burgeoning renewable market in Guinea-Bissau; and the upcoming licensing round in The Gambia as well as every other respective MSGBC nation, the regional energy sector is on the precipice of large-scale growth. Stepping into this picture, MSGBC Oil, Gas & Power 2023 will explore how the region can kickstart sustainable economic development on the back of resource maximization and monetization, with a suite of players from across the regional and global landscape gathering in Mauritania to discuss the future of the MSGBC energy sector.

    To secure your spot among industry leaders, regional policymakers and global investors, purchase your delegate pass here (https://apo-opa.info/3xoo1XL) and enjoy a 20% discount before the offer expires.
    Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power.
    SOURCE
    Energy Capital & Power

    Qaran News


  15. Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

    Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay kooxda Al-Shabaab ku eedeysay duqeynta iyo madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, taasi oo burbur horleh u geysatay goobaha shacabka iyo caafimaadka.

    Hoggaanka howl-galinta ciidanka Somaliland ahna Afhayeenka ciidanka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay tallaabadaas u qaaday si ay usii huriso xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood.

    “Waxaa xaqiiq ah oo aan hayna in Al-Shabaab ay dumiso guryaha Laascaanood gudaheeda oo ay haddana tiraahdo waxa dumiyay ciidanka Somaliland, iyada oo dooneysa in marnaba nabad ka dhalan Laascaanood,” ayuu yiri.

    “Arrintaas waxaa u xaqiijinayna dadka waxgaradka ah ee Laascaanood, dadka aan nabadooda dooneyn waa Al-Shabaab oo ka faa’iideysatay jaaniska maanta taagan ah ee shaqaaqada Laascaanood.”

    Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay awood u leeyihiin in dagaal qorsheysan ay ku qaadan gobolka, balse ay u turayaan magaalada iyo shacabkeeda, sidaas darteedna ay weli ku taagan yihiin go’aankii kasoo baxay xukuumadda ee xabad-joojinta.

    “Dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Al-Shabaab iyo dhalinyaro caadifadeysan oo u dhalatay gobolka Sool, waxa intaas dheer Puntland oo daaha dabadiisa kaga jirta dagaalkaas oo aan ogsoonahay.”

    Waxa uu intaas kusii daray “Dagaalkaas ciidanka Somaliland isaga oo awooda in uu dagaal caadi ah oo qorsheysan gobolka waxa uu weli u turayaa magaalada iyo in ay dunto Laascaanood. Ciidanka Qaranka waxaas oo dhan waxaa uga lex-jeclo badan dadka iyo guryaha muwaadiniinta leeyihiin.”

    Afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan gacmaha laaban doonin haddii lasoo weeraro oo ay iska celin doonaan, “Ciidanku gacan waxa uu ku sita nabada, gacana waxbuu iskaga celinaya. Marwalba waxa uu diyaar u yahay in uu iska difaaco ciiddii soo weerarta, gacan kulul ayuu ku dhufanaya.”

    Hadalkan ayaa imanaya, ayada oo ciidamada Somaliland inta badan lagu eedeeyo inay madaafiic culus ku garaacan gudaha magaalada Laascaanood, ayada oo sawiro laga soo qaaday goobaha la sheegay inay madaafiicda ku dhacday laga dheehan karo burbur xoogan iyo baaxada duqeynta, taasi oo maanta ay iska fogeysay Somaliland.

    The post Somaliland oo Al-Shabab ku eedeysay in Laascaanood ka fulisay… appeared first on Caasimada Online.