Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 329214601_1588080315035529_4270429212205

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir.

    Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan.

    Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

    “Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa,” ayuu yiri Booliska.

    Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in haweeneyda haatan lagu soo xiray saldhigga degmada Wadajir, isla-markaana laga qaadi doobo tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

    “Haweeneydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweeneydaan, waxaana la hor geenayaa sharciga,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

    Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo halis ku ah amnig shacabka.

    Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada.

    Si kastaba, caasimada ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal afduub ah oo badanaa lagula kaco carruuta yar-yar, kuwaas oo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.

    The post Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.


  2. Qarax-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Afmadow (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

    Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cali Bogmadow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

    Bogmadow ayaa ka sheekeeyay qaabka loo fashiliyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay in baabuurta lagu qarxiyay difaaca koowaad ee xarada la weeraray, kadib markii ay ku dhaceen godad uu sheegay in loogu tala-galay in looga hortago qaraxyada Al-Shabaab.

    “Waa la arkay labada baabuur xabadaa lagu ridday marka naf la caarigii difaacii hore oo godad dhaadheer laga sameeyay oo loogu tala-galay Khawaarijta wasaqda marka ay ku tala-galaan in qarax ciidamada ay ku waxyeeleeyaan inuu ku dhaco baabuurka dabadeedna uu isagu isla qarxo arrintaas waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliye Cali Bogmadow.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in baabuurta la qarxiyay ay la socdeen tobaneeyo Al-Shabaab ah, balse goobta lagu wada dilay, sida uu hadalka u dhigay.

    “Labadii baabuur iyo wixii la socday way qarxeen hilbahoodii ayaa meesha daadsan, 10 ayaan dilnay qiyaastii, xittaa waxaa la socday kuwo is qarxin rabay” ayuu sii raaciyay.

    Dhankooda waxa uu xaqiijiyay inay dhaawacyo fudud soo gaareen illaa saddex askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla duleedka Afmadow.

    “Annaga waxaa jira saddex nin oo dhaawac fudud ah waa la dhayay ciidankoodii ayey horay ugu feeleen” ayuu markale yiri taliyuhu.

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay si wadi doonaan gulufka dagaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socdo gudaha degmada Afmadow.

    Ma joojineyno howlgalkii aanu wadnay ee bartan aan ka hoggaamineynay halkiisii ayuu ka soconayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

    Al-Shabaab dhankeeda waxay shaacisay inay beegsatay saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

    Si kastaba, maalmihii u dmabeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

    The post Sidee loo fashiliyay weerarkii Is-miidaaminta ee AFMADOW? appeared first on Caasimada Online.


  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa hadda kulan uga bilaamay aqalka madaxtooyada.

    Kulanka ayaa la filayaa in lagaga hadlo xaaladda gobolka Sool iyo khilaafka Doorashada.

    Sida ay ogaatay Somalilandtoday xubnaha mucaaridka uga qayb galaya kulanka hadda uga bilaamay aqalka madaxtooyada ayaa waxa ka mid Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, siyaasiga rugcadaaga ah ee Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde kana mid ah hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Xildhibaan Siciid Mirre Faarax Giire iyo Xildhibaan Jaamac Macaf oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aan in-dhawayd lagu arag fagaarayaasha siyaasada Somaliland balse hadda dhanka Xisbiga UCID ka socda.

    Dhanka xukuumadda lama oga ilaa hadda cid ku wehelin doonta Madaxweyne Biixi kulankan.

    Source


  4. Rasaas kala duwan ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood balse weli lama xaqiijin in dagaal fool ka fool ah bilaamay iyo in madaafiic uun lays waydaarsanayo.

    Somaliland oo xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac.

    Dhinaca isamada dhaqanka weli ma shaacin mowqifkooda la xidhiidha Xabad joojinta inkasta oo Garaad Mukhtaar oo xalay hadlay sheegay in ay nabadda markasta diyaar u yihiin isagoo intaasi ku daray in Somaliland weli waddo duqaynta magaalada.

    Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xabbad joojintii xalay ay ku dhawaaqdey ay ka baxeen dhinicii kale. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar lagu soo qaadey fadhiisimada ciidanka Qaranka ee Magaalada Laascaanood, balse ay ciidanku iska difaaceen weerarkaasi.

    Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa u dhignaa sida tan: “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.

     Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.”

    Source


  5. (SLT-Washington)-Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha.

    Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka heleen bishii hore waraaqo xasaasi ah oo ay dawladdu leedahay.

    Lataliyaha madaxweyne ku xigeenkii hore, Devin O’Malley ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dhamaystirtay baadhitaan dhamaystiran oo aan xadidnayn oo qaatay shan saacadood oo lagu sameeyey guriga Pence, waxayna guriga ka heleen “hal document oo sira, iyo illaa lix bog oo kale oo aan wadanin tixraac sheegaya sir ahaansho, kuwaas oo aanay hore u aqoonsan la taliyaha sharciga ee madaxweyne ku xigeenka hore.

    Baadhitaankan oo ahaa, mid ay ka wada hadleen wakiillo ka socda Pence iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanku, ayaa ku soo beegmaya iyada oo loogu yeedhay baadhitaan gaar ah oo lagu samaynayo, tallaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump ee uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyada oo Mike Pence uu xilligan ka fikirayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Maraykanka, sannadka 2024.

    Mike Pence ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee dhismayaashiisa laga helo waraaqo sir ah, ka dib baadhitaan ay samaysay hay’adda FBI, hore waxaa loo baadhay guryaha ay degan yihiin, madaxweynihii hore Donald Trump iyo madaxweynaha haatan xilka haya Joe Biden, oo guryahooda laga helay waraaqo sir ah.

    Source


  6. (SLT-Ankara)-Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.

    Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.

    Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.

    Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.

    Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.

    Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.

    Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.

    Dr. Cabdicasiis ayaa wareysi uu siiyay idaacadda VOA ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.

    “Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yidhi Dr. Cabdicasiis.

    Source


  7. (SLT-Nairobi)-Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xidhiidhka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea.

    Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur gobolleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sanno ka badan ka maqnaa.

    Eritrea ayaa joojisay xubinnimadeeda IGAD sannadkii 2007 kadib markii ay isku khilaafeen Itoobiya joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

    Sannadkii 2018-kii, Eritrea iyo Itoobiya waxay dib u soo ceshadeen xidhiidhkooda diblomaasiyadeed waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro colaadda sannado badan u dhexeysay.

    Source


  8. FB_IMG_1676095372153.jpg?resize=720%2C71

    Marxuum Cabdisalaan Muuse Siciid oo kamid ahaa dhaqaatiirta Gargaar Hospital Laascaanood ayaa saaka ku geeriyooday madaafiic ku dhacay qayba kamid ah isbitaalka.

    Ciidamada Somaliland ayaa isbitaalka ku garaacay duqaymo aan loo meel dayin kuwaas oo sababtay geerida marxuumkaas.

    Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka dhasheen duqaymaha ku dhacay gudaha Laascaanood.

    Ciidamada Somaliland ayaa maalintii lixaad madaafiic iyo hubka culus ku garaacaya gudaha Laascaanood oo ay ku jiraan xarumaha caafimaadka iyo masaajida.

    PUNTLAND POST

    The post Dhaqtar saaka ku geeriyooday duqaymaha ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  9. Laascaanood.webp?fit=1023%2C575&ssl=1

    Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland.

    Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

    Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

    Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda.

    “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland.

    Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu.

    “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

    Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

     

    The post Xabad-joojintii Somaaliland oo burburtay iyo dagaal dib uga qarxay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.


  10. Qarax-1.jpg?fit=1080%2C486&ssl=1

    Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleeda Afmadow ee gobolkaasi.

    Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

    Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi.

    Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

    Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday is-miidaaminta.

    Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

    Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada halkaasi.

    Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay iga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka muhiimka ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi.

    Maalmihii u dmabeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay  weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

    The post Weerar ku billowdy QARAXYO oo lagu qaaday xero ku taalla AFMADOW appeared first on Caasimada Online.


  11. Addis Abeba – Somali regional state government said it is “not appropriate to call for a peaceful demonstration that is not authorized by the appropriate body” and that it “creates a security threat at this time when preparations for the African Union Summit, which has high diplomatic and economic benefits, are being completed.”

    Source: Hiiraan Online


  12. FB_IMG_1676090534522.jpg?resize=552%2C58

    Ciidamada Somaliland ayaa maalintii lixaad madaafiic iyo hubka waaweyn ku garaacaya magaada Laascaanood.

    Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in duqaymo xooggan oo aan kala sooc lahayn ku socdaan xaafadaha magaalada.

    Mas’uuliyiinta Somaliland oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Caynaba ayaa sheegay in xabbad-joojin hal dhinac ah ay samaynayaan.

    Waxaase ku xigtay in saaka madaafiic iyo hubka culus lagu garaacayo xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

    PUNTLAND POST

    The post Ciidamada Somaliland oo maalintii lixaad duqaynaya Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  13. Biixi.jpeg?fit=1528%2C1120&ssl=1

    Wisil (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.

    Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood maanta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku reeban.

    Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.

    Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

    “Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

    Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aaggaas.

    “Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri.

    Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii shalay ay ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda.

    Hoos ka dhageyso wareysiga

    The post Dhageyso: AL-Shabaab oo dagaalkii Mudug looga dilay 117 iyo Biixi oo xog bixiyey appeared first on Caasimada Online.


  14. Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday.
    Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan, waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato nabadda iyo wadahadalka xalka lagaga gaadhayo shiqaaqada Laascaanood”.
    Gudoomiye xirsi Cali xaaji xasan.
    xirsi-e1663302100184.jpg

    Qaran News


  15. Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.

    Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha.

    Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.

    Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.

    Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.

    Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo.

    Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

    Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwaan-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay.

    Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii.

    Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoowe oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto.

    Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo haddii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda.

    Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli kuma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miisaanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda.

    Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

    Saciid Cabdullaahi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaalkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wuxuuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo.

    The post Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe appeared first on Caasimada Online.


  16. Earthquake-dhul-gariir-scaled.jpg?fit=25

    Ankara (Caasimada Online) – Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.

    Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.

    Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.

    Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.

    Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.

    Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.

    Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.

    Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.

    “Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

    Hoos ka dhageyso wareysiga 

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/02/06a20000-0aff-0242-c6c8-08db0b7036de_16k.mp3

    The post Wareysi: Tirada Soomaalida ku geeriyootay dhul-gariirka Turkey iyo tirada la la’yahay appeared first on Caasimada Online.


  17. Afwerki-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.

    Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.

    Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    “Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki.

    “Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”

    Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.

    “Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”

    “Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”

    Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.

    The post Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib appeared first on Caasimada Online.