Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. DP World Invests $400 Million in Berbera Port Development
    shipping_arabia_logo.jpeg
    Shipping Arabia, February 20, 2025 — DP World has committed $400 million to the development of Berbera Port in Somaliland, aiming to enhance its capabilities as a central maritime hub for landlocked African nations. This investment was confirmed by Abdirahman Abdullahi, President of the Republic of Somaliland, during a panel discussion on strategic investments and economic transformation.

    President Abdullahi highlighted the historical significance of Berbera Port, noting its strategic utilization by global powers during the Cold War due to its prime location. He expressed optimism about the future role of the port under the partnership with DP World, enhancing Somaliland’s position as a burgeoning economic gateway.

    Sultan bin Sulayem, Chairman and CEO of DP World, elaborated on the company’s regional strategy, particularly in relation to Ethiopia, which he noted requires multiple ports to support its population surpassing 100 million. Bin Sulayem described Berbera Port as a previously neglected asset that DP World is revitalizing in collaboration with the Somaliland government to facilitate increased trade flows, especially with Ethiopia.

    The development of Berbera Port is seen as pivotal in linking Ethiopia and Somaliland, thereby boosting economic activities and industrial development in the region. Bin Sulayem stressed that DP World’s investments are driven by geographic and economic potentials rather than political motives, focusing on maximizing the logistical advantages offered by each location.

    Further detailing the project’s scope, Bin Sulayem revealed that shipping operations have commenced, with plans for substantial industrial projects underway to leverage the port’s upgraded facilities. He affirmed DP World’s long-standing commitment to fostering economic growth in Africa, referencing additional investments in Kenya, Somalia, and Ethiopia, which underscore the company’s robust engagement across the continent.

    This strategic move by DP World marks a significant step in enhancing maritime connectivity and economic integration for Africa, promising to transform Berbera into a key logistical hub that supports regional development and trade.

    Source: Emarat Alyoum

    Qaran News


  2. Rooble.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay dhacdadii qabsatay xilli ay u safrayeen dalka Koonfur Afrika, kadib markii loo diiday baasaboorka diblomaasiga ah si ay ugu dalbadaan visaha dalkaasi.

    Xildhibaan Cabdullaahi Carab, oo kamid ah saaxiibada Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna wehlinayay safarkan, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka SMS wuxuu uga hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay inay jirto in warqaddii loo diiday Rooble.

    Carab ayaa shaaca ka qaaday in warqaddaas ay hakad gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu ku safray dhalashadii uu ka haystay Sweden.

    “Warqad ayuu codsaday Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, isaga iyo rag kale oo aan aniga kamid ahay, waxaana kusoo soconay Koonfur Afrika. Sida aad la socoto, marka uu qofka baasaboorka diblomaasiga ah rabo visaha dal shisheeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qorta warqad, waxaana loo diraa safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kadibna iyadaa warqad kale kusii lifaaqda, sidaas ayaana lagu helaa visaha,” ayuu yiri.

    Waxaa kale oo uu raaciyay: “Marka ay tegtay warqadda safaaradda Soomaaliya ee Kenya, dib ayaa loogu soo celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna howshii waa dhaqaaqi waysay. Xiriiro badan oo lala sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa suuroobi waysay, sidaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu go’aan isaga qaatay. Dhalasho labaad oo uu Sweden ka haystay ayuu haystay, maadaama ballan jiratay, isaga ayuuna kusoo safray.”

    Sidoo kale, wuxuu falkan si toos ah ugu eedeeyay madaxda dowladda dhexe iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isaga oo beeniyay warka kasoo yeeray Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo VOA-da u sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble aan loo diidin baasaboorka.

    “Tuhumada waa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda sare ee dowladda uun baa warqaddaas in la hakiyo ku heshiiyay, sida muuqato,” ayuu kusii daray.

    Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ka hadlay ujeedka safarka ay ku tageen Koonfur Afrika, wuxuuna tilmaamay in casuumaad ay ka heleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

    “Johannesburg ayaan booqasho ku nimid shalay sababta aan u nimid waxa ay ahayd sidaad la socoto, 2022-kii doorashadii dhacday bilihii ka horeeyay dalka wuxuu galay khal-khal xoog badan. Ilaahay mahaddiisii, sababta Ra’iisul Wasaarihii hore darteed ayuu waddanka ku badbaaday maalmahaas. Wixii ka dambeeyay, jaaliyadda Koonfur Afrika ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxay lahaayeen, ‘Mar na soo booqo,’ sidaas ayuuna ku tegay,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Carab.

    Hoos ka daawo wareysiga:-


  3. Xasan-Sheekh-5-scaled.jpg?fit=2560%2C195

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta furay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee doorashada qof iyo codka ah, taas oo weli dood ka taagan tahay.

    Xasan Sheekh ayaa sheegay in 56 sano kadib ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed si xor ah oo cadaalad ah u dhiibtaan codadkooda, soona doortaan hoggaankooda.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka la wadaagay go’aan culus oo la xiriira doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay malaayiin dollar kusoo iibisay qalabka loogu talagalay qabashada doorashada qof iyo codka, dadaalkana ay sii wadi doonaan.

    “Waxaan rabaa in BFS aan u sheego in dowladdu diyaarisay dhaqaale iyo qalabkii lagu hirgelin lahaa doorashada, waxaana diyaar u nahay inaan wixii cawinaad ah waydiisano caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Sidoo kale, wuxuu ka hadlay walaaca laga muujinayo doorashooyinkan, wuxuuna tilmaamay in ay mas’uul ka yihiin ayna dalka gelin doonin halis, isaga oo dalbaday in lagu kalsoonaado dowladdiisa iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha doorashooyinka dalka.

    “Ma jirto sabab aan dalka khatar u gelino. Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed isku kalsoonaadaan, kuna sii kalsoonaadaan dadka ka shaqeynaya doorashada. Berri haddii nala dooran waayo, inaan iska baxno oo aan guryageenna ku laabano dhib naguma hayso, laakiin ma jirto sabab aan halis u galino dalka,” ayuu sii raaciyay.

    Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka ugu baaqay in kalfadhigan ay dhammeystiraan cutubyada haray ee horyaalla Baarlamaanka.

    “Kalfadhigan, haddii Alle yiraahdo, waxaa laga sugayaa Baarlamaanka inuu qaado tallaabo kale oo la xiriirta dhammeystirka dastuurka dalka,” ayuu mar kale yiri.

    Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka, oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, iyo xubnaha mucaaradka.


  4. FB_IMG_1740215870514.jpg?resize=720%2C54

    Puntland iyo qunsuliyadda Itoobiya ayaa ka wada-hadlay xaaladda soo galootigga iyo qaxootigga Itoobiyaanka ah ee ku suggan degaanada Puntland kuwaas oo mudooyinkan la wadday in dalkooda dib loogu celiyo.

    War-saxafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa laggu sheegay in laga wada-hadlay arimo la xiriira qulqulka qaxootiga ka imaanaya Dalka Ethiopia iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac ee Ethiopia iyo Puntland

    In ka badan 800 oo socoto ah ayaa la raray ilaa iyo hada  sidoo kale boqolaal ayaa weli xabsiyadda ku jira kuwaas oo Puntland ay baaritaan ku hayso waxaana la xaqiijiyay in xitaa ciidamada ammaanku ay xireen dad sharci-haysta kuwaas oo qareeno ka tirsan hay’adaha difaaca qaxooti ay guuleysteen in ay dib xoriyadooda ugu celiyaan.

    Dhamaan Itoobiyaanka qofkasta oo sharci-haysta iyo mid aan haysanba waxaa soo foodsaatay cabsi ah in Puntland lagga saaro, iyagga ka cabsi qaba xaalado amni iyo nolol xumo oo ay dalkoodii uga soo carareen inay dib ugu laabtaan.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland iyo Qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe oo ka wada-hadlay xaaladd Soogalootiga Itoobiyaanka ah appeared first on Puntland Post.


  5. Urur Goboleedka IGAD ayaa qorsheynaya in markii ugu horreysay uu sameeyo Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah, taas oo xarunteedu noqon doonto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay arrintan xilli uu ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), isagoo xusay in tallaabadani ay fursad weyn u tahay Soomaaliya si ay uga faa’iideysato kheyraadka baddeeda iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

    Soomaaliya ayaa horey u muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

    Bishii Diseembar 2022, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto lagu beddelayo magaca Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, iyadoo loo bixiyay “Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economy). Magac-beddelkan ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda si waara.

    Xarunta cusub ee IGAD ee lagu wado in laga furo Muqdisho ayaa noqon doonta mid diiradda saarta horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee gobolka Geeska Afrika. Tani waxay fursad siin doontaa Soomaaliya iyo dalalka kale ee IGAD inay iska kaashadaan maareynta kheyraadka badda, cilmi-baarista, iyo hal-abuurka si loo gaaro horumar waara oo dhaqaale.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin kale oo lagu xoojinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxaa la furay sheybaarro casri ah oo lagu tayeeyo kalluunka, waxaana la qabtay shirar iyo aqoon-isweydaarsiyo lagu xoojinayo iskaashiga iyo maareynta kheyraadka badda.

    Source: goobjoog.com


  6. Maanta ayaa si rasmi ah loo furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qeybgaleen madax sare oo ka tirsan dowladda.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhigan, ayaa caddeeyay in Baarlamaanka uu xoogga saari doono dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka. Wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la helo dastuur dhammeystiran oo dalka hagi kara, si loo xaqiijiyo hanaanka dowladnimada iyo sharciga.

    Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si adag u sheegay in Baarlamaanka uu go’aansaday dhammeystirka Dastuurka, isla markaana aysan jirin wax dib u dhac ah oo la aqbali karo. “Baarlamaanka wuxuu dhameystirayaa Dastuurka, Qabyo kuma jiri karno,” ayuu yiri, isagoo xusay in muhiimadda koowaad ee kalfadhigan ay tahay in dalka uu yeesho Dastuur rasmi ah.

    Arrimaha diiradda la saarayo

    Kalfadhigan 6-aad ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka uu ka doodo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

    Dhammeystirka Dastuurka KMG ah

    Dib-u-eegista shuruucda muhiimka ah ee dalka

    Xoojinta nidaamka federaalka

    Xasilloonida siyaasadda iyo amniga guud ee dalka

    Source: goobjoog.com


  7. Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA.

    Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha “Xukuumadda Nabadda iyo Midnimada”.

    Hadal hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, inuu qaaday “jaho hoose oo ceeb leh” isaga oo “gacan ka siinaya oo dhiirrigelinaya shirqool jabinaya madaxbannaanida Suudaan.”

    Source: goobjoog.com


  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka jeedin doono furitaanka kalfadhiga 6-aad ee kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa xildhibaanada iyo senatarrada Labada Aqal kala hadli doona xaaladda dalka, dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyo howlaha muhiimka ah ee dowladdu ay gacanta ku hayso.


    Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale uu diiradda ku  saari doono arrimaha amniga, xasilloonida dalka, arrimaha siyaasadda , iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada.

    Source: goobjoog.com


  9. faahfaahin-ciidamada-xoogga-dalk.jpg?fit

    Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu faahfaahiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu soo bandhigay khasaaraha gaaray maleeshiyada Al-Shabaab.

    Taliska ayaa shaaciyay liiska iyo magacyada horjoogayaal sare oo kooxda looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

    Ilaa 5 horjooge oo muhiim u ahaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalladan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo lagu soo bandhigay magacyadooda iyo xilalkooda.

    Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah:

    1. Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
    2. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
    3. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab.
    4. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur.
    5. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Si kastaba ha ahaatee, dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

    480561323_1098054175453946_2218535996754


  10. Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ukraine aysan muhiim ahayn inuu ka qeyb-galo wada-hadallada iyo dadaallada uu wado Mareykanku ee ku saabsan dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine

    ” Zelensky waxa uu ka cudur-daartay in uu ka qayb galo shirkii Sucuudiga, balse waxa uu ku lug lahaa shirar muddo saddex sano ah dhacayay oo aan waxba ka soo bixin; Markaa aad muhiim uma aha inuu ka qayb galo shirarka” ayuu yiri Donald Trump

    Xariirka u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka iyo dhiggiisa Ukraine ayaa aad u soo sii xumaanaya, ayadoo Trump uu dhowaan Zelensky ku tilmaamay keligii-taliye doorasho la’aan isaga jooga, sidoo kale aan waxba ka ogeyn halka ay ku baxday balaayiin doolar oo Mareykanku dalkaas ku bixiyay.

    Source: goobjoog.com


  11. FB_IMG_1740198950021.jpg?resize=720%2C54

    Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa saaka aroornimadii hore ee saaka hawlgal amni oo lagu baadi-goobayo firxadka mileeshiyaadka ISIS waxay ka bilaabeen buuraha Xabley oo hoostaga degmada Ufayn ee gobolka Bari.

    Hawlgalkani Ciidan ayaa bilowday kaddib markii buuraha degaanka Xabley laga soo sheegay habqankii dagaallamayaasha ISIS ee ka soo firxaday dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay togga Jeceel kuwaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku kala daadiyeen awooddii kooxdaasi Argagixisada ah.

    Wararka ayaa sheegaya in dhawaanahan buuraha degaanka Xabley lagu arkay dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada oo habqan ah kuwaasi oo naftooda kala soo baxsaday Hawlgalka togga Jeceel ka socda kaddib markii mileeshiyaadkoodu ku jabeen dagaalka lagana soo saaray inta badan godadkii ay kaga jireen toggaasi.

    Kala cararka iyo firxadka Argagixisada ISIS oo u badan ajaanib ayaa bilowday kaddib guluf qaatay in ku dhaw laba bilood oo ciidamada difaaca Puntland ku wiiqeen awooddii kooxda oo tiradooda lagu qiyaasay 1,800 oo dagaallame hawlgalka ka hor.

    PUNTLAND POST

    The post Ciidamada Puntland oo saaka jiho horleh ka bilaabay hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.


  12. Xilli dhowaan wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble loo diiday inuu ku safro passport-kiisa dublumaasiga ah ayaa waxaa arrintaas ka hadlay xubno ka ag dhow Ra’iisul wasaare Rooble.

    Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ahaa wefdiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku weheliya safarka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan wasaaradda arrimaha dibadda ka helin warqadihii lagama maarmaanka u ahaa adeegsiga passport-ka dublumaasiga ah, markii ay wasaaradda wax jawaab ah ka waayeenna Ra’iisul wasaare Rooble uu ku safray passport-kiisa Sweden.

    Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa intaas ku daray in codsigooda markii hore ay wasaaraddu ka jawaabtay oo warqado ay magacyadoodu ku qoranyihiin u dirtay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si xubnaha wefdiga loogu sameeyo warqadaha muhiimka u ah passport-ka dublumaasiga ah, balse intaas ka dib wax ay jawaab ah ka waayeen masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda.

    Xubno ka ag dhow ayaa sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble uu go’aansaday in arrintan aan la buunbuunin, maadaama safarkiisii Koonfur Afrika aanu baaqan oo uu u adeegsaday passport-ka Swedish-ka.

    Source: goobjoog.com


  13. Xildhibaanada-baarlamanka-scaled.jpeg?fi

    Maanta waxaa la filayaa in la furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan. Hase yeeshee, dib u dhac ayaa ku yimid, iyadoo aan la isugu imaan xilligii hore loo qorsheeyay.

    Kalfadhigan lixaad waxaa hareeyay kala aragti duwanaan baahsan, taasoo sababtay in dib loo dhigo furitaankiisa. Furitaanka Baarlamaanka oo ah arrin dastuuri ah, ayaa dib u dhacay iyadoon sabab rasmi ah loo sheegin, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka labada Aqal ilaa xildhibaanno kusii qulqulaya Muqdisho ay cadaadis xooggan saareen. Xildhibaannadaasi ayaa shirar ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

    Si ka duwan furitaannadii hore, furitaanka kalfadhigan oo la filayo in uu maanta qabsoomo, waxa uu sababay hadal hayn badan. Madaxda Dowladda Federaalka, siyaasiyiinta mucaaridka, Dowlad Goboleedyada, iyo saamilayda siyaasadda ayaa si weyn u danaynaya, waxaana jira sababo dhowr ah oo keenaya in si gaar ah loola socdo.

    Guuxa mooshinka

    Tan iyo markii la xiray kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaa soo baxayay guux mooshin lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda. Mooshinka ayaa ka soo bilowday magaalada Kismaayo, waxaana uu salka ku hayaa khilaafkii ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Jubaland kaddib doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

    Qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u wajahay doorashada Jubaland ayaa keenay in xildhibaannada ku haybta ah ay u janjeeraan dhinaca Axmed Madoobe, iyagoo diidmo ficil ah kaga jawaabay hoggaaminta Xamsa, taasoo keentay in mooshin laga keeno.

    Tani waa markii ugu horreysay ee beesha uu ka dhashay Ra’iisul Wasaaraha ay iyagu hoggaanka u qabtaan mooshin lagu ridayo xilka. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda Soomaaliya lagu xusi doono.

    Xildhibaanno kale oo ballamo siyaasadeed looga baxay, kuwa xilka waayay, kuwa aan saami ka helin dhulalka la xaraashayo ee Muqdisho, siyaasiyiin fursad raadis ah, iyo xil sugayaal idman ayaa ku biiray ololaha xil-ka-tuurista Wasiirka Koowaad. Mooshinku waa dhab, waxaana saxiixay in ka badan 90 xildhibaan, tiraduna waa sii kordheysaa. Taasi waa sababta ugu weyn ee kalfadhigan dib loogu dhigay.

    Jihada doorashada dowlad goboleedyada

    Dowlad Goboleedyadu mar hore ayay dhaafeen muddadii xil-hayntooda, sharciyadoodana loogama doodayo Baarlamaanka. Hase yeeshee, waxaa jira arrin gaar ah oo jihada doorashada Dowlad Goboleedyada qeexaysa—waa mowqifka Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo isku dhinac ah.

    Labadan mas’uul waxa ay doonayaan in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hirgalo, mooshinkana aan la horgeyn Baarlamaanka, si looga dhabeeyo doorasho qof iyo cod ah. Si taas loo suurogeliyo, waa in meesha laga saaro xulufada Xasan Sheekh ee ku jira Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

    Laftagareen ayaa dulqaadkii muddo kordhinta uu ku fadhiyay gabaabsi ku dhow, waxaana suuragal ah in uu doorasho galo haddii ballamihiisa la fulin waayo. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ma doonayo in uu lumiyo saaxiibadiisa muhiimka ah ee xukuumadda, balse wuxuu ka baqayaa khilaaf cusub oo la dhax dhiga Madoobe iyo Laftagareen. Go’aanka uu qaato Madaxweyne Xasan waxa uu si cad u qeexi doonaa jihada ay qaadan doonto doorashada Dowlad Goboleedyada.

    Haddii Axmed Madoobe uu go’aansado in uu qabto mooshinka, waxay taasi fure u noqon doontaa in Laftagareen iskiis doorasho u aado, taasoo keeni karta isbeddel siyaasadeed oo cusub.

    Waqtiga kala baxa

    Mooshinka ridista Xukuumadda waxa uu wajahayaa caqabad xagga waqtiga ah, maadaama jadwalka kalfadhiga si xadidan loo habeeyay. Laba toddobaad oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta mooshinka. Waxaa si ula kac ah dib loogu riixay, marka sharciyadda la eego, balse waxaa weli taagan khatarta uu leeyahay.

    Madaxtooyadu dadaal badan ayay ku bixisay kahortagga mooshinka, balse waxaa muuqata in dadaalkaas gaabis galay. Tusaale ahaan, cashadii uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh u qabtay xildhibaannada Beesha Mogadishu Clan waxa aqbalay oo kasoo xaadiray kaliya 12 xildhibaan.

    Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu weyn ee la isha ku hayo waa Guddoonka Baarlamaanka. Waxaa la ogyahay in Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu awood u leeyahay in uu hal maalin gudaheed mooshin qabto, cod geliyo, natiijadana kasoo saaro, sida dhacday markii hore xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

    Siyaasadda Soomaaliya waxay ku socotaa xawaare sare, waxaana toddobaadkan hortegaya bisha Ramadaan la filayaa in Muqdisho ay marti geliso jawi cusub oo siyaasadeed.

    Xigasho: Somalistream.com


  14. Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday fariisimo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

    War uu soo saaray dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymo culus lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee gobolka Bari, halkaas oo lagu gubay saldhigyo ay kooxdu lahaayeen, waxayna Puntland sheegtay in duqeymahaas uu fuliyay Mareykanku.

    Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan la sheegay inay ka dheceen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

    Source: goobjoog.com


  15. Screenshot-2025-02-21-at-6.41.44%E2%80%A

    Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada birmadka ee Maraykanka iyo guutada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Justified Accord 2025 (JA25), dhoolatus ciidan oo ay iska kaashanayaan dalal badan, laguna qabtay Kenya.

    Dhoolatuskan ayaa diiradda saaraya tababarka la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga amniga gobolka.

    Hawlgalka waxa hoggaaminaya Cutubka Hawlgalka Koonfurta Yurub ee Afrika ee Ciidanka Maraykanka (SETAF-AF), waxaana ka qaybgalay askar ka socota 15 dal, oo ay ku jiraan xulafada gobolka sida Ciidanka Difaaca Kenya iyo Ciidanka Difaaca Shacabka Tanzania.

    Dhoolatusku, oo socday intii u dhaxaysay 10–21 Febraayo, ayaa diiradda saaraya ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, xoojinta iskaashiga ciidamada kala duwan, iyo diyaarinta hawlgallada wadajirka ah si wax looga qabto khataraha amniga ee Bariga Afrika.

    Guutada Danab ee Soomaaliya, oo ah cutub si gaar ah u tababaran oo Maraykanku gacan ka siiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa si dhow ula shaqaynaysa Guutada 173-aad ee Birmadka, oo ah ciidan si degdeg ah loogu diri karo dagaalka, laguna saldhigey Vicenza, Talyaaniga.

    Tababarku waxaa ujeeddadiisu tahay xoojinta hoggaaminta, isku-dubaridka hawlgallada, iyo horumarinta xirfadaha dagaalka si ay Danab ugu diyaar garoobaan hawlgallada halista sare leh.

    Dhoolatuskan waxa uu siinayaa ciidamada Soomaaliya fursad muhiim ah oo ay ku horumariyaan awooddooda weerarada saxda ah iyo xeeladaha la dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

    “Waxaan halkan u imid inaan dalkayga u adeego oo aan dadkayga caawiyo,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Mubaarak Cabdi Maxamed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ee dadaallada amniga Soomaaliya.

    Sidoo kale, Sarreeye Guuto Xuseen Daahir Maxamed ayaa ka hadlay baahida degdegga ah ee ay u qabaan tababarkan. “Al-Shabaab waa argagixiso. Ma oga walaaltinimo, mar kasta waxay beegsadaan shacab aan waxba galabsan. Argagixisadu waxay burburisay dalkeenna. Taasi waa sababta aan halkan u joogo—si aan cadowga dalkayga u jabiyo.”

    JA25 waxa uu ka kooban yahay tababaro la xiriira xaaladaha dhabta ah, oo ay ka mid yihiin xeeladaha dagaalka magaalooyinka, hawlgallada iskaashiga ah, iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah. Wajiga ugu dambeeya waxa uu ku soo gebogeboobay dhoolatus ballaaran oo lagu tijaabinayey sida ay ciidamada Afrika, Yurub, iyo Waqooyiga Ameerika uga falcelin karaan khataraha amniga ee adag.

    Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in ka qaybgalka JA25 uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Afrika. Ka qaybgalka Guutada 173-aad ee Birmadka ayaa xoojinaya taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa iskaashi muddo dheer soo jiray si loo dhiso amniga mustaqbalka ee dalka.

    “Iskaashigayaga la-hawlgalayaasha Soomaaliya ee dhoolatuskan waxa uu ku salaysan yahay dhisidda kalsoonida, hagaajinta isku-dubaridka, iyo diyaarinta khataraha dhabta ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo ka qaybgalaya JA25. “Wadashaqayntani waa mid muhiim ah si loo sugo nabadgelyada gobolka.”



  16. Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM ka fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Buulo barde ee gobolka Hiiraan.

    Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AFRICOM, ayaa ku guuleystay fulinta howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 20-kii February, 2025-ka, howlgalkan qorsheysan ayaa ka dhacay deegaan ku dhow degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, waxayna taasi ay keentay in maleeshiyaadkaasi ay weerar kedis ah la kulmaan”.

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta, iyo dadka deegaanku.

    Source: goobjoog.com


  17. 160407-F-XJ860-240-2.jpeg?resize=1000%2C

    Duqeyn culus oo ay xalay dowladda Mareykanka ka fulisay silsiladda Golis, gaar ahaanna buuraha Cal-miskaad ayaa lagu beegsaday godad ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan Argagixisada ISIS.

    Bayaan kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Mareylanka ay xalay abbaare 9:00pm fiidnimo duqeyn ka fulisay buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari, taasi oo lagu beegsaday xubno kamid ah dagallamayaasha Argagixisada Daacish.

    Xafiiska Hawlgalka Burburinta Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaankani soo saaray ayaa sheegay in Mareykanka oo kamid ah saaxiibada Puntland uu duqeynta ku beegsaday xubno kamid ah Argagixisada ISIS, islamarkaana dib laga faahfaahin doono xogta ku saabsan duqeyntaasi.

    Ilo wareedyo amni oo dheeri ah ayaa sidoo kale sheegaya in duqeyntii xalay lagu garaacay talis weyn oo Argagixisada Daacish ku lahayd “Gaatir-oodan” oo dhacda togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad halkaasi oo difaacyo adag oo dabiiciya leh.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland: Mareykanka oo xalay duqeyn culus ku beegsaday talis weyn oo Argagixisada ISIS ku lahayd buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.