Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa kulan la qaatay Ergiga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi iyo Safiirka Kuxigeenka Dawladda Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane.

    Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo wadamada Jaarka ah.

    Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka wada hadleen labada dhinaca iyo weliba mashaariicda horuumarineed, iyadoo kulankan ay ka soo qaybgashay  Hay’adda Saferworld oo uu metelayey Cabdilaahi Ibrahim.

    Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Norway.

    Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

    Source


  2. Macawiisleyaa.jpg?fit=1440%2C1000&ssl=1

    Dhuusaramareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu burburay heshiiskii nabadeynta ee ay horay dolwlad goboleedka Galmudug u kala dhex-dhigtay beelaha ku dagaalamaya gobolkaasi.

    Fashilka ayaa yimid, kadib markii ay maanta dilal qorsheysan siyaabo kala duwan uga dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaas, taas oo horseedaysa xiisad horleh.

    Weerarka koowaad oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka yoocaale  oo u dhexeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, halkaas oo lagu dilay nin xoolo dhaqato ahaa, halka lagu dhaawacay mid kale.

    Ninka dhaawaca oo ay xaaladdiisu liidato ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la geeyay isbitaalla degmada Balanballe, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

    Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaasi ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed, kadibna ay baxsadeen.

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aaanooyin qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

    Dhanka kale rag hubeysan ayaa isla maanta gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galhaduud ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cawil dhagruur, wuxuuna kamid ah dadka deegaanka.

    Taliska Booliska ee degmada  Caabudwaaq oo ka hadlay dilkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay dad usoo qab qabteen falkaasi, kadib howlgallo ay sameeyeen.

    Illaa iyo hadda ma jiiro wax hadalah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamul goboleedka Galmudug oo ku aadan dilalkaasi.

    Maalmo kahor ayey aheyd markiii ay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Galmudug soo bandhigtay heshiis la kala dhex-dhigay beelahaan, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanadeeda, waxaase muuqata in weli sii sii socdaan weerarada abaabulan iyo dilalka.

    The post Heshiiskii nabadeynta ee GALMUDUG oo burburay kadib arrin maanta dhacday appeared first on Caasimada Online.

  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, dhismaha ciidanka xoogga ,hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

    Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. FB_IMG_16789581574897614.jpg?resize=720%

    Magaalada Baydhabo waxaa goordhaweyd ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.

    Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

    Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, maqnaashahaas oo la xiriiraa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo aan weli xal loo helin.

    PUNTLAND POST

    The post Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhabo iyo Puntland oo ka maqan appeared first on Puntland Post.


  5. 336015426_136891885982107_38872153631556

    Baydhaba (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba ka daah-furay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

    Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

    Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

    Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

    Dhinaca kale waxaa shirkaas ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku gacan seyray waan-waan & fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka.

    Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

    Dhankiisa aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo ka falceliyay shirka magaalada Baydhaba ayaa sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan.

    “Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen.

    Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

    336672347_920886102285933_52917940388273 335628283_2164914700366452_6452457022059 336015426_136891885982107_38872153631556 336643967_1327503314767061_9079223448084

    The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.

  6. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa maanta Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Dhwrista Xogta, waxaana haa ugu codeeyay dhammaan sanataradii soo xaadiray kulanka.

    Golaha ayaa hore usoo meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, iyadoo sharcigaan loo gudbin doono madaxweynaha dalka si uu saxiiso uu dhaqangal u noqdo sida sharciga ah.

    Golaha aqalka sare ayaa dhowaan soo xiri doona Kalfadhiga golaha iyaga oo gali doona fasax, waxaana maalmihii dambe golaha ka gudbay shariyo ka yimid golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee  Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta  Koonfur Galbeed.

    Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagaga hadlayo qodobo kala duwan oo dhanka amniga iyo Dastuurka ah.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirka Watashiga Qaran, iyadoo dhammaan Martida ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Abdullahi  Deni.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. 2023316638145278981512545.jpg?fit=660%2C

    Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta shir ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan yihiin doodo waa weyn.

    Shirkan ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Baydhaba, waxaana sidoo kale ka qayb-gali doono hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Duqa magaalada Muqdisho.

    Wararka ayaa sheegaya in ka qayb-galka shirkan uu ku gacan seeray hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka.

    Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha maamulka Puntland.

    Haddaba Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa BAYDHABA?

    Aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka falceliyay shirka Baydhaba iyo waxybaaha laga filan karo inay kasoo baxaaan shirkaasi.

    Cabdimaalik Xuseen ayaa shaaciyay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan.

    “Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Haddii wax la kala tabanaayo oo ay xurguf dhex taallo maamul goboleedka iyo dowladda federaalka shir kasta oo la’isugu yimaado mira dhali maayo, in go’aamadiisu dhaqan-galaan ayaan rajeyneynaa oo ay isku niyad furnaadaan”.

    Waxa kale oo uu ka codsaday in madaxda ay diiradda saaraan arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

    “Waxaan u baahanahay in koonfurta laga cirib tiro Khawaarijta oo aan la dhayilsan arrintaas,” ayuu markale wareysigan ku yiri Cabdimaalik Xuseen.

    Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

    The post Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa Baydhaba? appeared first on Caasimada Online.

  9. Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi) oo ka qay-galaya shirka qaran ee waxbarashada ee weli ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan gudaha caasimadda gaar ahaan halista kooxaha ciyaal weerada ee gobolka Banaadir.

    Koonfi ayaa shaaciyay in khatarta kooxahan ay gaartay goobaha waxbarashada ee Muqdisho, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka waxbarashada.

    “Dhalinyarada ku jira xaaladda aan u bixinay ciyaal weerada oo gobolka degmooyin ka tirsan ka jira waxay saameyn toos ah mid dadban ku leeyihiin dugsiyada waxbarasho ee gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda,” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi).

    Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaar kamid ah ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir iskuulada dhexdooda laga soo duufsaday, isla-markaana ay si toos ah ugu biireen kooxahaas oo haatan dhibaato ku hayo shacabka.

    “Tusaale haddii aan kasoo qaadno waxaa jira qaar badan oo ardayda dugsiyada aheyd oo isla dugsiyada dhexdooda laga soo duufsaday oo waxbarashada isaga haray, kadibna kamid noqday kooxahaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimihii hay’adda socdaalka.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan arday kale oo isaga haray waxbarashada, kadib cabsi kasoo wajahday inay dhibaato u geystaan kooxaha ciyaal weerada.

    Maxamed Aadan Koofi ayaa xusay in dhalinyarada ciyaal weerada ay taagan yihiin waddooyinka, taasina ay cabsi ku bartay waalidiinta ardayda ka haray waxbarashada.

    “Waxaa kaloo jirtay arday waxbarashada isaga hartay oo cabsi aawgeed, waalidkuna u garteen in ay suurtagal aheyn in dugsiyada ay aadaan, sababtoo ah waddooyinka ayey taagan yihiin, dugsiyada inay joogaan ayaa xittaa suuragal ah”. ayuu markale yiri Koofi.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu Muqdisho ka socdo howlgal culus oo lagula dagaalamayo ciyaal weerarada iyo burcadda, kaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda, halka dhinac kale ay Al-Shabaab, ayaduna billowday inay beegsato ciyaal weerada iyo ragga ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan caasimada.

    The post Daawo: Qaar ka mid ah ardayda MUQDISHO oo ku biiray ciyaal weerada appeared first on Caasimada Online.

  10. Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shirka Golaha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladd Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo magaalada ay soo gaareen Wufuud kale duwan oo dhinacyada ka kala socota.

    Shirka Wadatashiga Qaran ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka Dhismaha ciidanka xoogga iyo tabariddooda si ay ula wareegaan ammaanka guud, maadaama sanadka soo aadan ay dalka isaga baxayaan ciidanka Nabad ilaalinta howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS loo yaqaano.

    Madaxda dowladda Federalka ku matalaysa shirka ayaa ku sugan Baydhabo sida,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud,Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre,Ra,iisulwasaare ku-xigeenka dalka Xaalax Axmed Jaamaca iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

    Dhinaca Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ku sugan magaalada oo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,Koonfur Galbeed oo martigelinaysa Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Jubbalan Axmed Maxamed Islaam Madoobe,Halka Puntland diiday ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaranka.

    Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federalka Dowlad Goboleedka iyo Maamulka Gobolka  Banaadir waa kii sedrxaad ay isugu yimaadaan dhinacyada iyadoo labadii shirka dhacaya iyo kii ka Horsehay uusan qeyb ka aheyn madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntlqnd Siciid Cabdillaahi Deni oo aan qeyb ka noqon heshiiskii ugu dambeeyay ee dhinacyadu ay ku gaareen Muqdusho .Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. Since violence erupted in Las Anod, Sool region, at the beginning of February, at least 150 people have been killed and hundreds more wounded. It’s estimated that more than 185,000* people have been displaced. Majority of the families live in camps for displaced people in the neighbouring towns of Kalabaydh, Hudun and Taleh. Others have fled further out to Buuhoodle in Togdheer region and Garowe city in Nugal region. The wave of displacement comes against a backdrop of one of the worst droughts the region has experienced.

    Source: Hiiraan Online


  12. Senatorial galahad aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah kulan ku leh xaruntooda Magaalada Muqdusho, iyaga oo ka doodaya Ajandayaal dhowr ah.

    Ajandaha kulanka ayaa kala ah:
    1.Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.

    2. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliyeed

    3. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

    Galahad aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe meel mariyay Hindise Sharciyeedyo dhowr ah,kuwaas oo kasoo gudbay galaha Shacabka Baarlamaanka Federalka oo gudbay Madaxweynaha oo la saxiixay.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Xasan-Sheekh-Deni.jpeg?fit=2048%2C1347&s

    Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay kasoo horjeedo qorshe ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga hesho dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

    Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

    “Puntland ma taageerayso hindisaha lagu amaahinayo hay’addaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahaani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha,” ayuu yiri.

    Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xilligaan kasoo horjeedan in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasi oo uu tilmaamay in wax uusan kasoo gaarin deegaanadooda.

    “Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan.”

    Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

    Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana dowladda federaalka ay qorshaynayso qaadashada deyn cusub, iyada oo adeegsanaysa nidaamka cusub ee indhaha beesha caalamka.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dabayaaqada sanadkii hore shaaciyay in dowladda ay qaadaneyso boqolaal bilyan oo dollar, taasi oo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda isbitaallo iyo iskuulo waaweyn guud ahaan dalka.

    “Shan bilyan ayaa la tacaaleynay muddo sanado ah in nagala cafiyo. Boqolaal bilyan oo deyn ah ayaa qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay. Waxaa galineyna deyntaas meel dakhli ka imaanaya oo iskaga gudi karno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    The post Puntland oo si adag uga hor-timid qorshe ay DF rabto inay ku qaadato… appeared first on Caasimada Online.