-
Content Count
211,753 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Bosaso – Somalia has around 2.9 million internally displaced people (IDPs). Their opportunities for a normal life have been disrupted by being forced to move due to conflict and climate change.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa markale ka hadlay dagaalka Laascaanood.
Xasan Sheekh ayaa ku celiyay baaqiisa nabadda ee ku aadan in dagaalkaas la joojiyay, wuxuuna tilmaamay in ka dowlad ahaan ay dhibeyso dhiiga ku daadanayo halkaas.
“Beryahan dhammaan waad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood & deegaanka ku wareegeysan agagaarkeeda in badan oo horana waan ka hadalnay waxaas inay na gubayaan oo ay ina dhibayaan aanan raalli ka aheyn,” ayuu yiri madaxwenuhu.
Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xog cusub ka bixiyay waxa uu salka ku hayo dagaalka Laascaanood, isaga oo tilmaamay in arrimo gaar ah la’isku hayo, kuwaas oo sababay inay dagaalamaan labada dhinac, gaar ahaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.
“Meesha arrimaa yaallo oo keenay in la’isku dilo waxaan leenahay war marka koowaad aan xabadda joojino marka labaad waxaan leenahay aan isku imaano oo aan is wareysano oo aan kala gar qaadano ” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaddiyada meesha taallo ay tahay wax ay quseyso guud ahaan Soomaalida, loona baahan yahay in loo wada istaago.
“Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha meesha taagana waa na quseeyaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.”
Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha daalkaas, isaga oo tilmaamay inay ku xun yihiin dadkii lagu dilay halkaasi.
“Dadka dhintay oo Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa inaan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuunsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”. ayuu kusoo gabagabeeyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta uu dib u qarxay dagaalka magaalada Laascaanood, kaas oo saaka ka billowday duleedka magaaladaas ee waqooyiga Somalia
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo XOG cusub ka bixiyay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wadadaad lagu magacaabi jiray Mowliid Macallin Cabdullahi waxa ay ku dileen gudaha degmadaasi.
Marxuumka oo caanka ahaa degmada Kaaraan ayaa la dilay inta u dhexeysa salaaddii Maqrib iyo Cishaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciyaar weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carartay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in wadaadka lagu dhuftay illaa 4 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, inta loo waay isbitaalka.
“Afar mindi oo kala dar-daran ayaa lagu dhuftay hal bowlaha ayaa looga dhuftay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri qor ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya kooxda dilka geysatay aysan agabkii uu sitay, gaar ahaan taleefanada aysan ka qaadan, balse iska dileen, kadibna ay goobta ka carareem.
“Laba taleefan ayuu watay mid weyn iyo mid yar waxna kama qaadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.
Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay dhowaan Muqdisho ka billowday howlgal nooc cusub oo ay ku beegsaneyso kooxaha ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan.
Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.
The post Koox ciyaal weero ah oo wadaad ku dishay Kaaraan appeared first on Caasimada Online. -
Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodaya Ajamdayaal dhowr ah’ waxaana lasoo xiri doonaa Kalfadhiga 2-aad ee golaha iyaga oo geli doona Fasax.
1. Dhaarin Xildhibaan Mukhtaar oo dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuna guuleystay kursiga HOP#176 oo uu ka geeriyooday Aabihiis EX Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo sanadkii 2022.
2. Hadaljeedinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Xiritaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka -11aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaannada ay geli doonaan fasax bisha Ramadaan, golaha shacabka ayaa kala fadhigii labaad ku meel mariyay sharciyo dhowr ah.
Goobjoog News
-
Baidoa (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud concluded the National Consultative Conference in Baidoa on Friday. Southwest President Abdiaziz Laftagareen, Hirshabelle President Ali Gudlawe, Galmudug President Ahmed QoorQoor, Jubbaland President Ahmed Madobe, Prime Minister Hamza Barre, and Mayor of Mogadishu Yusuf Jima'ale attended the meeting.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Khubad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah sida dowlad dhiska, guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.
“ Waxaa meel fiican mareysa dib u xoreynta dalka oo runtii howl culus laga qabtay oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalkana waa ay ku wada jiraan, kuwo hadda dagaalka si xoog leh uga dhacaya oo gabagabo ayay marayaan, kuwana hadda ay bilow yihiin,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Baydhabo loogu sameeyay Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale soo hadal qaaday arrinta Laascaanood iyo dhibaatada ka jirto ee soo gaaray dadka rayid ah ee ka Barakacay magalaada.
“Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”. ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay xaaladda Magaalada Laascaanood.
Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda Dhexe ,Dowlad Gobolleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed ku saabasan wixii dhinacyado ay isku raaceen muddadii uu soday.
Goobjoog News
-
A 26-year-old woman was charged with first-degree murder Tuesday in connection with a fatal shooting at an apartment complex in Seattle’s Othello neighborhood earlier this month, according to court documents.
-
Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka, kaas oo muddo Shan maalin ah ka socday caasimadda dalka, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta sare, waxaana ka qeyb galay Qurabarro kale duwan ee dhanka Waxbarashada iyo marti-shafar kale.
Shirka ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ku saabsan sidii loo jiheyn lahaa oo meel sare loo gaarsiin laha Waxbarashada dalka, iyadoo gabagadii laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 19 qodob kuwaas oo dhammaantood si qoto dheer looga hadalay, dood adagna looga yeeshay muddadii shirka lagu jiray.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo hadalay xilligii gunaanadka Shirweynaha ayaa sheegay inuu ballan qaado fulinta qodobadii kasoo baxay Shirweynaha oo lagu gorfeeyay muddadii lagu jiray iyadoo la sheegay caqabadaha jira iyo sida loo xalin karo mashaakilaadkaas.
Goobjoog News
-
Finnish voters go to the polls at the beginning of April, in a closely-fought campaign that sees Prime Minister Sanna Marin's Social Democrats in a tight three-way race against the conservative National Coalition Party, and the the far-right populist Finns Party.
-
Waxaa Saakay markale dagaal xoogga uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka, dagaalka ayaa yimid xilli Magaaladu deganeyd maalmihii lasoo dhaafay oo ay dhaqan gashay xabad joojin iskeed uga hirgashay dhinacyada.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan dagaalka oo bilowday waabigii salaadda Subax kadib, uu ka qarxay dhowr jiho oo magaalada ah, gaar ahaan dhinacyada Galbeedka iyo Bariga, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya halkaas, waxaana sidoo kale la maqlayaa daryanka Madaafiic xooggan oo ku dhacaya qeybo kamid ah magaalada.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku eedeynaya in mid waliba isagu weerarka soo qaaday, xukuumadda Muuse Biixi ayaa sheegatay in ciidamo Puntland iyo kuwa deegaanka ay weerar kusoo qaadeen, walow dad deegaanka ay sheegayaan in ciidanka Somaliland oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ay soo gaareen duleedka magaalada.
Magaalada qeybo kamid ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay ku dhacayaan madaafiic ay soo ridayaan ciidanka Somaliland, kuwaas oo lala beegsanayo goobaha dadka Rayidka ah, xilli dowladda federalka, Qaramada Midoobey Beesha Caalamka ay ka digeen beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeysay aheyd mid degan, waxaana la filayay dhaqan galka jeshii ay wada gaaraan dhinacyada, kaas oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Itoobiya, dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli loogu baaqayo dhinacyada in ay isugu yimaadaan liiska wada hadalka si loosoo gabagabeeyo dagaalka ka socda.
Goobjoog News
-
Cardiff (HOL) - Eng. Yarow Sharif Adan, chairman of the Somali Bantu or Wagosha Cultural and Political Council, passed away in Cardiff, UK, on Friday. Yarow was also a scholar and politician who played a role in the re-establishment of Somalia's government but spent his later years abroad due to his advocacy for the justice of his Bantu community in Jubba. He frequently criticized the Jubaland administration's injustices.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhor jiho oo duleedka magaalada ah, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.
Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland oo kaashaneyso koox argagixiso ah iyo kuwa nabad diid ah.
“kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanoodm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay dhinacyada soo weeraray.
“Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Somaliland.
Waxaa kale intaas la raaciyay “Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi”.
Laascaanood ayaa muddo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac.
The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay Laacaanood appeared first on Caasimada Online. -
KANSAS CITY, Mo. — A 38-year-old Kansas City, Missouri man is charged in the deadly shooting earlier this week of 30-year-old Abdullahi Yussuf.
-
Duale said Dahabshiil will double its efforts towards the betterment of women in business in the Horn of Africa and East Africa.
-
Magaalada Baydahabo ee xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socday muddo laba maalmood ah.
Shirka ayaa waxaa looga hadalay Federaleynta nidaamka Maaliyadda dalka, Dimuquraadiyeynta iyo sidii loo dhammeystiri lahaa heshiiskii qaab dhismeedka amniga Qaranka 2017-kii, waxaa kale oo si qote dheer looga hadlay in laga shaqeeyo doorasho qof iyo cod ah oo looga guuro doorasho dadban oo muddo soo socotay.
Madasha Shirka Watashiga Qaran ayaa waxaa sidoo kale madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle looga dalbaday in ay qeyb ka qaataan sidii madaxweyne Deni loogu qancin lahaa inuu qeyb ka noqdo heshiisyada laga gaarayo masiirka dalka, waxaa lagu wadaa in safar ay ku gaaraan magaalada Garoowe si ay kulamo ula qaataan.
Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaannada ayka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo deegaanno iyo degmooyin looga saaray dagaalamayasha Al-shabaab, waxaana lagu go’aamiyay in la sii labajibaaro dagaalka oo galaya wajiga labaad.
War-murtiyeedka Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa gabagabadii baaq waxaa loogu diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo loogu baaqay in wax waliba lgu xaliyo wadahadal iyo isafgarad, lagana foogaado beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ay degan yihiin ee magaalada.
Goobjoog News
-
Mogadishu (HOL) - The World Health Organization (WHO) is increasing its health response in the Dollo Zone of Ethiopia's Somali Region to provide essential services to refugees and the host population. The region has seen an influx of around 100,000 refugees, primarily women, children, unaccompanied minors, and sick or wounded individuals from Somalia since February 2023.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in saaka 4:30 subaxnimo weerar lagu soo qaaday.
Hargeysa-18-03-2023()-kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood.
Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.
Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.
Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa.
Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.
-
Afhayeenkii kooxda TPLF Getachew Reda ayaa loo doortay madaxweyne ku meel gaadhka ah ee maamuulka Tigree.
Ninkan oo ka mid ahaa raggii ugu mayalka adkaa ee lagu bartay colaaddii Waqooyiga Itoobiya ayaa noqonaya mid maamuulkaas ka saara xilligan kala guurka ah.
-
UNITED NATIONS (AP) — On the eve of the expiration of a deal enabling Ukraine to export grain, the United Nations’ humanitarian chief on Friday called its extension crucial to ensuring global food supplies and keeping prices from spiraling as they did after Russia’s invasion of its smaller neighbor.
-
As U.S. counterterrorism efforts have waned in Yemen, Libya, and parts of Pakistan, Somalia has emerged as the most active element in the “forever wars” that the U.S. has waged since 9/11, according to Eric Schmitt of the New York Times. Schmitt traveled to Somalia in February for a rare embed with U.S. Special Operations forces on the ground in the midst of a recent offensive launched by the Somali government against a formidable enemy, Al Shabab.
-
(ERGO) – Prices of cereal grains and beans have dropped dramatically in Beledweyne, as Hiran farmers try to sell off their harvest cheaply locally due to their inability to sell their produce in Somaliland.
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa ku dhowaaqday inay soo saartay amar soo xidhitaan oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sababo la xidhiidha inuu “si sharci darro ah u masaafuriyey” caruur reer Ukraine ah.
Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ee ICC ayaa sheegtay in sidoo kale ay soo saartay amar soo xidhitaan oo ka dhan ah Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo Iyana loo haysto eedyemo la mid ah kuwa Putin.
Russia xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.
“Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay soo saartay waaran lagu soo xidhayo laba qof oo la xidhiidha xaaladda Ukraine: Mr Vladimir Vladimirovich Putin iyo Ms Maria Alekseyevna Lvova-Belova,” ayay ICC ku tidhi bayaan ay soo saartay.
Putin “waxaa la tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dembiga dagaal ee masaafurinta sharci-darrada ah ee carruurta) oo laga wareejiyey dhulka la haysto ee Ukraine lana geeyey Federaalka Ruushka.”
ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.
“Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Mr Putin uu qaadayo mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee dambiyada aan xusnay,” ayaa lagu yidhi bayaanka ICC.
Putin ayaa la tuhunsan yahay inuu si toos ah mas’uul uga ahaa ficilladan iyo “inuu ku guul dareystay inuu si sax ah uga xakameeyo dadka rayidka ah iyo kuwa milatariga ah ee ka hooseeya dambiyada ay gaysteen ama oggolaaday inay gaystaan.”
Moscow ayaa ku gacan saydhay go’aanada ICC, kuna tilmaamtay “inaysan wax macno ah la hayn.”
“Go’aanada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) wax macno ah kama lahan dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego dhanka sharciga,” waxaa sidaas tidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova.
“Russia qeyb ka ahan Axdiga Rome ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, mana jiraan wax waajibaad ah oo saaran,” ayey ku dartay.
“Ruushka lama shaqeeyo hay’addan, islamarkaana amar kasta oo xadhig oo ka yimaada maxkamadda caalamiga wuxuu sharci ahaan noqon doonaa mid aan ka jirin dhankeena,” ayey tidhi ayada oo aan xusin magaca Putin.
Dacwad-oogaha ICC Karim Khan ayaa maalmo un kadib dullaankii Ruushka, wuxuubaaritaan ku billaabay dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada ee la tuhusan yahay inay ka dhaceen Ukraine.
-
Addis Abeba – Fresh clashes between communities living along border areas of Oromia and Somali regions in Eastern Ethiopia have claimed lives and left several civilians injured, residents and a doctor from the Somali side told Addis Standard.
-
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka bilowda jihooyin kala duwan oo dhinaca bari iyo Galbeed ee Laascaanood.
Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland dagaalka looga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal.
Dagaalka ayaa ad uga culus kana baaxad weyn dagaalladii hore ee ka dhacayay magaalada Laascaanood.
PUNTLAND POST
The post Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood + Video
in News - Wararka
Posted
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde
Caateeye ayaa sheegasho la yaableh ka soo saaray dagaalkaasi, wuxuuna shaaciyay in ciidamada Somaliland ay ka hortageen weerar laba jiho ah oo lagu soo qaaday.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Laascaanood in ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya koox argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah.
“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaga oo ku sugan aagga bari fariisimaha Goojacadde waxaa kusoo weeraray ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaga oo kasoo weeraray laba jiho,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqani Caateeye.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Somaliland ay dagaalkan ku qabsadeen 15 qoray, laba gaari oo dagaalka ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 20-tameeyo maxaabiis ah.
“Sida caadada aheyd ciidamada Somaliland waa ay ka guuleysteen cadowga, waxaana ay ka qabsadeen saanad milatari, laba gaadiid oo dagaalka ah, waxay qabsadeen 15 qoray iyo maxaabiis ka badan labaatameeyo” ayuu markale yiri wasiirka gaashaandhigga Somaliland.
Ugu dambeyntii waxa uu hambalyo u diray ciidamada milatariga Somaliland ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
“Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oon u rajeynayo mar welba inay codowga ka guuleystaan,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaciyay inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.
Si kastaba, Laascaanood ayaa mudo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac.
The post Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood + Video appeared first on Caasimada Online.