-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Riyadh (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray dalka Sacuudiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiiisa dalka Sacuudiga.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqashadiisan uu ku tegay dalka Sacuudiga ay qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda waddankaas, si gaar ahna dhiggiisa Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Saud Almejib.
Kulamada uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu la qaadanayo masuuliyiintaas ayaa ku qotomo iskaashiga iyo horumarinta xeer ilaalinta labada xafiis, wadaagga aqoonta iyo waaya-aragnimada labada dhinac.
Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu booqan doonaa mudada uu joogo dalkaasi Sacuudiga, Xarunta dhexe ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Xarunta Ictidaal oo ah xarun lagula dagaalamo fikriga xagjirka ah iyo hay’adda hufnaanta iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Xarumaha uu booqan doono Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waxaa kamid ah hay’adda Forseniga dalka, maxkamaddaha kala duwan ee dalkaasi iyo Jaamacada Naayif ee caluumta amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Sacuudiga.
The post Sawirro: Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gaaray Sacuudi Carabiya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. -
Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi.
Soo-celinta xiriirka diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10 sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria.
Boqortooyada “waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Syria,” ayey bayaan ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.
Bayaanka oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in Riyadh ay raadin doonto “horumarinta dhaqaaq carbeed oo wadajir ah.”
Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa tiri “Jamhuuriyadda Carbeed ee Syria waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Sacuudi Carabiya,” ayada oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha dibedda.
Sacuudi Carabiy ayaa 19-ka May marti-gelin doonta shir madaxeedka xiga ee Carabta.
Assad ayaa siyaasad ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay.
Go’aankan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii ay xiriirka diblomaasi soo celiyeen Iran oo xulufo la ah Syria iyo Sacuudi Carabiya.
Saddex toddobaad kahor, Assad ayaa Dimishiq kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee sarkaal Sacuudi ah uu dalkaas ku tago tan iyo 2011.
Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay dowladda Assad 2012, waxaana Riyadh ay mudda taageereysay in xukunka laga tuuro Assad ayada oo la safan mucaaradka Syria, marxaladihii hore ee dagaalka.
Assad ayaa rajeynaya in soo-celinta xiriirka dalalka Khaliijka uu horseedi doono kaalmo dhaqaale iyo maaliyadeed oo dib loogu dhiso dalkaas.
VOA + AFP
The post Sacuudiga iyo Syria oo dib usoo celiyey xiriirkooda appeared first on Caasimada Online. -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar culus uga jawaabay hadalo kasoo yeeray madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa khudbad u jeedinayay isku soo baxyo ka dhacay Gaalkacyo oo qeyb ka ahaa doorashooyinka lagu muransan yahay ayaa waxa uu ku eedeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu federaal diid yahay, haddana uu kasoo horjeedo dimuquraadiyeynta Puntland, sida uu sheegay.
“Xasan Sheekh federaal diidnimada waxa uu ku darsadey dimuqraadiyad diidnimo, naceybka kusoo duulay Laascaanood ka yeeli mayno inay burburiyaan Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Deni.
Waxaa uu intaas sii raaciyay “Muuse Biixi hadaladii uu shalay ka yiri Baarlamaanka waa wax ay isla ogaayeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Marnaba cidna uga heebaysan mayno in aan difaacno sharafta iyo dowladnimada dadkeena.”
Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu duminayo Laascaanood, uuna hadda kala socdo weerarkii uu dhawaan Muuse Biixi uu ku qaaday maamulka Puntland, inkasta oo uusan soo bandhigin cadeymo xoojinaya hadalkiisa.
“Puntland waxaa ku socda dagaal dheer iyo colaad gaamurtay oo aan loo meel dayin, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa noo soo rumowaya waxyaabo meelo qaar lagu soo maleegay. Shirkii saddex geesoodka ahaa ee Laascaanood lagu burburiyey haddana la rabo in Puntland lagu burburiyo farriintiisa waa nasoo gaartey, difaaceeda diyaar baanu u nahay,” ayuu yiri.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu weerar shaqsi ah ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay eedeyn culus u jeediyay maamulkiisa, isaga oo uu ku tilmaamay xoghayaha iyo shaqaalaha madaxweyne Xasan.
“Xoghaynta madaxweynaha ee hadda ra’iisul wasaaraha sheegta farriinta uu kusoo faray waan maqalnay. Shaqadiisi (Xamza) madaxweynaha ayaa qaatay mid cid buu shaqo siin karaa,” ayuu yiri Deni oo si yaab leh uga jawaabay eedeyntii uu jeediyay ra’iisul wasaaraha ee aheyd in Puntland ay fashilinayso barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ka hortagayo nacabka kusoo duulay, isaga oo ku adkeystay inay ka go’an tahay xoreynta gobolka Sool, oo uu hadda ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.
Hadalka Deni ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn u dhaliilay maamulka uu hoggaamiyo ka gadaal xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi, islamarkaana uu ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay maamulka Puntland inuu wado fashilinta dadaallada ay wado dowladda federaalka.
The post Daawo: Saciid Deni oo weerar culus ugu jawaabay Xasan iyo Xamza appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub oo ka dhacday gudaha xarunta Xalane.
Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Ra’iisu Wasaaraha ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.
Midwoga Yurub ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxayna soo dhoweeyeen geeddi-socodka wadas-haqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay.
Waxay ku bogaadiyeen dowladda federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.
The post Ujeedka munaasabad ka dhacday Xalane oo ay ka qeyb-galeen DF iyo wakiilada caalamiga appeared first on Caasimada Online. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo uu ku eedeeyay in Somaliland uu ku wado burbur.
Guddoomiye Waraabe oo ka fal-celiyay khudbad sanadeedkii uu madaxweyne Muuse Biixi uu shalay ka jeediyay Baarlamaanka ayaa waxa uu ku tilmaamay khudbad aan la fileyn oo macnaheedu ka dhigna is dila, sida uu hadalka u dhigay.
“Khudbadiisi shalay, lama filayn maanta oo aynu doonayno in uu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweynaha ayuu fadhiyaaye in uu khudbad lasoo shir tago khudbad macnaheeda uu ahaa is dila,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka horyimid hadalkii Biixi uu xisbiyada ku sheegay ururo, oo uu sheegay inuu u sameynayo sidaas muddo xileedkiisa dahamaaday iyo damaciisa guran.
“Haddii xisbiga Kulmiye urur noqday suurta-gal ma ahan in madaxweyne uu matalo ururo, ma urur madaxweyne leh ayaa la arkay. Sharcigii shanta sano wuu ka dhacay, ma waxaa aragteen meel ay ku taallo guddoomiye guurti oo isaga qudhiisa uu labaatan sano fadhiyo ayaa u kordhiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland.
Waraabe ayaa waxa uu sheegay in sharci aheyd in xoog madaxtooyada kaga soo saaraan Muuse Biixi, maadaama uu dhameystay muddadii uu dastuurka u ogolaa, balse ay shacabka iyo nabadda u tudheen.
“Muusow, Somaliland oo dhan ayaa magac xumo u keentay, anaga oo haybad leh oo na-laga baqo oo ciidankeena, oo Soomaali oo dhan sharaf noo hayso ayaa maanta nala leeyahay ma sidaan ayaa aheydeen.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in cid kasta oo taageersan madaxweyne Muuse Biixi inay ka qeyb qaadanayso bur-burinta Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in xilka laga qaado, haddii kalena ay ka tashan doonaan.
“Wax lagugu soo xasuusto oo kheyr ah lagama hayo (Muuse Biixi-yow) oo magac xumo ayaa la joogta. Waqtigaaga wuu dhamaaday ee wax uun ha lagugu soo gaadho ee qabo doorashada.”
The post WARAABE: Khudbadii madaxweynaha waxay aheyd is dila appeared first on Caasimada Online. -
PRESS RELEASEGebeyaX, an Ethiopian Ecommerce Startup, to Participate in GITEX Africa 2023The company’s commitment to providing a seamless and secure online shopping experience has earned it a loyal vendor base and numerous delivery driversADDIS ABABA, Ethiopia, May 9, 2023/ — GebeyaX (https://www.GebeyaX.com/), is a premier ecommerce and delivery startup and is excited to announce its participation in GITEX Africa 2023 (https://GITEXAfrica.com/). The event is a significant platform for showcasing innovative technologies and solutions that will drive the digital transformation of Africa.
Download document: https://apo-opa.info/3M5DgNg
GebeyaX, the pioneer Construction and spare part ecommerce platform, is proud to showcase its innovative platform at GITEX Africa 2023. With a mission to revolutionize the way construction materials are purchased, rented and delivered online. The company’s commitment to providing a seamless and secure online shopping experience has earned it a loyal vendor base and numerous delivery drivers.
GebeyaX is grateful for the support of JICA through their accelerator program “Ninja accelerator” and the Ministry of innovation and technology of Ethiopia, who also have sponsored the company’s participation in this event. Their support has enabled GebeyaX to showcase its innovative solutions and network with the industry leaders from across the continent.
“GebeyaX is thrilled to participate in GITEX Africa 2023 and showcase its innovative ecommerce platform to the world,” said GebeyaX CEO, Ephrem Degaga. “As an ecommerce company, we are proud to represent our country and showcase the potential of our construction material ecommerce industry. We look forward to meeting with other entrepreneurs and investors at the event and exploring new opportunities for growth.”
GITEX Africa 2023 provides an excellent opportunity for GebeyaX to expand its reach and showcase its unique ecommerce platform to a broader audience. The event will bring together industry leaders, thousands of technology enthusiasts, entrepreneurs, and investors from across the continent, creating a perfect platform for networking and collaboration. GebeyaX is excited to be a part of this event and looks forward to contributing to the growth of the African tech ecosystem.
Distributed by APO Group on behalf of GebeyaX.SOURCE
GebeyaX -
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa si adag uga jawaabay eedeyn uu xalay u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ee uu ku sheegay in maamulka Puntland uu fashilinayo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
Mudane Xamza ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan.
Wasiirka Qorshaynta Puntland oo magaalada Garowe kula hadlayay kumanaan shacab ah ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland aysan jirin wax mashaariic ah oo kasoo gaaray deymihii hore ee dowladda federaalka ah ay ku qaadatay magaca Soomaaliyeed.
“Deynta iyo cafinteeda, anigu wasiirka qorsheynta aheyd waxaa ka dhahaa anagga deyn na-laguma laha. Lacagta deynta ah ee Soomaaliya magacyadeeda ay dowladihii hore ku qaateen, waxay ahayd lacag mashaariic lagu fuliyay. Mashaariicdaas haddaanu nahay reer Puntland hal mashruuc nagama soo gaarin,” ayuu yiri Wasiirka Qorhsheynta Puntland.
Waxa uu sheegay in mashaariicda lagu fuliyay lacagaha deynta lagu leeyahay Soomaaliya, ay Puntland kasoo gaartay laba mashruuc oo kala ahaa; madaarada Boosaso iyo Garoowe, taasi oo uu sheegay inay aheyd deeq ay bixisay Talyaaniga.
“Puntland yeeli mayso deyn aysan waxba ka ogayn, oo aan lagala tashanin in laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Saciid Faroole.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qaar kamid ah deymahaasi ay musuq-maasuqday dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, “Waxay rabaan in shantii bilyan ee qaateen laga cafiyo, ayna qaatan laba boqol oo bilyan oo cusub oo anaga waxba nagala siin oo Soomaali inteeda kale lagu burburiyo.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay dalbaday in la kala saaro horumarka iyo siyaasadda, isaga oo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta.
Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inksta oo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.
The post Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii ra’iisul wasaare Xamza appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo.
Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay ku hayso Puntland, kaa gaar ahaan Dimuqraadiyadda hirgashay, wuxuuna sheegay jawaabta koowaad in ay noqonayso Shacabka oo codeeya 25 May 2023.
Kumanaanka qof ee isugu yimi maanta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium, ayaa muujiyey taageerada Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Hoggaaminta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu noqday banbax taariikhi ah oo saameeyay Dalka oo dhan.
default
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo kumanaan shacab ah kula hadlay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub ayaa ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey.”Ra’iisu Wasaare Xamse ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.Midwoga Yurub ayaa Dhankooda,uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxa ayna soo dhoweeyeen Geeddi-socodka Wadashaqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay, iyagoo ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.Goobjoog News
-
Beledweyne (HOL) - The Shabelle River flooded several villages in Beledweyne, the administrative town of Somalia's central region, on Tuesday.
-
If you cannot read that message click here.APO Group content is copyright free and can be republished at will.PRESS RELEASETop Five Reasons to Attend the Invest in African Energy Forum in ParisThe Invest in African Energy Forum in Paris, scheduled for June 1, will unite African and European investors, energy policymakers and project developers to discuss investment opportunities across Africa’s energy landscapeJOHANNESBURG, South Africa, May 9, 2023/ — The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) – the voice of the African energy sector – will host the Invest in African Energy Forum in Paris (https://apo-opa.info/3KQXc64) on June 1 at the Westin Paris Vendome. Following four successful forums that took place in London, Oslo, Frankfurt and Dubai, the Paris event is dedicated to connecting European investors with African energy opportunities, laying the foundation for new deals to be signed.Tap into Africa’s Massive Investment Opportunities
With Europe’s demand for oil, gas and green hydrogen expanding, Africa, with its untapped energy potential, is well positioned to help the bloc meet its energy needs. Boasting an estimated 125.3 billion barrels of crude oil and 620 trillion cubic feet of gas as well as an over $1 trillion green hydrogen market, Africa’s burgeoning energy landscape will be instrumental in driving Europe’s decarbonization agenda while shaping African industrialization and energy security. With up to $1.7 trillion in investments needed to maximize oil and gas upstream operations to meet rising global demand, Africa represents an ideal investment destination, guaranteeing high returns on investment and energy security for European parties. The Invest in African Energy Forum in Paris represents the premier forum for Europe-Africa energy investment deals to be signed.
Network with Key Decision-Makers
By bringing together energy policymakers, companies and investors from across both the African and European energy landscapes, the Invest in African Energy Forum in Paris provides a platform for exclusive networking and high-level meetings among key decision makers across the industry. Featuring a strong lineup of African energy and petroleum leaders including Hon. Tom Alweendo (https://apo-opa.info/3M9VFJ1), Minister of Mines and Energy, Namibia; H.E. Bruno Jean Richard Itoau (https://apo-opa.info/3VLwe3y), Minister of Hydrocarbons, Republic of Congo as well as company representatives including Benoît de la Fouchardière (https://apo-opa.info/3MDPRYW), CEO of Anglo-French oil and gas producer Perenco and Thierno Seydou LY (https://apo-opa.info/3nRakPI), E&P Director at Senegalese National Oil Company Petrosen, among many others, the Invest in African Energy Forum in Paris represents the ideal place for European investors and energy companies to engage in exclusive networking functions, opening new opportunities for partnerships.
Establish Partnerships and Fuel the Energy Transition
While Africa’s energy and critical mineral resources are at the heart of the global energy transition, European investments and technical expertise are also crucial in driving Africa’s potential. The Invest in African Energy Forum in Paris will provide a platform for European and African stakeholders to create more synergies within their markets and partnerships on resource development, monetization and exploitation to fast track the energy transition while ensuring it is just, cost-effective and inclusive.
Contribute Towards Africa’s Energy Future
As Africa’s demand for modern energy grows, so does the demand for energy services. With the continent’s population set to hit 2.5 billion by 2050, significant levels of investment in and the deployment of technologies across both the energy and broader power sectors will be key. From large-scale O&G processing facilities to efficient pipeline and distribution infrastructure to accessible power systems, global investors and technology providers have the chance to contribute towards Africa’s sustainable future through the application of energy services and investment. The Invest in African Energy Forum in Paris, through deal-signings and networking opportunities, presents the ideal platform for European energy companies, investors and service providers to expand their presence across the growing African energy market, thereby contributing to its future success.
Advance Knowledge-Sharing and Insight
French companies working across the entire energy value chain have and continue to be instrumental in driving project developments in Africa. From oil and gas to renewables to power infrastructure to maritime services, project developers and investors continue to make strides in Africa’s energy market. Now, as African Governments prioritize local content and capacity building with the aim of developing a competitive workforce across the continent, the role French companies play in Africa has shifted to include knowledge and technology transfer. As such, the Invest in African Energy Forum in Paris offers the best platform where discussions on knowledge sharing can take place. With the Forum connecting European companies to African energy leaders, new developments across the skills and technology fields can take place.
Taking place on June 1, 2023, the Invest in African Energy Forum in Paris (https://apo-opa.info/3KQXc64) is open to all guests and RSVP is essential. RSVP to registration@aecweek.com.
Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber.SOURCE
African Energy Chamber -
Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa shaaciyay in xabad joojin aysan dhaceyn oo wada-hadal ay la galayn Somaliland, kadib go’aankii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi shalay ka hor sheegay Baarlamaanka.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Baarlamaanka ka sheegay in marnaba aan Somaliland laga sugin in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, xilli ay baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ahba ay soo jeediyeen in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka si labada dhinac ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa sheegay in aysan wada-hadal la fureyn Somaliland inta ay ciidamadooda joogaan Sool, isaga oo ka dhawaajiyay aysan marnaba is dhiibi doonin marnaba oo ay la dagaalamayaan, “Shacabkeygu waxay doorteen in ay dhintaa halkii ay gunimo kaga noolaan lahaayeen.”
“Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro,” ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.
Garaadka ayaa intaas sii raaciyay “Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro.”
Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay garaadku hadal kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu ku sheegay in garaadadu ay wada-hadalka diideen.
“Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabad-galyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadha wada-hadal kii ayuu diiday,” ayuu yiri Garaad Cali Garaad Jaamac
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xabad joojinta ay Somaliland ku andacooto ay ogolaanayaan haddii ay ciidamada Somaliland ku guurayaan waqti kooban, laakiin aysan ogoleyn wax xabad joojin oo kale oo dhex-marta.
“Majiro xad ay saxiixeen aabihii awowgii toona oo Somaliland leedahay, sida uu sheegay Muuse Biixi” ayuu hadalkiisa sii raaciiyay Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.
The post SSC oo qaadatay mowqif culus kadib go’aankii Biixi uu ku adkeystay appeared first on Caasimada Online. -
Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dalalka Bariga Afrika ay ka hortageen weeraro argagaxiso oo ka dhici lahaa magaalo madaxdooda, kadib dadaallo iyo wadashaqeyn labada dhinac dhex martay loogu guuleystay in looga hortago.
Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa ka hortagay weerar qorsheysan oo Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho, oo ah goob caan ah oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliya.
Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamada Nabadsugida waxa ay ku soo qabteen Jaakado ay ka buuxeen walxaha qarxa iyo Mooto Bajaaj la doonayay in lagu weeraro sida ay sheegtay wasaaradda.
Dalka Uganda, lix qof oo gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay wateen walxaha qarxa oo la doonayay in loo adeegsado dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka socda caasimadda Kampala.
Sida laga soo xigtay Maj. Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, hawlgallada wadajirka ah ayaa la sameeyay subaxnimadii Isniinta iyagoo ku dhaqmaya bartilmaameedyo cad.
Bannaanbaxan oo la qorsheeyay in dalkaasi oo dhan ka dhaco ayaa waxaa ku baaqay kooxda u dooda xorriyadda Uganda, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo musuqmaasuqa ee ka jira dalkaasi.
Ammaanka magaalada Kampala iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyay si dadka mudaaharaadaya looga ilaaliyo in ay bannaanka ka baxaan maadaama mudaaharaadka ay boolisku ku tilmaameen “mid aan sharci ahayn”.Booliska ayaa u sheegay wariyeyaasha goobta ku sugnaa in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen 12 dhalo oo khamri ah, loor dhuxul, sokor, jiirgaan shidaal ah, sanduuqyo kabriid ah, koofiyada qaraxa iyo shumaca iyo waxyaabo kale.
Soomaaliya iyo Uganda ayaa labaduba waxa ay la kulmeen weeraro dhimasho badan oo kaga imaanayay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM tan iyo sanadkii 2007-dii.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo galabta fagaare ku yaalla Gaalkacyo kula hadlayay taageerayaasha urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah ayaa jawaab adag siiyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Somaliland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa khudbaddiisa galabta uu ka jeediyay magaalada Gaalkacyo waxa uu ku sheegay in Puntland ay duullaan midaysan kusoo qaadeen Somaliland & dawladda Federaalka ah waxaana uu caddeeyay in ay ka hortagayaan duullaankaas oo aan marnaba Puntland laysku dayi karin in lagu abyoodo.
“Muuse Biixi iyo Xassan Sheekh waa ka mideysan yihiin hadaladooda Laascaanood. Shirkii Saddex Geesoodka ahaa ee Laascaanood lagu burburiyey haddana la rabo in Dawlada Puntland lagu burburiyo fariintiisa waa nasoo gaartey, difaaceedana diyaar baanu u nahay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay kuwa diidan in lagu dhaqmo nidaamka Federaalismka ee dalka islamarkaana hadda raadinaya in ay fashiliyaan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland doonayso in ay hirgeliso.
Halkaan ka daawo muuqaalka madaxweynaha
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo jawaab adag siiyay madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Taiwan donates medical equipment to Somaliland. (Facebook, Taiwan Representative Office in Somaliland photo)
The Taiwan Representative Office in Somaliland gifted the East African country medical equipment in a handover ceremony on Sunday (May 7).
The equipment included trauma kits and other supplies from the Taiwan Medical Mission in Somaliland and wheelchairs from Taiwan’s NGOs.
The donation comes as the Somaliland National Army is fighting local clan militias in the city of Las Anod. The conflict has killed over 300 Somalilanders and displaced 153,000-203,000 people.
Taiwan representative to Somaliland Allen C. Lou (羅震華) said that the donation is a testament to “A friend in need is a friend indeed.” “Taiwan believes peace and health both can increase human welfare,” he said.
He added that Taiwan resolutely believes that “Care, sympathy, and empathy transcend borders.”
Lou said this donation will attract more support from other like-minded partners. Taiwan’s representative office will continue to act as the intermediary between Taiwan’s NGOs and Somaliland to provide resources to the country to benefit the underprivileged, he said.
The representative pointed out that Taiwan is actively garnering international support for its inclusion in the World Health Association as an observer and meaningful participation in World Health Organization activities. Taiwan has the will and ability to contribute more to the world, and healthcare should not be politicized or weaponized, he said.
Since Taiwan and Somaliland face similar obstacles in fighting for participation in the international arena, to help Taiwan is also to help Somaliland, Lou said. It is time to show that “a democracy is helping a democracy,” he said.
Lou said Taiwan needs global support to promote this cause.
In November, Taiwan donated two ambulances to Hargeisa Group Hospital and Gabiley General Hospital through the bilateral Maternal and Infant Health Care Improvement Project, which seeks to increase the accessibility of maternal and infant healthcare services in Somaliland.
Taiwan and Somaliland forged closer ties in 2020, mutually setting up representative offices in Taipei and Hargeisa.
Source Taiwan News
-
MUqdisho (Caasimada Onlne) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay sida ay xukuumadda Somaliland u maareysay rabshadaha shalay ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka aheyn in xabad loogu jawaabo shacab cabashadooda muujinaya, sida kal hore ka dhacday Laascaanood, taasi oo hadda mareysa meel adag.
“Dowladda federaalka ah waxay dowlad u tahay laga soo bilaabo Lawyacadde illaa Raaskambooni. Wixii ka dhaca waxa anaga naga hooseeya waxaan leenahay faa’iido ma keenayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabo ay qaadeen dadweynihii careysna ee shalay calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada Boorama, “Calankaan Buluuga, Hargeysa calan buu u yahay, Laascaanood calan buu u yahay, Boorama calan buu u yahay, Berbera-na calan buu u yahay, iyaga ayuu markii hore ka yimid.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu tlmaamay in arrimaha ka taagan Boorama iyo Laascaanood aysan u baahneyn colaad iyo dhibaato horleh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-jir bulsho.
“Wiil Soomaaliyeed in uu dhinto ma ogolin, in la heshiiyo oo la wada-hadlo ayaan rabnaa. Boorama ha ka socoto ama Laascaanood ha ka socoto, in la heshiiyo ayaan rabnaa.”
Waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay amniga, ayna tahay inay si caqliyeysan lagu dhameeyo wax jira, oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, “Xil gaar ah ayaa ka saaran in dadka iyo odayaasha ay la fadhiistaan, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hal dowlad la wada yahay, islamarkaana wax la iskula haro oo nabad-gelyo lagu wada noolaado.
“Siyaasadda waa laga heshiina hal dowlad ayaa wada nahay ee ha la joojiyo kala cararada, oo ha la xishooda, yaan la fogaan oo la isku fogaan, oo shacabkeena iska leynin iyo wax aan berri ka qoomameyn doono,” ayuu yiri.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli ay shalay magaalada Boorama ka dhaceen rabshado horleh, kuwaasi oo looga soo horjeedo dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, iyada oo ciidamada Booliska ay rasaas nool ku fureen dibad-baxayaasha, taasi oo dhalisay inuu isku rogo kacdoon dadweyne, ayada oo dadka dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada.
The post DF oo meel adag iska taagtay sida ay Somaliland u maareysay rabshadaha Boorama appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta Muqdisho kadaah-furay madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka.
Madashan oo ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, kaasi oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamud Beene-beene ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay madashan u leedahay umadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in madashan ay kor u qaadayso isku-dubbaridka iyo in mashaariicda la waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubaridka iyo hagaajinta gargaarka iyo kaalmada horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madashan ay kaalin muhiim ka qaadaneyso sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah, si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka.
“Xukuumadda Dan-Qaran waxay hiigsanaysa in dawladda la gaarsiiyo heer isku filnaansho iyo isku tashi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka dhawaajiyay hiigsiga fog ee xukuumadda uu qeybta ka yahay.
Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.
The post DF oo Muqdisho ka daah-furtay madal ay qeyb ka tahay beesha caalamka appeared first on Caasimada Online. -
Garoowe: Ciidamo mushahar la’aan ka cabanaya ayaa xidhey kaantaroolka bari ee caasimadda, iyaga oo hakad geliyey isku-socodka gaadiidka gobollada. Waa dhacdooyinka Puntland ku soo noqnoqda ciidamo mushar la’aan u goosta jid. -
Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Garoowe.
Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka bari ee magaalada Garowe.
Kontaroolkan ay xirteen ciidamada gadoodsan ayaa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka, waxaana gebi ahaanba joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaso.
Ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxay ku eedeyeen madaxweynaha maamulka ee Saciid Deni inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka,
Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo madaxweyne Deni uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka wado ololaha siyaasadeed ee ururkiisa Kaah, kaasi oo taageero loogu raadinayo doorashooyinka uu qeybta ka yhay ee doorashooyinka qof iyo cod ah.
Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Ciidamadaas ayaa sidoo kale waxay ka gadoodsanayaan mushaar la’aan, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, oo ay xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.
Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.
Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.
The post Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Garoowe appeared first on Caasimada Online. -
Axmed Madoobe oo la taagan Wasiirka Maaliyadda Itoobiya (bidix) iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (midig).
Muqdisho (Wararka PP) — Sanadguurada kowaad ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya heshiis gaar ah la yeelatay maamulka Jubaland. Heshiiskan waxaa ka horreeyay heshiiskii amni ay Itoobiya la yeelatay maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore. Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, oo ciidammadoodu marka ay doonaan soo geli karaan Soomaaliya iyagoo ku doodaya inay is difaacayaan Soomaaliya oo amniga dalkeeda aan sugi karin awgeed, waxay leeyihiin ujeeddooyin istaraajiyadeed ku qotoma fahamkooda waayaha siyaasadda Soomaalida maanta — waxay u arkaan in dhaawac aan ka soo kabasho lahayn uu gaaray qarannimada Soomaaliyeed 1991kii, burburkii dowladdii dhexe kaddib.
Bishii Diseembar 2022kii waxay dowladda federaalka Soomaaliyeed oggolaatay in iskaashi amni uu dhexmaro maamulka Somaliland iyo Maraykanka, hindisahaas oo ay dowladda Maraykanku ka noqotay kaddib markii dagaalka Laascaanood muujiyay in maamulka Somaliland halis ku yahay hawlaha la dagaallanka argagixisada.
Soddon sano ka hor Koonfurta Soomaaliya waxaa ku sugnaa ciidammo ajnabi ah oo wax ka qabanayay macaluushii aan dabiiciga ahayn ee 1992kii. Sahan, hay’ad colaad-ka-macaash ah (conflict entrepreneur) ayaa ku tilmaantay heshiiska Jubaland iyo Itoobiya mid Kenya ay hore u ogeyd lana dhacsan tahay.
Qeyb ka mid ah warbixinta Sahan.
Heshiiska Jubaland iyo Itoobiya dhexmaray wuxuu awood badan siinaysa Axmed Madoobe oo diiddan qorsheyaasha ay dowladda federaalku ku doonaysay inay xukun militari oo ku meelgaar ah ka hirgeliso meelaha Al-Shabaab laga qabsado ee Jubbooyinka si shir Madaxtooyada Soomaaliya u aragto dib u heshiisiin uga abaabusho Buu’aale. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam wuu ka soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka. Wuxuu ku dooday in dowladda Jubaland loo dhaafo maamulka degmooyinka laga xoreyn doono Al-Shabaab.
“Inta Soomaaliya ay ku tiirsan tahay ciidammo shisheeye oo joogitaankoodu lagu sababeeyo in Soomaaliya aysan ilaalin karin amniga dalkeeda, dowladda federaalku waxay fududeynaysaa in maamullada Soomaaliyeed la saxiixdaan dalalka deriska ah heshiisyo ilaalin ah oo u dhigma kuwii gumeystayaashii reer Yurub la saxiixan jireen beelaha Afrikaanka ah waayo dowladda Soomaaliyeed ayay ciidammo shisheeye ilaaliyaan” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan.
© Puntland Post, 2023
The post Soomaaliya oo cagta saaraysa waddadii maxmiyadaha appeared first on Puntland Post.
-
Four lives were tragically lost after the partial collapse of the iconic historic Lighthouse in Mogadishu. This incident has sparked a wave of questions about the maintenance and preservation of the city's historic buildings.
-
Four lives were tragically lost after the partial collapse of the iconic historic Lighthouse in Mogadishu. This incident has sparked a wave of questions about the maintenance and preservation of the city's historic buildings.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare ayaa maanta wada-hadal gaar ah la yeeshay Danjiraha dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.
Kulankan oo ay ra’iisul wasaaraha ku wehlinayeen howlwadeeno ka tirsan xafiikiisa ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Sidoo kale waxa ay labada dhinac si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.
Dhanka kale, wasiirka arrmaha dibadda, Abshir Cumar Huruuse ayaa isla maanta kulan kan lamid ah la yeeshay safiirka Indonesia, Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin.
Wasiir Huruuse iyo Danjiraha ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada diblumaasiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo amniga.
Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu faahfaahiyay muhiimadda kulankan oo sidoo kale lagu soo qaaday fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal.
Sidoo kale waxa ay isla garteen labada mas’uul abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara waddamada Soomaaliya iyo Indonesia.
“Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labadeena dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal, iyo inaan iska taageerno golayaasha caalamiga ah, Maadaama dalkeennu dadaal ugu jiro ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer ina saaran” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-
The post Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo Danjiraha Indonesia? + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Qormo Kooban:Qaar Kamida Magacyada Xaafadaha Magaalada Burco
in News - Wararka
Posted
Qaran News