-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Xubnaha Kamooshinka doorashooyinka ee matalaayay xisbiyada mucaaridka ayaa qaadacay qoraalka garabka muxaafidka ee golahaasi ay soo saareen ee qeexaayay in doorashada ururada la soo horaysiiyo arinkaasi oo buuq badani ka dhashay.
Dhanka kalena waxa bilaabmay shikari doceedyo lagaga tashanaayo go’aankaasi ka soo baxay qayb ka mid ah gudiga doorashooyinka waxana hadli doona dadyow kala gedisan
-

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray jadwalka doorashooyinka muranka uu hareeyay ee muddooyinkii dambe isku hayeen xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa uu shaaciyay in doorashada Xisbiyada Qaranka la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, “si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan lana siiyo shahaadada xisbino ee tobanka sano, KDQ uu muddadaas ka horaysa ku dhameystiro wixii farsamo ah.”
Sidoo kale waxa uu guddiga ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono 13-ka November 2024-ka, taasi oo ka dhigan in muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameysay uu dhameysanayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Komishabka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu ka codsanayaa Golahaasha Sharci-dejinta inay dhameystiraan qabyooyibja sharci ee doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.
Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka in ay kala shaqeeyaan fududeynta wixii farsamo ah ee la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka, si aysan uga dib dhicin jadwalka uu soo saaray.
“Guddiga markii uu garwaaqsaday hanaanka Xisbiyada baddani saldhig u yahay nidaamka siyaasadeed we Jamhuuriyadda Somaliland, tirada xisbiyada siyaasiga ahna aanay ka badnaan karin saddex xisbi sida ku xusan qodobka 9-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka JSL,” ayuu guddiga ku sheegay sababaha kala horeysiinta labada doorasho ee la isku hayay.
Jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa uga soo diaraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.
Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay.


The post Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray jadwal uga sii daraya xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
-
-

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure oo ka hadlay dagaalka musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu jiro musuq ka daran midka uu hadda socdo dagaalkiisa.
Xildhibaanka ayaa waxa uu musuq-maasuq ku tilmaamay ku tagri-falka awood qeybsiga dowladda ee dhanka xilalka, kaasi oo uu soo jeediyay in lagu daro dagaalka musuqa, maadaama musuqa uusan aheyn xoolo dadweyne oo la dhaco kaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Awood qeybsiga kuraasta waxba kuma lihin, marka waxaa u aragna in iyada lafteeda ay musuq-maasuq tahay, oo aysan dadka Digilka sheegta ee aan kasoo jeedo ee kuraasta uga fadhino aysan waxba ku laheyn,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure.
“Dowladda iyo guddoonka waxa u sheegayna in la musuq-maasuqay kuraasta ku laheyn dowladda iyo guddoonka. Musuqa ma ahan lacag la lunsaday kaliya ee ay ku jirto awood qeybsiga.”
Xildhibaanka ayaa waxa uu carabaabay in Agaasimayaal aysan haysan Digil, loona xagliyo Mirifle, isaga oo tusaale usoo qaatay agaasimihii u dambeeyay ee loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.
“Agaasimayaasha marwalba waxaa la yiraahda Digil &Mirifle ayaa leh, marwalba Miriflaha ayay u xagliyaan marka runta ka hadalno oo agaasimayaasha qaata,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure.
“Musuq-maasuqa dowladda ay sameysay waxaa ka mid ah magacabistii agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo la siiyay wiil ay qaraabo yihiin Sheekh Aadan Madoobe.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u sheegay in dadkiisa xaq u leeyihiin awood qeybsigooda in la siiyo, kaasi oo uu sheegay in la musuq-maasuqay.
“Waa in aan si dhab ah ula dagaalano musuqa, oo kaliya ma ahan lacag ee musuq-maasuqa waxa uu kamid yahay jagooyinka la qeybsanayo oo anaga xaq ayaa u leenahaya in waxa la musuq-maasuqay lagu soo daro awood qeybsiga.”
The post Daawo: Xildhibaan farta ku fiiqay ‘musuq ka daran’ midka ay DF la dagaalameyso appeared first on Caasimada Online. -
Hargeysa(Qaran)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorashada Ururada la qaban doono 28 December 2023.
Sidaasna waxay ku sheegeen in warmurtiyeed ay soo saareen oo 5 kamid ah 7 xubnood saxeexeen. Halka labada kalena ay ka gows qabsadeen doorashada ururrada.
Arinkani dalka waxa uu galin doonaa buuq siyaasadeed oo aan laga fiirsan se loo badheedhay.
Waxana cad in gudiga doorashadu ay ku kala qaybsanyihiin arinkani oo xisbiyadii mucaaridka ahaa ay ka maqayihiin qoraalkani hada ka soo baxay
Qoraalka ay soo saareenn garab ka mid ah gudiga doorashadu waxa uu u dhignaa sidani


-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u cayimay jadwalka doorashada xisbiyada iyo tan madaxtooyada maamulkaas.
Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa lagu go’aamiyay jadwalka kala horraynta doorashada xisbiyada iyo midda madaxtooyada Somaliland.
Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada xisbiyada Somaliland la qaban doono taariikhdu marka ay tahay 28 December ee sannadkan 2023.
Doorashada madaxtooyada Somaliland ayuu sidoo kale sheegay in la qaban doono bil ka hor dhammaadka mudda xilkeedka xilka madaxweynaha oo ku beegan 13 November ee sannadka 2024.
Halkan ka akhriso go’aanka guddiga
PUNTLAND POST
The post Guddiga doorashada Somaliland oo si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka maamulkaas appeared first on Puntland Post.
-

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto musuq-maasuqa ayaa shaaciyay ballan uu la galay bahda Garsoorka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Garsoorka ay ku balameen in qofna lagu dulmin cadaaladda, xilli uu socdo dagaalka musuq-maasuqa, oo loo soo xir-xiray masuuliyiin dhowr ah.
Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyiintii hore iyo shaqsiyaadka kale ee baxsadka ka ah cadaaladda, inay yimaadan oo gar baxaan, islamarkaana aan cadaalad darro ah lagu samayn doonin.
“Ha cararin, ha dhuumanun haddii aadan tuug ahayn, cadaalad darro in aan qof lagu samayn waa waajib ina saaran. Garsoorka hadda jooga waan ku balanay in qof Soomaali ah ay ku dulmin cadaaladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan oo lasoo dhigay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo bulshada ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.
Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Cabdinuur Cali Maxamuud: “Garsoor ma ahan garsoor cid amarkii ku shaqeynaya, garsoor la”aan baa dhaanta.”
“Waxay ka bilaabanaysaa gurigaada waxayna u gudbaysaa bulshada haddaba yaanan la isku xirin garta iyo gardaradda,” ayuu yiri Xasan Mursal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.
Xasan Khaliif Cali ayaa isna yiri “Mudane madaxweyne musuq-maasuqa waa dilaa weyn waa in aad si dhab ah u la dagaalanto ciribtirkiisa bogaadin.”
Cabdiqaadir Birre: “Ballan kaliya lama rabee hubi inuu sharcigii fulay dabagal fiicana ku samee madaxwayne.”
“Aad iyo aad qofkii carara asaga marqaati iskugu filan, Soomaali saas ha u ogaato,” ayuu yiri Farxaan Axmed.
Xuseen Al-Xaaji ayaa sidoo kale yiri “Cadaaladda aad kula balantay garsoorayaasha waa la joojiya banaan la jiifiya banaan. Mana la aamini karo ila daadka guryaha ku dhistaay xoolaha shacabka in lagala wareego.”
“Tan kale madaxweynaha hadii uu ku yimiid musuq-maasuuq ma laga yaabo in uu saaxiibkii u xiro musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.”
Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Boqolaal ayaa xabsiyada Xamar iyo kuwa gobollada ku xiran, maxay galabsadeen?. Teeda kale shacabka marin-habaabinta ka daa madaxweyne.”
Cali Jabiin Xuud ayaa isna yiri “Garsoorka Naftirkiisa aaba musuqa kow ka ah wallaahi sidaba horey loo cadeeyay.”
“Ha cararin ee kaalay gar bax eedeysanoow,” ayuu yiri Saadaq Maxamed.
Cabdisamed Cartan Axmed: “Garsoorka ku laabo meeshii aad ku oge6d ma joogaan shaafto ayey barteen.”
Cabdicasiis Kulow ayaa isna waxa uu yiri: “Garsoorka madaxda qaranka hada joogto iyo kuwii hore ha uyeero kadib masaakiinta ha ku soo qatimo ileen Soomaaliya waxay tiraa Dibiga qal weesha haku quus-qaadatee.”
The post Sidee looga fal-celiyay ballanta uu Xasan Sheekh la galay garsoorka hadda jooga? appeared first on Caasimada Online. -
Gudiga doorashooyinka ayaa ku kala jabay habka ay u dhici doonto doorashada fooda inagu soo haysaa, iyada oo xubnihii ka soo jeeday mucaaridku ay gabi ahaanba qaadaceen qorshe ay soo dhigeen in lagu dhawaaqo oo ah in doorashada ururada lagu dhawaaqo in dalka laga qabto taasi oo ahayd ta uu in badan madaxweynaha kordhiska ku jooga uu saxaafada mariyay in dalka laga qaban doono doorashada ururada taasi oo aad moodo in ay hada rumoobayso
Hada ma jiraan gudi doorasho oo ku midaysan in dalka ay qabsoonto doorashada ururadu, hadii garab ka mid ah gudiga doorashadu ay ku dhawaaqaan sida ay rabaan waxa ay dalka ka abuuri doontaa muran siyaasadeed oo hor leh.
Gudiga doorashada oo baryahanba urursanaayay xogo oo la kulmay hogaamiye dhaqameedka ayaa waxa ay dhamaan hogaanka dhaqanku u sheegeen in xiligan dalku u baahanyahay doorasho madaxweyne isla markaasina la danbaysiiyo ta ururada.Wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay gudiga doorashada ma jiraan.
-
Al Shabaab militants are recruiting foreigners from neighbouring countries, as fewer Kenyans are joining, security officials have said.
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku Gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa ka wada Hadlay hormarinta adeegyada caafimaadka, barashada farsamada gacanta, shaqa abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta hey’adda iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa waxaa lagu wadaa inuu gaaro magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada, waxaana uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa madaxda maamullada, isaga oo sidoo kale dhawaan soo gaaray Muqdisho.
Goobjoog News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay heshay noocyada kala duwan ee hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Shiikh Cali oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in hubkan cusub loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Ciidamada Soomaaliya ayaa markii u horraysay tan iyo burburkii dalka waxay ku hawlgeli doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopter-ka sida uu xaqiijiyay Xuseen Shiikh.
“Dowladda Soomaaliya waxay heshay hub kamid ah kuwii xaaraanta ka ahaa ee lagu adkayn jiray. Qaarkood saaxiibo ayaa soo siiyay qaarna way soo gadatay” ayuu yiri la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.
“Hubkaas waxa ku jira diyaaradaha helicopter-ka, hoobiyaasha waaweyn ee 120mm ah iyo qoryaha loo yaqaan ZU-ga” ayuu sii raaciyay
La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga Qaranka ayaa sheegay in tallaabadan dowladda Soomaaliya qaaday kadib markii laga khafiifiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran dalka.
PUNTLAND POST
The post Soomaaliya oo heshay hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca appeared first on Puntland Post.
-

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa helay hub culus iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.
“Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd sanad kahor ayaa laga khafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.
“Waxaa jira Helicopter hub saaran yahay loogu tala-galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waaweyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya.”
Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haystaan hub culus oo hore aan loogu ogoleyn Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka tabar badan yihiin Shabaab-ka ay dagaalka kula jiraan.
“Waa jirta tabar ay hadda ciidamadeenu dheer yihiin xaga hubka ay ciidanka Shabaab ay wataan. Ciidanka Soomaaliya waxay ku hubeysan yihiin hub aysan hore u haysan.”
Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Mareykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.
Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cuna-qabateyntaan.
The post Ciidamada Soomaaliya oo helay hubkii ugu cuslaa abid iyo diyaaradaha dagaalka appeared first on Caasimada Online. -

Hargeysa (Qaran news)-Xaalada xildhibaan Jamaal Adan Diiriye ayaa degan kadib markii rag ciidan ahi ay dhaawacyo u gaysteen wewrarkaasi oo lagu sheegay mid qorshaysnaa


Jamaal Adan Diiriye oo aanu ku booqanay cisbatalka Amal Grand Hospital ee ku yaala bariga Hargeysa oo aanu waydiinay in ragan askarta ah ee weeraray ay hore wax u dhex mareen waxa uu sheegay in aanu ragaasi aqoonin horena u arag.
Ragani oo la yiqiinsaday ayaa hada uu boolisku gacanta ku hayaa isla markaasina baadhitaan lagu hayaa mana haboona in laga hordhaco baadhitaanka.Waxana maanta cisbatalka buzz dhaafiyay dadkii soo doortay, madax xaga dhaqanka ah iyo asxaab badan oo uu lahaa oo ay ku jireen xildhibaano
-
Sudanese representatives have arrived in Saudi Arabia's Jeddah to resume talks with the paramilitary Rapid Support Forces (RSF), Sudanese government sources told Reuters on Saturday, after three months of fighting between the army and RSF.
-

Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ag uga dhacay agagaarka degmada Galcad, waxaana lala eegtay mooto ay la socdeen dad shacab ah.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in mootada oo aheyd Fekon ay miinada kula qaraxay deegaanka Cali Heelle oo u dhow Galcad, waxaana ku dhintay saddex qof oo saarnaa.
Saddex qof oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaan ay qaraabo dhow ahaayeen, isla-markaana ay booqasho u socdeen xilliga uu haleeyay qaraxa miino.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.
Galcad oo kamid ah magaalooyinkiii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, waxaana uu khasaare kasoo gaaraa ciidamada huwanta iyo sidoo kale dadka deegaanka ee isticmaala wadada.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in lagu xoreeyo degmooyinka ka maqan Galmudug.
The post 3 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Galcad + Magacyada appeared first on Caasimada Online. -
Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka Hadlay Dhaawac soo Gaadhay iyo Ciddii soo Weerartay
Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inuu dhaawacyo fududi ka soo gaadheen kadib markii wax uu ku sheegay budhcad abaabulani soo weertay.
Xildhibaan Jamaal Aadan wuxuu sidaas ku sheegay war-qoraal ah oo uu ka soo saaray dhaawaciisa iyo cidda soo weerartay “Waxa uu dhawac fudud iga soo gaadhay budhcad abaabulan oo igu soo qaaday weerar aniga oo ku guda jira shaqo maalmeedkaygii, Ilaahay ayaa mahad iska leh,”ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal oo farriin kooban ku baahiyay facebookgiisa.Xildhibaanku wuxuu sheegay in nimankii weeraray ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska waxaanu yidhi “Waan fiican nahay, nimankii falkaas geystay waxa ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska , cidda ka danbaysa iyo waxa ay yihiin waxa ay ka soo bixi doontaa baadhitaanka ciidanka.”
Mudanuhu waxa kaloo uu sheegay in waxyeello laga gaadhsiiyay gaadhigiisii. -

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ee taabacsan mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay war ka soo saaray xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Ugu horreyn taliska ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado magaaladaasi, kuwaas oo horey loogu eedeeyay, maadaama ay sababi karaan dagaallo horleh.
Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamadan oo ay horay isugu dhaceen madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la doonayo in bulshada deegaanka la barakiciyo, ayada oo eedda dhabarka loo saarayo ciidamada kumaandooska ah ee Danab.
“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri bayaanka.
Garoowe ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhexeysa mucaaradka iyo xukuumadda oo horay ugu dagaalamay bartamaha magaaladaasi.
Shacabka Garoowe ayaa dhankooda welwel xoogan ka muujinaya xiisadda weli ka taagan halkaasi, maadaama ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.
Sidoo kale waxaa weli socda dadaallo la doonayo in la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac, si xal loogu helo muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh Puntland.
Si kastaba, xiisaddan ayaa ka dhalatay furista dastuurka maamulka Puntland, ayada oo Saciid Deni lagu eedeeyay inuu wado qorshe uu ku doonayo muddo kororsi horleh.
The post Ciidamada kasoo horjeedo DENI oo war cusub ka soo saaray xiisadda Garoowe appeared first on Caasimada Online. -
Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku jira diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ay ka wadaan bariga gobolka Galgaduud ee Galmudug.Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey, waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ciidanka xoogga dalka ay ka bilaabi doonaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.Goobjoog News -

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo xalay marti ku ahaa barnaamij Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay ayuu ku soo bandhigay qorshaha dowladda hanashada amniga qaranka.
Xuseen Sheekh ayaa aad u sharaxay qorshaha dowladda ee dhinacyada la wareegidda amniga qaranka, bixitaanka ciidanka ATMIS, qaadidda cunaqabateynta hubka ee dalka saaran, dhismaha ciidanka qaranka iyo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo.
Sida uu cadeeyey Xuseen Sheekh, howlgalka ATMIS wuxuu ku fashilmay qorshihii magaca looga bedelay oo ahaa in ciidanka qaranka ay dalka kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku andacoodaan inay ka maqan tahay saanad ay dalbadeen, sida diyaarado dagaal iyo agab kale.
Si looga maarmo ATMIS, dalkana looga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka la isku yuraahdo safka hore, kuwaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku garabsiin doona wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.
Hadda wuxuu sheegay inay soo gabagabeynayaan wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore.
Sidoo kale, Xuseen Sheekh wuxuu hoosta ka xariiqay in 18 bilood ay qorsheeyeen in dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si loo soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS oo dowladda Soomaaliya ay si buuxda u hanato guud ahaan amniga dhulka Jamhuuriyadda.
Wuxuu sheegay dhaqaalaha ay ciidanka ATMIS ku bixiyaan dalalka Midowga Yurub in loo wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidankii hordhaca u ahaa bixitaanka ATMIS oo 2,000 gaaraya mushaarkoodii loo wareejiyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isagoo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cunaqabateyntaan.
The post DF oo shaacisay arrin ku qasabtay in dalal kale ciidan ka dalbato kadib markii ATMIS… appeared first on Caasimada Online. -
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadka dambe uu dalka ka baxayo askariga ugu dambeeya Ciidanka ATMIS, xilli bishii hore ay bilaabeen in ay baxaan qaar ka tirsan ciidanka ATMIS, kuwaas oo baneeyay dhowr saldhig oo lagu wareejiyay SNA.
La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo ka qeybgalaya Barnaamijka Dood ah oo kabaxayay
Twitter space ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay Saddexda kun ee ugu dambeysa ciidanka ATMIS ay dalka isaga bixi doonaan 30-December ee sanadka dambe sida uu heshiiska ahaaLa taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kabixitaanka ATMIS dowladda ay u diyaar garowda sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga,waxa uu tilmaamay in dowladda sidoo kale ay gaba gabo marsiineyso howlgalka ka dhanka ah khawaarijta dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad si Argagixisada degaannada fara ku tirska ah ee ay ku dhuumaleysanyaan looga saari lahaa.
Sidoo kale wax u sheegay la taliyah in ay meel fiican mareeyso arrinta Cunaqabateeynta Hubka ee saaran Soomaaliya u sheegay in meel gaba gabo ah mareyso Novembar sanadkana ay soo dhammaan doonto,islmarakana dowladda soomaaliya ay la soo dagi doonto saanad Milatari.
Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa kusoo aadaya xilli dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay u ololeynayaan in Man Date cusub la siiyo ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgalkooda uu soo socday muddo dhowr iyo toban sano ah.
Goobjoog News
-
Beledweyne (HOL) - Former Somali Presidential candidate Dr. Abdinur Sheikh Mohamed strongly opposes the removal of Ali Jeyte, the former governor of the Hiiraan region, asserting that he still recognizes Jeyte as the rightful governor.
-
President Abdiaziz Hassan Laftagareen has undoubtedly emerged as a beacon of hope for the Southwest State of Somalia, as he tirelessly works towards the development and progress of the region. With his visionary leadership and unwavering commitment, his tenure in office has witnessed remarkable advancements across various sectors, propelling Southwest Somalia towards a brighter future.
-
Maxkamadda Maroodijeex oo ugu Fartay Xeer Ilaalinta Amar ku saabsan Dacwada Bushaaro Baanday
Hargeysa(Qaran news)-Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa maanta xeer ilaalinta ku amartay in la kala saaro dacwadda Bushaaro Baanday iyo dacwadda kale ee lagu eedaynayo Weriyeyaasha aan ku sugnayn gudaha Somaliland.
Weriye Bushaaro Baandey ayaa in Muddo ah ku xidhneyd magaalada Hargeysa iyadoo dhowr jeer oo hore maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xabsi ku hayn u dirtay.Weriyahan ayaa xukuumadda Somaliland xidhay muddo haatan laga joogo laba bilood, waxana ay ku eedaysay inay ku faafisay wax ay ugu yeedheen warar badan oo been abuur ah.
















End of Black Sea grains deal promises pain for Africa’s neediest
in News - Wararka
Posted
MOGADISHU (Reuters) – Russia’s announcement that it was withdrawing from a pact that allowed Ukrainian grains to leave Black Sea ports sent a shiver through poorer countries, many of which are already reeling from inflation, climate shocks and conflict.
Source: Hiiraan Online