-
Content Count
211,885 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
President Recep Tayyip Erdogan names powerful spy chief as the country's new foreign minister. Here's what to know about him:
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare loo xiray weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Uganda aysan u howlgelin sidii la filayey intii uu weerarka socday ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.
Waxa uu shaaciyey magacyada laba taliye oo kala ah; Maj Oluka iyo Maj Obbo, oo ku eedeeyey inay ku amreen askarta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer ee Shabeellaha Hoose.
“Waa la soo qabtay, waxayna wajihi doonaan eedeymaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, dib ayayna isu abaabuleen, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhiga,” ayuu Mr Museveni ku yiri hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda.
Yoweri Museveni ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari.
Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaaciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay weerarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida
Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda.
The post Laba sarkaal oo loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer + Magacyada appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Caddaaladda.
Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda goboleedka Galmudug, wasiirka amniga, hay’adda, saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka Dowladda Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.
Goobjoog News
-
-
-
Somalia's National Economic Council has endorsed a new national development blueprint. It seeks to usher in, what President Hassan Sheikh Mohamud's government, calls an era of stability and prosperity to ensure high living standards for the people of Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiru dowlaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dowladda Jarmalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan oo ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.
wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loogu sameeyey Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso dowladda Soomaaliya, isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood.
wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Jarmalka ayaa balan qaaday in Jarmalku uu sii wadi doono tageerada ay gacanta uga geysanayaan dib u dhiska iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.
Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, markii laga soot ago deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowladda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa tababarrada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya.
The post Sawirro: Wasiir ka socda Jarmalka oo balan-qaad cusub oo gaarsiiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. -
-
Please help, today one person self dead by petrol because hopeless.” Sally Hayden received the text in October 2018. The Irish Times journalist was one of the few outsiders trusted by refugees locked up in Libya. The text was about Abdulaziz, who had been forced to flee his native Somalia to escape al-Shabaab, the al-Qaida-linked Islamist group waging terror in east Africa.
-
-
Waxaa magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyay Abaanduulihii 2aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, isagoo halkaasi kaga dhawaaqey in uu iska casilay xilkaasi.
Wuxuu sheegay in uu dadkiisa la fikir noqday, isla markaana wixii talo ah uu iyaga ku biirin doonno.
General Saleebaan Barre Geesood ayaa mar lagu sameeyay shaqo joojin intii uu socday dagaalka Laascaanood. Balse muu sheegin isagu sababta keentay shaqo joojintaasi.
General Geesood ayaa xilkan uu iska casilay loo magacaabey sannadkii 2016kii, isagoo hayay muddo 7 sanno ah.
-
-
-
-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.
Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.iyadoona munaasabadda dhagax-dhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.
Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cabdicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yimaadaan dhamaan bulshada qeybahooda kala gedisan, waxa ayna wadadaan hal-bowlo u tahay isku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Liido iyo Magaalada inteeda kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanayaan dhismaha wadadaan, asigoona dhinaca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisaabtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadiisu ay sareyso.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.
Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari, kuwaas oo ka tirsan dowladda Uganda, madaxweyne Museveni ayaa arrintaan ku sheegay wareysi dheer uu bixiyay kadib weerarka.
Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga aad u canaantay taliyeyaashii watay ciidanka Uganda.
Goobjoog News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed.
Laftagareen oo ka hadlayay doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacday sanadkii 2022-kii ayaa ka sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu xilligaas uu sameeyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diiday in la aado doorasho qof iyo cod ah, balse uu doortay mid dadbadan, isaga oo uu tilmaamay inuu ka lahaa dan gaar ah.
Sidoo kale waxa uu xusay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saarto xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo, sida uu hadalka u dhigay.
“Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen
Waxaa kale oo uu ku sii daray “Ilaahey qadartiisa sida an sheegaayay ayay kusoo dhammaatay xildhibaanadii in la qoro ayay noqotay tii aan rabay oo aheyd adiga wax ma lihid adigane waxbaa leedahay waa la suubiyay, kii wax helay waa xanaaqsan yahay kii kale oo wax waayayna waa xanaaqsan yahay meel qabow iyo meel fiyow midna malaha”.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa haatan si weyn uga qoomameeyay falkaasi, isaga oo sheegay inuu ka dhexlay takano siyaasadeed, maadaama uu rag badan ka reebay baarlamaanka.
‘Waan soo tijaabinay eed iyo takane waxaan aheyn oo laga qaadaayo ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo hadal qaaday heshiiska cusub ee haatan laga gaaray doorashada ayaa bogaadiyay, wuxuuna sheegay in shacabka la siiyay fursad weyn.
“Waxaa laga hadlay dowladnimada iyo dimuquraadiyeynta in shacabka Soomaaliyeed loo celiyo, labada heer ee dowladdana ay sidaas ku shaqeeyaan,” ayuu kusoo gabagabeeyay.
The post Daawo: Laftagareen oo shaaciyay arrin yaab leh oo uu sameeyay appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Xudur kulan kula yeeshay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhagaystay Warbixino ku saabsan Xaalada Gobolka, kan Degmada iyo Udiyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka lagaga Xureynayo dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur la wadaagay socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka iyo Mashaariic lagu hormarinaayo.
Gobolka Bokool ayaa inta badan deegaanno kamid waxaa ku sugan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, kuwaas oo muddo gu’doomiyay magaalooyinka qaar sida caasimadda Xudur iyo degmooyinka kale mana jiro isku socod.
Shirkii Madasha Watashiga Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyay in la dardargeliyo Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabab oo ka bilaabanaya deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.
Goobjoog News
-
Somalia’s new radical proposals, meant to upend the country’s political system from parliamentary to presidential, is raising a storm, and exposing further cracks between Mogadishu and some political quarters.
-
Alle ha unaxariiste 2 Qof ayaa ku dhintay 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen labo gaadhi oo waaraado ah Laamiga Duleedka Degmada Waridaad ee Gobolka Saraar.
Labada Gaadhi Ayaa mid ka mida siday xoolo Halka ka kalena Uu Madhnaa.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo qeyb ka ahaayeen wasiirro ka socday dowlad goboleedyada dalka.
Wafdigaan uu hoggaaminayaay Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo barri furmi doona.
Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha, kuwaas oo muddooyinkii dambe aad u saameeyay dadka iyo dadka Soomaaliyeed.
Goobjoog News
-
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wadaya wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa muddooyinikii dambe waday sidii uu xiriir toos ah ula yeelan lahaa Baarlamaannada wadamada caalamka, kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah siyaasadda dowladda federalka ee Soomaali Heshiis ah dunida heshiis la ah.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Puntland, kaaso oo kasii daray, kadib heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka ee kasoo baxay shirkii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.
Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan jirin meel fog, isla-markaana ay qayb ka tahay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya.
“Puntland waxay ka tirsan tahay dowladda federaalka mana foga, doorashooyinka ay qabteen ayaana lagu heshiiyay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri karin sabab ay Puntland ku diido doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay iyagu haatan qabsadeen.
“Ma u maleynaayo inay caqli tahay aniga doorasho ayaan qabsanaa, inta kalena doorasho uma ogoli, uma maleynayo inuu qofn ku talinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada lagu heshiiyay ay tahay middii uu Saciid Deni ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib markii guul ka sheegtay doorashadii Puntland.
“Madaxweynaha Puntland marka ay doorashada u dhammaatay wuu hadlay wuxuu yiri dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay doorashadaan oo kale ay qabtaan intiibaa la gaaray” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada ay Puntland ay iska diiday go’aanaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay Golaha Wadatashiga oo go’aan looga gaaray doorashooyinka dalka.
Si kastaba, khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa oo soo billowday, kadib magacaabidii ra’iisul wasaare Xamza.
The post Daawo: DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online. -
Ra’iisulwasaaraha dalka Hindia Narendra Modi ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo sabab u aheyd shilkii Train ee ka dhacay gobolka Desha ee dalkaasi, shilkaas waxaa uu ahaa midkii ugu khasaaraha badanaa, isaga oo intaas ku daray in la ciqaabayo cidii ku lug yeelata.
Ugu yaraan 288 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 800 oo kalena way ku dhaawacmeen shil Jimcihii ka dhacay gobolka Odisha, kadib markii laba tareen oo rakaab ah iyo tareen alaab sida oo ay isku dhaceen, taas oo dhalisay khasaare xooggan oo soo gaaray tiro dad ah oo Rakaab ah.
Ra’iisulwasaaraha oo wareysi TV-ga dalkaasi ayaa ballan qaaday “in tallaabo adag” laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo shilkii tareen ee ay ku dhinteen 288 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 900 oo ka dhacay bariga Hindiya, waxaana uu noqday shilkii ugu khasaaraha badanaa.
Modi ayaa booqday goobta shilku ka dhacay ee gobolka Odisha Sabtidii, Juun 3, wuxuuna aaday isbitaal si uu ula kulmo dhaawacyada. Warbixin horudhac ah ayaa sheegtay in cilad ku timid mid kamid ah Trainnada ay sabab u aheyd shilka oo ay isku dhaceen sedex Train oo isku wado ahaa.
Markii ay soo idlaatay baadigoobka dadka badbaaday, waxaa soo baxay dhambaalo tacsi ah oo ka imaanayay madaxda caalamka oo uu ku jiro madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxay u muuqataa inay tahay masiibadii ugu xumayd ee tareenada Hindiya tan iyo 1995, markii laba tareen ay isku dhaceen meel u dhow New Delhi, oo ay ku dhinteen 350.
Shilkaan Train ee ka dhacay Hindiya ayaa lagu tilmaamaa midkii ugu khasaaraha badanaa tan iyo sanadkii 1995-kii wallow uu ka dhimasho yaraa hadana waxaa aad u badnaa dhaawaca ka dhashay shilkii dhacay maalintii Jimcaha, waxaana dhaawac uu soo gaaray in ka badan 900 oo ruux, halka ay geeriyoodeen 300 ruux, taas oo ka dhigeysa kii labaad ee ugu dhimayasga badanaa.
Goobjoog News
-
Abdirahman Odowaa:” Either we as MPs need not be affected directly by the motion we are going to discuss to be able to look at it objectively or we should leave discussions to the bicameral committee tasked with discussing proposed amendments to the Draft Constitution.”
Mogadishu (PP News) — Abdirahman Mohamed Hussein (Odowaa), a Somali MP, and one-time ally of President Hassan Sheikh Mohamud, yesterday expressed dismay over efforts to submit a bicameral motion on making amendments to the Draft Constitution to expedite controversial resolutions passed by the National Consultative Council.
“The motion submitted to the Lower House has a major flaw. We are involved in it in the sense that it is about term extension for the legislature. It is a conflict of interest. Either we as MPs need not be affected directly by the motion we are going to discuss to be able to look at it objectively or we should leave discussions to the bicameral committee tasked with discussing proposed amendments to the Draft Constitution” said Abdirahman.
The legislative hurdle to which the MP has drawn attention has proved a formidable setback for President Mohamud who celebrated his first anniversary in office since his election as President on 15 May 2022.
Mohamed Hassan Haad:”President Mohamud will have cut his four year term short if he presses on with the proposed unconstitutional term extension.”
Last week, members of the National Consultative Council proposed sweeping changes to the system of government ranging from the elimination of the Office of the Prime Minister to introduce a presidential system modelled on the pre-1991 military regime’s first fifteen years of reign to term extension for the executive and legislative branches.
Meanwhile, Mohamed Hassan Haad, a traditional leader. urged MPs not to vote on any motion on term extension for the President or the bicameral legislature. “President Mohamud will have cut his four year term short if he presses on with the proposed unconstitutional term extension” said Haad.
© Puntland Post, 2023
The post A Somali Federal MP Sees Conflict of Interest in “Term Extension” Motion appeared first on Puntland Post.
Ra’iisulwasare Xamse oo Qaabilay Wasiiru-dowlaha Hormarinta Dowladda Jarmalka
in News - Wararka
Posted
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.
Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Goobjoog News
Source: goobjoog.com