-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-

Press Release
The number of people wounded by conflict in Somalia has increased dramatically this year. As hostilities have flared in different parts of the country, ambulance teams from the Somali Red Crescent Society have reported a more than three-fold rise in the number of people requiring treatment for weapon wounds.
The ongoing military offensive by the government against Al Shabaab has intensified in recent months while a new conflict in the northern part of the country between the Somaliland army and SSC Khatumo forces has seen a sharp spike in the number of people wounded. The three Red Crescent emergency response teams in Mogadishu, Galkacyo and Las Anod report that close to 1,900 people required treatment for weapon wounds in the past eight months of the year – an increase of over 300% per cent compared with the entirety of 2022.
Another indication of worsening conflict across the country is that the number of people uprooted from their homes has more than tripled this year. According to data from the Protection and Return Monitoring Network, 569,000 people were displaced due to conflict or insecurity between January and July, compared to 168,000 over the same period last year. Conflict is the main factor in forcing people to leave their homes this year, followed by climate shocks like droughts and floods.
Las Anod, the capital of Sool region, has been the main battleground of the fighting in the northern part of the country, resulting in a significant number of casualties and the destruction of civilian infrastructure. The Red Crescent ambulance team in the town has treated and transported to hospital more than 1,700 people with conflict-related injuries this year.
“Shortly after the shelling started there was a lot of loss. The Red Crescent got involved immediately with the emergency and the ambulance teams. They were attending to the wounded and the dead,” said Amal Hassan, who is part of the Red Crescent team in Las Anod.
The team has collected close to 80 dead bodies this year, the majority of them following the latest round of fighting in August. The International Committee of the Red Cross (ICRC) has been supporting the Red Crescent’s three emergency response centres and recently trained the Las Anod team on how to handle and collect human remains in a safe and dignified way. In December last year, the ICRC also trained Red Crescent ambulance response teams and Aamin Ambulances staff, as well as medical personnel from hospitals in Mogadishu, on dead body management.
“We trained a team from the Somali Red Crescent on management of the dead. We are planning to also train the soldiers from both sides. They have a responsibility to handle the dead in a respectful manner. To properly document them. So later, it will be easier to identify the deceased and inform their families,” said Mohamed Abdi Wadi, a protection delegate who covers northern Somalia for the ICRC.
Between January and June this year, the ICRC has supported close to 97,000 people who were displaced by either conflict, drought or floods. The ICRC also supports four main hospitals located in Kismayo, Mogadishu and Baidoa.
For further information, please contact:
The post Somalia: Spike in fighting sees three-fold increase in wounded appeared first on Caasimada Online.
Alyona Synenko, ICRC Nairobi, +254 716 897 265, asynenko@icrc.orgAbdikarim Mohamed, ICRC Somalia, +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org -
Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay magaalada Camaara ee Koonfurta gobalka Mudug.
Ciidanka la wareegay magaalada ayaa sedex jiho ka weeraray waxaana isaga baxay Al-shabaabkii ku sugna, sida uu sheegat xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.
Magaaladaan ayaa marin muhiim ah u isku socodka gobolka, waxaana sidoo kale xildhibaan Saabir uu sheegay in lagu dhow yahay in Al-shabaab laga saaro Galmudug.
Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada gobolka Mudug, waxaana xisidmudan in ay la wareegeen deegaanno dhowr ah.
Goobjoog News
-

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa goordhoweyd si buuxda ula wareegay gacanta ku haynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Qabashada Camaara ayaa waxaa hadda u xaqiijiyay warbaahinta dowladda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.
Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in magaalada si buuxda loola wareegay kadib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen
Camaara oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxay wararka sheegayaan inay iskaga carareen dagaal-yahaanadii ku sugnaa kadib markii ay ka warheleen howl-galka culus ee kusoo wajahan iyo baaxadda ciidanka isgarabsanaya.
Qabashada Camaara ayaa imaneysa maalin un kadib markii ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay kooxda ka xoreeyeen magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda.
Kooxaha Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.
Si kastaba, Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara ayaa xilligaan waxay wax weyn uga dhigan tahay gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada.
The post Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay Camaara appeared first on Caasimada Online. -
The second phase of the African Union troop withdrawal from Somalia has started, under a timeline for the handover of security to the country’s authorities
-
Dhusamareb (HOL) - The Somali military court executed a former military soldier on Monday for the murder of his military colleague in the Harardhere district of the north-central Mudug region of Somalia.
-
Dhusamareb (HOL) - The Somali military court executed a former military soldier on Sunday for the murder of his military colleague in the Harardhere district of the north-central Mudug region of Somalia.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Hadlay Suuqa Gubtay ee Wajaale

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd ayaa ganacsatada Wajaale ka tacsiyadeeyay dabka waxyeellada u geystay hantidii qoyasas badan oo Somaliland ka soo kala jeeda.Wasiir Ciise Keyd wuxuu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca madaxda kale ee Wasaaradda iyo dhamaan magaca Shaqaale-weynaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL waxa aan Alle SWT u weydiinayaa dhamaan dadweynaha magaalo-ganacsiyeedda Tog-wajaale in uu naxariistiisa kaga bakhtiiyo cadawgaas dabka ah ee caawa ka kacay suuqa weyn ee degmadda Tog-Wajaale.
Sidoo kale waxa aan tacsi u dirayaa cid walba oo waxyeelo ama khasaare naf iyo maalba ah uu u gaystay dabkaasi, waxa aan leeyahay Rabi SWT ha idiinku bedelo cawil khayr qaba.
Ugu dambeyn, Waxa aan usoo jeedinayaa dhamaan bahda caafimaadka, booyadaha biyaha iyo cidwalba oo gacan ka geysan kartaa inay ugu gurmadaan sida ugu dhakhsaha badan.”Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd Maxamed.
-
Komishanka Maamul Wanaagga oo Furay Tababar uu Maalgeliyay Midowga Yurub


Harģeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa u furay Tobbabar ay iska kaashaadeen European Union Capacity Building Mission ( EUCAP) iyo Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . hawl wadeeno iyo masuuliyiin ka tirsan 13ka mid ah Hay’addaha, Wasaaraddaha ,Garsoorka iyo Ciidamadda JSL .
Kuwaas oo kala ahaa, Maxkamada Sare, Xeer ilaalinta Qaranka , Booliska, Ilaaladda Xeebaha, Ciidamadda Socdaalka, Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka , Deegaanka iyo xafiiska Budhcad badeedka.Tobabarkan oo ku saabsanaa Doorka Maamul Wanaaggu ku leeyahay ka hortaga Musuqmaasuqa.
Tobabarkan oo ibo fur u sah tobabaro kale oo ay iska kaashan doonaan komishanka iyo EUCAP kuwaas oo xidhiidha ah siina socon doona.
-

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.
Cabdi Xaashi ayaa munaasabad kooban oo lagu guddoonsiiyay kaarka aqoonsiga ku tilmaamay in hirgelinta kaarka aqoonsiga dadweynaha uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyay golaha xukuumadda in ay dardar-geliyeen dhaqan-galka shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada Soomaaliyeed oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Arrinta sida weyn loogu weeraray ayaa ah kadib markii kaarka aqoonsiga guddoomiyaha lasoo bandhigay lagu arkay goobta dhalashada oo ay ku qoran tahay Babille, Ethiopia.
Dadka qaar ayaa midaan ku macneeyay wax laga xumaado in aqoonsiga dalkeenna uu kasoo muuqdo dal kale, ama Babille la raacsiiyo Ethiopia” halka kuwa kale ay ku tilmaameen wax caadi ah, maadaama goobta uu ku dhashay guddoomiye Cabdi Xaashi ay hadda maamul ahaan hoostagto dalkaasi.
Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Abshir Xiis: “Babille Ethiopia! Intaa far baa ku godan.”
Maxamed Jowhar ayaa waxa uu yiri “National ID-ga Soomaaliya wuxuu ogolaaday inay Baabili dhul Soomaaliyeed ahayn oo Ethiopia ka tirsan tahay waa arrin aad looga xumaado run ahaantii.”
“Gobolladii Somaaliyeed oo wrli shisheeyuhu haysto in ID la sameeyo wax micno ah oo ku jira ma jiran ee qandaraskan amay dowladu shisheeye maal-galiyeen,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.
Nuuradiin Cabdullaahi Cabdinaasir: “Baabile maaha dhul Itoobiya waa dhul Soomaaliyeed da’yar aqoon yari baa u gaysay baan oran lahaa laakiin dadka waayo araga ah sidee ku dhacday inay sameeyaan?.”
Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Soomaali inaga cilmi badan dhabtii. ID card ookiyaale lagu galaayo waa ii dhinnaa.”
“Magaalada Babille ma dhul Soomaali leedahay baa? ama waaa dhul Ethiopian ay leedahay waaye,” ayuu yiri Cali Dulmi-diid oo kamid dadka ka fal-celiyay arrintaan.
Maxamed Dangarad: “Sawir ookiyaale wata oo ID card lagu dhajinayo waa ii kow…”
The post Cabdi Xaashi oo si weyn loogu weeraray baraha bulshada kadib markii uu… appeared first on Caasimada Online.

-
Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay ee ku taal magaalada Hague ee ICC ayaa bilowday dhageysiga diidmada Ruushka ee dacwadda ay gudbisay Ukraine kadib duulaankii Ruushka ee sanadkii hore.
Kyiv ayaa ku eedeeyay Moscow inay si been abuur ah u adeegsatay sharci ku saabsan xasuuqa si ay marmarsiiyo ugu hesho weerarada.
-
2 caruura oo da’adoodu u dhaxayso 10 jir iyo 12 jir ayaa ku geeriyooday gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco shalay galabtiiP
Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo ah aabbaha dhalay carruurta ayaa BBC-da uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheeegay in xili guriga laga maqnaa ay gabadh kamid ah caruurtu guriga dab qabadsiisay.
“Anuu waan ka shaqo tagay abaaro 2:00 PM markii ay seexdeen uun bay hooyadoodna xaafad edadeed leedahay u yar wareegtay, caruurtu 5 ayay haayeen, waxay yidhaahdeen inanta dhimatay ayaa leetar ku qabatay barkinta” ayuu yidhi Aabbo Jaamac.
Jaamac waxa uu sheegay in labada caruura ee geeriyooday ay awoodi waayeen in ay naftooda la baxsadaan markii uu dabku qarxay isla markaana ay ahaayeen naafo.
“Labada caruura ee geeriyooday marka horeba naafo ayay ahaayeen oo may socon karayn, inanku 10 jir ayuu ahaa inantuna 12 jir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aabbo Jaamac.
Waxa uu sheegay in jaarku ay kusoo gurmadeen markii uu dabku qarxay, lakiin la damin kari waayay, oo uu burburay dhamaan gurigii, sidaa darteedna lasoo saari kari waayay caruurta naafada ah ee geeriyootay. -
Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Dowladda Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.
1. Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.
2. Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.
3. Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha.
4. Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.
Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa shirka kala qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay khusayso shaqadani, waxaana uu shirku kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.
The post Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo shir gaar ah ku yeeshay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.
Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka argagixisada ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-

Jowhar (Caasimada Online) – Howl-galka Ururka Midowga Afrika ATMIS ayaa haatan bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, waxaana Axaddii shalay talisku wareejiyay saldhigga Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saldhiggan ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka howlgalayay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, wuxuuna ahaa saldhigga ugu weyn ATMIS ee Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale waa saldhig istaraatiiji ah, maadaama uu ku yaalla furinta hore ee difaaca magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle.
Munaasabadda wareejinta saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.
Waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay taliyaha ATMIS ee saldhigga Biy Cadde Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi, kaas oo madasha ka sheegay in wareejintan ay cadeyn u tahay hoggaanka Somalia ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta amniga
“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi,
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “In ay Ciidamada ammaanka Soomaaliyeed oo si xirfad leh u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”
Dhankiisa taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee Saldhigga Biyo Cadde, Saddex Xidigle Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo cadayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo iyo, Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed.
Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka aya waxa ay sidoo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baalayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, iyo haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.
“Iyada oo qayb ka ah hannaanka wareejinta, UNSOS waxa ay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ugu deeqday Ciidamada XDS ee kala wareegaya ATMIS saldhigga. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha SNA si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkan,” ayuu yiri Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.
Si kastaba, dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-da iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-da.

The post Sawirro: ATMIS oo wareejisay saldhigii ugu weynaa ee SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online. -
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.
Shariif ayaa waxaa loo qisaasay dil uu horay ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay ka wada tirsanaayeen militariga taariikhdu markii ay aheyd 11-kii September 2023, kadib markii uu si bareer ah uga dhuftay dhowr xabadood Madaxa.
Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay inuu saaxiibkii u sheegay inuu joojiyo xabado uu si micno darro ah u ridayo, bulshadana uusan qalqal ku abuurin, taas oo keentay inuu toogto, sida ay sheegeen askartii kale iyo marqaatiyaashii lasoo taagay maxkamadda.
Kiiskaan oo ay Maxkamadu la wareegtay ayaa dhageysi dheer kadib iyo qirashada eedeysana waxaa ay keentay in xukun dil lagu rido, Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor oo si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel
Dilka lagu fuliyay askarigaandilka geystay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli askarta ku sugan gudaha magaalada Xarardheere loogu baaqay in ay joojiyaan xabadaha sida micno darrada ah loo ridayo taas oo keeni karta qalqal amni oo bulshada soo wajahda.
Goobjoog News
-
Ciidamada Milatariga Soomaaliya, Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug.
Ciidanka oo saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka sameeyey deegaanno dhaca Waqooyiga Bartamaha iyo Koonfurta gobolka Mudug ayaa la wareegay degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab muddooyinkii dambe.
Ciidanka huwanta ah oo lawareegay magaalooyinka Bacaadweyne iyo Qeycad iyo deegaanka Qodqod ayaa isku fudiyay dhulka dhulka u dhaxeeya Camaara iyo Qodqod, waxaana la sheegayaa in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada Camaara.
Milatariga iyo Daraawiishta Galmudug ayaa Camaara ka wada barista haddii ay macquul tahay in deegaanka lagu xiray Miinooyin.Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka ka socda Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug.
Magaalada Camaara ayaa marin muhiim u ah isku socodka gobolka, waxaana sidoo kale la sheegayaa la wareegay magaalada ay ku wajahan yihiin deegaanka Caad oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Camaara, xilli Al-shabaab laga saaray deegaanno kale.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ku sugan madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, halkaas uu ka wado hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah, waxaana howlgalladu hadda si weyn kaga socdaan gobolka Mudug.
Goobjoog News
-
Mogadishu (HOL) - The Ethiopian government has rejected claims made by the al-Shabab group, stating that it killed 167 Ethiopian troops in an ambush attack in Somalia's southwestern Bakool region early on Sunday.
-

Xarardheere (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybta 21-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku filsay askari ka tirsanaa ciidamada milatariga, kaas oo 16-kii bishaan toogasho lagu xukumay, kadib markii uu dilka gaystay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Askariga maanta xukunka qasaasta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (Jini) kaas oo ay dhowaan xukuntay maxkamadda ciidamada.
Shariif Jini ayaa lagu helay inuu 11-kii September uu degmada Xarardheere ku dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka milatariga.
Sidoo kale, Maxkamadda ayaa maalintaas isna xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysnaa in uu qalqalgelin ka gaystay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ,kaddib markii uu isna riday rasaas xoogan.
Goobta lagu toogtay Shariif Jini ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, mas;uuliyiinta degmada iyo ciidamo goobjoog u ahaa falka toogashada.
Toogashadan oo si deg deg ah loo fuliyay ayaa farriin u direyso ciidamada kale, si ay uga digtoonaadaan inay dhexdooda is dilaan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.
Si kastaba, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa haatan ku sugan furimaha dagaalka iyo deegaannadii dhowaan Al-Shabaab laga qabsaday, si ay ula socdaan fal dambiyeedka ka dhici kara ciidamadaas howlgallada ku jira.
The post Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay Shariif Jini appeared first on Caasimada Online. -

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ay maanta qaadeen dagaal rogaal celis ah oo ay uga jawaabeen weerar ay shalay Al-Shabaab la beegsadeen ciidan Itoobiyaan oo ku sii jeeday degmada Waajid, kaas oo dhaliyay khasaare lixaad leh.
Dagaalka rogaal celiska oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada isbhaysanaya ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay halkaasi.
Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay in howlgalaas oo jawaab ah lagu dilay ugu yaraan 55 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Weerarka lagu dilay xubnahaas ayaa yimid, kaddib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxda Alshabaab, kuwaas oo Axadii shalay weeraray kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalkaas ku dishay illaa 167 askari oo Itoobiyaan ah, isla-markaana ay burburisay baabuur militari.
Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”
“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.
“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”
Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda dhexe.
The post Ciidamada Itoobiya oo dagaal rogaal celis ah ku dilay 55 Shabaab ah appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ayaa gebi ahaanba ka horyimid soo jeedin la xiriirta in aysan dagaal danbe ku qaadin degaannada SSC-Khaatumo.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha bariga Burco iyo degmada Caynaba ayaa u soo jeediyay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin in aysan degaannada beeshooda weerar ka qaadin, si aysan u noqon furin dagaal.
Balse, Biixi iyo Kaahin ayaa iska diiday soojeedinta odayaasha waxaana ay u sheegeen in dhulka furinta noqon doona uu yahay kan SSC islamarkaana dagaalka laga fogayn doono Oog iyo Caynaba.
Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan odayaal kale oo ka soo jeeda beesha bariga Burco, kuwaas oo taageersan abaabulka dagaal ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka wadaan degaannada beeshaasi si ay halkaas uga weeraraan dhulka SSC.
Taliska Muuse Biixi ayaa weli maleeshiyaad hubaysan ku daabulaya degaanka Oog oo ay fadhiyaan firxadka ciidamadii Somaliland ee Gooja-cadde lagu jebiyay.
Korneyl Biixi ayaa isu diyaarinaya in uu duullaan rogaal-celis ah ku qaado degaannada SSC-khaatumo si uu ugu yaraan furin dagaal uga sameeyo gudaha SSC.
PUNTLAND POST
The post Biixi iyo Kaahin oo ku hanjabay in ay furin dagaalka ku celin doonaan dhulka SSC appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Itoobiya ayaa in Askar ka tirsan oo qeyb ka ah lagu dilay Soomaaliya, kadib markii Al-shabaab iyo ciidanka ay ku dagaalameen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bokool, kaas oo sababay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, Al-shabaab ayaa sheegatay in Askar Itoobiyaan ah ay ku dishay dagaalka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur military oo ciidanka ay la haayeen sida lagu sheegay wararka kooxda.
Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware oo la hadlay laanta VOA-da ayaa sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”ay sameeyeen.
“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri. safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.
“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Safiirka ayaa uu sidoo kale diiday bayaanka Al-Shabaab oo ku tilmaamay ciidamada Itoobiya inay yihiin “Saliibiyiin., waxaana uu tilmaamay in ciidankaan ay qeyb ka yihiin taageerada midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya.
“Ma nihin Saliibiyiin; Waxaan halkaas ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa. Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno.”
Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda federalka Soomaaliya oo gacan siiya ciidanka xoogga dalka.
Goobjoog News
-

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay weli howlgallo ka wadaan gobollada dhexe, ayaga oo saacadihii ugu dambeeyay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid tahay Bacaadweyne.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ee shalay qabtay magaalada Bacaadweyne ay sii dhaq-dhaqaaqayaan, waxayna ku wajahan yihiin magaalada kale ee Camaara oo iyana hoostagta magaallo xeebeedka Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan ciidamada ay joogaan deegaan u dhexeeya Bacaadweyne iyo Camaara, ayna doonayaan inay galaan magaalada.
Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Galmudug oo ka socdo guluf ka dhan ah Shabaab.
Sidoo kale, waxaana dagaalkan kusii biiraya ciidamo horleh oo ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo iyo kuwa kale oo kasoo baxay dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi, waxayna ballan qaadeen in aysan dib uga soo bixi doonin.
Howlgalladan ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaad laba bilood fadhiya caasimada Galmudug, si uu dhiirogeliyo ciidanka ku jira dagaalka.
Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.
The post Ciidamada DF oo kaabiga ku haya magaalada Camaara appeared first on Caasimada Online. -
Magaca Buugga: President Aden Abdulla-His Life and LegacyQore: Mohamed Issa TrunjiCadadka: 224 bogAHN Madaxwayne Adan Cabdulle waxaa uu ku jiraa dadka dhifta ah ee taariikhdu sida wacan u maamuustay kuna sharaftay inuu ahaa halyay dalkiisa iyo dadkiisa wixii uu tari karay ka gaystay.Madaxwayne Adan wuxuu ku dhashay tuulada Ceel Qurun oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaa uu la kowsaday xili deegaankiisa ay ku hardamayaan Talyaani iyo daraawiish oo labadaba qolaba qolada kale u tiiriso waxna u yeelayso. 10jir markuu ahaa buu aabihiis la haajiray ilaa ay salka dhigteen magaaladda Xudur.Xudur waxay ahayd bar bilowga nolashiisii dheerayd ee markii danbe ku fariisisay xilka ugu sareeya dalka. Wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu wax isabaro gaar ahaan luqadda Talyaaniga. Wuxuu soo qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ku jirto cunta karin iyo u adeegida saraakiishii Talyaaniga.Ka dib wuxuu u soo wareegay Magalaadda Mogadishu halkaas oo iyana uu ka bilaabay shaqooyin kala nooca ah oo ay ku jirto kalkaalnimo caafimaad (Nurse) ilaa ugu danbayn uu ku biiray ururkii SYL (formerly SYC) gaar ahaan qaybtiisii Beletwayne 1944tii.Madaxwayne Adan wuxuu ka mid noqday xubnihii ugu firfircoonaa ee ururka uguna aqoonta badnaa halkaas oo lagu aaminay xilal kala duwan oo markasta isaga lala soo doonan jiray. Wuxuu ka mid ahaa bud-dhigaayashii xoraynta koonfurta iyo aasaasidii xornimo gaarsiintii (UN Trusteeship) ilaa xornimadii la qaatay koonfur iyo waqooyina midoobeen.Madaxwayne Adan wuxuu aad u aaminsanaa in xilka lagu raadiyo hab demoqraadiya dadkana xaqa loo celiyo. wuxuu ahaa isku haye dhinacyada kala duwan ee siyaasada ku kala aragti duwan. Wuxuu kale oo aaminsanaa nidaamka xisbiyadda badan (multi-party system).1956dii markii dowladdii daakhilayadda la dhisayay wuxuu ku dooday in dowladda laga qayb galiyo xisbiyada mucaaradka ah si ay iyaguna ugu tabo bartaan dowladnimadda dhalantooda qaybna ay ku yeelan doonan.Madaxwayne Adan wuxuu caan ku ahaa labo sifo oo tan koowaad ay tahay inuu mar walba ka sareeyo is haysashada gudaha xisbiga iyo shakhsiyaadka iyo in uu danta waxa uu arko xooga saaro isaga oo aan u eegayn dano gaar ah. Waana taas mida siisay mudnaanta kowaad ee booskasta isaga loola raadsaday waliba isaga oo aan muujin daynayn ama baahi gooni ah.Wuxuu marar badan isaga iyo saaxiibadiis isaga horyimaadeen jihada uu wadanku cagta saarayo iyo in qaybo siyaasiinta kamid ah ay ku mashquulsan yihiin inay xilka ummadda ku raadiyaan musuqmaasuq iyo takrifal awoodeed.Madaxwayne Adan wuxuu saldhig u noqday dhisamaha Jumhuuriyad Soomaaliyeed oo ku dhisan qaab sharci ah iyo kala xadaynta awoodaha dowladeed. Si dhab ah ayuuna u aaminsanaa in Soomaaliya ay danteedku jirto nidaamkaas asxaabta badan. Mudadii uu xilka hayay labo ra’iisul wasaare buu la shaqeeyay oo aad kula duwan dabci ahaan iyo shaqo ahaanba. Cabdirizaq Xaji Xuseen inuu aad ugu qanacsanaa baad moodaa.Inta uu xilka hayay isaga iyo baarlamaanku tiro dhowr jeer ah bay iska horiyimaadeen sababo la xiriira sharciyo uu diidanaa ama ay ahayd in wax ka badal lagu sameeyo. Waxaa ugu mudnayd isagana ku ahayd qaadan waa, waa in xubihii xiligaas mushaar kordhin isku sameeyeen isaguna uu diiday isagoo daliil uga dhigaya in uusan dalku qaadi karin. Laakin cod aqlabiyadleh ay ku marsadeen mushaar kordhintoodi.Dhan kale marka laga istaago, dalku waxaa uu is joogta ah ugu jiray qalalaaso siyaasadeed iyo hardan aan waxba la iskula harin laakin ku dhisan nabad iyo aaraa kala duwanaan. Nuxnuxda iyo xuuraanku waligiisaba cirka buu ahaa iyada oo ay u sii dheertay taag darada dowladda iyo musmuqmaasuq hareeyay.Waxaa kale oo buugga laga akhrisan karaa in Soomaalidu markaas iyo hadaba oo la joogo aysan lahayn siyaasi iyo siyaasad fadhida kana duusha aragti iyo waaqica markaas taagan. Aduunyadii markaas jirtay ee beriga iyo galbeedka baan isku dhex ilownay. Baarlamaanku kan hada jira waxbadan kama duwaynayn oo waxa ay afka ka leeyihiin iyo waxa ay codka ku leeyihiin kala labo bay hayd.Arinta kale ee uu madaxwaynahu sida joogta ah uga walwali jiray waxay ahayd isbadal aysameeyaan ciidamada qalabka sida isagoo tiro dhowr jeer ah General Daud wax ka waydiiyay arintaas. Marna uu saadaaliyayba goortay ahaataba in wadanku mar ciidanku qabsan doonaan hadii dowladdii rayidka ahayd ay sidaas ku socoto. Berigaasna Afrika waxay ahayd afgambi iyo afgambi ka daba dhaca (coup and counter coup). For now, Africa is leading!.Akhyaar badan oo saaxiibadiisa markay ku adkeeyeen inuu isa soo taago, xilkana mar kale isku sharaxo, waxaa uu sharuud uga dhigay in uusan olole galayn baarlamaankana ay u taal inay doortaan qofka ay isleeyihiin dalka waa hogaamin karaa. Waxaa xusid mudan inuu ku qanacsanaa inuu todobo sano joogay meesha hadana loo baahan yahay in qof kale la tijaabiyo. Wuxuu ku cawday in aan afkaartiisa iyo rayigiisa la qadarin sidaas daraadeedna aysan jirin sabab uu booska isku dhajiyo. Sidii caadada ahayd “no campaign no win” baa dhacday isaga oo qanacsana xilka waa baneeyay.Madaxwayne Adan Cabdulle waxa kale ee lagu amaani karo waa inuu lahaa xusuus qor joogta ah oo uu ku kaydin jiray dhacdooyinka maalintaas akhraar iyo macaanba. Waana arin ay kaga dayan karaan siyaasiyiinta maanta joogta iyo kuwa dhalan doonaba. Adan Cabdulle wuxuu ku howl gabay beertiisi iyo danihiisa khaas ahaaneed.Dhanka kale, buugga marka aan u soo noqdo, waa dhiganne si fican loo diyaariyay, luqad fudud lagu qoray, xog fiican xambaarsan dabcan waa xasuus qorkii ugu horeeyay ee laga sameeyay Madaxwayne ku dhawaad 50 sano ka hor xilka ka tagay. Somaali baa halkaas laga akhrisan karaa.Buuggu waa amaan kaliya oo aan biyo ismarin, naqdin ama dhaliil madaxwaynaha loo tiirinayana kuma arag. Macquul maaha hogaamiye muddo 30 sano ku dhow madax ahaa inuu dhaliil la’aan noqdo.Waxaan isleeyahay qoraaggu waa dadaalay waxaase loo baahan yahay dhigane kale oo arimaha qaar dhan kale ka fiiriya. Cidna iskuma diidana in Madaxwayne Adan uu ahaa halyay mar la arag ahaa hadana halyay kasta wuxuu leeyahay meelo uu ka gaabiyay ama awoodi wayay waxka qabashadooda. No perfect man.Si guud markaa u qiimaysid buugga waxaa aad kala dhex baxaysaa musiibada siyaasadeed ee Soomaaliya haysata inay la dhalatay dowladnimadda iyo ka horba.Naxariis waarta ban kuugu duceeyay madaxwayne.Qoraa: Burhan Abdullahi -
Mas’uuliyiin ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku kulmay Taliyaaniga , gaar ahaan magaalada Malta, waxaana ay ka wadahadlayaan arrimo dhowr ah oo ku aadan xiriirka labada dalka iyo arrimo la xiriira Taiwan iyo arrimo la xiriira dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo wadahadal ah kula yeeshay Malta diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha. Aqalka Cad ayaa sheegay in Jake Sullivan iyo Wang Yi ay ka wada hadleen ammaanka, dagaalka Ukraine iyo arrimaha Taiwan.
Washington iyo Beijing labaduba waxay ku tilmaameen kulammada kuwo “wax-ku-ool ah oo waxtar leh.” Sida lagu xusay qoraallo kooban oo labada dhinac ka yimid oo lala wadaagay warbaahinta, kulankaan ayaa ah mid gogolxaar u ah kulamo kale oo dhacaya.
Wadahadallada Malta ayaa imaanaya maalin ka hor iyadoo la filayo in Mr Wang uu gaaro Moscow galinka dambe ee maanta si uu ula kulmo madaxda Ruushka. Isaga oo kala hadli doono sidii loo xakameyn lahaa xiisadda ka dhex jirta Mareykanka iyo Ruushka eek a dhalatay weerarkii Ukrine.
In kasta oo ay xulafo la yihiin Ruushka, Shiinuhu waxa uu mawqif aan mugdi ku jirin ka qaatay dagaalka Ukraine. Waxaana uu ku gacan seeray dadaallada dowladda Ruushka ay ku dooneysay in ay ku qabsato deegaanno ka tirsan Ukraine kuwaas oo Ruushku sheegayo in isagu uu leeyahay.
Goobjoog News













Prof. Dr. Sadia Siad Receives Esteemed Recognition from Somali Leadership Awards
in News - Wararka
Posted
The Somali Leadership Awards proudly recognizes and celebrates the outstanding contributions of Prof. Dr. Sadia Siad, Chancellor of Hano Technical University and Hano Academy. Prof. Dr. Siad has been honored with a prestigious award in recognition of her exceptional dedication to the community.
Source: Hiiraan Online