Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

    Garissa (Caasimada Online) – In the remote Northeast region of Kenya, a troubling surge of violence has emerged, instigating growing concerns of an evolving threat from the Al-Qaeda-linked Islamist militants, Al-Shabab.

    A series of brutal attacks last month, culminating in roadside bombs and grim beheadings, claimed two dozen lives.

    This sudden spurt of violence, directed at seemingly minor targets, signals a potential shift in focus by Al-Shabab, warn experts.

    Amidst this backdrop, it’s worth noting that Kenya has not experienced a significant jihadist assault since 2019.

    Back then, a devastating incident at a Nairobi hotel and adjacent offices led to the death of 21 people.

    However, the recent surge in attacks has induced a palpable sense of fear that the insurgents, allegedly responsible for the attacks, are now setting their sights on Kenya.

    According to estimates, Al-Shabab currently has a force of about 7,000 to 12,000 fighters.

    Recently, they have come under increasing pressure due to a comprehensive counterterrorism operation led by the Somali National Army and US-trained commandos, bolstered by clan militias known as “macawisley.”

    The onslaught on the border

    The militants’ ongoing campaign against the unstable government in Mogadishu for over 15 years has lately seen a spillover along Kenya’s extensive and vulnerable frontier with Somalia.

    Twenty-four people, including 15 security officers, were killed in six separate attacks last month alone.

    In one ferocious assault confirmed by the group, approximately 30 militants targeted two thinly-populated villages in Kenya’s coastal Lamu county on June 24, resulting in the death of five civilians, some of whom were beheaded.

    One resident, Hassan Abdul, recounted the chilling episode: “Women were locked in the houses, and the men ordered out, where they were tied with ropes and butchered.”

    While these remote mainland villages are not tourist hotspots, the gruesome killings act as an ominous message for Kenya, experts suggest.

    Analysts reflect on the Situation

    “The attacks are a way for Al-Shabab to say that despite being under pressure, they still have the firepower and are a force to be reckoned with,” Nicolas Delaunay, International Crisis Group director for East and Southern Africa, told AFP.

    “It could also be a way of warning Kenya has pledged to participate in the Somali government’s offensive against Al-Shabab,” he added.

    Al-Shabab has capitalized on the changes in Kenya’s security leadership following President William Ruto’s election last August, notes Roland Marchal, an Africa specialist at Sciences Po University in Paris.

    Marchal suggests there’s “relative disorganization at the border,” with Al-Shabab taking this as an opportunity to exact “revenge” against Kenya for deploying troops in the rural central and southern parts of Somalia.

    Kenya, already no stranger to Somalia’s long-standing Islamist insurgency, faces an increased threat, especially as the violence threatens to spread into Ethiopia, Africa’s second most populous country.

    Last month, Addis Ababa reported thwarting a jihadist attack in the border town of Dollo.

    While the gains of the Somali offensive have been significant, the “situation remains very fragile,” warns African Union Commission chair Moussa Faki Mahamat.

    Hassan Khannenje, director of The Horn International Institute for Strategic Studies in Nairobi, opines that Al-Shabab is “on the back foot in Somalia.”

    He added, “There is a desire on their part to demonstrate continued relevance and resilience.”

    Kenya’s response: High alert

    Despite a US official dismissing the recent cross-border attacks by Al-Shabab as a “manifestation of desperation” last month, Kenya is not lowering its guard.

    Following several significant attacks in previous years – including the 2013 Westgate shopping center assault, the Garissa University attack two years later, and the Dusit hotel complex attack in 2019, which collectively resulted in hundreds of casualties – Kenya is on high alert.

    Recently, Kenya announced a delay in reopening its long-closed border with Somalia due to the recent surge in attacks.

    Interior Minister Kithure Kindiki stated that the phased reopening would not proceed “until we conclusively deal with the recent spate of terror attacks and cross-border crime.

    Khannenje, offering a final thought, said that the wave of attacks “should serve as a warning” to Kenya. He added, “Vigilance is key.”

    The post From Mogadishu to Nairobi: Al-Shabab’s shift in focus appeared first on Caasimada Online.

  2. Suugaani.jpg?fit=1232%2C1283&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada in Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

    Fanaanka Qamar ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, isaga oo saaka soo gaaray garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

    Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameeysay saraakiisha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in aan la xidhin Qamar Suugaani.

    Qamar ayaa waxaa muddo kooban lagu hubinayay waraaqihiisa garoonka Hargeysa, taasi oo keentay in rakaabkii kale ee isla socdeen uu ka haro.

    Warka sheegaya in la xiray ayaa ka dhashay daahista uu Qamar ku daahay gudaha Garoonka, halka dadkii kale ee flight-ka la wada socdeen ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fanaanka Qamar Suugaani ayaa hadda ka baxay garoonka kadib hubinta uu maray ee la xiriiray document-yadiisa

    Qamar oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib markii uu sheegay in uu sax aheyn oo wax loo qabtay, uuna rabo in deg deg loo geeyo Hargeysa.

    Arrintaasi ayaa dadku si kala duwan uga fal-celiyeen, isaga oo ugu dambeyntiina maanta kasoo degay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

    The post XOG: Maxaa ka jira in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.

  3. Murrashax Cirro oo Bogaadiyay Guusha Fartoon
    Hargeysa(Qaran)-Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hambalyeeyay guusha Faratoon loogu doortay Guddoomiyaha Wakiillada.

    Cabdiraxmaan Cirro qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi
    “ Waxa aan hambalyo & bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo maanta Xildhibaanada Goluhu ugu codeeyaan in uu noqdo Afhayeenka cusub ee Golahaasi yeesho.

    Waxa aan u rejaynayaa isla markaana xasuusinayaa Guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu noqdo mid yeesha hoggaaminta uu ballan-qaaday ee dhexdhexaadnimada iyo Gole isku wad-ka leh.”

    Qaran News


  4. IMG-20230723-WA0001.jpg?fit=720%2C405&ss

    Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

    46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

    Labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

    Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

    Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowladda Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya.

    Waa Kuma Faratoon?

    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

    Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

    Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn.

    Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

    Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.

    Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

    Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

    Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

    Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

    Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

    Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

    Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay.

    Isha: BBC

    The post Waa kuma Faratoon guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.

  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan is xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
    Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
    Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.
    Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.
    362894508_737980925035183_45699224239852
    362912610_737981075035168_26593975684120
    362899860_737980995035176_94067074743399
    362666312_737980961701846_60753307925518
    362906544_737981038368505_37403589254207
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. 362936748_638147148414435_75462636311841

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan ballaaran oo wadatashi ah xalay isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo xasaasi ah.

    Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo labaduba deegaan doorashooda ay tahay Puntland.

    Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaas oo ay ka maqneyd dowlad goboleedka Puntland, maadaama uu weli khilaaf xoogan oo dhanka siyaasiga ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah.

    Sidoo kale Xamza ayaa ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa, maadaama ay weli taagan xiisad u dhexeyo Denio iyo mucaaradka.

    Xildhibaannada labada Aqal ayuu sidoo kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kana shaqeeyaan sidii Puntland loogu soo celi lahaa saaxadda, loona xalin lahaa khilaafka dhexdeeda ka taagan ee ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ku soo socda.

    Dhinaca kale waxaa kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha lagu soo hadal qaada xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi, gaar ahaan dagaalka xoogan ee bilihii u dambeeyay ka socday aagga magaalada Laascaanood.

    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

    Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn uu kulanka kusoo dhammaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in laga wada shaqeeyo danaha guud, sidoo kalena meel la’iska dhigo khilaafaad soo laa laabtay.

    Puntland ayaa ka maqan xeyndaabka dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan, waxayna taas saameyn ku yeelatay xiriirka labada dhinac.

    360157712_638147215081095_89572410743036 360162968_638147181747765_14733349912032 362929726_638147255081091_56574010850504 362930398_638147105081106_63555379580989 362936008_638147298414420_77189778039768 362936748_638147148414435_75462636311841 362948907_638147165081100_80115789816773

    The post Muxuu Xamza kala hadlay xildhibaannada ka soo jeedo Puntland? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  7. FB_IMG_16901012313591675.jpg?resize=720%

    Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashqda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana xilkaas loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kulmiye.

    Faratoon waxaa u codeeyay 46 xildhibaan, halka musharaxii la tartamay Maxamed Khadar Daahir uu helay 35 cod, iyadoo Golaha Wakiillada Somaliland–na ay ka kooban yihiin 82 mudane.

    Xilka loo doortay Yaasiin Faratoon waxaa 11 bishii hore ee June iska casilay Cabdirisaaq Khaliif, oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool oo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu ka socdo dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

    PUNTLAND POST

    The post Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland appeared first on Puntland Post.


  8. puntland-logo.jpg?resize=640%2C350&ssl=1

    Inta badan wasaaradaha Puntland ayaa sida la xaqiijinayo qarka u saaran in ay gebi ahaanba xirmaan kadib markii kharash la’aani ku dhacday.

    Wararka ayaa caddaynaya in wasaaradaha kala duwan ee Puntland aysan wax kharash ah ka helin wasaaradda Maaliyadda tan iyo bilowgii sannadkan.

    Shaqaalaha iyo ciidamada ayaa sidoo kale mushaaar la’aani ku dhacday in ka badan shan bilood sida aan ka xigannay dad xog-ogaal ah.

    Mushaar la’aanta iyo kharashkii hay’daha dowladda oo mudda dheer laga la’yahay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa horseeday in ay istaagaan inta badan hawlihii socday.

    Mashaariicda horumarinta Puntland qaarkood ayaa sidoo kale istaagay kadib markii uu saameeyay khilaafka madaxweyne Deni iyo Villa Somalia oo ku muranaan dano shakhsiyeed.

    PUNTLAND POST

    The post Inta badan wasaaradaha Puntland oo qarka u saaran in ay xirmaan kadib markii kharash la’aan ku dhacday appeared first on Puntland Post.


  9. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) u doortay guddoomiye  cusub, kadib tartan ay wada galeen isaga iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo musharraxiinta kula tartantay kursiga.

    Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) u doortay guddoomiye cusub, kadib tartan ay wada galeen isaga iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo musharraxiinta kula tartantay kursiga.

    Xildhibannada golaha wakiillada ee soo xaadiray fadhiga doorashada ayaa gaarayay 82 mudane, guddoomiyaha cusub ayaa helay 64 cod, halka xildhibaan Cali Xaamud Jibriil uu helay 59 cod, waxaa 3 cod sidoo kale helay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo tartamay.

    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa ka tirsanaa xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuxe Biixi Cabdi, waxaana uu ahaa wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, waxaana lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilkiisa ula wareego.

    Doorashada maanta uu kusoo baxay Fartoon ayaa ahayd mid la filayay, maadaama todobaayadii lasoo dhaafay ay madaxtooyada Somaliland dadaal ay ku bixineysay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
    Guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, ayaa xilkaas isaga tagay kadib markii uu ka dhiidhiyay dagaallada ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
    Goobjoog News

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Faratoon

     

    Maanta, magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday. Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

    46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

    labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

    Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

    Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowladda Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya.

    Waa kuma Yaasiin Xaaji Maxamuud?

    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

    Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

    Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn

    Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

    Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.

    Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

    Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

    Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

    Faratoon oo Taiwan lagu soo dhoweeyay, Bartamihii sannadkii 2020

    XIGASHADA SAWIRKA,TAIWAN

    Qoraalka sawirka,Faratoon oo Taiwan lagu soo dhoweeyay, Bartamihii sannadkii 2020

    Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

    Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

    Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

    Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay.

    Qaran News


  11. Deni.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay dib u bilaabay ololihiisa ku jihaysan furista dastuurka sida ay wararku xaqiijinayaan.

    Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay kulamo kala duwan oo xasaasi ah la yeeshay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

    Xildhibaannada qaarkood ayaa noo xaqiijiyay in madaxweynuhu kala hadlay in ay sii wadaan furista dastuurka si wax ka beddel loogu sameeyo qodoba kamid ah.

    ” Waxa uu naga codsaday in aan sii wadno wax ka beddelka dastuurka waxaana xaqiiqdii ka muuqatay in tallaabadaasi ka go’an tahay” ayuu yiri xildhibaan xalay la kulmay madaxweynaha.

    “Madaxweynaha go’aankiisu waa kii hore waxna kama beddelin waxaa uu naga codsaday in aan guda galno furista dastuurka” ayuu yiri xildhibaan kale oo madaxweynaha la kulmay.

    Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu caawa la kulmo xildhibaannada harsan oo uu kala hadlo furista dastuurka.

    Baarlamanka Puntland ayaa 20 bishii June ee tagtay u codeeyay in la furo dastuurka waxaase tallaabadaasi sababtay dagaalkii ka dhacay Garoowe.

    Taliyaha ciidamada Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah Gen. Jimcaale ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in aysan marna aqbali doonin wixii ay ka dagaallameen.

    Dhinaca kale waxa laga war sugayaa islaan Ciise iyo islaan Bashiir oo ku hawllan xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo dib u bilaabay ololihiisa furista dastuurka Puntland appeared first on Puntland Post.


  12. Waxaa aad u isii taraya carada ka dhalatay falalkii ka dhacay dalka Sweden ee lagula kacay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxaana wadamo badan oo caalamul Islaami ah ka dhacay dibadbaxyo xooggan oo lagu diidan ayahay arrintaan uu ku kacay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraq.

    Dibadbaxyadaan ayaa ka dhacay dalal dhowr ah, kuwaas oo ku jira Jaamacadda Carabta, waxaana dibadbaxii ugu weynaa ee ka dhacay dalka Ciraaq, kaas oo weerar lagu qaaday dhowr safaaradood ay leeyihiin wadamada reer Galbeedka oo yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraq.

    Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa isku dayay in ay xakameeyaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo weerar ku qaaday saafaaradda Sweden ee Baqdaad, iyadoo sidoo kale ay jirto in ciidamadu ay walaac ka qabaan in banaanbaxyadu ay ku faafaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan saafaradaha Shisheeye.

    Ciidamada Ciraaq ayey sabtidii iska horyimaadeen boqolaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran, waxaana lasoo warinayaan in ay gubeen buug aan la sheegin waxa uu ahaa sida laga soo xigtay Booliiska Ciraaq.

    Mudaaharaadyadan ayaa jawaab u ah waxyaabo ay Facebook-ga soo dhigeen Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark, kuwaas oo lagu magacaabo Dansik Patriot, oo ay ka mid ahaayeen muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

    Wadamada Sucuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa siyaabo kale duwan ugu baaqay in dowladda Sweden ay ka fiirsato falalka abuuri kara isnaceyb, waxaana xusid mudan in dalalka qaar looga dhawaaqay diidmada gacansiyada ka yimaada dalka Sweden ee la iibiiyo.

    Dibadbaxyadaan ayaa yimid kadib markii nin u dhashay wadan Ciraaq uu ku kacay fal uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka iyo in sidoo kale mar kale la arkay inuu u bareeray inuu laado Kitaabka, taas oo dhalisay carro ka timid wadamada Islaamka, kuwaas oo dowladda Sweden eedeeyay.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah arrimaha dibadda iyo Seyniska iyo Teknoloojiyadda waddamkaas, ayaa laga daah-furay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

    Daah-furka Barnaamijka muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay labada wasaaraddood iyo sii-hayaha safiirka safaaradda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barta Dalkaas.

    Ugu horeyn, Dr. Maxamed Iqbaal , agaasimaha guud ee Barnaamijka Comsec ayaa sheegay in loo baahan yahay sare u qaadista xiriirka waddamada ku mideysan ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), si xalal waara looga gaaro baahiya markaas taagan.

    Sidoo kale, sii-hayaha safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Bakistan Mudame Shirwac Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo dhinaca Teknoloojiyadda, isagoo agaasinka Comsec uga mahadceliyay daah-furka Barnaamijkan muhiimka u ah Soomaaliya.

    Barnaamijkan ayaa bixin doonna ilaa 10-deeq waxbarasho (chollarship),seminaaro iyo tababaro la xiriira cilmi-baarista seyniska iyo Teknoloojiyadda, kuwaas oo looga faa’ideyn doonna ardayda Soomaaliyeed ee daneyneysa Barnaamijkan.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Maalinka maanta Axad ah lagu  mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC.

    Yaasiin Xuseen Faratoon iyo Cali Xaamud Jibriil ayaa ku tartamaya qabayasha hoggaanka golaha Wakiillada Somaliland, labadaan mas’uul ayaa xilal kale duwan kasoo qabtay Somaliland, waxaana ilaa iyo xalay laga dareemayay magaalada Hargeysa ololaha ay wadaan labada musharax.

    Yaasiin Xuseen Faratoon ayaa waxaa la shegayaa inuu heysto inta badan taageerada xildhibaannada golaha, xilli saacadihii ugu dambeeyay ee xalay ay soo baxayeen in Xildhibaanka la tartamaya uu dhankiisa leeyahay saameyn xooggan isaga oo garab ka helaya xisbiyada mucaaradka ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. HURUUSE.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan hadddii uu jiro xiriir ay dowladda dhexe la leedahay Iran.

    Wasiir Huruuse ayaa marka hore beeniyay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan wax xiriir diblomaasiyasadeed ah laleedahay Iiran.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa uusan jirin wax isku dhowaansho ah oo ku aadan labada dal, maadaama uu horay u go’ay xiriirkooda.

    “Sideedaba safaarad annaga Iran nooga furan iyo xiriir diblomaasiyeed oo aan Iran la leenahay ma jiro, sidaas aawadeed ma lihin diblomaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii xilliga xiriirka go’ay joogayna waan kasoo qaadanay” ayuu yiri wasiir Huruuse.

    Guddiga ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya wax ka weydiiyay inuu jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda, oo mushaar toos ah ka qaata safaaradda dowladda Iran ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    “Waxaa jira sarkaal ku laa laabto Iran, waana sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ninkaas xaaladdiisa ma la socotiin”” ayuu wasiirku weydiiyay xildhibaan Aweys.

    Abshir Huruuse ayaa arrintaas ganafka ku dhuftay, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka hortegi doonto cid kasta oo isku deyda in magaca Soomaaliya u adeegsato dano gaar ah.

    Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii ay jirto cid aan wasaaradda ka tirsaneyn oo xiriir la sameysay dowlad aysan xiriir la laheyn Soomaaliya inay daba-galayaan, isla-markaana haddii la helo laga qaado doono adag oo ku aadan waxa uu sharciga dalka ka qabo.

    “Haddii ay jiraan shaqsiyaad iskood u tega waa wax gaar ah, ma ahan wax ku saleysan janaalka wasaarradda, dowadduna ay ka war qabto. Cid alaala oo arrinta aad sheegeyso ku kacda waa mas’uuliyad inna wada saaray inaynu kula xisaabtameyno oo aan ka daba tegno ” ayuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

    Maalmihii u dambeeyay guddiyada kala duwan ee baarlamaanka ayaa waday qorshe ay kula xisaabtamayaan xubnaha Golaha Wasiirada, si ay wax uga weydiiyaan shaqadooda.

    The post Daawo: Maxaa ka jira in DF ay xiriir la leedahay IRAN? appeared first on Caasimada Online.

  16. 305446682_470708695100275_52314560975301

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay wadahadal ku saabsan arrimaha Badda oo ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya William Ruto oo mar sii horeysay dalka Jabuuti ka sheegay in mar kale ay Soomaaliya kala xaajoo doonaan muranka badda.

    Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa kulan su’aalo weydiin ah ugu yeeray maamulka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana su’aalihii la weydiiyey ku jirtay arrinta badda.

    Danjirihii hore ee Midowga Yurub, Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka mid ahaa guddiga ayaa masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda weydiiyey wax aka jira wadahadal ay garwadeen ka tahay Jabuuti oo Soomaaliya iyo Kenya ay ka gelayaan arrinta badda.

    Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa ka jawaabay su’aashaas, wuxuuna sheegay in hadalka Madaxweyne William Ruto ay la yaabeen maalintaas.

    Wasiir Balcad wuxuu cadeeyey in habayaraatee uusan jirin wadahadal Soomaaliya iyo Kenya ay ka yeelanayaan arrinta badda, sidoo kalena Jabuuti aysan u soo bandhigin dalab noocaas ah.

    Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku dheeraaday sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay ilaalinta badda ayaa sheegay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin kiiskii ay go’aanka ka gaartay maxkamadda ICJ.

    Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu horay maxakamadda u geeyey kiiskaan, hadana aysan suurtagal aheyn inuu gorgortan ka galo markii Soomaaliya loo xukumay kadib.

    “Hadalka uu Ruto ka jeediyey Jabuuti wuxuu ahaa hadal nagu cusub, la yaab ayuu nagu noqday, mana jirto dhexdhaxaadin ay wado Jabuuti, arrinta badda maxkamad ayey ku dhamaatay, intaan ayadoo ka fudud ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u diiday in laga wadahadlo arrinta badda,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: DF oo diiday dalab la xiriira arrinta badda oo kaga yimid madaxweynaha Kenya appeared first on Caasimada Online.

  17. Gedo.png?fit=1455%2C1419&ssl=1

    Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo oo kulan isugu yimaaday ayaa si adag uga hadlay dhibaato ay Kenya ku heyso gobolkaasi, gaar ahaan duqeymaha ay ka fuliso halkaasi, siiba deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

    Suldaan Maxamuud oo kamid waxgaradka Ceel Cadde ayaa ka hadlay dhibaatada ka jirta halkaasi, wuxuuna sheegay in 10 sanno ka badan ay Kenya duqeyneyso degmadaasi, isla-markaana ay waxyeelada ugu badan soo gaarto dadka shacab ah ah ee ku dhaqan Gedo.

    Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya ay Gedo ay ka dhigtay meel ay ku tijaabiso diyaaradaha dagaalka ee ay soo iibsato, sida uu hadalka u dhigay.

    “Dowladda Kenya diyaarado casri ah ayay soo gadataa meel ay ku tijaabiso ayay weysay waxay noqotay marka inay ku tijaabiso gobolka Gedo oo daris la ah. Dhibaatooyinka hadda soo noq noqday oo ay ugu dambeysay degmada Ceel Cadde waad ogtihiin inta dhimashadu gaartay carruur iyo dad da’ ah iyo hantida badan oo burburtay” ayuu Suldaan Maxamuud

    Waxaa kale oo uu Suldaanku ku dhawaaqay in reer Gedo looga baahan yahay inay tashadaan, kadibna ay  iska dhiciyaan Kenya, si looga hortago xadgudubyadeeda.

    “Cabasho miyaan ku jireynaa ilaahey sow rag nagama dhigin inaan iska celino ayaa loo baahan yahay cabasho waxba ma tareyso” ayuu mar kale yiri Suldaanka

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Rag aan is deyno ayuu kuugu daayaa ee idaa kuuguma daayo, Kenya duqeynta waa naga joojin weysay waxaa la rabaa inaan iska dhicino reer Gedow.

    Ugu dambeyn dowladda federaalka ayuu ugu baaqay inat garab istaagto reer Gedo, isla-markaana ay jawaab rasmi ah ka bixiso tallaabooyinka Kenya.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay duqeymo ka dhacay Gedo ay khasaare xoogleh kasoo gaareen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

    The post GEDO oo looga dhawaaqay go’aan ka dhan ah KENYA appeared first on Caasimada Online.