Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,325
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. To: The Rt Hon. British Prime Minister,
    European Union Leadership, African Union Commission, and United Nations Secretary-General

    Subject: Recognizing Somaliland—A Strategic Imperative for Global Security, Energy, and Mineral Independence

    The time has come for the international community, led by Britain’s historic vision, to recognize Somaliland as a sovereign state. This is not merely a matter of justice for a stable, democratic people—it is a strategic necessity for global security, energy resilience, and a rebalanced supply chain free from China’s dominance. I urge you to act decisively.

    Somaliland, self-governing since 1991, stands as an oasis of peace in the volatile Horn of Africa. Its democratic elections, functioning institutions, and control of 850 km of Red Sea coastline contrast sharply with Somalia’s chaos, piracy, and Al-Shabaab insurgency. Recognizing Somaliland bolsters global security by securing a pro-Western ally at a chokepoint of world trade—the Bab el-Mandeb Strait, through which 10% of global oil passes. Britain, with its naval legacy and post-Brexit African focus, should lead this charge, rallying the EU, AU, and UN to preempt regional crises that threaten us all.

    Beyond stability, Somaliland offers untapped renewable energy potential critical to the West’s green transition. Its arid highlands boast some of the world’s highest solar irradiance levels (up to 6.5 kWh/m²/day) and wind speeds averaging 8-10 m/s along its coast—ideal for gigawatt-scale projects. Feasibility studies suggest it could export clean energy via Ethiopia or power desalination for regional food security. This is an alternative to fossil fuel dependence and a bulwark against energy insecurity, amplified by conflicts like Ukraine. The EU’s climate goals and Britain’s net-zero pledge demand such bold diversification.

    Equally vital are Somaliland’s strategic minerals. Geological surveys hint at deposits of rare earths, lithium, and cobalt—resources China currently monopolizes (60-80% of global supply). Berbera port, modernized with UAE investment, positions Somaliland to bypass Beijing’s chokehold, offering the West a reliable partner for battery metals and tech supply chains. The AU’s hesitance on secession must yield to this reality: Somaliland’s colonial borders and de facto statehood make it a unique case, not a Pandora’s box.

    To the British PM: Your Balfour Declaration legacy calls you to shape nations anew—Somaliland is that opportunity.

    To the EU: Your energy and industrial future hinges on such allies.

    To the AU: Stability, not dogma, should guide Africa’s rise.

    To the UN: Self-determination and peace demand this recognition.

    Act now—convene a coalition, upgrade diplomatic ties, and table a UN resolution. Somaliland’s recognition is not charity; it’s a strategic win for a world at a tipping point.

    HRH King Désiré-Joseph Mugisha
    @UmuhaMugisha

    Qaran News


  2. Polish_20250401_192422212.jpg?resize=720

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa galabta dadweynaha Caasimada Garoowe kala qayb galay banbax ay Shacabku munaasabadda Ciidul-fitriga darteed ku taageerayaan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Puntland ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, kuwaasi oo hadda Argagixisada Daacish ka sifeynaya buuralayda Calmiskaad.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo la hadlay shacabweynaha oo isugu soo baxay garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Stadium, wuxuu ku boggaadiyey garab istaaga ay u muujinayaan Ciidanka iyo doorka ay ka qaateen hawlgalka, isagoo ugu baaqay in ay halkaasi kasii wadaan taageerada maadaama weli hawlgalku socdo.

    Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda Dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimada Garoowe.

    Halkaan ka eeg Sawirada

    FB_IMG_1743522827874-2.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1743522943492.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522897245.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1743522831342.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522892694.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1743522870337.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522824059.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522851383.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1743522866586.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522839612.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743522827874-1.jpg?resize=720%2C

    PUNTLAND POST

    The post Banbax lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland oo maanta Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilowday dagaalka kooxaha argagixisada, waxaa soo baxaysay in dowlad goboleedyada qaarkood uusan dhab ka aheyn dagaalka, amase ay caqabad ku yihiin in kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab laga ciribtiro dalka.

    Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo ku sugan yahay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay jiraan maamul goboleedyo aan si buuxda uga qeyb qaadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Isagoo la hadlaya boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayuu Taliye Xasan Ciraaqi shaaca ka qaaday in maamulladan aysan dooneyn in laga ciribtiro maleeshiyadka Shabaab dalka.

    “Waxaa jira maamul goboleedyo aan qeyb ka ahayn dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo raba in ay guuleystaan. Waa arrin la ogyahay, mana ahan wax la dhageysan karo. Shacabka Soomaaliyeed go’aan bay qaateen, go’aankaasina waa mid lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha.

    Inkasta oo uusan taliyuhu magacaabin maamul goboleedyada uu ku eedeeyey in aysan dooneyn in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu tilmaamay in maamullada aysan dooneyn in laga adkaado Shabaab.

    Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay in howlg-allada sii socon doonaan, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay garab istaagaan Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay taageeraan dadaallada dowladda ee la-dagaalanka Al-Shabaab.

    Ugu dambeyntiina, Taliye Xasan Ciraaqi ayaa bogaadiyay guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka Shabaab uu sii socon doono ilaa guul buuxda laga gaarayo.


  4. Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku sugan Soomaaliya ayaa maanta si deg deg ah ugu soo degtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cilad ku timid qalabkii ay u adeegsan lahayd degidda.

    Diyaaraddan oo uu maamulo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ku guda jirtay duulimaadkeedii caadiga ahaa ee Muqdisho ilaa Baydhabo markii shaqaalihii la socday ay ogaadeen cilad ka hor istaagtay in taayarradii ay ku degi lahayd diyaaraddu ay si sax ah u shaqeyn waayeen.

    Duuliyayaasha ayaa isla markiiba diyaaradda dib ugu soo celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee caasimadda si ay si bedqab leh ay wax ugaga qabtaan arrinta.

    Marka laga reebo hal qof oo rakaab ah oo la sheegay in uu dhaawac fudud soo gaaray intii ay socotay hawshii rakaabka looga soosaarayey diyaaraadda, dhammaan rakaabka kale iyo shaqaalaha ayaan wax dhib ah ka soo gaarin.

    Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay bogaadineysay sida degdegga ah ee xirfadaysan ee ay shaqaalaha diyaaradda iyo hawlwadeennada iyo adeegyada xaaladaha degdegga ah ee garoonka ay wax uga qabteen xaaladda, kuwaas oo uu diyaar-garowgooda iyo taageeradooda ay xaqiijiyeen in si habsami leh ay xaaladda u maareeyaan.

    “Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhaxeeya UNSOS iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee suurageliyay wax-ka-qabashadan wax-ku-oolka ah,” ayay tiri Madaxa UNSOS, Kaaliyaha Xoghayaha Guud Aisa Kirabo Kacyira.

    Source: goobjoog.com


  5. Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa ka jawaabay baaqii uu dhawaan diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo gogol wadatashi ugu fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo saamileyd siyaasadda.

    Xasan Abgaal ayaa marka hore si buuxda u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo helo talo midaysan oo dalka lagu hago marxaladdan xasaasiga ah.

    “Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda,” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee isdiidan inay u istaagaan danta guud, ayna madaxda qaranka ku garab istaagaan dagaalka kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda iyo dowladnimo sal adag leh.

    “Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada,” ayuu yiri Xasan Abgaal.

    Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

    Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

    Tallaabadan geesinimada leh waa astaanta hoggaan masuul ah, kana tarjumaysa rabitaan dhab ah oo lagu xoojinayo midnimada shacabka Soomaaliyeed, lana dardargelinayo hanaanka dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.

    Waa fursad taariikhi ah oo aan la dayici karin, si wadajir looga hortago dhibaatooyinka dib-u-dhigay horumarka ummadda Soomaaliyeed.

    Waxaan si xushmad leh ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan danta guud, ayna garab istaagaan Madaxda Qaranka, si loo suuliyo khatarta Khawaarijta, loona xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda, iyo dowladnimo sal adag leh. Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada.

    Sidoo kale, waxaan ku dhiirrigelinayaa in aan dhigno aasaas adag oo ku saleysan midnimo, wadajir iyo is-aaminaad, si aan u dhisno mustaqbal Soomaaliyeed oo barwaaqo ah, ka foga khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadiyey horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

    Ugu dambayn, guusha dhabta ah waxay u sugnaatay shacabka Soomaaliyeed ee si mideysan ugu istaagay difaaca qarannimadooda, islamarkaana garab taagan Ciidamada Qalabka Sida ee naf-hurnimada ugu jira xoraynta dhulka iyo ilaalinta karaamada qaranka.

    Soomaaliya ha noolaato! Horumar ha lagu gaadho midnimo, xasillooni iyo dowladnimo waarta!


  6. FB_IMG_1743512238326.jpg?resize=720%2C40

    Duqeymo is xigay oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan firxadkii ka baxsaday mileeshiyaadka Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii togga Jeceel.

    Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa soo sheegay in ay maqleen dhawaqa duqeyn xooggan oo duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale, kuwaasi oo lagu beegsaday mileeshiyaad firxad ah oo kamida argagixisadii jabtay ee Daacish.

    Goob-joogayaal ku sugan degaanno ka baxsan Miraale ayaa sidoo kale soo tebiyay in ay maqleen jug culus oo xiriir ah islamarkaana arkeen qiiq iyo uuro madow oo samada isku shareeray kaddib markii duqeymo is xiga lagu garaacay ceelka Miraale iyo nawaaxigiisa balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama hayo khasaaraha gaaray argagixisada.

    Dowladda Mareykanka oo dhawaanahan sare u qaadday duqeymaha ay ka fulinayso buuraha Calmiskaad ayaa sida wararku sheegayaan fulisay duqeymaha maanta ka dhacay togga Miraale, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay haleeleen bartilmaameedyo sugan.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland: Mareykanka oo maanta duqeymo xooggan ku garaacay ceelka Miraale oo ay ku dhuumanayaan firxadkii kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.


  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan xuduudka u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa kasii dartay, iyada oo xaaladdu isu beddeshay mid ay ku lug leeyihiin afduubyo lala beegsanayo dadka rayidka ah.

    Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Somaliland ay degaanka Bohol ku qafaasheen dad rayid ah oo ka soo jeeda degmada Xuddun, kuwaasoo hadda lagu hayo magaalada Burco.

    Jawaab ahaan, maleeshiyaad kale oo taageersan SSC-Khaatumo ayaa iyaguna qafaashay dad u dhashay Somaliland, taasoo sii hurisay xiisadda colaadeed ee labada dhinac.

    Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo jiidda hore ee dagaalka ayaa muujinaya diyaar-garow dagaal, iyadoo Somaliland ay xoojinayso ciidamada ku sugan furimaha hore.

    Dagaalka labada dhinac ayaa dib u qarxay horraantii bishii hore, xilli ay xukuumadda Somaliland deegaanno ka tirsan Sool ka wadday qorshe lagu qaramaynayo maleeshiyo beeleedyada SSB iyo G36, kuwaasoo samaysmay xilligii ay colaadaha joogtada ahi ka taagnaayeen deegaannadaas.

    Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay wada-hadal ku wajahayso arrinta gobolka Sool, oo haatan ay maamusho SSC, haddana marnaba ma joojin abaabulka ay ka waddo jiidda hore.

    SSC ayaa dhankeeda xaqiijisay in dagaalka ay kula jirto Somaliland uu sii socon doono, iyadoo hoggaamiyaha maamulka KMG ah uu xusay in Ceerigaabo muhiim u tahay maamulkiisa, halkaasi oo bishii na dhaaftay uu ku sugnaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

    Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa dab kusii shidaya xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, taasoo caqabad ku noqon karta dadaallada nabadeed ee xal loogu raadinayo colaadda.


  8. Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 (DH8D) oo ay leedahay UNSOS ayaa la kulantay cillad farsamo oo la xiriirta taayirka hore kadib markii ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde 11:16 waqtiga maxalliga ah, iyada oo u socotay magaalada Baydhabo.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), duuliyeyaasha diyaaradda ayaa dareemay cillada, taasoo keentay in ay go’aansadaan inay dib ugu soo laabtaan garoonka Muqdisho.

    “Kadib markii ay ogaadeen arrinta, shaqaalaha duulimaadka waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho iyaga oo raacaya hab-raacyada badbaadada,” ayaa lagu yiri bayaanka SCAA.

    Diyaaradda ayaa si badbaado leh ugu soo degatay garoonka Aden Cadde iyada oo aanay taayiradeedu shaqaynin, taasoo loo yaqaan ‘belly landing’, waxaana la xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadan.

    Sida laga soo xigtay SCAA, “diyaaraddu waxay si ammaan ah ugu soo degtay garoonka 13:28 waqtiga maxalliga ah, mana jiraan wax dhaawacyo ah, halka khasaarihuna uu yahay mid aad u yar.”

    Mas’uuliyiinta garoonka ayaa ku howlan ka saarista diyaaradda laamiga si howlihii duulimaadyadu caadi ugu soo noqdaan saddexda saacadood ee soo socda.

    Source: goobjoog.com


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Maanshiil oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweysay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ku aadanaa qabashada shir qaran oo wada-tasho ah.

    Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in gogosha uu dhigay madaxweynaha ay kusoo aaday xilli muhiim ah, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro.

    “Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Maanshiil.

    Sidoo kale waxa ay madashu intaasi ku dartay in baaqa madaxweynaha ay u aragto inuu yahay tallaabo boggaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha kale ee ka jira dalka, sida dagaalka Al-Shabaab.

    Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sidoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.

    Waxaa kale oo ay tilmaameen in arrintan ay abuureyso rajo yadadiilo u leh shacabka Soomaaliyeed, loogana gudbi karo caqabadaha gudaha ee haatan jira.

    Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu dhawaan jeediyey ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.

    Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.”

    Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

    Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.

    202541638790780524251263.jpg?resize=660%


  10. Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay (QM) ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xilli ay ku soo degeysay.

    Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda ay kasoo laabatay magaalada Baydhabo, islamarkaana siday 17 shaqaalle ah.

    Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee garoonka, shilku wuxuu ka dhacay iyadoo diyaaradda ay soo degeysay, laakiin si wanaagsan ayaa loo xakameeyay.

    Waxa la sheegay in shilkan uusan sababin wax khasaare ah, waxaana laga hortagay in waxyeelo ka dhalato.

    Shaqaalaha garoonka iyo ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u dhaqaaqay, waxaana diyaaradda si nabad ah loogu daad-gureeyay, iyadoo aanay jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay shilka.

    Saraakiisha amniga ee garoonka ayaa xaqiijiyay in xaaladda ay tahay mid degan.

    Source: goobjoog.com


  11. Nairobi (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

    Cabdirashiid Duqa oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa marka hore soo dhaweeyay shirka wadatashiga ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, waxaase uu tilmaamay in madaxtooyada looga fadhiyo inay caddeyso goorta la qabanayo, cidda ka qayb-galeyso iyo ajendaha guud ee shirka wadatashiga ah.

    Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in weli aanu caasuumaad ramis ah soo gaarin dhankooda, ayna jawaab ka sugayaan kooxda Villa Soomaaliya.

    “Madaxtooyadu marka ay ku baaqeyso shir qaran oo noocaan oo kale ah waxaa jira tallaabooyin is xig-xiga oo loogu gogol xaarayo sidii shirkaas looga dhabeyn lahaa arrimahaasna weli may dhicin waxaa kamid ah in uu soo baxo bayaan lagu caddeeyo goorta, goobta iyo cidda kasoo qayb-galeyso” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

    Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Marka inta aynan is waydiin Madaxweyne Farmaajo ma ka qayb-galayaa mise kama qayb-galayo waxaa ka horreysa in horta madaxtooyada ay Process-ka ay dhammeystirto oo casuumaadda ay qolo walba u dirto, marka weli casuumaad nama soo gaarin”.

    Dhanka kale, wxuuu ka hadlay xiisadda dhex oogan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, isagoo ku taliyay in madaxweynuhu doono madaxda maqan.

    “Haddii ay taagan tahay car iyo wir oo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood loo jaray waaran soo qabasho ah marka ay halkaas taagan tahay runta la’isku sheegayaa, shirkan waxaa muhiimaddiisu ay tahay in talo wadaag la yeesho, waxaana la rabaa in madaxweynaha uu doono madaxda maqan” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid.

    Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka oo uo u tilmaamay in hal dhinac laga raray, sida uu hadala u dhigay.

    “Qaabka doorashooyinka loo galayo, guddiga ka shaqeynaya iyo dastuurka waxaas oo dhan waxaad moodaa inuu yahay Process uu keligiis isku koobay madaxweynuhu, dowladihii xubnaha ka ahaa DFS qayb kama ah, waxayna ahayd in shaqada la’isla wado” ayuukusii daray.

    Farmaajo oo horay bayaan usoo saaray ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.”

    “Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ““Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,”.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Boolis Milataaro Gaashaanle Aadan Jeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo ay uga dhinten askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xasilinta ee loo xilsaaray amniga guud ee caasimada.

    Aadan Jeelle ayaa xaqiijiyey in intii ay ku guda jireen howlgalladii lagu sugay amniga bishii Ramaadaan ay ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsanaa Boolis Milataaro, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku shahiideen howlgallo ay fuliyeen.

    Taliyuhu ma shaacin tirada askarta iyo saraakiisha ka dhintay oo uu Alle uga baryay inuu u naxariisto, kana waraabiyo Jannadii Fardowso.

    “Bishii Ramadaan gudaheeda intii aan ku guda jirnay ciidana way naga shahiideen, saraakiilna way naga shahiideen, iyada oo weliba ay tahay bil Ramadaan ay Sooman yihiin, waxa ay u dagaalamayeena waxa ay ahayd badqabka shacabka” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu raaciyay “Aan u duceyno, iyaga oo Sooman ayay shahiideen, Ilaahey ha u naxariisto, Jannadii Fardowso Alle haka waraabiyo”.

    Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in guul wayn ay ka gaareen howlgallada ay sameeyeen, isla markaana ay si nabad ah ku soomeen dadka Soomaaliyeed, kuna fureen, maadaama haatan loo dabaal-degayo munaasabadda Ciidul-Fitriga.

    “30-kii cisho ee lasoo dhaafay qof naga mid ah oo hurday ma jiro, saacad kasta ayaan soo jeednay, xilli kasta ayaan u diyaarsaneen waajibaadka iyo xaalad kasta oo soo kororta, runtii waana ku guuleysanay maanta dadka Soomaaliyeed si nabad ah ayay ku Soomeen,Ilaahey ayaa mahadaa iska leh” ayuu mar kale yiri Taliye Aadan Jeelle.

    Waxaa kale oo uu farriin culus u diray reer Muqdisho, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah nabad-geylada.

    Muqdisho ayaa haatan ka nasatay weeraradii qaraxyada ahaa iyo dilalkii ay ka gaysan jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana ay ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe.

    Howlgallo is daba joog ah ayaa inta badan ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwa Xasilinta iyo Nabad-sugidda ay ka sameeyeen caasimada iyo nawaaxigeeda.


  13. Ciidamada Difaaca Deegaanka ee degmada Mahadaay ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo qaar toogtay halka kuwo kalena ay nolosha ku qabteen.

    Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa dagaal culus kadib gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin lix qori oo nooca AK-47 ah, mooto, gaari, iyo maxaabiis nool.

    Maydadka xubnihii la dilay ayaa wali yaalla goobta dagaalka.

    Kooxda ayaa la sheegay in ay marayeen meel u dhow degmada Mahadaay.

    Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda iyo ciidamada deegaanka ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Source: goobjoog.com


  14. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Isniintii inuu qorshaynayo booqasho uu ku tagayo Sacuudi Carabiya horaanta bisha May, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddadiisa labaad ee xilka madaxweynaha.

    Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu halkaas ku saxiixo heshiis maalgashi oo weyn, iyadoo sidoo kale uu kadib booqan doono dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

    “Waxaa laga yaabaa inay noqoto bisha soo socota ama inyar kadib,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta isagoo ku sugan Xafiiska Oval ee Aqalka Cad.

    Afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrinkan ayaa sheegay in bartamaha bisha May loo asteeyay waqtiga safarka. Trump ayaa horey u booqday Sacuudiga iyo Israa’iil, isagoo ka dhigay dalalkii ugu horreeyay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ee muddo xileedkiisa koowaad ee sannadkii 2017.

    Trump ayaa mar kale ku celiyay hadallo uu sheegay bilowgii Maarso, isagoo xusay in ujeedka safarkiisa Sacuudiga uu yahay in la saxiixo heshiis lagu maalgashanayo dhaqaalaha Maraykanka, kaas oo gaaraya ilaa $1 tirilyan oo doollar, oo ay ku jiraan iibka qalabka militariga.

    Waxa kale oo uu intaa ku daray in heshiisyo noocaan oo kale ah lala saxiixi doono Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

    “Shaqooyin badan ayaa la abuuri doonaa labadaas ama saddexdaas maalmood gudaheed,” ayuu yiri Trump, inkastoo madaxweynuhu uusan faah-faahin gaar ah ka bixin heshiisyadan.

    Arrimaha kale ee laga yaabo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah dagaalka saddex sano jirsaday ee Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dagaalka hadda ka socda Gaza, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

    Sacuudi Carabiya ayaa door muhiim ah ka ciyaartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, iyadoo martigelisay wadahadalladii lagu raadinayay xabbad-joojinta ee Ruushka iyo Ukraine.

    “Fursadda safarada caalamiga ah ee madaxweynaha waa arrin hadda laga baaraan-degayo. Weli qorshe rasmi ah lama diyaarin, waxaana faahfaahin dheeraad ah la bixin doonaa marka si rasmi ah loo soo saaro,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ka hor hadalka Trump.

    Toddobaadkii hore, Trump ayaa ballanqaaday inuu dalal dheeraad ah ku dari doono Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo ahaa heshiisyo lagu caadiyeeyay xiriirka Israa’iil iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka, kuwaas oo uu maamulkiisii hore soo abaabulay.

    Trump ayaa sheegay in dalal badan ay xiisaynayaan inay ku biiraan heshiisyadaasi. Aqalka Cad ayaa si gaar ah u tilmaamay Sacuudi Carabiya inay noqon karto dal ku soo biira heshiisyadan, balse Sacuudiga wuxuu marar abdan sheegay in aanu geli doonin heshiis Israel ilaa laga ogolaado dal ay yeeshaan Falastiiniyiinta.


  15. FB_IMG_1743495126258.jpg?resize=720%2C54

    Xiisadda colaadeed ee ka taagan xuduudka Somaliland iyo SSC-khaatumo ayaa weji horleh gashay, kaddib markii ciidamada labada dhinac bilaabeen in ay afduubtaan dadka rayidka ah ee ka soo kala jeeda beelaha deriska ah.

    Ciidamo beeleed ka tirsan Somaliland oo ku sugan degaanka Bohol ee gobolka Sool ayaa shalay qafaashay dad rayid ah oo ka soo jeeda dhinaca degmada Xuddun ee gobolka Sool oo hayb ahaan u dhashay beelaha SSC-khaatumo, kuwaasi oo haatan ku afduuban magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

    Sidoo kale, ciidamo beeleed ka soo jeeda SSC-khaatumo oo ka jawaabaya afduubkii hore ayaa dhankooda qafaashay dad rayid ah oo u dhashay Somaliland, taasi oo muujinaysa in colaadda labada dhinac isu rogtay colaad qabiil oo saamaysay beelaha deriska ah ee wada deggan.

    Dhinaca kale, furimaha dagaalka oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee Somaliland iyo kuwa SSC-khaatumo ayaa laga soo sheegaya diyaar garow dagaal oo waayadan socda, kaddib markii Somaliland bilowday in ay ciidamo ku soo daabusho jiidda.

    PUNTLAND POST

    The post Xiisadda colaadeed ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo cagaha la gashay afduub qabiilaysan appeared first on Puntland Post.


  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taliyaha Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Gaashaanle Xasan Ciraaqi u dirtay Galmudug, si uu halkaas uga bilaabo abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

    Xasan Ciraaqi oo hadda ku sugan magaalada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug ayaa wada qorshe culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

    Sidoo kale, taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan Galmudug ay ka bilaabayaan howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si looga xoreeyo deegaannada ay ka haystaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Taliyha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sidoo kale farrriin u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay taageeraan dagaalka scoda.

    “Siyaasiyiinta haddey doonayaan in ay dalka ka taliyaan waa in dowladda ku taageeraan dagaalka adag ee lagula jiro kooxaha Nabad-diidka ” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi.

    Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa jirto maamul goboleedyo runtii aan qeyb ka aheyn dagaalka khawaarijta oo raba in ay khawaarijta guuleysto, taana waan ognahay, wax la dhageysan karo ma ahan, ummada Soomaaliyeed go’aan bay qaadatay, go’aankaasina waa socdaa, waana mid cadawga Kawaarijta ah looga ciribtiraayo dalka”.

    Waxaa sidoo kale qorshahan qayb ka ah Daraawiista Galmudug iyo ciidamada deegaanka oo iyaguna abaabulka wax ka wada, si looga hortego argagixisada.

    Dhinacyadan kala duwan ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah ka wada demada Wisil, kuwaas oo looga hadlayo diyaar garowga howlgallada ka bilaabanayo halkaasi.

    Horay Xasan Ciraaqi ayaa uga qayb-qaatay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo ku sugnaa aagga degmada Aadan Yabaal, waxaana hadda loo sii wareejiyay deegaannada Galmudug oo laga bilaabayo howlgallo kale.

    Waxaa kale oo sarkaalkan lagu xasuustaa inuu hoggaaminayay ciidamadii ay horay dowladdu ugu daabushay deegaannada Jubbaland, gaar ahaan aagga Raaskambooni, kuwaas oo dagaal la galay ciidamada uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kadibna lasoo jabiyay, taas oo keentay in qaar kamid ah ciidanka Soomaaliyeed ay galaan dalka Kenya.

    Si kastaba, ha’ahaatee, maaalmihii la soo dhaafay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan ayaa waday qorshayaal lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo tegay furimaha hore ee dagaalka ee HirShabelle.


  17. Mareykanka oo gantaallo iyo qalabka difaaca hawada ku daabulaya dal deris la ah Iran

    Diyaaradaha dagaalka ee militariga Mareykanka ayaa qalabka difaaca hawada Patriot iyo gantaallo casri ah ku daabulaya saldhiga ciidamada cirka ee Isa ee Bahrain, kaas oo 100 mayl keliya u jira dalka Iran.

    Hubkan ayaa laga soo raray Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna Mareykanku isku diyaarinaya dagaal buuxa oo ka dhan ah Tehran sida ay xeeldheerayaasha iyo falanqeeyaasha arrimaha militarigu tilmaamayaan.

    Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Trump uu saacado ka hor sheegay inuu duqeyn doono Iran haddii ay oggolaan wayso heshiis ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka, balse Tehran ayaa wacad ku martay inay si adag isku difaaci doonto.

    Source: goobjoog.com


  18. 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗟𝗲𝗴𝗶𝘁𝗶𝗺𝗮𝗰𝘆 𝘃𝘀. 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂’𝘀 𝗣𝗼𝗹𝗶𝘁𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗗𝗲𝘀𝗽𝗲𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻

    The political landscape in the Horn of Africa is once again witnessing Somalia’s desperate attempts to rewrite history, this time through a leaked letter from President Hassan Sheikh Mohamud to the U.S. government. In his misguided appeal, Hassan absurdly claimed authority over Berbera, a city firmly under the governance of Somaliland since its independence in 1991. This latest move is not only a diplomatic embarrassment but also a clear reflection of Mogadishu’s crumbling legitimacy.

    While Somalia’s leadership continues to fumble in political confusion, Somaliland remains an undeniable reality—peaceful, democratic, and economically ambitious. The world cannot ignore this contrast. While Mogadishu struggles to maintain control over its own capital, Somaliland has built a stable and functional government, holding democratic elections and forming strategic partnerships with regional and global powers.

    For more than three decades, Somaliland has stood as a beacon of stability in a volatile region. Unlike Somalia, which has been marred by internal conflict, terrorist insurgencies, and political corruption, Somaliland has maintained peace, held multiple democratic elections, and fostered economic growth. These facts are irrefutable, no matter how much Mogadishu tries to distort them.

    President Hassan Sheikh Mohamud’s letter to Washington reads like a desperate plea for relevance. By attempting to insert Somalia into a discussion about Somaliland’s strategic Berbera Port, Mogadishu exposes its own weakness. The reality is clear: Somaliland does not answer to Somalia. It never will.

    Somalia’s leadership has consistently failed to provide basic governance to its people, let alone exert control over a region that voluntarily withdrew from their failed union over 30 years ago. While Hassan Mohamud clings to outdated narratives, Somaliland is engaging directly with international partners, securing investments, and positioning itself as a key player in regional stability.

    Even in the face of Mogadishu’s fabrications, Somaliland has remained focused on development. Its successful management of the Berbera Port, in collaboration with DP World and Ethiopia, is a testament to its capability. This economic lifeline is critical not only for the Horn of Africa but for global maritime trade passing through the Red Sea. While Somalia continues to struggle with insecurity, piracy, and terrorist threats, Somaliland has ensured the safe passage of goods and maintained stability along one of the world’s most crucial trade routes. This alone should be enough for global powers to recognize the stark contrast between Somaliland’s governance and Somalia’s dysfunction.

    Yet, Somalia persists in its attempts to undermine Somaliland’s independence through baseless diplomatic maneuvering. Hassan Sheikh Mohamud’s administration, rather than addressing its own internal crises, has resorted to fabricating claims over territories it neither controls nor has any influence over. This is not just a matter of political posturing—it is a deliberate attempt to mislead the international community. The question remains: how can a government that cannot secure its own streets claim sovereignty over a nation that has functioned independently for over three decades?

    Somaliland’s case for international recognition is stronger than ever. It has proven itself to be a responsible and capable state, one that respects democratic principles, upholds security, and actively contributes to regional stability. In contrast, Somalia continues to rely on foreign troops to maintain order within its own borders, with its government struggling to assert control beyond a few city blocks in Mogadishu. The international community must recognize this for what it is—political theater meant to distract from Somalia’s internal chaos.

    Mogadishu’s continued attempts to interfere in Somaliland’s affairs serve no purpose other than to delay the inevitable. The fact remains that Somaliland is not, and never has been, under Mogadishu’s rule since 1991. No amount of diplomatic deception can change that reality. The time has come for the world to stop entertaining Somalia’s false claims and start acknowledging the truth: Somaliland is a sovereign nation, with or without formal recognition.

    The international community has long engaged with Somaliland on security cooperation, economic development, and trade partnerships. The United States, the United Kingdom, and the European Union have all worked with Somaliland on counterterrorism efforts, infrastructure development, and humanitarian aid. This tacit acknowledgment of Somaliland’s legitimacy makes Mogadishu’s fabricated claims even more absurd. If Somaliland is good enough to be a security and trade partner, why is it not good enough to be recognized as an independent nation?

    Somalia’s desperation is evident, and Hassan Sheikh Mohamud’s letter is only a desperate cry from a regime that has lost its grip on reality. No credible government in the world takes Mogadishu’s claims seriously, yet Somalia continues to waste its diplomatic efforts on a lost cause. Instead of addressing its internal governance failures, economic struggles, and growing security threats, it fixates on Somaliland—a nation that has already moved on.

    A final message to Mogadishu: Somaliland’s independence is not up for negotiation. Its people have spoken, its government is functional, and its future does not include being dragged back into Somalia’s chaos. The international community must see Somalia’s desperate tactics for what they are—a last-ditch effort to remain relevant in a geopolitical landscape that has already passed it by. Somaliland’s legitimacy stands firm, unshaken by Mogadishu’s hollow rhetoric. The time for recognition is now.

    Abdi Halim M. Musa
    Political Analyst and Former Deputy Minister of Commerce, Rep. of Somaliland
    E-mail: halimusa4@gmail.com 

    Qaran News


  19. Xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan sheegay inuu gogol wada-tashi ku martigelinayo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo waxgaradka bulshada ayaa waxaa arrintaas si weyn u soo dhoweeyay saamilayda siyaasadda iyo jilaayaasha aan dowliga ahayn.

    Ka falcelin gogoshan oo midaysay mucaaradka iyo muxaafidka labada ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiinta saameynta leh ee ka aragtida duwan Xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada, iyo waxgaradka bulshada.

    Dhammaan dadkii ka hadlay gogoshan ayaa tilmaamay in mar hore loo baahnaa in tillaabadan uu madaxweynuhu qaado, waxayna tilmaameen inay laga-maarmaantahay in loo midoobo halista uu dalku wajahayo iyo dagaalka Alshabaab.

    Si kastaba ha ahaatee gogoshan oo ku dhawaaqiddeeda si weyn loogu bogaadiyay madaxweynaha ayaa dowladda lagu sugayaa shaacinta xilliga ay qabsoomi doonto iyo cidda ka qeybgalaysa, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa qodobada wada-tashiga u baahan.

    Source: goobjoog.com