Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool xaafadda Bangala ee degmada Deyniile ayaa saakay la kulmay dhacdo argagax leh, kadib markii ay arkeen nin oday ah oo ka lulanaya geed Qurac ah oo xaafadda ku dhex-yaalla. Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka. Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isago uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya. Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile. Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay. Waa dhacdo xanuun badan oo dadka xaafadaas ku nool ay aad uga naxeen, maadaama ay subax kasta arki jireen ninkaan odaga ah oo xaafadda dhex lugeynaya ama ordaya, si uu jimicsi u sameeyo. Boolisku weli sooma saarin natiijada baaritaanadii la sameeyey, sidoo kale ma jirin qof ehelkiisa ah oo yimid goobta, intii la dul dhoobnaa meydka. In la arko meydka qof la daldalay ama is-daldalay kuma cusba Soomaaliya, dhowr goobood ayaana horay loogu arkay dhacdooyinka noocaan ah, balse inta badan dadku ayaga ayaa is dilay, kadib markii ay xamili waayaan mowjadaha duruufaha ku qabsada dunida. The post Dhacdo argagax leh: Nin oday ah oo lagu daldalay degmada Deyniile + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxwweyanaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa iska fogeeyay eedeymaha dowladdii loogu heysto in ay ka dambeysay dilkii dhowaan loo geystay hoggaamiyihii kooxda colooshood u shaqeystayaasha Ruushka oo shil diyaaradeed ku geeriyooda gudaha Mosciw. Putin ayaa sheegay in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner ninka lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin, ay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi oo tuhukaas loo heystay Ruushka. Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August 2023, waxaana uu ka saaray meesha in arrintaas ay ku lug leedahay khilaafka kooxda iyo isaga u dhaxeeyay. “Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday oo gantaal lagu dhuftay. Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August, kuwaas uu ku jiray madaxii kooxda Wagner ninka lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin, ay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi. Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August. . “Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday. Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August. PUNTLAND POST The post Putin ” Madaxii Wagner wuxu ku dhintay bam ku qarxay gudaha diyaarad uu la socday” appeared first on Puntland Post.
  4. Khasaare kale duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay duqeyn xalay ay geysteen diyaaradaha Ruushka, oo maalhaan duqeymo isxigay ay ciidankeeda ka fuliyeen dalka Ukaine, gaar ahaan gobollada xadka. Duqayn ay fuliyeen ciidamada Ruushka ayaa lagu garaacay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal gobolka bari ee Kharkiv, halkaas oo lagu dilay wiil 10 jir ah, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca 16 kale , sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa weerar ku qaaday dekedda ee gobolka Odesa ee Ukraine horaantii subaxnimadii saaka Oo jimcahaa, iyaga oo waxyeelo u gaystay shilin haruur ah oo u dhaw wabiga Danube. Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhinaca Wabiga. Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay qabteen 25 ka mid ah 33 weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed oo Ruushku ku bartilmaameedsaday Odesa, Kharkiv iyo 5 gobol oo kale oo dalkaasi ah. Dagaalka labada dhinac ayaa wali aysan jirin xal waara oo muuqda in laga gaari karo, waxaana maalmihii dambe socday walaaca dunida ay ka qabto sii socoshada dagaalka Ukraine iyo Ruush ee qarxay sanadkii 2022. Walaaca Bariga Afrika ayaa cirka isku sii shareeraya kadib heshiiskii bada madow ee la joojiyay Go’aanka Ruushka ee bishii Luulyo si uu uga baxo heshiis u ku oggolaanaya dhoofinta alaabaha beeraha ee Ukraine,iyada oo loo marayo marin ammaan ah dhinaca badda madow xili uu socdo dagaalka heshiiskaan ayaa Kala saaraaye dagaalka iyo ganacsiga. Muddo sanado ah, wadamada Bariga Afrika ee uu ka dhashay isbeddelka cimiladu waxay ku tiirsanaayeen dhoofinta badarka Ukraine si ay u helaan cuno.Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in dhamaadka heshiisku uu horseedi karo kor u kaca qiimaha macmiishada, iyo culays dheeraad ah beeralayda iyo hay’adaha gargaarka ee lacagta caddaanka ah baxsho mar horeba la halgamaya wax ka qabashada caqabadaha sida colaadda abaarta ayaa walaac ka muujinaayo Arintaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in bur-burka diyaaraddii uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin aysan kusoo dhicin fara-gelin dibadda ah. Waxa uu ka dhawaajiyay inay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda, balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi, sida uu hadalka u dhigay. Putin ayaa ayaa sidoo kale xusay in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August. “Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda, tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, oo u muuqda mid meesha ka saaraya sheegada Mareykanka oo rumeysan in diyaraadda lasoo riday. Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku bur-burtay waqooyiga Moscow, waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August. Putin ayaa markaas ballan-qaaday in baaritaan lagu sameynayo dhacdadaas, isaga oo Prigozhin ku qeexay ganacsade xirfadle ah oo uu garanayey tan iyo sagaashamaadkii. Sidoo kalena ku tilmaamay inuu ahaa nin khaladaad sameeyey balse “ku guuleysta natiijooyin la taaban karo.” Si kastaba, Xaaladda shilkaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadkii ku dhowaa Prigozhin, ayaa markaas dhalisay hadal-hayn caro leh oo ku saabsan suurta-galnimada ah in khaarajiyey. The post Putin oo ‘si yaableh iskaga duway’ shilkii diyaaradeed ee madaxii Wagner ku dhintay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargayska New York Times ayaa maalmo kahor baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor, 3-dii October 1993 Muqdisho ku dhexmaray ciidanka Maraykanka iyo taageerayaasha AUN General Maxamed Faarax Caydiid. Wargayska ayaa baahiyey in taliyihii guud ee ciidanka Maraykanka, Gen. Gordon Sullivan uu iska indha tiray qoraal sir ah oo uu Gen. David Meade 15 September oo ku beegneyd labo toddobaad ka hor dagaalka uga digay halista ku soo fool leh ciidanka Maraykanka iyo guud ahaan hawlgalka Qaramada Midoobay. Gen. David oo ahaa mid ka mid ah labada taliye ee ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa ayaa qoraalka digniinta ah ku sheegay in Soomaaliya ay qarxi doonto, dagaalkuna khasaaro badan gaysan doono, ugu dambaynna Muqdisho ay Soomaalidu la wareegi doonaan. Gen. David wuxuu warbixinta toos ugu diray taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka, isagoo ka booday nidaamka kala saraynta ciidamada maadaama uu u arkayay arrinta mid u baahan wax ka qabad deg-deg ah. Gen. David wuxuu welwel xoog leh ka muujiyey kala fogaanshaha u dhexeeyey General Jonothan Haw oo ahaa madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay iyo Generaal Caydiid, dardarta iyo dhiiranaanta Caydiid, awoodda iyo abaabulka qabiilkiisa iyo degdegga uu ku heli karo ciidan naftooda u huraya difaaciisa iyo dagaalkaba. Wuxuu ku taliyey in la soo kordhiyo ciidanka Komaandooska ah, la beddelo xeerka hawlgalka ciidanka (rule of engagement), bandow la soo rogo, aragtina lagu toogto qofkii qori lagu arko, haddii kale dagaalka fashal iyo foolxumo ku danbayn doono. Madaxweynihii Maraykanka Bill Clinton ayaa amray in la soo xiro Generaal Caydiid oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in uu caqabad ku ahaa dhisamaha dawlad Soomaaliya ka dhalata. Clinton wuxuu soo diray ciidamada kumaandooska khaaska ah ee loo yaqaano (Task Force Ranger) kuwaasoo loo xilsaaray in ay ka taqalusaan Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidankiisa. Ciidankaas waxaa taliye u ahaa Gen. Bill Garrison, waxayna beegsanayeen bartilmaameedyo u dhow General Caydiid iyagoo qaaday lix weerar oo ay qaar ka mid ah ku soo xireen taageeryaal iyo saraakiil u dhow dhow Jeneraalka. Wargayska ayaa sheegay in mar kasta oo Maraykanku howlgal sameeyo uu sii xumaanayay xiriirka ay la leeyihiin Soomaalida, jawaabta ciidanka Caydiid ay ahayd mid ka dhaqso badan sidii hore. “Caydiid wuxuu muujiyay in marka ay timaaddo dagaalka magaalada uu isagu dhulka u hari doono,” ayuu qoray General Meade. 03 October, 1993 General Garrison wuxuu amray weerarkii 7aad. Waxay qabteen labo sarkaal oo ka tirsan taageeryaashii Caydiid. In kastoo uusan Caydiid soo qaban, hadana Gen. Bill Garrison wuxuu aaminsanaa inuu horumar samaynayay, guulna laga gaari karo ka takhaluska Caydiid. Rasaastii Ciidamada Caydiid ayaa haleeshay 4 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, labo waxaa u suura gashay in ay saldhiggooda ku laabtaan halka labadii kale ku dhaceen goobtii dagaalka iyadoo 18 saac oo dagaal ah kadib ay gurmad ahaan ugu tageen ciidamo ka socday Pakistan, Malaysia iyo ciidankii Gen. David si ay u badbaadiyaan ciidamada Maraykanka ee go’doomay. Ka dib dhimashadii 18 askari oo Maraykan ah, iyo in ka badan 1000 Soomaali ah, General Garrison wuu is-casilay, Clintona wuxuu amray in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya. Maraykanka xilligaa waxay ku soo guulaystay dagaalkii qaboobaa oo waxaa burburay Soofiyeetkii ay loollanka ku wada jireen, wuxuu kaloo ku soo guulaystay dagaalkii Duufaantii Saxaraha (Desert Storm) ee Sadam Xuseen looga saaray Kuwait. Ma xamili karin in lagu qab jebiyo Soomaaliya, sidaas darteed, Clinton oo looga jawaabi waayey sida ay ku dhacday in Maraykanka oo ciidankiisu dunida ugu awoodda badnaa sidaa loo galo, ayaa go’aasaday in ciidankiisa la baxo. Wargayska ayaa ku soo gabogabeeyey warbixibtiisa in aan la ogaan karin waxa dhici lahaa haddii la qaadan lahaa talada Gen. David, dagaalka ka hor, ama lagu sii socon lahaa hawlgalka sida uu aaminsanaa Gen. Garrison, waxaase la ogyahay in bixitaankii Maraykanka iyo soo afmeeriddii hawlgalkii Qaramada Midoobay ay 30 sano Soomaaliya baylah uga dhigtay colaad sokeeye, burcad-badeed iyo argagexiso caalami ah. W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur The post Sir cusub oo laga helay dagaalkii 30 sano ka hor Muqdisho ku dhexmaray… appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - The interim capital of the Hirshabelle regional state and Mahaday district in the Middle Shabelle region are on high alert as the Shabelle River has begun flooding several nearby villages over the past few days. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socda shirkado kala duwan oo ku howlan dhoofinta biraha duuga ah. Hanti-dhawrka ayaa waxa uu faray guud ahaan shirkadaha dhoofiya biraha duugga ah in aysan marna fasax u haysan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadihii hore ee dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa. Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay shirkadaha ku hawlan dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka iney si deg-deg ah u joojiyaan. “Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ogaaday in shirkado iyo shaqsiyaad ka ganacsada biraha duugga ah (Scrap) ay qodayaan dhulka xarumaha warshadaha kala duwan ee dalka qaarkood sida warshadda sifeynta batroolka ee ku taal duleedka Muqdisho ama ay dhoofinayaan agabka yaal xarumaha warshadaha iyo qalabka dhulka hoostiisa ku jira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka. Waxa kale oo lagu yiri “Si waafaqsan Qodobka 5aad (Sharci Lr. 14 ee 10/09/2023) Xafiiska Hantidhowrka guud ee JFS waxa uu masuul ka yahay ilaalinta, baarista Hantidhowrka iyo kor joogteynta hantida Qaranka.” Xafiiska Hanti-dhawrka oo gudanaya waajibkaas sharcigu saaray ayaa ku wargeliyay dhamaan shirkadahaas inay si deg-deg ah u joojiyaan arrimaha ay ku howlan yihiin ee kamid yihiin dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka. “Shirkadahaas fasax uma haystaan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadaha dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa intaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri awaamiirta kasoo baxday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. The post Hanti-dhawrka oo awaamiir culus kusoo rogay shirkadaha qaar appeared first on Caasimada Online.
  9. Kenya has deployed a contingent of specialised police units to contain the escalating communal clashes in western town of Sondu, along the Kericho-Kisumu border. Source: Hiiraan Online
  10. El Nino is likely to displace 651,000 children 5-17 years of age, of whom 225,000 are in school in the affected districts, according to projections from the United Nations Children's Fund (UNICEF). Source: Hiiraan Online
  11. A day after President William Ruto named an ambassador to Hargeisa, a UDA lawmaker has come out and strongly criticised him. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan muran xooggan oo salka ku haya arrinta doorashada madaxnimo ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhexeeyaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee u hanqal taagay inay kursiga ka qaataan. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa raba in uu fulo heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, waxayna shalay ka baaqdeen safar la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa siyaasiyiinta markale ugu yeeray Dhuusamareeb, si wada-tashi loo yeesho, xilli halkaas uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Haddaba xalka khilaafkan doorasho muxuu yahay, maxaase la gudboon dhinacyada? Prof. Liibaan Ciise oo daraasaadka sare ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xalka khilaafka taagan uu yahay in la wada-hadalo, islamarkaana la isla gaaro go’aanno ay labada dhinac ogol ka yihiin. “Waxay u baahan tahay odayaashii arrintaan galay in ay dib u galaan, oo ugu mudan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xal ayaa lagu gaari karaa ama wax alaale wixii la isku ogyahay la sameeyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu adkeeyay in sida ugu dhaqsaha badan wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, si markale uusan gacan ka hadal uga dhicin magaalada Baydhabo oo wajahaysa xaaladdo adag oo is-biirsaday. “Dadka waxaa u dan ah nabadda oo aysan xabad dhicin, ayada oo la ogyahay daruufta maanta magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ka jira ee dhaqaale iyo amni, haddii loolan siyaasadeed iyo dagaal ku billowdo waa wax dhibaato u keenaya bulshada.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa aniga ila gudboon in arrintaas wada-hadal lagu dhameeyo oo wax la isla ogyahay oo heshiis lagu yahay aad loo qadariyo ayay u baahan tahay.” The post Wararkii ugu dambeeyey muranka doorashada maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  13. The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU) has endorsed a request by Somalia for a three-month pause in the withdrawal of 3,000 troops stationed in the country, the AU mission said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  14. The Board of Directors of the African Development Bank Group on 2 October 2023 approved a grant of $13.29 million to Somalia to help improve domestic revenue mobilization and public expenditure management under the Institutional Support for Economic Governance Project. Source: Hiiraan Online
  15. Defense Cabinet Secretary Aden Duale has disclosed the financial assistance offered to the families of Kenya Defence Forces (KDF) officers who sacrifice their lives in the line of duty. Source: Hiiraan Online
  16. At least 30 pro-government fighters and dozens of al Shabaab militants were killed in Somalia in some of the bloodiest fighting of a year-long offensive against the al Qaeda-linked group, an army officer and clan elder said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. Today, the world is finally seeing in Somalia a blueprint for total victory against the Al-Shabaab terrorist movement. The unthinkable is now a reality: a Somalia without Al-Shabaab. This blueprint for total victory is emerging despite years of failed foreign military and political interventions. Many Somalia observers are asking how has this incredible reversal of Al-Shabaab ascendency and dominance in Somalia occurred in just one year under the Federal Government of Somalia ( which it should be recalled just a few years ago was merely an entity in name only without any effective power on the ground)? Perhaps the answers to the recent success against Al-Shabaab lies in the combination of patient rebuilding of the Somali institutions by Turkey, Italy and the US, the maturing of the Somali National Army (SNA), the role of the US-trained Danab Commando Brigade, the restructuring of National Intelligence and Security Agency (NISA) under its current Commander Mahad Mohamed Salaad- all of this within the generalized Somali societal outrage and deep resentment against the Al Shabaab due to its incessant bloody massacres and usurpations of the dignity, culture and wealth of the Somali communities living under their control. In August 2022, the President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mahmud declared a “total war” against the Al-Shabaab extremist movement in Somalia. At the time, like many seasoned Somalia observers I saw no indication that this declaration was anything but hollow political rhetoric. It should be recalled that in the past 16 years, including Hassan Sheikh’s first presidential term 2012-2016 and previously under Sharif Sheikh Ahmed’s Transitional Federal Government (TFG) and recently under Mohamed Abdullahi Farmaajo’s administration, there was no meaningful long-term military, financial or socio-political actions taken against the Al-Shabaab. In fact, in Mogadishu the Shabaab flagrantly ran the court system and extortion networks openly from the nearby Afgoye District- despite the presence of thousands of African Union forces in the area. Since 2009, the Al-Shabaab successfully utilized the inherently opportunistic and predatory “divide and rule” clan stratagem whereby the clan animosities, minority-majority clan dynamics and political rivalries between the Federal Government and regional entities would ensure that Al-Shabaab was the only fair arbiter of Somali affairs. Consequently, in 16 years, Al Shabaab managed to build a parallel quasi-state apparatus and in the process one that threatened to overrun Somalia. However, one year later, to the utter shock of the international community, neighboring countries and Somali watchers alike, the Somali Federal Government forces succeeded to degrade the Al-Shabaab threat, especially the National Intelligence and Security Agency (NISA) units. NISA, now more of a military intelligence unit with its own commandos and financial teams have successfully helped the Federal Government to dismantle the Al-Shabaab financial backbone which in turn allowed the Federal forces to re-take over 45% of previously controlled Al-Shabaab territories in Southern and Central Somalia. The Mahad Salaad Factor NISA under Mahad Salaad has arrested and assassinated countless Al-Shabaab activists, detained Al-Shabaab recruiters, financiers and extradited ideological supporters from Kenya. The most effective of all NISA actions under Mahad Salaad has been freezing millions of dollars of Al-Shabaab funds. By simply tracing the frozen Al-Shabaab funds and assets to their sources NISA dismantled illegal bomb- making facilities and trafficking networks and neutralized death squads in Mogadishu. More interestingly, there are rumours that NISA chief Mahad Salaad has been using the Al-Shabaab frozen assets to recruit more Al-Shabaab operatives within the terrorist network as well as increasing the salaries of NISA operatives. By creating a loyal cadres of NISA agents, well-paid and loyal to him, Mahad Salaad has transformed NISA into a formidable intelligence force that has never been seen since perhaps the NSS of Siad Barre’s regime. With the momentum on side of the Federal Government, the clandestine NISA units, along with the bulk of Somali National Army (SNA) and Danab Brigade Al- Shabaab is losing much of its previous strongholds. In fact, the SNA has encircled and besieged the Ceelbuur district and the coastal areas of Galmudug and Hirshabelle State. What is remarkable about this current “total war” is not just the scale of military coordination, financial, economic and social mobilization of the Somali population against the Al-Shabaab in one year but the sustainable gains in making sure the local clan population is included in every military and political campaign with the clear and measurable goal of dismantling the Al-Shabaab extortion and so called “judicial courts”. Without the ability to freely extort the local population and no new funds coming and diminished legitimacy in the lack of the local population turning to the Shabaab courts, the Al-Shabaab leadership have found themselves in escalating crisis out of their control: the Al-Shabaab is being attacked by the Federal Government and US-EU drones while it is unable to sustain any large-scale military operations, symbolic mass attacks in Mogadishu and is unable to keep paying their operators to execute targeted assassinations. The Shabaab Movement is not just losing territory to the Federal Government but the critical ability to project enduring power across the Theatre of War: the ability to intimidate the local population in the areas they governed. Without replenishing the frozen extortion funds now held by NISA under the cunning Mahad Salaad, the Al-Shabaab use of intimidation and mass violent attacks are diminishing in Mogadishu and throughout Southern and Central Somalia- the heartland that they have held onto for 16 years! Consequently, one can clearly see the contours of an effective blueprint in the fight against Al-Shabaab utilized by the Federal Government in 2023. Firstly, the Somali National Army (SNA), especially the US and Turkish trained Danab Commando Units and local clan paramilitaries methodically encircle, sweep and strike with overwhelming force into the Al-Shabaab-held districts. Before moving onto the next enemy held Al-Shabaab districts, the Federal Government through the elected clan Members of Parliament who are tasked with setting up local governing council composed of the local clans responsible for holding the territory and administering it. Once the local governance and security infrastructure agreed upon is set up by the Federal Government through the local clan Members of Parliament, the Italy managed Towards Peace and Stability in Somalia (TPSS) fund quickly releases the necessary rapid budgetary funds “cash on the spot” as Italian Ambassador Alberto Vecchi famously stated during the formally inauguration of the TPSS with Prime Minister Hamza Abdi Barre in September 2023. The TPSS Fund is crucial for injecting the required immediate economic resources needed to make the newly freed district attractive to the civilian population which directly reduces the chances of Al-Shabaab infiltration, resumed attacks and imposition of extortion Zakat on the civilians. Why is this important? In the past, the local clan communities in rural Somalia were not fully brought into the anti-Shabaab campaigns and planning for the post- Al-Shabaab transition administration. Predictably, the alienated clans and sub-clans began to collaborate with Al-Shabaab who were able to bribe them to allow for attacks on the Federal Government, sometimes for less than US $100. Now, what the Federal Government has done by using the elected clan Members of Parliament and the Italian TPSS Fund is to bring all the local clans in the formation of local governance structures after the Al-Shabaab have been pushed out by the SNA, Danab and NISA units. This not only makes the local clans assume the added responsibility in holding the newly freed district but it degrades and eliminates the Al-Shabaab financial and quasi political structures from taking hold again. Militarily, this strategy also frees up the Federal Government forces to continue their uninterrupted advance into Al-Shabaab territory. The Big Question of 2024 The only question that remains answered so far is: will the Al-Shabaab now splinter into factions, some open to talks with the embolden Federal Government? If the Al-Shabaab Leadership do not negotiate out of the unprecedented sustained “Total War” being waged against them by the Federal Government, there is a real prospect of the Shabaab’s total defeat as a military and political player in Somalia. Ironically, the new scenario might very well become the Federal Government refusing to negotiate with a weakened Al-Shabaab that they are currently winning against and are confident of its imminent defeat! Dr. M. Omar Hashi wadijir@hotmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post How the Somalia Federal Government finally degraded Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  18. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka. Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK. Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta. Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara. Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Maraykanka oo soo riday diyaarad uu lee yahay Turkiga appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - The Sahamiye Foundation has issued a pressing appeal to De La Rue, urging the company to reevaluate its contract with the Central Bank of Somaliland for printing 380 billion SL shillings. The foundation warns of economic, ethical, and legal repercussions that could exacerbate poverty and inequality in the region. Source: Hiiraan Online
  20. Ankara (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka. Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK. Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta. Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara. Ryder waxa uu yiri “Taliyayaasha Maraykanku waxa ay qiimeeyeen… diyaaradda, oo markan wax ka yar nus kiilomitir u jirta ciidamada Maraykanka, in ay tahay halis.” “Kadib diyaarad Mareykan oo F-16 ah ayaa si is-difaac ah usoo ridday diyaaraddii drone-ka,” ayuu yiri. Xoghayaha difaacca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii la hadlay dhiggiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ku booriyey “in la qaboojiyo xiisadda waqooyiga Syira, iyo muhiimadda in si adag loo ilaaliyo qawaaniinta isku dhacyada iyo isgaarsiinta iyada oo loo marayo hab milatari ka militari ah,” ayuu Ryder ku yiri war-saxaafadeed. Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.” Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish. AFP, VOA The post Ciidamada Mareykanka oo soo riday DIYAARAD uu Turkigu leeyahay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  21. Shabeelow (Caasimada Online) – Arbacadii wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka yimid shacabka iyo al-Shabaab. Dagaalka oo dhawr jeer dhexmaray labada dhinac ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ‘ciidmaadu cagta mariyeen fariismo ay lahaayeen al Shabaab’. Balse halkaas waxaa ku dhintay tiro ciidamada deegaanka ah, waxaana kamid ahaa nin ay walaalo yihiin Sufyaan Sheekh Axmed oo dhawaan ay gacanta ku dhigtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Waa kuma ninkaan? Daahir Sheekh Axmed wuxuu sideetameeyadii ku dhashay baadiyaha magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, isaga oo ku soo barbaaray isla baadiyahaas. Ma uusan helin waxbarasho marka laga yimaado Quraanka oo uu bartay markii uu yaraa, iyo kataabada diiniga ah, gaar fiqhiga oo ka bartamay masaajidda deegaanka Gidheys oo ku yaalla aaggaas. Ma lahayn wax khibrad dagaal ah, sida ay noo sheegeen qaraabadiisu, sidoo kale dagaallo hore qayb ugama noqon. Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u wareegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ayaa qabiilada dega gobolka laga aruuriyay tiro ciidamo ah, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah al Shabaab. Daahir wuxuu kamid ahaa ciidamadaas. Sida uu sheegay walaalkiis, wuxuu aad u necbaa fikirka al Shabaab oo uu arkayay mid qaldan oo ay ku gumaadayaan dadka Shacabka ah. Markii uu cabaar socday dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeeloow ayaa ciidamadii dad shacabka ah ka yimid u baahdeen gurmad, Daahir iyo koox kale oo ciidamo ah ayaa gurmad ahaan u gaaray furinta, isaga ayaana halkaas ku dhintay. Daahir wuxuu ahaa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale wuxuu xanaaneynayay hooyadiis oo da’ ah, korna u dhaaftay sagaashan sano. Dhanka kale walaalkiis Sufyaan ayaa todobaadkaan dawladda Soomaaliya waxay shaacisay inay gacanta ku dhigeen, iyaga oo ku tilmaamey taageere fikradaha xagjirka ah ee al Shabaab. Sufyaan ayaa sida ay sheegeen sirdoonka Soomaaliya wajihi doona su’aalo waydiin la xiriirta taageerada uu u muujiyay fikradaha al Shabaab. Waxay u muuqataa inay qaadeen labo waddo oo kala duwan, balse waxaa la is waydiinayaa maxaa sababay in laba walaalo ah ay sidaas u kala duwanaadaan. Maxay qoyskiisu ka yiraahdeen Sufyaan? Sida ay BBC u sheegeen qoyska Sufyaan, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo wax ku bartay gudaha Soomaaliya, firfircoon, kuna fiicnaa kubadda cagta. “Marka uu kubadda ciyaarayo ayuu dadka garab ku dhufan jiray” ayuu yiri ina adeerkiis oo ka hadlayay sida ay ugu baxday naaneysta Taakeeye. Kadib ayay sheegeen inuu aaday qurbaha, halkaas oo uu waxbarasho ka galay, jaamacadda heerka koobaad iyo kan labaad uu k aqaatay. Waxay sheegeen qoysku inuusan waligiis ku biirin kooxaha xagjirka ah, balse uu si kafiirsasho la’aan ah uu u bilaabay taageeridda fikrado xagjir ah. “Guri uu isagu leeyahay ayuu soo xirtay, wuxuuna yiri ‘Calanka Soomaaliya ayaan badalayaa, anoo shaqsi ah oo kaligey ah ah’ . iyadoo wixii lala yaaban yahay ayaa wuxuu ku xijiyay inuu yiraahdo ‘waxaan badalayaa dastuurka Soomaaliya’, hadana wuxuu ku sii xijiyay inuu dadkii dacniyo oo dawladdii Soomaaliya iyo masuuliyiintii uu qof kasta wax ka sheego”, ayuu yiri Cabdi Xuseyn oo ay walaalo yihiin. Dawladda Soomaaliya oo shaacisay inay baaritaano ku sameyn doonto Sufyaan, ayaa dhawr maalin ka hor baahisay inay gacanta ku dhigeen. Sufyaan ayaa dad badan barteen bartamihii sanadkii 2020 kii, xilligaas oo la soo muuqday afar haween ah oo uu sheegay inay xasaskiisa yihiin. xilligaas kadib ayuu bilaabay inuu wareysiyo siiyo warbaahinta maxalliga ah kuwaas oo uga hadlayo afkaaro siyaasadeed. mar dambe ayuu sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasi ah, kaas oo doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo shareecada Islaamka, sioo kalana doonaya inuu badalo calanka oo uu ku tilmaamay ‘astaan sheydaan’ iyo sidoo kale dastuurka. Dhawaan ayuu sidoo kale baahiyay muuqaallo uu ku sheegayo dawladda Soomaaliya mid ‘gaalo ah’, dadka taageersanna ay yihiin ‘gaalo’. Hadalka Sufyaan ayaa ku soo aaday xilli ay socdaan dagaallo ka dhan ah ururka al Shabaab, oo ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud. Isha: BBC The post Nin la dhashay Sufyaan Taakeeye oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  22. Dib u dhiska Biriij Muhiim ah oo dib uga Bilaabmay Bariga Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Guddida dhismaha birishka saddexaad ee magaalada Hargeysa, ee Shiraaqle oo isku xidhaya degmooyinka Axmed Macalin Haarun iyo Maxamed Mooge, ayaa dib u bilaabay shaqadoodii kadib markii muddo ay hakad ku yimid. Guddida oo ay wehelinayaan mudanayaal ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dhismaha Biriishka saddexaad ee caasimada Hargeysa. Maxamuud Axmed Nadiif, Axmed Naasir Dacar oo ka mida guddida gacanta ku haysa dhismaha Biriishka iyo guddoomiyaha guddidaasi Injineer Cumar Yuusuf Cismaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay duruufaha keenay in la hakiyo hawshii ka socotay biriishkaasi, qaadhaanka ay gacanta ku hayaan iyo farsamada dhismaha iyo nashqadaynta biriishka oo iyana gaba-gabo ku dhaw, waxaanay sheegeen in 3-dii bilood ee u danbeeyay dhismihii biriishka iyo qaadhaankii loo ururinayay intaba hakad ku yimid, kadib markii duruufo badan oo dalka soojahay ay ka saameyn bateen. Sidoo kale waxa ay bulshada ugu baaqeen in dib loo bilaabay dhismihii iyo qaadhaan ururintii Biriishka, isla markaana cidkasta laga doonayo wixii ay hore ugu balanqaaday inay soo bixiso, ciddii kale ee wax ku darsanaysana inay guddida la soo xidhiidho, waxaanay intaas ku dareen in wiil muruq-maal ahi qayb ka yahay dadka sida maalinlaha ah u bixiya qaadhaanka biriishkani. Guddidu waxa ay shaaca ka qaadeen in 90-kun oo dollar ilaa hadda loo hayo dhismaha biriishka, waxaanay tilmaameen in 180-kun oo dollar uu kaga maqan yahay balanqaad loo sameeyay, sidoo kale waxa ay xuseen in 10 baloodh oo u dhigan 30-kun oo dollar ay u hayaan, waxaanay caddeeyeen guddidu in lacagtaasi isugeyn tahay 300-kun oo dollar. Qaran News
  23. Ismaaciil Axmed oo soo Bandhigay Lacag Somaliland ka soo Daabacatay Lacag Musuq lagu Eedeeyay London(Qaran news)- Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda Worldremit, ayaa soo babdhigay noodhka cusub ee Tobanka kun ee Xukuumadda Somaliland ka soo daabacatay shirkad musuq lagu eedeeyay xiliyo kala duwan. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku daabacay facebook-giisa. Wuxuuna u qornaa sidan:- “Waxa aan in muddo ah ku jiray sidii wax looga qaban lahaa lacagta 380 bilyan ah ee De La Rue soo daabacayso. Ugu horreyn, waxa aan la xidhiidhay cid kasta oo aan is idhi arrintan waxbay ka qaban kartaa. Markii aan sidaa xal ku waayay, qoraal ayaan bartan ku baahiyay. Intaas kadib, waxa la bilaabay in la dardargeliyo qandaraaska iyo lacagtii la daabacayay. Taas ayaa keentay in Sahamiye Foundation warqadda halkan ku lifaaqan ee furan ay u dirto De La Rue. Warqaddu waxay xusaysaa baaxadda dhaqaale-burbur ee ku iman kara dalka, taas oo si gaar ah u taabanaysa danyarta dakhligoodu shilinka yahay. Maadaama aanay cidi kula tartamin qandaraaska, qiimaha ay shirkaddu qoratay waa mid xad dhaaf ah. Dalka Tanzania oo isagu si daahfuran u tartansiiyay shirkadaha lacagta daabaca, De La Rue qiime saddex laab ah ayay soo qoratay. Tan ayaa keentay in ay waayaan qandaraaska. Waxa iyadu na xusid mudan, sida qodobka 35-aad ee Xeerka Bangiga Dhexe, Xeer Lr. 54/2012 dhigayo, waa in nashqadda iyo muuqaalka lacagta cusub ee 10,000 shilin ah loo gudbiyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo. Markii lacagta 5,000 shilin ah la qorsheynayey, waxa la hor geeyey Golaha Wakiillada. Markii ay ka doodeen ayay ansixiyeen oo waxay noqotay lacag waddanku leeyahay “Legal Tender”. Qandaraaska oo si qarsoodi ah loo waday ayaa se keenay in tallaabadan sharci na laga boodo oo xataa Bangiga Dhexe dafiro in lacag la soo daabacayo. Ugu dambayn, waxa cad in shirkaddani dalka dhacday. Shirkadaha lacagaha daabacaa waa kuwo gaar loo leeyahay oo aan dawlado iyo aqoonsi shaqo ku lahayn. Sidaasi darteed, ma jirto sabab shirkaddan oo hore musuqmaasuq iyo sumcad xumo ugu suntanayd loo siiyo qandaraaska.” Qaran News
  24. D/Hoose ee Hargeysa oo Furtay Barkaantarool oo ay ka hirgalisay Waqooyiga Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa xadhiga ka jartay bar Kaantarool, oo degmada 26-ka juun ka hirgalisay xaafadda Cayngal, kaasi oo noqonaya Kaantaroolka Waqooyi ee magaaladda, isla markaasna markii hore ahaa magaaladda gudaheeda. Gudoomiyaha Dawlada hoose ee Degmada 26-ka juun ee Marwo Ismahaan Axmed Cabdi, oo hadal kooban ka jeedisay madasha xadhi ka Jarka bartan Kaantarool, ayaa u soo jeedisay dhammaan gaadiidlayda in ay soo maraan Kaantaroolkan, si uu u noqdo mid shaqeeya. Sidoo kale waxa ay fartay wadayaasha gaadiidka Waqooyiga u baxa in aanay ka baydhin Kaantaroolkan, waxaanay fartay shaqaalaha bartan kaantarool in ciddii ka baydha ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan. Bartan Kaantarool ayaa ka qayb qaadanaya sugida amniga iyo kordhinta dakhliga cashuuraha, maadaama gaadiidlayda laga qaadayo cashuurta ku waajibtay, taasina ay noqonayso mid iyaga wax loogu qabto. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ee magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay dardar-galinta horumarinta qaadashada adeega aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda, kaasi oo dhawaan ka billowday guud ahaan dalka. Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ayaa Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle, Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil. Sidoo kale waxaa goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed. Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin in si hufan loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed islamarkaana qaadashada Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid muhiim ah ah muwaadinka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada. The post Sawirro: Ujeedka kulan caawa ka dhacay xarunta dowladda hoose XAMAR appeared first on Caasimada Online.