Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,803
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda ammaan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

    Doodishe ayaa ku faanay in haatan uu wanaagsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimada, isla-markaana si weyn looga shaqeeyay sanadka ay jirtay xukuumadda.

    Arrintan ayuu tilmaamay inuu ku imaatay dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay ciidamada iyo wada shaqeynta shacabka oo la xoojiyay.

    “Guud ahaan xaaladda amniga dalka waa fiican tahay amniga qayb kamid ah waa caasimada saldhigga u ah Soomaaliya marka inta badan amniga Muqdisho iyo magaalooyinka waa weynba aadbuu uu fiican yahay” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

    Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo hadalkiisa sii wata ayaa sharraxaad ka bixiyay isbedallada lagu sameeyay ciidamada, wuxuuna tilmaamay in tababaro la siiyay, la qalabeeyay, kadibna loo sameeyay isku xir guud oo dhexdooda, si ay u wada shaqeeyaan.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la siiyay casharo lagu kordhinayo aqoontooda dhanka tiknolojiyadda iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

    “Muddada halka sanno ah ee ay dhisan tahay xukuumadda DanQaran shaqo aad u badan ayaa amniga laga qabtay shaqaqadaas waxay isugu jirtay qayb la xiriirta dib u habeynta ciidamada, qalabeyntooda, tababar ku saasan sida ay bulshada ula dhaqmayaan oo loo sameeyay, isticmaalka tiknolojiyadda la xiriirta qaabka amniga loo sugaayo” ayuu raaciyay.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ay ka howlgalaan ciidamo gaar ah oo Boolis Milataaro ah, kuwaas oo kaashanaya Booliska iyo Nabad-Sugidda.

    Si kastaba, waxaa ayada oo dadaalladaas ay socdaan haddana mararka qaarkood weeraro culus, qaraxyo iyo dilal qorsheysan magaalada Muqdisho ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

    The post Maxay tahay tallaabada ay qaaday DF oo keentay amniga MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.

  2. Xasan-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Senator Cismaan Abuukar Dubbe ku amaanay hadal uu maalin ka hor ka jeediyey kulan uu yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii 14-ka Agoosto ee sanad guurada Galmudug ka sheegay inuu dhageystay hadalka Sanetor Dubbe, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka dhan ay sida Dubbe u fekeraan.

    “Waxaan daawaday Senator Dubbe oo ka hadlaya Aqalka Sare, si Soomaalinimo ah oo macna leh, qof kastana oo qof kasta oo Soomaali ah in intaas oo kale uu fahmo ay muhiim noo tahay ayuu u hadlay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay hadallada xun meel iska dhigaan oo dowladda lagu garab siiyo dagaalkaan, “War qof kastow wixii aad nagu tari karto halganka socda ku tar, inta uu rabo hala ekaado, dagaalan cidi kuguma qasbeyso, laakiin xeelado badan ayaad uga qeyb qada kartaa xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

    Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyey qofkii aan garab istaagi karin halgankan inuu iska aamuso.

    “Inaad meelaha ka bacbaceyso oo reer hebel iyo reer hebel isku dirto waxaba kuu tari meyso, inaad faafiso dacaayado hadii maxkamad lagu soo taago aadan cadeyn u heyn haku daalin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Dhuusamareeb.

    Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare ku canaantay Xildhibaannada BFS, isagoo sheegay inay isaga jiraan nolol caadi ah, xilli dalka uu ka socdo dagaal jihaad ah oo dowladii ay ka tirsanaayeen ay ku qaaday Al-Shabaab.

    “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Dubbe.

    Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dagaalka la wada galo oo furimaha la wada tago, waana in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda, si loo wada galo dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.”

    Waxa uu soo jeediyay si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka socda loo wada istaago, taasi bedelkeedana ay noqoneyso Soomaaliya meel laga quusto haddii laga adkaan waayo argagixisada.

    “Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.”

    Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.”

    Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaan wuxuu Madaxweynuhu ka abaabulayaa howlgal la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro dagaalyahanada kooxda ee ka dagaalaya Galmudug.

    The post Madaxweyne Xasan oo ka soo jawaabay hadalkii Dubbe appeared first on Caasimada Online.

  3. ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

    Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ay qaadeen guluf dhowr weji leh oo ku wajahan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

    Ciidan xoog leh oo ka ambabaxay Degmada Galcad ayaa u ruqaansaday dhanka Galhareeri, iyagoona cagta saaray waddada xiriirisa labadaasi magaalo.

    Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Danab ee Xoogga Dalka oo horkacaya hawlgalkan ayaa bilowgiiba la wareegay deegaanka Baraagta Sheekh Caamir iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.

    Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Galhareeri. Cowsweyne ayaa ka mid ah goobaha ay maleeshiyada Al-Shabaab isku dayayaan in ay ka difaacaan Galhareeri iyo Ceelbuur.

    Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale isku fidinaya deegaanada darafyada kaga yaala Galcad, sida Burtuble, Waniinle, Gal-libaax iyo Tawakal, si mintidiinta Al-Shabaab lagaga sifeeyo dhulka ku dhow dhow Cowsweyne iyo Galhareeri.

    Sidoo kale ciidan kale oo ka soo ruqaansaday deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la soo sheegaya inay la wareegeen deegaanka Cali Heele oo hoostagga Galcad.

    Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa lagu wadaa in ay si buuxdo isugu furaan waddada Galcad iyo Masagawaa. Guutada Gumac oo loo waday Gobolka Hiiraan ayaa wax laga bedelay qorshahoodii gobolkaasi, iyagoona loo soo weeciyay dhanka Galgaduud, balse ay dib u raaci doonaan qorshahoodaasi ay kaga hawlgeli doonaan galbeedka gobolka.

    Sidoo kale Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka ayaa duhurnimadii maanta ka dhaqaaqay barrihii ay kaga sugnaayeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyagoona u qalab qaatay, sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanka Wabxo.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay galabta la wareegeen deegaanka Ceelgorof, oo ah jidka jaantii ay ku gaari lahaayeen Wabxo. Wabxo waa bar kale oo Shabaabku ka difaacayaan Ceelbuur.

    Cutubyo ka tirsan Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Ciidanka ATMIS ayaa kaabaya ciidamada ku wajahan Wabxo, oo qorshuhu yahay in ay uga sii tallaabaan magaalada Ceelbuur.

    Ciidan kale oo xoog leh oo maalmihii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inay jihada bari kaga dhaqaaqaan Ceelbuur.

    Ciidamadan ayaa ah ciidanka cududdiisa ee la filayo in ay xoreeyaan Ceelbuur iyo deegaanada kale ee hoostagga, waana ciidanka loo abaabulay in ay isku fidiyaan dhulka miyiga ee ka baxsan Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan.

    Hawlgalka safka ballaaran ee ka bilowday Galmudug ayaa waxaa ka qayb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, kuwaa oo shalay bartilmaameedyo ka fuliyay goobo ay Shabaabku kaga sugnaayeen Gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in duqaynta xoogeeda ay ka dhacday waddada Galcad iyo Galhareeri.

    Diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegaya inay u diyaarsan yihiin in ay ciidamada ka taageeraan goobaha ay ku adkaato in si dhakhsi leh uga gudbaan.

    Hawlgalkan mid kaloo barbar socda ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ciidamadu ka bilaabaan Koonfurta Gobolka Mudug.

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa naawilaya in ciidamadu ay maalmo tirsan gudahood ku xoreeyaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

    Villa Somalia ayaa damacsan in kolka sagxadda laga dhigo Shabaabka Galmudug ay ciidamadu warmaha u qaataan dhulka ay argagixisadu kaga harsan tahay daanta galbeed ee Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

    Villa Somalia ayaa muruq iyo maal badan ku bixineyso, sidii cagta looga hoos marin lahaa Shabaabka Gobollada Dhexe, oo daashaday bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

    Wareegga ugu dambeeyo ee hawlgalka ayaa noqon doona kan lagu wajahayo goobaha ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

    Dadka ka faallooda arrimaha militariga ayaa kuu sheegaya in Al-Shabaab ay wajaheyso xilligeedii ugu adkaa, muddadii ay maleeshiyadeeda dalka ka dagaalamayeen.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan wacad ku maray in dowladdiisu ay dalka ka ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, tiiyoo maanta ay raadkeedii hayso.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee guluf dhowr weji leh oo ka billowday Gobollada Dhexe appeared first on Caasimada Online.

  4. Deni.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Punland Siciid Cabdllaahi Deni oo uu wehliyey waardiyiisa gaarka ah Cabdullaahi Farabaden (Dheere) ayaa shalay ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Mohamed Abshir ee magaalada Garoowe. 

    Sida ay sheegeyso xog lagu kalsoon yahay, safarka Madaxweyne Deni ayaa ku wajahan yahay dalka Isutagga Imaraadka Carabta (UAE), waxaana uu transit ku yahay magaalada Addis Ababa.  

    Dalka Imaaraadka Carabta waa halka ugu badan ee safarrada madaxeyne Deni ku dhamaadaan, waxaana safarradiisu u badan yihiin kuwo gaar ah, mana jirto cid mas’uuliyiinta xukuumadda ka mid ah oo horey u raacda marka laga reebo waardiyihiisa gaarka ah iyo qaraabadiisa dhaw. 

    Ka hor inta aan Madaxweyne Deni ka dhofin Garoowe, waxa uu kulan la qaatey guddi beesha Ciise Maxamuud ka socdey, kaas oo tiradiisu tahay 45 xubnood oo dhawaan soo saarey go’aanno ku aadan arrimaha doorashooyinka. 

    Guddiga ayaa xubno ay iska dhex qabteen u dirsadey shirka Madaxweyne Deni. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweyne Deni cabasho ka muujiyey go’aanno dhawaan ay guddigu soo saareen, wuxuuna ka dalbadey in la qabto doorashooyinka saddexda degmo ee harsan. 

    Guddiga ayaa madaxweynaha ku wargeliyey in doorashooyinku aysan iyaga u xirneyn ee uu kala xaajoodo cidda uu aaminsan yahay in ay u xiran tahay.

    Guddigii Doorashooyinka TPEC ayaa ku dhawaaqey in saddxdaas degmo aan doorasho laga qaban karin, marka iyaga hala weydiiyo cidda ku amartey ayey yiraahden, waxaana shirku ku soo dhamaadey iyada oo aan waxba la isla fahmin. 

    Safarka madaxweynaha ayaa imaanaya iyada oo muddo xileedkiisi ay ka hasran tahay 4 bilood oo keliya, islamarkaana ay Puntland uu ku sugan yahay xaalad aan la aqoon halka uu u jiheysan doono. 

    The post Xog: Madaxweyne Deni oo Imaaraadka Carabta aaday kadib kulan lagu kala kacay appeared first on Caasimada Online.

  5. 01000000-0aff-0242-6171-08db9d7bc258_cx0

    Caasimadda Libya ayaa waxa weli ka sii socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba koox oo hubeysan oo ku xiran dowladda fadhiggeedu yahay Tripoli, kaasi oo hakiyey duulimaadyadii garoonka kaliya ee diyaaradaha rayidka ee magaalada.

    Dagaalka oo u dhaxeeya Guutada 444 iyo Xoogagga Al-Radac ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna sii socda illaa subaxnimada saaka ah, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

    Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mas’uuliyiinta ay sheegeen in uu sababay xiritaanka waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha ee Mitiga.

    Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey gawaarida gaashaamaan oo ku sugan bariga Tripoli, kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444 Mahmud Hamza lagu xiray garoonka diyaaradaha Mitiga.

    Duulimaayadii garoonka Mitiga ayaa la hakiyey, waxaana loo wareejiyey garoonka Misrata oo 180 km bari ka xigan Tripoli. Sidoo kale, diyaaradihii fadhiyey garoonka ayaa laga dhaqaajiyey.

    PUNTLAND POST

    The post Dagaal xooggan oo weli ka sii socda caasimadda dalka Libya appeared first on Puntland Post.


  6. Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

    Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab shalay ka fuliyeen dalka Kenya, kaas oo uu xigay afduub ay kooxda ka geysatay gudaha dalkaasi.

    Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaan hoostaga is-maamulka Laamu ee dalka Kenya, kadib markii ay xubno hubeysan tageen halkaasi.

    Ragga hubeysan ayaa waddada u galay gaadiid ay la socdeen dadka shacabka ah, waxayna ku fureen rasaasi, sida laga soo xigtay Booliska dalka Kenya.

    Ugu yaraan laba qof ayay kooxdaasi ku dileen goobta, yaga oo kadib horay afduub ahaan ugu sii kaxeystay saddex kale oo kamid ah shacabka la socday gaadiidka la weeraray.

    Sidoo kale waxaa goobta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo haatan howlgallo daba tag ah ka wada aagga ay wax ka dhaceen oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu.

    Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.

    Al-Shabaab ayaa maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida uu horay shaaciyay barasaabka gobolka, taasna waxay keentay inay sii kordhaan weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliso gudaha waddankaasi.

    Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

    The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay KENYA kadibna shacab kasoo afduubatay appeared first on Caasimada Online.

  7. KULMIYE oo Bandhigay Murrashaxa Xisbigooda Laga Doonayo

    Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga KULMIYE oo soo saaray shuruudaha looga baahan yawhay musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga ee lagu dooranayo shirka Golaha Dhexe ee qabsoomaya toddobaadka dambe, si ay u soo baxaan musharraxiinta KULMIYE ku meteli doona tartanka doorashada Madaxtooyada dalka ee soo socota.

    IMG-20230815-WA0004-212x300.jpg

    Qaran News


  8. FB_IMG_1692159852992.jpg?resize=720%2C48

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

    Dhankeeda, Danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay  sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Danjiraha Midoga Yurub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  9. Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex Somaliland ayaa saaka oo Talaado ah xukun 1 sano oo xabsi ah ku ridday saxafiyad Bushaaro Cali Maxamed (oo loo yaqaanno Bushaaro Baanday).

    Gabadhan wariyaha ayaa la xidhay 15 May 2023, waxaana xadhiggeeda lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay wiilka madaxweyne Muuse Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi.

    Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunkaasi saaka ka dib markii gabadha wariyaha la horkeenay maxkamadda. Dhowr jeer oo hore ayay dib u dhacday maxkamadeynta wariyaha.

    Xukunka halka sano ayaa la sheegay inay iibsan karto iyadoo laga goynayo muddadii ay xirneyd, taasoo marka dib loo xisaabiyo ka dhigeysa dhowr bilood oo ka dibna lacag lagu beddeli karo.

    Xukunkan ayaa yimid xilli xisbiga Kulmiye ee talada haya uu caqabad kala kulmayo shirkiisa ka dhici doona magaalada Burco oo ay Bushaaro kasoo jeeddo 20ka bishan Agoosto, taasoo odayaasha iyo waxgaradka reer Burco ay ku hanjabeen inaan shirka la qaban doonin inta Bushaaro ay xiran tahay.

    Qareennada wariyaha u doodayey ayaa sheegay in inkastoo aysan jirin wax dembi ah oo lagu heley Bushaaro, haddana garsooruhu ku riday xukunka.

    Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Bushaaro ku soo oogtay eedeymo isugu jira baahin warar liddi ku ah Somaliland iyo inay wax ka sheegtay laamaha garsoorka Somaliland.

    Ururka Saxafiyiinta SJS ayaa ku tilmaamay xukunkan mid siyaasadeysan oo looga gol leeyahay in lagu weeciyo sumcad daridda Somaliland kasoo gaartay xadhigga wariye Bushaaro Baanday.

    Kaabtv

    Qaran News


  10. Jacfar.jpg?fit=702%2C720&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa maanta aad u weeraray odayaasha iyo siyaasiyiinta qaar ee beesha Murusade oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, si ay uga abaabulaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

    Jacfar oo qaar ka mid ah xildhibaanada beeshaas ay garab taagnaayeen ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha ee ku sugan Dhuusamareeb ku tilmaamay rag aan dagaal u socon oo kaliya magaaladaas u jooga inay Madaxweyne Xasan Sheekh is tusaan.

    “Maalmahaan waxaan aragnaa odayaal iyo masuuliyiin ku sugan meel aysan waxaba ka abaabuleyn oo ciidan uusan u joogin oo Dhuusamareeb la dhaho, nabadoono ayaa ku jira, halkaas ayey hadal ka wadaan, laakiin nabadoon ciidankiisa horkacaya waan soo aragnay oo waxaa ku jiray Cilmi Hagar oo ahaa Nabadoonkii Xawaadle, waana ku shahiiday,” ayuu yiri Jacfar.

    Wuxuu intaas ku sii daray, “Odayaashii beeshaan waxay Dhuusamareeb ka leeyihiin waa dhimeynaa ciidankaan horkaceynaa, war guri islaameed dhimasho ma taallee, hatagaan meesha dhimashadu taallo, wasiirradii iyo odayaashii inta Dhuusamareeb fariisteen ayey igu sawir ka wadaan.”

    Xildhibaan Jacfar ayaa masuuliyiintaas ku tilmaamay inay is tusayaan Madaxweynaha, “Sida aan ognahay Xasan Sheekh run iyo been mid wax looga qaadayo ma jirto ee shaqadaas in wax laga qabto ayuu rabaa, isaga dagaalka ayaa ka go’an,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jacfar.

    Goobta uu hadalkaan ka jeediyey Jacfar waxaa laga sagootiyey ciidan ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Murusade oo Jacfar uu ku jiro, wuxuuna kula dardaarmay inay deg deg Shabaab uga xoreeyaan dhulka beesha.

    “Waayahaan igu sawirtu waa badatay ciidan badan ayaa idinka horeeya, ragga qaar hal sano ayey furinta ku jiraan, rag badana waa naga dhinteen, hadana qaarkiin waa dhima doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.

    Sidoo kale Xildhibaan Jacfar wuxuu sheegay in odayaasha beesha Murusade ee Dhuusamareeb tegay uu dadkoodii qaar Al-Shabaab heysto, qaarna Xamar joogto, “Muqdisho inta yimaadaan ciidankooda haka abaabulaan, hana hor kacaan haday dagaal diyaar u yihiin.”

    Hoos ka daawo

     

    The post Daawo: Jacfar oo si yaab leh u eedeeyey odayaasha iyo siyaasiyiinta Murusade appeared first on Caasimada Online.

  11. Sadexdii todobaad ina soo dhaafay waxa ina asqeeyay kulamo la lahaa waxa lagaga soo hor jeedaa Jabhada Gacanlibaax, kulamadaasi waxa xooga lagu saaray beesha Isaxaaq Care in ay hadasho oo mawqifkeeda cadayso oo dhaleecayso in ayna jabhadaasi ku jirin.

    Waxa 2 shir lagu qabtay Hudheelka Kaah xaga midna lagu qabtay beerta Bare Warsame ee ku taala bariga Hargeysa, dhamaan kulamadaasi waxa ay ku dhamaadeen faashil mana ay ahayn kuwo ay ka soo qayb galeen dadkii bulshada matalaayay taasina waxa ay sababtay in wixii hore lagu kalsoonaan waayo oo xukumadu ay hadana soo abaabusho kulan lagu sheegay Baho West Burco Clan oo ka dhigan Isaxaaq iyo Ciidagale kulankaasi waxa uu isu rogay mid aflagaado iyo turxaan uun dadka kala dhex dhigaaya mana uu ahayn mid guulaystay.

    Marka aan xaqiiqda raga buurta Gacanlibaax ku jira ee Jabhada ah ee xukuumadda Muuse Biixi ka soo hor jeedaa waxa hogaaminaaya rag reer Hargeysa ah oo ka soo kala jeeda bariga iyo koonfurta Hargeysa waana madaxda ugu saraysa ee hagaaya kooxdaasi. Waxana haboon in aan kolba afar meel isku soo urursadaa ayna aflagaadayn cidnaba ummaddana been loo sheegin xukuumaddana aan kolba shilin laga soo qaadin ee waa in raga buurta loogu tagaa oo la soo qanciyaa wixii ay tabanyaana la ogaadaa haday qaldanyihiina runta loo sheegaa.

    Waxa haboon in dhalinyarada kooxdaasi ku biiraysa la siiyo wacyigalin xaga maalin walba Hudheel laga qaylinaayo oo shaqsi kastaa oo aan ognahay uu ilaashanaayo dano gaar ah.

    Mawqifka dhabt ah ee Isaxaaq Carre ee ku aadan hawshani waa mid cad oo ay kow ka tahay nabad kuwda noolaan shaha dalka iyo gaar ahaan caasimadda in aan la dumin wixii inoo dhisan, in ay beelaha wada daga caasimaddu yihiin dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmaynin in wixii laga tirsanaayo xukuumadda aan loo qaadan xumaan.

    In xukuumaddu joojiso sida qaldan ee ay u soo ciyaarsiinayso rag deegaanka ka mid ah oo aan fahansanyn waxa maqan iyo waxa jooga isla markaasina xuquuqda deegaanda meel kaga dhacaaya iyaga oo maantaba oofin kari waayay wixii ay xukuumaddu doonaysay.

    Xukumadihii kala danbeeyay ee Kulmiye way ku fashilmeen in ay wax mashaariic ah oo dadweynaha u dan ah ay ka fulliyaan degmooyinka Cadaaddley iyo Sabawanaag haday noqoto caafimaad, waxbarasho ama harooyinka waaweyn ee lag hir galiyay qaybo ka mid ah Togdheer iyo Maroodijeex ha ugu sii liidato xukuumadda Muuse Biixi oo ku fashilantay 6 sano ee ay xukunka haysay in hal iskuul ay seegaanada ka fuliso.

    Gabo gabo
    Waa in xukuumaddu dhagysataa dadka dalkana laga qabtaa doorasho laga wada raali yahay. Waana in la ilaaliyo wada jirka shicibka iyo qarannimada Somaliland.

    La so qaybta labaad

    Qaran News


  12. Ciidamada-Somaliland-.jpeg?fit=2048%2C13

    Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa sheegay inay weli wadaan tallaabooyin ay doonayaan inay xal ugu helaan khilaafka gacan-ka-hadalka isku beddelay ee u dhaxeeya xukuumadda Muuse Biixi iyo kooxda hubaysan ee ku sugan Buurta Gacan Libaax.

    Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerar ay kooxdaasi ku soo qaaday ciidamada maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay ay ku dhinteen 9 askari, 17 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Wixii ka dambeeyey markii uu weerarkaasi dhacay odayaasha iyo madax-dhaqameedka Somaliland ayaa laba jibaaray dadaalada ay ku dhex-dhexaadinayaan xukuumadda iyo jabhadda hubeysan.

    Golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale maanta ka hadalay xiisadaan, waxayna wax ka weydiiyeen guddi ay horay ugu xil-saareen xalinta xiisadaan, kaas oo guddoomiye looga dhigay xildhibaan Axmed Jirde.

    “Guddoomiye guddigeenii howshii aad u xilsaartay waan bilownay, laakiin weli waa ku jirnaa, waxaana codsaneynaa in nala sugo, inta wax soo dhameyneyso hana sugo, golaha waxaan hor keeni doonaa warbixin dhameystiran,” ayuu yiri xildhibaan Axmed Jirde.

    Dhinaca kale, Hargeysa waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday kulamo xal loogu raadinayo arrintaan oo odayaasha dhaqanka Somaliland ay wadeen.

    Odayaasha ayaa warbaahinta u sheegay inay rajo badan ka qabaan inay buurta Gacan-libaax ugu tagaan dhalinyarada gadooday ee jabhadda noqotay.

    Sidoo kale guddiyada Somaliland qaar ayaa ku baxay aagga buurta Gacan-libaax ee Jabhadaasi ay joogto, si ay kulamo ula soo yeeshaan hoggaanka Jabhadda.

    Maanta Xildhibaanada Somaliland ayaa aad uga dooday arrintaan ka soo cusboonaatay buurta Gacan-libaax, iyagoo soo jeediyey talooyin ku aadan sidii loo xalin lahaa xiisadaan gaartay gacan ka hadalka.

    Hoos ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintaan

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/01000000-0aff-0242-d80a-08db9daff055_16k.mp3The post Xiisada Gacan-libaax oo cirka isku shareertay iyo dhinacyo ku soo baxay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

  13. Dubbe-scaled.jpeg?fit=2560%2C2022&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Soomaali Cable aayaa ka falceliyay hadalkii kasoo yeeray Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Aqalka Sare kaas oo  si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

    Dubbe ayaaugu baaqay Xildhibaannada iyo madaxda kale ee dalka in ay ka qayb-qaataan dagaalka socda, isla-markaana aysan tuman wax uu ugu yeeray ‘Qaaci’.

    “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Cusmaan Abuukar Dubbe.

    Dhankiisa Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka jawaabay hadalka Senator Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in looga fadhiyo inuu faah-faahiyo waxa uu kala jeedo hadalkaasi.

    “Dubbe waa oday Senator ah waa in wax laga weydiiyo maxaad ula jeeday Xildhibaannaa Qaaci tumanaya, Qaaciga iyo arrimahaas si uu faahfaahin uga bixiyo” ayuu yiri Cali Xaaji.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u gefay guud ahaan Xildhibaannada Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inuu raalli-gelin ka bixiyay hadalkaasi.

    “Marka labaad ka xildhibaan ahaan waxaa ka codsanayaa in arrintaas uu raalli-gelin ka bixiyo horta oo Xildhibaannada uu ku gefay uu raalli-gelin siiyo, isaga oo caddeyn doono cidda uu ula jeeday iyo qolada Qaaciga tumata iyo halka ay ku tuntaan” ayuu sii raaciyay.

    Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in Xildhibaannadu ay qaateen doorkooda, isla-markaana ay weli qaarkood jiraan jiidda hore goobaha ay ka socdaan dagaallada.

    “Xildhibaannada qaybo kamid ah sidii ay dagaalka furinta u tageen laba bilood, saddex billood kahor ayay wlei ugu maqan yihiin” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

    Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda xarun ka dhigtay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug.

    The post Daawo: Dubbe oo lagu qabsaday arrintii uu ka sheegay Xildhibaannada BF appeared first on Caasimada Online.

  14. Abgaal.jpg?resize=960%2C768&ssl=1

    Wasiir hore Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa xukuumadda madaxweyne Deni ku dhaliilay gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee xannibay isu socodka laamiga dheer.

    “Waxaa ayaan darro weyn ah in ciidamadii kala duwanaa ee Dowladda Puntland ay jid gooyo dhigtaan kaantaroolada iyo kastamyada iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan ayna kala jareen isu socodkii ganacsi ee wadanka” ayuu yiri Xasan Abgaal.

    Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay madaxweyne Siciid Deni xaaladda amni ee magaalada Boosaaso ka taagan gaar ahaanna xarumaha ganacsiga Boosaaso ee bunbooyinka lala dhacay taas oo sida uu sheegay aysan cidna wax ka qaban.

    “Waxaa kale oo ayaan daro weyn ah in shirkadihii canshuurta laga qaadayey habeen walba mid bunbo lala dhaco taas oo aan wax dan ah uusan ka lahayn madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”

    “Isaga oo ku guda jira riwaayadii beenta ahayd oo uu magacaabayo gudiyo aysan jirin sifo sharci ah oo ay leeyihiin dalkana uu ka dhoofo isaga oo aan waxba ka qaban tabashada ciidanka mushahar la’aanta ka cabanaya” ayuu sii raaciyay kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

    Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa ugu danbayn ugu baaqay ciidamada kala duwan ee Puntland in ay u dulqaataan wakhtiga yar ee u haray xukuumadda madaxweyne Deni islamarkaana ilaaliyaan amniga dalka”Ugu dambayn waxaan ka codsanaynaa ciidamada Dowladda Puntland in ay u dulqaataan waqtiga yar ee u haray Xukuumadda Said Deni ayna inoo ilaaliyaan Amniga dalka, kaas oo aysan waxba ka galin madaxweynaha wakhtigu ka sii dhamaanayo”.

    PUNTLAND POST

    The post Xasan Abgaal oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay mushaar la’aanta ciidamada iyo amni-xumada Boosaaso appeared first on Puntland Post.


  15. 367716833_677393577768417_49648683167446

    Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa muddo 94 maalmood ah kadib gelinkii dambe ee maanta xorriyadeeda dib u heshay Wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

    Bushaaro ayaa waxaa saaka xukun hal sanno ah oo la iibsan karo ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa Bushaaro ayaa lacag ahaan u bixisay xabsiga lagu xukumay, kadibna waxaa sii daayay Booliska gacanta ku haya xabsiga Gibiley.

    Sidoo kale qoyska Bushaaro Cali Baandey ayaa durba soo dhaweeyay sii deynteeda, ayada oo Hooyada dhashay ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay go’aanka ay maxkamaddu ridday.

    Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen Wariyeyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

    Ilaa iyo hadda lama Bushaaro lama hadlin warbaahinta, waxaase la filayaa inay dib ka bixiso faahfaahin ku aadan xaaladeeda iyo waxa ay la kulantay muddadii ay ku xirneyd.

    Gabadhan oo dhalasho labaad ka haysata Ingiriiska, isla-markaana deggan London ayaa inta ay ku jirtay xabsiga gashay xaalad adag oo caafimaad sidoo kalena la kulantay jirdil.

    Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro, taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed.

    Somaliland ayaa horay ugu eedeysay qaran dumisnimo iyo inay faafisay warar been abuur ah oo liddi ku ah maamulkaasi, sida ay shaaciyeen madax ka tirsan xukuumadda Hargeysa.

    Si kastaba, Bushaaro Baandey ayaa muddada ay xirneyd waxaa xukuumadda Muuse Biixi Cabdi cadaadis lagu saarayay sii-deynteeda, ayada oo hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee The Committee to Protect Journalist (CPJ) ay horey ugu baaqday in deg-deg loo sii daayo Wariye Bushaaro Baandey oo markaas lasoo warinayay in xaalad caafimaad darro ku haysato gudaha xabsiga.

    The post Bushaaro Baandey oo lacag bixisay kadibna laga sii daayay xabsiga appeared first on Caasimada Online.

  16. Shirka Daneeyeyaasha Arrimaha Deegaanka oo Lagu Qabtay Hargeysa

    IMG-20230815-WA0003-300x171.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furtay shirka daneeyeyaasha arrimaha deegaanka.

    Shirkaasi oo ah mid saddex bilood le ah ayay yeeshaan wasaaradda Deegaanka, iyo haayadaha u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin.
    Furitaanka shirkaasi waxaa Wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeddelka Cimiladda Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

    Kulankaasi oo socday hal maalin waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday haayadaha caalamiga ah, iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda.

    Waxaana shirkaasi diirrada lagu saaray waxyaabaha qabsoomay, kuwa aan qabsoomin, iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee wax ka qabashadda dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.
    Wasiirka Deegaanka, iyo Isbeddelka Cimiladda Somaliland oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeedisay ayaa soo dhawaysay qabsoomidda kulankaasi, waxaanay wasiirku sharaxday qodobadda diirrada lagu saari doono shirkaasi.

    Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in waxyaabaha lagu faaqiday kulanka ay ka mid yihiin in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo haayadaha iyo ururadda ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
    Waxa kaloo ay wasiirku sheegtay in sidoo kale shirkaasi lagaga wada hadlay in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabihii qabsoomay, kuwa aan qabsoomin, iyo caqabadaha jira.
    Wasiirka Deeganku waxa kaloo ay tilmaantay in qodobadda kulanka lagaga dooday ay ka mid tahay sidii loogu shaqayn lahaa, loo na daadejin lahaa siyaasadda qaran ee deegaanka.
    “Maadaama aad tihiin daneeyeyaasha deegaanka, waxaynu doonaynaa in aynu shirkan maanta si weyn isugu waraysano.

    Afar qodob ayaan doonayaa in aan halkan idiinka sheego, kuwaasoo kala ah.
    In aynu xoojino wada shaqaynta inaga dhexdeena ah. Si aynu uga meel gaadhno had ba wixii aynu Gacanta ku hayno.
    In aynu eegno waxyaabaha inoo qabsoomay, iyo waxyaabihii caqabadda inagu noqday, muddooyinkii danbe ee aynaan shirarka isugu iman.

    In aynu si wada jir ah, oo qoto dheer u wada eegno waxyaabaha sanadkan inoo qorshaysan.
    Waxa kaloo aan doonayaa in aynu isla eegno, siyaasadda qaranka ee Deegaanka, oo soo baxday sidii loogu shaqayn lahaa, ee aynu u daadejin lahayn, in aynu xooga saarno” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Maxamed C/laahi Ducaale, oo faah-faahin ka bixiyay u jeedadda shirkaasi ayaa tilmaamay in kulankani uu muhiim u leeyahay wasaaradda.
    Waxaanu yidhi “Kulankani, waa kulan wasaaradda aad iyo aad muhiim ugu ah. Duruufo badan oo jiray awgood, wuu naga baaqday sanadkii hore.

    Markaa haddii aanu nahay madaxda wasaaradda Deegaanka, waxaanu isla garanay in arrintaa la dar-dar geliyo.

    Kulankan maanta waxaanu rejaynaynaa inuu noqdo mid midho dhal ah. Ugu horayn wasaaradda Deegaanka ayaa idin la wadaagi doonta barnaamijka NDP3, gaar ahaana qaybta deegaanka. Waxyaabihii wasaaradda u qabsoolay, iyo caqabadaha taagan”.

    Geesta kale agaasimaha guud ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee ay sida weyn u dhibaataysay isbedelka cimiladu.

    Sidaas darteedna ay mar walba muhiim tahay in laga wada hadlo wax ka qabashadda dhibaatadaasi, iyadoona xukuumadda Somaliland ay sanad walba dhaqaale u qoondayso wax ka qabashadda saamaynta isbedelka cimiladda.
    “Somaliland waxay ka mid tahay dalalka gobolka Geeska Afrika, oo dhibaatooyin badan oo isbeddelka cimiladda ahi ay ka taagan yihiin, hore na ay u soo jireen.
    Sidaa darteed, waa muhiim mar walba in wax la iska waydiiyo, gaar ahaana dawladda Somaliland, oo iyadoo ay duruufo dhaqaale haystaan in ay hada na sanad walba ku dedaasho in mashaariicda xagga horumarka ee Deegaanka ay wax ugu darto.
    Wasaaradu na shaqooyin badan ayay ka qabataa xagga deegaanka, kol ba intii karaankeedda ah” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

    Qaran News


  17. Suldaan Good oo ka Naqdiyay Shir Beeshooda lagu kala saarayo oo Xukuumaddu Abaabushay

    Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah madax dhaqameedka Garxajus ayaa sheegay in shalay Guddidii beeshooda ee tagtay Buurta Gacan-libaax ay u socdeen hawlo nabadgelyo isla markaana qorshuhu yahay in arrinta dhallinyaradaas la dhammeeyo.

    Suldaan Good wuxuu naqdiyay madax ja tirsan xukuumadda oo shalay Hargeysa ku qabtay shir lagu kala saarayo beelaha West Burco Clan, waxaanu tilmaamay inay u hadleen sidii dad nabadgelyada neceb.

    Suldaan Good wuxuu sheegay inay eedo been ah u jeediyay Guddida West Burco Clan iyo Xisbiga WADDANI.

    Suldaan Good wuxuu been abuur qaawan ku tilmaamay nin Suldaan ah oo sheegay in dhallinyarada Gacan-libaax laga xukumo qol ku yaalla Guriga Murrashax Cirro.

    Wuxuu tilmaamay in aanay jirin siyaasiyiin iyo madax dhaqameed dhalinyarada buurta fuushay wax ka ogaa, hase ahaatee qaddiyadoodu ay ka dhalatay khilaafkii doorashooyinka iyo
    tabashooyin is biirsaday oo beesha West Burco Clan.

    Suldaanku wuxuu ku dhaliilay madaxweyne Muuse Biixi inuu dadkiisa ku adag yahay, isla markaana looga baahan yahay inuu ummadda u dhibirsanaado.

    Qaran News