Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Baarlamaanka-DG-Puntland.jpg?fit=2048%2C

    Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan ansixiyo guddiga rasmiga ah ee doorashooyinka Puntland ee PEC.

    Maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan ayey mudaneyaasha golaha wakiilada maamulka Puntland ay ansixin doonaan xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka, sida ay illo wareedyo xilkas u sheegeen Caasimada Online.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in fadhiga baarlamaanka Puntland uu gebi ahaanba xirmo kadib marka la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee PEC.

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagna afar ugu maqan dalka dibadiisa ayaa isla maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan qorshuhu yahay inuu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

    Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni oo aad ugu ololeeyo doorashada qof iyo cod, oo qeybo kamid ah maamulkaasi uga qabsoomtay.

    Baarlamaanka Puntland ayaa kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland, iyaga oo isku raacay in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

    Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

    The post Baarlamaanka Puntland oo qaadaya tallaabo la xiriirta doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.

  2. Hantidhawraha Guud oo Warbixin ka Jeediyay Golaha Wakiillada

    IMG-20230903-WA0003.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha golaha wakiilladda ayaa maanta loo qaybiyay warbixinta xisaab xidh sanadeedka 2022 kaas oo uu soo diyaariyay xafiiska hanti dhawaraha guud ee qaranka.

    Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir, ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha xisaab xidh sannadeedka2022-ka, waxaanu tilmaamay meelihii uu dakhligu kasoo xerooday iyo meelihii uu kharashku baxay kuwaas oo isagu jira dakhliga dawlada dhexe iyo dawladaha hoose iyo sidoo kale hay’addaha madaxa banaan.

    Qaran News


  3. ciidamada-ciidan-scaled.jpeg?fit=2560%2C

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa helin wax nasiino iyo fasax ah muddo sanad iyo dhowr billood oo ay ku jireen dagaal toos ah oo ay la galeen kooxaha argagixisada

    Gorgor, Danab iyo guud ahaan ciidanka xoogga dalka ayaa furinta ku hooyanayay muddo sanad ka badan, waxayna xabaddii ay kasoo bilaabeen hareeraha magaalada Muqdisho ku tageen Cowswayne illaa iyo Ceelbuur.

    Waayahan dambe dagaallada kama qeyb-galin Macawisley, sidoo kale ciidanka ATMIS ayaa ku jirin dagaalka, taas oo ka dhigin in ciidanka xoogga dalka uu qaatay kaalin uusan qaadan tan iyo markii dib loo ambaqaaday dowlad dhiska Soomaaliya labaatan sano kahor.

    Kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cowswayne oo uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in khasaaraha dhankooda gaaray iyo midka argagixisada gaaray uu badan yahay midka argagixisada gaaray, haddana waxay dowladda go’aansatay inay dib u hagaajiso gulufkeeda oo la xisaabiyo haddii ay jiraan qaladaad iyo khasaarooyin laga baaqsan karay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu habeen hore Internet-ka kula hadlay madaxdii hore ee dalka, aqoonyahaano iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo iskugu yimid inay dhiiri-geliyaan ciidanka xoogga dalka.

    Waxa uu madaxweynaha sheegay in ciidanka lasoo wada aruuriyo, xeryahooda lagu soo celiyo oo nasiino la siiyo, maadaama aanay wax nasiino ah helin muddo sanad ka badan oo ay dagaal ku jireen.

    Inkasta oo aanu madaxweynaha sheegin, haddana xogaha qaar ayaa sheegaya in dowladda qaadatay 15 maalmood oo dib u habeyn ah, waxaana askarta loo ogolaaday inay booqan karaan qoysaskooda.

    Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xeelada, farsamada iyo niyadda ciidanka ay rabaan inay dib u hagaajiyaan mudaddaasi kooban, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen inay ciidanka xeryaha kusoo celiyaan.

    Waxaa jira warar sheegaya in dowladda qorsheyneyso inay isbedello ku sameysay qorshaha guud ee dagaalka, iyada oo ay dhici karto in dadka qaar laga beddelo doorkii ay markii hore ku metelayeen dagaalka ama la dhimo awooddii markii hore la siiyay, iyada oo sidoo kale taliyeyaal cusub loo magacaabi karo guutooyinka iyo qeybaha.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rejo xoog leh ka muujiyay inay laba-kacleyn la imaan doonaan, uuna ku kalsoon yahay in laga adkaan doono argagixisada.

    “Sanad iyo jarjarka dagaal Shabaab lagu jiray nin aan nasan oo maalintii uu dagaalka billowday illaa maanta taagna ordaayay oo xabad ridaayay oo qarax ka dul-dhacaayay, anagana fursad ma aanu haysan iyo awood aan ku kala badalno, hadda maadaama sidaas dhacday waa soo aruurinay xeryahooda ayaa lagu soo wada xareyanayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Waxa uu intaas kusii daray “Intaas mudadaas kooban sidii dagaalka meeshii uu joogay aan dib uga soo noqon laheyn, oo lagu ilaalin lahaa meesha, uuna hore uga sii socon lahaa.”

    The post Sababta ciidanka xoogga dalka xerooyinkooda loogu soo celinayo appeared first on Caasimada Online.

  4. Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddida Xuquuqul Insaanka

    Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL, ayaa warbixino ka dhageystay guddida shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka iyo guddida arrimaha Gudaha nabadgalyada iyo difaaca golahaasi.

    Guddida guddi hoosaadka shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey howlaha kala duwan garsoorka Dalka, ayaa warbixintiisa kaga waramay sidii garsoorka waddanka kor u qaadis loogu sameyn lahaa, aqoonta garsoorayaasha loo dhisilahaa, loona ilaalinlahaa xuquuqda garsoorayaasha, isla markaasna wixii kiisas ah maxkamadda dalka horyaala loo fulin lahaa.

    Sidoo kale Xildhibaan Xareed waxa uu sheegay in waaxda garsoorku gaadhay horumar la taabankaro, waxaanu intaas raaciyay in maxkamadaha guur guura loo kala diro gobollada dalka, kuwaas oo uu xusay inay fududeeyeen adeeggi waaxda garsoorka ee bulshaddu u baahneyd.

    Dhinaca kalena Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Farax Buddeeye, kana tirsan Guddidada arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Guurtida, ayaa warbixintiisa ku sheegay in shilalka gaadiidku yihiin kuwa badan wakhtigan, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khilaafaadka beelaha u dhaxeeya lagu dhammeeyo wado hadal.

    Qaran News


  5. 01000000-0a00-0242-33b1-08db30721b26_w40

    Dabley hubeysan ayaa dilay toddoba qof oo Muslimiin ah saddex kalena ku dhaawacay laba weerar oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla gobolka Kaduna ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

    Kooxo dambiilayaal oo dalkaasi looga yaqaanno burcadda ayaa lagu tuhmayaa weerarka Jimcihii, iyagoo rasaas ku furay dad salaaddii maqrib ku tukunayay masaajid ku yaalla deegaanka Saya-Saya ee degmada Ikara halkaasi oo ay ku dileen lix qof, sida uu sheegay Mansir Xassan oo ah afhayeenka booliiska gobolka Kaduna.

    Xassan ayaa sheegay in ‘burcadda’ oo 9 ka mid ah ay mootooyin wateen ay weerareen masaajidka.

    Dableyda ayuu sheegay in markaa ka dib ay weerareen masaajid kale oo ku yaalla tuulada Tashar Dauda halkaasi oo uu hal qof ku dhintay saddex kalana dhaawacmeen sida uu yiri afhayeenku.

    Xassan ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday ay afar mooto dheceen ka hor inta aysan u cararin keymaha gobolkaasi.

    PUNTLAND POST

    The post Nigeria: Dabley hubaysan 7 qof ku dilay laba masjid appeared first on Puntland Post.


  6. Mursal-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Baydhaba Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dadag ee ka jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

    Ugu horreyn Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hadda xoogiisa ka socdo deegaanada Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

    Maxamed Mursal ayaa intaas kadib si adag uga hadlay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, isaga oo tilmaamay in aan la gelin karin, lagana soo bixi karin magaaladaas oo caasimad kumeel gaar u ah dowla dgoboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    “Caasimada KMG ah ee Baydhaba hal kiilo mitir lagama soo bixi karo, lamana tegi karo way go’doonsan tahay, waa la socotaan degmooyin ayaa go’doonsan toban iyo dhowr sano oo waxyaabaha daruuriyaadka ah u gudbi karin” ayuu yiri guddoomiyihii hore Baarlamaanka.

    Sidoo kale waxa uu farriin u diray hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo ka dalbaday inuu u istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

    “Waxaan leenahay nidaamka meesha ka jira adigaa laga rabaa inaad shacabka goobaabisid, inaad dagaal gelisid si ay isaga qaadaan gumeysigaas” ayuu raaciyay.

    Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata syaasiyiinta iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan dagaalka Al-Shabaab.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

    The post MURSAL: Baydhaba lagama soo bixi karo, lamana tegi karo appeared first on Caasimada Online.

  7. 340316528_620623393287280_91570219428479

    Cadale (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah u dirtay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud.

    Ciidamadan oo tiro ahaan gaarayaa illaa 1,500 oo askari ayaa laga sagootiyay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula hadleen xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

    Askartan ayaa isugu jirta Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo halkaas lagu diyaariyay, waxaana u dhameystiran qalabkooda iyo gaadiidkooda.

    Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada ayaa u rajeeyay guul iyo inay xoreeyaan bariga gobolka Galgaduud.

    “Waxaan rabaa horta inaan idin xaqiijiyo halganka, dadaalka iyo howsha aad ku jirtaan inuu yahay halgan iyo dadaal la’idinla ogyahay oo dowaddu ka war qaybto” ayuu yiri.

    Dhankiisa Sarreeye Gaas Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule) oo kamid ah saraakiisha ciidamad Xoogg dalka ayaa ka hadlay goobta, wuxuuna sheegay in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biirayaan gulufka socda.

    Gacmaduule ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanada laga soo baxay, wuxuuna sheegay in ujeedka u ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, haatana ay dib ugu labaan doonaan dhammaan magaalooyinkii iyo deegaanada ay kasoo baxeen.

    “Waad ogtihiin hadda dib u habeyn ayaa la sameeyay ciidankii soo baxay dib ayaa loogu celiyay xeryahoodii habeyntii ayaa ku socota, maalmaha soo socda nin walba aaggii uu lahaa iyo goobta loo diro ka howlgeli doonaa” ayuu isna yire Sarreeya Gaas Gacamaduule.

    Dhaq-dhaqaaqan ayaa qayb ka ah qorshaha iyo abaabulka dagaal ee dowladda federaalka, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

    The post Daawo: DF Soomaaliya oo 1,500 oo askari u dirtay jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.

  8. Xasan-iyo-ciidamada.jpeg?fit=2048%2C1365

    Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweyntiisa.

    Magaalada ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud horudhac u ah safarka madaxweynaha, kuwaas oo labadii maalmood ee la dhaafay gaaray halkaasi.

    Sidoo kale waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo ciidamo dheeraad ah oo lagu daabulay degmada Maxaas, si ay xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi.

    Madaxda kale ee joogta Maxaas ayaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte oo shalay magaaladaasi gaaray, isla-markaana sheegay in uu qayb ka noqon doono qorshaha dagaal ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo la kulmo doono ciidamada iyo dadka deegaanka.

    Sidoo kale madaxweynaha dowladda federaalka ayaa kormeeri doono saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kale ee ku yaalla magaaladaas, si uu u qiimeeyo xaaladda guud.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.

    Si kastaba, safarka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin iyo deegaano ku yaalla gobollada dhexe.

    The post Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas appeared first on Caasimada Online.

  9. Beeraleyda qaadka ee kenya ayaa suuq cusub oo qaadka ay geeyaan ka helay bariga dhexe ka dib markii ay waayeen mid ka mid ah labadii suuq ee ugu weynaa baayacmushtarkooda.

    Ganacsatada qaadka ayaa bilaayiin Shilin ka heli jiray UK iyo Soomaaliya oo ahaa labadii suuq ee ugu weynaa. UK ayaa dalkeeda ka joojisay qaadka iyadoo ku dartay 2014-kii in uu ka mid yahay maandooriyayaasha, halka Soomaaliyana ay xayiraad saartay inkastoo hadda la qaaday.

    Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha Meru ayaa hadda si weyn u raadinaya suuqyo hor leh ka dib markii ay sheegeen in ay casharo ka barteen markii ay joojisay Soomaaliya oo ay si weyn ugu tiirsanaayeen.

    Ururka beeraleyda iyo ganacsatada iyo guddoomiyahooda Kimathi Munjuri ayaa la filayaa in ay Tel-Aviv ku soo bandhigaan ganacsigooda bishan September

    Mr. Munjuri wuxuu sheegay in ay ka qeybgalayaan bandhigga Agro Mashow ee Israel kaas oo ay geynayaan dalagyo kala duwan.

    Ku simaha agaasimaha guud ee hay’adda beeraha Kenya Willis Audi ayaa sheegay in Israel ay tahay meel muhiim ah oo wax soo saarka beeraha Kenya loo dhoofin karo. Kenya ayaa muddo dheer u dhoofin jirtay Israel qaxwaha, shaaha iyo ubaxa.

    Markii dib loo furay qaadka tagi jiray Soomaaliya waxaa la filayay in uu kor ku kaco balse beeraleyda qaadka iyo ganacsatada waxay sheegeen in ay sidaan noqon.

    qaadka ugu badan ee laga cuno Israel waxaa uu uga yimaadaa Ethiopia, waana suuq weli la geyn karo noocyada kale ee qaadka.

    Qaadka Isreal la geeyo waxaa cuna inta badan Yahuudda ka timid Yemen waxayna ugu dhawaaqaan “Gat”, inta badan waxay cunaan xiliyada ay nasanayaan.

    Qaadka waa laga ogol yahay Isreal hadii aad caleemahiisa cuneyso balse waa sharci darro hadii aad badasho oo walxaha ku jiro ka soo saarto.

    Sanadkii 2012-kii ayey Isreal ku dhawaaqday in uu sharci darro yahay cabitaan laga sameeyay qaadka, waxayna ku tilmaameen in uu yahay maandooriyaha ugu khatarsan.

    Source


  10. madaale.jpg?fit=860%2C574&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

    Madaale ayaa marka hore boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay in lagu xoreeyay dhul ballaaran.

    Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanadii ay dhowaan ka soo baxeen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin farsamo iyo xeelad milatari.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay inay ku laaban doonaan furinta dagaalka.

    “Ciidamada muddo badan ayay meesha ku jireen dhuudhuujin ayaa loo soo qaaday xeryahooda ayayna joogaan, waana laabanayaan” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

    Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada iyo duqeymaha ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana uu tilmaamay in la burburiyay saldhigyo waa weyn iyo xarumo kale oo ay laheyd kooxda.

    “Dagaal marka la galaayo qaabab badan ayuu leeyahay, xeelado dagaal ayuu leeyahay cadowga beryahaan cirkaa laga duqeynaayay” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

    Yuusuf Madaale ayaa kamid ahaa madaxdii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ee todobaadkii hore booqashada ku tegay taliska ciidamada ee degmada Aadan Yabaal.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Galmudug oo uu weli ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

    The post Daawo: Muxuu Madaale ka yiri deegaanadii laga soo baxay? appeared first on Caasimada Online.

  11. Mukhtaar-Shaahmacabe.jpg?fit=779%2C634&s

    Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay qoraal lasoo dhigay akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la’yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab.

    Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

    Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.

    Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, oo aan la hadalnay ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha.

    “Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno,” ayay tiri.

    Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.

    “Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

    Maxay hore qoyska Shaah-macabbe uga yiraahdeen arrintan?

    Jawaahir Baarqab oo markii uu soo baxay warka ah in la la’yahay taliyaha la hadashay BBC ayaa sheegtay in qoys ahaan aysan caddeyn karin inuu nool yahay ama inuu geeriyooday.

    “Marka horeba askariga Soomaaliyeed isteellaha marka uu xirto geeri iyo nolol ayuu u dhaxeeyaa marka nin taliye ah oo guuto dhan loo dhiibay wiilal badan oo Soomaaliyeed ayuu madax u ahaa, annaga nolol iyo geeri waan naqaanaa, walaalkay wuu imaan doonaa hadduu Alle idmo oo uu nool yahay haddii uu dhintana waa ehelu janno, laakiin isagoo caafimaad qabo inuu yimaado baanu jecel nahay. Meesha caano shub uma uusan tagin Ugaas la soo duubaayo ma uusan ahayn, guul iyo geeriba ninka ragga wuu ka filanayaa goobta dagaalka,” ayay tiri Jawaahir.

    Laakin Jawaahir Baarqab waxay sheegtay inaysan ogeyn halka ay ka keeneen dadka baraha bulshada ku soo qoraya inuu geeriyooday Shaah macabbe.

    Waxay sheegtay in geeridiisa ay xaqiijin karaan wasaaradda gaashaan-dhigga, warfaafinta ama taliyaha milatariga Soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo ay qasab tahay in loo sheego oo ay aasaan haddii uu geeriyooday.

    Dhanka kale waxay sheegtay inay jiraan xogo ay heleen oo tibaaxaya in Taliyaha uu nool yahay oo uu badqabo oo shaqo qaran ku jiro.

    Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya Cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

    Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle.

    Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

    ”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe.

    Isha: BBC Somali

    The post Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay Shaah-macabe? appeared first on Caasimada Online.

  12. deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal

    Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino ayaa ka soo baxaya duqayn xoog leh oo shalay ka dhacday deegaanka Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

    Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay saakay si ba’an u garaaceen Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaankaasi.

    Xeradan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana loo arkaa goob muhiim u ah joogitaanka Koonfurta Gobolka Mudug.

    Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in xilligii ay duqayn dhaceysay uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaaf Shabaabka dhexdiisa ah uu jiray, lana doonayay in shirkaasi lagu xaliyo.

    Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad laba boqol oo nin lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee Sabtidan ka dhacay xeradaasi.

    “Kuwii ka soo badbaaday dagaalkii Cowsweyne ayaa meesha soo galay, halkaasaana lagu afjaray,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Deeq.

    Marka laga soo taggo hadalka Gudoomiyaha, dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare lixaad lihi uu maleeshiyadu ka soo gaaray duqayntaasi, isla-markaana gelinkii dambe ee shalay ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo.

    Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee xubnaha Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen.

    Duqayntu waxay imaanaysaa, xilli la abaabulayo hawlgal ballaaran oo qorshuhu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.

    The post Xog laga helayo weerar lagu qaaday Xerada Sheekh Maxamed Rage + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.