-
Content Count
211,630 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Waxaa Isniintii xilka loo dhaariyey General Brice Olingui Nguema oo ah hoggaamiyaha cusub ee awoodda dalka Gabon kula wareegay inqilaabka, isaga oo noqonaya madaxweyne ku meel gaar ah.
Khubarada kala duwan ayaa sheegaysa in tallaabadani ay hordhac u tahay, hubanti la’aan soo foodsaartay mustaqbalka siyaasadeed ee dalkan ku yaalla Afrikada dhexe.
General Olingui ayaa ballanqaaday in uu qaban doono doorasho xor ah oo daahfuran si uu dalkaas ugu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa, hase ahaatee muu sheegin xilliga uu xukunka wareejin doono.
Hoggaamiyaha milateriga ee xukunka loo dhaariyey ayaa sheegay inay tahay in marka hore la sameeyo dastuur cusub isla markaana afti loo qaado.
PUNTLAND POST
The post Hoggaamiyaha Inqilaabka ku qabsaday dalka Gabon oo xilka loo dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Countries. Yet, new details show that arms supply is just as much the bloc’s area of specialisation, to eastern African countries.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 39 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.
Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.
Xubnaha ayaa kala ah;
1. Fu’aad Abshir Axmed
2. Axmed Jaamac Maxamed
3. Axmed Maxamuud Cumar ( KK )
4. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
5. Maxamed Abshir Garaad
6. Maxamuud Soofe Xassan
7. Cabdullahi Maxamed Barre ( Caato)
8. Marwo Faadumo Siciid Axmed
9. Cabdinuur Maxamuud Maxamed Ubbaale
Dhinaca kalena, waxaa maalinta sabti 9ka bisha September si rasmi ah loo dhammeystiri doonaa xubnaha kale ee Xisbiyadda Siyasadeedka Puntland kuwaa oo codsi ay soo gudbiyeen horay ugu codsaday in wakhti dheeraad ah la siiyo.
PUNTLAND POST
The post Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.
-
Police in Uganda announced Sunday that they had thwarted a bomb attack at a Pentecostal church in the capital.
-
‘Conflict isn't merely a side issue; it is an integral part of the equation.’
-
Waxaa magaalada London ee carriga dalka UK ku geeriyooday fanaankii weynaa, Allah ha u naxariistee Axmed Naaji Sacad.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga tacsiyeeyey ehelada, qaaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliya, geerida naxdinta leh ee ku timi fanaankii weynaa Marxuum Axmed Naaji Sacad.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin weyn ugu jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka soo ciyaaray sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa waaweyn.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo madax kala duwan oo kale ayaa iyaguna tacsi u diray ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
The post Fanaankii Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Somali National Army (SNA) said its forces on Monday killed 43 al-Shabab militants and injured several others after conducting an operation in Galgaduud region, central Somalia.
-
Doha, Qatar: The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia HE Hamza Abdi Barre arrived this evening in Doha, on a working visit to the country.
-
Referring to the stigma he faces in Somalia because he has albinism, 25 year-old Elmi Bile Mohamed says: "People tell me I am a cannibal and that I will eat their children. They are terrified of me."
-
Doha (Caasimada Online) – In what seems to be a growing alliance between the Horn of Africa and the Gulf, Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre descended on Qatar on Monday for a pivotal five-day diplomatic visit.
On the agenda? Conversations with top brass, including Qatar’s Prime Minister and Minister of Foreign Affairs, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.
Also on Barre’s meeting roster is a contingent of influential Qatari business leaders, suggesting that economic collaborations might be on the horizon.
Echoing these speculations, reports hint that the two nations are poised to ink several agreements focused on boosting investments in Mogadishu, Somalia’s capital.
Qatar’s significant role in Somalia’s peace efforts
“The role of Qatar is paramount in assisting our pursuit for peace, economic growth, and political settlements,” Somalia’s Deputy Prime Minister Salah Jama commented in a recent interview with Caasimada Online.
This statement came as no surprise, given Qatar’s 2021 peace mediation between Kenya and Somalia and its subsequent efforts to facilitate peace in the region.
Further underscoring Qatar’s commitment, Doha hosted a crucial multi-party discussion on Somalia’s intricate political scenario in June.
Officials from Somalia, the US, the UK, the UAE, and Turkey converged in the Gulf nation’s capital for this dialogue.
Under the keen oversight of Qatar’s Minister of State for International Cooperation, Lolwah Al Khater, the assembly delved into strategies bolstering Somalia’s resistance against Al-Shabaab and transitions involving the African Union.
Emerging as the radical youth faction of the defunct Union of Islamic Courts, Al Shabaab—Arabic for ‘The Youth’—once held the reins of Mogadishu in 2006 before being expelled by Ethiopian forces.
The militant group, with its nefarious nexus linking it to Boko Haram in Nigeria and Al-Qaeda in the Islamic Maghreb, holds a clear objective: overturn Somalia’s central administration to impose a stringent version of Islamic law.
Qatar’s humanitarian footprint in Somalia
Beyond diplomacy, Qatar has firmly planted its feet in Somalia’s humanitarian landscape, especially in light of the intensifying drought crisis.
Teaming up with the US and the UK, Qatar funneled $10.5 million in drought assistance to Somalia in June. This infusion sustained the Building Resilient Communities in Somalia consortium, a crucial lifeline for the nation.
Qatar’s philanthropic blueprint in Somalia continues. Last year, in response to escalating international appeals for aid, Qatar pledged $1.5 million to fortify emergency response and resilience-building.
The gravity of the situation is such that over half a million Somali children under five are navigating the perilous waters of malnutrition and mortality risks.
This year’s drought, touted as the most severe in four decades, casts shadows of impending famines and dislocations.
To contextualize the crisis, data from the UN last year painted a grim picture: a surge of over 755,000 internally displaced Somalis owing to the drought, with the tally topping a million since January 2021.
The UN aptly encapsulated the direness, describing the Somali situation as a “protracted refugee” crisis rooted in decades of political instability and civil unrest since the 1990s.
The post Gulf gambit: Somalia’s PM bets big on Qatari ties appeared first on Caasimada Online. -
Pyongyang (Caasimada Online) – A potential game-changing geopolitical shift is on the horizon, as North Korean leader Kim Jong Un prepares to travel to Russia. His aim? To discuss the strategic exchange of weapons and technology with President Vladimir Putin, as per sources from the New York Times.
This would mean North Korea might supply artillery shells and antitank missiles to Russia, receiving Moscow’s advanced satellite and nuclear-powered submarine technology in return.
In a rare foray outside his borders, Kim’s mode of transportation to Vladivostok, a port city near North Korea, is expected to be an armored train – reminiscent of his father’s signature travel style.
The last significant visit to Russia from North Korea’s leadership was Kim Jong Il, who opted for the safety of his armored train and visited just a few months before his passing in 2011.
U.S. concerns and the Cold War echoes
The United States has, expectedly, voiced concerns over the growing camaraderie between Russia and North Korea.
Russia’s Defence Minister, Sergei Shoigu, when queried about the potential joint military exercises with North Korea, responded with an old Russian proverb: “You don’t choose your neighbors, and it’s better to live with your neighbors in peace and harmony.”
Yonhap, South Korea’s leading news agency, recently highlighted South Korea’s intelligence agency’s insights into a proposal by Shoigu. The proposition? A trilateral naval exercise involving China, North Korea, and Russia.
Reflecting on their shared history, Moscow’s intentions to enhance its “mutually respectful relations” with Pyongyang, a cherished Cold War ally, comes as no surprise.
Moreover, Russia’s recent declaration about annexing parts of Ukraine in 2022 garnered support from a select few countries, with North Korea being prominent among them.
A changing landscape in military alliances
Noteworthy is the increasing momentum of military alliances. Last week, the U.S. shared its apprehensions regarding the arms negotiation progress between North Korea and Russia.
The recent visit of Shoigu to North Korea for the “Victory Day” celebrations, marking the 70th anniversary of the end of the Korean War, saw him reportedly having private dialogues with Kim.
Contrary to the rising speculations, Russia’s ambassador to North Korea, Alexander Matsegora, communicated to the TASS news agency about his unawareness of North Korea’s involvement in the speculated trilateral military drills.
However, he felt it would be “appropriate” given the U.S.-led activities in the region.
Amidst all this, North Korea has consistently refuted claims of “arms dealings” with Russia. Meanwhile, the United States sanctions entities allegedly connected to such deals.
This new alliance formation sheds light on the region’s evolving dynamics of military exercises.
While North Korea has kept its military exercises with neighbors minimal, the U.S. and its ally, South Korea, often engage in regular drills, which North Korea perceives as war preparations against them.
The post Kim’s Russian gambit: Redrawing global battle lines appeared first on Caasimada Online. -
Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo kubaareeyeen degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyadu ay soo buuxdhaafisay deegaanada hoostagga degmadaasi iyo weliba waddooyinka soo gala.
Wax badan lagama oga sababta ay xilligan Shabaabku culeyska u soo saareen degmadaasi, waxayse imaanaysaa maalmo uun ka dib weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii ka gaysteen degmada.
Shabaabka oo 1-dii bishan weerar ku galay degmadaasi ayaa waxaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo xoogaga madaniga ee degmada u suurtagashay in ay dib uga saaraan degmadaasi. Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa jirtay duqayn dhinaca cirka ah oo lala eegtay maleeshiyadaasi.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqayntaasi oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay 30 ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.
Dadka reer Qoryooley ayaa isla dhex maraya in Shabaabku ay doonayaan in ay go’doomiyaan degmadaasi, si la mid ah sanadihii 2015-2016, oo ay si ba’an u go’doomiyeen Qoryooley, dhaawacdayna wax soosaarkii tacabka beeraha ee degmadaasi.
Ciidamadii madaniga ee xilligaasi la sameeyay ayaa ku guuleystay in ay go’doominta ka saaraan degmadaasi, kadib markii ay billaabeen in ay Shabaabku ku weeraraan goobihii ay ka go’doominayeen degmadaasi. Tani ayaana keentay in Shabaabku joojiyaan cunaqabateyntii ay ku hayeen Qoryooley.
Dhanka kale Shabaabka ayaa habeen hore fiidkii madaafiic ku weeraray Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Danow, oo hoostagga Degmada Qoryooley.
Wararka ayaa sheegaya in Militariga Uganda ee degan Danow iyo Qoryooley ay madaafiic xoog lihi kaga falceliyeen weerarkaasi.
Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, ka gadaal markii hoobiye habow ahaa uu ku soo dhacay Degmada Qoryooley.
Dadka reer Qoryooley ayaa walaac dhanka amniga ahi ka muujinayo culeyska ay Shabaabku soo saareen degmadooda.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in Shabaabku ay qalqalgeliyaan amniga degmadaasi.
The post Maleeshiyada Al-Shabaab oo soo kubaareeyay Qoryooley appeared first on Caasimada Online. -
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa weli maamulka Puntland ka taagan khilaaf iyo hubanti la’aan salka ku haysa nooca ay u qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada maamulkaasi ee 2024-ka.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa wada qorshe doorasho oo qof iyo cod ah, kaasi oo ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland, oo u arka inuu madaxweynaha ka leeyahay qorshahaasi damac muddo kororsi.
Deni ayaa bishii hore shaaciyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod, islamarkaana ay ku qabsoomi doonto xilligeeda rasmiga ah, oo dib u dhac jiri doonin, sida uu sheegay.
Mucaaradka oo diidan qorshaha uu wado Deni ee doorasho qof iyo cod ah ayaa soo jeediyay in lagu laabto hanaankii hore ee lagu doortay madaxweynaha hadda muddo xileedkiisu sii dhamaanayo.
Ismari-waaga labada dhinac ayaa weli taagan, mana jiro xal siyaasadeed oo laga gaaray khilaafka dhinac, ayada oo maanta la filayo in Baarlamaanka Puntland uu ansixiyo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.
PEC ayaa u qaabilsan maamulka hirgelinta doorashada hannaanka qof iyo cod, taasi oo aan weli dhinacyadu isku raacin, ayna siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan mid uu qorshe kale ku hoos wato Saciid Deni, oo gadaal ka riixaya arrintaan.
Inkasta oo aysan hadda cadeyn nooca doorasho ee Puntland aadi doonto 2024, haddana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in aysan wakhtiga harsan suurta-gal ahayn doorasho qof iyo cod ah.
Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni, xilli baarlamaanka Puntland uu kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxay markaas isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.
Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.
The post Hubanti la’aan weli ka taagan Puntland iyo baarlamaanka oo tallaabo qaadaya appeared first on Caasimada Online. -
Dadka naafada ah waxa ay nidaamka iyo bulshada labada ba kala kulmaan caqabado door ah oo ay ugu horreeyaan takoor iyo sinnaan-la’aan. Ololayaasha wacyigelinta dadweynuhu waxa ay abuuri karaan bulsho loo siman yahay.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa shaacisay in askar mayd ah looga tegay jiida hore ee dagaalka gobolka Sool.
ICRC ayaa sheegtay in ay aastay 42 meyd ah oo laga soo saaray jiida hore, kadib dagaalkii ay SSC ku jabisay ciidamada Somaliland, kaasi oo ay ku qabsatayna askar badan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.
“ICRC-da toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaallada, halka 42 meyd ah laga soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda ICRC.
Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac ah loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo.”
ICRC ayaa dhawaan sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo kamid ah ciidamadii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada SSC.
Waxa kale oo ay shaacisay hay’addu in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen.
Waxay xaqiijisay in dadkaas ay ku jiraan afar maxbuus oo dhaawacyo qaba, kuwaasi oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC.
Boqolaal qof ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, waxayna ICRC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay booqato maxaabiista labada dhinac, si loo ogaaday nolosha lagu hayo.
Shaqaalaha hey’adaas ayey Somaliland u ogolaatay inay booqdaan maxaabiis laga qabtay xoogagga SSC, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada magaalada Hargeysa.
Si kastaba, Dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya Somaliland iyo SSC ayaa socday tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, burbur hantiyeed oo baahsan iyo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay guryahoodii.
The post 42 askari oo looga tagay goobihii lagu dagaalamay ee Laascaanood oo… appeared first on Caasimada Online. -
Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishan u safro Ruushka , si uu ula kulmo madaxweyne , Vladimir Putin.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay hub siiso Ruushka , si ay u taageeraan dagaalka ka socda Ukraine.
Lama shaacin goobta ay madaxda u qorsheeyeen inay ku kulmaan. Ilaha xogtan laga helayo ayaa wargeyska New York Times u sheegay inay jirto suurtogalnimo sare oo Kim ku safri doono isagoo isticmaalaya tareen milateri.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, John Kirby ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Ruushka uu dhawaan tagay Kuuriyada Waqooyi , si uu isugu dayo in uu ku qanciyo Pyongyang in ay hub ka iibiso Ruushka.
Dhawaan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hayo xog cusub oo ku saabsan in wadahadallada u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay sii socdaan, waxaana labada hoggaamiye ay warqado u qorayeen midba midka kale, waxaana ay ballan qaadeen in ay kordhinayaan iskaashiga.
PUNTLAND POST
The post Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo bishan u safraya Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa(Qaran news)-Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa toddobaadkan ku kulmaya Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qayb-galayaan shirka Cimilada ee qaaradda Afrika. Waxaana shirkaasi qayb ka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan ayaa la filayaa in lagaga hadlo sidii loo yarayn lahaa qiiqa hawada lagu sii daayo iyo sidii loola qabsan lahaa dhibaatooyinka sii kordhaya ee Isbadelka Cimiladda.
Shirkan oo bilaabmaya 4 Bisha September oo bari ku beegan, socona doona ilaa lixda bisha waxa ka qayb-gali doona siyaasad-dajiyayaal, hogaamiyayaal ganacsi iyo u dhaq-dhaqaaqayaal deegaan oo ka kala yimi dhammaan qaaradda.
Furitaanka shirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu sare u kac ku yimi heer-kulka Afrika marka loo eego meelo badan oo caalamka ah, sababo la xidhiidha dhacdooyin cimilo oo aad u daran iyo abaaro daba dheeraaday oo ay qaaradu la kulantay, taas oo keentay cunno yari baahsan.
Ugu dambayn qaaradda afrika ayaa wax ka yar 3 boqolkiiba ku leh wadarta guud ee qiiqa hawada lagu sii daayo, waxaana la filayaa in hoggaamiyayaasha qaaradu ay sare u qaadaan baaqyada ku aaddan helida taageero dhaqaale oo wax lagaga qabto dhibaatooyinka isbadelka cimilada. -
Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay si xun u Adeegsiga Gaadiidka Dawladda
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed-sidiiq Dhamme, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda si xun u isticmaalka Gaadiidka Dawladda.
Xoghaye Sidiiq Dhamme wuxuu sheegay in miisaaniyadii kalhore ay ku jireen iibsiga 45 baabuur oo nooca raaxada ah, waxaanu tilmaamay in gaadiidka dawladda aan la dhawrin oo hadh iyo habeenba la tooncinayo.
Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiusa Facebook oo u qornaa sidan:-
“Miisaaniyaddi 2022 waxa ku jiray iibka 45 Gaadhi oo ah Gawaadhi raaxo iyo kuwo qaali ah, qiime ahaan Lacagta lagu kharash gareeyay Sannadkaa waxay dhammayd $1,529,068 Sannad kasta waxa ku jira Miisaaniyada iib Gaadiid.Waxa nasiib darro ah in aan xil la iska saarin Gaadiidka Dawladda oo aan lagu koobin isticmaalkooda Saacadaha shaqada, waxaad arkaysaa Habbeen iyo Maalin Gawaadhi Dawladeed oo loo isticmaalayo si shakhsi ah, Lacagtaa Malaayiinta Dollar ah maxaa loo khasaarinayaa ?.”
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa rajo weyn ka muujiyey suurtagalnimada soo celinta heshiiskii Qamadiga ee Badda Madow, kaas oo gacan ka geystay in Qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wadahadallo uu saacadihii lasoo dhaafay la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin.
Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July – sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo caqabado soo wajahay bacrimiyeyaasha.
Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Benin, Masar iyo Sudan, sida ay QM sheegtay.
Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada.
Soomaaliya ayaa Ukraine ka heshay 84,000 tan oo qamadi ah sanadkii 2022, ilaa 31,000 oo tan ayay ka heshay sanadkii ka horreeyay ee 2021, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay caawinaad ku garab istaageen si wax looga qabto macluusha ba’an ee ka jirta meelaha qaar.
Macluusha qeybo ka mid ah Geeska Afrika ayaa kasii dartay sanadkan, maaddaama xilli roobaadka la filayo inuu baaqdo sanadkii shanaad oo xiriir ah.
Erdogan, oo horay door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska ayey hadana QM isku dayeysaa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto.
“Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban,” ayuu Erdogan yiri isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022.
Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayaan wax dhoofinta iyo wax soo saarka beeraha Ruushka.
“Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale – waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo,” ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan.
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in qamadiga laga soo qaado Ukraine lana gaarsiiyo suuqyada iyadoo lasii marsiinayo Badda Madow iyo in wax laga qabto xasaradda cunnada ee adduunka oo ay QM sheegtay inay kasii dartay kaddib duullaankii Ruushka uu Ukraine ku qaaday bishii February sanadkii hore.
Ruushka iyo Ukraine waa labo ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida dhanka beeraha, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin suuqyada qamadiga, shiciiriyadda, galleyda, saliidda canabka, miraha gabbal-dayaha iyo saliiddiisa.
Iyadoo dhoofinta cunnada iyo bacrimiyeyaasha Ruushka aysan quseyn cunaqabateynta Reer-Galbeedku soo rogay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa sheegtay in xayiraadaha lacagaha, farsamada iyo caymiska ay xagal-daaciyeen raridda badarka.
“Reer-Gabeedku waxay sii wadaan inay suuqyada adduunka ka xannibaan badarka iyo bacrimiyeyaasha Ruushka,” ayuu yiri Putin, isagoo intaa raaciyay in Galbeedku ay Ruushka ku “qiyaameen” heshiiska.
The post Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin saameyn culus ku yeelatay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. -
Jigjiga(Qaran news)-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa sheegay in Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo ku wajahan la dagaalanka Argagixisada.
Mustafe Cagjar wuxuu sheegay inay Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha xuduudaha iyo dagaalka ka dhan ah argagixisada.
Mustafe Cagjar wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhacay Laascaanood aanay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku lug lahayn, isla markaana dani ugu jirin bilowgii dagaalkaas iyo imikaba.
Ma cada waxa xiligani ka hadliyay Mustafe Cagjar hase ahaatee waxa xiligani la sheegayaa in ay dalkaasi ku suganyihiin xubno ka mid ah huwanta ka dagaalamaysa bariga gobolka Sool
Somaliland ayaa hore u sheegtay inay dagaalka Laascaanood ay ka qaybgaleen rag ka soo jeeda deegaankaas oo qaarkood lagu qabtay dagaaladii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo huwanta Laascaanood.
-
Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.
Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.
“Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.
“Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”
Kim oo aan inta badan u safrin dibedda ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.
Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.
“Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.
Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang, qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.
The post PUTIN iyo Kim Jong Un oo la filayo inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan… appeared first on Caasimada Online. -
LONDON, UK (HOL) - The esteemed Somali artist, Ahmed Naji Sa’ad, who was a prominent figure in Somali music, passed away this evening in London. May he rest in peace.
-
LONDON, UK (HOL) - The esteemed Somali artist, Ahmed Naji Sa’ad, who was a prominent figure in Somali music, passed away this evening in London. May he rest in peace.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad kulamo ka wada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana kulamadaas ka soo baxaya xogo muujinaya in la isku fahmi waayey.
Nabadoon Cabdi Gardheere oo ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sheegay in seddax fadhi ay ku kala tageen Madaxweynaha, isla markaana uu ka diiday waxyaabihii ay kala hadleen.
Nabadoon ayaa ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay talo meel ugu xiran tahay, ayaguna ay wataan dalab aan laga gudbi karin, taas oo sababtay in haba yaraatee la isku fahmi waayo kulamadii ka dhacay Maxaas.
“Maxaas waxaan u nimid dalab, waxaan na cosaday madaxweyne Xasan Sheekh, wixii uu noogu yeeray iyo wixii aan ka codsanay waa is qaba waayeen, seddax fadhi ayaan ku kala tagnay,” ayuu yiri Nabadoonkaan u hadlay beesha Xawaadle.
Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu diiday inuu kala hadlo tabashadooda, isla markaana uu hadalkiisa ku ekeeyey “Dilka ila xoreeya.”
Cabdi Gardheere wuxuu xusay inay Madaxweynaha u sheegay in dalkaan uu Soomaali ka dhexeeyo waajibkoodana ay ka guteen oo deegaanadii ay ku lahaayen ay xoreysteen.
“Madaxweynuhu wuxuu watay qorshe u gaar ah, anaguna waxaan dhahnay tabashada aan qabno nagala hadal, wuxuuna yiri maya teyda hala fuliyo ee dib noogu dhiga tiina, intaas ayaana ku soo kala tagnay ugu dambeyntii,” ayuu yiri nabadoon Gardheere.
Telefishinka SP oo wareysigaan uu siiyey Nabadoonku ayaa weydiiyey waxa uu dalbanayo Xawaadle ee Xasan Sheekh uu diiday wuxuuna ku jawaabay in maamulka ay dhisteen ee Hiiraan State ay doonayeen inay ka ansixiyaan Madaxweynaha.
“Dhammaan Nabadoonadii reer Hiiraan ee Xawaadle iyo beelaha kale ee la dega ayaa Maxaas yimid, intaas oo beelood tabashadooda madaxweynuhu waa dhageysa diiday, waxa aan isku qabanay waxaa ka mid ah Shabeellada Sare iyo Hiiraan State inuu anxisiyo, wuxuuna noogu jawaabay waxa aad sheegeysaan halkaan uma imaan,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Gardheere.
Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yiri “War kale anigu geli maayee dalka aan xoreyno, waxaan u sheegnay in dalka xoreyntiisa aan diyaar u nahay oo dhulkeenii aan ka xoreysanay cadowga, dalka oo la xoreyn wax kale kama hadlaayo ayuu noogu jawaabay, dalkana anaga kaliya dad uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray nabadoonkaan.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Xawaadle oo sheegay in Xasan uu ka diiday qorshahoodii iyo 3 kulan oo lagu kala tegay appeared first on Caasimada Online.
Beesha Mudullood oo laba arrin ka codsatay beesha caalamka kadib gadoodkii…
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Beelweynta Mudullood oo ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa codsi gaar ah u dirtay beesha caalamka, gaar ahaan guddiga amniga ee Qaramada Midoobey, wuxuuna shirka beesha diiradda saarayey dagaalka Al-Shabaab.
Beesha ayaa labo ka mid ah lix qodob oo shirkaas ka soo baxday baaq ugu dirtay beesha caalamka, iyagoo go’aan ka gaaray sidii ay Shabaab uga xoreysa lahaayeen dhulkooda, ugana difaaca lahaayeen hadii ay mar kale ka soo baxaan ciidamada dowladda.
“Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada,” ayaa lagu yiri qodobkaan oo qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka beelaha Mudulood.
Sidoo kale beesha oo go’aansaday inay qaaraan iska uruuriso, si Shabaab dambe uusan u qabsan dhulkeeda ayaa beesha caalamka ka codsatay in dowladda Soomaaliya lagu garab istaago dagaalkaan adag ee kooxda ay kula jirto.
“Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta oo mararka qaar u gudubta, dhibaatana ka geysata dalalka deriska la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qodobkii 6-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweyn oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudulood ay ku yeesheen Muqdisho.
In la qabto shirkaas waxaa sababay jaha wareerkii ka dhashay go’aankii ay ciidamada dowladda uga soo baxeen magaalooyinka Ceeldheer, Cowsweyne, Galcad iyo deegaano kale oo beelaha Mudulood ay degaan.
Mudullood ayaa hadda isku dhaarsaday in deg deg loo xoreeyo dhulka ay Shabaab ka heystaan, intaas kadibna la isku tashado, xitaa hadii ciidamada dowladda ay mar kale gadoodaan oo furimaha soo baneeyaan.
Sidoo kale beeshaan waxay muujisay taageero buuxda oo dowladda iyo ciidamada ay la garab taagan tahay, waxayna qirtay in dowladda ay heyso dhaqaaleyari baahsan, xili ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, waxayna isku qoreen qaaraan, si loo fududeeyo sahayda dagaalka.
The post Beesha Mudullood oo laba arrin ka codsatay beesha caalamka kadib gadoodkii… appeared first on Caasimada Online.