Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Markab.jpg?fit=512%2C341&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.

    Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.

    Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.

    Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

    Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

    Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

    Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga  leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya.

    Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.

    Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego.

    Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

    The post Kooxaha burcadbadeeda oo markab labaad ku afduubtay xeebaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

  2. FB_IMG_1703310875615.jpg?resize=720%2C72

    Guddoomiyihii TPEC ee hirgeliyay doorashooyinkii qof iyo cod ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in uu xubin ka noqdo Baarlamanka cusub ee Puntland.

    Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guulaystay in uu badbaadiyo barnaamijkii doorashooyinka qof iyo cod ee degmooyinka Puntland oo qarka u saarnaa fashil ka hor inta uusan xilkaasi qaban.

    Mudane Cabdirisaaq ayaa lagu tilmaamaay in uu maamulay doorashadii ugu caqabadda badnayd haddana natiijo ahaan ugu cabashada yarayd ee ka dhacday degmooyinka Puntland.

    Wararka ayaa sheegaya in uu hadda u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland inkastoo uusan isagu weli shaacin in uu u tartamayo Xillaasi.

    PUNTLAND POST

    The post Guddoomiyihii hore ee TPEC oo u sharraxan gudoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.


  3. Markab-ship-RUEN.jpeg?fit=2560%2C1679&ss

    Boosaaso (Caasimada Online) – Sida uu sheegay Wasiirka Dakadaha Gaadiidka Badda iyo ka hortaga Dambiyada Baddaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax waxaa wali deegaannada xeebaha ee bariga Puntland ku afduuban muddo todobaad ah Markab nooca qaada shixnaha ganacsi oo ay haystaan burcad baddeed Soomaali ah.

    Markabka oo lagu magaaco Ruen, lagana leeyahay dalka Bulgaria ayaa ku sugnaa biyaha badda cas markii kooxda burcad badeedka Soomaalida ay afduubayeen, kuwaas oo dhanka xeebaha Puntland la soo aaday markabka.

    Sida ka muuqata sawirro sattelite-ka oo ay Puntland la wadaageen ciidamada ku sugan biyaha caalamiga ee Soomaaliya ayaa muujinaya halka uu hadda ku sugan yahay markabka.

    Wasiir Saalax ayaa sheegay in markabka uu hadda ka hareeraysan yahay badda iyo barrigaba, ayna dhanka badda ka joogaan saddex Markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada caalamiga, halka barrigana ay ciidamada badda ee Puntland (PMPF) ay ka go’doomiyeen oo ay ka jareen xirirka dhanka dhulka ah.

    Markabka ayaa hadda ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo sida wasiir Saalax sheegay uu baroosinka dhigtay oo taagan yahay labadii maalmood ee ugu danbaysay ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay samaynayey.

    Tiradda burcada badeedda markabka afduubtay

    Ragga burcad baddeeda ah ee iminka afduubka ku haysta markabka Ruena ayaa dhan 16 qof, kuwaas oo toddobaadyo ka hor doon kaluulmaysi oo laga leeyahay Iran ka afduubay xeebaha bari ee Puntland kuna soo qafaashay markabkan oo marayey biyaha caalamiga ee badda cas.

    Intii ay ku jireen howlagalka afduubka raga burcad badeedda ah waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mida shaqaalaha saaran markabka oo wadar ahaan dhan 18 shaqaale ah, sida uu sheegay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yaasiin.

    “Ninka dhaawaca gaaray waa madaxii Injineerrada markabka, kaas oo dhaawac uu gaaray markii ragga burcad baddeedda ah ay korayeen markabka, shirkadda iska leh markabka ayaa xiriir ay la samaysay waxay u sheegeen dhaawaca ninka gaaray, ka dibna waxay ogolaadeen in dhaawaca laga soo dajiyo markabka si loo daweeyo, markii hore waxaan doonaynay in xeebta Xaafuun oo markabku mareyey laga soo qaado dhaawaca laakiin markii danbe waxay ogolaadeen in doon yar oo ka tagtay Markab dagaal oo Spanish ah soo qaaddo ninka dhaawaca ah, waxaana hadda lagu dabiibayaa markabka Spain ee badda ku sugan,” ayuu yiri wasiir Saalax.

    Shaqaalaha saaran markabka ayaa kala ah 8 u dhashay dalka Bulgaria, 9 u dhashay Myanmar iyo hal ka soo jeeda dalka Angola.

    Maxay tahay talaabada la qaadayo

    Axmed Yaasiin ayaa sheegay in hadda qorshuhu yahay sidii loo soo furan lahaa markabka iyo shaqaalaha saaran ee gacanta ugu jira burcad baddeeda.

    “Puntland waxaa ka go’an inay qaaddo howlgal lagu soo furanayo markabkan iyo shaqaalaha saaran, ayadoo dhanaka kalena talaabo looga qaadayo kuwa afduubtay, marka aan dhamayno qorshaynteena ayaan qaadaynaa talabadaas, waana ku filannahay inaa qaadno howlgalkaas,” ayuu intaa ku daray wasiir Axmed.

    Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay in sidoo kale ciidamada amaanka ee Puntland ay ku daba jiraan cid walba oo xiriir dhanka dhulka la samaysay ragga burcadda ah ee markabka saaran, ayna tallaabo ka qaadayaan.

    Xeebaha u dhow Puntland, gaar ahaan dhanka xeebaha bari ee badweynta hindiya iyo badda cas waxaa ka dhacay weeraro ay gaysteen kooxo burcad baddeed ah oo afduubyo gaystay kuwaas oo ay ka mid ahayd doon u rarnayd ganacsto Soomaali ah oo rag burcad baddeed ahi ay ka afduubeen deegaan xeebeedka degmada Eyl.

    Isha: BBC

    The post Xog: Sida loo hareereeyey markabka weyn ee xeebaha PUNTLAND lagu haysto appeared first on Caasimada Online.

  4. golaha-ammaanka-QM.png?fit=1323%2C714&ss

    New York (Caasimada Online) – Ka dib maalmo badan oo wadahadalo xooggani ay ka socdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ugu dambayn waxaa Golaha Ammaanku meelmariyey qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la geeyo marinka Gaza, ka dib markii Maraykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, uu ka aamusay.

    “Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas-GreenField oo ah danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

    Linda ayaa intaas ku dartay, in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiita, iyada oo ugu baaqday labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas-ba inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxay sheegtay in Maraykanku uu “aad uga niyad-jabsan yahay” inaan qaraarkan lagu soo darin, in la cambaareeyo weerarkii Xamaas ay ku dishay 1,200 ee Israa’iiliyiinta ah.

    Ruushka oo qaraarkan ka aamusay ayaa isagu doonayey in la xoojiyo luuqadda uu ku qoran yahay qaraarkani, isaga oo ku tilmaamay qabyo qoraalkii ugu dambeeyey ee ay dabada ka riixaysay Washington inuu ahaa “mid aan nuxur badan xambaarsanayn”.

    Diplomaasiyiinta ayaa tan iyo maalintii Isniinta waxay ka shaqaynayeen qaraar qabyo qoraal ah, oo ay soo diyaariyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, iyaga oo doonayey in lagu qanciyo Maraykanka, inaanu adeegsan codkiisa diidmada qayaxan.

    Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.

    Qaraarkan ugu dambeeyey ayaa la fududeeyey luuqadda lagu qoray, waxaana laga saaray in si toosa loogu baaqo xabbad-joojin degdeg ah, taas bedelkeeda waxaa dhinacyada loogu baaqay inay abuuraan jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waara. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa haatan ka soo horjeeda xabbad-joojin lagu baaqo, iyaga oo ku doodaya inay caawinayso kooxda Xamaas.

    The post Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka gaaray xaaladda Gaza appeared first on Caasimada Online.

  5. WASHINGTON: More than 20 countries have joined the US-led coalition to protect Red Sea shipping from attacks by Yemen’s Houthi rebels, the Pentagon said on Thursday.
    The Iran-backed Houthis have repeatedly targeted vessels in the vital shipping lane with strikes they say are in support of Palestinians in Gaza, where Israel is battling militant group Hamas.
    “We’ve had over 20 nations now sign on to participate” in the coalition, Pentagon spokesman Major General Pat Ryder told journalists.
    Ryder said the Houthis are “attacking the economic wellbeing and prosperity of nations around the world,” effectively becoming “bandits along the international highway that is the Red Sea.”
    Coalition forces will “serve as a highway patrol of sorts, patrolling the Red Sea and the Gulf of Aden to respond to — and assist as necessary — commercial vessels that are transiting this vital international waterway,” he said, calling on the Houthis to cease their attacks.
    The latest round of the Israel-Hamas conflict began when the Palestinian militant group carried out a shock cross-border attack on October 7 that killed around 1,140 people in Israel, according to an AFP tally based on Israeli figures.
    Vowing to destroy Hamas, Israel began a relentless bombardment of targets in Gaza, alongside a ground invasion, which Gaza’s Hamas government on Wednesday said has killed at least 20,000 people.
    Those deaths have provoked widespread anger in the Middle East and provided an impetus for attacks by armed groups in the region, including the Houthi strikes on Red Sea shipping.
    The United States announced the multinational Red Sea coalition on Monday, while the Houthis warned two days later that they would strike back if attacked.

    AFP

    Qaran News


  6. IMG-20231214-WA0006.jpg?resize=715%2C479

    Mas’uuliyiinta Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Sabtida ku dhawaaqaya in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn doorashada Puntland sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

    Mas’uuliyiinta Maamulka iyo isimada dhaqanka ayaa saacadihii la soo dhaafay shirar kala duwan ka yeeshay sida laga yeelayo xulista xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto SSC-Khaatumo.

    Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta SSC ugu danbayntii go’aansadeen in aysan wax xildhibaanno ah u dirsan doorashada Puntland si looga baaqsado khilaaf ka dhasha arrintaasi.

    Wararka ayaa tilmaamaya in SSC-khaatumo ay Sabtida berri ah soo saarayaan bayaan lagu caddaynayo in aysan waxba ku darsan doonin doorashada Puntland islamarkaana aysan cidna ku matalin.

    PUNTLAND POST

    The post SSC-Khaatumo oo Sabtida ku dhawaaqaya in aysan qayb ka ahayn doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.


  7. Mahad-Salaad.jpg?fit=900%2C960&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa si lama filaan ah ku tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho xilli ay aad u camirneed.

    Dad badan oo dhalinyaro ah ayuu xeebta ugu tegay Mahad Salaad, isagoo salaan la maray, kana xog wareystay xaaladaha amni ee magaalada.

    Durbadiiba hadalheynta tallaabada uu qaaday Mahad Salaad ayaa qabsatay baraha bulshada, waxayna dadka Muqdisho aad u falanqeynayaan amniga caasimadda.

    Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhif iyo naadir aheyd in la arko ama fagaarayaasha xasaasiga ah sida Liido uu tago Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.

    Hadal-heybta ugu badan waxay ka dhalatay kalsoonida uu qabay Mahad Salaad oo dadka dhexgalay, kuwaas oo sawirro la galay, sidoo kale waxay dadka qaar sheegayeen in uusan wadan ilaalo badan.

    Amniga magaalada Muqdisho oo soo hagaagaya ayaa suurta gelay in madaxda ugu sareysa qaranka ay kalsooni ku tagaan goobo uu amnigoodu xasaasi ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

    Taliyaha NISA waxaa lagu amaanaa waqtiga uu geliyey sugidda amniga caasimadda, sidoo kale hey’adaha kale ee amniga sida booliska ayaa ammaan ku helay shaqada muuqata ee Muqdisho laga qabtay sanadkaan.

    Liido ayaa ka mid aheed goobaha ugu weeararada badnaa Muqdisho waayihii amni darrada, sidoo kale waxaa habeen iyo galab kasta xeebta isugu tagta dhalinyaro badan oo jawi ku soo qaata xeebta, dadka Muqdisho ayaa aad u mahddinaya amniga caasimada oo soo hagaagaya.

    IMG_6885.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1 IMG_6884.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1 IMG_6883.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1 IMG_6882.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1 IMG_6881.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1

    The post Sawirro: Mahad Salaad oo caawa qaaday tallaabo hadal-heyn badan abuurtay appeared first on Caasimada Online.

  8. Xasan-Sheekh.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tanaasulaan, isku dulqaataan, isna kaashadaan.

    Wuxuu tusaale u soo qaatay taageerada caalamku uu siiyo Soomaalida, sida deyn cafinta, qaadista cunaqabateyntii hubka iyo kabka miisaaniyadda, intaas oo taageero ah iyadoo dadkeenu ay ka helaan dad shisheeye ah wuxuu sheegay Madaxweynuhu in hadana siyaasiyiinta iyo dadka qaar ay wax kasta oo dan-guud ah hordhigayaan xujo ah “la ilama tashan.”

    Madaxweynuhu wuxuu dadkiisa Soomaaliyeed ka dalbaday in aysan juhdinku bixin wax aan waxaba u tareyn, sida hadallada gefka ah, mucaaradnimada aan hadafka laheyn, shakiga iyo cabsida.

    “Waxaa halkaan na dhigay kala shaki aan qabno, dalkaan qof inta garabka saarta la carari karaahi ma jiro, reer hebel ama nin hebel ayaa sad-bursi watee ka dhig kuma jiri karnee aan iskaashi iyo wadatashi ku dhisano dalkeena,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Wuxuu codsaday in dowladnimada loo ogolaado inay korto, “hey’adaha dowladda markii ay talaab horay u qaada maagaan hadii la dhaho fiiri xumaantii ay samey jireen ayay soo wadaane, waxay noqa doontaa in la kala cabsado oo shaqo kasta laga cabsado,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

    Xasan Sheekh ayaa balan qaaday in dowladiisa aysan samey doonin qalad ku talagal ah, balse wuxuu xusay inay wax ka qaldami karaan oo bini’aadam ay yihiin, balse ay dadaali doonaan, “hadaan qaldano waa naloo sheegi karaa, ma ahan inaan dhahno ma anagaa hebel wax noo sheegi karaa? Maya ma dhici doonto taasi,” ayuu yiri.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halka ay maanta ay Soomaaliya joogto aysan aheyn meel lagu sii nagaa karo, “waa inaan horay u soconaa oo deg degnaa inagoo iska ilaalineyna inaan kufno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

    Madaxweynaha ayaa qiray in 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya sameyneysay hormar, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in halkaan meel ka sareysa uu gaari karay dalkaan, laakiin dadka Soomaaliyeed ay ayagu lugaha is qabteen.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo dadka Soomaaliyeed ka codsaday hal arrin oo culus appeared first on Caasimada Online.

  9. Maxamuud Xaashi oo Xukuumadda ku Eedeeyay Dheel-dheel

    Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ku jirto dheel-dheel siyaasadeed oo aanay Kaadirka KULMIYE fahamsanayn.

    Sidaas wuxuu ku sheegay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi qoraal kooban oo uu ku qoray barihiisa bulshada sida Facebook iyo Twitter, waxaanu u dhignaa sidan:-

    “Dheel-dheelka Xukuumadda, dhoy la’aanta Kulmiye, dhawaaqa Mucaaridka, dhibaatada shacabka dhan kasta kaga xeeran, iyo dhiillada isa soo taraysa. Allahayow, intee baa u dhaxaysa? Iyamaase dhalanteed ah, oo dhiggiisu uu hadrayaa?.”

    Qaran News


  10. Musharaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Ballaadhan la yeeshay Dhallinyaro ka soo jeeda Saaxil iyo Maroodijeex
    IMG-20231222-WA0013.jpg

    IMG-20231222-WA0012.jpg

    IMG-20231222-WA0011.jpg

    Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, guddoomiye kuxigeen Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarje iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Amerikan ayaa xalay kulan la qaatay Dallada Guud ee Ururka dhallinyarada TALOSAME ee Beelaha Saaxil ee ka hawl Gala gobollada Saaxil iyo Maroodijeex.

    Kulankan oo uu soo Agaasimay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cabdi Xirsi (American) ayaa Dhallinyarada iyo musharraxu ay si qoto-dheer iskaga xog Waraysteen baahiyaha ka jira deegaannada ay dhallinyaradu ka soo jeedaan iyo Qorshaha isbedel ee Xisbigu u hayo, waxaana kulanku ku Soo dhammaaday is fahan iyo wada Shaqayn Toggan oo ku Saabsan Xisbiga WADDANI.

    Qaran News


  11. Ciidanka Socdaalka oo Hirgeliyay Qalab lagu Baadhayo Baasaboorada Been abuurka ah
    IMG-20231222-WA0005.jpg

    Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka laanta Socdaalka Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa taliska guud ee ciidankaas ka hirgeliyay qalab casriya oo lagu ubin doono Baasabooradda iyo Fiisayaasha ay wataanka dadka dalka soo galaya.

    Taliye Xiirane ayaa markii u horraysay ka hirgeliyay xarunta taliska guud ee ciidanka laanta socdaalka Somaliland, (Document Forensic Lap) oo ah xafiis lagu si casriya loo qalabeeyay, qalabkaasi oo ah mid lagu baadhi doono Document-yada socdaalka, sida baasaboorada.

    Geesta kale taliyaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland Sarreeya guuto Maxamed Maxamed Xuseen Farah (Xiirane), ayaa tabbabar u soo xidhay hawlwadeeno ka tirsan ciidanka laanta socdaalka, kuwaas oo lagu tababaray sida loo isticmaalo qalabkan casriga, sida loo ogaankaro baasaboorada beer abuurka iyo fiisayaasha wax ka beddelka lagu sameeyay.

    Gaba-gabadii waxa uu hadalo dhiirigelin iyo dardaaran isugu jira u jeediyay saraakiisa kala duwan ee ka hawlgala Xuduudaha iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ee dhammeystay tababarkan, waxaanu faray in aqoontii tababarkaas ku qaateen ku dabakhaan howlahooda shaqo oo ugu adeegaan bulshadooda.

    Qaran News


  12. IMG-20231222-WA00011.jpg

    Wakiila Somaliland ee dalka Djibouti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ayaa xafiiska Somaliland ee dalka Jabuuti ku qaabilay madax kala gadisan oo ka mid ah hal doorka Somaliland kuwaasi oo socdaal kooban ku yimid dalka Jabuuti.

    Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed waxa uu si gaar gaar ah xafiiska ugu soo dhaweeyay madax ay ka mid ahayd Dr Adna Adan oo Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

    Sidoo kale waxa uu safiirku xafiiskiisa ku qaabilay madax ka tirsan xisbiga Waddani oo uu ka mid ahaa mudane Cabdiqaadir Jirde iyo madax kale oo xisbigaasi ka tirsan.

    Waxana ay safiir Cabdifataax ay uga mahad naqeen sidii uu u soo dhaweeyay.

    Xafiiska Somaliland ee dalka Jabuuti ayaa ah mid ka mid ah xafiiska ugu shaqada badan ee ay Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa

    Qaran News


  13. IMG-20231218-WA0015.jpg

    Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka tirsan Golah Wakiilladdu wuxuu noqday mid bulshadii soo dooratay ee bariga Hargeysa ku hungowday. Waxaanu wax u qabadka dadkiisa ka soo jeclaaday inuu Xukuumadda Muuse u noqdo shaqsi indho la’aan ku difaaca xagii ay ahayd in uu umaddii soo dooratay uga soo qaadi lahaa mashaariicdii ay xaqa ugu lahaayeen

    Xildhibaanku wuxuu dhawaan dhaliilay Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ay waxqabadkiisa ay ummaddu qirtay.

    Sidoo kale deegaanka uu ka soo jeedo Xildhibaan Jamaal wax ay leeyihiin xildhibaanno golaha deegaanka ka tirsan isaga uga waxqabad badan. Waxana looga fadhiyaa inuu ka hadlo waxqabad la’aanta xukuumadda dhexe, iyadoo degmada Sabowanaag aanay lahayn dugsi sare. Waxana dhisi karta oo kaliya Wasaaradda waxbarashad, waxana jirta in ardayda dugsiyada dhexe ka soo baxdaa ay tagaan deegaano kale oo ay kaa mid tahay magaalada Hargeysa oo dhib ku ah ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee ay waalidkood soo siiyeen codkooda si uu ugu raadiyo wixii xukuumadda kaga maqan ee adeeg waxbarasho ah ama mid caafimaad.

    Dhamnaan tuulooyinkii laga soo doortay way ka arradan yihiin adeegyada bulshada oo dhan waxana haboon in uu Xildhibaan Jamaal uu arinkaasi si gaar ahbu eego oo dhaliisha xukuumadda aanu cid kale dhakada ka saarin

    Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa jira dhisme dugsi oo ay ka dhistay bariga Hargeysa iyo qaar ay dayactirtay oo ku yaala degmada Sabanaag.

    Runtii ma difaacaayo maayarka iyo dawlada hoose waxana jira baahiyo badan oo deegaanada kale ee caasimadu ay inagala simanyihiin waxana haboon in wixii qaloocda maayarka iyo ku xigeenkiisa loo tago oo wixii ay qaban karayaan lagala hadlo se yaan la isku qaldin dawllada hoose iyo dawladda dhexe.

    La soco qaybta kale ee qoraalkani oo aan idiin soo gudbin doono.

    Qaran News


  14. FB_IMG_1703232408264.jpg?resize=720%2C48

    Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa sheegay in qofkii danbe ee gaari dhaca bartiisa lagu toogan doono si loogu cibro qaato.

    Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo xalay si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa ku hanjabay tallaabadaasi.

    Taliyaha oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa dhinaca kale ka warbixiyay gaari xalay laga dhacay magaalada Garoowe kaas oo markiiba ciidanka Boolisu gacanta ku soo dhigay.

    G/sare Marduuf ayaa sheegay in markiiba lagu guulaystay gaariga islamarkaana lagu wareejiyay shakhsigii laga dhacay.

    PUNTLAND POST

    The post Taliye Marduuf “Qofkii danbe ee gaari dhaca bartiisa lagu toogan” appeared first on Puntland Post.