Jiir-Jiroole

Nomads
  • Content Count

    52
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jiir-Jiroole

  1. Tahriibinta dadka oo aafo ku ah gobolka Somaliland Xaliimo Ismaaciil, oo daggan Haygaysa ayaa ka warwarsan masiirka wiilkeeda 27-jirka ah Cusmaan iyo gabadheeda Hooda ee 24-jirka ah, oo sida dhallinyaro kale oo badan oo gobolka jooga, ay tahriibiyayaal la qorsheeyeen in ay ka saaraan Somaliland. Tahriibayaal Bariga Afrika kasoo jeeda oo jooga Malta kadib markii lagasoo badbaadiyay doontooda kharibneyd, taasoo maalmo sabbeeynaysay bishii November 2012-kii. Militariga Malta ayaa soo badbaadiyay booliskana u dhiibay 250 tahriibayaan aan diiwaan gashneen, oo ay ku jiraan haween iyo caruur. [Matthew Mirabelli/AFP] Tahriibayaal Bariga Afrika kasoo jeeda oo jooga Malta kadib markii lagasoo badbaadiyay doontooda kharibneyd, taasoo maalmo sabbeeynaysay bishii November 2012-kii. Militariga Malta ayaa soo badbaadiyay booliskana u dhiibay 250 tahriibayaan aan diiwaan gashneen, oo ay ku jiraan haween iyo caruur. [Matthew Mirabelli/AFP] "Warwar daraaddii ma seexan karo. Waxaan ka baqayaa in ay lama-dagaanka ku geeriyoodaan, la dilo ama ay doontoodu ku lunto badda," ayay u sheegtay Sabahi. Cusmaan waxa uu baxay April, waxa uuna gaaray Liibiya laba todobaad kahor, balse Xaliimo wax war ah kama hayso Hooda oo bishaan baxday. "Midkoodna ma haysan wax lacag ah markii ay baxayeen, balse waxaa caawiyay kuwa dadka tahriibiya," ayay tiri. Tan iyo markii uu baxay Cusmaan, waxa uu hooyadii lasoo xiriiray laba jeer si uu u waydiisto in ay lacag ugu soo dirto tahriibiyayaasha jooga Khartuum iyo Dubai, sidaa daraadeed Xaliimo waxa ay sheegtay in ay diray laba lacagood oo qaddartoodu tahay $2,300 iyo 1,350. Cusmaan waxa uu hadda hooyadii ka sugayaa $1,400 si u ugu bixiyo safarkiia badda ee Yurub. Hooda ayaa u baahnaan doonta, waase haddii ay u suura-gasho in ay saxaraha uga gudubto xeebta Libya, ayay tiri Xaliimo. Tahriibiyayaasha ayaa muhaajiriinta lahayste ahaan ugu haysta saxaraha Liibiya ilaa ay kawada bixiyaan lacagta dhan, ayay tiri. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, tiro dad ah oo ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 25 sano ayaa si aan ammaan eheeyn uga tagay Somaliland iyagoo gacan ka helaya shabakado tahriibiyayaal ah oo shaarci darro ah, ayuu yiri Guddoomiyaha Dhalinyaraa Qaranka Somaliland (SONYO) Mubaarak Ismaaciil Taani. "Waqti xaadirkan, tahriibta dhalinyarada xadka ayay ka baxday -- waxa ay Somaliland ku noqotay musiibo qaran," ayuu u sheegay Sabahi. Taani ayaa sheegay in dhallinyaarada ay ka cararayeen shaqo la'aanta baahsan ee gobolka ka jirta. Dhammaadkii 2011-kii, ayay SONYO sii saartay daraasad muujinaysa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin shacabka Somaliland, base afar meelood seddex ay shaqo la'aan yihiin. SONYO ayaa ku qiyaasaysa in kudhowaad 50 dhalinyarada Somaaliland dalka laga tahriibiyo bil walba, inkastoo habka qarsoodiga ah ee howlahan loo qabto ay adkaynayso in la helo tirada dhabta ah. "Inkastoo khatarta tahriibka ay mar horeba jirtay, haddana koox qorshaysan ayaa la sameeyay sannadkan taasoo dhalinyarada ka tahriibisa Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee waaweyn," ayuu yiri Taani. "Waxa ay xafiisyo ku leeyihiin Hargaysa, waana shabakad cusub oo xiriirisa ilaa Liibiya." Mararka qaar, marka qoysaska tahriibayaasha aysan bixin karin lacag ku filan oo ay siiyaan tahriibiyayaasha, muhaajiriinta waa in ay taa baddalkeeda bixiyaan xubnaha jirkooda, ayuu yiri Taani. Si dhibaatada loo xalliyo, maamul-goboleedka iyo shacabka wa in ay si wada jir ah u daweeyaan sinaan la'aanta ka jirta shaqooyinka iyo shaqo qorista ku dhisan qabyaaladda, taa oo niyadda ka dishay dhalinyarada, sida uu sheegayo Professor Sharmaarke Cabdi Ibraahim oo ka tirsan Jaamacadda Hargaysa. "Shaqo abuuris, barnaamijyo taageero ah, barnaamijyo madadaalo ah oo dhalinyaraada loo sameeyo iyo wacyigalin ku aaddan xajmiga dhibaatada [tahriibta] waa in mudnaanta lasiiyaa," ayuu u sheegay Sabahi. Tallaabo xukuumadeed Iyadoo kaashaanaysa bilayska, ayay Waaxda Socdaalkaa Somaliland ka shaqaynaysaa in ay xirto tahriibiyayaasha xudduudaha ka haajirinaya dhaalinyarada, ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Waaxda Maxamed Saleebaan. Waxa uu sheegay in maamulka Somaliland uu raadinayay in uu kaashado hay'adaha fulinta sharciga gobolka si ay u joojiyaan tahriibayaasha, waxa ayna dhowaan xukuumadda Itoobiya u dirtay liis magacyo ah oo lala xiriiriyay shabakadda oo ka howlgasha Addis Ababa. Maamulka mar hore ayuuba tallaabo ka qaaday kuwa ku lugta leh tahriibinta dadka. April 21-keedii, maxkamad Somaliland ah ayaa sagaal nin oo lala xiriiriyay tahriibinta dadka ku ridday xukunno xabsi oo u dhaxeeyay seddex ilaa lix bilood. Waxaa maalintii kahoreysay lagu soo qabtay Wajaale, oo u dhow xudduudda Somaliland la leedahay Itoobiya. June 16-keedii, maxkamad ku taala Gabilay ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda sagaal qof oo kale oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shabakad tahriibiyayaal ah oo ka jirta Somaliland, Itoobiya, Sudan, Liibiya iyo Yemen, ayuu yiri Salebaan. June 23-keedii, ayuu Madaxweynaha gobolka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhawaaqay samaynta guddi todobo ka kooban oo ka shaqaynaya shaqo abuuris iyo ka hortagista tahriibka. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre ayaa hoggaamin doona guddiga cusub, halka lixda xubin ee kale ay kala ahaan doonaan Wasiirka Dhallinyarada, Cayaaraha iyo Dalxiiska Cali Saciid Raygal, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Arimaha Diinta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Qorshaynta Sacad Xaaji Cali Shire, iyo Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid. Siilaanyo ayaa sheegay in uu guddiga u magacaabay si ay u joojiyaan "musiibada" tahriibka sharci-darrada ah, ayna "u badbaadiyaan dhalinyarada". "Tirada dhainyarada ee qorshaynaysa in ay tahriibaan ayaa sii kordhaysa, waxa ayna saamaysay shacabka Somaliland, iyaadoo khatarta tahriibta ay taahay dhibaato horseedaysa in ay dad ku dhintaan," ayuu war-saxaafadeed ku sheegay.