suleeymaan

Nomads
  • Content Count

    46
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by suleeymaan

  1. Xaajiyoow, mawaxaad leedahay, "the epicenter of clannism" maanta weey kagudbeen the "clan is everything" mentality mise...??? Waryaa armeey reerka "social benefit" ama "wadamar" to the "promised land aka Jubbaland" nimanku soodoonteen"??? Anyways, qeeyrka Allaha nawada waafajiyo....Kuli CAFIS...intayareeyd oon meeshan tareesada kariday kuweey wax udhibtay iyo kuwo kaleba.....I'm outta here!!!!!
  2. Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah beelaha dega gobollada Jubooyinka islamarkaasina ka dhacay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa si kulul loogu cambaareeyay dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay faraha kula jirto arimaha maamul u sameynta Jubooyinka. Odoyaal, waxgarad iyo aqoonyahanno goobta hadallo kala duwan ka jeediyay ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolalda Jubooyinka oo ay sheegeen in uu yahay mid aan loo dhameyn islamarkaasina ay wataan dad gaar ah. Xildhibaan Xuseen Baajuun oo kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay shirka imika ka soconayo magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay dhamaan beelaha dega Jubooyinka in ay isu yimaadaan islamarkaasina ay si wadajir ah uga tashadaan aayahooda. Xildhibaan Max’ed Xassan Fiqi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay masuul ka tahay dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha maamul u sameynta Jubooyinka. “Uma dulqaadaneeyno in dowladda Kenya ay horistaagto hannaanka nabadda Soomaaliya,” ayuu yiri Bood C/dile Magan oo ka mid ah siyaasiyiintii goobta ka hadashay, isagoona intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay arinta maamul u sameynta Jubooyinka islamarkaasina ay haboon tahay in iyada looga danbeeyo. Goobta ayaa waxa sidoo kale hadallo ka jeediyay aqoonyahanno, odoyaal, haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo dhamaantoodba si isku mid ah uga soo horjeestay shirka imika ka soconayo Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo Jubooyinka, iyagoona sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan usoo farageliso arinta maamul u sameynta Jubooyinka. Shirkan ay yeesheen waxgaradaka kasoo jeeda Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan waxba kala socon shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo, isagoona ugu baaqay maamulka KMG ee Kismaayo iyo shacabka ku dhaqan gobolkaasi in ay kasoo qeybgalaan shir wadatashi ah oo looga hadlayo arimaha Jubooyinka, kaasoo la filayo in bisha soo socota bilowgeeda uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. These Jubbalanders will not just dissapear as some here would like to see.
  3. Shirkaan oo ah mid ballaaran ayaa wuxuu xilligaan uu ka soconayaa Hotel City Palace ee Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeedaa shirka berito lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb gelaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee Jubbooyinka, Xildhibaanadii hore, Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Haweenka Jubbooyinka iyo Ergooyin la sheegay inay ka kala socdaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay si adag uga soo horjeesteen shirka berito ka furmanaaya Magaalada Kismaayo, waxayna sheegen inay shirkaasi ka diggayaan. Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in shirkani uu yahay mid u gaar ah Sheekh Axmed Madoobe iyo ragga la safan, balse aanu ahayn mid ay u dhan yihiin dhamaanba beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Odayaasha iyo wax garadka Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay iyagu sheegeen inay dareen ka muujinayaan, dagaalo hor leh oo ka qarxa Magaalada Kismaayo, haddii ay sidaani wax ku sii socdaan. Ururka Raaskambooni ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu si cad uu uga soo horjeestay mowqifka Xukuumada, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu sheegay inaan la aqbali doonin qolo gaar ah, oo Maamul Goboleed U Sameyneyneyso Jubbooyinka iyo Gedo.
  4. Very serious talk from our interior ministry. I say it's not too late to cut the head of this snake off and safe southern Somalia from the scourge of clan-warfare.
  5. Jacpher;922109 wrote: Saaxiib as the old saying goes, you can't have your cake and eat it too. The folks of Gedo in which the president is betting all his credibility on, even this folks will have hard time swallowing the idea that USC is here to save Jubooyinka and Shebeelada hoose. That was never the history of this part of the country. Soomaali is baratey boowe. Waryaa, why don't you tell us when you say the people of GEDO,who exactly are you refering to. the buuloxaawo folks? You know the probem here is, these sujui kids be they from Somali Galbeed or NFD or those from North Eastern deserts like Xiiny type have no clue who lives were in the Jubbooyinka and Gedo. All they know iswhat they read on news portals like puntlandi or kismaayo24 writen by bunch of kids oo qurbaha kuwareeray without no knowledge of the demographics in the south. Xamaasad qabiil iyo waxaa loogu sheekeeyay dhulkan idinkaa iskaleh. Cajiib.
  6. Reerki caruurtoodi iyo ciroolahoodiba waxeey udhaqmayaan sidi ilmo yar oo chocoleetada loodiiday!!!! War sida isku dhaama!!!!
  7. ^Horta adiga qof walboo kudhaho jump, how high inaad tiraa ma ahane caqli kale majiro haye?
  8. Carafaat, this project was destined for failure from the get-go. The realities on the ground doest not fit this type of grand illusions. Remember, we are not in the 60's or 69's when the euphoria of Somali nationalism and Somaliweyn was it's highest, an event that was used to advance clan interest by some at the expense of the nation. Now we are in 2013 my friend, peoples minds are forever changed beyond redemtion and most are able to smell an evil from a great distance. Maanta tuug laqabtay talo maleh ayeey sheekada joogtaa.
  9. Qorshaha Axmed Madoobe oo fashilmay? - Shirka Kismaayo oo marlabaad dib u dhacay Kismaayo (KON) - Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa galabta ku dhawaaqay in uu dib u dhacay shirkii maamul u sameynta gobolladaas ee la filayay in uu maalinta berri ah ka furmo magaalada Kismaayo. Sida Macallin Maxamed Ibraahim uu Warbaahinta u sheegay Shirka ayaa dib u dhacay kadib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan. Sidoo kale Maamulka Gobolka Gedo ayaa dhawaan shaaciyay inay ka qeybgali doonin Shirka Kismaayo. Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi aaney wax dan ah ugu Jirin Bulshada ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka kaasi oo ay wataan Shaqsiyaad ay dowladda Kenya gadaal ka riixeyso isagoo uga digay in ay Joojiyaan Shirarka ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ee Xaruna Gobolka Jubada Hooose. Madaxda Dowlada ayaa ku qanacsanayn Nimanka Xukunka doonaya. Sidee Keydmedia Online horay usoo qortay, Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horay u shaacisay in ay taageersantahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka inkastoo ay ka soo horjeesteen Maleeshiyada Ururka Raaskaambooni ee Ku sugan Magaalada Kismaayo. Qorshaha uu wado Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa loo arkaa Qorshe Lid ku ah Midnimada Soomaaliya iyo Xasiloonida Degaanka. Mar kasta oo Kismaayo la soo qaado, dadka wixii wax garanaya waxay ereygooda u jiheeyaan dhinaca nabadda iyo wada-hadalka. Ficilkii ugu xumaa ee Kismaayo laga yiraahdo wuxuu ahaa kii ay ku fashilmeen Maleeshiyaadka meesha iska soo galay, oo markaas is lahaysiiyey. Xildhibaan Codsaday in aan Magaciisa lasoo daabicin oo Wariyasha Keydmedia Online ee Kismaayo la hadlay ayaa yiri: "Fishilka ugu weyni ee Kismaayo wuxuu salka ku hayey markii koox Maleeshiyo ah oo jifo kooban ah ay damac shisheeye iyagoo dugaashanaya ay si aan miyir lahayn u halacsadeen hunguri aan meeshaba oolin. Waxaa la is tusay oo si riyo ah la isaga dhaadhiciyey in Kismaayo meel kale laga maamulo oo aan Somali ahayn, sidaas ayaa loogu dhacay fadeexad ku aaddanayd in Masuuliyadda iyo jiritaankii Somalinimo wax kale laga door bido, oo nidaamka iyo qaranimada Somaliya la iska indha tiro (waa tii talada Madaxweynaha iyo tan dowladdaba la diiday)." "Dadka Aragtida fog waa garanayeen in falkaas foosha xun ee ka soo yeeray Maleeshiyaadka uu wato Axmed Madoobe aysan yaba yaraatee wax wanaagsan dib uga soo yeeri doonin." "Hase ahaatee, dowladda waxaa lagu maslaa hooyoo, hooyana ilmaheeda wanaagsan iyo kuweeda xunba waa ay wadataa. Arrinta la yaabka leh ee hadda soo ifbaxaysaa waa Faroole oo mar kale Kismaayo ku soo baraarugay. Allow Armeey fiicantahay in xalaal wax lagu raadiyo.
  10. oba hiloowlow;920375 wrote: A decentralized government, but before that there should be a reconciliation process so we can get by this we and them BS also, clans should be irrelevant when it comes to politics, no clan should own lands, every singe piece of the country should belong to all somalis no matter what clan they hail from. Wabilahi towfiiq Good point.
  11. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay oo laga kexeeyay Baydhabo iyo Xaaladda Magaaladaas oo Maanta Deggen Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa deggen maanta kaddib markii Talaadadii lasoo dhaafay laga kexeeyay degmadaas guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay, C/fitaax Maxamed Geeseey oo horay uga soo horjeestay maamulka ay dowladdu u magacowday Gobolkaas. Ciidammo gaar ah oo watay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ka kexeeyay degmada Baydhabo C/fitaax Geeseey, iyadoo howsha ay si rasmi ah ula wareegeen maamulka cusub oo uu guddoomiye u yahay, Cabdi Aadan Hasoow. “Xaaladdu waa mid deggen, kaddib maalmo kacsanaan ah magaaladana ma joogaan ciidammo dhawaanahan is-barbar-yaacayay, runtiina nabad ayaan dareemaynaa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo la hadlay HOL. Sidoo kale, waxaa degmada Baydhabo laga qaaday 120-askari oo booliis ah kuwaasoo ka howlgeli jiray magaalada, waxaana ciidamadaas tababar looga furay maanta dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho. Magaalada oo maalmahan xiisadi ka jirtay ayay xaaladeedu sii hagaagaysaa iyadoo shacabka degmada Baydhabo ay dareemayaan xasillooni maalmihii lasoo dhaafay aan jirin. Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen Al-sbabaab sannadkii lasoo dhaafay. Hiiraan Online, Baydhabo http://hiiraan.com/news/2013/Feb/wararka_maanta21-20965.htm
  12. Qaban qaabo xoog leh iyo diyar garow ballaaran ayaa loogu jira shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo lagu wado in maalinta sabtida oo ku beegan 23-Febraayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo. Sida ay sheegayaan wararka Gudiyo farsamo oo ku howlan diyaarinta hab sami u socodka shirka ayaa la sameeyay, iyadoo Ergooyinka xoogooda ay soo xaadireen magaalada. Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa sheegaya inay wax walba oo ku saabsan shirka ay diyaariyeen, isla markaana ay rajeynayaan in Sabtida inuu furmo shirka. Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdi ka socda Maamul KMG Kismaayo ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho, si dowladda ay ugu qanciyaan in shirka ay ka qeyb gasho, inkastoo dowladdu aanay wali cadeyn go’aankeeda. Shirar looga soo horjeeday maamul u sameynta Jubooyinka ayaa ka kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo Garbahaarey, waxaana siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay ka digeen shirka maamul u sameynta . Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo horjeedaan, isla markaana xilligan oo aanay siu furneyn goboladaas munaasib aheyn in la sameeyo maamulo deegaanadaas. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowga shirkan, iyadoo la diyaariyay halkii shirka ka dhici lahaa oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, waxaana hadal heynta guud ee magaalada tahay shirkan iyo waxyaabaha ka soo bixi kara. Jowhar.com
  13. This is just a desperate if not silly publicity stunt. Macno badan masookordhintoonto. Askarta Amxaarta ayaa marki eey koox Tabliiq ah aragto tiraa "kuwan Ilaahoodi kadhumey ayeey raadinayaan, dhibaato mawadaane haladaayo". Sidoo kale Xiiny hala daayo, marba meel ayuu messiah kaaraadiyaa. Shalay oil ayeey aheeyd maantana waxeey uga dhagantahay Madoobe iyo Jubbaland project.
  14. Xasuuqi the dictator and his refugee clansmen[settlers] ugeeysteen shacabka HIIRAAN. Shacabki Soomaalinimo iyo Islaanimo usoo dhoweeyay. Many of my own relatives was murdered by this group of people. Baladweeyne-1991. State sponsored ethnic cleansing. Baladweeyne-2013. Largely peaceful and multicultural.
  15. Horta bal waa su'aale SOOMAALIYEEY xasuuqi mal HAL CID OOKALIYA ayuu saameeyay mise SOOMAALIYOO DHAN HABA LAKALA DARNAADEE? Jawaabtu waa MAYA. Qolo qolka hoosta kaxiratay xasuuqi loogeeystay is xasuusiso xasuuqi dhinacooda geeystayna waxba kamajiraan kutilmaanto XAL MAKEENI KARAA? Jawaabtu waa Maya. Wixi intaas dheer waxaan u aqaan waqti dhumis.
  16. xiinfaniin;917558 wrote: A timely article. What has transpired in this fora with respect to looted properties is another reminder as to why it is very important to prevent from arming Liqaye's of this world. Atheer tabar mawaxeey kubiday inaad sidi gabdhihi marba luuq kacaaytanto. Cajiib.
  17. "Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qori sita kadib furitaankii xafiiska Horsed Fadeexada kale ee ka dhacay goobtaas ayaa ka waxaa ka mid ah kadib markii waxgaradka uu metalayey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Tigey ay la soo hadleen una sheegeen in arrintaani amniga khal-khal gelineyso ayna ka digeen in xafiisyo la furo, ayuu ku jawaabey in uu sito qoro AK47 qofkii u soo dhawaadana uu kaas ugu jawaabayao, waxaana Kaamarada qaar ka mid ah suxufiyiintu ay heleen Guddoomiyaha oo qori ku gaashaaman weliba diyaarsan oo gacanta ku sita." http://newsomali.com/2013/02/06/fadeexadii-ka-dhacdey-gaalkacyo-kadib-furitaankii-xafiiska-xisbiga-horsed-sawiro/ Seems like the one with the most guns gets the most votes.
  18. Clan federalism at work. But seriously, who cares what they do there as long as they don't contaminate the clean southern waters.
  19. Very simple. The president must meet all these demands and we all live happily ever after.