
Somalia
Nomads-
Content Count
7,946 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalia
-
Carafaat;813133 wrote: Amazing farm work. Thanks Somalia. P.S. There is another big farm place called 'Fardo cunayasha' in Mudug. Do you anything about it? What the hell is that?
-
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa baaq nabadeed u diray dadka degan Gobolada la isku hayo, kadib dagaalo maanta ka dhacay, kaasoo dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwo taabacsan Maamulka Khaatumo State. Axmed Siilaanyo ayaa fariin nabadeed u diray, duqeyda, waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo haweenka Gobolka Sool, isagoo xusay in maalmahan ay jireen kooxo is uruursanayay oo fidnawadayaal ah. “Waxaan rabaa inaan fariin nabadeed u diro walaalaheyga duqeyda, isimada, waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka degan Sool iyo Buuhoodle, maalmahan waxaa is uruursanayeen kooxo fidnawadaayaal oo ujeedo colaad inay ka huriyaan deegaanka”ayuu yiri Axmed Siilaanyo. Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in colaada ay wax walba ku xumaadaan, isagoo tibaaxay in dagaalka uusan waxba ku hagaageyn, isagoo ka digay kooxo hurinaya dagaalada, waxaana uu dalbaday in wada jir looga shaqeeyo xasiloonida. Madaxweynaha Somaliland ayaa ku baaqay gogol nabadeed dadka deegaanada ka soo jeeda, si buu yiri looga wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo. “Waxaa ku baaqayaa gogol nabadeed, walaalayaal waan ku cel celinayaa, waxaa ku rajo weynahay, inaad iga ajiibtaan, gogoasha nabadeed, oo lagaga wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo arrimahan aan ku dhameystirno”ayuu yiri Axmed Siilaanyo. Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in nabada meel looga wareego aanay jirin, isagoo mar kale ku baaqay in la isku yimaado, waxaana uu xusay inay gogoasha fidsan tahay, dadkooda, iyo walaalahooda. Baaqa nabadeed ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli maanta dagaalo lagu hoobtay uu ka dhacay deegaano u dhow dhow Magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanod. BOSASOPRESS
-
Showqi;813103 wrote: This painting of AA is not funny at all. Foorjada waxay ku baxdaa familiar faces not condoms ...... :(
-
Xaaji Xunjuf;813084 wrote: its not mudug Where do you feel it is?
-
http://horseedmedia.net/2012/04/01/beera-layda-gobolka-mudug-oo-u-diyaar-garoobaya-xili-roobaadka-guga-sawiiro/ Beeralayda ku dhaqan gobolka Mudug ayaa bilaabay tacbashada beerahooda iyadoo ay soo dhawdahay xili roobaadkii gu’ga. Duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaa ku yaala dhul beereed aad u baaxad weyn isla markaana soo saara qaar ka mid ah qudaarta laga isticmaalo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xaawo Xasan Dheel ( Xaawo Cad) oo kamid ah beeralayda gobolka Mudug ayaa uga warbixisay warbaaihinta Horseed Media dadaalada ay haatan ugu jiraan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen xili roobaadka gu’ga oo ku beegan bartanka bishan April ee aynu ku guda jirno Xaawo Cad ayaa dhanka kale ka warbixisay wax soo saarka beerteeda iyadoo sheegtay in sanadkii tagay ay soo go’een dhamaan dalagii kala duwanaa ee beerta isla markaana ay u iibgaysan suuqyada gobolka Mudug.
-
By REUTERS Published: Apr 1, 2012 20:28 Updated: Apr 1, 2012 20:28 HARGEISA: At least four Somaliland troops and one rebel fighter loyal to the breakaway enclave’s secessionists were killed during clashes on Sunday, both sides said. The fighting first erupted in January after the leaders of the northern regions of Sool, Sanaag and Cayn decided to band together into a new state called Khaatumo and declared they wanted to be an independent region within Somalia. Somaliland’s troops have since clashed with militia fighters loyal to Khaatumo, with reports of dozens of casualties. Somaliland is an internationally unrecognized state that declared independence from Somalia in 1991. The newly declared Khaatumo state is near the border with Ethiopia and is a disputed area that Somaliland seized from Puntland in 2007, though relations between the two territories have improved since. “Militia loyal to anti-Somaliland groups in Buhodle and South Sool simultaneously began (fighting) in the early hours of dawn. The army repulsed attacks on both fronts,” said Osman Abdillahi, a spokesman for Somaliland’s defense ministry. Abdillahi said four Somaliland government soldiers were killed and 10 injured during the fighting. Mohamed Yousouf, a spokesman for the secessionists, said one of their fighters was killed and two were injured.
-
I am still at a lost as to why the fighting started, can someone let us know?
-
Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay saaka aroorti duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo u dhaxeeyay Ciidankooda iyo kuwa maamul goboleedka Khaatumo. Afhayeen u hadlay Ciidanka Somaliland oo la hadlay duhurkii idaacada BBC-da ayaa ku eedeyay Ciidanka Khaatumo in ay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Somaliland ee jooga aaga gobolada Sool iyo Ceyn. Wuxuu sheegay in dagaal culus uu dhexmaray isla markaana ay iska difaaceen weerarka,waxaana uu tibaaxay in ay khasaaro culus gaarsiiyeen ayna ka qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka ah. ‘’Weerar bay kusoo qaadeen aaga Sool iyo Buuhoodle Ciidamada qaranka degan kooxda nabad-diidka ee la magacbaxay Khaatumo State,halka waxaa ka dhacay dagaal culus oo khasaaro geystay.Cadowga waxaa laga qabtay 9-gaari oo 4-tikniko ah iyo 5-xamuul ah’’,ayuu yiri. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ay qabteen 45-maxbuus oo ay ku jiraan Saraakil sare iyo nin kamid ah Wasiirada maamul goboleedka Khaatumo isagoo aanan sheegin magaciisa. Mar wax laga waydiiyey khasaaraha soo gaarey Ciidanka Somaliland ayuu sheegay in dagaalka uga dhinteen 4-askari ugana dhaawacmeen 10-kale isla markaana aanay jirin wax gaadiid dagaal haba yaraate laga qabsaday ama laga gubay. ‘’45-maxbuus baa laga qabtay,waxaa ku jira saddex sarkaal sare iyo nin sheegtay in uu yahay Wasiir Khaatumo ah,marka aan xaqiiqda ku sheego oo aan waxba qarin anaga dhimashada Ciidanka qaranka soo gaaray waa 4-nin,dhaawacuna waa 10 wax tikniko oo nalaga gubay ama nalaga qabsaday ma jiro’’,ayuu sheegay. Xaaladda degaanka Dacanbar ee duleedka Laascaanood ayaa haatan degan,waxaana laga dareemaaya jawi colaadeed oo labada dhinac ah. Dhinaca kale masuul u hadlay maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen Ciidanka Somaliland isagoo beeniyay jiritaanka warka kasoo baxay Afhayeenka u hadlay Ciidanka Somaliland ee ah in ay qabsadeen maxaabiis dagaal. BOSASOPRESS
-
SWAG
-
I remember the likes of Che and Somalina laughing, well who's laughing now my niggas?
-
Why would I fight them? That doesn't even make sense. I stated the obvious, no one takes it seriously without Laascaanood, so if they get it, they'll get the recognition they need.
-
kingofkings;812865 wrote: i think i got my answer. thank you. He did though, he said he 10000% agrees with Maddeey and now he backs out.
-
If Laascaanood is liberated, Khaatumo doesn't need to ask for recognition.
-
This guy is even laughing with him, he must be the biggest murtad!
-
Every Somali that died those days is on the hands of the people who fought the government. Just like today it is blamed on Al-Shabaab. Another murtad
-
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo deegaanka ah oo taabacsan maamulka Khaatumo ayaa saakay waaberigii ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Lama oga khasaaraha rasmiga ah iyo sababta keentay in dagaalku qarxo. Dagaalka ayaa ka socda labo jiho oo kala ah deegaanka Waqbari oo 18 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada iyo deegaanka Gacandar oo 12 km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada. Daryanka madaafiicda iyo rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa si toos ah looga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood. Maamulka Khaatumo ee dhowaan lagu yagleelay degmada Taleex ayaa beryahan waday abaabul dagaal oo uu ku doonayo in gacan ku haynta magaalada Laascaanood uu kala wareego maamulka Somaliland. Somaliland ayaa iyadu sanadkii 2007 gacan ku haynta magaalada kala wareegtay ciidamada maamul goboleedka Puntland, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay maamuleysay magaalada.
-
HorseedMedia Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo mileeshiyaad taabacsan maamulka Khaatumo ayaa goor hore oo saaka ah ka bilowday duleedka degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa diryanka rasaasta la isku ridayo waxaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laas-caanood iyo deegaanada ku xeeran. Maxamuud Jaamac Maxamed (Twenty Six) oo kamid ah odayaasha degmada Laas-caanood ayaa Horseed Media uga waramay dagaalka saaka ka bilowday duleedka magaaladaas. Wuxuuna sheegay in dagaalku uu qarxay abbaare 6:30 aroornimo ee wakhtiga geeska Africa, islamarkaana uu weli socdo, haseyeeshee uusan gudaha magaalada ka bilaabmin. Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, mana jiraan wax dhaawac ama dhimasho ah oo weli magaalada Laas-caanood lasoo gaarsiiyey. Dagaalka saaka ka bilowday Laas-caanood ayaa imaanaya xilli todobaadyadii u danbeeyey ay magaaladaas ka dhacayeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka Somaliland. Faah faahin dheeri ah ka filo saacadaha soo fool leh Horseed Media. ________________________________________________________________________ Wararka aanu ka helayno Degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in saaka subaxnimadii hore uu ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo dadka deegaanka. Dagaalkan oo labada dhinac ay isku waydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo hada la garanayn khasaaraha ka dhashay saacadihii uu socday waxayse wararku tilmaamayaan in dagaalku uu sii xoogaysanayo daqiiqadba daqiiqada ay ka dambayso. labada dhinac waxaa u kala imaanaya gurmadyo kala duwan, lamana garanayo wali sida dagaalka saaka uu ku bilawday.
-
Baddaan raacineynaa Was a phrase to the warlords who would go against the government. Keep your facts straight.
-
xiimaaya;812815 wrote: it was military strategy ... We the country SOMALIA will not fight and sacrafice our country in war with the west and Ethiopia ever again. Zack your people are on their own we had helped you in 77/78 look where it has got us..
-
The Zack;812792 wrote: Just 40? WTH! 40 that will be shipped abroad to study medicine or engineering and not opt to join a failed disorganized militia.