Allowitaageer

Nomads
  • Content Count

    19
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Allowitaageer


  1. Waa silsilad laga matalahayo siyaasiinta Soomaaliyeed iyo doodaha dhex yaala oo laga cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen.

     

    Nuune Madoobe, ahna ninka hada sheegtay madaxa lixda gobol ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe.

    Wuxuu yidhi Nuune;

     

    Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay'e

    Ninka garan halkaad degi jirtaan looma duur galo'e

     

    Godka Dahare goonyaha Dalaad gebiga Shaygoosh ah

    Gabo-gabo Xaraar iyo Bankiyo Gowga iyo Laago

    Abidkaaba Galadiid ayaad gole dhex taagneyd'e

     

    Goofyaha Kismaayona anaa joogay gudaheed'e

    Soo galooti baad nagu aheyd gu'gan hortiisiiye

    Bal gar qaata taariikhdu waa gun weyntahay'e !

     

    Waxaa kasoo jawaabay tixdaas korre, Axmed Madoobe ahna madaxweynaha Jubba.

    Wuxuu yidhi Axmed;

     

    Kol Alloon ka gaabsado tixaha geesna uba leexsho

    Ayunbay rag noo soo gudbaan or iyo geeraar'e

    Gabaan waliba maansada galyoo nagu galaal-xoorye

     

    Lixda gobol ninkaa sheegtay ee gooddi laga keenay

    Gogoshiina nagu heysta ee naguba soo guurey

    Ee guluf abaabulahayaa siduu goolka dhalinaayo

    Gudcur buu gudaayaa habeen meel gol iyo laag'e

     

    Gufaacada dagaalkaan ninyahow geli naqaanaaye

    Barre-Hiiro Goob-weyn ka carar gudub usii dhaafye

    Ragii Xamar kasoo guuxi jirey way gabanayaan'e

    Adiguna geddii baad tahoo gumac ma tuurtaan'e

    Bal guddoonka aan sugo kolley teydu ii go'ane !

     

    Silsiladii waxaa kusoo biiray madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlaya labadaa ninee korre, isagoo waliba garabka saaraya una hiilinaya Nuune Madoow.

    Xasan Wuxuu yidhi;

    Raga garida ii tumanhayee labada gees jooga

    Garaad maleh warkiinuye anaa taliya guudkii'e

    Amarkeyga kii garab maraa waan gembinayaaye

     

    Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay

    Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri Waamo

     

    Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay

    Guda-faqa ragii wada shiree wada go'aan qaatay

    Ee gacal ahaa baynu nahay waad i maan garan'e

     

    Garab iyo itaal iyo haddaad guuto iga dooni

    Golahaaga waan buuxin oo gaadhiyaan tubiye

    Adna igu gargaar oo ilaa xeebta guluf geeya

     

    Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri waamo

    Geed-khadhaadhka nimankaa noqdee gumac afuufaaya

    Ee Kismaayo gaaf-meerayee loogu geli waayay

    Galbeed bay ka keeneen Gogliyo Godey agteediiye

    Garloogube Awaariyo Wardheer Faafan gudaheeda

    Gaarisana badh baa soo bixiyo gaasas xoog badan'e

     

    Qaramada Midoobey Giriig Golaha iiyuuda (EU)

    Gebiyada Statekiyo Latiin guudka Carab oo dhan

    Gaalliyo Islaamkaba fariin yaw gudbinayaaye

     

    Axmed inaan garaacnoon dhamaan gooni ka ahaano

    Ayey talo kusoo biyo go'dee gacanta ii dhiiba

    Haddii kale gumoobaye Abbsame haygu geeraaro

    Ha garaaco dhaantoda illeen goofkii iga qaadye !

     

    Reysul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn baa daf soo yidhi Silsilada, isagoo diirka ka qaaday, Nimankan is heysta inuusan kala jecleyn oo uu kolba mid hubeyni, si ka kale loo jebiyo

    Wuxuu yidhi Hailemariam Desalegn;

     

    Ardi Sababa anigoo fadhiya saxarkan soo duulay

    Ee niman la seegseegayeen saaka iyo maanta

    Bal aan sawdka eegoon tixaha saadka ka higaadsho

     

    Sayid Maxamed baa nagu yaqiin dirirta sooyaan'e

    Dhaaxuu na soo galay isoo faraskii saarnaaye

    Dhaaxuu na siibtoo na jaray subax arooryaad'e

     

    Ana ciilka igu saaqsan baan idinku seeteeyn'e

    Soomaalida ninkii dilahayaa saaxib baan nahaye

     

    Qori Szuu ah maarraha sinsiman waan ku saacidiye

    State been ah anigaw sameyn sabada reerkiis'e

    Saf saf baan ukakala goynayaa calana waan siin'e

     

    Nin walaalkii seef marinhayaa anaa u soofeyn'e !

    Mid aan siray mid aan soomiyiyo mid aan saqiireeyay

    Sadexdaa inaan kula dhaqmaa waa saxiix dhab ahe !

     

    Intaas kadib waxaa maqlay in silsiladi furatay Bare Aadan Shire-Hiiraale, isagoo gar u heysta eedna saaranaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wuxuu Yidhi Barre Hiiraale;

     

    Xasanow sidaad ii gasheen saaxiib maan rabin'e

    Sabaaxada sidaad i ridaan wali u seexdaaye

    Sidaan geed u saarnaa ayaan suuxay oon dhacay'e

    Sababtaba adaa keenayoo waad ii sixirteen'e

     

    Surimaha Kismaayaad i tidhi qeylo soos geliye

    Adaa yidhi Sarkaalaan ku siin saajac oon baqan'e

    Adaa yidhi Statekaba qabsoo sahalna weeyaan'e

    Adaa yidhi ku sii soco ilaa xeebta oo sax ah'e

    Afar gees sanbuuskii lahaa suuqa laga waa'e

    Sahan baas adaa ii diroo saaftay hilibkay'e

     

    Suryo oodan baad igu rideen saymo aar galay'e

    Saantii joogsan weydaa mar bey sahayan ceebtaas'e

    Nin eersan maayo'e sidaa yeelay sifaheed'e

    Allahayow adaan kuu samree suubi taladeyda !

     

    Xasan Sheekh kama uusan garaabin eedii loo soo jeediyay ee Barre Hiiraale soo diraye, wuxuu eedii dusha ka saaray Reysul wasaarihii horree Soomaaliya Saacid Shirdoon;

    Wuxuu yidhi Xasan;

    Barre Shirow bilaash kuma hadliyo baanisiyo faan'e

    Runta lagama beydhee xaqaa lagu badhaadhaaye

     

    Boholaha laguu qoday godkaa lagugu biimeeyay

    Balaayada adaa raadsadoo galay barteediiye

    Bahalada shabeelkiyo libaax buladlihi Aarka

    Baarqabada Oggaadeen adaa doontay berigiiye

    Banaankaaga jooga ragaa looma soo baxo'e

     

    Ninka buunka kuu tumay sidaad dhaanto baraneyso

    Baaruudana ku siiyee qoryaha badana kuu keenay

    Ee yidhi baqoolaha gal oo Jubbada balali oo qiiji

    Ee bidhaan fog kuu muujiyee beenta kugu miisay

    Bi'waaye saw Saacidkuba adi bahdaa ma,aha !

     

    Abwaan Golduulaan

    Aar-tubane@hotmail.com


  2. Boqorka Halqabsiga waa Dhoodaan, Allaha unaxariistee.

    Isagoo ka hadlaya dowladii kacaanka sida ay ula dhaqantay dadka qaar, waa kii lahaa.,

    Nimaan teerigaaga iyo jecleyn toorri aad xidhato

    Tunbukh ileen kuma yaal tobanlayaal iibso.......

     

    Tunbukh iyo Tobanle waa qoryo berigaas jiray magacyadood, wuxuuna ka wadaa, ninba kuu diiday inaad toori xidhato, miyuu qori kuu ogolaanayaa........ Waa xaqiiiq


  3. Xaaji Xunjuf;987436 wrote:
    Qamaan had allot of hal hays for example this one

    Hadalkan saxnayn wuxu taraa, sun iyo waabaye

     

    Cali jamac haabiil

    Muslimnimo nin aan kugu dhaqayn, muuminnimo khaasa

    Gaal maxasta ku dhowra magansataa dhaama

     

    Salaan caraby

     

    Hadaad ficil hinaastay aadse aad hilin kari weydey ma afkaad ku ciil bixi cidlaan ka hanjabaysa eh

     

    Faacul adan Jugle

    Gari laba nin kama wada qosliso

     

     

    By Garaad wiilwaal

    Abasguul meel ma wada joogo warna isu ma seegna

    Xaji Xunjuf, asc.... Maah-Maahda aad soo qortay "Gari laba nin kama wada qosliso" waxaa iska lahaa nin caan ah oo la dhihi jiray Ina Sanweyne... ( Garta ina san weynaa loo geeysan jiray) ninkii heestaas laga sameeyay.

     

    Laba nin baa isku hal (Neef geel ah), labadii nin baa waxay ula tageen Ina Sanweyne oo caan ku ahaa gar-qaadista iyo cadaalada , Ilaahay baa cadaali ahe.

    Labada nin mid bay is-xigaan Ina Sanweyne.... waxay sheekadu socotoba, Ina-Sanweyne wuxuu hashii siiyay ninkii kale oo uu yidhi, ninkan baa xaq u leh.

    Ninkii ay is-xigeen baa yidhi "ina san-weynow inagaa ilma adeer ahe, maxaad iigu hiilin weyday" Ina San-weynana wuxuu ku jawaabay "Garri laba nin kama wada qosliso"


  4. Wali waxaynu ku gudo jirnaa waxyaabihii ka fajiciyay abwaanka Cabdi Gorod ahe.

    Wuxuu magaalada Qabridahare ku arkay, niman ganacsi yeeshayoo , intay geelii kasoo xoreedeen, noloshoodu ku xidhantay wax baabuur dushii saaran.

     

    Alaab loo soo dejiyo, iyaguna alaabooyin udirsada Hargeysa iyo dhulal kale.

    Wuxuu kaloo arkay Caano-Niidoo, ama caanaha qasacadeysan ee daasada ku jira oo intii biyo lagu daro, caano ahaan loo cabayo.

     

    Wuxuu kaloo arkay Dumar booskii raga galaya oo qoysaska qaar iyagu kaba taliyo, wuxuuna kusoo horiyay nimankii culimada ahaa ee Reer Aw, ood moodo Cabdi Gorod inuu il gooni ah ku hayay.

    Waa gabay aad dadku ujecelyihiin, waxaana ka mid ah meeriskii caanka noqdee ahaa "Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban"

    Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

     

    Baabuur isjiid ahoo uraran niman Oggaadeena

    Ee iib la'aan loogu furi maanta waa ugube

    Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

     

    Caanahaan aduun laga liseyn adhiyo geel toona

    Ee ubadka loo qaybiyaa maanta waa ugube

    Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

     

    Usha godan haweenka watee amarka loo dhiibay

    Ee sida Askari noo xukumi maanta waa ugube

    Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

     

    Abayoonis iyo Aw-shariif odayo shekhaash ah

    Oo intay alabaabada xidheen laga aloolaysto

    Oo ergadana geed loogu tegi maanta waa ugube

    Nin adduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban

     

    Wali gabayadii Mucjisooyinka adduunka uu ka marshay baynu ku jirnaaye.

    Naag maqaaxi shideysa oo bakeeri shaah qaybineysa, Kaarre lagu dagaal galo, oo ninka wadana aanad arkeynin, dowladii oo soomaaliya oo bixineysa koorsooyinka reer guuraage lagu barayo nacfiga geelu leeyahay.

    Wuu yaabay, wuuna fajacay Cabdi Gorod.

     

    Gabayadii waxaa ka mid ah kan uu yidhi;

     

    Kuubba iyo Ruush iyo Amxaar, kaynta soo gale e

    Kufriga iyo Islaamkuba dadkii, way kilkiliyeene

    Keeniyo hoggaanbuu sitaa, kiin aan loo imane

    Mid waliba intuu kayn galuu, kaalay leeyahaye

     

    Kaaraha cirkaa marayaan, kor u dayeynaaye

    Kolkuu soo degana ciidda waa, lagu kexeeyaaye

    Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye

    Waa waxaan xabadi kuu karayn, kaana orod dheere

    Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

     

    Naaguhu kobtii lagu ogaa way, ka tegayaane

    Kursi bay u fuuleen qaxwaha, keen la leeyahaye

    Kun nin oo hareeraha fadhida, kama xishoodaane

    Kolkay gacanta kuu fidin la arag, kolanta naaskiiye

    Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

     

    Geelaa kursaha weyn la waa, kob an ku maalaaye

    Kunbis baaba lala doonayaa koromadiisiiye

    Koobada in lagu qaybsadaa, kooros loo galaye

    Kobna kama baxeysoo naftani waa la kololeeye

    Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e

    Kariimow allahayow adaa dunidan kaalmeyne

     

    Gabayadiisa mucjisada ee cid furtay iyo dan uu ku lahaa midna aan la garaneyn, aniguna shaqsiyan aan aad u raadiyay sababtii ka keentay, waxaa ka mid gabayga la yidhaahdo "Qamardaad"

    Waa gabay qufulan oo saan filayo isagoon sharixin dantii uu ka lahaa uu la dhintay allaha uraxmee.

    Marka gabaygan akhristayaasha ayay ufurantahay inuu ninba siduu u fahmo ula dhaqaaqo.

    Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

     

    Qudhii Maxamed qowlkii Salaan qodabadii Raage

    Qamaan iyo Ismaaciil Mirriyo Qowdhan iyo Weerar

    Qarnigii horreetaan ka hadhay qoonkii gabaygiiye

     

    Qabri baanan gaadhine adduun qaatay calafkeeye

    Wax i qaaday mooyee cirkaan qadow ka laacaaye

    Qoraxdii gudeysaan qabsaday Qaahiraan tegaye

    Qalin iyo waraaq baan sitoo qaaradaan maraye

     

    Qarduum nimanka joogaan utegay qoomkii Reer Yurube

    Qormadaan lahaan jiray dhurwaa qaawan baa degaye

    Ingiriisku qooriga Berbera qaylo soo didiye

    Diinkuba intuu qolof huwaday qoorta soo ridaye

    Qumbulaadii Ruushku maanta way nagu qandoodaaye

     

    Qudha Adari quruxdii JigJiga Qaali iyo Faafan

    Qowyaha Nogbeed iyo Wardheer Qaalnimadeeda

    Qabridahariyo Dhooba-Weyn qadadii noo tiilay

    Qoorriga suweys kama xumayn qoodhay xeradeeye

     

    Lagase qaad qoonkii lahaa taniyo qaabiile

    Oggaaddenkan qaxayaa shardoo qaybta laga daayo

    Qarxin maayo gabaygaan hayee hayska qamar-daado

     

     

    Dadka gabayada xiiseeya waxay jecelyihiin, nin gabayaa ah oo magac dheer leh markii ay la kulmaan, inay juqeeyaan oy kolba gees hadalka kala maraan

    "Adeer berigii gabaygaad marisay noogu celi" "Adeer hebel ma isu gabaydeen wali" "Adeer Gole-ka-Fuulka ma taqaanaa"

    Su,aalo noocaas ah, Gole ka fuulkuna waa masalo dadku jecelyahay, Abwaanka yaqaanana lagu tix geliyo.

    Waa Abwaanka kartida uleh inuu meeshii la joogaba iyo marxaladii lagu suganyahayba wax ka tirin karo, isagoon usoo fakarin.

     

    Mar ay nimanka raaska ahi xujeeyeen Cabdi Gorod, oy dhaheen war bal cunadan aynu dul fadhino ka gabay, buu tixahan hoose ee Gole ka Fuulka ah ku jawaabay;

     

    Fandhaal Cali Cadduur qoray haddaan, lagu fataakheynin

    Fud malaasan caanaha haddaan, fiiqdu daba joogin

    Siddii awr faruur xidhan haddaan, foorar lagu raagin

    Ma fogaato gaajadu haddaan, feedhu kor u boodin

     

    Nin Issaaq ahoo ay dekene kala qabeen baa arkay Cabdi Gorod oo carro Oggaddeen safar ku yimid.

    Ninkii baa toorri iska gooyoo damcay inuu laba ukala jaro Cabdi Gorod.

    Cabdi Gorod ma hub la,ayne toori buu lasoo baxay isna af-xiir ah, waase lakala qabtay:

    Dhacdadii buu ka gabyay isagoo toori afeysanaya maalin kaloo wuxuu yidhi;

     

    Shalay duhurkii Daahirow markii, Carab isoo doontay

    Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey

    Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay

    In lay dili kolkii naagihii lagu dalaaqaayey

    Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye

    Soofaha ku duug maandhow waanigii, kuu ducayn jiraye

     

    Gabayadiisa loogu jecelyahay ee lagaga haasaawyo goobaha lagu kulmee magaalada Qabridahare, waxaa ka mid ah gabaygan soo socda ee uu marshay mar uu gaboobay, oo uu malaa doonayay gabadh yar in loo guuriyo.

    Duq gaboobayoo geeljirenimo soo maray, xoolo jacayl kama dhamaadee, waxaa kaloo ka muuqdo inuu jecelaan lahaa xoolo badan inuu yeesho, waa gabay aad dadku u xiiseeyaan.

     

    Inuu mar hadii wakhtigiisii gabaabsi yahay oo uu cimriyay, inuu cilmiga diinka barto oo waliba sheekh weynoo la maamuuso noqdo buu sheegtay inuu jecelyahay.

    Allaha unaxariistee , wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

    Qoton gabadha jeeroon la galo qolad'da aan seexdo

    Jeeroon birtii lagu qodbiyo qoofalada gooyo

    Qumbulaada jeeroon ku rido qalabka loo haysto

    Jeeroo qofteydoo i jecel qoodhka iga dhowrto

    Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

     

    Caanahaa qabowga leh shardoo qabaxsi loo fuudo

    Qar-madoobe isagoon la darin qadow dhanaankeeda

    Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

     

    Jeeroon quraankiyo cilmiga qiil walba usheego

    Jeeroon qardhaasaha udhigo qooni nimay heyso

    Qosli maayo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

     

    Waxaa la weriyay in dowladii Kacaanka aheyd Soomaaliya iyo Dhoodaan is madax-dhaafeen.

    Dhoodaan oo saluugsanaa qaabka uu kacaanku ula dhaqmayay siyaasada ku wajahan Oggaadeeniya, una majaro habaabinayay.

    Dhoodaan sidaas baa lagu qoray inuu mucaarad yahay, maadaamo uu ku fooganaa in shacabka kasoo jeeda dhulkaas oo uu arimo badan oo ka qarsoonaa u iftiimiyo.

     

    Sidaas la adligeed, Dhoodaan wuxuu degay Herer oo uu kasoo gabyi jirey, waana loo tabca waayey.

    Wixii abwaan sheegan jiray oo dhan baa laysu keenay Radio Muqdisho, nin liilaya, ama heerka iyo meeqaamka ereyada Dhoodaan beegsanayeen, ag dhiga baa la waayey.

     

    Dadku waa is yaqaanaaye, nin Cabdi Gorod aqoon u lahaa baa yidhi, Nin Dhoodaan ka dhiciya Dowlada Soomaaliya anaa aqaanoo, Cabdi Gorod baa la yidhaahdaa ee haloo yeedho.

    Sidii baa Cabdi Gorod lagu keenay meesha, isagoon raali ka aheyn.

    Gabay wuxuu tirshay sarbeeb ah oo uu Dhoodaan kula hadlayo oo uu leeyahay, War Kacaankii sirdoon buu kuu soo diraye, meeja aad joogto ka dhaqaaqo.

    Gabaygu wuxuu ahaa intaan ka hayo;

     

    Dheri iyo dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye

    Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye

    Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye

    Dhabihii walaalkaa ka tagay lagugu dhaandhaanye

    Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine

    Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde !

     

    Waxaa soo uruurshay Faarax-Geeydh

     

    FaaraxGeeydh@hotmail.com


  5. Beri baa lasoo sheegay nin Barre Cali la odhan jiray oo Cabdi Gorod ina adeerkii ah in lagu dilay xadka Burco.

    Waxaa lasoo sheegay in cidda gacanta lihi ay tahay Habarr-Yoonis.

     

    Cabdi Gorod col uu wato baa baxayoo, afar nin bay ugu soo aareen ninkii la dilay, Afarta waxaa laga dilay jifo la yidhaahdo Reer Ceynaanshe oo HabbarYoonis ah.

    Gabay digasho ah waa abwaan wixii lagu yaqiinaye buu marshay, intaan ka hayana, wuxuu yidhi;

     

    Ma la eeday awrkii Baroo Cali ma loo aaray

    Afartii la dilay reer Wacays ma u agoontowday

    Awal bay amaah naga qabeen nimanka iiddoorre

    Alxamdulila weeyee Bah-Celi aas ma lagu tuurey

     

    Bari baa Doollo waxaa ka dhacday abaar aad u daran oo xoolihii dhameysay, Cabdi Gorod iyo beeshiisiiba hoos inay uhayaantey goosatay.

    Gabay uu ku alla baryayo buu mariyay oo ahaa;

     

    Adhi iyo ninkaan geel lahayn waa allow sahale

    Igland iyo Hawaas iyo Mardha iyo Unnuda loo dhoofo

    Abaar gaadhay abidkay ma arag eeggah ka horoowe

    Eebbow wuxuun nagu irsaaq waad na aragtaaye

     

    Markey soo hayaameen ayey reer Hundo noqdeen oo roob fiicana ka da,ay, maadaama nolosha reer guuraagu ku xidhantahay, Kolba inay sahansadaan meeshii tigaad iyo biyo leh.

    Hunde waxaa la yidhaa dhulka togga Faafaneed uu kusoo daaco, iyo agagaarkiisa.

    Geeljire qadaf iyo afxumo makala deystee, kuray Bahgeri ah iyo kuray reer Cali-Wanaag ah yaa is laayay oo is aflagaadeeyay.

     

    Mid kuraygii Bahgerri ka mid ah baa soo gabyay, isagoo leh dib nooga guura iyo Doollo, oo dhulka nooga tega, wuxuuna yidhi;

     

    Goflow Cali-Wanaagow haddaan gumacyo kaa qiiqin

    Godka Dhoobo-Weyn iyo haddaad joogto gurigeyga

    Goble iyo Hangoole-Xun haddaad geel kusoo horoto

    Garbadiyo haddaad Labo-Toglaha Goray ku haaneedo

    Alleylehe gun yahay waa waxaad galabtii moodeene

    Gabaygaas buu Cabdi Gorod ka jawaabay isagoo goodin haya, una digahaya wiilkaa soo gabyayee Bahgeri.

     

    Wiyil Geeska Lama soo qabtoo waa wax giir adage

    Lama gaado Goodkiyo Maskiyo gaatiyaha Aare

    Lama gaadho gaadhiga ordiyo Goroyo Cowleede

    God Abeeso gacantaada Waa lagala giigaaye

    Lama geysto goor iyo ayaan godob sokeeyaade

    Lama gooyo geedaha midkay gogoshu kuu taale

    Gujo beerka layskagama dhuftiyo gumuc rasaaseede

    Ninkii gabayga kaa badin dhawaan looma goodiya'e

    Gumbablow Jibraa'iilka iyo Gerigan maansooday

    Labaduba gu'gay soo baxeen waana goray ciile

    God waxaan ku aabudhi midkii gaar u joogsada'e

     

    Markii lasoo galay 1950'kii, is-beddelno baaxad leh baa dhacay oo nolosha dadkaas wada deganaa ah.

    Cabdi Gorod baa malaha wuxuu arkay qabiilo markii horre la caano maali jirey Abbsameha oo la odhan jiray "Reer Aw".

    Haddaan sharaxo "Reer Aw" waxaa isku ahaa "Aba-yoonis, Gaaddsan, Sheekhaash, Reer Aww-Xasan".

    Nimankii oo wuxuu arkay Aw'nimadii kasoo taagan oo madax-taag iyo indho-dhaafini ku jirto.

    Wuxuu maqlayoo Kale, Jifo Oggaadeen ah iyo Abayoonis baa geelal kala dhacay, Arintaasuu qaadin kari waayey, wuxuuna yidhi;

    Kobtii Aar libaax uu fadhiyay dawac ka uugaanye

    Atoor waliba geesaha ufidhay amar ku taagleyne

    Abid aadankay waxaanan arag odayna ii sheegin

    Abayoonis geel dhacahayoo uustar wada heysta

    Oo niman Oggaadeena ah galay oogta waaberiga

    Oo igadh lo'aad iyo la tegay Ayra iyo Loola

    Oo duqeytidoodii dagaal inanka guubaabin

    Oo loo ergeeyoo tolnimo lagaga ay waayey

    Oo laga aloolsani sidii nimanka iiddoorra

     

    Isagoo nimankaas aynu kor kusoo xusnayee "Reer Aw" ah ka digaya arimahay soo wataan, waa kii markalena lahaa;

     

    Oggaadeenku waa Doqon-fariid daawashada guude

    Waa duul maroodi ah markuu dib u cadhoodaaye

    Nin waliba markuu naga dibiray durugsay meeshiiye

    Waxa noogu sii darana waa duul wadaado ahe

    Dariiqadaad maqleysaani waa dowlad gooni ahe

     

    Sidaan soo sheegnay Isbedelkii ka fajicayay Cabdi Gorod, mid kobtaa ku joogsamay ma aheyn, mid maalin walba taagan buu ahaa.

    Dowladii Xeyle Salaase oo leh wadooyin rasta ah baanu jeexi, oo dhul geel iyo geeljiruhu inay maraan mooyee, sidooda kale xidh u ahaa baa loo qalabeystay in wado baabuur laga jeexo.

    Bbc'dii baa sheektay in Mareykankii Dayaxa sahan udiray, Qayilaada jaadka baa laga bilaabay magaalada Qabridahare oo raga badankiisii Caleen-Ruug noqday.

     

    Caano geel oo la iibiyo lama aqoon, Dumarkii oo intay haanta dhabarka soo saarteen suuqa keenaya caano oo laga iibsan hayo yaa iyana bilaabatay.

    Nimankii SHeekhaash la odhan jiray oo dagaalo bilaabay iyo weerar baa iyana baryahaan cusayb hor leh aheyd.

     

    Xeyle Salaase baa boqornimadii lagu heystaa oo Mingisti baa inqilaab soo wadana way soo yeedhay, Niman baa geed waabtayoo shaah ku karin hayana way horlaheyd, iyo wax Telefon la yidhaahdaa soo baxayaa, Niman wadan kale jira kuu sahli inaad is maqashaan, idinkoonba is arag.

     

    Arimahaas aan kor ku soo xusay oo dhan buu hal gabay isugu geeyay, la yidhaahdo "Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e".

    Wuxuuna ka mid yahay gabayada Cabdi Gorod kuwiisa loogu jecel yahay.

    Allaha unaxariistee, wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

     

    Dalka nalaga qaatee weftigu diirada u heyso

    Sida duunyo booli ah anaga nalagu doodaayo

    Dowyaha Nogbeed iyo rastada duuda laga jeexi

    Diyaaradahan Doollo iyo Webi iyo dadab u rooraaya

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Dayaxanaa la degi waa iblays derejadiisiiye

    Midka diinta heystiyo sharciguu duufso leeyahaye

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Nin dameero dhaanshow ahaa jaadka daba roori

    Oo maatidiisoo dibjir ah dooga lacag siisan

    Oo sidii duq geeloo tebsi leh daamanka u buuri

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Naaguhu dukaan bay dhigteen dagalka suuqiiye

    Caanaha waxay kuu daraan daasad iyo koobe

    Adigoon darduwin bay ku odhan dollarka isiiye

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Sheekhaashtan duulaanka kicin sida Daraawiishta

    Diini Xaaji iyo Aw Sadiiq duhurkii geel qaadi

    Oo reyfal daasadi dhextaal dib ula soo jeedsan

    Oo maganta daasaha gashiyo dili Oggaaddeenka

    "Daaroodka daanyada ku jira aniga ma i deyni"

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Sida maro dawaarkii ka go'ay boqorkan duugoobi

    Dunta jananka laga qaadiyee alifle loo deyni

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Ragan duurka waabtayee qaxwuhu dibinta boogeeyay

    Kuwaa dubaya meeshii danlee gabadha oo daawan

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

     

    Birtan dadani ee uun digriyi sidii, wadaad duub leh

    Durba hadalka kuu iman intuu, Xamar kasoo duulo

    Dadkan yoomi ee kula fadhiya, kaana sii durugsan

    Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

    Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!


  6. Muddo markuu inan layaal ahaa buu Cabdi Gorod damcay inuu soo wareego oo tolkii iyo Carro Oggaadeen usoo awrar rarto.

    Dumar iska jecel inay hooyadood dugsadaane, malaha gabadhii baa damcday inay negaadaan oysan guurin.

    Cabdi Gorod mudduu arintaa ku dhex jirayoo, war hala i rarada uu ku hayay, waxse uuga naaso-caddaan waaye.

     

    Habeenkii dambuu gabyay, isagoo ciil karaar dhaafsan, wuxuuna yidhi;

     

    War ma horor libaax baan ugalay hal iyo baarkeeda

    War ma ceel hawadu weyntahaan horay usoo duulay

    War ma haadda gaaladu waddaa igula soo heentay

    War ma waalidkay baa habaar igu higaadeeyay

    War ma niman horweyn laga wataa igu halaayuusey

    War Ma anoo habeen guuri baan halaqa soo jiidhay

    Hundhudh iyo calool xumada waa lala habaabaaye

     

    Kobtaa markuu marin hayo ee uusan gabaygii dhameystiran, baa Cali-Dhuux Aadan oo gabadha adeerkeed ah, ag fadhiyayna baa afka qabtay oo yidhi "Adeer gabadha waa laguu rari, dhibaadna waa loogu dariye, gabayga halkaa ku jooji"

    Aroortii dambaa, awr laysku soo sanxidhay iyo gabadhii oo xadhiga uheysta, sidii bayna kusoo ambabaxeen.

     

    Cali-Dhuux baa yidhi, Adeer waad naga eed sheegatay, Aniguna nin ******** xidid la ah baan ahaye, hadal faafayna xidid uma fiicnee, Gabaygii eed sheegadka ahaa eed xalay marisay, mid amaan ah nagaga meydh.

    Cabdi Gorod howraarsan buu yidhi iyadoo oon meejiiba laga dhaqaaqin buu mariyay tixdan dhameystirka u ah taa korre;

    Hadda waxaan kasoo rogahayaa amaan ka haaneeday

    Waxaan helay halyeey aan la marin hooladuu daga'e

    Waxaan helay habeen iyo dharaar hooy la jiifsada'e

    Waxaan helay allaha ii hayooy hanadka wiilkiiye

    Waxaan helay huruud iyo anfaco laga hibaadaaye

    Waxaan helay allaha ii hayooy haybtii reer Gorode

     

    Taa markuu mariyay buu tana kusii xijiyay oo isla amaantii qoyska uu gabadha ka qabay ah, wuxuuna yidhi;

     

    Ma qatani qudhaydiyo intay Qaaso nooshahaye

    Ma qatani qabiil goba intaan qoys ku leeyahaye

    Ma qatani intaan Qoor-yarow wiilka qooqsadaye

    Ma qatani intaan Qoob-mareer qayrkii hoos marine

     

    Wakhtigii baa kasoo soke maray 1945'tii, Dowlada iyo nidaam iyo xuduudyo beenaad iyo waxbaa bilowday.

    Cabdi Gorod tolkii wuxuu ahaa dadkii lagu sheegay "Ethiopiada cusub" ee goboladoodii la yidhi ha hoos tagaan Xeyle Salaase.

     

    Amar iyo maamul cusub baa lasoo rogay, ninkii mucaarad sheegtay geeliisii ba la ooday, sanadkaas oo loo yaqaan "Geel-Oodkii" oy rag badani ka gabyeen, sida Xuseen Hudle Xasan oo kale.

     

    Cabdi Gorod ninkii cidhiidhigaas cusubee soo kordhay ku dhibtooday buu ahaa.

    Waxaa lasoo sheegay in Niman Reer Amaadin Khalaf ah oo xabashi laayey, la xukumay oo geelashoodi la ootaye, tii buu ka gabyoo , Cabdi Gorod yidhi;

     

    Nimanyahow gu'geygoo lixdan ah oo gadhku cadaaday

    Gidigii habeenimo haddaan talo ku gawriiray

    Geesaha unbaan dayi afkaan gaadhka ka hayaaye

     

    Anigiyo gankeygii haddaa gini la siistaaye

    Kuwii gogosha ila jiifi jirey goonbir lagu qaadye

    Gindhidh nimanka yaalee la dhacay gacalka Jeeraar ah

    Cabdallaha godeygaa Bah-Geri goolka laga qaadi

    iiddoorrka gubantaa dagee gaadhiyada waayay

    Iyo aniga geestiina naal waan gudboonahaye

     

    Cirka gaadhi meynoo dhulkaa gaalku gaasiraye

    Gooraan xafiis baa la tubay geel rag leeyahaye

    Gabagabada waa kaa ku dhalay giirtyartii rimaye

    Gurta niman ka laafyoonayaa Geydho foofsadaye

    Gaadiidka meel aan uraro waygu gabileey'e

    Allow noo gargaar maanta waan gebi dhaceynaaye

     

    Cabdi Gorod wuxuu kaloo ka gabyay jamhadihii ka dagaal galay dhulkaas, sida Jamhaduu Nasurallah, guulo ay kasoo hooyisay xabashidan, aad buu ugu dhaatay, waa kii mar yidhi;

     

    Maasaarta nimankii watiyo mulikihii qoolka

    Mari waayey gaadhigu jidkii soo marsheyn jiraye

    Maajjeerku goortuu socdee macatabkii gooyey

    Muslim baan ahaan jirey kolkuu uunka maqashiiyey

    Iyo muusanow Waldhe iyo Minilikii xaarrey

    Maasaare iyo Harooreyso iyo maalintii Jidhacle

    Magac buu Oggaadeen ku helay meel uu joogaba'e

     

    Xeyla-Salaasaa mar yidhi, Oggaadeen dhulkan daaqsin buu kusoo galayoo oo way na riixeen, dib iyo Soomaaliyaan ku celin oon urari, Taasii ka jawaabayoo uu yidhi, gabay aan ka hayo;

     

    Dulqabowba nimankaa degiyo Doollo iyo Ciidba

    Dirqi yaa ku rari waa sidii duudka Aw-Belede

     

    Cabdi Gorod ma aheyn nin dekanada sokeeyaha ka gabya ama ku mashquula, haddii ay dantu ku qabatana, si dedban oo maldahan yuu uga hadli jiray.

     

    Waxaa la weriyay nin ay ilma adeer ahaayeen oo la odhan jiray Axmed-Xaashi ayaa ku baxay gacan sokeeye.

    Marka abwaankii Beesha Cali-Wanaag, maadaama uu yahay waxay dadkii uu la dhashayi ku qalqaaliyeen inuu gabay guubaabo ah marsho oo dhiig ku daato;

    Wuxuu ku jawaabay Cabdi Gorod tix ay iga soo gaadhay;

     

    Arbiciin anoo jiray inaan dunida aafeeyo

    Oon gabayga eeda leh tirshaa waa ardaalnimo'e

    Nimankii arbow Diiriyiyo odayadii laayay

    Axmed-Xaashi nimankii dilee naga unuun gooyey

    Alla magane ooftiyo naftey naga abaareene

     

    Nimankii Axmed-Xaashi dilay geelii waa laga soo celiyay, magtiina waa bixiyeen baa soo yeedhay, markaasuu ku noqdayoo, Gabay digasho qarsoon ah mariyay, xikmadina gebiyada jabisay.

    Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod;

     

    Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay

    Bah-Bartire miyaa loogu tegay toomo guri xaashi

    Birtuu gaalku soo tumay miyaa lagu takoogeeyay

    War ma tanaga soo dhaamiyaa lagu tantoomeeyay

    Ninkii laga tol roonaa miyuu gaal u tabareeyay

    Toban toban ragii helay miyaan tuludna loo reebin

    Tii dhicisay maa laga mag dhabay tacab khasaarkooda

    Ninba tuu lahaan jiray miyuu kor uga soo tuuray

    War ma taaliyaa loola kacay tookhii Ina Heybe

    Wali Timiro Ina Sheekh miyaa timaha feedhaysa

    Oo aan tafteedii la rogin gabadha Toolmoon ah

    Oo ma tobinkii baan afurin kaaha tumin waayey


  7. Cabdi Gorod wuxuu noolaa hilaaddii amaba wakhtigii udhaxeeyay 1915'kii ilaa iyo 1996'dii.

    Cabdi Gorod allaha unaxariistee wuxuu dhintay isagoo madaxa la galay 80'teenka.

    Wuxuu ahaa gabayaa aad loo qadariyo, tolkii uu la joogay iyo kuwii deriskiisa ahaaba.

     

    Cabdi Gorod wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dhulka udhaxeeya Doollo oo rugtiisu tahay Wardheer, iyo Qoraxay oo oollinkiisu yahay Qabridahare.

    Abwaanku noloshiisu waxay ku xidhneyd Geela iyo meesiyada kale nolosha reer guuraaga Soomaaliyeedi ku tiirsantahay.

    Abtir ahaan wuxuu Cabdi Gorod ka dhashay Qabiilka Abbsame, Oggaadeen, Maxamed-Subeyr, Reer Cabdille, gaar ahaan Reer Cali-Wanaag.

     

    Qoraal la,aanta iyo xilkas la,aanta uruurinta suugaanta, ayaa sababtay inay lumaan gabayadiisa qaaliga ahaa iyo ragii kale ee la heerka iyo wakhtigaba ahaa.

    Waxaynu kobtan maanta kusoo qaadaneynaa, gabayo aan ka uruuriyay Cabdi Gorod allaha unaxariistee, kuwaasaan filayo sida aan ula dhacay, inaad ula dhici doontaan.

     

    Wuxuu Cabdi Gorod ku jiray ragii amaanta geela aad ugu fogaaday, ee abuurista eebbe udhameeyay Geela ka cajabsanaa.

    Isagaa Geeraar ku amaanayaa, ayuu ina tusayaa adkeysiga geelu leeyahay iyo sida qoysku ugu ladanyahay caanihiisa iyo dheeftiisaba.

     

    Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod allaha unaxariistee;

     

    Haddan gooha amaano

    Gees-lakoyda riyaad

    Iyo ninkii giiryar lahaa

    Armuu ciil la go,aa

     

    Kolkay gooha dhaleyso

    Geeljirkaa la diraa

    Tubahay guga jeexday

    Yaa gadaal loogu eryaa

    Geedaday la hudeecday

    iyo goojaday kor uqaado

    Ma Gamaan la koraa

     

    Dabarkaanu la gaadhnay

    Gubahaanu ka jeexnay

    Markii ay godol qaaday

    Gaawahaan ku lisaynay

    Gariirkii ka baxaayay

    Gildhigaan la ridiyaayiyo

    Gaadhi roori miyaa

     

    Gorofkaanu uqaadnay

    Garabroorka ka taagan

    Maxaamudii la gooyiyo

    Ma go'yaal bafta aa

     

    Odayaashaa gaboobiyo

    Gabankii yaryaraa,

    Iyo gacalkey gasabtaaye

    Ma gugoo da'ayaa

    Hadda wayba gudhneyde

    Ma gu'goo da,ayaa

     

     

    Waxaa la wariyay Cabdi Gorod bari uu u safray magaalada Berbera ee qadiimiga ah , magaalo xeebeedna ah

    Reer baadiyihii horre ee Hawdka ama Doollo iyo Ciid ku dhaqnaana aad ugu safri jireen, Iyagoo xoolahooda ku badasha alaab magaaleedka suuqa magaaladaas yaala.

     

    Cabdi Gorod iyo nin ay wada socdeen baa magaaladaas tegay, dantii ay lahaayeen kolkii ay bogteen , xoolihii ay wateena ay agab magaalo ku gedisteen, ayay maqaaxi soo fadhiisteen.

     

    Nin Issaaq ah oo maqaaxida gees ka fadhiyaa yidhi "War nimankii dheer-dheeraaye Cagdheer wali miyeysan dhulkoodii Maqaaxi ka sameysan ay iyaga iyo geelooduba shaaha ka cabaan" Si kaftan ah

     

    Aallaaba reer magaalkuna wuu is kaftan gartaa, reer Baadiyuhuna wuu iskaftan gartaa, sidaas awgeed ayaa ninkii hadalkaas korre ku kaftamay iyo Cabdi Gorod isu maandhaafeen, oo Cabdi Gorod hadalkii wuxuu u qaatay Aflagaado iyo juqeyn.

     

    Gabay buu ka mariyey isla kobtii isagoo fadhiya, isagoo nimankii Issaaq ku liidaya maqaaxi shidka iyo arimo kaleba, wuxuuna yidhi Cabdi Gorod;

     

    Afku dhidarle goolweyn dhigdhige dheefna kama quuste

    Dhulka xaaqe dharab xaar ah side dhiriq ku geeraare

    Dhur ma side dhaqaalana ka tage suuqa dhamashleeye

    Dhaxalkii awoowgii ka tegay naag dhilo ah siiye

    Dhiraandhiryaha beerkiyo wadnaha beesad wada dhaafshe

    Dhex-ku-Kiishadaadlow ninkaan dhaabay baad tahaye

    Inaan kugu dhayaayayn lahaa dhalashadeydaa og

     

    Intaas haddeynu kaga gudbno, wali waxaynu ku jirnaa Cabdi Gorod iyo safarkiisii Berberee, maqaaxidii buu cunto ka dalbaday, Intuu uu noolaana waa markii uhoreysayee uu Maqaaxiba galo.

     

    Dalbashada cunooyinka kala duwan ma uusan aqoone, War cunto ii keen unbuu yidhi , lacagna bixi.

    Kaluun baa lasoo hordhigay, Cabdi Gorod dhowr jeer buu eegayoo, suuradiisii buu garan waayey, ninkii Maqaaxida joogay buu u yeedhayoo yidhi, Adeer cunadan aad iisoo hordhigtay bal magaceeda ii sheeg.

     

    Ninkii maqaaxida lahaa wuxuu ku jawaabay "Waa Kaluun la geedeeyay oo cuntooyinka Berbera kuwo loogu jecelyahay ah".

    Cabdi Gorod maba sii sugine, Kobtii gabay ka marshay isagoo ximaariniya ninkii maqaaxida lahaa oo udhashay Issaaq, Habar Awal, Ciise Muuse.

    Wuxuu Yidhi inta aan ka hayo ;

     

    Mas la dilay Abeesada malmalan Muluc la geedeeyay

    Kolba aniga milix haysoo marshaan Ciise Muusuhuye

     

    Cabdi Gorod wuxuu qabay laba dumar ah, gabayadii uu kula xaajooday haweenkiisa amaba uu ka marshay howlihii kala duwanaa ee uu la maray guurkooda amaba uu ka mutay tolkii ay dumarkaasi ka dhasheena , waxbaynu ka iftiimin inshallah.

     

    Waxaa la weriyay Cabdi Gorod inuu guursaday haweenay ka dhalatay qabiilka Haarrti, khaasatan Majjeertteen

    Xoolana waa baxshay, reerka uu gabadha ka qabayna mudduu Inan-layaal u ahaa oo uu la deganaa, malaheygana sidii ufili hayay ee nin xidid ah loo maamuusi jiray waa uu waayey.

     

    Islaantii uu qabayna tabashooyin badan buu ka tirsaday, sidaas la adligeed, waa abwaan caadadiise, gabay buu inoogu soo bandhigay dareenkiisii, oo wuxuu yidhi;

     

    Dhaan-Dhaan Majjeerrteen anaa mooday naag dhaqane

    Dhalaankeyga anigaa ka tegay dhibicdii dayreede

    Hashaydii oon la dhicin anaa dhoofshay berigiiye

    Dhabayaco anaa ula kiciyo dhul aan la gaadheyne

    Dhuul-Dhuul ma anaa usocon sidaan dhiilo kulul sheegi

    Haddii reerku oomane ku dhaco ani miyaa dhaamin

    Dhibaadeyda oo laba harar ah dhabar miyaan saari

    Dhoqol caanihiisii maxaan dhami maxaan reebi

    Dhalinyaro sideedii siday taladu ii dhaaftay

     

    Cabdi Gorod gabadh kalena way udhaxday, isla qoyska Haarrti kasoo jeeda, khaasatan Dhull-Bahante.

    Gabadhan dambe yarraan buu ku guursaday, waxaana la ii sheegay inuu ahaa 18 jir markii uu guursaday.

     

    Sida muuqatana guurka ka hor, Jacayl baa ugu horeeyay, ee kuma uusan guursan sida caadada aheyd ee gabadh ina hebel baan dooni.

     

    Inuu Jacayl ugu horeeyay guurkoodiina, Gabayganaa makhraati u ah, uu yidhi;

     

    Jinta xooga weyniyo laftaad jananka moodeyso

    Jigta socodka joomaha badhyaha joodariga laabta

    Jiljileeca laafyaha markay jagac ka siineyso

    Janbal lama ahaadee xubnaha say ukala joogto

    Sanka jooga dheeriyo afkaw jinayga qaanseede

    Sida johorad nuurkeed ishay nagu jaleeceyso

    Qalbigaa i jiitoo inaan joogo la i moodye

    Gabadhaa jacaylkaan u qabo waw jibaysnahaye

     

    Cabdi Gorod gabadhii wuu guursaday, wuu la xididay Inan-Layaal buuna noqday siduu caadku ahaa.

    Sida la iigu waramay, Cabdi Gorod wuxuu yidhi "Haddaan buulku ku raago, ragu intay buulka soo horistaagan bay ciyaar iga horqabsan oo lay odhan, War buulka kasoo baxoo geedka noogu imo, haddaan subaxda dambe soo kalaho oon geedka sii fadhiistana, Intay ii yimaadaan bay i odhan, War maxaad usoo kalahday, miyaanay gabadhanadu ku qancinin?

    Hadalkii buu sii wadoo wuxuu yidhi Cabdi Gorod "Anigoo wax aan yeelo garan la' iyo si aan ugu tab baxo toona, yaan geed ay fadhiyaan gabadhan aan qabo qoyskeedu soo fadhiistay"

     

    Gabadhu uu qabo, Dhul-Bahantte markii hoos looga dego, Waa Axmed Garaad oy kasii tahay Cali-Geri, Reer Warfaa Gorod.

    Geedkii buu soo fadhiistay, geedkana waxaa jooga oo ka gabyayoo la dhageysanayaa abwaankii isla beeshaas ka dhashayee la odhan jiray Ismaaciil Mirre.

     

    Ismaaciil Mirre ama kas haka ahaato oo uu Cabdi Gorod ku daandaansanayay ama gabayguba hala maree, wuxuu Ismaaciil gabaygiisii kusoo daray tuducyadan caanka noqdayee ah;

     

    Guss weynida Oggaaddeen inay geeri dumar joogi

    Goonyaha haddaan lagala marin guddimo xiiraaya

    Inay gaari mowtiyo anoo garanayaan sheegay !

     

    Cabdi Gorod isagoo Inan-Layaal inuu niman seediyadii ah ka dhex kaco oo uu gabyo iyo inuu aamuso yuu cabbaar dhulka xariiqay.

    Waxay talo kaga ibo beeshay inuu hadalkina faafi doono, oo carro Oggaaddeen la geyn, lana odhan doono, Markuu Ismaaciil Mirre saas lahaa, Cabdi Gorod baa geedka fadhiyay oo aamusay.

     

    Taa dambaa i cuntumi weyday, marka waxay talo kaga ibo beeshay inuu geedka ka dhex istaagoo oo uu jawaabo, sidii buuna yeela, wuxuu ka jawaabay Tixdan goodiga miidhan ah.

    Cabdi Gorod wuxuu ku bilaabay meerisyo kulul oo gooddi ah oo uu leeyahay, Ismaaciilow iskama kay xajin kartide, daandaansiga jooji.

     

    Cabdi Gorod wuxuu is barbardhigayaa, Murtida jiifta isaga iyo Faras gu'gusii dhameystirmay oo maanta dooyo lagu gelo haad ka orod dheer.

    Maroodigu cadhooday oo qaylo iyo gurxan soo gaadhay, Webi iyo laago soo rogmaday oon la hor istaagi karin, Wiyil gadooday oo nin middgaani ahi damcay inuu toogtoo, si uu saanteeda Neddiga jeedalkii fardaha uga jarto.

     

    Arimahaas oo dhan cajiibka ah buu ku goodiyay, Gole Ka Fuul iyadoo Geedkii la fadhiyo buu wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

     

    Ismaaciil gu'gaagiyo ma jiro adi gankaagiiye

    Gadhku igama soo bixin cirradu ima gaboodyeyne

    Aan gabtood kasoo dhigo Haldoor gaaxsan baan ahaye

     

    Senge guri barwaaqo ah la furay badhina loo gooyey

    Gafar socodka dooxada haduu gal iyo giig beelo

    Hadii gulufku geel dagan arkoo galab la heenseeyo

    Garmaamiyo afdhuublaan ka badin gacaliyow jooji

     

    Maroodiga intuu goloy fadhiyay gabanadii daashay

    Gurdanka iyo qeylada haduu gaadhka ka ogaado

    Garab iyo itaal baan ku qaban gacaliyow jooji

     

    Webiga oo galdaasa ah baddoo gabiyadii xoortay

    Laagahakan gowleynayee samada guux dhaafshay

    Gudbitaan anaa kaga dhex bixi gacaliyow jooji

     

    Wiyishoo gadoodoo banaan cadho guhaadeysa

    gees iyo nedaan jaran lahaa gacaliyow jooji

     

    Goodkiyo abeesiyo maskoo gudahayoo guuri

    Ninkii gacanta kula soo degdega geeri baa wada'e

    Giirkaba anaa qaban lahaa gacaliyow jooji

     

    Gusku uunku wuu wada lahaa gaaliyo islaane

    Haddii gabadha oo kaa tagtiyo geeri laga yaabi

    Idinkaa wax gooyaad sitiyo gamas wax laayaaye

    Gunta maa la jaro saw qurjigu gaari dili maayo

    Gardarada tolkay qabo maxaa godobta loo raacshay

    Gablamooyin anaheyn ileen guni ma qaan gaadho


  8. Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda.

    Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay.

     

    Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarroodd Ismaaciil Jeberti, khaastan Abbsamme Kuumade, si hoos iyo qoysna Jiddwaaq, Bartire.

    Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii.

    Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen;

     

    Dhullbahante

    Cubbeed

    Cumar

    Axmed

    Qaallib

    Askar

    Farruur

    Xiirey

     

    Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey;

    Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan.

    Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ;

     

    Cawrala Garaad Faarax

    Canbaro Garaad Faarax

    Cawo Garaad Faarax

    Adeeradiisna waxay kala ahaayeen;

     

    Samatar Garaad Xirsi

    Magan Garaad Xirsi

    Cali Garaad Xirsi

    Guuleed Garaad Xirsi

     

    Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen

    Timmiro-Caddeey

    Dahabo Qalatara

    Dahabo Aw-Cali Dalal

    Beydan Duula

     

    Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen.

    Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

     

    Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay.

    Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

     

    Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor.

     

    Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin.

    Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

     

    Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay.

    Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

     

    Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin.

    WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

     

    Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay.

    Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin.

    Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.

     

    Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal

    Libin Site

    FaaraxGeeydh@hotmail.com


  9. Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda.

    Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay.

     

    Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarroodd Ismaaciil Jeberti, khaastan Abbsame Kuumade, si hoos iyo qoysna Jiddwaaq, Bartirre.

    Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii.

    Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen;

     

    Dhullbahante

    Cubbeed

    Cumar

    Axmed

    Qaallib

    Askar

    Farruur

    Xiirey

     

    Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey;

    Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan.

    Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ;

     

    Cawrala Garaad Faarax

    Canbaro Garaad Faarax

    Cawo Garaad Faarax

     

    Adeeradiisna waxay kala ahaayeen;

     

    Samatar Garaad Xirsi

    Magan Garaad Xirsi

    Cali Garaad Xirsi

    Guuleed Garaad Xirsi

     

    Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen

     

    Timmiro-Caddeey

    Dahabo Qalatara

    Dahabo Aw-Cali Dalal

    Beydan Duula

     

    Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen.

    Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

     

    Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay.

    Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

     

    Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor.

     

    Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin.

    Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

     

    Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay.

    Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

     

    Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin.

    WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

     

    Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay.

    Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin.

    Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.

     

    Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal

    Libin Site

    FaaraxGeeydh@hotmail.com