Allowitaageer

Nomads
  • Content Count

    19
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Allowitaageer

  1. Waa silsilad laga matalahayo siyaasiinta Soomaaliyeed iyo doodaha dhex yaala oo laga cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen. Nuune Madoobe, ahna ninka hada sheegtay madaxa lixda gobol ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe. Wuxuu yidhi Nuune; Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay'e Ninka garan halkaad degi jirtaan looma duur galo'e Godka Dahare goonyaha Dalaad gebiga Shaygoosh ah Gabo-gabo Xaraar iyo Bankiyo Gowga iyo Laago Abidkaaba Galadiid ayaad gole dhex taagneyd'e Goofyaha Kismaayona anaa joogay gudaheed'e Soo galooti baad nagu aheyd gu'gan hortiisiiye Bal gar qaata taariikhdu waa gun weyntahay'e ! Waxaa kasoo jawaabay tixdaas korre, Axmed Madoobe ahna madaxweynaha Jubba. Wuxuu yidhi Axmed; Kol Alloon ka gaabsado tixaha geesna uba leexsho Ayunbay rag noo soo gudbaan or iyo geeraar'e Gabaan waliba maansada galyoo nagu galaal-xoorye Lixda gobol ninkaa sheegtay ee gooddi laga keenay Gogoshiina nagu heysta ee naguba soo guurey Ee guluf abaabulahayaa siduu goolka dhalinaayo Gudcur buu gudaayaa habeen meel gol iyo laag'e Gufaacada dagaalkaan ninyahow geli naqaanaaye Barre-Hiiro Goob-weyn ka carar gudub usii dhaafye Ragii Xamar kasoo guuxi jirey way gabanayaan'e Adiguna geddii baad tahoo gumac ma tuurtaan'e Bal guddoonka aan sugo kolley teydu ii go'ane ! Silsiladii waxaa kusoo biiray madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlaya labadaa ninee korre, isagoo waliba garabka saaraya una hiilinaya Nuune Madoow. Xasan Wuxuu yidhi; Raga garida ii tumanhayee labada gees jooga Garaad maleh warkiinuye anaa taliya guudkii'e Amarkeyga kii garab maraa waan gembinayaaye Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri Waamo Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay Guda-faqa ragii wada shiree wada go'aan qaatay Ee gacal ahaa baynu nahay waad i maan garan'e Garab iyo itaal iyo haddaad guuto iga dooni Golahaaga waan buuxin oo gaadhiyaan tubiye Adna igu gargaar oo ilaa xeebta guluf geeya Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri waamo Geed-khadhaadhka nimankaa noqdee gumac afuufaaya Ee Kismaayo gaaf-meerayee loogu geli waayay Galbeed bay ka keeneen Gogliyo Godey agteediiye Garloogube Awaariyo Wardheer Faafan gudaheeda Gaarisana badh baa soo bixiyo gaasas xoog badan'e Qaramada Midoobey Giriig Golaha iiyuuda (EU) Gebiyada Statekiyo Latiin guudka Carab oo dhan Gaalliyo Islaamkaba fariin yaw gudbinayaaye Axmed inaan garaacnoon dhamaan gooni ka ahaano Ayey talo kusoo biyo go'dee gacanta ii dhiiba Haddii kale gumoobaye Abbsame haygu geeraaro Ha garaaco dhaantoda illeen goofkii iga qaadye ! Reysul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn baa daf soo yidhi Silsilada, isagoo diirka ka qaaday, Nimankan is heysta inuusan kala jecleyn oo uu kolba mid hubeyni, si ka kale loo jebiyo Wuxuu yidhi Hailemariam Desalegn; Ardi Sababa anigoo fadhiya saxarkan soo duulay Ee niman la seegseegayeen saaka iyo maanta Bal aan sawdka eegoon tixaha saadka ka higaadsho Sayid Maxamed baa nagu yaqiin dirirta sooyaan'e Dhaaxuu na soo galay isoo faraskii saarnaaye Dhaaxuu na siibtoo na jaray subax arooryaad'e Ana ciilka igu saaqsan baan idinku seeteeyn'e Soomaalida ninkii dilahayaa saaxib baan nahaye Qori Szuu ah maarraha sinsiman waan ku saacidiye State been ah anigaw sameyn sabada reerkiis'e Saf saf baan ukakala goynayaa calana waan siin'e Nin walaalkii seef marinhayaa anaa u soofeyn'e ! Mid aan siray mid aan soomiyiyo mid aan saqiireeyay Sadexdaa inaan kula dhaqmaa waa saxiix dhab ahe ! Intaas kadib waxaa maqlay in silsiladi furatay Bare Aadan Shire-Hiiraale, isagoo gar u heysta eedna saaranaya Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu Yidhi Barre Hiiraale; Xasanow sidaad ii gasheen saaxiib maan rabin'e Sabaaxada sidaad i ridaan wali u seexdaaye Sidaan geed u saarnaa ayaan suuxay oon dhacay'e Sababtaba adaa keenayoo waad ii sixirteen'e Surimaha Kismaayaad i tidhi qeylo soos geliye Adaa yidhi Sarkaalaan ku siin saajac oon baqan'e Adaa yidhi Statekaba qabsoo sahalna weeyaan'e Adaa yidhi ku sii soco ilaa xeebta oo sax ah'e Afar gees sanbuuskii lahaa suuqa laga waa'e Sahan baas adaa ii diroo saaftay hilibkay'e Suryo oodan baad igu rideen saymo aar galay'e Saantii joogsan weydaa mar bey sahayan ceebtaas'e Nin eersan maayo'e sidaa yeelay sifaheed'e Allahayow adaan kuu samree suubi taladeyda ! Xasan Sheekh kama uusan garaabin eedii loo soo jeediyay ee Barre Hiiraale soo diraye, wuxuu eedii dusha ka saaray Reysul wasaarihii horree Soomaaliya Saacid Shirdoon; Wuxuu yidhi Xasan; Barre Shirow bilaash kuma hadliyo baanisiyo faan'e Runta lagama beydhee xaqaa lagu badhaadhaaye Boholaha laguu qoday godkaa lagugu biimeeyay Balaayada adaa raadsadoo galay barteediiye Bahalada shabeelkiyo libaax buladlihi Aarka Baarqabada Oggaadeen adaa doontay berigiiye Banaankaaga jooga ragaa looma soo baxo'e Ninka buunka kuu tumay sidaad dhaanto baraneyso Baaruudana ku siiyee qoryaha badana kuu keenay Ee yidhi baqoolaha gal oo Jubbada balali oo qiiji Ee bidhaan fog kuu muujiyee beenta kugu miisay Bi'waaye saw Saacidkuba adi bahdaa ma,aha ! Abwaan Golduulaan Aar-tubane@hotmail.com
  2. Xaaji Xunjuf, Singub iyo Saado Cali, labaduba mucaarad kacaanka ah bay ahaayeen.... Nin waliba waxay xirfadiisu aheyd buu ku dagaalamay, labadani qori meysan qaadine, suugaanta bay ku dagaal galeen oy ku muujiyeen fikirkooda. Kaa kale Kaluun sita muxuu ka hadlayaa, Sangub wuu noo yimid iyo wuu naga soo horjeeday?.. Adigoo ayo ah sxb?
  3. Boqorka Halqabsiga waa Dhoodaan, Allaha unaxariistee. Isagoo ka hadlaya dowladii kacaanka sida ay ula dhaqantay dadka qaar, waa kii lahaa., Nimaan teerigaaga iyo jecleyn toorri aad xidhato Tunbukh ileen kuma yaal tobanlayaal iibso....... Tunbukh iyo Tobanle waa qoryo berigaas jiray magacyadood, wuxuuna ka wadaa, ninba kuu diiday inaad toori xidhato, miyuu qori kuu ogolaanayaa........ Waa xaqiiiq
  4. Haatu;988311 wrote: This very funny verse comes from Maxamed Cumar Dage, I hope someone can shed light on the story behind it. Wuxuu u tiriyay xaaskiisa, labadaba Allaha unaxariistee.
  5. Adduunyadu wax waliba dhamaad buu leeyahay, dhaqanka soomaaliduna saas oo kale weeye. Si uu ku soo noqon karana iima muuqato,
  6. Inkastuu culimada islaamku ku muransantahay in taalo la dhiso iyo inaan la dhisin, hadana Sayidku tolkii meeshii uu deganaa baa looga dhisay, ninkii xumaan u arka iyo kaan u arkinow, adba adeerkaa u dhiso taalo oo tuuladaada uga dhiso
  7. Xaaji Xunjuf;987436 wrote: Qamaan had allot of hal hays for example this one Hadalkan saxnayn wuxu taraa, sun iyo waabaye Cali jamac haabiil Muslimnimo nin aan kugu dhaqayn, muuminnimo khaasa Gaal maxasta ku dhowra magansataa dhaama Salaan caraby Hadaad ficil hinaastay aadse aad hilin kari weydey ma afkaad ku ciil bixi cidlaan ka hanjabaysa eh Faacul adan Jugle Gari laba nin kama wada qosliso By Garaad wiilwaal Abasguul meel ma wada joogo warna isu ma seegna Xaji Xunjuf, asc.... Maah-Maahda aad soo qortay "Gari laba nin kama wada qosliso" waxaa iska lahaa nin caan ah oo la dhihi jiray Ina Sanweyne... ( Garta ina san weynaa loo geeysan jiray) ninkii heestaas laga sameeyay. Laba nin baa isku hal (Neef geel ah), labadii nin baa waxay ula tageen Ina Sanweyne oo caan ku ahaa gar-qaadista iyo cadaalada , Ilaahay baa cadaali ahe. Labada nin mid bay is-xigaan Ina Sanweyne.... waxay sheekadu socotoba, Ina-Sanweyne wuxuu hashii siiyay ninkii kale oo uu yidhi, ninkan baa xaq u leh. Ninkii ay is-xigeen baa yidhi "ina san-weynow inagaa ilma adeer ahe, maxaad iigu hiilin weyday" Ina San-weynana wuxuu ku jawaabay "Garri laba nin kama wada qosliso"
  8. Salaan Carabey " Wacdi nooma laabnee nafta walaftay sheydaane"
  9. Saahid Qamaan Cali Muxumed Muruq waxaad ku weydaan is-waal kuma muhiibtaane Muslim kuma cabiidsamo Wallaan madaxa kaa goyn'e
  10. Allahayow gob baan ahay gunni rifeysaaye- Sayid Maxamed
  11. Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco Layskuma ridaan-rido haddaan ruuxu ku arkeynin - Raage Ugaas
  12. Haatu;919132 wrote: Strange how someone can be called Cabdi Gorod. I know someone with that name. Asc sxb haa waa magac lala bixi karo dee, lol Ani waxaan la kulmay mid Gorod la dhaho, Not cabdi gorod yet lol
  13. Wali waxaynu ku gudo jirnaa waxyaabihii ka fajiciyay abwaanka Cabdi Gorod ahe. Wuxuu magaalada Qabridahare ku arkay, niman ganacsi yeeshayoo , intay geelii kasoo xoreedeen, noloshoodu ku xidhantay wax baabuur dushii saaran. Alaab loo soo dejiyo, iyaguna alaabooyin udirsada Hargeysa iyo dhulal kale. Wuxuu kaloo arkay Caano-Niidoo, ama caanaha qasacadeysan ee daasada ku jira oo intii biyo lagu daro, caano ahaan loo cabayo. Wuxuu kaloo arkay Dumar booskii raga galaya oo qoysaska qaar iyagu kaba taliyo, wuxuuna kusoo horiyay nimankii culimada ahaa ee Reer Aw, ood moodo Cabdi Gorod inuu il gooni ah ku hayay. Waa gabay aad dadku ujecelyihiin, waxaana ka mid ah meeriskii caanka noqdee ahaa "Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban" Wuxuu yidhi Cabdi Gorod; Baabuur isjiid ahoo uraran niman Oggaadeena Ee iib la'aan loogu furi maanta waa ugube Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban Caanahaan aduun laga liseyn adhiyo geel toona Ee ubadka loo qaybiyaa maanta waa ugube Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban Usha godan haweenka watee amarka loo dhiibay Ee sida Askari noo xukumi maanta waa ugube Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban Abayoonis iyo Aw-shariif odayo shekhaash ah Oo intay alabaabada xidheen laga aloolaysto Oo ergadana geed loogu tegi maanta waa ugube Nin adduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban Wali gabayadii Mucjisooyinka adduunka uu ka marshay baynu ku jirnaaye. Naag maqaaxi shideysa oo bakeeri shaah qaybineysa, Kaarre lagu dagaal galo, oo ninka wadana aanad arkeynin, dowladii oo soomaaliya oo bixineysa koorsooyinka reer guuraage lagu barayo nacfiga geelu leeyahay. Wuu yaabay, wuuna fajacay Cabdi Gorod. Gabayadii waxaa ka mid ah kan uu yidhi; Kuubba iyo Ruush iyo Amxaar, kaynta soo gale e Kufriga iyo Islaamkuba dadkii, way kilkiliyeene Keeniyo hoggaanbuu sitaa, kiin aan loo imane Mid waliba intuu kayn galuu, kaalay leeyahaye Kaaraha cirkaa marayaan, kor u dayeynaaye Kolkuu soo degana ciidda waa, lagu kexeeyaaye Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye Waa waxaan xabadi kuu karayn, kaana orod dheere Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e! Naaguhu kobtii lagu ogaa way, ka tegayaane Kursi bay u fuuleen qaxwaha, keen la leeyahaye Kun nin oo hareeraha fadhida, kama xishoodaane Kolkay gacanta kuu fidin la arag, kolanta naaskiiye Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e! Geelaa kursaha weyn la waa, kob an ku maalaaye Kunbis baaba lala doonayaa koromadiisiiye Koobada in lagu qaybsadaa, kooros loo galaye Kobna kama baxeysoo naftani waa la kololeeye Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e Kariimow allahayow adaa dunidan kaalmeyne Gabayadiisa mucjisada ee cid furtay iyo dan uu ku lahaa midna aan la garaneyn, aniguna shaqsiyan aan aad u raadiyay sababtii ka keentay, waxaa ka mid gabayga la yidhaahdo "Qamardaad" Waa gabay qufulan oo saan filayo isagoon sharixin dantii uu ka lahaa uu la dhintay allaha uraxmee. Marka gabaygan akhristayaasha ayay ufurantahay inuu ninba siduu u fahmo ula dhaqaaqo. Wuxuu yidhi Cabdi Gorod; Qudhii Maxamed qowlkii Salaan qodabadii Raage Qamaan iyo Ismaaciil Mirriyo Qowdhan iyo Weerar Qarnigii horreetaan ka hadhay qoonkii gabaygiiye Qabri baanan gaadhine adduun qaatay calafkeeye Wax i qaaday mooyee cirkaan qadow ka laacaaye Qoraxdii gudeysaan qabsaday Qaahiraan tegaye Qalin iyo waraaq baan sitoo qaaradaan maraye Qarduum nimanka joogaan utegay qoomkii Reer Yurube Qormadaan lahaan jiray dhurwaa qaawan baa degaye Ingiriisku qooriga Berbera qaylo soo didiye Diinkuba intuu qolof huwaday qoorta soo ridaye Qumbulaadii Ruushku maanta way nagu qandoodaaye Qudha Adari quruxdii JigJiga Qaali iyo Faafan Qowyaha Nogbeed iyo Wardheer Qaalnimadeeda Qabridahariyo Dhooba-Weyn qadadii noo tiilay Qoorriga suweys kama xumayn qoodhay xeradeeye Lagase qaad qoonkii lahaa taniyo qaabiile Oggaaddenkan qaxayaa shardoo qaybta laga daayo Qarxin maayo gabaygaan hayee hayska qamar-daado Dadka gabayada xiiseeya waxay jecelyihiin, nin gabayaa ah oo magac dheer leh markii ay la kulmaan, inay juqeeyaan oy kolba gees hadalka kala maraan "Adeer berigii gabaygaad marisay noogu celi" "Adeer hebel ma isu gabaydeen wali" "Adeer Gole-ka-Fuulka ma taqaanaa" Su,aalo noocaas ah, Gole ka fuulkuna waa masalo dadku jecelyahay, Abwaanka yaqaanana lagu tix geliyo. Waa Abwaanka kartida uleh inuu meeshii la joogaba iyo marxaladii lagu suganyahayba wax ka tirin karo, isagoon usoo fakarin. Mar ay nimanka raaska ahi xujeeyeen Cabdi Gorod, oy dhaheen war bal cunadan aynu dul fadhino ka gabay, buu tixahan hoose ee Gole ka Fuulka ah ku jawaabay; Fandhaal Cali Cadduur qoray haddaan, lagu fataakheynin Fud malaasan caanaha haddaan, fiiqdu daba joogin Siddii awr faruur xidhan haddaan, foorar lagu raagin Ma fogaato gaajadu haddaan, feedhu kor u boodin Nin Issaaq ahoo ay dekene kala qabeen baa arkay Cabdi Gorod oo carro Oggaddeen safar ku yimid. Ninkii baa toorri iska gooyoo damcay inuu laba ukala jaro Cabdi Gorod. Cabdi Gorod ma hub la,ayne toori buu lasoo baxay isna af-xiir ah, waase lakala qabtay: Dhacdadii buu ka gabyay isagoo toori afeysanaya maalin kaloo wuxuu yidhi; Shalay duhurkii Daahirow markii, Carab isoo doontay Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay In lay dili kolkii naagihii lagu dalaaqaayey Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye Soofaha ku duug maandhow waanigii, kuu ducayn jiraye Gabayadiisa loogu jecelyahay ee lagaga haasaawyo goobaha lagu kulmee magaalada Qabridahare, waxaa ka mid ah gabaygan soo socda ee uu marshay mar uu gaboobay, oo uu malaa doonayay gabadh yar in loo guuriyo. Duq gaboobayoo geeljirenimo soo maray, xoolo jacayl kama dhamaadee, waxaa kaloo ka muuqdo inuu jecelaan lahaa xoolo badan inuu yeesho, waa gabay aad dadku u xiiseeyaan. Inuu mar hadii wakhtigiisii gabaabsi yahay oo uu cimriyay, inuu cilmiga diinka barto oo waliba sheekh weynoo la maamuuso noqdo buu sheegtay inuu jecelyahay. Allaha unaxariistee , wuxuu yidhi Cabdi Gorod; Qoton gabadha jeeroon la galo qolad'da aan seexdo Jeeroon birtii lagu qodbiyo qoofalada gooyo Qumbulaada jeeroon ku rido qalabka loo haysto Jeeroo qofteydoo i jecel qoodhka iga dhowrto Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e Caanahaa qabowga leh shardoo qabaxsi loo fuudo Qar-madoobe isagoon la darin qadow dhanaankeeda Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e Jeeroon quraankiyo cilmiga qiil walba usheego Jeeroon qardhaasaha udhigo qooni nimay heyso Qosli maayo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e Waxaa la weriyay in dowladii Kacaanka aheyd Soomaaliya iyo Dhoodaan is madax-dhaafeen. Dhoodaan oo saluugsanaa qaabka uu kacaanku ula dhaqmayay siyaasada ku wajahan Oggaadeeniya, una majaro habaabinayay. Dhoodaan sidaas baa lagu qoray inuu mucaarad yahay, maadaamo uu ku fooganaa in shacabka kasoo jeeda dhulkaas oo uu arimo badan oo ka qarsoonaa u iftiimiyo. Sidaas la adligeed, Dhoodaan wuxuu degay Herer oo uu kasoo gabyi jirey, waana loo tabca waayey. Wixii abwaan sheegan jiray oo dhan baa laysu keenay Radio Muqdisho, nin liilaya, ama heerka iyo meeqaamka ereyada Dhoodaan beegsanayeen, ag dhiga baa la waayey. Dadku waa is yaqaanaaye, nin Cabdi Gorod aqoon u lahaa baa yidhi, Nin Dhoodaan ka dhiciya Dowlada Soomaaliya anaa aqaanoo, Cabdi Gorod baa la yidhaahdaa ee haloo yeedho. Sidii baa Cabdi Gorod lagu keenay meesha, isagoon raali ka aheyn. Gabay wuxuu tirshay sarbeeb ah oo uu Dhoodaan kula hadlayo oo uu leeyahay, War Kacaankii sirdoon buu kuu soo diraye, meeja aad joogto ka dhaqaaqo. Gabaygu wuxuu ahaa intaan ka hayo; Dheri iyo dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye Dhabihii walaalkaa ka tagay lagugu dhaandhaanye Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde ! Waxaa soo uruurshay Faarax-Geeydh FaaraxGeeydh@hotmail.com
  14. Beri baa lasoo sheegay nin Barre Cali la odhan jiray oo Cabdi Gorod ina adeerkii ah in lagu dilay xadka Burco. Waxaa lasoo sheegay in cidda gacanta lihi ay tahay Habarr-Yoonis. Cabdi Gorod col uu wato baa baxayoo, afar nin bay ugu soo aareen ninkii la dilay, Afarta waxaa laga dilay jifo la yidhaahdo Reer Ceynaanshe oo HabbarYoonis ah. Gabay digasho ah waa abwaan wixii lagu yaqiinaye buu marshay, intaan ka hayana, wuxuu yidhi; Ma la eeday awrkii Baroo Cali ma loo aaray Afartii la dilay reer Wacays ma u agoontowday Awal bay amaah naga qabeen nimanka iiddoorre Alxamdulila weeyee Bah-Celi aas ma lagu tuurey Bari baa Doollo waxaa ka dhacday abaar aad u daran oo xoolihii dhameysay, Cabdi Gorod iyo beeshiisiiba hoos inay uhayaantey goosatay. Gabay uu ku alla baryayo buu mariyay oo ahaa; Adhi iyo ninkaan geel lahayn waa allow sahale Igland iyo Hawaas iyo Mardha iyo Unnuda loo dhoofo Abaar gaadhay abidkay ma arag eeggah ka horoowe Eebbow wuxuun nagu irsaaq waad na aragtaaye Markey soo hayaameen ayey reer Hundo noqdeen oo roob fiicana ka da,ay, maadaama nolosha reer guuraagu ku xidhantahay, Kolba inay sahansadaan meeshii tigaad iyo biyo leh. Hunde waxaa la yidhaa dhulka togga Faafaneed uu kusoo daaco, iyo agagaarkiisa. Geeljire qadaf iyo afxumo makala deystee, kuray Bahgeri ah iyo kuray reer Cali-Wanaag ah yaa is laayay oo is aflagaadeeyay. Mid kuraygii Bahgerri ka mid ah baa soo gabyay, isagoo leh dib nooga guura iyo Doollo, oo dhulka nooga tega, wuxuuna yidhi; Goflow Cali-Wanaagow haddaan gumacyo kaa qiiqin Godka Dhoobo-Weyn iyo haddaad joogto gurigeyga Goble iyo Hangoole-Xun haddaad geel kusoo horoto Garbadiyo haddaad Labo-Toglaha Goray ku haaneedo Alleylehe gun yahay waa waxaad galabtii moodeene Gabaygaas buu Cabdi Gorod ka jawaabay isagoo goodin haya, una digahaya wiilkaa soo gabyayee Bahgeri. Wiyil Geeska Lama soo qabtoo waa wax giir adage Lama gaado Goodkiyo Maskiyo gaatiyaha Aare Lama gaadho gaadhiga ordiyo Goroyo Cowleede God Abeeso gacantaada Waa lagala giigaaye Lama geysto goor iyo ayaan godob sokeeyaade Lama gooyo geedaha midkay gogoshu kuu taale Gujo beerka layskagama dhuftiyo gumuc rasaaseede Ninkii gabayga kaa badin dhawaan looma goodiya'e Gumbablow Jibraa'iilka iyo Gerigan maansooday Labaduba gu'gay soo baxeen waana goray ciile God waxaan ku aabudhi midkii gaar u joogsada'e Markii lasoo galay 1950'kii, is-beddelno baaxad leh baa dhacay oo nolosha dadkaas wada deganaa ah. Cabdi Gorod baa malaha wuxuu arkay qabiilo markii horre la caano maali jirey Abbsameha oo la odhan jiray "Reer Aw". Haddaan sharaxo "Reer Aw" waxaa isku ahaa "Aba-yoonis, Gaaddsan, Sheekhaash, Reer Aww-Xasan". Nimankii oo wuxuu arkay Aw'nimadii kasoo taagan oo madax-taag iyo indho-dhaafini ku jirto. Wuxuu maqlayoo Kale, Jifo Oggaadeen ah iyo Abayoonis baa geelal kala dhacay, Arintaasuu qaadin kari waayey, wuxuuna yidhi; Kobtii Aar libaax uu fadhiyay dawac ka uugaanye Atoor waliba geesaha ufidhay amar ku taagleyne Abid aadankay waxaanan arag odayna ii sheegin Abayoonis geel dhacahayoo uustar wada heysta Oo niman Oggaadeena ah galay oogta waaberiga Oo igadh lo'aad iyo la tegay Ayra iyo Loola Oo duqeytidoodii dagaal inanka guubaabin Oo loo ergeeyoo tolnimo lagaga ay waayey Oo laga aloolsani sidii nimanka iiddoorra Isagoo nimankaas aynu kor kusoo xusnayee "Reer Aw" ah ka digaya arimahay soo wataan, waa kii markalena lahaa; Oggaadeenku waa Doqon-fariid daawashada guude Waa duul maroodi ah markuu dib u cadhoodaaye Nin waliba markuu naga dibiray durugsay meeshiiye Waxa noogu sii darana waa duul wadaado ahe Dariiqadaad maqleysaani waa dowlad gooni ahe Sidaan soo sheegnay Isbedelkii ka fajicayay Cabdi Gorod, mid kobtaa ku joogsamay ma aheyn, mid maalin walba taagan buu ahaa. Dowladii Xeyle Salaase oo leh wadooyin rasta ah baanu jeexi, oo dhul geel iyo geeljiruhu inay maraan mooyee, sidooda kale xidh u ahaa baa loo qalabeystay in wado baabuur laga jeexo. Bbc'dii baa sheektay in Mareykankii Dayaxa sahan udiray, Qayilaada jaadka baa laga bilaabay magaalada Qabridahare oo raga badankiisii Caleen-Ruug noqday. Caano geel oo la iibiyo lama aqoon, Dumarkii oo intay haanta dhabarka soo saarteen suuqa keenaya caano oo laga iibsan hayo yaa iyana bilaabatay. Nimankii SHeekhaash la odhan jiray oo dagaalo bilaabay iyo weerar baa iyana baryahaan cusayb hor leh aheyd. Xeyle Salaase baa boqornimadii lagu heystaa oo Mingisti baa inqilaab soo wadana way soo yeedhay, Niman baa geed waabtayoo shaah ku karin hayana way horlaheyd, iyo wax Telefon la yidhaahdaa soo baxayaa, Niman wadan kale jira kuu sahli inaad is maqashaan, idinkoonba is arag. Arimahaas aan kor ku soo xusay oo dhan buu hal gabay isugu geeyay, la yidhaahdo "Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e". Wuxuuna ka mid yahay gabayada Cabdi Gorod kuwiisa loogu jecel yahay. Allaha unaxariistee, wuxuu yidhi Cabdi Gorod; Dalka nalaga qaatee weftigu diirada u heyso Sida duunyo booli ah anaga nalagu doodaayo Dowyaha Nogbeed iyo rastada duuda laga jeexi Diyaaradahan Doollo iyo Webi iyo dadab u rooraaya Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Dayaxanaa la degi waa iblays derejadiisiiye Midka diinta heystiyo sharciguu duufso leeyahaye Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Nin dameero dhaanshow ahaa jaadka daba roori Oo maatidiisoo dibjir ah dooga lacag siisan Oo sidii duq geeloo tebsi leh daamanka u buuri Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Naaguhu dukaan bay dhigteen dagalka suuqiiye Caanaha waxay kuu daraan daasad iyo koobe Adigoon darduwin bay ku odhan dollarka isiiye Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Sheekhaashtan duulaanka kicin sida Daraawiishta Diini Xaaji iyo Aw Sadiiq duhurkii geel qaadi Oo reyfal daasadi dhextaal dib ula soo jeedsan Oo maganta daasaha gashiyo dili Oggaaddeenka "Daaroodka daanyada ku jira aniga ma i deyni" Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Sida maro dawaarkii ka go'ay boqorkan duugoobi Dunta jananka laga qaadiyee alifle loo deyni Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Ragan duurka waabtayee qaxwuhu dibinta boogeeyay Kuwaa dubaya meeshii danlee gabadha oo daawan Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e Birtan dadani ee uun digriyi sidii, wadaad duub leh Durba hadalka kuu iman intuu, Xamar kasoo duulo Dadkan yoomi ee kula fadhiya, kaana sii durugsan Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!
  15. Muddo markuu inan layaal ahaa buu Cabdi Gorod damcay inuu soo wareego oo tolkii iyo Carro Oggaadeen usoo awrar rarto. Dumar iska jecel inay hooyadood dugsadaane, malaha gabadhii baa damcday inay negaadaan oysan guurin. Cabdi Gorod mudduu arintaa ku dhex jirayoo, war hala i rarada uu ku hayay, waxse uuga naaso-caddaan waaye. Habeenkii dambuu gabyay, isagoo ciil karaar dhaafsan, wuxuuna yidhi; War ma horor libaax baan ugalay hal iyo baarkeeda War ma ceel hawadu weyntahaan horay usoo duulay War ma haadda gaaladu waddaa igula soo heentay War ma waalidkay baa habaar igu higaadeeyay War ma niman horweyn laga wataa igu halaayuusey War Ma anoo habeen guuri baan halaqa soo jiidhay Hundhudh iyo calool xumada waa lala habaabaaye Kobtaa markuu marin hayo ee uusan gabaygii dhameystiran, baa Cali-Dhuux Aadan oo gabadha adeerkeed ah, ag fadhiyayna baa afka qabtay oo yidhi "Adeer gabadha waa laguu rari, dhibaadna waa loogu dariye, gabayga halkaa ku jooji" Aroortii dambaa, awr laysku soo sanxidhay iyo gabadhii oo xadhiga uheysta, sidii bayna kusoo ambabaxeen. Cali-Dhuux baa yidhi, Adeer waad naga eed sheegatay, Aniguna nin ******** xidid la ah baan ahaye, hadal faafayna xidid uma fiicnee, Gabaygii eed sheegadka ahaa eed xalay marisay, mid amaan ah nagaga meydh. Cabdi Gorod howraarsan buu yidhi iyadoo oon meejiiba laga dhaqaaqin buu mariyay tixdan dhameystirka u ah taa korre; Hadda waxaan kasoo rogahayaa amaan ka haaneeday Waxaan helay halyeey aan la marin hooladuu daga'e Waxaan helay habeen iyo dharaar hooy la jiifsada'e Waxaan helay allaha ii hayooy hanadka wiilkiiye Waxaan helay huruud iyo anfaco laga hibaadaaye Waxaan helay allaha ii hayooy haybtii reer Gorode Taa markuu mariyay buu tana kusii xijiyay oo isla amaantii qoyska uu gabadha ka qabay ah, wuxuuna yidhi; Ma qatani qudhaydiyo intay Qaaso nooshahaye Ma qatani qabiil goba intaan qoys ku leeyahaye Ma qatani intaan Qoor-yarow wiilka qooqsadaye Ma qatani intaan Qoob-mareer qayrkii hoos marine Wakhtigii baa kasoo soke maray 1945'tii, Dowlada iyo nidaam iyo xuduudyo beenaad iyo waxbaa bilowday. Cabdi Gorod tolkii wuxuu ahaa dadkii lagu sheegay "Ethiopiada cusub" ee goboladoodii la yidhi ha hoos tagaan Xeyle Salaase. Amar iyo maamul cusub baa lasoo rogay, ninkii mucaarad sheegtay geeliisii ba la ooday, sanadkaas oo loo yaqaan "Geel-Oodkii" oy rag badani ka gabyeen, sida Xuseen Hudle Xasan oo kale. Cabdi Gorod ninkii cidhiidhigaas cusubee soo kordhay ku dhibtooday buu ahaa. Waxaa lasoo sheegay in Niman Reer Amaadin Khalaf ah oo xabashi laayey, la xukumay oo geelashoodi la ootaye, tii buu ka gabyoo , Cabdi Gorod yidhi; Nimanyahow gu'geygoo lixdan ah oo gadhku cadaaday Gidigii habeenimo haddaan talo ku gawriiray Geesaha unbaan dayi afkaan gaadhka ka hayaaye Anigiyo gankeygii haddaa gini la siistaaye Kuwii gogosha ila jiifi jirey goonbir lagu qaadye Gindhidh nimanka yaalee la dhacay gacalka Jeeraar ah Cabdallaha godeygaa Bah-Geri goolka laga qaadi iiddoorrka gubantaa dagee gaadhiyada waayay Iyo aniga geestiina naal waan gudboonahaye Cirka gaadhi meynoo dhulkaa gaalku gaasiraye Gooraan xafiis baa la tubay geel rag leeyahaye Gabagabada waa kaa ku dhalay giirtyartii rimaye Gurta niman ka laafyoonayaa Geydho foofsadaye Gaadiidka meel aan uraro waygu gabileey'e Allow noo gargaar maanta waan gebi dhaceynaaye Cabdi Gorod wuxuu kaloo ka gabyay jamhadihii ka dagaal galay dhulkaas, sida Jamhaduu Nasurallah, guulo ay kasoo hooyisay xabashidan, aad buu ugu dhaatay, waa kii mar yidhi; Maasaarta nimankii watiyo mulikihii qoolka Mari waayey gaadhigu jidkii soo marsheyn jiraye Maajjeerku goortuu socdee macatabkii gooyey Muslim baan ahaan jirey kolkuu uunka maqashiiyey Iyo muusanow Waldhe iyo Minilikii xaarrey Maasaare iyo Harooreyso iyo maalintii Jidhacle Magac buu Oggaadeen ku helay meel uu joogaba'e Xeyla-Salaasaa mar yidhi, Oggaadeen dhulkan daaqsin buu kusoo galayoo oo way na riixeen, dib iyo Soomaaliyaan ku celin oon urari, Taasii ka jawaabayoo uu yidhi, gabay aan ka hayo; Dulqabowba nimankaa degiyo Doollo iyo Ciidba Dirqi yaa ku rari waa sidii duudka Aw-Belede Cabdi Gorod ma aheyn nin dekanada sokeeyaha ka gabya ama ku mashquula, haddii ay dantu ku qabatana, si dedban oo maldahan yuu uga hadli jiray. Waxaa la weriyay nin ay ilma adeer ahaayeen oo la odhan jiray Axmed-Xaashi ayaa ku baxay gacan sokeeye. Marka abwaankii Beesha Cali-Wanaag, maadaama uu yahay waxay dadkii uu la dhashayi ku qalqaaliyeen inuu gabay guubaabo ah marsho oo dhiig ku daato; Wuxuu ku jawaabay Cabdi Gorod tix ay iga soo gaadhay; Arbiciin anoo jiray inaan dunida aafeeyo Oon gabayga eeda leh tirshaa waa ardaalnimo'e Nimankii arbow Diiriyiyo odayadii laayay Axmed-Xaashi nimankii dilee naga unuun gooyey Alla magane ooftiyo naftey naga abaareene Nimankii Axmed-Xaashi dilay geelii waa laga soo celiyay, magtiina waa bixiyeen baa soo yeedhay, markaasuu ku noqdayoo, Gabay digasho qarsoon ah mariyay, xikmadina gebiyada jabisay. Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod; Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay Bah-Bartire miyaa loogu tegay toomo guri xaashi Birtuu gaalku soo tumay miyaa lagu takoogeeyay War ma tanaga soo dhaamiyaa lagu tantoomeeyay Ninkii laga tol roonaa miyuu gaal u tabareeyay Toban toban ragii helay miyaan tuludna loo reebin Tii dhicisay maa laga mag dhabay tacab khasaarkooda Ninba tuu lahaan jiray miyuu kor uga soo tuuray War ma taaliyaa loola kacay tookhii Ina Heybe Wali Timiro Ina Sheekh miyaa timaha feedhaysa Oo aan tafteedii la rogin gabadha Toolmoon ah Oo ma tobinkii baan afurin kaaha tumin waayey
  16. Cabdi Gorod wuxuu noolaa hilaaddii amaba wakhtigii udhaxeeyay 1915'kii ilaa iyo 1996'dii. Cabdi Gorod allaha unaxariistee wuxuu dhintay isagoo madaxa la galay 80'teenka. Wuxuu ahaa gabayaa aad loo qadariyo, tolkii uu la joogay iyo kuwii deriskiisa ahaaba. Cabdi Gorod wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dhulka udhaxeeya Doollo oo rugtiisu tahay Wardheer, iyo Qoraxay oo oollinkiisu yahay Qabridahare. Abwaanku noloshiisu waxay ku xidhneyd Geela iyo meesiyada kale nolosha reer guuraaga Soomaaliyeedi ku tiirsantahay. Abtir ahaan wuxuu Cabdi Gorod ka dhashay Qabiilka Abbsame, Oggaadeen, Maxamed-Subeyr, Reer Cabdille, gaar ahaan Reer Cali-Wanaag. Qoraal la,aanta iyo xilkas la,aanta uruurinta suugaanta, ayaa sababtay inay lumaan gabayadiisa qaaliga ahaa iyo ragii kale ee la heerka iyo wakhtigaba ahaa. Waxaynu kobtan maanta kusoo qaadaneynaa, gabayo aan ka uruuriyay Cabdi Gorod allaha unaxariistee, kuwaasaan filayo sida aan ula dhacay, inaad ula dhici doontaan. Wuxuu Cabdi Gorod ku jiray ragii amaanta geela aad ugu fogaaday, ee abuurista eebbe udhameeyay Geela ka cajabsanaa. Isagaa Geeraar ku amaanayaa, ayuu ina tusayaa adkeysiga geelu leeyahay iyo sida qoysku ugu ladanyahay caanihiisa iyo dheeftiisaba. Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod allaha unaxariistee; Haddan gooha amaano Gees-lakoyda riyaad Iyo ninkii giiryar lahaa Armuu ciil la go,aa Kolkay gooha dhaleyso Geeljirkaa la diraa Tubahay guga jeexday Yaa gadaal loogu eryaa Geedaday la hudeecday iyo goojaday kor uqaado Ma Gamaan la koraa Dabarkaanu la gaadhnay Gubahaanu ka jeexnay Markii ay godol qaaday Gaawahaan ku lisaynay Gariirkii ka baxaayay Gildhigaan la ridiyaayiyo Gaadhi roori miyaa Gorofkaanu uqaadnay Garabroorka ka taagan Maxaamudii la gooyiyo Ma go'yaal bafta aa Odayaashaa gaboobiyo Gabankii yaryaraa, Iyo gacalkey gasabtaaye Ma gugoo da'ayaa Hadda wayba gudhneyde Ma gu'goo da,ayaa Waxaa la wariyay Cabdi Gorod bari uu u safray magaalada Berbera ee qadiimiga ah , magaalo xeebeedna ah Reer baadiyihii horre ee Hawdka ama Doollo iyo Ciid ku dhaqnaana aad ugu safri jireen, Iyagoo xoolahooda ku badasha alaab magaaleedka suuqa magaaladaas yaala. Cabdi Gorod iyo nin ay wada socdeen baa magaaladaas tegay, dantii ay lahaayeen kolkii ay bogteen , xoolihii ay wateena ay agab magaalo ku gedisteen, ayay maqaaxi soo fadhiisteen. Nin Issaaq ah oo maqaaxida gees ka fadhiyaa yidhi "War nimankii dheer-dheeraaye Cagdheer wali miyeysan dhulkoodii Maqaaxi ka sameysan ay iyaga iyo geelooduba shaaha ka cabaan" Si kaftan ah Aallaaba reer magaalkuna wuu is kaftan gartaa, reer Baadiyuhuna wuu iskaftan gartaa, sidaas awgeed ayaa ninkii hadalkaas korre ku kaftamay iyo Cabdi Gorod isu maandhaafeen, oo Cabdi Gorod hadalkii wuxuu u qaatay Aflagaado iyo juqeyn. Gabay buu ka mariyey isla kobtii isagoo fadhiya, isagoo nimankii Issaaq ku liidaya maqaaxi shidka iyo arimo kaleba, wuxuuna yidhi Cabdi Gorod; Afku dhidarle goolweyn dhigdhige dheefna kama quuste Dhulka xaaqe dharab xaar ah side dhiriq ku geeraare Dhur ma side dhaqaalana ka tage suuqa dhamashleeye Dhaxalkii awoowgii ka tegay naag dhilo ah siiye Dhiraandhiryaha beerkiyo wadnaha beesad wada dhaafshe Dhex-ku-Kiishadaadlow ninkaan dhaabay baad tahaye Inaan kugu dhayaayayn lahaa dhalashadeydaa og Intaas haddeynu kaga gudbno, wali waxaynu ku jirnaa Cabdi Gorod iyo safarkiisii Berberee, maqaaxidii buu cunto ka dalbaday, Intuu uu noolaana waa markii uhoreysayee uu Maqaaxiba galo. Dalbashada cunooyinka kala duwan ma uusan aqoone, War cunto ii keen unbuu yidhi , lacagna bixi. Kaluun baa lasoo hordhigay, Cabdi Gorod dhowr jeer buu eegayoo, suuradiisii buu garan waayey, ninkii Maqaaxida joogay buu u yeedhayoo yidhi, Adeer cunadan aad iisoo hordhigtay bal magaceeda ii sheeg. Ninkii maqaaxida lahaa wuxuu ku jawaabay "Waa Kaluun la geedeeyay oo cuntooyinka Berbera kuwo loogu jecelyahay ah". Cabdi Gorod maba sii sugine, Kobtii gabay ka marshay isagoo ximaariniya ninkii maqaaxida lahaa oo udhashay Issaaq, Habar Awal, Ciise Muuse. Wuxuu Yidhi inta aan ka hayo ; Mas la dilay Abeesada malmalan Muluc la geedeeyay Kolba aniga milix haysoo marshaan Ciise Muusuhuye Cabdi Gorod wuxuu qabay laba dumar ah, gabayadii uu kula xaajooday haweenkiisa amaba uu ka marshay howlihii kala duwanaa ee uu la maray guurkooda amaba uu ka mutay tolkii ay dumarkaasi ka dhasheena , waxbaynu ka iftiimin inshallah. Waxaa la weriyay Cabdi Gorod inuu guursaday haweenay ka dhalatay qabiilka Haarrti, khaasatan Majjeertteen Xoolana waa baxshay, reerka uu gabadha ka qabayna mudduu Inan-layaal u ahaa oo uu la deganaa, malaheygana sidii ufili hayay ee nin xidid ah loo maamuusi jiray waa uu waayey. Islaantii uu qabayna tabashooyin badan buu ka tirsaday, sidaas la adligeed, waa abwaan caadadiise, gabay buu inoogu soo bandhigay dareenkiisii, oo wuxuu yidhi; Dhaan-Dhaan Majjeerrteen anaa mooday naag dhaqane Dhalaankeyga anigaa ka tegay dhibicdii dayreede Hashaydii oon la dhicin anaa dhoofshay berigiiye Dhabayaco anaa ula kiciyo dhul aan la gaadheyne Dhuul-Dhuul ma anaa usocon sidaan dhiilo kulul sheegi Haddii reerku oomane ku dhaco ani miyaa dhaamin Dhibaadeyda oo laba harar ah dhabar miyaan saari Dhoqol caanihiisii maxaan dhami maxaan reebi Dhalinyaro sideedii siday taladu ii dhaaftay Cabdi Gorod gabadh kalena way udhaxday, isla qoyska Haarrti kasoo jeeda, khaasatan Dhull-Bahante. Gabadhan dambe yarraan buu ku guursaday, waxaana la ii sheegay inuu ahaa 18 jir markii uu guursaday. Sida muuqatana guurka ka hor, Jacayl baa ugu horeeyay, ee kuma uusan guursan sida caadada aheyd ee gabadh ina hebel baan dooni. Inuu Jacayl ugu horeeyay guurkoodiina, Gabayganaa makhraati u ah, uu yidhi; Jinta xooga weyniyo laftaad jananka moodeyso Jigta socodka joomaha badhyaha joodariga laabta Jiljileeca laafyaha markay jagac ka siineyso Janbal lama ahaadee xubnaha say ukala joogto Sanka jooga dheeriyo afkaw jinayga qaanseede Sida johorad nuurkeed ishay nagu jaleeceyso Qalbigaa i jiitoo inaan joogo la i moodye Gabadhaa jacaylkaan u qabo waw jibaysnahaye Cabdi Gorod gabadhii wuu guursaday, wuu la xididay Inan-Layaal buuna noqday siduu caadku ahaa. Sida la iigu waramay, Cabdi Gorod wuxuu yidhi "Haddaan buulku ku raago, ragu intay buulka soo horistaagan bay ciyaar iga horqabsan oo lay odhan, War buulka kasoo baxoo geedka noogu imo, haddaan subaxda dambe soo kalaho oon geedka sii fadhiistana, Intay ii yimaadaan bay i odhan, War maxaad usoo kalahday, miyaanay gabadhanadu ku qancinin? Hadalkii buu sii wadoo wuxuu yidhi Cabdi Gorod "Anigoo wax aan yeelo garan la' iyo si aan ugu tab baxo toona, yaan geed ay fadhiyaan gabadhan aan qabo qoyskeedu soo fadhiistay" Gabadhu uu qabo, Dhul-Bahantte markii hoos looga dego, Waa Axmed Garaad oy kasii tahay Cali-Geri, Reer Warfaa Gorod. Geedkii buu soo fadhiistay, geedkana waxaa jooga oo ka gabyayoo la dhageysanayaa abwaankii isla beeshaas ka dhashayee la odhan jiray Ismaaciil Mirre. Ismaaciil Mirre ama kas haka ahaato oo uu Cabdi Gorod ku daandaansanayay ama gabayguba hala maree, wuxuu Ismaaciil gabaygiisii kusoo daray tuducyadan caanka noqdayee ah; Guss weynida Oggaaddeen inay geeri dumar joogi Goonyaha haddaan lagala marin guddimo xiiraaya Inay gaari mowtiyo anoo garanayaan sheegay ! Cabdi Gorod isagoo Inan-Layaal inuu niman seediyadii ah ka dhex kaco oo uu gabyo iyo inuu aamuso yuu cabbaar dhulka xariiqay. Waxay talo kaga ibo beeshay inuu hadalkina faafi doono, oo carro Oggaaddeen la geyn, lana odhan doono, Markuu Ismaaciil Mirre saas lahaa, Cabdi Gorod baa geedka fadhiyay oo aamusay. Taa dambaa i cuntumi weyday, marka waxay talo kaga ibo beeshay inuu geedka ka dhex istaagoo oo uu jawaabo, sidii buuna yeela, wuxuu ka jawaabay Tixdan goodiga miidhan ah. Cabdi Gorod wuxuu ku bilaabay meerisyo kulul oo gooddi ah oo uu leeyahay, Ismaaciilow iskama kay xajin kartide, daandaansiga jooji. Cabdi Gorod wuxuu is barbardhigayaa, Murtida jiifta isaga iyo Faras gu'gusii dhameystirmay oo maanta dooyo lagu gelo haad ka orod dheer. Maroodigu cadhooday oo qaylo iyo gurxan soo gaadhay, Webi iyo laago soo rogmaday oon la hor istaagi karin, Wiyil gadooday oo nin middgaani ahi damcay inuu toogtoo, si uu saanteeda Neddiga jeedalkii fardaha uga jarto. Arimahaas oo dhan cajiibka ah buu ku goodiyay, Gole Ka Fuul iyadoo Geedkii la fadhiyo buu wuxuu yidhi Cabdi Gorod; Ismaaciil gu'gaagiyo ma jiro adi gankaagiiye Gadhku igama soo bixin cirradu ima gaboodyeyne Aan gabtood kasoo dhigo Haldoor gaaxsan baan ahaye Senge guri barwaaqo ah la furay badhina loo gooyey Gafar socodka dooxada haduu gal iyo giig beelo Hadii gulufku geel dagan arkoo galab la heenseeyo Garmaamiyo afdhuublaan ka badin gacaliyow jooji Maroodiga intuu goloy fadhiyay gabanadii daashay Gurdanka iyo qeylada haduu gaadhka ka ogaado Garab iyo itaal baan ku qaban gacaliyow jooji Webiga oo galdaasa ah baddoo gabiyadii xoortay Laagahakan gowleynayee samada guux dhaafshay Gudbitaan anaa kaga dhex bixi gacaliyow jooji Wiyishoo gadoodoo banaan cadho guhaadeysa gees iyo nedaan jaran lahaa gacaliyow jooji Goodkiyo abeesiyo maskoo gudahayoo guuri Ninkii gacanta kula soo degdega geeri baa wada'e Giirkaba anaa qaban lahaa gacaliyow jooji Gusku uunku wuu wada lahaa gaaliyo islaane Haddii gabadha oo kaa tagtiyo geeri laga yaabi Idinkaa wax gooyaad sitiyo gamas wax laayaaye Gunta maa la jaro saw qurjigu gaari dili maayo Gardarada tolkay qabo maxaa godobta loo raacshay Gablamooyin anaheyn ileen guni ma qaan gaadho
  17. Raage ninkay is qabteen waa ninkan aabihiis, Garaad Faarax Garaad Xirsi weeyaan.
  18. Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda. Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay. Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarroodd Ismaaciil Jeberti, khaastan Abbsamme Kuumade, si hoos iyo qoysna Jiddwaaq, Bartire. Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii. Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen; Dhullbahante Cubbeed Cumar Axmed Qaallib Askar Farruur Xiirey Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey; Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan. Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ; Cawrala Garaad Faarax Canbaro Garaad Faarax Cawo Garaad Faarax Adeeradiisna waxay kala ahaayeen; Samatar Garaad Xirsi Magan Garaad Xirsi Cali Garaad Xirsi Guuleed Garaad Xirsi Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen Timmiro-Caddeey Dahabo Qalatara Dahabo Aw-Cali Dalal Beydan Duula Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen. Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho. Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay. Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa. Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor. Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin. Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee. Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay. Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin. Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin. WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo. Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay. Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin. Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin. Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal Libin Site FaaraxGeeydh@hotmail.com
  19. Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda. Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay. Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarroodd Ismaaciil Jeberti, khaastan Abbsame Kuumade, si hoos iyo qoysna Jiddwaaq, Bartirre. Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii. Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen; Dhullbahante Cubbeed Cumar Axmed Qaallib Askar Farruur Xiirey Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey; Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan. Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ; Cawrala Garaad Faarax Canbaro Garaad Faarax Cawo Garaad Faarax Adeeradiisna waxay kala ahaayeen; Samatar Garaad Xirsi Magan Garaad Xirsi Cali Garaad Xirsi Guuleed Garaad Xirsi Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen Timmiro-Caddeey Dahabo Qalatara Dahabo Aw-Cali Dalal Beydan Duula Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen. Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho. Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay. Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa. Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor. Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin. Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee. Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay. Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin. Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin. WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo. Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay. Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin. Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin. Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal Libin Site FaaraxGeeydh@hotmail.com