Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. ^^Ma xamaasad baa ku yara qaadey? Show Kismaayo rag badan baa ka dikaama lol.
  2. ^^For the TFG 16 deaths isn't a big deal, namean . Unless it reaches hundreds like Mogadishu, they won't call it 'real' and significant. That is why you see our resident propagandist dismissing the Kismayo conflict as being 'little incident'.
  3. ^^Maya anigaa ka baxay iyo maya anagaa kaa bixinney armey dhiillo hor leh keentaa?
  4. ^^Lol Horn, waxaad ogtahay dadka ma wada oga ina adeer . I am sure in aad taar toosa ah ka haysato Kismaayo balse inaku telefanka gelitaankiisu adagyahay ayaan war ka dhurnaa. Marka, maxaa dheeraad ah oo warood heysaa Horn?
  5. ^^Xiin, you are on the spot. The news I am hearing tells me that the division is much wider than thought of before. Sheekadu waxat mareysaa reer Puntland/Waamo/Buulo Xaaji against qabiilka guud ee uu Barre Hiiraale kasoo jeedo. Marka utunadii in badan dhex tiilley dadka Kismaayo isku haysta ayaa soo if baxayso ayuu warka igu saa gaarayaa. Dagaal kale ayaa lala raadsanayaa kuwa magaalada dibaddeeda ku sugan ayaa la leeyahay...But I hope in ay banaanaha Kismaayo isula baxaan qolyahan dirirtu ka dhaxayso.
  6. ^^Lool@Law and Order. The guys haven't even heard of the Law of Physics . ---- KISMAAYO:-(KP)Waxaan Khadka Taleefanka wareysi Kula Yeelanay Afguduud Oo Ku Sugan Daafaha Magaalada Kismayo:(23-04-2007) Waxaa inoo suuro gashay in aan khadka taleefanka kula xiriirbo taliyaha guutada koowaad ee ciidanka Jubada Hoose Col. C/risaaq Afguduud oo aan ka wareysanay waxyaalihi maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo melaashiyaadka la sheegay in ey la wareegeen halkaa. Taliye Afguduud ayaa waxa uu inoo sheegay in ey saakay dagaal lama filaan ah kusoo qaadeen magaalada Kismaayo maleeshiyo beeleed kuwasoo is habeynayay baryahan oo dhan watayna qorshe ey doonayeen in ey ku qabsadaan magaalda. Afguduud ayaa intaa raacshay in meleeshiyaadka ku guuleysteen qorshohooda oo ey la wareegeen magaalada balse ey iyaga iasaga soo bexeen halkaa kadob xeelad dagaal, waa sida uu hadalka u dhigaye. Maleeshiyaadkan ayaa ka faaiideystay sida uu sheegay col. Afguduud cidamada dowladda oo ku yaraa magaalada Kismaayo kuwaasoo howlo amn ugu kala maqnaa magaalooyinka Kudhaa iyo Muqdisho oo ey ka socdaan sifeyn lagu hayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda. afguduud oo hadaladiisu ka muuqdeen in ey soo afjarayaan xiisadahan maalmaha soo socda ayaa waxa uu yiri waxaan u maleynayaa in maleeshiyaadka ey kusii nagaan doonin magaalada Kismaayo, eyna ka xoreyn doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Khadka taleefanka oo aad iu xumaa ayaa waxaa inoo suurto galin in aan su`aalo dheeraad ah weydiino Taliyaha balse aan idiin soo gudbin doono wararka ugu danbeeya ee xaaladda magaalada Kismaayo. Xafiska warak www.kismaayopost.com ee magaalada (Kismaayo) Xafiska waraka www.kismaayopost.com ee Dibada (Scandinavia) webmaster@kismaayopost.com
  7. ^Adigaaba geesiyad ah .
  8. Originally posted by General Duke: http://www.gedonet.com/index.php?news=1338 Here is the latest on Gedonet: Waa Sidee Xaaladda Magaalada Kismaayo,Dagaal Ka Dhacay Magaalada Jilib Iyo Jawaab Kulul Oo Laga Bixiyey Hadaladii Uu Sheegay Taliyaha Guutada 3aad Col.I.Kh.Shire Apr 23,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Ciidamadii ka tirsanaa guutooyinka 3aad iyo 1aad oo ku sugnaa magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ayaa la geeyey meel magaalada u jirto 20KM, kadib markii uu iska horimaad culus uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Gacan ku haynta magaalada ayaa waxaa hadda haya maleeshiyo beeleed ayagu dagaalku dhexmaray ciidamada ka socday dhanka dowladda federaalka oo ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda maleeshiyo beeleedka inay gebi ahaan ka saareen magaalada Kismaayo ciidamadii dowladda. Caawa ayaa waxaa magaalada Kismaayo aad loogu dhex arkayaa gaadiidka dagaalka oo u faro badan iyo maleeshiyooyin raxanraxan u jooga wadooyinka iyo kontroolada laga soo galo magaalada iyo weliba dekadda iyo gegida diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyada oo gebi ahaan ay ka huleeyeen ciidamadii guutooyinka 1aad iyo 3aad ee dowladda federaalka. Mid ka mid ah madaxda maleeshiyada la wareegtay gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyey in saraakiil ka tirsan guutada 3aad iyo 1aad ay ka dambeeyeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay dagaalo gardarro ay ku soo qaadeen hoteelada Tawakal iyo Cascaseey iyo degaano kale oo ganacsi oo ay lahaayeen beesha ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaasi. Sarkaalkaan oo naga codsaday inaanu shaacino magaciisa oo aan wax ka weydiinay hadaladii uu sheegay taliyaha guutada 3aad Col.Ismaaciil Khaliif Shire ka hor inta uusan ka bixin magaalada Kismaayo ayaa si kulul u wareeray madaxda sarsare ee gutooyinka 1aad iyo 3aad oo ku tilmaamay inay ayagu ka dambeeyeen dagaaladii lagu soo qaaday, ayna marnaba aqlabeen inay ciidamadaasi ay dib ugu soo noqdaan magaalada Kismaayo. "Col.Ismaaciil Khaliif Shire Iyo Col.Afgaduud iyo ciidamo Kab---- ah ayaa na soo weeraray,waana iska caabinay, haatanna magaaladii waa ka saarnay" ayuu yiri sarkaalkani oo ka mid ah hogaamiyaasha maleeshiyo beeleedka ku sugan magaalada Kismaayo. Ciidamada Booliska ee ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu amray oo ku jiraan goobahooda oo ay faraha kale baxaan dagaalada ka dhex socda labada dhinac. Waanwaantii ay soo qaban qaabiyeen waxgarad iyo nabadoono labada dhinac ah ayaa la sheegay inay weli kula wadoxaajood madaxda maleeshiyo beeleedka la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo. Dhanka kale, iska horimaad ayaa la sheegay inuu ku dhex maray galabta maqribkii ciidamado ka tirsanaa guutada 3aad oo fadhigoodu ahaa magaalada Jilib iyo ciidamo kale oo ka soo baxay magaalada Kismaayo oo soo gaaray degaankaasi. Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in labo askari oo labada dhinac ah ay dhowaacyo ka soo gaareen dagaalkaasi oo la sheegay inuu si goos goos ahi ugu socdo degaankaasi. GEDO-NN- NEWS DESK-Kismaayo
  9. ^^The pain, its what makes it a dear experience. An attachment that lasts a lifetime.
  10. Originally posted by -Serenity-: Yes, I've always been fascinated by the idea of watching something the size of a watermelon come out/tear through somewhere the size of two of my fingers at the most In short, a miracle.
  11. Lol, good question. Waxay u badan tahay in uu noolyahay oo uu wacdaraha asaga iyo baastoolada kala qabsadey ka sheekeeynayo . 'Markaan dhafoorka iska saareey! Ee aan halkaa maskaxda bu'laheeda isaga biimeeyey...keedana murugsatada ku camcamiyey...ayey maartii rasaasta fow soo tiri'..
  12. ^^Lol Abwaan Dhubad I believe you. Runtii Waagacusub's Pistola Scenario made my day. I just can't stop laughing. Thanks Dhubad, for bringing it to my attention. Its classic. They should give us more gems like this.
  13. ^loool. Walaahi I must give it to them though. Waagacusub is good, really good. A man shooting himself five times in the head! That is satire right there! When a website can produce such 'classic facts' you know its special!
  14. According to Waagacusub Af-Guduud has surrendered to Ugaas Sharmarke. Waagacusub also mentions 23 bodies being dragged in Kismaayo streets. Its kinda commical. 'Dumar badan ayaa kala wareegey hubka ciidamada' reer Garowe . I mean, c'mon waagacusub! Read at your own discretion.
  15. Daggaallo qaraar oo ka dhacay Kismaayo - Yaa gacanta ku haya magaalada? Faahfaahin Posted to the Web Apr 23, 06:36 Aayaha.com, Isniin, 23 April 2007 - dagaallo culus oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 14 qof iyo dhaawaca intaa ka badan. Maleeshiyooyin ay isku hayb yihiin labada dagaal ooge Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Barre Hiiraale ayaa la sheegay in ay ku dagaalameen magaalada. Wararka ka imaanaya magaalada ayaa ku waramaya in ay magaalada laga saaray maleeshiyadii ku haybta ahayd Cabdullaahi Yuusuf, haatanna ay magaalada gacanta ugu jirto maleeshiyada ku haybta ah Barre Hiiraale. Dagaalka maanta dhacay ayaa ku bilowday gaari shalay laga dhacay nin ku hayb ah Barre Hiiraale, kadibna maleeshiyo hiil u ah ninka gaariga laga dhacay ayaa isku dayday in ay gaari ka dhacaan Cabdirasaaq Afguduud oo horjooge u ah maleeshiyada Cabdullaahi Yuusuf. Taasi waxey keentay in laba kamid ah maliishiyada ku haybta ah Cabdullaahi halkaa lagu dilo. Iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa xalay lakala seexday, balse markii saakay lasoo toosay uu dagaalku noqday mid faraha ka baxay. Maliishiyooyin isku sheegi jiray ciidamada kooxda Mbagathi ayaa u kala jabay qaab qabiil, waxeyna lakala safteen labada maleeshiyo ee dagaalameysay. Maleeshiyada ku haybta ah Cabdullaahi Yuusuf ee uu hoggaaminayay Cabdirasaaq Afguduud ayaa la sheegay in ay ka baxeen magaalada, isla markaana ay haatan magaalada gacanta ugu jirto maleeshiyada ku haybta ah Barre Hiiraale. Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalladan kala soco Aayaha.com Aayaha.com
  16. ^^Yup. Expect more. You don't mind if I used your 'wanted' image, would you? Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Xaaladda Oo Iminka Deggan Apr 23,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo subaxnimadii Isniinta. Waxaa uu dagaalkani ka dhex qarxay xogaga Guutada 1aad iyo Guutada 3aad ee ciidamada DFKG oo iyagu halkaas ku sugnaa tan iyo intii laga saaray Midowgii Maxkamadaha. Khasaaraha dagaalkan ayaa sida lagu soo waramayo gaystay dhimaysho 11 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalku dhex maray, ilaa hada lama hayo tirada dhanka shibilkaa ee wax ku gaareen. Col. Geele Farax Shakad oo ka mid ah Saraakiisha Guutada 3aad ayaa Gedonet u sheegay in dagaalku iminka qaboobay ayna ka awood roonaadeen ciidamadii kale oo ayagu weerarka soo qaaday waa sida uu hadalka u yiriye. Col. Gelle ayaa intaas ku daray inuu magaalda ka baxay gudoomiyihii gobolka uuna u ambo baxay dhanka tuulada Buulo-xaaji. Wariye ka tirsan Idaacada magaalda Kismaayo ayaa xaqiijiyay inuu dagaalkii iminka qaboobay, asagoo intaas raaciyay inuu dagaalku bilowdo subaxnimadii hore uuna ka bilowday goobaha muhiimkaa ee magaalada sida: Aargada, Holet Tawakal, iyo Hotel Maridian (Cas-casley)iyo Suuqa magaalad, wuxuuse sheegay in wali shanqarta rasaasta laga maqlayo dhanka xerada FIAT ee duleedka magaalda. Ma-jiraan wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay dhanka DFKG oo ku saabsan dagaaladan ka dhacay magaalada Kismaayo. Magaalda Kismaayo in mudaaba waxaa ka jiray muran ku saabsan dhanka maamulka, waxaana jirtay mucaarada xoogan oo ku aadan maamulkii uu magacaabay Madaxweyne DFKG Cabdulahi Yusuf. Isku dhacaan hubaysan ayaa ku soo aaday xili uu dagaal ka socdo magaalad Muqdisho, balse waxaa la cadaynayaa inaysan labada dagaal wax xiriir ah lahayn sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan magaalada. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  17. Maleeshiyo beeleedyo la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo Kismaayo 23, April.07 ( Sh.M.Network) Maleeshiyo beeledyo hubeysan oo iska dhigay dharkii ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo, ka dib dagaalo qaraar oo magaalada Kismaayo looga saaray ciidamada guutada koowaad ee dowladda KMG ah ee SOmalia. 1n ka badan 16 ruux ayaa ku nafweysay dagaalo qaraar oo saakay 9:00 Subaxnimo ka bilowday magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamada dowladda oo u kala jabay labo beelood uu goor dhaweyd istaagay ka dib markii magaalada Kismaayo ay la wareegeen maleeshiyo beeleed ku heyb ah wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale, halka ciidamadii guutada koowaad oo uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo ku heyb ah Madaxweyna C/laahi Yuusuf laga soo saaray magaalada Kismaayo sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, Max'ed Axmed Caaqil Yare. In ka badan 10 meydad ciidamada Guutada koowad ah ayaa lagu arkay saldhigga magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn halkii ay cirib iyo jaandhigeyn ciidamadii uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo loo maleynayo in ay u soo baxsadeen dhanka wadada soo aada magaalada Muqdisho. Xoogagga la wareegay magaalada Kismaayo ayaa iska siibay dhamaan tuutihii ciidamada dowladda, iyadoo wadooyinka magaalada Kismaayo lagu arkayay maleeshiyooyin aad u hubeysan oo la wareegay dhamaan Ctrl ka magaalada. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe. Click here to find this article in English Max'ed Axmed Shabelle Media Network J/hoose E-mail us: info@shabelle.net
  18. Maleeshiyo beeleedyo la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo Click here to find this article in English Kismaayo 23, April.07 ( Sh.M.Network) Maleeshiyo beeledyo hubeysan oo iska dhigay dharkii ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo, ka dib dagaalo qaraar oo magaalada Kismaayo looga saaray ciidamada guutada koowaad ee dowladda KMG ah ee SOmalia. 1n ka badan 16 ruux ayaa ku nafweysay dagaalo qaraar oo saakay 9:00 Subaxnimo ka bilowday magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamada dowladda oo u kala jabay labo beelood uu goor dhaweyd istaagay ka dib markii magaalada Kismaayo ay la wareegeen maleeshiyo beeleed ku heyb ah wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale, halka ciidamadii guutada koowaad oo uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo ku heyb ah Madaxweyna C/laahi Yuusuf laga soo saaray magaalada Kismaayo sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, Max'ed Axmed Caaqil Yare. In ka badan 10 meydad ciidamada Guutada koowad ah ayaa lagu arkay saldhigga magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn halkii ay cirib iyo jaandhigeyn ciidamadii uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo loo maleynayo in ay u soo baxsadeen dhanka wadada soo aada magaalada Muqdisho. Xoogagga la wareegay magaalada Kismaayo ayaa iska siibay dhamaan tuutihii ciidamada dowladda, iyadoo wadooyinka magaalada Kismaayo lagu arkayay maleeshiyooyin aad u hubeysan oo la wareegay dhamaan Ctrl ka magaalada. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe. Click here to find this article in English Max'ed Axmed Shabelle Media Network J/hoose E-mail us: info@shabelle.net
  19. ^^The problem with your search for cheap point scoring is that it unnecessarilly becomes a pedantic exercise. Read below: ----- Dagaal ka dhacay Kismaayo xarunta Gobalka Jubada Hoose Posted to the Web Apr 23, 11:33 Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in iska horimaad aad u culus uu saaka ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Dagaalkan ayaa wararku sheegayaa in ay sababtiisu tahay dilal iyo gaadiid xaley iyo saaka lagu kala dhacay magaalada Kismaayo,dagaalka ayaa waxaa ku lug leh ciidanka Df iyo Maleeshiyo hubaysan . Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa Xaafada Calanley,Dekada, iyo wadada aada Madaxtooyada dagaalka ayaa haatan wili socda waxaana ku dhintay ilaa hada 2 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 3 kale . Waxaa dhamaan la xiray goobaha ganacsiga waxaana istaagay gaadiidka magaalada kismaayo. Waxaa jira Odayaal iskood isku xilqaamay oo wada waan waan iyo in xabada la joojiyo balse lama garanayo sida ay ugu guulaysan doonaan. Cabdi yare Kismaayo
  20. ^^Lol. We will know the truth later on. It may as well be true that it didn't happen in Calanleey but we have to hear it from a credible mouth to believe it. Till then isdeji baan ku iri adeer. Wiilasha xiniin amxaaro Kismaayo maanta ku haysta in si sahal ah loo dhufaano ayaaba suurta gashee! .
  21. ^It is dhulbalaarsi sxb., with the backing of Ethiopian might.
  22. This is a split between the TFG forces. And its really funny how already Puntland websites have started equating C/Yey's clan men as ciidamada dowladda while they dub the other clan men 'maleeshiyaad hubeysan' or armed militia. I stand corrected...because dagaalka calanleey ayuu ka dhacay...which points to something else.
  23. I don't know what to say Castro, I really don't. I can't even discribe how I feel anymore.