Nabad_dadaye

Nomads
  • Content Count

    318
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Nabad_dadaye


  1. waxaan maqlay sheeko kale xamar ka dhacday oo ka tarjumeysa sida dadka cabsi badan uga qaadeen dagaalada dhacaaya

    sheekadana waa tan :

    kuwa ayaa taksi ijaartay si eey maalintaas ugu howl gutaan tagsiga qalab badan ayeey saarteen , (waxyaalaha qarxa) mudo markey wareegayeen oo eysan helin meel qarxin ku haboon oo dhib weyn gaarsinaya dadka kasoo horjeeda ayeey taxi istaajiyen ,darawalkii ayeey ku dheheen runtii waad ayaan daran tahay maanta janada ayaan kuwada baashaalileheen lakin biti(nasiib) malihid , taxsiilihii intuu yaabay oo uu is yiri maanta dhan waxad u wareegeysay ma qaraxaas ayaa ku sugaay , ayuu yiri waad mahadsantihiina lacagteyda isiiya ,gaarigiina subixii ku xigay beec ayuu geeyay .

    waa sheeko dadka wada gaartay lakin xaqiiqdeeda alla og


  2. walaalka maqaalka in baan ka aqriyay wuu fiican yahay laakin aadbuu udheer yahay oo lamaba wada aqrin karee ,hab gaaban inaad ka soo dhogto ayeey aheyd ,lakin waad ku mahadsan tahay dadaalkaada


  3. walaahi waa erayo adag physics ama biology dugsiga sare soomali lagu dhigi jiray markaad aqri maagto waxaad isleedahay tollow ma af soomaaligaad eber ka tahay

    runtii luqadeena iney hodon tahay waxad garaneysaa markaad aqriso buugaagtii iskuulada soomali lagu dhigi jiray xiligaan dowlada aheyn

    codsi: qofkii heli karo buugaagtaas ama ku og meel laga heli karo link geeda hasoo qoro ,waa muhiim inaan taariikhdeena iyo afkeena wax ka barano

    ereyada dhinac kale ee social ama economic ama religion xitaa qofkii haya hasoo bandhigo


  4. xusni mubaarak iyo cidiisa oo diyaarad saaran xilli mudaaharaadka uu socday ayu madaxweynaha wuxuu yiri hadaan 100 pound tuuro waxaa laga yaabaa in cid masar ah oo faqri ilaah ku anfaco ,xaaskiisa ayaa tiri war 2 konton ka dhig si 2 cid u anfacdo ,wiilkiisa ayaa yiri bal afar u qeybi (25) si afar cid u anfacdo , pilot kii ayaa intuu gadaal soo fiiriyay yiri war madaxweyne adiga qudhaada is tuur si 80 million oo masaar ah eey u nastaas