Aaliyyah

Nomads
  • Content Count

    10,561
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Aaliyyah

  1. iska dhaaf haku warwareegaan internet states iyo qurbajoog oo ay aflagaado joogta ah ka dhigteen..Yaga way halmaameen miyaa in ay jiddah iyo london ka bilabeen sheekadooda.. Tan labaad reer buuhodle oo dhulkooda as we speak sooljoogto lo fadhiyo oo lugu haysto dhulkooda ma internet bay ku jiraan mise qurba bay jogaan?? mise waa la is indha tirayaa cajiib. Khaatumo iyo Awdal maamul ayeey sameesteen, maamulkoodana yaga uun bu sugaya. Kuwa u dhashay hargaisa ama burco ama berbera hadey cid aflagadeeyaan maa kolay aflagaado meel ku tagi. taasi waa maya..intiina u taliya yaa idin dhaha oo kibirka joojiya...nin so joog laga waaya so jiifso laga helaa ayeey somaali ku maahmaahda.
  2. lol that is weird. Swedish convert huh!..well he is right. Heesaha somalidu waa ka khafiisanyihiin kuwa kale. Laakin cida u sheegtay ba suaal ah ..he is probably married to a somali lady. Or spends a great deal of time with somalis.
  3. ^ lool wadadkaas ma somali music buu rabay in uu isku xalaleeyo waa sheeko taasi. Music is music..But I understand in terms of the lyrics, somali songs are mostly clean..qashin iyo saqajanimo wey ku yartahay.
  4. ^ LOL Oba. I failed at that attempt ..Somali songs are addictive
  5. runta u sheeg naftaada hairaadsan waad igu riyootay ha iraadsan ..lovely song that young guy has a beautiful voice.
  6. Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 52 guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada woqooyi ee dalkau diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in sanad guuradani ay ku soo aadday xilli ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda FKMG ah. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliland in ay ka soo dhalaalaan dowrkii ay waligood ku lahaayeen midnimada iyo isu keenidda shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed in aan ugu hambalyeeyo munaasabadda 26-ka Jun 1960kii. oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi eey ka xoreebeen gummeysiga. Runtii waxayna ku soo aadday waqti ay bilowdeen wada hadallo u dhaxeeya woqooyi iyo koofur” Ayuu yiri. Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay niyad wanaag iyo xilkasnimada ay muujiyeen maamulka iyo Shacabka Soomaaliland, isagoo tilmaamay in ay Soomaalidu sinna u kala tagi Karin hase yeeshee loo baahan yahay in la xalliyo haddii wax la kala tabto. “Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena Soomaaliland, niyad wanaagga iyo xilkasnimada ay muujiyeen, annaguna waxaan muujineynaa dhinaceena inaan diyaar nahay. Soomaalina melena kalama tagi karto laakin haddii wax lakala tabto in la xalliyo waa lagama maarmaan” ayuu yiri madaxweyne Shariif. 26-kii Jun ee 1960 ayay gobollada Woqooyi ee dalka ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska, biriina waxaa bilaabanaya toddobaadka xornimada Soomaaliya, oo ay ku jiraan munaasabado badan, sida maalinta xornimada Jabuuti oo ah 27 Jun iyo maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo kala ah, 26ka Jun iyo 1 Julay. http://radiomuqdisho.net/madaxweyne-shariif-oo-u-hambalyeeyay-shacabka-kana-hadlay-arrinta-soomaaliland/
  7. ^ lool@ search myself a chef..labo kaso dhig. Mid ani igu so talagal.
  8. Like Blessed I like to add all kinda of xawaash to my tea and food. But, in particular cinnamon. I can't have a tea without cinnamon. salaam
  9. ^ good stuff. Thank you. p.s althou the person is using way too much oil/butter - I am not sure if that is healthy.
  10. Alpha Blondy;844692 wrote: ceel-buur. i hope to go there one day. ceel buur ku yaaley caynkiisa leedahay...my favourite song lol..so how beautiful is ceelbuur?
  11. I have heard so much about kismaayo, I would wanna go there one day...
  12. i agree with you that those who hate somalis, muslims, or generally recent immigrants would definitely take advantage of this incident to bring out their hate.. but your question abt "somali maxa qoseeya waxa eaton ka dhacay"..wiilka la dilay soomaali buu aha waxaana lugu dilay waxay aheed gang related issue.wixi alberta ka dhacayna ee 30 wiil lugu dilayna waxaaas oo kale buu aha. So, it definitely concerns somalis. I know gang related is not only somali issue, but somalis are involved in many of the gang issues lately that is... p.s ilaahay baa mahad leh in yarka kii dilay soomaali aheen - inbadan ayaan taa ka cabsanayey.
  13. ^ I wouldn't generalize and say somalis in canada are the worse. But, yes I do agree many of the somali youth in here are messed up. Generally, I believe those type of people deserve what they got. However, when you see many of them ending up making the same choices in life. Then you have to pause and think? was it their choice? or their environment? Many of them grew up in ghetto areas, with parents who are not that involved or at least who are working to meet the day's end and hence leaving the kids on their own for many hours and what not..Bottom line, the somalis need to figure out where they going wrong with their kids and try to find a solution to tackle this non-ending trend of lately young people being involved in drugs or getting killed.. p.s lol@ it is in the middle of the ocean..again i hardly feel sorry for those type of people, but like i said above these youth are somewhat brainless and are overpowered by where they found themselves " the ghetto"...
  14. Caano_Geel;844536 wrote: Dadkan cuqdad baa dilaysa, waxay ka xun yihiin horumarka Somaliland, iyon sida dadkeedu u tashadeen. Cuqdad hadii cid qabto waa beshaada. Maxa laascaanod iyo buuhodle ka yaala??? marna intaad tageertaan xaqdarada beshiinu wadaaan, marna ha iska dhigina in meel la idinka dhacay..horumar hadaad leedahay aduu isku koob. Beelaha kale dhulkooda haku soo xad gudbina oo khasab ha isku dayina in aad ku qabsataan. Waxa khasab la dhoho aduunka ma shaqeenayo, beel walbana dad baa u dhashay oo u halgamaya. Ilaahay somaali dhul buu kala siiyey, beel walba dhulkeeda wey taqaana xaq uma leh beelkale in ay ku qabsadaan. Siibaa beel rabta in ay somaalida kale ka go'do oo ku doodasa xaq baan u leeyahay in aan go'o? oo hadaad xaq u leedahay in aad go'did? belaha kaleba soo xaq uma laha in ay tashadaan. Dadka somaliland waxa tidhi way tashadeen? haday tashadeen ha u tashadaan beshooda iyo mustaqbalkooda. Ma beela kale bay u tashadeen? cajiib!
  15. Hargysa,(Qaran news)-Sidaynu la wada socono markii uu dhamaadey kulankii labada cisho ahaa ee aqalka Chevening House (London) ku dhexmaray ergooyinkii kala metelaayey Somaliya iyo Somaliland oo labada dhinacba sheegeen in kulankoodu hordhac ama gogoldhig u yahay kulan Sheikh Shariif iyo Siilaanyo yeelan doonaan mustaqbalka ayaa laga soo saaray war murtiyeed nuxurkiisu ku saabsanaa la dagaalka budhcad badeeda iyo argagagxisisada iyo iskaashi ka hortaga fadhateysiga iyo kaluumaysiga tuugada ah iyo qodobo kale. Sida xogaha aanu helaynaa tibaxayaan qolo waliba waxay badka soo dhigtay qodobaday aad u danaynayso in ajeendaha wadahadalada lagu daro balse ergada somaliland waxay ka gaabisay inay ajeendaha wadahadalada ku daraan ama dhex dhigaan qadiyada madaxbanaanida somaliland oo aan ahayn mawduuc lala gabado haddii wadahadaladu u hakanayaan iyo haddii kaleba waayo xikmad baa tidhaahdaa "waxaan la hurayn horaa loo yeelaa" waa mawduuc markasta taagan in miiska la soo dhigo oo doodiisu bilaabmato,wuxuu mawduucani mihiim u yahay shacabka Somaliland iyo Caalamkaaba si loo muujiyo in gooni isutaaga aynu raadinaynaa inaga go'an yahay laakiin haddii budhcad badeed iyo wax la halmaala lagu meeraysto weli runi dhiman!. Haddaba markii aanu helay natiijada kulankii ka dhacay Chevening House iyo qodobada ku xusan war murtiyeedka ka soo baxay oo ay ugu mudan yihiin la dagaalanka budhcadbadeeda iyo Al-shabaab oo aan ahayn wax inagu cusub ayaanu wax ka weydiinay qaar ka mid ah siyaasiyiinta aad ula socotey qadiyadan si aanu wax uga ogaano dareenooda iyo halkay ka taagan yihiin arintan'. Ugu horeyna waxaanu khadka telefoonka ku helay ama kula xidhiidhnay wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha guud Saciid Sulub Maxamed oo markaa ku sugnaa magaalada Burco waxaanaan weydiinay dareenkiisa iyo siduu u arko nuxurka war murtiyeedka ka soo baxay shirka Chevenig House (London) waxaanu Saciid Sulub sarbeebay in ka Siciid ahaan shirka waxaa ka soo baxay iyo wax ka hooseeyaba ka eegaayey balse umada reer Somaliland ka rajeynayeen shirka waxa halkaa ka soo baxay natiijo ka duwan. Wuxuu Saciid Sulub xusay in madaxweyne Siilaanyo shirkii hore ee London markuu halkan ka dhoofaayey golayaasha kalsooni ku weydiistay inuu qadiyada madaxbanaanida Somaliland hordhigaayo 50 dawladood taasna meeluu ku weydiistay maynu maqal, waa kuwii shirkii istanbuul xubnihii xukumada uga qeyb gelaayey sheegeen in qadiyada madax banaanideena ay madasha kaga doodi doonaan laakiin sanqadhoodii lama maqal meelay ka hadleen, sidoo kale shirkan Chevening House-na ergadii Somaliland metelaysay intaaney dhoofin waxay inoo sheegeen inay qoladan walalaheena ee Somaliya ay hordhigayaan qadiyada gooni isutageena balse tiina ma hayno oo qodob kale ayaa ka muuqda war-murtiyeedka markaas waxaan filaayaa wixii umadu ka rajaynaysay inaaney halkaas ka soo bixin oo aan ajeendaha shirkaba lagu darin qadiyada madax banaanida somaliland.Siciid wuxuu intaas ku daray inuu danisan yahay inaanay qorshaba ugu jirin inay qadiyadeena miiska dhigaane arimo ka hooseeya ku warwareegayeen. Su'aal kale oo aanu weydiinay Siciid Sulub ayaa ahayd labada ergoba kuwo Somaliland iyo kuwa Somaliyaba shirkaas inay dhinacooda guul kala hoydeen ayey sheegeen markaa waa maxay guulaha dhinacyada u kala hoyday ee kuu muuqday ka Saciid ahaan? wuxuuna ku jawaabey "qolada Somalidaa guulaystay oo waxay taagan yihiin in Somaliland weli Somaliweyn ka mid tahay maadaba aan qadiyadii madaxbanaanida Somaliland miiska la dhigin, oo doodii Somaliland ee awel jiri jirtay suushay,arintii horena waxba iska bedelin ee sidii uun tahay,wa ta labaade waxaa war murtiyeedka ku jiray in xagga safarada iyo ganacsiga laysu fudueeyo oo lays dhexmaro,in wefuuda laba dhinac is dhexmaraan karaan oo la isdhexqaado oo Hargeysa iyo Xamarba isaga dabaqaadi karaan,in la dagaalanka budhcad badeeda la iska kaashado, in ilaalinta baddaha la iska kaashaado, waxayaabahaas oo dhamina waxay u sahlayaan Somaliya inay Somaliland mar labaad dusha ka maamusho, oo si fufud laysagu milmo somaliya, oo madax banaani dii iyo gooni isutagii aynu 22-ka sanadood soo wadnay halkaas ku hagaaso,oo qadiyadeenu halkaas ku saqiirto waana taas ta xukumada Siilaanyo siyaadaseedu ka tarjumaysaa ama u heelan tahay, mana aha mid shacabku ka qabalaayo. Isku soo wada duuboo siyaasiyiin badan oo aanu wax ka weydiinay qodobadaas war murtiyeedka ku xusnaa iyo natiijada kulankaas ka soo baxday ayaa ka dayriyey qaabka xukumada Siilaanyo uga qeyb gasho shirarka iyadoo badiyaaba la tagta ajeendayaal ka duwan kuwii ay umada ama shacabka u sheegtay balse waxa taas u sabab mucaarad la xisaabtama oo aan dalkaba ka jirin.Dhinaca kale waxaa halkaas kaga luntay ergadii somaliland metelaysay ama ay ilduufeen fursad mihiima oo ahayd inay miiska wadahadalka marka horeba soo dhigaan qadiyada madax banaanida somaliland oo markastaba sugaysa.
  16. I was actually gonna say adeer at first lol..I was thinking the girl is your "ina adeer" hence you should call the kids adeer. But, then I read the comments and they are right you are related to the girl not the father of the kids so I guess that makes you their abti ..Have fun with your family.
  17. This article was taken exactly as it is from the globe and mail.
  18. http://www.lasanod.com/details.php?num=7652
  19. Wasiir Xirsi oo maanta Shir beeleed ku qabtay bariga London Written by Qaran news Jun 22, 2012 at 08:01 PM London,(Qaran news)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa waftigii reer Somaliland ee wada hadalada doraad u yimid magaalada London, wada hadaladaasi oo socday laba maalmood oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya, ayaa maanta shir balaadhan oo gaar ah la qaatay beesha uu ka soo jeedo. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno aad u tiro badani oo la soo xulay si loo maamulo jawiga iyo si aanay saxaafadu u n hadalada wasiirka ayaa waxa noo suurto gashay in aanu kulankaasi wasiir Xirsi uu beeshiisa la qaatay aanu wax ka ogaano, taasi oo xubno joogay joogay kulankaasi ay xaqiijiyeen in wasiir Xirsi uu halkaasi maanta ka soo jeediyay khudbad beelaysan, taasi oo uu ku booriyay in ay beeshu hareeraheeda eegto, iyo sida beelaha kale ay u shirayaan iyo habcsanaanta ka muuqata beeshiisa, oo uu sheegay in beesha uu ka soo jeedaa ay tahay ta mucaaridada ugu badan ku haysa dawlada, waxana uu ku dheeraaday ooo carabka ku adkeeyay sidii beesha la isugu keenin lahaa ee mowqif midaysan loo yeelan lahaa waxii tashuush ah ama tabasho ahana uu diyaar ula yahay in uu xaliyio, waxana uu sheegay in uu cid kasta oo ka soo hor jeeda uu diyaar u yahay in uu dhagysto. Kulankani oo ka dhacay Community oo la yidhaa Adeega East Africa Community oo ku yaala bariga magaalada London- Communitygaasi oo uu leeyahay Xasan Cismaan oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK.. Waxa halkaasi maanta wasiir Xirsi lagu waydiiyay su'aalo nadan oo uu ka jawaabi kari waayay qaarkood iyada oo aan loo tudhin, taasi oo aakhirkii wasiirka laga kala dareeray laguna qoslay, kulankani waxa uu wasiirka ku riday waji gabax iyo khajilaad iyada oo uu waayay halkii uu xiliyada qaarkood xadhiga uga garaacijiray. Wasiir Xirsi ayaa bari loo balamiyay in uu la kulmo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London lamana oga si loogu iman doono
  20. Lasanod Online. Friday, June 22, 2012 Buhoodle,(lasanod Online)- Banaanbax ballaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Cayn, ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubada cagta ee magaalada Buuhoodle. Banaanbaxan ayaa waxaa si weyn loogu taageeyay midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed. Ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Gobolka Cayn ee maamulka khaatumo State of soomaaliya Maxamuud Shiikh Cumar xasan. Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka cayn C/raxmaan Maxamed Axmed oo oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wada jirka umada soomaliyeed. Ugu danbayntii waxaa iyana halkaaasi gabayo kusoo badhigay qaar ka mid ah abwaanada gobolka Cayn.   isku soo wada duub oo mahaa markii ugu horaysay oo shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ay dhigaan banaanbaxyo lagu taageerayo midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed. Daawo Video Axmed Maxamed Nadiif Lasanod Online,Buuhoodle. Soomaaliya Copyright © 2012 Lasanod.com