Sign in to follow this  
Shiish

Dumarka waa inay noqdaan sidaan

Recommended Posts

Shiish   

Gabaygan waxaan kasoo xaday nin la yiraahdo Maxamuud Axmed Cabdalle..Anigoo meel ka akhrinaya baan aad uga helay.

 

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane

 

Waa inaanay dakeynayn middaad guur u dayataaye

 

Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye

 

Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

 

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye

 

Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne

 

Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe

 

Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

 

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane

 

Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine

 

Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

 

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye

 

Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone

 

Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

 

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye

 

Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye

 

Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

 

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye

 

Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye

 

Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

 

Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

 

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye

 

Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe?BR>

Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye

 

Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye!

 

___________________________

 

i jiid ama aan ku jiido

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hariir   

Waaw! Shiish, That is a moving Poem sxb.

Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye

Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye

Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

It appears that it would be hard for a man to approach such kind of woman in an easy way due to the defferent situations that we have been facing recently as we are turning into Westernized ppl though. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haaruun   

Waryaa Nuune..maxaad ka wadaa sidaas, dumarka hadda jooga qaar badan oo noocaas ah waa laga helayaa....inkastoo ay buuxaan kuwo aan u dhaweynina...

Sxb ha ii caroon, just want to gain some luv from our sisters here...LOL

Kaftan ha iga ahaato

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lefty   

That's really good poem sxb..

 

Is this poem emphasizing "RAALIYA" or what...

 

TRUE..it maybe possible to see someone who can fit all these notable lines but that chance is rare. I would say 1 out of 100. Besides everyone can't be such a perfect.

 

Everyone is good at something at the same time bad at other things and that's human nature.

 

Anyway, I like this line!

 

"Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye"

 

But I think You gotta be so energetic and full of stamina to handle this type of women.

 

____________________

 

The Closer, The Warmer and the Better

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lefty,as u said this all about Raaliya,and xilligan aan kujirno,you can't find Raaliya.

 

haaruun,dhib majiro waxaan dhahay bas dumarka badankood ma wattaan noocyadaas lasheegay,inyar aa jirta oo tilmaamahaas wato,intaasna sidii lagu helo way adagtahay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this