Deeq A.

Guutadii Gacan-libaax ee militariga Somaliland oo ku soo biirtay Daraawiishta Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe), abbaanduulaha ciidanka Daraawiishta,Gen.Siciid Maxamed Salaad(Goroya-cawl),guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) iyo saraakiil kale ayaa maanta degaanka Hadh-wanaag ee gobolka Sool ku soo dhoweeyay 110 asker oo ka soo goostay taliska guud ee militariga Somaliland.

Ciidankan ayaa ka tirsanaa guutadii”Gacan-libaax) ee militariga Somaliland oo maalmo ka hor ka baxay taliska guud ee ciidamada maamulkaasi,kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay,waxaana hoggaaminayey,Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax). Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa goobta lagu soo dhoweeyay ka sheegay in Somaliland ay madaxiisa ku joogtay gobolka Sool,haatanna uu xabbad kaga saarayo.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo isna ka hadlay soo dhoweynta ciidanka soo goostay,ayaa si weyn u bogaadiyay Dhamme. Gacan-libaax oo uu ku tilmaamay halyey u dhigma hal guuto oo ka tirsan militariga Somaliland,islamarkaana mudnaan gaar ah u leh halganka lagu xoreynayo gobolka Sool.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) oo dhankiisa hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin ku salaamay ciidankan ku soo biiray Daraawiishta dowladda Puntland,isagoo uga mahadceliyay garashadooda ku aaddan in ay dadkooda dib ula midoobaan.

Dhinaca kale wararka ka imaanayaa gobolka Sool ayaa sheegaya in guuto kale oo ka tirsan militariga Somaliland ee gobolka Sool ay si cad ugu amar-diideen taliyaha guud ee ciidamada Somaliland,Gen.Nuux Ismaaciil Taani oo ku amray in ay u soo guuraan dhinaca Tukaraq,si loo mideeyo awoodda militariga Somaliland ee gobolkaasi oo haatan xaalad dagaal ay ka jirto.

Guutada kale ee ku amar-diidday taliyaha ciidamada Somaliland ayaa fadhigoodu yahay buuraha dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Laascaanood,waana cududda labaad ee Somaliland gobolkaasi ku leedahay marka laga reebo guutadii Gacan-libaax ee maalmo ka hor ka baxay taliskaasi.

Halkaan ka daawo Warbixinta PuntlandTV ka diyaariyay.

PUNTLAND POST

The post Guutadii Gacan-libaax ee militariga Somaliland oo ku soo biirtay Daraawiishta Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Oodweyne, is that a new Building for the Defense Ministry? I haven't see this picture before. 

xarunta-taliska-ciidanka-qaranka-somaliland.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.