Dahireeto

UAE Ship at Mogadishu

Recommended Posts

Mugadishu-Port-1024x446.jpg

MUQDISHO – Waxaa la sheegayaa in dekada weyn ee magaalada Muqdisho uu kusoo xirtay Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta,taasoo la doonayo in lagu raro alaab ay leedahay Imaaraadka oo maalmihii u dambeeyay laga soo daabulayay xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in alaabo waaweyn oo ay ku jiraan kunteenaro lagu rari doono kuwaasoo kamid ahaa agabyo ay Imaaraadka Carabta kala baxayaan magaalada Muqdisho.

Madaxda Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maamulka dekada ay u gudbiyeen warqad ogolaansho ah oo laga soo siiyay Wasaaradda amniga,taasi oo loogu fasaxay inay rartaan alaabtooda.

Waxaa la arkayay labadii maalmood ee u dambeysay gaadiidka xambaara kunteenaro oo agabyo ka raraya xerada Tababarka ee Jeneraal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sida la sheegay waxaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho la isugu geeyay agabyadii yaalay xerada tababarka ee Gordon iyo alaabihii yaalay xarumaha caafimaadka.

Agabkan ayaa lagu wadaa in laga raro dekada weyn ee magaalada Muqdisho,halkaasoo uu taagan yahay Markabku.

Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay xiriirkoodu ahaa mid sii-xumaanayay ,taasoo keentay in Imaaraadka Carabta uu joojiyo taageeradii uu siin jiray Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.