Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sayid-Somali's Team ( Qardho) lost

Recommended Posts

Galgaduud oo ka guuleysatay Karkaar (Tartanka Ramadaanka)

 

Tartan Aqooneedka Gobalada Soomaaliya oo caawa markale idaacada Horseed Media, u qabatay gobalada Soomaliya, ayay ku tartameen gobalada Galgaduud iyo Karkaar.

 

Labada kooxood ee Dhusamareeb iyo Qardho ayaa kawada mid ah kooxda Group B, wuxuuna tartankan ahaa kii afaraad ayadoo ay horey u dhaceen tartanka dhexmaray gobalada kala ah:

 

1- Banadir vs Mudug (Group A)

 

2- Baay vs Nugaal. (Group B)

 

3- Hiiraan vs Jubbada Hoose (Group A)

 

Hadaba labada koox ayaa si weyn u dadaalay ayadoo ay Natiijooyinka ay noqotay.

 

Gobalka Galgaduud (Dhuusamareeb)

 

Su’aalaha la weydiiyey: 10 su’aalood

 

Su’aalaha ay ka jawaabeen: 6 su’aalood

 

Su’aalaha ay garanwaayeen: 4 su’aalood

 

Su’aalaha ay ka faa’iideysteen: 1 su’aalood

 

Isugeyn Dhibcaha ay heleen: 13 dhibcood

 

Gobalka Karkaar (Qardho)

 

Su’aalaha la weydiiyey: 10 su’aalood

 

Su’aalaha ay ka jawaabeen: 5 su’aalood

 

Su’aalaha ay garanwaayeen: 5 su’aalood

 

Su’aalaha ay ka faa’iideysteen: 1

 

Isugeyn Dhibcaha ay heleen: 11 dhibcood

 

Waxay halkaasi guusha ku raacday kooxda Galgaduud oo helay 13 dhibcood, halka Kooxda Karkaar ay heshay 11 dhibcood, tartan aqooneedkan ayaa ahaa mid xiiso badan oo labada kooxood aad isugu dhawaayeen dhanka dhibcaha.

 

Tartanka habeen danbe oo Talaado ah (25 Agoosto 2009) wuxuu u dhaxeeyaa gobalada:

 

Bari vs Banaadir (Group A)

 

Tartan aqooneedka bisha Ramadaan ayaa habeen walba dhici doonaa haduu eebo idmo, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka, ayadoo tartanka uu dhici doono habeen walba 9:30 fiidnimo (Saacada Afrikada Bari).

 

Hadaba si toos ah kala soco Tartanka Qeybta dhageysiga LIVE RADIO, dhamaan Natiijooyinka iyo isku aad aadka Gobalada waxaad ka daalacan kartaa qeybta webka Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan (HALKAN)

 

Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaanka, ayaa waxaa iska kaashaday shirka Isgaarsiinta ee Telcom Puntland iyo Warbaahinta Horseed Media.

 

Horseed Media

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this