Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoosh ” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Waa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay cida noqoneeyso ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshin ka keeneen Gudoomiyihii.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu noqonayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudey.

“Sida uu qorayo qodobka 8,aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka,muudeey ayaa ah gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaama Jawaari uu mooshin ka yaallo,taasina waa wax iska cad oo hay’addaha dastuuriga ay dhammaan wada ogyihiin “ayuu yiri Wasiir Xoosh

Baryihii ugu dambeeysay ayaa qilaaf ka taagnaa cida noqoneeyso ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Shalay ayaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaan waxa uu isugu yeeray Xildhibaanada si loo guda galo Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Putland Post Muqdisho

The post Xoosh ” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Waa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this