Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo kusoo wajahan Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdi xidlhibaano ah oo uu hogaaminayo oo Muqdisho uga qeyb galay furitaanka kalfadhigii saddexaad ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib ugusoo laababanaya Garowe.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay guddoomiye Jawaari oo haatan uu ku furan yahay mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro.

Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafada kula hadlaya Garowe marka uu soo dago, waxaana la filayaa inuu ka warramo safarkiisa Muqdisho iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan barlamaanka Soomaaliya iyo mowqifka barlamaanka Puntland uga aadan arrintaas.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this