Sign in to follow this  
Deeq A.

DP World qodobadii lagu heshiiyey midna may fulin dekeddiina way haysataa hal sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiiska DP World iyo Somaliland ee Dekedda Berbera waxa ku caddaa qodobo badan oo ay fulinayso DP World ka hor la wareegista maamulka dekedda. Waana waxyaabaha marka ay samayso ay yeelanayso share-ka 65%-ka ah. Waxa la yaab leh qodobadii oo aanay midna xataa bilaabin in ay muddo sannad ah maamulanayso dekeddii yarayd ee dalkani lahaa. Bal eeg akhriste waa kuwan qodobadii ay ahayd in ay fuliso oo weli aan laba hadal hayn:

Wixii loo bixiyey nuxur heshiis oo khilaafsanayd Sharciga ansixinta heshiisyada ee Golaha Wakiilada.

Heshiiskii rasmiga ahaa lama hor keenin golaha wakiilada.

  1. Dekeddii 400 meter dhamayd ee ay ahayd in DPW ay dhisayso bilawgaba oo aan dhicin ilaa hadda
  2. Qalabkii cusuba ee casriga ahaa ee ay dekedda hore u keenaysay oo iyana noqotay khad warqad lagu qoray keliya
  3. Qodob ahaa in Dekedda hore ay dayactirayso DPW oo casriyeynayso lagama hayo
  4. Qodobkii ahaa in dekedda maamuli doonto shirkad ay ku bahoobeen JSl iyo DP World oo ka kooban guddi (Board of Directors) oo labada dhinac ka kala socda; oo iyana beenawday
  5. Deked ah barxdda (terminal) la dhigo containerska oo 400 meter ah oo heshiisku dhigaayey in ay DPW dhisayso, iyana lama hayo.
  6. Free Zone-kii ahaa in DPW dhisayso; iyana hadalkeedaba daa.
  7. Wadadii Berbera corridor ee ugu sii mudnaa heshiiska oo afka uun laga sheego.
  8. Mashaariicdii horumarineed ee ay ka mid ahaayeen beeraha, dalxiiska, kallumaysiga, biyaha, korontada & waddoyinka ee UAE ka fulinayeen JSL; lama hayo xataa hal mashruuc.
  9. Dhalinyarada reer Somaliland ee shanta kun lagu sheegay oo loo shaqo geynayey UAE sida umadda loo sheegay lama hayo.
  10. Passport-kii JSL ee la ina yidhi waxa lagu tegayaa oo la inoo ogolaaday UAE; may dhicin iyana.

Waxa heshiisku dhigaayey in 35% ay leedahay JSL, 65% ay leedahay DPW; maantana qorshe kale ayaa umaddii loo sheegayaa oo 3 gees ah.
Waxa ku caddaa heshiiska in aan dhinacna aanu iibin Karin wax share ah 5ta sanno ee ugu horreeya; taas oo iyana la buriyey.
Qodobkii ahaa marka ay dekedda cusub ee 400m ah ay dhisto DPW ayey la wareegaysaa maamulka; oo la buriyey toosna ay ula wareegtay iyada oo aan caday gelin.

Waxa is weydiin mudan DPworld oo aan qodobadaa midna fulin ama bilaabinba,welina aanay caddayn in ay fulin doonto mustaqbalka dhow; waa kee mashruucan maalgashiga ah ee la inoo sheegayaa, ee DPW inagula shuraakawday, ee ay 51% leedahay ee weliba ay cid kale shares ka sii iibinaysa?
Ta kale waa maxay sababta iyo sharciga u ogolaaday in ay muddo sanad ah DPW maamusho Dekedeenii, Dakhligii oo bishii dhawr milyan oo dollar ahna iska gurato; iyada oo aan misbaar baa ugu yaroo aan dalka ku soo kordhin?. Arrimahaas marka la isku daro, waxa inoo muuqata in heshiiskan uu jiro madmadaw u eg khiyaamo qaran.

Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this