Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo:MSF Team Performing Eye Surgery.(VIDEO)

Recommended Posts

Cowke   

This is a very good video of the important health services being carried out by msf team in galkayo!!!

 

You can watch the video here

MSF

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gaalkacyo: 5 sanno jir Talyaani oo 800 Dolar ugu deeqay Isbitaalka Gaalkacyo & Dhaqaatiirta oo bixin doona waqtigooda....

21. maj 2010

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Gaalkacyo(AllPuntlabnd)- Isbitaalka Gaalkacyo oo gaaray meeshii ugu xumayd ee abid uu cagta dhigo, ayaa hada ladoonayaa in wax laga qabto, waxaana maalmihii ugu dambeeyey ee socday dadaalo adag oo ku wajahan dhismaha Isbitaalka guud ee gobalka Mudug, oo xirnaa wixii ka dambeeyey markii laga cayriyey Hay'adi gacanta ku haysay ee MSF-Holand.

 

Dhaqaatiirta gobalka Mudug ayaa ka qiray gudaha madal looga hadlayay xaaladaha Isbitaalka in ay waqtigooda ku bixin doonaan Cusbitaalka in ay dadka ku qaabilaan, loogana baahan yahay dhamaanba dadweynaha in ay qeyb wanaagsan ka qaataan dhismaha hada la bilaabi doono.

 

Gudoomiyaha gudiga dhaqaatiirta ee gobalka Mudug Prof, Maxamed Jaamac Salaad oo mudo dheer ka soo shaqeynayay xaaladaha Isbitaalka Gaalkacyo, ayaa sheegay in uu mudo dheer ku raad joogay waxka qabashada Isbitaalka, balse aysan suuragalin markii ay jireen xaalado badan oo wax loogu dhimayay Isbitaalka.

 

Prof, Maxamed Jaamac oo caan ku ah arrimaha neerfayasha ahna dhaqtarka kaliya ee jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in uu mudo dhan 10 sanno joogay Isbitaalka, mar kastana uu keenayay adeegyo caafimaad, laakiin adeegyadiisii oo dhan ay noqdeen kuwa aan waxba tarin, markii lugu shaqeyn waayay.

 

Dhaqtar ayaa soo bandhigay arrin dadkii gogosha fadhiyey oo dhan ka fajacisay oo ahaa in Wiil udhashay dalka Talyaaniga, markaasna jira 5 sanno oo kaliya, waalidkiisana ay siiyeen 800 Dolar, ayna ugu talagaleen in uu ku sameysto xaflad sannad guuradiisii dhalashada, ayaa usoo diray Isbitaalka Gaalkacyo, markii uu arkay xaaladaha murugsan ee uu ku sugan yahay Isbitaalka Gaalkacyo.

 

Isimada gobalka Mudug, Madaxda dawladda, Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ayaa balan qaaday in ay sida ugu dhaqsaha badan u aruurin doonaan aduun gaaraya 400,000 Dolar, taas oo lugu dhisayo Isbitaalka Gaalkacyo oo ay dhisme ugu dambeysay sannadkii 1935-tii.

 

400,000 Dolar ayaa dhowraysa in ay bixiyaan dadka udhashay gobalka Mudug, maadaama ay lamahuraan tahay in ay Gaalkacyo hesho adeegyo caafimaad oo xor ah, markasna aysan cidna cid ka xigin, waxaana looga fadhiyaa Bulshada Mudug in ay dhisaan Isbitaalka Gaalkacyo.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good development, dhaqaatiirta alaaba Afrika tagta qaar daacada iyo qaar doonaya oo kaliya cid ay ku barbartaan raba ayeey isugu jiraan. Allaha ka qabto kuwa noocasa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this