Sign in to follow this  
Som@li

Cilmi-baaris ka Hadleysa Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Som@li   

Horudhac

 

Daraasado badan oo ay ku jiraan kuwa ay sameeyeen hey’ado waaweyn oo Midowga Yurub ka tirsan, cilmi-baarisyo fara badan iyo weliba kuwo kale waxay dhamaantood caddeeyeen in carruurta ajnabiga ah gaar ahaan kuwa qaxootinimo ku yimid Yurub ama ay dhaleen waalid qaxooti ah in ay liidato najiitada waxbarashadooda, marka lala barbardhigo kuwa u dhashay wadamada ay yimaadeen. Aniga oo ka duulaaya hadalkaas (arintaas) isla mar ahaan taana arkay xaaladda qoysaska iyo carruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub ayaan waxaan go’aansannay in aan darso waxbarashada carruurta Soomaaliyeed, si aan wax uga ogaado sababta dhalisay arrintaas.

 

Waxaa muuqata balse aan lagu baraarugsaneyn in heerka aqooneed ee ardayda Soomaaliyeed ee Yurub deggan aysan gaarsiisneyn meeshii ay waalidkood rabeen. Waxaa soo baxday in qaar badan oo ka mid ah carruurta Soomaaliyeed aysan gaari karin heer jaamacadeed. Murugada ay arrintani keeni karto waa mid aanan la qiyaasi karin, balse waxaa la saadaalin karaa in ay noqoto mid saameyn adag ku reebi karta qoysaska Soomaaliyeed ee Yurub u soo nolol iyo mustaqbal raadsaday.

 

..>> Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

macalinka%20ardayka%20copy.jpg

Waxaana muuqata in ardaygu uu maalin walba uu u dhexeeyo saddex duni oo aan isku nidaam aheyn, gaar ahaan marka aan joogno Yurub. Saddexdaas duni waa GURIGA, DUGSIGA iyo BULSHADA. Waxaa la oran karaa mid walba oo ka mid ah sadexdaas duni ee uu ardaygu maalin walba la xiriiro waxaa ka dhexeeyo dagaal iyo khilaaf joogto ah, mid kastana si ka duwan midka kale ayuu wax u qiimeeyaa. Mid walba oo saddexdaas ka mid ah waxa uu ardayga ka dalbadaa wax ka duwan midka kale. Sababtaas ayey u adkaataa nolosha iyo barbaarinta carruurta iyo waxbarashada ardayda, gaar ahaan haddii uu ardaygaasi yahay mid ajbani ku ah bulshada uu ku dhex nool yahay. Guriga waxa uu kula kulmaa waalidka iyo walaalaha, dugsiga waxaa uu la kulmaa macalimiinta iyo ardayda kale, bulshada waxa uu kula kulmaa saaxiibada, deyriska, iyo bulshada guud ee suuqa. </text-align

Daraasadani waa mid aad muhiim u ah, una baahan in waxtarkeeda iyo tala-siintada Soomaalida oo dhami ka wada faaideysato. Ma aanan arag shaqsi Soomaali ah oo sida Dr-kan isugu taxalujiyey cilmi-baaristan khuseysa waxbaradasha Caruurta Soomaaliyeed, waana daradadii ugu horeysey oo aan oran karo waxa ay jamcisey dhibaatooyinka cadada badan ee qoysaska iyo caruurtoodaba ka haysta la qabsashada iyo ka meel keenida waxbarashada dalalka Yurub.

 

Insha-Allah ma labaad ayaan yara milicsan doonaa qoraalka dakhtar kasi aan uga dhiibto fikradahayga iyagoo faahfaahsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this