Deeq A.

Maxaabiistii Alshabab ee Garoowe ugu xirnayd dhaqancelinta oo Alshabaab dib u iibsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaabiistii Alshabab ee Garoowe ku xirnayd oo Alshabaab dib u iibsatay

Maalinimadii shalay ayaa la ogaaday inay baxsadeen 13 ka mid ahaa dhalinyaro ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo bishii Marso ee sanadkii 2016 lagu soo qabtay dagaal ku dhex maray Ciidamadda Puntland iyo Kolonyooyin ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo doonyo kaga yimid Koonfurta Soomaaliya dagaalkaasoo ka dhacay xeebaha ku teedsan Badwenta Hindaya ee  kulaala dhulka Puntland. Xiliga ay baxsanayeen Maxaabiistan ayaa la sheegay inay aheyd abaarihii 12kii habeenimadii Axada, waxaana goobjoogayaal ay u sheegeen inaysan jirin wax rasaas ah oo ka dhacday jeel guriga ay ka baxsadeen maxaabiistu.

 

Maxaabiistan dhaqan celinta loogu tala galay oo tiradoodu gaareysay 40 qof, kuwaasoo ka tirsan ururka Al-shabaab, ayaa ka koobnaa dhalinyaro iyo caruur, waxaana lagu xiray xabsiga magaaladda Garoowe, balse markii danbe looga soo wareejiyey guri ku yaal magaaladda gudaheeda, gurigaasoo loogu magac daray “Save House”, kadib markii lagu dooday in da’doodu ka hooseyso 15 sanadood. Gurigan ayaa waxaa maamulkiisa lagu dhaqaaleeyey urur Waddani ah oo loogu magac daray Puntland Youth and Social Development Organisation (PSA), iyadoo hawlwadeenka ururkaasina uu ku magacaaban yahay Abdifatah Mohamed Sugulle oo ah nin si weyn uga ag dhow Madaxtooyadda Puntland, waana ninka Saddexda goor heshiiska la saxiixday hayadda UNICEF.

 

Wejiga Koowaad ee Mashruucan ayaa dukuminti la helay wuxuu muujinayaa in mashruuca  Children Al-shabaab armed Force Group (CAAFAG) 38 caruura oo ka mid aheyd maxaabiistii dagaalka lagu soo qabtay ay hayadda UNICEF  ku bixisay dhaqaale dhan 86% oo u dhiganta US$ 259,449.00 (Laba Boqol Konton iyo Sagaal Kun, Afar Boqol Afartan iyo Sagaal Doolar) Lixda bilooda ee wajiga Labaad ee  oo ka soo bilaabanayey 24kii January 2017kii. 23kii Agoosto 2017kii Waxaa mar kale Haya’dda UNICEF heshiis kula gashay ururka Puntland Youth and Social Development Organisation (PSA)  inay ku maamulaan dhaqaale dhan $165,450.00 (Boqol Lixdan iyo Shan Kun, Afar Boqol iyo Kontton Doolar) 40 Maxbuus oo ka mid ah mashruuca  Children Al-shabaab armed Force Group (CAAFAG)

 

large-Copy.jpeg

 

Dhalinyaradan iminka la soo sheegayo inay ka baxsadeen gurigii lagu hayey ee “Safe House” ee magaaladda Garoowe ayaa u badnaa caruur iyadoo warar kalena sheegayaan inay ka mid ahaayeen rag ku jiray da’da dhalinyaranimada, balse lagu qoray kuwa aan sharcigu xukumi karin, waxaana tiradooda guud ay aheyd 60 qof balse waxaa magaaladda Muqdisho loo gudbiyey 20 ka mid ah oo ay gacanta ku hayaan Ururka Waddaniga ah ee Alamagan. Hayadda UNICEF ayaa mudaddii gacanta lagu hayey maxaabiistaan waxaa ay ku bixisay Adduun gaaraya Nus Milyuun Doolar oo loogu tala galay masaariifta Maxaabiista, Agabka waxbarashadda, mushaharka macalimiinta wax u dhigeysa, hugooda iwm.

 

Waxaa iminka la helayaa warar sheegaya in dhalinyarada baxsatay ay intooda badan dhaafeen xiligii caruurnimada wixii ka danbeeyey markii la keenay magaaladda Garoowe, balse aysan aheyn kuwo  aqoon fiican u leh haddii ay baxsadaan halka ay wajahi doonaan. Warku wuxuu intaas ku darayaa in la la’yahay ilaa iminka 12 ka mid 13ka baxsaday, iyadoo ciidamadda amaanku ay dib u soo qabteen hal wiil oo keliya, kaasoo la sheegay inuu magaaladda gudaheeda kaga haray saaxiibadiis, balse si dhab ah looma oga halka ay ku sugan yihiin iyo dariiqa ay magaaladda Garoowe kaga baxeen. Waxaa si weyn u soo baxaya  tuhun sheegaya in si farsameysan lagu kala iibsaday dhalinyaradaas, iyadoo ay is dhaafsadeen Hay’adii gacanta ku haysay iyo wakiilo ururka Al-shabaab u jooga magaaladda Garoowe.

 

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dhalinyaradaas ay iibsadeen ururada Al-shabaab ama Daacish ee ka dagaalama buuraleyda Cali Miskeed iyo Cal Madow ee Goboladda Bari iyo Sanaag. Arrintu siday doonto ha ahaatee, , waxaa cad inay jirto farsamo heer sare ah oo dhex martay kooxo lacag raadis ah oo u bareeray inay iibsadaan Maxaabiis ka diiwaangashay Hayaddaha Qaramadda Midoobay, balse gacan ku hayntooda lagu ogaa maamulka Puntland.

 

Hoos ka akhriso heshiiska PSA iyo Hay’adda Unicef.

 

dukuminti-Copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

DEGDEG: Afar sarkaal oo kamid ahaa Ilaalada Al-shabaabkii ka baxsaday Garoowe oo xabsiga la dhigay.

 

Wararkaan haatan ka helayno magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe la dhigay afar kamid ah ilaalada Al-shabaabkii ka baxsaday xaruntii lagaga hayey gudaha magaalada Garoowe. Saraakiishani la xidhay ayaa lagu helay kiisas iyo cadaymo miuujinayo in ay qayb ka ahaayeen qorshihii ay ku baxsadeen ragaasi ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana qaarkood lagu eedaynayaa in ay ku qaateen fulinta qorshahaasi lacago aad u badan.

 

Sidoo kale waxaa iyaguna baadhis lagu hayaa isla markaasna lagu guda jiraa kiisaskooda saraakiil fara badan oo ka tirsan Laamaha amaanka Puntland kuwaas oo ciidamada amaanku ay ku wadaan baadhis xoogan. Ciidamada amaanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah rag ka tirsanaa Al-shabaab oo ka baxsaday xarun lagaga hayey magaalada Garoowe, kuwaas oo xiligii gacanta lagu dhigayey cararayey deegaano Baadiye ah oo ka tirsan gobolka Nugaal, waxaana qorshihii ay ku baxsadeen ragaasi ku lug yeeshay qaar kamid ah ilaaladoodii oo haatan xabsi ku jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

puntland people and police did good work finding them.

 

niyoow the guards and the family that was looking after the kids must face justice. in big society you will always have stupid people but what matter is the action regular people and government take. there was big uproar niyoow after news came out and every geeljire, every city person started searching to find the idiots who escaped. puntlanders are united against this. 

 

guul iyo gobanimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.