Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaalkii Alshabaabka ahaa ee Garoowe dhaqan-celinta loogu hayay oo baxsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

dddddd.jpg

 

Garowe (Puntlandi) Warsidaha Puntlandi ayaa raadiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in 10 kamid ah Maxaabiistii Shabaabka ahaa ee ku xirnaa Garowe ay baxsadaan. Maxaabiistaan oo ahaa kuwo loo sameynayay dhaqan celin, da’doouna ay udhexeysay 17,18, iyo 19 jir, kuna xaraysnaa guri kuyaala Garowe,  ayaa qeyb ka ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Suuj iyo Garacad ee sannadkii 2016 ku dhexmaray Puntland iyo kooxda Alshabab. Weriyaha Puntlandi ee Garowe ayaa xidhiidh qadka taleefonka la sameeyay taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe Dhamme Maxamuud Muuse Bille, wuxuuuna u xaqiijiyay arrintaan inay jirto, balse ay ciidanka iyo saraakiishu wadaan baariraan xoogan oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysa arrintan.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay inuusan kala cadayn karin in carruurtaas Shabaabka ahaa si ula kac ah ooda looga qaaday ama inay iyagu ka baxsadeen, waxaase uu cadeeay inay hayaan hal qof oo looga shakisan yahay inuu kamid ahaa iyaga oo ay saakay ciidamadu soo qabteen. Hay’adda Unicef ayaa Carruurtaan Shabaabka ah oo tiradooda guud ahayd 60 horey loogu wareejiyay masuuliyadooda, kadib markii ay dowladda Puntland, si ay dhaqan celin ugu sameyso.

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this