Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil uu Farmaajo Xilal U Magacaabay Lagu Xidhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo oo mas’uuliyiin uu xilal u magacaabay lagu xiray Hargeysa
 

Saraakiil uu Farmaajo Xilal U Magacaabay Lagu Xidhay Hargeysa

Xukumada Kornayl Muuse Biixi ayaa xabsiga  dhigtay saddex nin oo la shaqeeya taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha  madaxwaynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo u soo magacaabay Somaliland. Ciidanka booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex nin oo Hargeysa kala shaqaynaayay Sarkaalkaa Farmaajo usoo magacaabay laanta socdaalka Iyo jinsiyadaha Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Maxamed Isxaaq oo ay isku juffo hoose yihiin madaxwaynaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi. 

 

Seddaxdaan nin ee Hargeysa ku xidhan ayaa waxaa ka mid ah Khadar Xuseen Axmed oo madax ka ahaa xafiiska Sky Travel Agency oo ku yaalaa badhtamaha suuqa Hargeysa.

Ragaan la xidhay ayaa xoggaha warbaahintu heshay tibaxayaan inay si toos ah ugu sameyn jireen Hargeysa baasaboorka Soomaaliya oo si caadiya ah dadka Somaliland ay ugu socdaalaan dunida.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this