Deeq A. Posted February 19, 2018 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka soo laabtay Safar uu ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmay wada hadalo u dhaxeeyo Itoobiya iyo ONLF ayaa ka hadlay wada hadaladaasi. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirarkaasi ay yihiin kuwa guuleeystay islamarkaasina laga hadlay arimaha kilinka shanaad oo ay ka jireen khilaafaad u dhaxeeyay Itoobiya iyo ONLF. ” Safarka aan Nairobi ku soo maray waxa uu ahaa safar dhex dhexaadin ah oo geeska Afrika ah waxyaabo ku saabsanaa Laakiin taasi aan isleeyahay in guddiyo ka shaqeeynayay arimahaasi wax iska miro dhal ah beey aheyd , Waxa ay aheyd arimo lagu dhex dhexaadinayo Kilinka Shanaad” ayuu yiri Axmed Madoobe Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay ka qeeyb qaataan wadahadaladaasi si meesha looga saaro khilaafaadka ragaadiyay kilinka Shanaad. Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa dhowaan waxaa ka furmay wada hadal toos ah oo dhexmaraya Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo ka soo horjeedo dowlada Itoobiya. Hoos ka Dhageyso codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Madaxweynaha-Jubbaland-Axmed-Maxamed-Islaan-Axmed-Madoobe-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Axmed Madoobe oo ka hadlay Wada hadalada Itoobiya iyo ONLF appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites