Deeq A.

How Boocame was captured?

Recommended Posts

Deeq A.   

Image result for boocame ugaas maxamuud

 

Xiisad Colaadeed ayaa markale ka soo cusboonaaday magaalada Boocame oo Garoowe 30Km ku dhowaad toosnaanta quman kaga beegan galbeed kadib markii koox dabley ahi ay warbaahinta ka sheegeen in Somaliland lawareegtey.

 

Arintan oo Jaahwareer ku ridey dadka degan magaalada Boocame oo aan inta badan warbaahinta maahaane aan waxba ka kala socon dhacdooyinka runta ah ee ka socda gobolka Sool, waxana ayna is weydiiyeen xilliga ay qabsatay Somaliland magaaaladda ay ku nool yihiin ee Boocame.

 

“Waxaan la yaabanaa warka baraha Bulshada aan ka arkay hadaan magaalada galayna waxaan ka warhelay in ciidan loo qoray Somaliland oo la geeyey magaaladda geeskeeda isla markaasna magaaladda Laascaanood Suxufiyiin laga soo diray ay ka soo duubeen muuqaal nin Korneel sheegtay  oo sheeganaya in uu ka tirsan yahay ciidamadda Somaliland isla markaasna ay ciidankiisu qabsadeen magaaladda Boocame” sidaana waxaa ii sheegay Cabdilaahi Cumar oo dadka degaankaas ka mid ah.

 

Qalalaasahaasi ka dhashay oo kiciyey bulshada degaankaas ayaa wuxuu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq lagu diidan yahay sii joogida ciidka degaankaas looga qoray Somaliland, iyadoo ay waqtigan taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.

 

Xaaladda ka taagan Boocame ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan in ay ka dhalatay laba Arimood oo tan hore ay tahay khilaaf ka dhashay Saldanada Beesha deegaankaas ka dib markii uu geeriyoodey Ugaas C/laahi Ciise Nuur Ilaahay ha unaxariistee cidii buuxin lahayd booskiisii.

 

Nin lagu magcaabod Cabdi Xasan sarkaalna ahaa ayaa isgu isu wadey in uu xaq u leeyahay dhaxalka Isimnimo, maadaama 2008dii uu xilkaas isagu isu caleemasaaray, waxaana uu taageero ka helaayey Somaliland oo oodi weyday in ay hanato  madaxda dhaqanka ee beelaha Sool, Sanaag iyo Caynba. Gudidii hore loogu xilsaaray xulista Ugaaska Beesha ayaa ka talaabsaday Sarkaalkan isla doonayey in uu hanto xilka Isinimo ee beesha,  waxana dhaliil uga dhigeen  in uu yahay  nin fidno iyo fawdo beesha horey ugu jideeyey, waxayana Guddigaasi u calaamadiyeen wiil la sheegay in bulshadda deegaanku si weyn ugu guuxaysay hadal hayntiisa kaasoo uu dhalay  Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo xilkaas ka geeriyooday.

 

Haseyeeshee, Sarkaalka lagu magacaabo Cabdi Xasan ayaa wuxuu wacad ku maray inaanay laba lagu lulan doonin, wuxuuna taageero u doontay dhinaca Hargeysa oo xiligaas diyaargarowga ay Tukaraq ku qabsadeen ku hawlanayd, waxaana adkaatay in codsiga Sarkaalkan uu u helo jawaab deg deg ah, balse lagu wargeliyey in uu jawaabta sugo.

 

Arrinta Labaad;  Cali Khaliif Galaydh oo Somaliland ugu hanjabi jirey hadii aan Puntland lagula duulin in uu heshiiskii ka baxayo taageero ciidan oo uu isku haleeyona aan degaanka uu ka soo jeedo ku lahayn ayaa loogu bushaareeyey in laga aqbalay, waxana loo raaciyey in uu diyaariyo 600 oo ciidan ah oo loo qarameeyo. 

 

Galaydh oo qaybta ku koobay beelihii u debecsanaa ayaa beeshiisa siiyey 250, halka Widhwidh beelaha degana uu 150 ugu abaal gudey maadaama uu waqtigii adkaa la deganaa, Boqolka soo hadhayna waxa uu u diray in uu ku ciil boxo Cabdi xasan oo uu ku soo ceshado Ugaasnimada dhaca kaga maqan, taas oo ah ta maanta isa sudhay Boocame dadkeeda una taagan in dhexdooda ay colaadi ka dhacdo. Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa soo shaac baxaya inay furantay Jiidii Labaad ee ay fooda iskula geli doonaan ciidamo kala taabacsan S/land iyo P/land. Magaaladda Boocame ayaa ah mid ay ku xoog weyn yihiin taageerayaasha maamulka Puntland, waxaana ciidamo ka tirsan deegaankaas ay dhufeyska ku weheliyaan kuwa Puntland, ayaa la is weydiinayaa cawaaqibka mustaqbalka dhow ka dhalan doona magaaladda Boocame.

 

Madal Furan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.